site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Walalayal ma jira sixirkaa iyo cayuuntaa

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Walalayal ma jira sixirkaa iyo cayuuntaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maryaan

Monday, December 11, 2000 - 05:44 am
walayayaal waxan idin leyahay soon wanagsan ugu horeyntii

waxan ahay qof dumar ah oo caruur leh waana dhameyay quranka garanayaana laakin waxaan jeclaan lahaa inaad wax iga shegtan hadaad wax ka garaneysaan inuu jiro sixirka iyo cayuuntaa.

maxaa yelay waxaan leyahay ilmo aad u qurux badan maanshalah ooedebsan lakin marka aan guriga aan jogno iyaga iyo abahood íyo anigaba waan qeylineynaa oo waan isnecebanay mana garanayo waxa sababay markaa aan guriga soo galno iyo inta aan ka baxayno waan qeylineynaa markaa aan bananka u baxnana cadi ayaan nahay oo waxa la leyahay ala carurtaa edebsanaa.

anigaa mar walbaa waxaan aqriyaa yasinkaa lakin waxan isweydiyaa miyaan sixranahay mise waa na cayumay.

marka walalayaal inay wax ka jiraan iyo in kale waxaan jeclaan lahaa inaad ila soo socodsisaan

iyo hadad wax ka garneysin arintas oo kale

idinkaan war idinka sugayaa insha'alaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cumareey

Tuesday, December 12, 2000 - 01:07 am
Bismillaahi
Assalaamu calaykum

Anigoon khabiir ku'ahayn labadaa arrimood ayaan jeclaystay inaan waxyar ka'idhaahdo haddaadan ubogin igaraalli ahoow, hadafkaygase waa inaan yara sharxo sidaan wax ufahmay iyo sidaan waxu'arko.
Ugu horreyn sixirka iyo ishaba way jiraan waxse lafahmi karo ma'aha oo ladhihi karo hebel wuu sixranyahay heblana masixrana sababtoo ah malaha waji cayiman oo ay dadka ku'asiibaan oo markaa lugu garto. Aniga aragtidayda ma'aaminsani inaad sixrantihiin sidoo kale ma'aaminsani inay il idinhayso, arrintu meel kale ayey kaqalloofantahay waxaanan filayaa in dadka intiisa badan idinla qabaan ooydan kali u ahayn arrinta inkastooy dhici karto inaad xooga yara dheeraataan hadana waa wax lawadaqabo.
Intaadan maryan go'aamin inay cudurradaas idin asiibeen iyo inkale bal kafeker arrimahan.

Qoyskiinna markuu guriga wado joogo muxuu sammeeyaa oon ulajeedo masida dad badan baad intaad ishorfariisataan tvga wadadaawataan.

Cibaadada guriga dhaxdiisa siday tahay mamasaajidka unbaad gaysaan oo guriga kuma cibaadaysataan.

Intaan carruurta lagaadhin adiga iyo ninkaaga xidhiidhkiinnu suu yahay waxaa dhici karta in dhibku halkaa kasoojeedo kadibna heerka kufaafo.

Caafimaad ahaan sideed tihiin, waayo waxaa jiro cudurro la'iskadhaxlo oo madaxa kudhaco oo inta badan sababo inuusan qofka waxba udulqaadan karin.
Ma'aaminsani in uu idinhayo laakiin waa suurtogal.

Majiraa wax cadaadis ah oo idinsaaran wuxuu noqdaba oo lagayaabo inuu dhaliyo reaction ama cadho.

Dib ugu noqo arrimahaas hadday jirraanna raadiya sidaad kuxallin lahaydeen, kuna xisaabtan waxaad ugu gudbi kartaan oo kaliya idinkoo iskudaya inaad daristaan si cilmiyeysan dhibka jiro meeshuu ka'iamanayo oon ulajeedo isha dhibku kasoo maaxayo waan hubaayoo ilbuu leeyahay.
Hana dhagaysan kutidhikuteenka dadka sababtoo ah waxay idinsii galin qalalaase hor leh oo xalku gacantiinna ayuu kujiraa!
Su'aalaha aan kuwaydiiyeey igama aha inaad kasoo jawaabto ee waxaan ulajeeday inaad iskiin dib isugu noqtaan dabanagashaan dhibka idinhayo si'aad xal ugu heshaan.
Ugu danbayn kudadaala xuska alle ilaah wuxuu yidhi kor'ahaayee ( xuska ilaahay ayey qalbiyadu kuxasilaan) waa ayad quraan ah, sidoo kale barta lafdiga iyo macnaha quraanka labadaba waxaan aaminsanahay inaydaan helayn dawo taa kafiican.
Kuna xisaabtan halkan wax xal ah kala kulmi maysid ee xalku gacantiinna ayuu kujiraa.
Wassalaamu calykum
Cumareey
Cumareey@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Wednesday, December 13, 2000 - 11:54 am
to Maryaan.
assalaamu calaykum.


Walaal sixirka iyo ishuba way jiraan, laakiin markaan akhriyey qoraalkaaga waxa idin haysata waa arin si fudud lagu xalinkaro, haddii la raaco xeerka qoyska. xeerkaas oo ah mid ku dhisan shareecada islaamka oo ku salaysan is qadarin, isxaqdhowr, isu dulqaadasho dheeraad ah , isfahan iyo isu garaabid. Waxaana lagama maarmaan ah in reer walba oo muslim ah uu ku noolaado habnololeedkii Rasuulkeennii udgoonaa(scw) iyo haweenkiisa sharafta badnaa. Walaal waxaa inala gudboon in labada qof ee is qaba midba ka kale xaqa uu ku leeyahay ilaaliyo, oo qof walba kaalintiisa ka soo dhalaalo. haddii arinkaa la waayo is afgaran waaga iyo is maan dhaafka qoysku wuxuu noqonayaa mid weligii taagan. Allaha caadilka ah wuxuu kitaabkiisa inoogu caddeeyey in guurku yahay mid lagu dego oo keena xasilooni,taas oo keenta in qofka nolashiisa adduunyo iyo cibaadadiisa noqoto mid xasilan oo dhamaystiran. waxaa kale oo xusid mudan in la isu naxariisto, gaar ahaan raggu ay dumarka u naxariistaan. Xajkii(xajatul wadaac) ugu dambeeyey ee nebigu xajiyey, ahaydna markii geeridiisu soo dhowaatey, wuxuuna jeediyey wacdi aad u dheer iyo dardaaran dhaxal gal ah. u naxariisiga haweenkana wuu ku adkeeyey ragga.

haddii Eebe raali ka noqdo waxaan kuu soo gudbin doonaa xalka arinta idin haysata.

Assalaamu Calaykum Wa Raxmatulaahi Wabarakaatuhu

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.