site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Aflagaadada Rasuulka loogaystay (scw)

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Aflagaadada Rasuulka loogaystay (scw)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
Waxaa rasuulka shariftiisa wax ka sheegay Dr Dusuuqi oo kamida Hisbiga Islaaha ee Soomaalia oo nabi Muhamd ku eedaynaya Dooq xumo Iwm Islam iyi musliimntu maxay kaqabaan arinkaas foosha xun?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QIIRAYSANE

Unrecorded Date
Asalama calaykum.
To: Aadan.
Waa wax aan loo dulqaadan karin, (CULIMADA ISLAAMKUNA WAXAY KU XUKUMEEN QOFKII RASUULKA CAAYA SCW DIL & QOORGOYN.
Markaa cod kale ma lehe ninka waa in nolasha laga qariyaa oo ciida hoosteeda si sahala loo geeya.
Waliba waxuu jooga sida igu maqaala xamar oo si fudud ama dhib yar bahasha la isu dhaafin karo, HADAAN SAAS LA YEELAYN MEELAHA WAR HA LALA FARFADHIYEE FARAHA HA LAGA QAADO CIDII DIINTAN & RASUULKEEDA SCW WAX KA SHEEGTA.
AMA MUKHAAYADAHA HA LOOGA SHEEKSHEEKEEYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum Salaan kadib walaalyaal runtii waan dhagaystay cajiladaha ay duubeen Dr Ibraahim tusuqi iyo SH:Alqdubi iyo sheekhatul AZIIZA!!!.
Runtii waa wax lag naxo in nin cilmi maadi ah iyo mid diineed qofsheeganaya isla markaana Nebi muxamad(csw) uu ka baxsan wayay, isla markaana raba inuu beeniyo axadiihta saxiixa ah.

anigu waxaan arkaa in arinkaa loo bandhigo culimada waawayn sida SH. ALBAANI,CUTHAYMIIN,SHRIIFCABDINUUR SHARIIFXASAN etc.

Sh.nuur baaruud oo ay isku manhaj yihiin ayaan ka dhagaysatay isaga oo dhahaya nimankaasi way khilaafeen manhajkayagii marka hala ogaado laakiin arinkaasi redin manoqon karo.

wasalaamu calykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salaamu Alaikum

Ikhwaanii Marka hore Alaah aan kacabsano! Nimankaan iyo Gabdhaas Khaladaad xun xun weysameeyeen laakiin hade sida loo buunbuuninayo xaalku maaha. Aniga shaqsiyan ikhwaani ma ihi oo Alxamdulilaah Salafi ayaan ahey, laakiin waxaa muhiim ah in dadka muslimiinta ah aan lagu xad gudbin.

Waxyaabaha ey kuqaldameen waxa weeye In ey yiraahdeen Qogka Dumarka ah Madaxweyne wey noqonkartaa iyo Gabdhaha Muxsinaatka ah inuu Khudubi uu wax aan loo adkeysan karin kasheegey, iyo in Dusuqi uu dhahay "Nabiga NNKH wuu iga dookh fiican yahay", Marka Hadalkaan ugu danbeeya ayaa loobaahan yahay faham Camiiq ah in lafahmo, Waxaan arinkaas sifiican uga hadli kara Sheekhu Soomaal Shariif C/nuur. Arinkaasna Culimo kale ayaa radisey oo ey Kamid yihiin Sheekh C/qaadir Nuur faarax oo jooga Garoowe iyo Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo jooga Laascaanood. Marka Shariifka warkaan haloo bandhigo oo hadalkiisa aan sugno.

Waslaaamu Alaikum Waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QIIRAYSANE

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.

TO: DR WHO,
Saaxiib waad mahadsan tahay ilaahay ajar ha kaa siiyo nasteexadaada, balse ogow diintani waxy ku ilaashan tahay carabada dadka wadada toosan haya,marna loo dulqaadan maayo qofkii ku gafa waxaana hadalkaga ka muuqda inay nimankaasi gafeen.
Markaa aniga waxay iila muuqata dadkaasi in ay alah& rasuulkiisa meel uga dhaceen saas la ajligeed aduunkana ciqaab bay ku heli doonan aakhirana hadaysan toobadkeenin ama alah cafin waxay ku jiraan khatar balse cidna waa ehelu naar dhihi mayno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu alaikum

Walaalayaal Radiga nimankaas waxaa bishaan radiyey Sheekh Shible oo Holland jooga, wuxuuna radigaas kuduuban yahay Cajal Vidio ah ee fadlan raadsada.

Salamu aAlikum

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QURBAAWI

Unrecorded Date
BISMILLAHIRAHMANI RAHIIM
HAL DIIDAYSAA GEED AY KU XOQOTO MAWAYDO.
WAXAAN HALKAAS KA ARKAY IN LAGU DAGDAGAYO GAALEYNTA CULIMADA ISLAAMKA. IYADOO NABIGU YIDHI CALEYHISALAATU WASALAAME QOFKA QOFKALE GAAL KU SHEEGA HADUUSAN AHEYN QOFKA LAGU SHEEGEY KUWA KALE AYEY KU SOO NOQOTAA AWKAMAAQAAL SALLALLAAHU CALEYHI WASALLAM. bACDA DAALIKKA CIDINA MAY AFLAGAADEYN NABIGA DASUUQI WAXAAN HUBAA INUU NABIGA IDINKA JECELYAHEY´1000%.SALLALLAAHUCALEYHIWASALLAM. HADALKA SHEEKHANA SHAYAADIIN AYAA ROGTAY OO XUMAYSEY ILLAHEY KA BAQDA KUWA ITTIXAADKA SHEEGANAYOW EE FITNADA IYO BALAAYADA UMMADDA ISLAAMKA EE SOMALIYEED KA DHEX WADOW. DUSUUQI WAA CAALIM KA MIDA CULIMADA MUSLIMIINTA TAARIIKHDUNA QORI DOONTO SIDA UU DIINTAN UGU HIILIYEY ANNAGUNA KA MARAGNAHEY MAALINTA QIYAAMAHA.SIDOO KALE QUDUBI.
WAAR ILLAHEY KA BAQDA KA TOOWBADKEENA DHIIGII MUSLIMIINTA SOMALIYEED EED KU GASHEEN. ILLAAHEY U SOO NOQDA OO KA DAAYA WAXAAD UMMADDA KU DHEXWADDAAN. HADII KALE SEE ILLAHEY BAAN MARAG KACAYNAA INAAD FITNO WALAAYAAL TIHIIN. ITTAQULLAHA TACAALA. DHAGIHII ILAHEY WAANIYEY BAA WAANSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaah

Walaalayaal Allaah ayaan weydiisanaynaa inuu nagu sugo wadada xaqa ah waxaa sugan xadiis Nabiga (SCW) laga wariyey oo ahaa in umaddan ay u qaybsami doonaan 73 firqo mid kaliyana ay janada ka gali doonto waxaana Allaah ka baryayaa inuu naga dhigo firqadda uu nabiga sheegay (SCW) ee uu yiri waa tan ku taagan oo haysata waxaan aniga iyo asxaabtayda haysano.

Walaalayaal intaad magacyo la baxdeen khaasatan ragga hadaad tihiin ayaa hadana maalin kasta waxaan maqalnaa waxaan ka naxno walaalayaal waxaan idiinkaga digayaa inaad koox (firqo)uun intaad ku dhegtaan aad hadana eedaynta kooxda kale u soo taagnaataan oo ay idiin muuqan weydo xumaanta uu sameeyo midka aad isku kooxda sheeganaysaan. Walaalayaal weynu ognahay waxa ay diintu ka qabto TAQLIIDUL ACMAA iyo khatarta uu leeyahayba ee aan iska ilaalino.

Hadaan mowduuca u soo laabto kuwa leh ha ladilo Dusuuqi waxaan dhihi lahaa maxaa daliil cad ah ayaad heysataan ood ku dilaysaa? Ma ka fakarteen hadalkiisa sabadtuu u yiri miyaad war ka haysaan
Waxa ku kalifay inuu sidaa u hadlo? Ma iska xukumaysaan gaalnimadiisa mase ka maqasheen hadaladaan oo kale hada ka hor? Walaalayaal aniga ma dhagaysanin cajaladda ay duubeen Dusuuqi, Qudubi iyo gabadha laakiin waxaan xukminayaa aqoonta guud ee aan sheekhaas u leeyahay, inuu ahaa sheekh khayr badnaa oo islaamka iyo muslimiintaba u gargaaray iyo aqoonta gaaban een u leeyahay waxa uu islaamku ka qabo marka ay dhacaan fidnooyinka oo kale. Waxaynu ognahay in shareecada islaamka ay banaysay in dhiig qof muslina la daadiyiyo 3 xaaladood mid kamidna uu ahaa qofka murtidka oo diinta ka baxa, in xataa qofkaas la wacdinayo ka dib markuu cadaysto gaalnimadiisa oo loo kaadinayo mudo dhan 3 bari markaa ka dib in la dilayo. Marka dadka banaysanaya dhiiga sheekhaas waxaan oran lahaa Illaahay ooga toobadkeena waxaad qorteen arintana cadaysta markaa ka dibna waxay culimadu isku waafaqaan arka kuna xukmiya. Dhagaystana cajaladii Sheekh Shariif C/Nuur oo cinwaankeedu uu ahaa Kufuu can man qaala laa Ilaaha ila Laah.

Waxaan kelmed gaara u soo jeedin lahaa Qarbaawi oo waxaan oran lahaa walaal hadii sheekha wax laga sheegay wixii wax ka sheegay ayaa ku dhib qaba laakiin adiga meel ayaan kaaga naseexayn lahaa oo ah magaca guud eed isticmaashay markaad eedaynaysay kuwa fidnawadayaasha ah. Walaal Ittixaad oo dhan eeda dusha ha ka saarin oo adiga hada meel ha ka dhicin ee Ilaahay u toobadkeen, oo khayrkii ay umada u soo qabteen ee kor u qaadida kelimada Alle meel ha ugu dhicin oo waxaan ku leeyahay hadaad ducadaada la gaabsatay oo xoogaagii la gaabsatay oo xoolahaagii la gaabsatay wax ka sheegoodana la gaabso.

Walaalayaal ha la i cafiyo hadaan anna meel ka dhacay.

Walaashiin Deggan

Sweden

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku: Deggan

Deggan Ilaahay ajar iyo xasanaad hakaa siiyo.

Anigu waan dhagaystay cajaladaha, bal waxaan dhagaystay kuwa dhiigga culummada lagu bannaystay,
Waxaana aan hubaa in dr dusuqi aad iyo aad loogu xad gudbay, xiqdi iyo xaasidnimo loo qabayna lagu gaaleeyay laguna bannaysanayo dhiiggiisa?

Bal waxaa naxdin leh in lagu soo gabbanayo difaaca diinta islaamka iyo sharafta Nebiga (SAW).

Waa dad u cad yahay meel kale.
Tusaale: Waxaan dhageystay shiikh lamagac baxay sh.Shibile oo Holland ka duubay cajal Fiidiyow ah oo ku magacaabay "khaladaadka Islaax". Ma aha khaladaadka Dusuqi iwm, bal waa tan Xarakada Islaax" Taasi waxay si fudud inoo tusaysaa "waxaa uu yahay hadafkiisu iyo cidda uu dan leeyahay", laakiin waxaa ayaan darro ah in lagu soo dhuunto "difaaca sharafta Nebiga (SAW)".
Illaa uu ninkaasi gaarsiiyay in xarakada oo dhammi Caqiidadeeda aysan toosnayn (muslimba ku jirin).
Intaa kuma ekaysan ee waxaa uu raadiyay culummo hore buugaag ay qoreen, ka dib waxaa uu ka dhex raadiyay wixii sixid u baahan, waxaana uu ka tegay wixii sax ah, wixii wanaag ahaa, dadaal ahaa, bal jihaad ahaa ay culumadaasi sameeyeen. Markuu sh.shibile soo ururiyay meelahaas sixidda u baahan, ayuu huwiyay shaqsiyadda qofkii qoraalkaas qoray, illaa uu ka dhigay inuusan ba wax wanaag ahba lahayn, bal diinta cadaw ku yahay.
Wuxuu ku gabagabeeyay sidatan:

Ka dib markii uu sh.shibile micno dhanka xun ah saaray hadalladii sh. Dusuqi ayuu wuxuu afkiisa ku xukumay dil iyo in dhiiggiisa la daadiyo.
Waxaa uu baarbaaray buugaag ay culumo hore ay qoreen (balse ra'yigooda un ah), wuxuuna kala soo baxay qoraalladii uu doonayay:
Tusaale: wuxuu ku soo gabagabeeyay sidatan:

Nin hebel (shawkaani) ayaa wuxuu buuggiisa ku qoray: In qofkii nebiga caaya waa in la dilaa.
Hadduu ula jeeday waa in la dilaa. Hadduusan ula jeedin waa in la dilaa. hadduu tawbad keeno waa in la dilaa. hadday dawlad jirto waa inay dishaa. Haddaysan dawlad jirin waa qofkii arkaa dilaa.
hadduusan hadalka ula kac u oran waa in la dilaa.
sh. shible waxaa uu intaa ku daray "Dusuqi waa in dilaa, hala dilo mar dhaw, ama hala dilo mar dambe, bal waa in la dilaa ".

Ilaahaybaa idiinku dhaarshay taasi ma diin difaacid baa ? In qof uu si xun u macnaysto qof kale hadalkiis isla markaana uu dil ku xukumo ?
Sh. shibile xaggee buu jiray markii ay ITIXAAD-ku maatada iyo waayeelka iyo caruurta muslimiinta ah ee gaajaysnayd qudha ka wada jareen, ka dib markii ay u hogaansami waayeen "siyaasadda itixaadka"?
Muxuu wax uga oran waayay? Muxuu diinta islaamka iyo amarkii Nebiga (SAW)u difaaci waayay ? Maxaa maanta soo saaray magiciisa ? balse waxaa hubaal ah in uu Dusuqi iyo al-islaax ba ahaayeen ciddi markaa qaylisay oo tiri "dadka ha daayo, yaan la dilin dadka muslimiinta ah ", Illaa ay islaax duruuftu ku qasabtay inay is-muujiyaan oo ay dadka ku yiraahdaan "dadoow waxa magaca ilaah dhiiggiina ku daadinaya , waayeelkana ku dilaya ma aha wadaaddada oo dhan, Innagu waxaa nala yiraahdaa Al-islaax, in la idin dulmiyana ma doonayno", waana marxaladdii loo bixiyay marxalatul tamyiis (kala bixii). Sabata ku kalliftayna waxay ahayd "in dadku diintaba ka cararin". Maanta ayaa waxay keentay in arrinku aar goosi gaaray, illaa maanta mar labaad la bannaysanayo dhiigga culummadii shalay difaacaysay maatadii muslimminta ahayd ee soomaaliyeed, iyadoo loogu gabbanayo "difaaca diinta islaam iyo sharafta Nebiga (sAW).

Waad mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaah

Mahad Allaah ayaa iska leh nabadgalyo iyo naxariisna dushiisa ha ahaato nabi Muxamed (scw)

Ku: Nabad doon

Walaal Allaah ayaan weydiisaneynaa inuu na waafajiyo xaqa. Runtii wey i dhibaysaa inaan wad wado arin khilaaf uu ku jiro waana tuu nabiga (scw) uu balan qaaday guri janada ku yaala qofka isaga taga dooda iyo muranka garba ha lahaadee.
Laakiin waxaa lagama maarmaan ah in loo naseexeeyo qofka walaalkaaga muslinka ah hadaad u aragto inuu kaaga baahan yahay isagaba ha mooganaadee.

Walaal Arinta aan u kala qaado labo wuxuu Sh. Shibile ka yiri fidnadan iyo wax aan adiga kaaga naseexaynayo. Sh. Shibile wuxuu ka yiri arintan Allaah ayaa ka jaaseynaya haduu asiibay iyo haduu ku gafayba anigase wey igu adag tahay inaan rayi ka dhiibto ilaa aan maqlo wuxuu yiri waayo waa tii Nabi Daauudba (cwss) uu Ilaahay ooga towbad keenay ka dib markuu xukmiyey gar uu hal ruux kaliya uun dhagaystay oo uusan dhagaysan wuxuu kii kale qabay.

Amaa naseexada aan adiga kuu soo jeedinayo ayaa waxay tahay mid lamid ah taan Qurbaawi u soo jeediyay ee ahayd walaal Ittixaad waa xarako dhan ee xarako dhan ha wada eedaynina ee ninkii wax idiin dhimay raadsada.

Midda kale waxaad tiri Ittixaad ayaa maati waayeel iyo caruur muslimiin laayey walaalow waxaan ku dhihi lahaa dambigaasna Ilaahay ooga toobad keen waayo Ittixaad ma ahan kuwa banaysta dhiiga muslimiinta waxaa ku jira dad aan u rajaynayo inay yihiin mu´miniin, saalixiin iyo shuhado kamana suurtowdo waxaad ku sheegtay ee hadaad aragtay kuwo magacaas sheeganaya oo dambigaas foosha xun galay Ilaahay ayaa la xisaabtami doono waana tuu Allaah yiri nafina ma xambaarto naf kale dambigeeda, ee Allaah aan ku deyno.

Waxaana noo roon inay afkeena ka amaan helaan dadka u taagan kelmada Ilaahay inay kor noqoto oo edbinaaya wixii is hortaaga muslinba afka ha ka sheegtee ilayn nin qalbiga muslin ka ah isma hortaagayo kelmadda Allee.

Walaashiin Deggan

Sweden

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
KU :Deggan


Aad baad u mahadsan tahay walaal, Nasteexadaada, Ilaahayna Ajar ha kaa siiyo.

Haddii aan iri Itixaad khaladaadkii hore way u dhammaayeen ,waa arrin aan sax ahayn, bal waa xad gudub (walowba aan meelo kale ku sheegay arrintaas)

Tan kale ee ah sh. shibile, waxaan jeclaan lahaa inaad dhagaysatid, inta aadan ka hadlin ka hor (haddii aadba ka hadlaysid).


Sidaas iyo nabad gelyo

Walaalkaa Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Asalam alaykum dhamaantiin


walaal maxaa weyseen wax ad ka hadashaan???!!!!!
wax ay dhegeheyga maqlaan waxaan ugu necbahay magacyada aadkor ku sheegteen,runtii waa wax laga lalaboodo sheegidooda.

Aniga maahi midna waxan ahay muslin khaldami kara sida qof kasta ookale oo bini aadam ah laakiin jecel iney diinteedaku ku dhaqmato.Intaan isku mashquulsaeen aan dayacnay dacwadii iyo waxyaalo badan oomuhiim aha.
Qofkii qaldama shaqsi ahaan hadii aa unaseexeen kartaan u naseexeeya haduu diidana allaah ayaa laxisaabtami. Maxaa xarakooyinka baas korka iniga saaray

ilaahay ka cabsada "WACTASIMUU BIXABLILAAHI JAMIICAN WALAA TAFARAQUU" ogowna qof walbow xarako iney labadii mitir nala galayn.

kuna baraaruga soomaali hadaa nahay waxaan leenahay sharci aan muslin iyo gaalo midna ay ku dhaqmin"HADAY KULA AHAAN WEYSO SIDEY ANI ILA TAHAY,WAX AA MEESHA KU HAYSID MALAHA!!!!!!!"

Khilaaf wuu jirey ilaa bilowgii risaaladaane maxaa idinka seeftiina galka uga baxsantahay?

islaaxaa dhahay............!!!!!!!!
itixaadaa dheheen..........!!!!!!!!!

Iska ilaawa waxaas meeshaan joogno waa aragtaan iæmeheeni,dadkeeni,diinteeni,sharafteenii.
qofwalbo muslim ah xil ayaa saaran aan wax barano,shaqaysano,ilaahay ka cabsano ooiska ilowno khurafaatka.

wasalaamalaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaah

Ku: Nabad-doon

Walaal Allaha kaa abaalmariyo nasteexadaad qaadatay waxaana Allaah ka baryayaa inaad ku liibaanto.

Walaal waxaad tiri waxaa fiicnaan lahayd inaad cajaladda Sh. Shibile aad dhagaysatid intaadan hadlin ka hor, runtii waan rabay inaan dhageysto cajaladdaa iyo kuwa kaleeto ee uu u jawaabayo laakiin waxaan sugayey mudo dhan bil inay isoo gaaraan oo meel ayaa la iiga soo dirayey, markaan arkay inay soo dhawayn ayaan bilaabay inaan ka dhiibto meeshan intuu Ilaahay iga waafajiyey.

Midda kale waa muhiim in mowduuca laga dhiibta wixii rayi ah ee waafaqsan kitaabka iyo sunada nabiga (scw) inta uu shidan yahay haduu damo wax faaiido oo saas inuusan yeelan ayaa laga yaabaa rayi aad gadaal ka keentay. Waxaanse ku soo gababaynayaa hadalkayga XITAA hadii aan dhagaysan lahaa cajaladaha intaan iri uun baan dhihi lahaa Ilaah idinkii waayo waxaan ogahay inay jiraan Culumo u qalanta inay arintaan wax ka yiraahdaan oo nooga awliyeysan anagga waana rajaynayaa inay wax ka dhihi doonaan intay iyaga joogaana waa afdheeri wixii la dhaho.

Wabillaahi towfiiq

Walaashiin Deggan

Sweden

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Assalaamu Caleykum Waraxmatullaah!

Waxaan Idin odhan lahaa dadoow Allaah halaga cabsado. Wacade waxaa jirra maallin aay Aslaax ama Al-Itixaad waxba kuu tareeyn ee adiga iyo camalkaa uun isla joogttin.

Your brother in Islam
Said

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Warsame:

Waxaan halkan ka akhristay afkaar kala duwan, oo khusaysa fitno la rabo hada iyo hor in la abaabulo, waxaan is leeyay rayigaaga ka dhiibo.

Marka koowaad waxaan aad ugu faraxsanahay,Soomaali inay maanta wada hadlayaan, oo ay ogolyihiin inay is dhagaystaan.

Arinta laga wada halyo waxay ila tahay, inay salka ku hayso maahmmahdii arabta ee ahayd, waxaad nacdid wanaagiisa ma aragtid. Ninka Shibille layidhaa waan dhagaystay cajaladiisa, wax badana waan ka faaiidystay, hase ahaatee waxaan kala baxay nin nacayb cid u haya inuu yahay, sidaa awgeed diintu waxay leedahay isagoo kale xukum ma ridi karo sababtoo ah dhan ayuu yahay, colaadina way sidaa.

Qof xaq u leh ma jiro inuu fasiro qof kale hadalkiisa intuu joogo kii yiri, waana la waydiiyay Dusuuqi maxaad uga jeeday waxaad tiri, wuxuuna af buuxa ku yiri nabiga(NNKH) waan jecelahay, shibiloow iyo kooxda kaa daba guuxasaay maxaad u maqli waydeen fasirkiisa ood uugu adkaysanaysaan, hadal aqbali kara fasiraad, hadaydaan uurka ka bukin.

Waan ku soo noqon doonaa, markuu qof kooxda bugta kamidihi ii jawaabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Assalamu alaikum,
Mahad-Allah ayaa leh naxariis iyio nabadgelyona Nebigiisii (Salallahu calahi wasalame)
Walaalayaal halkan waxaan idiinku soo gudbinayaa war ku saabsan arrintan laga hadlayey maalmahan.
Waxaan dhegeystey cajalada Shibile oo aad u kicisay meesha aan joogo kedib markay dhageysteen dad badan oon diinta waxbadan ka aqoonini fudaydkii Soomaalinimona u raacay. Waxaa laga sheegayey dadka kuwo kamid ahi inay yiraahdeen "lacag hala uruuriyo oo haloo diro cid soo disha Dr. Dusuuqi"!!!
Arrintaasi markay halkaa gaartay ayaa waxaa lagula xiriiray telefoon Dr. Dusuuqi iyo Sh. Axmed Baaruud. Sh. Axmed Baaruud waad wada garanaysaan waana culimada farakutiriska ah ee Soomaalida, waa culimadii diinta loosoo dhibay daraadeed, waxaa lagu xukumay dil! diinta awgeed, waa uu indho la'yahay.
Waxaa la weydiiyey arrimihii inta la turjuntay lagu xukumay gaalnimada iyo dilka, wuxuu uga jawaabay midkasta si buuxda halkanna kuma soo koobi karo. Balse cajaladii laga duubay ayaa taala ee qofkii rabaa aniga ha iisoo diro e-mail gaar ah Walaal@hotmail.com . Waxyaalaha ugu waaweyn waxaa kamid ahaa inuu yiri: Dadkani ujeedo gaara ayay leeyihiin. Waxaase ka daran oo uu sheegay inay jiraan maanta xataa isaga oo yiri sidaas iyo sidaas ayaan ula jeeday, kuwo yiri waxba kama jiraan oo lacag uruurinaya si ay u siiyaan ka dilaa intuu dunida joogo (ismayse weydiin Aakhiro cida Allah ka celin doonta) "MAN QATALA MU'MINAN MUTACAMIDAN, FA JAZAA'UHU JAHANNAMA, KHAALIDAN FIIHAA, WA QADIBALLAHI CALEYHI, WA LACANAHU LACNAN KABIIRAA".
Waxaa laga sheegay in beri uu Maxamed Cabdille Xassan daraawiishtiisii oo taleex joogta ku yiri maanta lama eedaami karo isaga oo ku eegaya. Nin kamida daraawiishtii ayaa damcay inuu eedaamo laakiin kuwii kale ayaa markiiba seef kula booday oo yiri, "waa wuu xujoobay, wuu xujoobay... ee dila", ninkii intuu naxay ayuu fariistay. Markii uu yimid Maxamed Cabdille ayaa loo sheegay qisadii; markaasuu ku yiri nimankii ninka dili-gaaray, "walee dhulbahantoow Janno jacayl ayaad Naar ku gelidoontaa"!!!
Wa salamu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSLIM KALE

Unrecorded Date
asalaamu calaykum waraxmatulaahi.

Walaalayaal waxaan rabaa inaan u jawaabo ninka layiraahdo MUSLIM WALAAL WAAN KULA JOOGAY MEESHA AAD SHEEGAYSO WAANA FINLAND WAANA AXADII WAANA DHAGAYSANAANAY WIXII LAGU HADALAY.

HADABA DADKA WAXAAN U SHEEGI INUU KU ADKAYSTAAY ARIMIHIISI MAAHEE DIB UGAMA NOQON.

ARINKA UGU DARAN OO LAGU HAYSTAY WUXUU AHAA INUU GALAY REERKII NEBIGA WUXUUNA YIRI NEBIGA WAN DIFAACAAYAY SHRAFTIISA MARKAAN DIIDAAYAY INUU GUURSADY SAQIIR,MIDA KALE WAXA KU SOO AROO RAY WAA ATHAR EE XADIIS MAAHA.

WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku: Muslim kale

Waxaad mooddaa inuuba ka mid yahay kuwa lacagta u ururinaya si loo soo dilo qof dadka diinta ugu yeeraya, balse waxaa laga yaabaa inuu shalayba lacag u ururiyay si loo gummaado shacbiga soomaaliyeed ee gaajaysanyaa, sidaa la adligeed la yaab malaha inuu weli gacan ku dhiigle yahay(hadduusan Rabbigiis u tooban keenin).
Anigu cajalidihii uu dusuqi kaga jawaabay waan dhegeystay (oo waa la iisoo diray), waxaana ii muuqata inuu yahay nin Nebiga (SAW) naga jecel, siiradiisana in ka badan 11 sano ayuu dadka soomaalida ah ku barayay muqdisho gudaheeda xilii nabad iyo xilli dagaalba, halka ay dadka ducaadda sheeganaya ay "naftoodii la soo carareen", iyagoo adduunyo doon ah.
Su'aalihii la weydiiyayna si qanacsanaan leh ayuu uga jawaabay, in mar dambe laga hadlana uma baahna.
Sida uu yirina waxaa ka mid ah "Aniga ayaa u leh in la iga weydiiyo waxa aan ku sheegay cajaladihii aan duubay, waxa aan ula jeeday, waayo anigii baa nool, diyaarna u ah in su'aal kasta la iga weydiiyo waxa aan sheegay , haddii aan la fahmin, balse qof kale xaq uma laha inuu tafsiiraad saaro, oo uu yiraahdo, dusuqi wuxuu ula jeeday sidaa iyo sidaa..., isla markaana xukun uu ka soo saarto .....?

Waxaase la yaab leh mid ka sheeganaya "muslim kale" ?Nebigu (SAW) waxaa uu inoo sheegay "Muslim waa ah qofkii ay dadku ka nabad galaan afkiisa iyo addinkiisa ".

haatanna dad ayaaba lacag u ururinaya sidii qof muslim ah loo soo dili lahaa, isla markaana isku magacaabaya Muslim ???


Ilaahay ka baqa
Ittaqi laah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum!

KU: NABAD-DOON

Horta ayaamaha Waxaan si xiiso leh ula socday (Debatka) idiin socdey ee ku saabsanaa Dr. Dusuuqi iyo ragga kaleba hadalada loo hasyto.

Runtii QATAR weyn ayaa lagu jiraa haddii qof walba wuxuu suubinayo, amaba laabtiisa ku jirta uusan ka fiirsan, Islaamnimaddana laga bixin.

Markaa akhii Naba-doon waxaan kuleeyahay oo aan rabaa in aan ku weeydiiyo su'aalo shaqsiyan ah oo adiga ku saabsan:

1- Maxaad adigu shaqsiyan ka qabtaa guurka Rasuulka (scw)ee uu Caa'isha guursaday ayadoo 9 sano jirta. Ayadoo la hayo xadiisyo saxiix ah oo arrintaa ku saabsan?. Rasuulkuse ma basharkeena kale ayuu la mid yahay, sow waxyaalo annaga naloo fasaxin Illaah ma u idmi karo asaga?

2- Maxaad ka leedahay in qof DUMAR ahi madax noqon karto (yacnii dawlad islaam ah xukumi karto, khilaafadii madax ka noqon karto ooba loogu yeeri karo Khilaafo hebla)?

3- Adigu Dr. Dusuuqi fikradihiisa (standpukt)iyo siduu uga hadlay ee ah meeshaydi hore ayaan weli taagnahay, ma ku RAACSANTAHAY?

Waxaan rejeeynayaa in aad iiga soo jawaabi doontid su'aalahan.

Alloow na Dabaqabo!

Wasalaamu.........

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSLAIM-SALAFI

Unrecorded Date
ASALAAMUCALAYKUM RUNTII LAYAABI MAAYO NABADOON OO WXAY I XASUUSINAYSAA NIN KITAAB KA QORAY RAGA UU U TIIRSADO AYAA WAXAA KAMID AHAYD WAXYAABIHII UU KU QORAY WAXAY LEEYIHIIN SANAM WAYN OO LAYIRAAHDO(MASLAXATU DACWAH)KAAS OO AY XAARAAMTA KU XALAALSADAAN WAA RUNTII WAFICLAN IGUMA BEEN ABUURTEEEN HADAANUU DOONAYN INUU DADKA SOO JIITO.

WALAALAYAAL WAA BEEN WAXA UU SHEEGAY NINKA LADHAHAO MUSLIM MANA JIRAAN DADKAASI HADAY JIRAANA HA CADEEYO IYO MEESHII LAGU URURIAYA.

MIDA KALE ISLAAMKA QADIYAD TUSUQI KAWAYN AYAA U TAALA.

ARINKIINA KAMA NOQON EE WAA UU KUSII ADKAYSATAY INUUNABIGA DOOKHIISA WAXKA SHEEGO OO U DIIDO INUU GUURSADY CAA,SHI OO SAQIIR AH.

WSALAAMU CALAYKUM.

ILAAHAY KABAQ NABADOONOOW WAXAADNA OGAATAA BUHTAANTA IYO IFTARAAGU WAXY DIINTU KATIRI ALLAAH AYAA UMADIISA KALA BIXIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku:Ansaari

Salaan ka dib , walaal runtii waxaan moodayay inaan mawduucaan la xiray, waxaana hadda ii muuqata inaan lagaba xiiso dhigin (waano ayaan darro), sababtuna waxay tahay"Ninkii mawduuca keenay (oo Dr:dusuqi ah) ayaa si toos ah loo weydiiyay wixii tawdiixin(caddayn) u baahan, waayo isagaa xaq u leh inuu fasiro hadalkiisa.
shaqsiyan su'aalahaan oo kale waxaa i soo weydiiyay ismaaiil (eeg bogga EEDEYN).
Marka hore walaal waxaa laga maarmaan inaadan qofka walaalkaa ah ee muslimka xumaan ku tuhmin, oo hadalkiisa dhanka xun lala aadin.

Waxaad tiri: Dr. Dusuqi kama uusan soo laaban waxa uu yiri ??? Halkiisii buu taagan yahay??
Cajaladahiisa ayaan dhagaystay, si tifaftiranna wuu uga jawaabay, wax muran ah oo ka iman karaana ma jiro. Mana uusan xumayn sharafta Nebiga (SAW), bal waa uu innaga jecel yahay (haddii kale 11 sano ma uusan bari lahayn siirada Nebiga sAW) dadka soomaaliyeed).

Tan kale oo ku saabsan Hoggaanka qofka dumarka ah, Dusuqi ma uusan oran wax ra'yigiisa ah, balse waxaa uu soo gudbiyay culumada qabta inay qof dumar ah qaban karto xukun sare , iyo culumada diidan. Sidaa la adligeed waxaa lagama maarmaan ah inaynu raadinno oo kala tarjiixinno raäyiga culumadaas, sidaa la adligeed Dr.Dusuqi waxaynu oranaynaa waad ku mahadsan tahay daraasaadka aad inoo soo gudbisay, laakiin isagu wax ra'yi ah kuma laha.Sidaa darteed Dr. dusuqi wuxuu qabaa raäyigaas in la yiraahdo waa xad gudub.

Arrinka caa'isha (RA).

Waxaad tiri waxaa la hayaa Axadiss saxiix ah ?
Waa maxay Xadiis? Waxaadba mooddaa inaadan garanaynin waxa la yiraahdo xadiis ?
Xadiis waxaa la yiraahdaa "Fal uu Nebigu(SAW) sameeyay, ama uu hadal uu yiri, ama wax uu ogolaaday ama uu reebay kadib markii cid kale samaysay). Haddaba Nebiga (sAW) lagama hayo inuu yiri (Caa'sha(RA) waxaan ku guursaday 9 sano.

Sidaa la adligeed waxa la hayaa waa Athar, ee ma aha xadiis.
Tan kale Dr.Dusuqi waxaa uu soo gudbiyay oo keliya culumo kale oo daraasaad samaysay, oo tiri Caa'isho (RA) waxay jirtay 17 sano markii la guursaday, waxaana uu noo sheegay kutubtii ay ku soo qoreen ,iyo weliba magacyadoodii, sidaa la adligeed waa arrin sidoo kale tarjiixin u baahan.

Sidaa la adligeed isagu waxaa uu kuu soo gudbiyay cidda tiri, halka ay ku tiri iwm, laakiin dadka ahlu cilmiga ah ayya u taallaa siday u kala tarjiixin lahaayeen.

Xadiisna meesha maba yaal !!!!


Sidaa la adligeed Ilaahay ka baqa oo isticmaala maskaxdiinna , oo baraaruga, waayo maalinta qiyaame waa la idiin weydiin doonaa, ummadda islaamkana ha idiinka nabad galaan.

Wa ila laahi al masiir

Walaalkiin Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
To: Muslim Kale iyo Salafi

Asslamau alaikum,
Walaalayaal,

"Haddaan hadalno, waanoo hadalbaas, hadaan aamusnana, reerkaa sidaa laga deynmaayo" sidaa waxa yiri nin Soomaaliyeed. Walaalayaal, nin ayaa waxaa la sheegay inuu geel waraabinjirey waxaanuu ku waraabinjirey wadaan uu lahaa, si fududna wuu u qaadijirey, laakiin waxaa dhacday maalin inuu baacinkariwaayey, markaasaa lagu yiri, "waar hebel, maxaa maanta kugu dhacay eey kuugu cuslaatay?" Wuxuu ninkii ku jawaabay walaalayaal isagoo garanaya waxa haya, "Wadaan ka adkiye wax kalaa jira".

Tani waxay ka dhigantahay dadkan arrintan xataa markay dhageysteen hadalkii al-muftiraa'u caleyhigii, lasoo taagan wuu ku adkaystay. Aan walaalkayow su'aal ku weydiiyee, adigu ma dili lahayd maanta kedib markaad maqashay?!!

Tani waxay iila mid tahay walaal iyadoo maanta Cabdillahi Ciise, Cabdiqadir Gacamey, Sheekh Cali waa culimada aynu wada garanayno ee Ittixaade oo ay u hadlaan sidan oo kale laguna eedeeyo gaalnimo iyo dilitaan ay mutaysteen. Walaal miyaydaan ogeyn in uu yahay nin sheekha oo wax ay ka baranjireen arday Ittixaad iyo cidwalba leh.
Ka jawaabidda aad ka jawaabto su'aashaasi waxay i tusinaysaa martabaddaada cilmiga, fahamka Islaamka iyo Islaamnimadaada.
Waa ku sugayaa walaal si aan kuugu soo jawaabo.
Walaalkiin Muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu calykum.

walaal nabadoon in badan cilmiga ayaa kugu yar ayaa ladhihi karaa,waxaan ku waydiin xadiis waad sharaxday caa,isha iyada ayaa kaa taqaan ficilkii nebiga bukhaari u laabo marka kowaad waxaadna fiirisaa caa,sho siday utiri.bal ficilka yay u tiirisay inuu sameeyay ma iyaadaa samaysay mise nebiga ficilkiisi waaye,

Isla bukhaari sow ma ogid in riyada nebigu waxyi tahay waxaad kaheli in nebigu ku riyooday caash,isha oo yar oo loo dhiibaayo taasna lagu fasiray guurkiisi.

wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ardey

Unrecorded Date
TO Nabadooon!
Salaamu....

Waxaan la yaabanahay sidda xoogga leh ee aad ninkaa asaga ahi u difaaceyso iyo sidda aad isu dhaafdhaafineyso arrinkan.

Waxaad leedahay asagii ayaaba nool oo is daafacaya oo ka hadlaya ficilkaas uu sameeyay, asagiinu arrinkiisi amaba meeshiisi hore ayuu la taagan yahay, markaa ninyahoow Aakhiro taada ayaa ku haysata ee ma ku haysato TIISA, ma garatay?

Waxaan Qoraaladda hore ka akhristay ama iiga dhadhantay in aad adigu fikriyan arrinkan ninkaas ku raacsan tahay.

Markaa cadeyso waxaaga ee kasoo bax darbiyada ee toos u cadeyso arrinkan,

Suaal ayuu kuweeydiiyay nin la yiraahdo anaari ee kor ku xusan oo

ADIGU MAXAAD KA QABTAA IN NABIGU (SCW) CAAISHA KU AROOSAY 9 SANO???????

NABADEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku ardey iyo anonymous


marka hore iga guddooma salaanta muslimka ah.

tan kale , aan ku hor maro qofka aan magaciisa sheegin ee anonymous.

waxaad tiri caa'isho ayaa tiri hadalka ee ka eeg bukhaari-ga. waxaa iga su'aal ah miyaan diiday inay caa'isho hadalka tiri ? Miyaanse diiday in bukhaari lagu sheegay ? jawaabtu haddaba waa maya.
balse waxaa su'aal kale ah , ma xadiis baa ?mise waa athar? caaisho ciddii ay doontaba ha u tiiriso, ee su'aashu waxay tahay" ma xadiis baa" ?

Tan kale caa'isho waa laga soo weriyay, sidaa la adligeed haddii la helo athar kale oo sheegaya in caa'isho ay jirtay 17 sano , maxaynu yeeleynaa ?
labaduba waa athar ( ee midkoodna ma aha xadiis).
Haddaba ma hayno meel uu nebigu ku sheegay inuu caa'isho ku guursaday 9 sano jir ! sidaa la adligeed waxaan Nebiga (SAW) laga haynin ma aha xadiis ???

Taasi waa taas. haddii bukhaari uu ka soo weriyay qof kale in caa'isho(RA) tiri " waxaan jiray 9 sano, markuu nebigu (SAW) i guursaday", waa arrin la baari karo, oo la raadin kale inay jiraan atharro karo oo ka duwan athar-kaas, haddii la helo (sida haddaba loo helay) waxaa loo daynayaa culumada aqoonta u leh diinta inay kala tarjiixiyaan. Haddaad is leedahayna wax allaala wixii bukhaari lagu sheego, lagama daba hadli karo, ogoow aqoonta ayaa kugu yar, ee baraarug.

ku :ardey

walaal waxaad tiri:caddayso oo meesha ka soo bax, isaga ayaad aragtida la qabtaa "??

Runtii ma garanayo inaad u qalantid in lagula hadlo, sababtoo ah meel ayaaba kuu cad, sidaa la adligeed maba aad aragtid midabo kale.
Waxaad tiri" meeshiisii ayuu taagan yahay"?

maxay ahayd meeshiisii? xaggee buu ka soo dhaqaaqay markii hore ? xaggee buu u soo dhaqaaqay ? haddii aad tahay mid si wanaagsan u adeegsada maskaxdiisa, oo si dhab ah u baara cilmiga islaamka iyo sunnada Nebiga(SAW), iyo jidkii salafu-saalixa, u ma aadan hadasheen , sida aad u hadashay.

ma ku raacsan tahay buu yiri ansaari in Caa'isho(RA) markii la guursanayay ay jirtay 9 sano ? Anigu sidaanba horay u sheegay waxaan ahay qof cilmi raadis ah, waxaana aan eega hadalka la yiri, inta aanan eegin cidda tiri. Haddii culummadu isku qabteen arrinkaas, waxaan sugayaa markii la kala tarjiixiyo, oo arrinku caddaado.

sidaa la adligeed waxaan rajaynayaa inaan mar dambe laga hadlin waxyaalahan oo kale.

walaalkiin

Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Assalamu alaikum

Walaalayaal horta hadalku yaanuu ka gudbin xaddadka Islaamka. Aynu u wada hadalno sidii dad diin u nisbo sheeganaya. Illaahay wuxuu yiri: Wa Quuluu linnaasi xusnaa.....

Hadalka aynu isu wanaajino miyaydaan arag dadkan aynu la noolahay inay inagaga wanaagsanyihiin arintan Illaahay ina fara inaynu DADKA oo dhan kula hadalno Muslimiinna hadalkeedaba daayoo.

Su'ayaan idin weydiinayaa walaalahayow, waxaanay tahay sidatan.
Weli, kedib markaad dhegeysateen wuxuu uu ku hadlay Dr. Dusuuqi markii hore, wixii lagu banaystay dhiigiisa iyo wixii uu markii dambe ku hadlay (dabcan diin ahaan ma filayo qof aan intaa dhageysani inuu mawqif ka qaadan karo arrintan WAAYO WAXAN AYNU KA HADLAYNAA WAA DIIN WAANA AAKHIRADEENII); (1) ma waxaad u aragtaan in la dilo Dr. Dusuuqi? (2) Ma waxaad u aragtaan inuu gaal yahay? (3) Ma dili-lahayd adigu maanta?

Saddexdaa Su'aalood iiga jawaaba. Horena waan idiin weydiiyey ee iiga jawaaba.

Su'aashaasi ka jawaabideedu waxay iinoo gudbinaysaa inaynu wixii ku xiga uga hadalno si cilmiyaysan oon ahayn hadal ama rayi ama Sheekh hebelbaa qaba aan la keenin meesha uu ku yiri hadalkaas. Ammaa hadii aanay sidaa ahayn waxba yaynaan hantaaticin oo nacaybkeena sii kordhinin waxba aan inoo tarayn akhiro iyo adduuntooda.

Aynu ogaano Mawdka balan lamaynaan gelin cid aan iska raacnayna inama badbaadinayso.

Waad mahadsantihiin

F.G: Walaal nabad-doon ha kululaanin Ogoow samirku waa sade.

Wa salamu alaikum
walaalkiin Muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
To:Nabadoon iyo ciday khusayso.
Walaal marka hore maan rebin inaan hadalka ku soonoqdo laakiin hadba aniga oo daayay ayaad i kicin.

Walaalaha dhamaan waxaan ka codsan inay mawduucaan akhriyaan oo wixii khalad aan ku galay ay iiga nasteexeeyaan insha allaahu waayo bashar ayaan ahay oo xaqa ayaan geesmari karaa.

Walaal waxaan rabaa inaan ka hadlo mawduuca aad ayaantaan waday oo ah xadiith meesha maba yaal ee waa ATHAR marka ninka yiri 17 sano ayay jirtayna waa ATHAR marka miyaanay macquul ahayn inaysidaa jirtay yacni 17 waa hadalaadi.

Marka kowaad waxaan soo sardin khabarka uu ku sheegay waa athar iyda oo aan weliba athar kuwada niqaashayno in sha allaahu.
Bukhaari wuxuu yiri:xadatthanaa abuu kurayd mux,ed ibnu cali xadathanaa abuu usaamah xadathanaa abuubakar ibnu abii shaybah qaala wajadtu fii kitaabii can ussamah can hishaam can abiihi(curwah)can caa,isha ana nebiya(scw)tazawajaha wahiya bintu sitata siniin wa udkhilad calayhi wahiya bintu tiscata siniin wa makathat cindahu tiscata siniin.

Senadkaasi waa kii bukhaari bal aan fiirino kan muslimnah.
Muslim wuxuu yiri:Xadathanii mux,ed ibnu Yuusuf xadathanaa Sufyaan can Hishaam can curwa ibnu subayr qaala qaalat caa,ishah ana nebiya (scw)mrakaas ayuu sheegay xadiithka kore.

Hadaan macanaha usoo noqono chaa,isho waxay tiri nebigu wuxuu iguursaday aniga oo jira lix wuxuuna ila aqal galay anigoo jira 9sano waxaana lanoo laaday 9 sano.

Hdaba axaadiithta ku timi siiqada ah ana Nebiya(csw) aad ayay ufara badan yihiin hadaba kuligood nabadoonoow waa wada athar dheh oo nin yiri 17 bay jirtay lameel dhig hadalkiisa axaadiithta bukhaari iyo muslim.

Wixii ficil ah oo nebiga loo tiiriyo,iyo wixii hadal ah oo uu dhaho iyo wixii agtiisa lagu sameeyo intuba waa axaadiith siduu yiri nabadoon waxaana loo yaqaanaa sunah;waxaaba yaab sii leh muxadithiintu waxay u yaqaaniin ATHAR marka bal iyadana baro gadaal ayaana kaala niqaashayaa arinkaas.

Waxaan kaloo maanta nabadoon kula niqaashayaa axaadiithtaan kawaran ma ATHARBAA!
Waayo atahrka aad sheegto maaha kii sunadu taqaanay ee waa mid iska dheh ah.

1-can ibnu cabaas ana Nebiya(csw)Wuxuu ku qubaystay biyihii kaharay maymuun.
2-can Cimraan ibnu Xussayn ana Nebiya (csw) wuxuu ka weesaystay buraashad naag mushrikada iska leedahjay.
3-Can umul mu,miniina maymuun,ana Nebiya(csw)wuxuu i guursaday markuu ka xalaal noqday ixraamkii.

Hadaba kuligood ma axaadiithbaa mise waa atharkaad sheegi jirtay laashaka hadaad diin wax ka garanayso waxaad dhehaysaa mayee waa ficilkii nebiga oo isaga ayaa loo tiiriyay ogow hade guurka caa,ishana waa ficilkiinebig isagay u tiirisay isku siiqo ayayna ku yimaadeen.

Mideeda kale miyaadan ogay inuu jiro xadiith saxiix ah oo oranaya nebigu wuxuu kadoonay caa,isho abuubakar markaas ayuu kuyiri walaalkay ayaad tahay markaas ayuu nebigu ku yiri walaakay filaahi baad tahay iyaduna waa ii xalaal,makana ayjoogeen.

Miyaadanse ogayn in nebiga loo waxyooday inuu caa,isho guursado isagoo jooga maka.

Miyaadanse weligaa akhriyin caa,sho tarjumadeeda ibnu xajar fatxigiisa inuu nebigu dhintay iyadoo 18 sano jirta xagee waxaan aad wadid ka keentay yaa kuu waxyooday! waxaana iigu yaab badan hadalkaaga caaisho waxa laga hayo waa athar ee maxaad ku diidaysaan hadii nin kale yiri 17 ayay jirtaa ilayn isaguba waa athare walaal caqliga yaan lagaa xadin ma bukhaari iyo muslim ayaad rabtaa al-mujtmac iyo siraadul mustaqiim waxay qoraan inaad la sinto war ninyohow isku khajil oo ilaahay ka yaab.

Hadaba waxaan usoo noqon waxaan aad nagu wareerisay oo ah ATHAR runtii waa laguu soo laqinay ee hadaad ogtahay athar wuxuu yahay sidaas ma tiraahdeen ee bal aan kuu faa,iideeyo.

Runtii cilmiga musadalixa marti ayaan weli culimadad ugu ahay laakiin wuxuun waan kaqaatay waxaana kamida waxaan ka qaatay.

Markii iigu horaysay waxaan qaatay manduumooyinka sida,Bayquuniyda, oo aan xifdiyay,Nukhbaha,Alfiyatu suyuudu,baacithu xathiith, marka waxaan dhihi karaa kelmad waanka dhihi karaa,igamana ahan faan ee waa (nimcooyinka allaah kuu galay sheeg).

ATHAR: luuqada carabiga waxaa lagu dhahaa raadreeb.
Isdilaaxa sharcigana waxaa lagu dhahaa: Waa mid fangashan xadiithka oo macnohoodu isdilaaxa waa isku mid.
2-waxaa jira macna kale oo ay u yaqaaniin Fuqahada reer khuraastan oo ah wixii saxaabigu dhaho,laakiin muxadithiintu way ku khilaafsanyihiin,waxaana ku sharxi meeshaan.

Bal xadiithkan Mowquuf ka dhig wolowba aanuu ahayn
Mowquuf:Isdilaaxa sharciga ah waxaa loo yaqaan wixii saxaabi loo tiiriyo hadal ama ficil sida(hadalkii cali ee ahaa,war dadka ugu sheekeeya waxay garanayaan mawaxaad doonaysaan inay beeniyaan allaah iyo rasuulkiisa),
Laakiin fuqahada reer khuraastaan waa ay ka duwan yihiin
Marfuuc awaxy uyaqaaniin KHABAR
Mowquufna waxay uyaqaaniinATHAR


Cajiib laakiin muxadithiintu labadaba athar ayay uyaqaniin ee maxaad ka oran lahayda nabadoonoow miyaan hadalaasi gantaal kugu ahayn,
Bal kasoo gudub Ibnu xajar nukhbaha wuxuu ku leeyahay,athar waxaa la dhahaa wixii taabici ka hooseeya wuxuu yiraahdo hadaba a anta aclamu min ibni xajar!

Walaal waxaan kuugu nasteexayn inaad cilmigaaga kor uqaadid aadna iska dhaaftid xarako difaaca iyo raga.

Walaal waxaan umalayn forumskaan maanta ayaa iigu danbaysa ee aan allaah u toobad keeno.

Waxaan kusoo geba-gebayn laba arimood
1-Dawlad xoog leh ayaan kadiidnay thawratul mar,ah iyadoo ku tumatay AL_nisaa waana lagu radiyay oo xataa kitaabo ayaa laga qoray ee walaahay baanan islaax uga yeelayn waayo maanta waxay wadaan hawlihii kacaanka ee bal meesha ay idin dhigto ayaan arki, mida kale kitaab ayuu ka qoray dr.ali dheere ee iga gaarsii hadaad ragaas ka ag dhowdahay siyaad markii uu al-nisaa isku taagay kitaab ayaad ka qorteene tusuqi al-baqra ayuu isku taagay ee kitaab halaga qoro hadii daacadnimo jiro.

2-Mida kale walaal caa,isho guurkeedi iyadaa idinka badisa iyo waqtigii nebigu guursaday bukhaarina kitaab suna ah isagaa nooga filan ee qaylada iska daaya.

WAR NABADOONOOW WAXAAD SOOWADAAN WAYNAAAAA
WARKIISANA WAA MAQLAYNAA BACADALXIIN .
see you next Ramadan and new fatwah from your kutlah.

wabilaahi tawfiiq.
ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XL

Unrecorded Date
Salamu caleykum


TO: Ismaaciil!

Walaaloow hanaga tegin ee nalla joog. Meshaa aad tageysid soow PC (computer)with internet connection ma lahan?

Haddii aad tagto arrigu weerku wuu layn!

"Just for fun, ullama jeedo brother Nabad-Doon"

Waa fiicantahay in doodu socoto, si markaa la isu shaki bixiyo la isuna calool fiyoobaado ayadoo xumaan jirrin.

Sincerly yours
XL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XL

Unrecorded Date
Horta iga raali noqda waan kusoo noqday ee DR. WHO xagge kabaxay? Ninkaas waan u xiiseye.

Mise baabkan baabkiisa maahan!

Come back brother there are people missing you here!


XL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku: Ismaaciil iwm


Salaan ka dib, walaal ka raalli noqda marka hore daahitaankan yar, sidaan meelo kaleba ku sheegay waan yaro mashquulay waxbarasho darteed.

Tan kale waxaan isku dayayaa inaan halkan kaga yara munaaqashoodo arrimaha uu ka hadlay ismaaciil oo aan filayo inuu iga dhawrayo jawaabo.

marka hore waxaad dadka ka codsatay in ay ku saxaan haddii qaldan tahay, walawba hadalkani uu yahay markii ugu horreeyay ee aad tiri, waana ku faraxsanahay.

Tan kale waxaad soo sheegtay intaad kutub soo akhrisatay , laakiin ma aanan moodeyn in waxaaguba yihiin fara-kutiris, balse waxaa ayaan darro ah in aqoonta intaa le'eg aad ku bannaysanaysatay dhiigga culummada !!!!!!!

JAHLIGUNA WAA CADAWGA INSAANKA.

Bal aan ku hor maro arrinka Athar-ka.

Marka hore iskuma aynaan khilaafsanin in athar-ka laga yiri labo qawl.

1. athar-ku wuxuu la macno yahay xadiiska (istilaax ahaan)

2. athar-ku waa hadal uusan rasuulku (SAW) oran, ee uu saxaabi, ama taabici yiri.

Labadaasba waxaa laga heli kara kutubta ka hadasha cilmiga axadiista , sida: (culummul-alxdiis, amaba taysiiraul istilaaxul xadiis-ka oo laga helo meel walba).

Sidaa darteed waa arrin labo qawl leh.

Haddaba waxaad soo qaadatay xadiiskii ku jiray bukhaari oo uu hishaam aabihii curwa ka soo weriyay caa'isha (RA) in Nebiga (SAW) uu guursaday iyadoo 6 jir ah , 9 jirna loogu aqal geliyay , sagaal sanana ay la nooleyd (xadiis no: 5133, fatxul baari, casqalaani).

Sidaa darteed xaddiskani waa mid bukhaari ku jira, laakiin waxaynu ku doodaynay arrinka athar-ka, waxaynu ogaannay in labo hadal laga yiri.

Waxaad ku andacooneysaa in arrinkan sare (xadiiskan) uusan ahayn athar, sababtoo ah sida uu ku yimid ayaa ah in Caa'isho ay nebiga u tiirisay, sidaa ladligeena waxaa meeshaa ku cad inuu xadiis yahay.
Bal u fiirso xadiiskan:

Xaddathanaa qabiisatu ibn cuqba, xadathanaa sufyaan can hishaam ibn curwa can curwa " Tazawaja Nebiyu (SAW) .... ... wamakatha cindaho tiscan"
(xadiis no: 5158, fathxul baari, casqalaani).

Haddaba waxaa iga su'aal ah: kani ma xadiis baa , mise waa athar? xusuunoow atahr-ku waa hadal saxaabi ama taabici yiri ee aan nebiga (saw) loo tiirinin. Haddaba isla xaduiiskii aad ka hadlaysay oo aanan loo tiirin rasuulka ayaynu haynaa, laakiin labaduba waxay ku jiraan bukhaariga. Dabcan waa isku raawi, laakiin waxaan ka hadlayaa oo keliya , siiqada ama habka aad kor ku soo sharraxday, ee ahayd atahr- waxaa la yiraahdaa wixii asxaabi ama taabici yiraahdo, ee aanan rasuulka loo tiirin.
haddaba su'aashayadii aynu u soo laabanno: waa maxay athar ? jawaabtoo gaabani waa: sida ay culumadu na bartay waxaa uu leeyahay labo qawl. marna wuxuu la mid yahay xadiis, marna la mid maaha xadiiska. xadiiskan sare ma la oran karaa marna waa xadiis, marna waa athar? haddaynu niraahdo xadiisku waa athar, taasu macnaheedu waxay noqon in kan sare iyo caa'ishaba yihiin yihiin athar, sidoo kalena waxay noqonayaan labaduba xadiis, marka qofkii yiraahda xadiis hebel waa athar, maxaa la oranyaa ? hadduu keeno mid aan nebiga loo tiiririn , maxaa iyana la oranayaa?

Anigu waxaa oran lahaa dadka ku takhasusay cilmi xadiiska (sida: shariif c/nuur aynu dhaafno arrinkan), ee kutaabta fara-kutiriska ah naga jooji. Tan kale miyaad weli raadisay daliisha culummada soo gudbisay in ay Caa'isho (RA) jirtay 17 sano !!! culummadaas raadi xujadooda iyo kutubtooda, inta aadan dadka dhibin.

Sidoo kalena waxaad tiri: Nebigu (SAW) waa loo waxyooday inuu caa'isho(RA) guursan doono.
Waa run oo Nebigu (SAW) wuu ku riyooday in loo keenay Caa'isho (RA) , ka dibna uu wejiga uu ka fayday ....... (Xadiis no: 5078, fathxul baari, casqalaani)(Tirmidina wuxuu inoo sheegay in jibriil ahaa cidda la wadday caa'isho) riyada nebiyada waa waxyi, laakiin xadiisku inooma sheegin wax ku saabsan da'da caa'isha (RA), sidaa la adligeed la iskuma khilaafsana inuu nebigu guursaday caa'isha (RA), ee waxa laga hadlayay oo keliya da'deeda, ee walaal xaggee baad doodda la aaday.

Tan kale:

Waxaan la yaabay sida aad u hadlayso, ee aadan waxba ula socon taariikhdaada.
marka aad leedahay dawlad xoog leh baan ka diidnay thawratul mar'a, waa tuma dawladaas ? tii soomaaliya ? maxaad isugu nabaysaa , oo aad isgu magacaabaysaa wanaag ay dad kale sameeyeen ? xaggee baad joogteen markii la dilayay shahiidiintii ? maxaad ka tiraahdeen ? bal maxaad ka qorteen ? ma haboona inaad xumaantaadana dabooshid, wanaaga dadka kalena xaabsatid.
dadka aad hadda nacladaan, ee aad shaqada ka dhigateen ayay ahaayeen dadkii hor is taagay dawladdii barre, inaad wax la qabato iska daayee, waxaad awoodi weydeen inaad magacyadooda xustaan oo aad wax ka qortaan. Runtii waxyaabo badan ayaan halkan uga hadli karaa oo ku saabsan waxtar xummadiinna , hadda ma dawlad baa ka dhisan dalka oo idiinka hortaagan wax qabadka ummadda soomaaliyeed? mise wax qabadkiinnaba waa dil iyo dhac ? xukun aad ku qaadaan gacmihiinna?

Midna ogoow: ummadda soomaaliyeed iyagaa umbaa marqaati ka ah cidda wax u qabatay, iyo cidda dooneysa inay nafta ka qabato. Cidda hor istaagtay dawladdi barre iyo ciddi gashay booskii barre ..
taariikhda umbaa qori..

waxaan rajaynaa inaadan mar dambe wax aadan aqoon ulahayn ku hadlin.

walaalkiin

Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Asalamalaykum dhamaantiin


Walaal intiina badan ma kuligiinaba si fiican ayaa hadasheen, kaliya waad kala duwantihiin.

Aniga hadaan aragtidayda idinku darsado tusaale ahaan Caaisha waxa nabiga SCW guursaday ayadoo 9sano jirto sida xadiisyaal badan ku cad, waligoodba gaalada ha raad raadiyaan wax ay cay nooga dhigaane.

Waxaa arkeesaan qaar badan inaa ku qilaafsanahay inay caaisho 17sano jirtay. hadana waa ogahay ma laga yaabo inaa hal wax isku raacno waa kala duwanahay waana kala duwanaaneynaa OK.

Dad badanaa isku soo dayeen mideenta dadkaan mana u suurta galin. Marka ma is daba taagnaaneesaan oo qof walba anaa saxsanuu la soo taagnaanaa ilaa buunka yeero ama xal raadisaa tihiin oo waxaa is waydiinesaan SIDEE ANAGOO KALA DUWAN WALAALO UAHAANAA OO U WADA SHAQEENAA.

koley soomaaliyaan nahay waa isnaqaanaa halheyskeena waa "HADAAD IGU RAACSANEEN FIKRADAYDA,WAX KA JIRA MALEH WAXAA SHEEGEESID"

Markaa fiirisid dadkaan gaalada ah oo dhulkooda joogno aaday ukala duwan yihiin waxay isku jiraan inta cirka iyo dhulka isku jiraan, hadana waxay u wada shaqeenaayaan say noola tartamaan anaga ugu yaraan ama ay meeshaba nooga saari lahaayeen.

Maalin hore waxaa aqrinaayey buug uu nin baadari ah oo wax badan ka soo shaqeeynaayey wadamo muslin ah uu qoray wuxuu dhahay:"waa qalad in la isticmaalo ereyga muslimiin iyadoo loolo jeedo umad dhan sababtoo ah shaqa iskuma laha."


Marka iska ilaawa kala qeyqeybinta. maxay ku kala duwan yihiin xarako iyo qabiil.Aniga jawaabtayda waa waxna.....!!!!!!!

WAANADA HA DIIDINA RAG WAA LALA DARDAARMAAYE

WASALAAM......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku: LADAN

Ilaahay khayr ha kaa siiyo fikraddaada qiimaha badan, Ilaahayna wuxuu qur'aanka inoogu sheegay qiimaha ay leedahay xigmadda, oo uu yiri " .. Waman yu'tal xikmata , faqad uutiya khayran kathiiraa " (ciddii xigmad la siiyo, khayr badan baa la siiyay).

Walaal aad baan kuugu raacsanahay inay habboon tahay in khilaafka aragtiyeed uusan isku beddelin mid qalbiyeed , oo markaasi "fatafshalu riixanaa" (awoodeenii baaba'do.

culummadeena muslimiinta ahina way ka hadleen arrinkaas, illaa ay qoreen "sidee ayuu ra'yigeenu isku khilaafi karaa , isagoon qalbigeennu iskhilaafin". sidoo kalena asxaabtii ayaa arimo isku khilaafayay, dhibna kama dhex jirin, bal arrimo caqiido ah ayay isku khilaafsanaayeen qaarkood (sida Caa'isha (RA) iyo Ibnu Cabbaas (RA), oo ku kala duwanaa in Nebigu (SAW) uu Rabbigiisa arkay xilligii la dheelmiyay, caa'ishana ay tiri ma uusan arkin , Ibnu cabbas yiri wuu arkay), sidaa darteedna aad bay isku ixtiraami jireen, taasina waxaa keeneysa cilmiga.

sidaa la adligeed, walaal Ilaahay khayr ha kaa siiyo, anigu ma jecli khilaafaadka, waxaase aad ii dhiba waxyaalaha munkaraadka ah sida bannayasiga dhiigga culummada , oo aynu ognahay hadalkii Rasuulka (SAW) inay culummadu yihiin kuwii dhaxlay Nebiyada (Al culumaa'u warathatu anbiyaa).

Sidaa darteed aad baan kuugu raacsanahay in iyadoo ra'yiga la sku khilaafsan yahay, qalbiga la iska jeclaan karo.

shukran mar kale.

Walaalkiin

Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Unrecorded Date
By Mujaahid

To waxa isku magacaabey Nabad doon

Waxaan ku leeyahay intaad diinta alle difaaci lahayd baad juhdigaagii waxaad ku bixisey inaad
shaqsiyaad iyo Xisbiyo difaacdo,waxii Nasteexo iyo wanaag laguu soo jeediyeyna Kibir baad ka qaaddey,illeyn nin meelu u caddahay baad tahaye.
War Xaqdoon haddaad ahaanlahayd qofwalba oo si aadan rabin wax kuugu sheega umaad tiriseen Xisbi iyo dad gaara.

Midda kale magacan aad ku dheggantahay(Al-itixaad)
in leyskaba daayey oo meel layska dhigey miyaadan
la socon horaa loo yiri "Doqonbaa meeshii lagu dagaalamay ogeyd ee aan ogeyn meeshii lagu heshiiyey" marka Xiiqsanow Arrintu waa difaacid la
difaacayo Diinta islaamka Umadda Soomaaliyeedna
Waa keeb layurur haddii dhinacaa laga soo maro, ee
addigu haddaad qof iyo labo difaaci lahayd faraskaagu yuusan kula gaabin. ma mutaysatid intaa
wax ka badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekh abdullahi

Unrecorded Date
Saxiib ma kuu sheega waxa qaldan iyo qofka diinta illahey wax gaarsiiyo oo meel oga dhacey ??

Waa adiga iyo sheydaan oo waxaan illahey kaaga baryeynaa in uu illahey cadaabkiisa kugu rido.

dusuuqi iyo jameecadiisa waa culimada kaliya oo ku taagan dariiqii rasuulka (SWC)

bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
to:khiiraysane
asalaamucalaykum,walaal waad ku xadkubtay culimad, oo ma jiro waxaad dhiigooda kubanaysataa, waana kaa xaaraan dhiigoodu ee alle ka cabso haday gafeen unasteexee ee ha xalaashan dhiigooda may mutaysan waxaad ku xalaaashtee, diintuna afkaaga ku dhawrna ee illah ayaa ilaashanay


wasalaamu valaykum by:muslima

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HJGJHMHFNH

Unrecorded Date
TO: DHAMMAAN


Marka hore maxaa kukalifa qofka inuu aflagaadeeyo suubane (scw) asagoo waliba sheeganaya islaam.
Ha ahaadao Sudiqi ama Qudubi ama ruuxkale.Jawaabtu waasidan.

1- Inuu san kuqanacsanayn waxa suubane SCW loo soodhiibay.

Waxaa jira ummad badan oo markay arkeen waxa reer yurub iyo shaydaaku samaynayaan iyo barabagaandhada ay kumagacdilayaan ama ay annagii noo tusahayaan inay tahay wax xun waxa uu layimid nabi-maxamad SCW wax kamida sida guurka,xijaabka,haweenka,jihaaadka,iskumaamulidda sharciga inay dad badani ay iska jeclaadeen in lagasaaro diinta waxyaabahaan oo inteeda kale lagu dhaqmo ama ay kagaadho in NSCW LA AFLAGAADEEYO.

HA AHAATEE DIINTU MA,AHA NABI MAXAMAD SCW DOOKHIISA WAA ALLE WAX-UU NOO DOORTAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Unrecorded Date
By Mujaahid

To Sh.c/lahi

Nabadgelyo Ha ahaato Cidda hanuunka raacda!!!,waxaan
ku leeyahay jaahil baad tahay ay Qabyaaladi indho
tirtey,kana doortey in uu Diintiisii difaaco in uu
shaqsi Nebi maxamed salawaatulaahi calayhi wassallam aflagaadeeyey difaaco! sheydaanna kaasaa
ku cad adduun iyo aakhirona hoogey,illaa uu toobad
keeno mooyee,laakiin maanta xaaladu waa ka gudubtay Kutiri kuteen oo waxay maraysaa Ninwalba
waxa uu aaminsanaa in uu maal iyo naf u bixo,ee
Jahannamo la geeyow adiga iyo sheydaan Goobta iskeena ama Naagaha iyo Caruurta Ku gabbo!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Unrecorded Date
By mujaahid

To Anonymous

War cidda dhiigeedu xalaasha noqonayo iyo Cidda Xaaranta uu Noqonayo,bal shuruudda uu Towxiidku
ku buro soo baro. indho aan Tacasub ku jirinna
ku akhri!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Unrecorded Date
to: mujaahid

mujaahid waa qof ka jirran maskaxda, intaa waxaa u dheer jahli xididaystay.

Diinta ma waxaad u malaysay magacyo lala baxo, sida"mujaahid" iwm ??

ummadda isaga aamus, oo haddii ay dhab kaa tahay mujaahidnimada, orodoo tag meelaha lagaaga baahan yahay (jejeeniya)?

waxaad ku hadashid waa diin la'aan iyo weliba dadnimo la 'aan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Unrecorded Date
By Mujaahid

To Soomaalidiid

War aningu ku oranmayo waxaan ka'ahayn:Afnooli waa
hadlaa Eyna waa ciyaa!!!!????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Unrecorded Date
mujaahid is sick and terrorist against muslims.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Werdiyaaye

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum Walaalayaal waa markii ugu harreysey ee aan kaqayb qaato aqoon isweydaarsiga netka ee markii hore akhristayaasha qaayaha leh uun baan ka mid ahaa.Walaalayaal aad bay xiiso ulahayd sidii aad ukala faaideysaneyseen inkastoo qaarkiin ay seefta galka kala baxeen.Aan mawduuca guda galee,waa waajib inna wada saaran qofkii Nebigeenna ugefa inaynu dhan kawada marro.Somalideenna caado waxaa u ah wax hubsiimo la,aan iyo caaddifad aan laga fiirsan.Wanaaggu wuxuu ku jiraa in Dr:Dusuuqii iyo culimada kasoo horjeeddaa ay arrinta kawada hadlaan oo markaa kii qalloocani uu soo boxo,laakiin haddii kolba wadaad meel wax kasoo raddiyo xal Islaamka uma aha.Akhyaart kala raacsan labada dhinacna waxaan leeyahay shiikha aad weeraraysaan iyo kan aad difaacaysaan nusuusta ku kala xukmiya ee yaanay arrintu noqon shiikh aannu isku ansaar nahay baa loo gefey ama shiikhayagaa hebel gaaleysiiyey. hadalkayga waxaan kusoo xidhayaa kolb sidaynu nusuus ta udabbakhno baynu ku liibaaneynaa. Wabillaahi tawfiiq. Werdiyaaye.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.