KHALID BIN WALIID | Monday, December 11, 2000 - 06:04 am MAXAA KAA REEBAY INAAD HALKAN KU BARATO WIIL SOOMAALIYEED OO MUSLIN AH HADANA AAD KA FAA'IIDEYSATO OO AAD NOQOTO MARWO AAN MAR KALE LA DHIBAATOON DHIBAATADA NAFTA IYO SHAYDAANKA EE KU DHAARTEY INUU KU SAMEYSANAYO GURIGIISA(OO AH JAHANAMA)EHEL IYO WEHEL LA DEGA ALLE BAAN KA CUSKANAY. HADABA HALKAAN KU SOO BANDHIG WIXII AAD ISLEEDAHAY OO FIKRAD AH OO LOOGA BIXI LAHAA ARINTAAN. HADABA HA ISBARTA OO ISLA XARIIRA ARIKAASU BUU WANAAGU KA DHASHAA. TAASI WAA IGA WAANO, KA FIIDEYSTA WAQTIGIINA DUMARYAHOW, EE GUURKA BADIYA SHEYDAANKA IRIDKIISA HA XERMEE,. ANIGU WAXAAN KA MID AHAY DHALINTA ARINTAA WANAAGA U ARAGTA HADABA WALAASHEYDA MUSLIMKA AHOOW HADDI AAD WANAAG U ARAGTO ARINKAN HALKAAN KU SOO QOR WIXII AAD KA QABTO. WABILLAHI TOWFIIQ. |
DHool | Thursday, December 14, 2000 - 10:12 pm Alle maadan kayaabayn walaal intaad hablo iyo wiilal aan is aqoon aad halkan isku barayso miyaadse iloowday inay meeshani tahay makaan caama oo qofkasta oo rabaa uu iska akhrisan karo dad badana ayba ku habaabi karaan Saxaabiga aad magaciisa qaadatayna SHarafta haka qaadin intaasoo hadalana ha uqaadan inaan cay iyo aflagaado kuugu leeyahay laakiin fidno halkaas ka dhalan karta ayuun baan sawirtay |
Anonymous | Wednesday, December 20, 2000 - 02:16 am To: Dhool ajar iyo xasanaad Alla hakaa siiyo sida wanaagsan ee aad ula hadashey sheyddaankaas ee sheegtey magaca saxaabiga. |
Wadani | Saturday, January 20, 2001 - 02:11 am Dhool iyo Anony ! Waa cajiib ! goormuu noqday munkar ama khalad in la isku booriyo guurka. Walaal keey Khaalid Allaha kheer siiyo wanaag mooyaane wax xumaan kama aan akhrisanin qoraal kiisa. Mid baa ku tilmaamay "sheeydaan" akhii bal hadal kaada, dib u akhri ka dibna, arag in aan diin matali kartid. Haddii uu xumaan ka muuqan la heeyd hadal kiisa, maxaa idin diiday in aan cadeeysaan meesha uu ku khaldamay oo aad u aragteen. Ilaah hanaga dhigo kuwii lagu hanuuniyay jidka wanaagsan. |