site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Culumada Soomaalida

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Culumada Soomaalida
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_said

Unrecorded Date
walaal waad salaamantahay marka hore hadaan su.aashaada jawaab gaaban kaa siiyo hadaad salaad jamaaco adoo ku jirta dareentid inaadan weesa qabin salaada ayaad ka baxeysaa waadna soo weysa qaadaneysaa sidoo kale adoo imaam ah hadaad dareentid inaad weysa qabin salaada waad ka baxeysaa oo safka kuugu horeeya ayaad qof gacanta ka soo qabaneysaa si uu salaada u kamilo sidaas iyo nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hoda ed

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
walaal waxaan ilaahay ka baryeynaa in ilaahay na hadeeyo dhamaan. Waxaan idin waydiinaya salaada qasriga ah hadaad sunnooyin tukan jirtay hore. ma lagu daraa qasriga. Mise dhib maleh oo qasriga keliyaa ayaa la tukadaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idil

Unrecorded Date
Asalamacalaykum dhamaan, Waxaan doonayay inaan su'aashan waydiiyo qof cilmi dheer u leh, Waxa jira wiil somali ah oo aan doonayno in aan is guursano dhawaan, marka wuxu i yiri timahaada i tus anigana since 12 jirkayga xijaabka ma dhigin hadana waxaan jiraa 25 marka way igu adag tahay asna inuu iga xumaado ma doonayo, wuxuu leeyahay madaamaa aynu mardhow husband and wife noqonayno there is no big problem. so please with the knowledge of the diin give me an answer oo faah-faahsan, Mahadsanid!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_said

Unrecorded Date
asalaama caleykum ka bacdi su,aasha saan u fahmey suno raatib ah ayaan tukan jiray salaadaha faralka kadib safar hadaan galo oo salaadihii faralka ahaa aan soo gaabsado(qasri)
sunadii raatibka aheyd ma tukanayaa?
marka hore waxaa mahad mudan alaha awooda leh ee
noo fududeeyey diinta.rasuulka nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee waxaa ka sugnaatey inuu tukan jiray sunada fajriga ee ka horeysa salaada subax iyo sunada wetirka oo ah sunada lagu soo xiro salaadaha. walaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_said

Unrecorded Date
bacda asalaama caleykum walaal marka hore waxaan ku leeyahay wiilka aad is dooneeysiin ilaahey ka baq oo haku hanbaarin gabadha macsi ilaahey adigana waxaan ku leeyahay ma banaana inaad ku adeecdid wiilka ku doonaya wax ilaahey uu xarimay maxaa yeelay ma banaana inuu timahaaga arko ogowna qofku haduu in yar oo diintiisa ah ka tanaasulo marka dame waxa uu halis u yahay inteeda badan inuu ka tanaasulo raalinimada ilaaheyna wax lagu doorsado ma jirto wlaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QADHAFAA

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.

salaam kadin.

Inta aannu ka jawaabin su'aashaada walaal IDIL waxaa haboon in aannu ogaano dhawr wax yaalood oo kala ah.

1- maxaan banaanayn?
2- maxaase banaan?
3- inteebaa u banaan dumarku inay muujiyaan? raggase ..?

1- Waxaan banaanayn (haboonayn, jidaysnayn)in lagu xad gudbo amarada, xeerarka,qawaaniinta rabbi inoo jideeyey.

2- waxaa banaan oo waajib ah in la raaco awaamirta eebe ina faray.

TUSAALE

Illahay Subxaanuhu Wa Tacaala wuxuu dhawr moolood oo quraanka inagu faray in la adeeco waalidka loo jilicsanaado,loo baarri noqdo xataa aan la oran "UF" (hadday kugu ag gaboobaan).
Waa inaaad raacdo waxay ku faraan oo dhan oon ka ahayn INAAD KU XAD GUDUBTO AWAAMIRTA EEBE (Ta macnaheedu waxaa weye inaay yeesho wax kasta ooy ku yiraahdaan oon ka ahayn wixii khilaafaya ama kenaya cisyaan (xad gudub) eebe.).

3- A-sida la inoo sheegay walaal IDIL ayaa cawrada dumarku tahay wixii ka reeban Wajiga, 2da calaa-calood ee gacmaha.iyo inta labada qoob ka hoosaysa.

B- ragga waxay cawradoodu tahay inay asturaan Xudunta ilaa labada jilib.

haddaba haddii aynu intaa garanay waxaan filayaa inay inoo fududaanayso sidii aynu uga jawaabi lahayn su'aashaada.

haddaba su'aashaada ah "inaan ku qanciyo wiilka aanu is doonayno tusida timahayga" ma banaan tahay mise ma banaana?. jawaabtu waxaa weeye ma banaana.

oo waayo(sabab).
maxaaa yeelay diinteenu inooma banayn in ay cawrada dumarka arkaan nin aan ahayn Maxramkeeda.

mar haddii la yiri ha ka qaadanina waalidkiin wixii awaamirta rabbi ka hor imaanaya oo haku adeecinina hana ka qaadanina waxan qabaa in nin kale aan lagu raali galin karin.

arinta ah inuu iga caroodo ayaan ka baqayaa daawadeedu waa inaynu niraahno eebe xaqa ha tuso hana kuu soo jeedsho.

F:G
Haddii an wax khalada qoray ula kac igama noqon ee waa iga cilmi daro marka ha la i saxo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idil

Unrecorded Date
Ramadaan wanaagsan:

Marka hore dadka su'asheyda aan mudaada badan sugayey ka soo jawaabay Jazakalllah qayra.
I fully understand what you said, pray for me that in Ilahey iga dhigo mid waajibaadkeeda ka sooo baxda asagana mid i fahama Alle ka dhigo.
Marlabaad mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G.M

Unrecorded Date
RAMADAN WANAAGSAN. marka u horeysa waxaan doonayaa inlayga jawaabo arin qofkii cilmi dheer uleeh.waxaan ahaya qof dumar ah oo xaasa ah marka su'aasheedu waxaay tahay wiil ayaan isqaabnah marka salaad ma tukado anigana waan tukada ilaahey haiga aqbalee markii aan dhaho salaad tuko waxuu igu jawaab waa ruta waan tukan ee isoo ducee in ilaahey igu hagaajiyo marku muda tukad ayuu joojiyaa marka wuu jacelyahay inuu markast tukad mana u sameyo marka maxaa haboon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Ramadaan wanaagsan:
Walaal marka hore bil barakaysan baan ku jirnaa su'aashaad sheegatay wiil walaakey ayey nalkala haysataa oo marna tukada marna dhaafa, marka waxaan ku oran lahaa intii su'aashaada laga soo jawaabayo aan u ducayno kuligeenba in Alle naga aqbalo. mideeda kale hadii aad cajalado salaada ka hadlaya u shido ama ayadaha iyo xadiisyada ka hadlaya salaada tusiso oo marwalba wacdido waxaan u malaynayaa madaamaa ay wali tukanayaan in uun Ilaahey mar uun qalbigooda xaqa tuso. dhulaalkaan gaalada ee aan joogno way fidno badan tahay wixi aynu isku dhowri lahayn ama isku nadiifin lahayn waa salaada hadii aynu ka tagno waxba inooma yaal. sideedaba ayad qur'aan ayaa waxay leedahay "jinka iyo insigaba waxaan cibaado ahayn looma abuurin" mideeda kale su'aasha ugu horaysa ee la is waydiin qabriga waa "salaada" kolay u malayn maayo in aan su'aashaada ka jawaabay laakiin anigaba su'aashaad waydiisay ayaan anigaba qabay insha Allah some one cilmi u leh ayaan ka sugaynaa. Ramadaan wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum waraxmatulaah.
su'aasha ay walaashay waydiisay waa su'aal muhiim ah oo loo baahan yahay in uu ka jawaabo qofkii uu Allaal baray.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum warax matullaahi wabarakaatuhuu.
salaan kadi Allaah ayaa mahad iskaleh, Alihii wax walba oo dhulka dushiisa, badaba iyo hawada inoo fududeeyay.
Gabadhii su'aasha soo qortay aad ayay umahadsan tahay.
Soleekho oo baraatujin siisayna Allaah haka abaal mariyo qoraalkeedii qiimaha badnaa.
Hadii aan ka hadlo su'aaash meeshataala oo ah (Wiilka aan isqabno salaada marna wuu tu kadaa marna matukado),
SU'aashaas jawaabta aan kadhiibanayo waxa ay tahay in marka hore la ogaado sabaabta u gaysay qofku in uu marna tukado marna katago,maxaa yeelay salaada oo laga tago arin yar ma aha.
Ruuku wuxuu yiri (SCW)salaadu waa tan u dhaxaysa anaga iyo mushrikiinta oo nalaku kala sooco.Rasuulku scw,wuxuu kaloo yiri salaadu waa waxa ugu horeeya oo adoonka lagula xisaabtami doono maalinta qiyaamada hidii ay wanaag sanaato camalkiisa oo dhan wuu wanaag sanaa nayaa hadii ay xumaatana wuu xumaanayaa.ama sidii uu Rasuulku yiri nabad galyo iyo naxariis kokiisa ha ahatee.
Marka qofka saalaada marna tukanaya marna katagaya waxaan ku leenayhayy walaalow salaada hasahlan oo wada tuko.
maxaa yeelay salaadu shayga ugu muhiimsan diinta Islaamka weeye.
Waxaan u dardaar mayaa walaal kaas inuu salaada laa simo oo uu san marna katagin,maxaa yeelay Allaah wuxuu yiri NAFNA MA OGA WAXA AY BARI SAMAYN DOONTO,FAFINA MA OG DHUL AY KU DHIMAN DOONTO.
Walaalkay waxaan leeyahay salaada hakatagin ma ogide waxa aad barito Ilaay hortii kuhadlihayde
marka qof walba uu Allaah hotiisa istaagi aya doo aysan u dhexayn asaga iyo Allaah tujumaan.
Maalinta ay naf walba helayso wixii ay samaysatay hadii uu khayr ahaana khayr,hadii uu xumaan ahaana xumaanteedii.
Intaas ayaan ku soo koobayaa waqtiga ayaa igu yar.
wixii aan khaldayna waxay ka ahaatay naftayda iyo shaydaan wixii aan saxayna allaah ayaa mahadleh.
Intaasi waa cilmigayga meesha uu gaar siisan yahay cilmi oo dhanna Allaah agtiisa ayuu ahaaday.
sidaas iyo nabad galyo.
Wasalaacalay kum warax matulaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
assalama calaykum dhamaan


dear anon Jazakallahi qayra.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G.S

Unrecorded Date
Asslaamu caleykuun.

aad ayaa u mahadsan tahay ka soo jawaabka aad i soo jawaabtay.
runtii in badan ayaan sugayaay inla iga soo jawaabo. ILAAH AJAR HA KA SIYO



waad mahadsan tihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amina-edna

Unrecorded Date
ASALAMUCALEYKUM,
waxaan ku darsan lahaa in yar oo arinta salaada iyo sida ibna adaamku uu u dheyelsado.
ka soo qaad qof baa ku oranaya waan shaqeeyaa oo ma tukan karo shanta waqti ee faraldka ah.shaqada hal malin kama baaqdaan cabsi aadame dartiis. tax- way dhiibaan sanad walba hadii aad tirahdo(tusaale ahaan) tax ha dhiibin sanadkan ama kala nusqaan wuxuu ku oranayaa IRS baa ila xisaabtami doonta oo dooni maayo in aan jeel galo.
Lakiin waxa ey ilaabaa in akhira mid ka daran tax ay IRS xisaabiniso,lala xisaabtami doono oo penalty ay tahaa naarta daran.
Ula jeedadeydu waa aduunyo waa wakhti yar ,laakin akhriy ayaa ina sugisa oo inta kaliya oon ka faideysan karo joogida aduunyo waa u shaqeysi akhiro. ilahey kuligeen ha inoo fudueeyo cabudida rabi iyo ku toosnaanta jidka suuban.
wa asalaamucaleykum waraxmarulah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Asaalama calaykum

Marka u horaysa anon iyo Amina Allaha idinka abaal mariyo.

Qofka hadii uu Shaqo ka doorsado cibadada Alle Shaqadiisa wixi ka soo galaa wax barako Alle ku jirto ma aha wixi barako Alle ku jirina Allaha inaga najeeyo.

salaada qofka ayey nadiifisaa danbiyada yar yar ayey ka dhaqdaa marka hadii uu qofka dukan waaya danbiyada yar yar way isu ururayaan haday isku ururaana Waxay noqon waynu ognahay Allaha inaga najeeyo.

Xadiis Nabiga (scw) yiri ayaa ahaa hadii uu wabi biyo hor maro gurigaaga hortiis oo aad shanwaqti ku mayrato korkaaga wasaq ku hari mayaan, Hadaba shan waqti oo la dukadona waa sidaa oo kale danbiyada ayey kaa nadiifinaysaa.

walaalayaal aduunkan quruxdiisa yeyna ina sirin oo yaynu yareeysan salaada, waa uun shan waqti. Ilaahey naxariistiisa 50 ayey ahayd salaada 5 kaliya ayaa noolaga dhigay markaas ayaan gudi la'nahay. Aloow naxariistada kuma jisaarin ee inoo gargaar anaga iyo inta muslin adaa inta naxariisata u naxariis badane. Aamiin.

Waaxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa xadiiskii Nabiga (scw) ee ahaa Alaah ka cabsada meelkasta oo aad joogtaan, haday xumaan idinka dhacdo wanaag raacsii asagaa tirtiraya, dadkana dabeecad wanaagsan kula dhaqan.

hadaan wax qaldo fadlan i soo saxa waan qaldami karayee baniaadam ayaan ahay.

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faadumo

Unrecorded Date
aslaamu calaykum walaalayaal ilaahay ajir ha idinka siiyo arimaha diinta ee aad kasheekeynaysaa walaalahayoow qofka markii uu su,aasha soo bandhigayo ama idin warinayo waxaa wanaagsan ayadoo tafatiran in looga jawaabo balse asan noqanin waxaan umalayan iyo waxay aniga ilatahay run ahaantii anigu waxaan ka mid ahaa akhristayaasha balse maanta kahor masoo qorin waxaanan usoo qoray in su,aaluhu yeeshaan jawaabo lagu qanco tusaale ahaan jawaabtii uusoo jawaabay walaalkano qadhafaa ilaahayna ajir haka siiyo waayo si tafatiran ayuu oga soo jawaabayhana umalaynina walaalahayoow in aan kasoo horjeedo jawaabaha eenasuus badan oodadka qanciso ayaan rabaa aniga laftaydu waxaan qabaa su ,aal aad aan ujeclahay in jawaabteeda ootafatiran la iisoo gudbiyo ilaahayna idinku abaalmariyo janadiisa qaaliga ah

waxaan jeclahay hadii alaha awooda leh ii ogalaado in aan soo jeediyo su aasha aan qabo walaalayaal waxaa jirto wiil iyo gabar is qabo gabadha iyo wiilka aad ayay isu jecel yihiin wiika waalidkii waxay dheheen fur gabadhaan gabadhana wax nasab ah ama diin ah oo lagu durayo ma ay jiraan wiilkii dadkii waxay leeyihiin qaarkood waxaan gaalnimo ka ahayn waad ku adeeci ooilaahay ayaa yiri iska fur qaarna waxay leeyihiin luguma adeecayo guurka iyo diintaada kabax walaalahayow waan wareernay eewixii ilaahay idinka baray noo soo sheega wabilaahi toowfiiq wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatahu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QADHAFAA

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM

walaal FAADUMO anoon jawaab qanac leh ka bixinayn ma'alada aad soo sheegtay ayaan jeclan lahaa inaan halkaan kuugu soo gudbiyo Qisadan mid la mida anoon daliil uga dhiganayn bananyta ma'aladan.

waxaan akhriyey mar Qiso ahayd in NABBI IBRAAHIM "c.s" uu soo booqday wilkiisii Nabbi Ismaaciil "c.s" wuxuu kula kulmay nabbi Ibraahim xaaskii wiilkiisa wuxuuna ka waraystay xaalkooda iyo noloshooda sida tahay marka way u yara cabatay oo dayrsatay markaasuu fariin uga tagay wiilkiisii waa nabbi ismaaciile wuxuuna ku yiri ( Ismaaciil hadduu yimaado waxaad ku tiraahdaa abahaa wuxuu ku yiri ha baddalo catabada gurigaaaga), marka waxaa la yiraahdaa nabbi simaaciil sidaas ayuu ku furay xaaskiisii kadib markuu maqlay hadalkii aabihii, wuxuu hadana guursaday nabbi Ismaaciil xaas kale sidoo kale ayaa waxaa soo booqday aabihii Nabiyullaahi Ibraahiim wuxuu waraystay xaaskii wiilkiisa sida ay tahay noloshooda markaa ayey u khayr sheegtay, fariin ayuuna kaga tagay uuna yiri waxaad ku tiraahdaa Ismaaciil aabaha wuxuu kuyiri hayso cataba gurigaaga.

marka walaal fadumo mar aan waydiiey dad culumada waxay yiraahdeen waxaa furitaanka noocaaas oo kale loo egi karaa dhawr wax yaalood oo ay ka mid tahay

in aabuhu ama waalidku ay yihiin dad diinta yaqaan oo caalimiin ah "saalixiin ah".

in wax dhib ah lagu arko gabadha, iwm


marka Fadumo anigu oran maaayo waan ka jawaabay su'aashan balse waxaan soo qoray waa macluumadkii aan soo ururshay intii aan kari karay, mar labaadna waxaan ku leeyahay ma filayo inay tani noqon doontonto jawaabtii su'aashaada.

WA BILLAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKHAALIQ

Unrecorded Date
asalaamu calaykum
salaan ka dib aad baan ugu farxay sida qiimaha badan ee aad isu aqoon waydaarsanaysaan.
ilaahayna waxaan inooga baryaayaa inuu inaga yeelo kuwii diintooda ku dhaqma.
intaa ka dib waxaan kaloo idiin sheegi lahaa inay jirto nambaro aad wici kartaan suaalana waydiin kartaan, waxaana idiinka jawaabaya dad aqoon u leh waana kuwan #
703 641 4890 (waa jaamacad islaami ah oo ku taala wadankan usa magaalada washington d.c waxaanay leedahay saacado la waco oo ay jawaabaha ugu tala galeen)
waxaad wacdaa ISNIIN_____JIMCE FR2:00PM 5:00PM ET.
nambarka kale ee aad wici kartaaa waa kan
(1800 95 328 92)
saacadaha aad wici karto waa ISNIIN_____KHAMIIS FR 1:00PM 3:00PM ET.
waxaana idiin jawaabi doona culumo waaweyn oo ehel u ah FATWADA ama jawaabaha.
walaal anigu intaasaan idinku biirin lahaa wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

Salaan kadib walaalayaal waxan rabaa inaan ogaado yaa muslima yaase gaala? Islaamku ma dhaqanbaa mise wax qofka laga rabo in uu rumeeyo?,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABUU SALMAAN

Unrecorded Date
walaal omar islaamku waa rumayn qofka laga rabo iyo dhaqan labadaba .
rumayntaada waxaa cadaynaya dhaqankaaga ,sidaa daraadeed qofku markuu islaamo ee uu rumeeyo ilaahay iyo inta looga baahan yahay inuu rumeeyo waxaa lagaa rabaa dhaqan,sidaa daradeed rumaynta iyo dhaqanku way wada socdaan oo ma kala hadhi karaan.
waxaan filayaa waa jawaab gaaban oo aad fahmi kartid ,hadii aad intaa ka badan u baahato soo sheeg.
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalaamu caleykum
walaalayaal waxaan raba inaan su aal yar weydiiyo dadka aqoonta uleh diinta waxaan leyahay laba ilmood waxaan awooda uwaaweey inaan uwanqalo markeey dhasheen suaasha hada waxaa weye ma uwanqalikara ilmahana waa wiil iyo gabar

wasalaamu caleykum

farxaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xasan

Unrecorded Date
walaal waxaan kugula talin lahaa inaad wacdo lambaradaa uu wiilku meesha ku qoray,waayo cid kasta ayaa meesha soo gasha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jama

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum

Walalayaal waad salamantihiin !

Waxaan jeclaan lahaa inaan su'aal weydiiyo qof diinda si fiican u yaqaana.

Waxaa jirto in nin saxiibkey ah uu ii sheegay in uu xaaskiisa iyo isaga ay sameeyen (oral sex) waxey gaaladu yiraahdaan. markii aan i sheegay inuu qaldanyahay waxuu ila soo baxay kitaab yar oo uu heystay waxuuna ku andacoonayaa ineysan ku soo aroorin xadiis ama wax kale oo dhahayo (oral sex) waa qalad, marka fadlan arrintaani waxaan u baahanahay in ruux uu ii fahfaahiyo si aan saxiibkey ugu dhaadhiciyo inuu qaldan yahay .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Jama:

aad ayaa ugu mahadsantahay su'aashan. Culumadeena qaar ayaa su'aalaha noocan oo kale ka xanaaqa. hadda ka hor ayaa waxaa isguursanayey my best friend (at that time) iyo gabar aan aad isugu fiicneyn. Shiikh ayaa meesha quraan ka akhriyey aniguna waxaan imaaday mar meeshii lagu kala tegey oo gabadhii iyo willkii, shiikhii iyo dhowr qof oo kale ay guriga arooska cusub isugu imaadeen.

Sheeko iyo qosol ka dib ayaa diinta la isla galay shiikhiina su'aashan aad noo sheegtay ayaan si kale u weydiiyy. Waxaan iri shiikhow oral sex-ka maxay diintu ka qabtaa. Runtii maalintaasi waxay ahayd maalintii iigu denbeysey oo shiikh Soomaali aan su'aal si dirito ah aan u weydiiyey. Inuu ii jawaabo iska dhaafe anigii ayuu iga dhigay. Diintu jeejees magasho ayaa hadaldiisa kamid ahaa.

Waa ku mahadsantahay su'aashan aad ku qortay meesha.

Anon, the X.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anony99

Unrecorded Date
Salaaman

Mahadsanid su'aasha aad keentay waan ka xishoonayey in aan waydiiyo qudhayda laakin haadaad ii biloowday mahadsanid (Ilaah xaqa kama xishoodo ee culumooy ka soo jawaaba) waan doonayaa in aan ogaado waxay diinta ka qabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamed

Unrecorded Date
asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatuhu.
S1.

waxaan rabaa inaan culimadda waydiiyo>; Haddi anigoo maro sawir leh qabo aan salaad xirto, dabadeedna anigoo salaadii ku gudda jira xasuusto inaan maro sawir leh qabo. MAXAAN SAMAYNAYAA?

S2.

Waxaan rabaa inaan culimadda waydiiyo>; Ninkaagu ama xaaskaagu salaadda makaa jabiyaa?

WABILAAHI TOWFIIQ!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUNDIS

Unrecorded Date
ASALAAMUCALAYKUM.WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU.
WAXAAN RABAA INAAN CULIMADA WAYDIIYO.
S1
XAMAR ILAA BAYDHABO MUXRAM MIYAY UBAAHAN TAHAY
GABADHA MUSLIMADA AH.

GABAR MUSLIMAD AH AYAAN WAX NADHAX MAREEN KADIB MARKAAN ISCAFINAY AYAY MISANA WARKALE IGUTIRI-
ANIGU MARKAA IYADA AH WAAN KA AAMUSAY MAINAAN -
MARKALE CAFIYAA MISE SALAADAYDA AYAY WAX U DHIMAYSAA HADII AAN SIDAYDII UGA CARAY SANAHAY

WABILAAHI TOOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKHAALIQ

Unrecorded Date
asalaamu calaykum.
bacda salaan hadaan isku dayo inaan suaashaada kaaga jawaabo 1)hadii marada sawirka leh tahay wax ku kor saaran sida cimaamada oo kale oo aan ahayn wax asturaya caawradaada waad iska tuuri kartaa adoon salaada ka bixin,laakiin hadii ay tahay wax cawradaada asturaya sida surwaalka waa inaad salaada ka baxdo oo aad iska bixiso
2)haa walaal waad u baahan tahay maxram
3)walaal ilaahay cafis ayuu ina faray waxaanan kugula talin lahaa inaad saaxibadaa cafido oo hadii iyadu kugu khaldantay aadan ku dayan adna ,laakiin xaga salaada maha wax isku xidhan waayo salaadu waxay leedahay shuuruud iyo arkaan ,wax xidhiidhana arintan lama laha.
4)walaal ninkaagu kaama jabiyo waysada.
hadaad u baahato waxyaalaha waysada jabiya waan ku qori doonaa meesha.
wixii faahfaahina igala soo xidhiidh abdikhaliq@hotmail.com
n.b aad waxaan uga cudur daaranayaa inaanan jawaabaha faahfaahin wakhtigoo igu yar dartii , markaa raali iga noqda .
asalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdikhaaliq

Unrecorded Date
saxitaan:-
walaalayaal horta anigu culumo ma ihi ,sababta aan suaalahan uga jawaabayna waa in mudo ah ayay meesha ku qornaayeen ,markaa markii laga soo jawaabi waayay ayaan wixii ilaah iga garansiiyay ka idhi .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muhsin

Unrecorded Date
jawaab su´aasha oral sex
walaalayaal waxaa uu eebe inaga dhigay dad muslimiin ah akhlaaqduna u dhan tahay qofkii raacaya diinta.N.(s.c.w.)wuxuu yidhi:" waxaa la ii soo diray si aan u dhamaystiro akhlaaqda teeda wanaagsan."anaa ka makhraati ah inuu dhamaystiray.
hadaan u soo noqdo su´aashii sideedaba diinta ilaahay wixii shaki kaa gala xaq ayaad u leedahay qofkii yaqaana in aad waydiisid,si edeb leh, ee adiga iyo sheekhaad waydiisay ma kala xukmin karo.
Oral sex hadaad ka wado afka oo afka la isu galiyo
waa wax aynan dadkii wanwanaagsanaa ee asaxaabtii samaynin intaan ognahay ee waa akhlaaq ka timid gaalada,ku dayashada gaaladuna ma banaana,laakiin
waa xaaraan ama waa xalaal ma ku odhan karo.
hadiise aad Oral sex ka wado in gabadhu nuugto bahalka ninka waa xaaraan oo eebe wuxuu qur´aanka ku yidhi:" dumarka uga galmooda meesha la idinka amray" taas oo ah meesha lawada garan ee walaal aan ku qanacno diinteena.af af isu galinta waydii inay xaaraan taha iyo in kale qof iga cilmi badan
hadaadanba iska daynaynin.
wixii aan khalday waa naftayda iyo shaydaan wixii aan saxayna waa xag eebe eeeebow diintanada na bar.
by muhsin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anony99

Unrecorded Date
SALAAN,,,,

TO MUHSIN:

walaal horta mahadsanid, sida aad isugu dayday in aad uga jawaabtid su'aasha balse, hadaad cilmi u lahayn, waxaa wanaagsan in aad ka jawaabin,
anigaba marqaati baan ka ahay in Nabigeenii scw uu diinta dhamaystiray, teeda kale waxaad tiri in afka afka la isu geliyo dadkii wanaagsanaa may samayn,,,,,,,,,, cajalad boqol soon aniga ayaa ka dhagaystay xadiisyo badan ee uu nabiga afka ka dhunkan jiray xaaskiisa marka uu guriga soo galo waliba uu cadayan jiray intuusan dhunkan, man ma waxaad inoo sheegaysaa in aan afka afka la isu galin karin,,wait xaraarad ba ma laha hadaan lays leefin oo la is nuugin, hadii xalaal la isu yahay, si kastaa la iskugu raaxeeyaa...

kama hadlayo oral sexka sababtoo ah cilmi uma lahi, waa run ayada oranaysa uga taga meesha uu Alle idin amray kaliya, anyway, wax kama jawabin wax uun baaan ka hadlay...

ka raali noqda hadaan wax qalday...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxsin

Unrecorded Date
To:anony99
walaal waaan haynaa in uu nebigu dhunkan jiray xaasaskiisa,markuu salaada u sii bixi,sida ay caa´isha warisay ,laakiin kama hadlo xadiiskaasi arrinta su´aashaada ee ka fiirso oo cajalada ku noqo.cadaygana waa wax uu ina amray ee ma aha wax uu u soo cadayanayay si uu u guto arin xaas ku lug leh ee waxay ahayd in aan qudhmuun laga soo urinin marka loo soo dhowaado (cidkasta oo u soo dhowaata xaaskaana ugu mudan in la isu nadiifiyo oo mar kasytawaad isu dhodihiin).mar labaad cajalkii bal ku noqo oo aad u soo dhageyso walaal
walaalkaa muxsin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QADHAFAA

Unrecorded Date
asalaamu calaykum

walaal JAAMAC waxaan jeclaan lahaa inaad ii yara faah-faahiso "ORANL-SEX", AF-SOOMAALI AHAAN MAXAY NOQONAYSAA.

MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
hi there.
Are you nuts or what!,don't you know 69 position? that is when oral sex is performed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdulahi

Unrecorded Date
Walaal muhsin
in labada is qabta ay afka iska jaqaan waa akhlaaq wanaagsan oo laga soo gaadhay dadkii inaga horeeyay ee nabiga iyo asxaabtiisu horgalka u ahaayeen, su'aashan waxaan waydiiyay sheeh Abil xasaan al nadwi ee raabidada caalamka islaamka madaxda ka ahaan jiray qorayna kutubta ay kamid yihiin "maadaa khasiral caalamu bi'nxidaad almuslimiin" iyo "siiraturrasuul" iyo kutub kale oo badan, sheekhaasu wuxuu iisheegay riwaayah kamida xadiis uu nabigu ku yidhi nin asxaabtiisa ahaa oo naag aad uga da'wayn guursaday "maalak walil bikrati walacibihaa walicaabihaa" oo uu iigu macneeyay in licaabihaadaa laga wado dhareerka afkaaga galaya markaad is jaqaysaan walaal hadaad faahfaahin ubaahato kala xiriir sheekha,waa caan telephone-kiisana waxaad ku helaysaa si dhib yar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anony99

Unrecorded Date
Salaan.....

To abdullahi:

mahadsanid waan sidaa aan ku maqlayee cajalada oranaysaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
TU ABDULAAHI:

WALAAL ARIN TAAS AAD SHEEGTAY QALAD AYAAD KAFAHAN TAY EE ARIN TAAS WAXAY AHAYD SIDAN MARKUU NIN KA AS XAABIGA AH LAKULMAY RASUUL KA OO KUYIRI MAXAAD GUUR SATAY YIRINA ASXAABIGII GAROOB RASUULKU WUXUUYIRI MAXAAD GABAR UGUUR SAN WAYSAY WUXUU NIN KII ASXAABIGA AHAA UGU JAWAA BAY RASUULKII ALOOW AABAHAY WAXUU KA GEERYOODAY GABDHO MARKA HADAAN GABAR GUURSADO KALMA ROONEE WAXAAN KA BAQAY INAY ISLAAYAAN MARKA SAAS LA ADLIGEED GAROOB HOOYADOOD OOKALE AH OO UDULQAADATA DHIB KOODA AYAAN UGUUR SADAY TAASAANA IGU KALIFTAY INAAN GAROOB GUURSADO AYUU YIRI ASXAABIGII CAYAARI TAAN KANA WUXUU KALA JEEDAY GABADHU WAA QOF NOLOSHA HADA UGU HORAYSO HADAAD LA CAYAARTO WAY KULA CAYARI HADAADAN LACAYAARINA KULA CAYAARI,,,-
GAROOBTUNA WAA QOF WAYN OO SIDAAD DOONTO OLAMA CAYAARI KARTID WAAYO CAYAARTEEDII WAY SOO CUNTAY MARKA CAYAARTU INAYSAN AHAYN IN AFKA AFKA LA ISAGU RIDO WAAD GARAN KARTAA WAAYO GAROOBTUBA AFKA AFKA WAAD UGU RIDI KARTAA BALSE WAXAAD OGAATAA TAA INAYSAN CAYAAR AHAYN MATKA RUUXII WAX GARADA AMA INUU WAX GARTA DOONAAYA WUU GARAN KARAA UJEEDADA CAYAAR INAYSAN AHAYN IN AFKA FAKA LA ISAGU RIDO RUUXII ISKA IDHA TIRAYA MAAHEE EE FADLAN WADAADADA SU AALAHA QALDAN KA DAAYA
WIXII FAAH FAAHIN DHEERAADA WAAD ISOO WAYDIIN KARTAAN ANA WIXII ALE IKARSIIYAAN IDAN KAGA SHEEGI DOONAA HADUU ALE IDMO WABILAAHI TAWFIIQ
(S C W) BYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdulahi

Unrecorded Date
TO.DEEQA
WALAAL MACAAN
WAA RUNTAA XADIISKA AAD KEENTAY EE AAD MICNIHIISA SHARAXDAY WAA RIWAAYO KAMIDA KUWA KUSOO AROO RAY KUTUBTA AXAADIISTA,MIDKA SHEEKHU II SHEEGAYNA WAA RIWAAYO KALE OO KAAD FASIRTAY WIXUU SHEEGAYAA CIYAAR KALIYA WUXUUNA ORANAYAA "tulaacibuka watulaacibuhaa" KAN SHEEKHU II SHEEGAYNA WUXUU SHEEGAYAA CIYAAR IYO AF ISKA JAQ WADA SOCDA MARKA WALAAL XADIISKAN DAMBE WUXUU FAAIIDAYNAYAA MICNE AANU KAHORE FAAIIDAYN OO zIYAADO AH,SIYAADADUNA WAA MAQBUUL HADAY SIXADA XADIISKU OK.SIDAA DARTEED WALAAL MACAAN YAAN LAYS HOR TAAGIN WAX SHAARICU INOO BANEEYAY.CULIMADA MUSLIMIINTA UGU WAAWAYNA AY IFTOODEEN.QOFKII ISAGU AAN RABIN YEELKII LAAKIIN CIDII RABTA YAAN LAGA SHAKI GALIN.HADII KALE WAXAYNU KU DAMBAYNAYNAA HALKII CULIMADII YUHUUDDA EE ILAAHAY KU TILMAAMAY "itakhaduu axbaarahum waruhbaanahum arbaaban min duunillaah" RABINIMADA AY KA YEESHEEN WAX KALE MA'AHA EE WAXAY KA XAARAAMEEYEEN WAX ILAAHAY U XALILAY. HADII HADALKAYGANI U MUUQDO MID QALAFSAN FADLAN RAALI KA NOQO WAAN KAA XAAL MARINAYAA.
walaalkaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO ABDULAHI
salaamu calykum:
walaal runtii hadii wax la xaal marinayo adaa lagu xaalmarin baan umalaynayaa mideeda kale wallaal xadiis kaad sheegtay iyo xadiis kaan sheegay runtii way is shabahaan markaan qorayayna way isula kay ekaadeen balse walaal hadalada aad dhahaysid runtii way kala qurxan yihiin,
marka waxaan kugula talin lahaa inaad isku daydo markaad su,aal waydiinayso wadaadada inaad hadal walba hadal kuu ka qurxan yahay way diisid

raalina noqo hadaan meel kaaga dhacay
waana lagaa xaal marin walaalkay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

S

Unrecorded Date
TO :QADHAFAA

"ORAL-SEX"
WAA MARKA GABADHU RAGA QORAHIISA NUUGTO SIDA AY GAALADU ISTICMAALAN, WALAAL QADHAFAA INTAA KABADAN KUMA FAAFAHIN KARO.

JAMA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxsin

Unrecorded Date
TO:ABDULLAHI
WALAAL c/llahi waxaan jeclaan lahaa in aad sheekhaas aad soo waydiiso riwaayadaas kale iyo cida warisay ama kitaabka sunanka laga helo magaciisa.
axaadiista deeqo ayaan inta kale ku raacsanahay sharaxeeda hadii riwaayadaasi aynan sugnayn yaan dadka loo fatwoonin.
ee c/llahi noo soo faa iidee adaa sheekha telefoonkiisa heli karee.


muxsin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
tjena allihopa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali

Unrecorded Date
TO: SOOMAALIDA IYO QOFKII DOONAYAY INUU KAJAAHIL BAXO SU,AASHA DOODDA WAYN QAADATAY.


Marka hore ma,ihi qofdoonaya inuu su,aasha idin
ka jaahil bixiyo oo awood uma lihi iyo aqoon labadaba

hayeeshee laba arrin ayaan rabaa inaan iraahdo
midi waxaa iska leh qofkii su,aasha soo qoray midna waxaa iskale soomaali wayn

su,aale: marka hore waxaan kuu tilmaami lahaa kutub laga qoray arrimaha sariirta iyo sharciyada
loo baahanyahay inay raacaan labada isqabta markay
howshooda gudanayaan iyo siday uwda dhaqmi lahaayeen
musaniifka buugga qoray waa nin caalim,ah wuxuuna daliil sanayaa x-saxiixa iyo aayada quraanna waxaana filahayaa buugga inlayiraahdo (FIQHIZZAWAAJ) waliba sheekhii kutubkaa noo aqrinayay wxuu noo bidhaamiyay inay jiraan kutubo kawaawayn oo arrimahaa laga qoray laakiin anigu masii daraasayn oo kaygii ayaan isaga kaaftoomay.
waxaana filahayaa inay kaa jaahilbixinayaan su,aashada waxaana ka helikadhaa maktabooyinka.

Soomaali wayn: walaalayaal waxaan idin oranayaa hadii su,aasha aydaan sidii layaqaanay uga jaahilbixinkarin saa,ilka iskadaaya oo waqti yuusan idinkaga lumin, waan maqlay, waa la,iisheegay boqolsoon baan kamaqlay daliil ma,aha
oo waxa larabaa nas cad oo kayimid rasuulka oo waliba aad tilmaamayso meesha saa,ilku kasoo xaqiinkaro xaddiiskaad usheegtay.

Midda kale walaalayaal meeshaan waa bablik(public)
qofkii raba inuu kajaahilbaxo arrimaha sariirta hawaco culamada ama hawaydiiyo qofka cilmi badan siqarsoodiya. waa talo laqaadankaro lagana tagi karo .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muniira

Unrecorded Date
TO: CALI
WALAAL SALAAMU CALYKUM-
dabcan arimaha sariirta macshirka lala imaado balse hadii qofku uu san garanayn TEL culimada
maxuu samaynayaa???
mida kale waa mid jirta in walaal kaa aad ku caawiso wixii aad cilmi uga leedahay ama aad ka maqlisayculimo inaad uga faa iidayso
dabcan waxaa laga yaabaa ruuxa su,aalahaas-
soo qortay inay daacad katahay inuu ka jaahil baxo isla markaana uusan haysanin TELFOONADA
CULIMADA
marka fadlan adigu asxaan sameeyoo
culimo aad TEL FOONADOODA
garanayso u sheeg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YUUSUF

Unrecorded Date
Jawaab ""oral sex""

waxaan jeclaan lahaa inaan jawaab gaaban ka bixiyo su'aashan dooda weyn keentay, runtii ma jirto aayad ama xadiis arrintani ka hadlaaya waayo waqtigaa aasxaabtu ""oral sex"" ma la jirin lakiin

oral sex waa la mid galmada dabada ah oo waa xaaram oo waa sino, waana mamnuuc oo waa tii lagu halaagay ""quumu luud"" marka walalayaal hala ogaado iney wixii normalka ka baxan ineysan wanaagsaneyn..
ugu danbeentii, oral sex, sino, qaniisnimo waa halaag oo waxaa lagu mutaa naar , illah ka baqa oo iska illaaliya wixii kun waayo gaaladu waxey doonayaan iney muslimiinta wixii xunba la wadaagan

asalaamu caleykum
YUUSUF SHEEKH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

O.K.

Unrecorded Date
Assalamu alaikum,

Salaan ka dib Walaal Yuusuf, baarakalaahu fiik, su'aasha aad isku dayday inaad ka jawaabo, hase yeeshe wax kasta marka laga jawaabayo waxaa haboon in lagu noqdo kitaabka Alle iyo sunada rasuulka. Qofka haddii uu ka jawaabo su'aal uusan garanayn waxaa laga yaaba inuu ku dambaabo. Si kastaba ha ahaatee, su'aashaan kor lagu xusay waxaa ka jawaabay Shaykh Waleed Basyoni oo deggen Houston, TX waxaanad kala xiriiri kartaan Phone # (218) 461-4932 3PM-4:30PM Eastern Time M-TH. Su'aashanina waxay ku Post garaysan tahay: www.qss.org/questions/data/family_women.html, siday ugu dhegenaydna waatan hoos ku qoran. haddii aan wax ku gafay shaydaan bay ka timid haddi aan asiibayna Ilaahayga Raxmaanka ah bay ka timid. O.K.

Shaykh Waleed Basyoni is currently residing in Houston Texas where he is the Imam of a local
Masjid there. A native of Egypt he completed his Islaamic studies at Ibn Saud University in Saudia
Arabia. He has given lectures at the QSS conference and at numerous Masajid through out the
United States. May Allah the Almighty preserve him and keep him firm on the Sunnah and allow us
to benefit from him ameen.


Added on: Jan 3, 1997
22) I am 21 and I am married since 7 month. I love my husband very much, and he loves me too. I know that anal intercourse is forbidden in Islam, and neither my husband nor I are thinking of it. But sometimes in the heat of our passion,...

[description of oral sex, too graphic to be included]

ANSWER: You are right about anal intercourse. It is one of the major sins that result in Allaah's anger and may have immediate punishment in this life as well. Many of those who do it get ventually separated and divorced. As for oral sex, there is no text prohibiting it. The scholars have differing opinions in its regard. Some of them prohibit it because it is an imitation of the kuffaar, of animals, it causes infections (to the woman), and it may result in swallowing najis materials (pre-seminal secretions, etc). It is also not reported to having been the practice of the Prophet or any of the great Muslims.
Others allow it because it is a form of foreplay that could enhance the marital life and relationship.
If one chooses to do it, one must avoid the possible dangers outlined above, and avoid doing it excessively. Allaah knows best.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIRAHMAN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM SALAANTAA ISLAAMKA KA DIB WAXAAN RABAA SU'AAL IN AAN WAYDIIYO CULUMADDA SAMOLIYEED AMA QOFKII ILAAHAY WAA FAJIYABA ANAGAA DAD BADAN OO SOOMALIYEED AH BAANU KU MURANAY WAXA RIBADA LAYIRAAHDO. NIN DADKII KA MID AH BAA KU JAWAABEY HADIIBA AAD OGOSHAY IN AAD CASHUUR BIXISO MAXAAD KU DIIDI IN AAN GURI CARUURTU KUU SEEXATO GADATO. SU AASHAYDU WAXA WEEYE MA LA ISU DALIISHANKARAA CASHUURTA DAWLADDA MAREYKANKU DAD KA KU KHASBAYSO EE CIIDAMADEEDA IYO SHAQAALAHEEDA SIINAYSO IYO DULSAARKA AAN BANGI KA QAADANAYO?MA SE UQAADAN KARAA RIBO AMA DULSAAR CARUUR BAAB LEEYAY OO GURIWALBA WAA LA IGA SAARA WAXAANNA LA IGAGA SAARAA WAY QAYLIYEEN IYO GIRIGII BAAD IGA JEJEBISEEN. @ MIAL I WILL GIVE YOU LATER WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.

Walaal C/raxman waad mahad santahay allaahna khayr hakuugu badalo sidaad xaqa u raadinaysid.

Walaal diinteena sida aad ogtahay ribadu xaaraam ayay kutahay waana sheyga kaliya oo hadii qofku sameeyo uu ku mudan xarbi allaah waa shay hadii qofku sameeyo uu mudan lacanadii allah kii cunay kii baxshay kii xaadiray oo ka markhaanti kacayba.

Waxa canshuurta layiraahdona wax daliil ah oo ay leedahay majirto laakiin waxaa daliil leh oo waajib ah zekada marku dadku kii allaah u jideeyay ayay ka tageen oo waxay qaateen mid ay iyagu sameeyeen,culimaduna waa ay kahadlaan oo waxay yiraahdaan hadii daruuro keento oo dawlada miisaaniyadeedi dhacdo waa laqaadi karaa wuxuun lagu kabo miisaaniyada dawlada.

Hadaan usoo laabto su,aashaadi walaal loogama qiyaas qaadankaro shey lagugu khasbay oo aan banaanayn inaad uga qiyaas qaadato mid xaaraam ah oo aad ikhyaarkaaga ku doonato,taasina waa wax aan banaanayn waxaan ku siin tusaale.

Diinteena waxaa kamida qofkii ku dhawaaqa kalimad gaalnimo ah oo lagu qasbay inaanu waxba dushiisa ahayn diintana aanu kabaxayn,marka kaasi waa mukrih,hadaan iraahdo ka waran maadaama kaasiba jiro ana waan ku dhawaaqi karaa ma yahay qiyaas sax ah may may waa faasid haduu sameeyana khatar ayuu galayaa.

wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fardosa

Unrecorded Date
Asalam Alkum brother

I am only 19 and i go to college. I am looking for very reliogious muslim man, it doesn't matter what he is from as long as he is a good muslim. Since our reliogion is the most important, i do anything for my reliogion so please if u guys know any want who want to marry please write me back
thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A Muslim

Unrecorded Date
Wa alaikuma salaam! Sis

Walaal haddii aay arrintan dhab kaa tahay annigu diyaar baan ahay. Waxaan ahay nin muslim ah haddana taqi ah. Tukadda sallaadaha (a devoted Sunni muslim)Waxaan jiraan 24 yrs old. If you are serious about this so pls email me: siyaad@yahoo.com !
Wa salamu alaikum warahmatullaah!

A muslim bro!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Isaq

Unrecorded Date
isaq asalaamucaleykum

walaalyaa iishega suaashaan garoob iyad miyaa walaayadeeda leh mise ehelkeeda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guushaa

Unrecorded Date
ku:dhamaan culimadda

ha la joojiyo kala qoqobidda aad ku heysaan dadka caamadda ah.

waxay u bateen culimaddii in meeshii uun khalaaf ka taagan yahay uun wax laga raadiyo.
dilkan lagu xukumayo culimadda daaya,hadduu wadaad qaldamay u nasteexeeya oo saxa haddaad wanaag dooneysaan.

waddaad xamar joogga yaa la yiri qalad buu sameeyey.wadaado nairobi joogga yaa warkii yurub keenay,kuwii yurub joogay baa kii xamar joogay dil ku xukumay.kii xamar joogay yaa arintii wax laga weydiiyey waxuu yiri hadalka aan iri amaan buu ahaa oo nabigu waxuu ogaa waxaan dadka kale ogeen.maxaa arinta si fiican loogu baari waayey.waa maxay degdegu ilaah ha laga yaabo.

caawiya kuwa gaaladda wadanka ka hortaagan kolay culimaddu aad yey u kala qeybsan tahay oo waxay ka dhamaan waayeen loolan ayagu iskula jiraan iyo dadkii caamadda ahaa oo ey kala qeyb qeybiyeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Ku: Dhamaan Culimadda

Aad baan kuugu raacsanajay Guusha arintaas aad kaga dhawaajisay,

Su'aasho waxay tahay waar hadii aad adigu wax qabanaynin dadka daaf oo hakaa amaan heleen si ay shaqadoodda u gutaane,
Markii dagaalkii Bari dhacay ma Yurub baa la keenay oo lagu dacaayadeynayey? Markii Dagaalkii Ethiopia Dhacay ma la dacaayadeyey? Walaalaheen sidaas ayey xal u arkayeen wayna sameeyeen, natiijadiina waa la gaaray! markaa hadii qofi/kooxi tidhaah sidaan baan xalka u aragnaa, halamaan galiyo ilaa iyadguka warkeenaan.
Salaamu Aleykum !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciise Dhere

Unrecorded Date
Ku:Dhamaan cullimadda

Arintu waxaa weeyaan midinimaddu waa qaali.
Diintayaddu wax badan ey ka hadashay ilaalinta wadajirka iyo ka fogaanta kala tag tagsanaanta.
Ilaahey waxuu leeyahay indakoo wada jira qabsadda xarigeyga hana noqonina kuwo kala kala qeysama.
Nabigeena NNKH waxuu bixiyey tusaale ah ah ari wadda jiro waa xoog ,kii dhexbaxa ariga oo ka luma dhurwaaga yaa gooni ku cunna.

Taariikh Soomaali:

Axaaraddu waa cadownaga.
Shiekhii weynaa ee sacuudiga allaha u naxariistee yaa warastay qaar wadaado Soomaali ah intuu jiray xukunkii kali talaiye Mohamed Siyad waxay ka cawdeen waddaadu diin xumadda wadanka ka taagan.
waxuu weydiiyey ninkani ma ogolyahay ina la tukado,waxay ku jawaabeen haa, waxuu yiri isks daaya waxuu ka fiican yahay kuwo salaadda mamnuucaye.

Madaxweynihii ugu horeeyey Somalia yaa yiri markay Xoriyaddu soo dhaweyd ninkan reer waqooyiga naga daaya wax dhi aheen nooma soo wadaane.Raggii siyaasadda berigaa yaa ugu jawaabay haddaanan nimkaan walaaheen aanan soo dhaween waxay ku darsamayaan dowladda ehtopia.
Maanta mudane cigaal waxuu ogaaladay inuu hoos tago Zanaawi,Soomaali inta kalena isaga.

Markii dhacay ninkii kali taliyaha ahaa ee dowladda ethopia yaa waxaa la weydiiyey waxii wanaag ahaa ee u qabtay waddankiisa ? waxa uu ku jawaabay wax weyn yaan u qabtay eeg Somalia sidaan int godka dheer u qaday aan ugu riday.
Markaa halkaa waxaa kaaga cad inuu gudbinayo sir ah Mela Sanaawiyow marnaba yeynan dhicin in nimakaasi godkaa ka soo baxaan.

Waxaa la oran karaa qoladdii ugu horeysay ee halganka ethopia ka bilowday iyo kuwii ka danbeeyey intuba khalad bey ahayed.

Maalin waxaa dhacday magaaladda boosaaso inuu yimi nin gaal oo yiri dadkaan daweeynayaa dadkii magaaladda yaa yiri gaal dooni meynee na dhaaf. Gaaladdii wey xanaaqeen waxay yiraahdeen meesha owolba dad saas ma jirin.

Markaa dadka soomaalidda badankooddu waa dad diin jacel misana wadankoodda ta kale Madaxdooda yaa marin habaabineysa.

Marka waxay tahay arinta uu sheegay Guushaa waa in wadaaddadu oo leh dulqaad iyo inta kale ee wadaniyiinta meel kasta oo Somalia ah ha jooggaane, qabiilkey doonaana ha ahaadeene in la si mideeyo oo laga hortago Somaliayadaan UN rabto inay Ethopia gacanta u geliso.

Lagana dhaadhicayo Ninmakan ururadda madaxda u ah in haddaad mooday in adiga keliya gaaladdu wax kula wado ey an saa aheyn,maanta walaalkaa yaa lagu jabin berina waxaad tahay la heyste, ha ku quus qaataan waxii ka dhacay gobolka geddo Cumar xaji waxuu is lahaa alitixaad haday meesha ka baxdo dhulku waa adiga markasaa la yiri amarka ka qaado askarigaa tegerga ah.
Beydhabana sidoo kale markii la qabtay ninmankii markay damceen aad xukun sameysaan baa la yiri idanka iyo morganba waxaad ka amar Qaadaneysaan Tegerega waxii la idin fara waa inaad qabataan.


Marka culimadda waa inay hurdada ka kacaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciisa dhere

Unrecorded Date
Ku:Dhamaan cullimadda

Arintu waxaa weeyaan midinimaddu waa qaali.
Diintayaddu wax badan ey ka hadashay ilaalinta wadajirka iyo ka fogaanta kala tag tagsanaanta.
Ilaahey waxuu leeyahay indakoo wada jira qabsadda xarigeyga hana noqonina kuwo kala kala qeysama.
Nabigeena NNKH waxuu bixiyey tusaale ah in arigu yahay xoog markuu wadajiro, kii dhexbaxa ariga oo ka luma dhurwaaga yaa gooni ku cunna.

Taariikh Soomaali:

Axaaraddu waa cadownaga.
Shiekhii weynaa ee sacuudiga allaha u naxariistee Binbaas yaa warastay qaar wadaado Soomaali ah intuu jiray xukunkii kali talaiye Mohamed Siyad waxay ka cawdeen waddaadu diin xumadda wadanka ka taagan.
waxuu weydiiyey ninkani ma ogolyahay ina la tukado,waxay ku jawaabeen haa, waxuu yiri iska daaya waxuu ka fiican yahay kuwo salaadda mamnuucaye.

Madaxweynihii ugu horeeyey Somalia Aden Cadde yaa yiri markay Xoriyaddu soo dhaweyd ninmankan reer waqooyiga naga daaya wax dhib aheen nooma soo wadaane.Raggii siyaasadda berigaa yaa ugu jawaabay haddaanan nimkaan walaaheen aanan soo dhaween waxay ku darsamayaan dowladda ehtopia.
Maantana mudane cigaal waxuu ogaaladay inuu hoos tago Zanaawi,Soomaali inta kalena isaga.

Markii dhacay ninkii kali taliyaha ahaa ee dowladda ethopia Mingiztu yaa waxaa la weydiiyey waxii wanaag ahaa ee u qabtay waddankiisa ? waxa uu ku jawaabay wax weyn yaan u qabtay eeg Somalia sidaan inta godka dheer ugu qoday aan ugu riday.
Markaa halkaa waxaa kaaga cad inuu gudbinayo sir ah Mela Sanaawiyow marnaba yeynan dhicin in nimakaasi godkaa ka soo baxaan.

Waxaa la oran karaa qoladdii ugu horeysay ee halganka ethopia ka bilowday iyo kuwii ka danbeeyey intuba khalad bey ahayed.

Maalin dhaw waxaa dhacday magaaladda boosaaso inuu yimi nin gaal oo yiri dadkaan daweeynayaa dadkii magaaladda yaa yiri gaal dooni meynee na dhaaf. Gaaladdii wey xanaaqeen waxay yiraahdeen meesha owolba dad saas ma jirin.

Markaa dadka soomaalidda badankooddu waa dad diin jacel misana wadankoodda ta kale Madaxdooda yaa marin habaabineysa.Allow ka qabo.

Marka waxay tahay arinta uu sheegay Guushaa waa in wadaaddadu oo leh dulqaad iyo inta kale ee wadaniyiinta meel kasta oo Somalia ah jooggaane, qabiilkey doonaana ha ahaadeene in la si mideeyo oo laga hortago Somaliayadaan UN rabto inay Ethopia gacanta u geliso.

Lagana dhaadhicayo Ninmakan ururadda madaxda u ah in haddaad mooday in adiga keliya gaaladdu wax kula wado eyan saa aheyne,maanta walaalkaa yaa lagu jabin berina waxaad tahay la heyste, ha ku quus qaataan waxii ka dhacay gobolka geddo Cumar xaji waxuu is lahaa alitixaad haday meesha ka baxdo dhulku waa adiga markasaa la yiri amarka ka qaado askarigaa tegerga ah.
Beydhabana markii la qabtay sidoo kale ninmankii markay damceen aad xukun sameysaan baa la yiri idanka iyo morganba waxaad ka amar Qaadaneysaan Tegerega waxii la idin fara waa inaad qabataan.


Marka culimadda waa inay hurdada ka kacaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashiir

Unrecorded Date
asalaamu caleykum salaan kadib waa walaalkiin islam waxaan idiin sheegi lahaa in aad iska daysaan in aad iska hadashaan bilaa cilmi sabaabtoo ah qofkii loo iftoodo bilaa cilmi waxaa danbigaa iska leh qofkii u fadwooday ee kursi ugu fadhiistay markaa walaalayaal iska daaya jawaabaha badan ee aan wax cilmi ah ku jirin oo culimada haloodaayo arinkaa isaga ah asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Unrecorded Date
By Mujaahid.

To Bashiir.

Wasalaamu calaykum,walaal wadaadku arrin muhiim ah
buu noo sheegey waana wax jira. Mana aha in aad dadka iska af lagaadeysid soomaalidaa tiraada intaadan falin ka'fiirso.

Midda kale Culumada la sheegayaa waa culamaa'u Raxmaan,ee maaha Culamaa'u Sulda! sida maanta caalamu islaam ka socota illaa layiri Yahuud iyo Nasaara Gaalo lama oronkaro. markii dammena layiri cidba gaalaysiinmayno!.

Calaa kulli xaal Sheekh iyo shariifba waxa looga baahanyahay daliil munaasiba oo Kitaabka iyo Sunnada waafaqsan inuu layimaado,ee aan loo baahneyn qaala Sheekh hebel. Waxana muhiima in aan rijaasha la miisaamine daliilka sharciga ah la miisaamo. in badan baa haddaad qaalalaahu ku tiraado kaa qaadaneyn,laakin hadaad tiraado sheekh hebel baa saas yiri qaadanaya.

Wasalaamu Calaykum.

By Mujaahid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saalim

Unrecorded Date
Saalim

Culimoy dacwaan qabaa!!!!!!????????/

Arrintu waxay tahay Nin Xaaskiisii ay u diiday xaqqii sawaaj ee uu ku lahaa,tirina agteyda soo
marimaysid! wax xaq ah oo aad igu leedahayna ma
jiro!maxay diintu ka qabtaa? maxaanse ka yeelaa?
mudo badan baan u sabrey,hadda meel adag bey maraysaa arrintuye!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-amaar

Unrecorded Date
Asalamu alaykum

akhii saalim

su aasha aad nasoo waydiisay jawaabteedu waa sidan

waxaa rasuulka scw lagawriyay inuu yiri naagtii nin keedu ugu yeero firaashka ee dddia inay timaado waxay waa bariisataa ayadoo ilaahay maalaa iguhu nacladayaan
marka arin sahlan maaha oo waxaa kusoo arooray waciid aad udaran arinkaas.

marka waxaad samaysaa reerkaaga bar diinta islaamka gee meelha xalaqaadka cilmiga lagu akhriyo,
markaas ayay waxay garanaysaa xaqa zawjkeedu ku leeyahay.
akhii saalim liaahay hakuu fudeeyo
walaahu qaaadirun calaa daalik
wasalam calaykum warahmatulah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu amaar

Unrecorded Date
Asalamu alaykum

akhii Yusuf al somali
nin yahow itaqi laah(lima tuharimu maa ahalalah0
nin yahow bilaa adilah waxna haku haaramayn taasi waxay kuu keenaysaa inaad ilaahay biqayri cilmi aad kahadashid oo wax xalaala aad tiraahdid waa xaaram
waxaan ulajeeda markaad ka hadlaysay aad tiri waa zina in ninku haaskiisa oral sameeyaan.

marka nin yahaow arinkaas kalaabo ilaahy u toobad keen
hadaad rabtid inaan arinkaas kawada hadano waxaad igala sooxiriiri kartaa my E-mail omaraden@hotmail.com
si privet ha
wasalam alaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.