site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Salaadda iyo safarka (Illaa meeqa bari ayaa laba rakcood la tukan karaa???)

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Salaadda iyo safarka (Illaa meeqa bari ayaa laba rakcood la tukan karaa???)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suaal

Unrecorded Date
Salaadda iyo safarka (Illaa meeqa bari ayaa laba rakcood la tukan karaa???)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkaaga Ha Ahaato.

Su'aal wacan oo wanaagsan baad walaal Suaal qortay.

Ilaahay wuxuu dad iyo jiniba u abuuray in ay isaga oo keli ah caabudaan. Ilaahay xoolo iyo caano toona nagama rabo noogamana baahna.

Ilaahay wuxuu na armay in aan Isaga Keli ah caabudno. Salaadduna waa xaraggii Ilaahay nagu xirayay. Mar alla markaad salaad xirato Boqorkii ku Abuuray baa u yeeratay oo aad hor taagan tahay.

Ilaahay wuxuu noo jideeyay sidaan Isaga u Caabudi lahayn. Ilaahay wuxuu jecel yahay in lagu Caabudo siduu jideeyay.

Qof safarka ku jira ama Musaafarka ah Ilaahay wuxuu u baneeyay in soo goobiyo oo isku xiro salaadaha.

Salaaddaha Duhurka Iyo Casarka ayaa tiiba labo ragcadooda laga dhigay. Waxaad tukan kartaa xilaga Duhurka oo waad soo hormarin kartaa Casarka. Ama wakhtiga Casarka oo Duhurka ayaad dib u dhigi kartaa.

Salaadaha Makhribka iyo Cisha ayaa iyana la isku xiri karaa. Makhribka saddexdiisa rakcadood ayaad tukanaysaa, Cishahana labo ragcadood ayaad ka dhigaysaa. Dib ayaad u dhigan kartaa ama waad soo hor marin kartaa sida Casarka iyo Duhurka aan ku Sheegay.

Culumadu qaarkeed waxay yiraahdeen saddex maalmood ayaad "qasrin" gaabin kartaa haddii niyadaadu tahay in aad ku nagaato ama joogto meesha aad u socoto. Ka dhig in aad Xamar ka tagtay oo aad Hargaysa rabo in aad joogto saddex maalmood. Wixii intaa ka badan waan in saalad walba wakhtigeeda iyo ragcadaheeda tukataa.

Culamaduse waxay u badan yihiin in aad "qarin" gaabin karto salaada ilaa iyo 15 maalmood.

Haddiise aad ku jirto safar dheer oo aadan meel ku nagaanayn ama joogayn 15 maalmood ka badan waad "qasrin" kartaa salaadda ilaa iyo marka aad ku soo noqoto meeshaad deganayd ama safarku ku dhamaanayo.

Dad baa waxay yiraahdeen waxaan nahay qaxooti oo ilaa aan dalkii ku noqono salaadda ayaan qasrinaynaa. Qaar kalena waxay yiraahdaan dal gaalo ayaan ku nool nahay sidaa darteed ayaan salaad isku xiriirinaynaa oo shanta salaadood ayaan mar wada tukanaynaa.

Waxaan ku leeyahay dadkaa war Ilaahay ka baqa. Sidaad rabtaan ma aha ee salaadda xushmadeeda dhawr.

Haddii aad shaqaynayso wakhtiga salaad waxaad qaadan kartaa biririf "break" sida kuwa sigaar dhuuqa ay u qaataan. Ka dibna meel dhawrsoon baad ku tukan kartaa. Haddii aad dumar tahay waxaad raadsan kartaa xafiis.

Haddii qofka madaxda kuu ah aad weydiisato in uu ogalaado in aad xafiiskiisa/keeda aad isticmaasho shan daqiiqo oo aad ku tukato waxay u badan tahay in ay soo dhaweeyaan.

Ilaahay Adduunkana Nimco Aakhiro Jano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sual

Unrecorded Date
To; WALAALKIIN

JASAAKALLAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Walaal Sual kuligeenba.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.