site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GUURKA DUMARKA BADAN ADIGU MIISAAN!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): GUURKA DUMARKA BADAN ADIGU MIISAAN!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
Akhyaarta waa mawduuc ka soo dhex baxay mawduuc kale oo ah (QIMAARKU XIJAAB MA YAHAY MISE MAAHA)waa dood cilmiyeed iska furan oo ay wada wadaan qaar ka mida( ARDAYDA INTERNETKA. INTERNET STUDENT)wuu ku soo biiri karaa mowduucyadan cilmigaa qofkii jecel inuu ka mid noqdo XERTAAS.
Balse waxaa naga reeban cayda & si xun wax u turjunka.
AKHYAAREEY SOO DHAWAADA. MOH SAID,FALIS,NABADOON,DEEQO,SULEEQO SAGAARO,C/LAAHI,DR WHO IYO DHAMAAN INTA KALE.
ANIGA FIKRADAYDA & MOWDUUCAN.
GUURKA DUMARKA BADAN waa nimco ilaahay na siiyay NABIGA SCW wuu na faray, isgoo leh (GUURSADA HAWEENAYDA DHALMADA BADAN OO NINKEEDA JECEL WAXAAN RABAA QIYAAMAHA INAAN UMADAHA KALE IDIINKU FAANE)
KITAABKA ALAHNA WAY KU CADAHAY,BALSE WAXAA LOOGU DANBAYSIIYAY HADAYDNAAN CADAALAD SAMAYNAYN MID UUN KU EKAADA.
anyway aniga waxaan qabaa in gabdhahu masayrkooda hoos u dhigaan, raguna ay guurka badiyaan cadaaladna sameeyan, haday is waalwaalana aan dhag jalaq loo siin, why maslaxadu ayaga kuma xirna, la iskana ilaawo waxaan gaaladu yiraahdan TAXDIIDU NASLI oo ah kala dheeranshaha ilmaha hadaan duruufi qasbin shaqadana halkaa laga wado.
WABILAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Salamacalaykum;

To Miskiin:
Diinteenu waa nasteexo. Micna wanaagsan iyo xigmado ayaa ku jira guurka haweenka badan sida Allah iyo Rasuulkiisa (scw) ay inoo sheegeen, waxaase ku haboon qofkii ka soo bixi kara inuu sameeyo qofkaasina ayey u taal arintaas hadii uu doono.

Walaal xadiiskaad kor ku sheegtay ah in umadu badato. Waa arin wanaagsan badashadu umadu waliba kuwa laga hadlayo waa kuwa Raacaya Rasuulka wadadiisa wax walbaa ee uu faray raaca waxii uu reebayna ka reebtooma, kuwaan hadaa joogaa intooda badan ma aha (umad batay ee aan lagu arag hab-dhaqankii suubanaa ee diinta Islamka, badidoodu wax faa'do ma laha kuwa laga hadlayo se ma aha iyaga)

Qoraalkaaga intan yar si wanaagsan uma fahmin, maxaad ula jeedaa qoraalkaan ahaa:
"Haday is waalwaalaan aan dhag jalaq loo siin, why maslaxadu iyaga kuma xirna".

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
salaan dhamaan.
intaa ka dib aniga waxay ila tahay(jealous) masayrku waa jiro, aan daawo lahayn waana xanuun qofka sidaa is ogayn markaa yaan lagu daalin.
qaar baa ilmahoodii bireeyay iyagoon is ogayn.kuwana wayba iska takhtakhaan sidii dhari dab saaran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmine

Unrecorded Date
Salaama aliekum

Ilaahay SWT waa u baneeye guurka ay ragga guursan karaan mid amase labo amase seddex laakiin ayaa ku jirta meesha ?
Soomaali hadaan nahay waan is naqaan raggeena maxey u guursadaan maantey iyagoo mid yaa allaah ku masruufaayo ayaa waxaa laga yaaba inuu midkale meel kasoo helo hadduu wadaad yahayna wuxuu leeyahay waa gabar muslimad ah oo iyaduba sidaadoo kale ayey nin u baahan tahay ee ilaahey ka baq gabarey danbi ha gelin intaad gabadhaan ii diido . Kii kalena oo aan wadaad ka aheyn sidoo kalena wuxuu daliil ka dhiganaa aayada ilaahey , ee LAAKIIN Rasuulka SCW waxa uu yiri marka uu xadiiska sheegey " waxaa wanaagsan kiina midka u ekaado " sidaas ayey la mid ahey ayaan jecelahay .
Warkii oo kooban Rasuulka SCW wuxuu ahaa Nebi alla soo dirsadey oo awood u lahaa inuu wax weliba u samro marka ragga is dhahaayo dabcigiisa ayaan yeelaneynaa amase dabeecadihii Rasuulka SCw ayaan iska doondooneynaa hadaba mid ma jiraan wax xataa 1% u dhow .
Midda kale ee meesha ku jirto wadaaduba ha u darnaadeen in aysan dumarka marka ay guursadaan ula dhaqmaan sida shey iyaga ay leeyihiin xagge debcigaan laga keeney , war dadyahow diinta qalad ha uga dhaa dhicina umadda DIINTU WAA NASTEEXO
Sida hadda miskiin waxaa uu qorey oo kale " Haddii ay is waalwaalaan yaan dheg jalaq loo siin"
Yaa sidaa loola hadlaya ma gabdha xaaska kuu ahbaa mise waa qof aan danba laga gelin .
Marka nuucaas oo miiran ayaa jira oo dadka diinta qaladka fahamsiinaaya ,diinta ilaaheyna meel oo qur ah ka qaadanaaya just Personel intrest .
ee hadalka uu rasuulka SCW sheegey qeyb ha qaadaninee ee wada darsa siduu warku yahay.
Wasalaam
Yaasmine

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
To: Yaasmine.
Walaal soo dhawoow nagala soo qayb gal mowduucyada diiniga ee cilmigaa, hadaad nagu soo biirto.walaal labo shardi daf dheh oo naga hoo.
1- waxaad soo qorayso cilmi ha ku salaysnaadeeen.
2- aflagaado,cay & si xun wax u turjun waa naga reeban yahiin, why inaan wax kala faa'iidaysano baan soo doonanay ee inaan cid isku danbaabno ma aanan soo doonan.
Hadaan u soo noqdo hadalkagi YAASMINE xadiiska aad noo sheegtay EE AH NABIGA SCW INUU YIRI WAXA WANAAGSAN KIINA MIDA KU EKAADA.waxaa noo sheegta meesha uu ku qoran yahay iyo xadiiskaasi inuu ansaxay iyo in kale.
Hadaad daliil u weydo oo keeni waydo si degdeg ah uga codso somalinetka inay meesha uga tiraan kana toobad keen si aad u degdeg badan, why waa khatar weyn NABIGA SCW waxuu yiri QOFKII IGU BEEN ABUURTA NAARTA BOOSKII UU KA DAGI LAHAA HA U SII DIYAARGAROOBO.( XADIISKAAN WAA MUTAWAATHIR, MACNAHA SAXAABO 70 KA BADAN BAA WARISAY WAANA SAXIIX) waana shay khatar ah in la iska dhaho nabiga scw ayaa saas yiri iyadoo dalil lo haysan.
Mas'alada labaad ee dhaqanka dumarka,qof walba dabeecadiisa rabi baa garanaya,mana aha inaad wadaadada kaliya ku eedayso,maxaa yeelay wadaad waxaa ah qofkii diinta alah barta kuna dhaqma ee magac & dhar la gashado midna maaha, qofkii diinta alah ku dhaqmayana asagaaba dadka ugu wanagsan oo cay ma leh.
Mida hadalkaygaa hadaan kuu jilciyo waxaan uga jeeda HAWEENAYDU HADAY WAX SHARCIGA ALAH KHILAAFSAN LA TIMAADO YAAN HADALKEEDA LA RAACIN EE KAN RABI HA LA RAACO. WHY MASLAXADA RABI BAA GARANAYA EE AYADU WAA ADOON YAR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Aniga shaqsiyan waan ka soo horjeeda naago la isla guursado waxaan aaminsanahay hadii aad isfahmi waydaan inaan kala carro gedisataan haddi kalena naagtaa ku ekaaw micnaha haddi aay ka qanci waaydo dhinac " sex-nadaafad-edebta caruurta iwm"waa inaad iska furtaa oo mid kale raadisaa laakin isla aroos waxaan u arkaa qalad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonx

Unrecorded Date
Ani waxaan aaminsanahay nin cayr, shab ama lacagaha masaakiinta qaata labo iska dhaafe inayan hal xataa ku mehersamin sababtoo ah ninka guursanaya xaas waa inuu masruufi karo.

Tan kale Africa ma ogi laakiin wadamadan reer galbeedka noloshu waa qaali mana dhici karto inuu ninku awood u yeesho inuu laba xaas masruufo.

Midda kale oo ayana in lataabto u baahani waa waxaa arkaysaa nin intuu xaaskiisa Canada u diro mid kale ku guursanaya Africa ama carabaha. Kaasi waa ninka aduunka ugu cawaansan mana oga siduu haween ugu baahanyahay inay xaaskiisu nin ugu baahantahay. Waagii nabiga CSS - Ayadoo jihaad lagu jiro ayaa nimanka la fasixi jirey si'ay xaasaskooda ugu tagaan - hadana waxaa arkaysaa niman wadamo badani xaasas u kala joogaan iyo dumar aad u badan oo iska dhaaf in xaqoodii dumarnimada loo gudo qaboow iyo rafaad ilmo ku jiidayo markay nimankoodii ay dumar kale la raaxaysanayaan.

Meeqa gabar aa taqaanid ama wax isu tihiin ayaa inta caruur badan la ag dhigay qabowga looga dhuuntay!

Anonx

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum somaliyee.
Maskiin mowduuca aad furtay Alle ha asturo ceebta, waxaan u maleen mowduuca gar xiritaanka ayaa laguu qaatay.
To Maskiin
First waa run in uu Ale baneeyay in ay nimanka u banaantahay in ay gursadaan 4 nagood. Iska guurso ma'aha afar nagood coz Alle subxaane waqaadir sharuudo ayuu ku xiray, waxaa ka mid ah, waa in uu ninka masuuliyad qaadikaro inta nagood uu gursanaayo waayo Alle xil ayuu saaray, waa in uu wada simaa caruurtiisa iyo inta reer uu leyahay. Waa in uu tarbiyada caruurta masuul ka noqdaa sidii uu ugu tarbiyeen lahaa diinta islaamka. Waa in uu kafaali qadikaro masruufkooda.

Walaalkiis xadiiska aad kor ku xustay wuu jiraa badashada umada, sidii walaal suleeqo sagaaro tiri waxaa logula jedaa kuwa racaayo dariiqa rasuulka (scw) wixii uu faray racana wixii uu rebayna ka reebtoma. Sida aan wada ognahay umada hada jogto saas ma'aha, qaas ahaan kuwa ku nool qurbaha, marka badashadooda maxeey faido leydahay? Walaal ma umaaleen raga hada jooga in ay kafaali qadikaraan masuuliyada lagarabo? Waxaaba dhib ku ah hal ka reer, specially trabiyada caruurtooda, Iyagoo ku dhaafa hoyada, runtii tarbiyada caruurta labada qof ayaa laga donayaa not only one parent, dhankaasna rageena way ku xunyihiin 99%, waxeey ka dorteen in ay murafaan melahood kale iyagoo masuuliyad ka sarantahay from xaga Alle. Marka ay caruurtooda tarbiyada ka xumaato waxeey eeda dusha ka saraan hooyada asagoo eeda la leh. Nin aroortii baxay habeenkii so labatay muxuu reer ka ogyahay waaba sawir un, this is the way most Somali man live and have a family.

Marka walaal iska guurso ma'aha meesha waxaa ladoonayaa in uu sameenkaro wuxuu Alle ku xujeeyay, marka makuulatahay in ay rageena saan ku gursankaraan hal naag ka badan? Walaal sheeykada dhanka dumarka ha u so jedin, naag nin ma celin karto ee dumarka ha ku mar mar siyoonina. tii maseerkeedi dartiis ninkeeda ugu rebtay in uu nag kale gursado waxaan qabaa asxaan weyn ayee u sameeysay. Maskiin if I were u I wouldn't say this "haday is waalwaalana aan dhag jalaq loo siin, why maslaxadu ayaga kuma xirna", jalaq haloo dhigin ayaad tiri ok nin saas u hadlaayo gormuu xaskiisa la munaqashodaa siwanaagsan ay diinta qabto. Ee maskiinyahow meel ayaad ka dhacday ee isa sax. sorry walaalayaal qoraalka waan idinku badiyee.
waa iga intaas Wacaliykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmine

Unrecorded Date
Salaama aliekum Dhamaan

Ku : Miskiin
Walaalkiis waad mahadsan tahay soo dhaweynta aad i soo dhaweysey .
Midda kale waxaad tiri waxa aan soo qorayo haku saleysnaadaan cilmi laakiin aniga xageyga waxa ey ku saleysan yihiin Facts ka dhacay bulshadda aan ka dhalaney marka cilmiga kale amase research kale uma baahna sida ii muuqato.
Xagga diinta xadiiska aan u soo qaatey daliilka waanka afeef sheegtey oo waxaan qorey ma hubi amase waxaan jeclaa inuu sidaa ahaa ayaan ku qorey qoraalkii hore ,Miskiin mar ka hubso hadalka lama hor ordee.
Midda kale aad sheegteyna oo inaan wadaadada si gaar ah aan u canbaareeyey , waxaan iri warka sidduu ahaa anigoo jamcinaayey ragga oo idil ayaan iri wadaadadu ha u badnaadeen ee ma'aan oran wadaadada oo qur ah .
Miskiin i hope that clears the air
aqyaarta kale ha idin macaato.
Wasalaam Yaasmine

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum salaan kadib waxaan aad umahadinayaa walaalkay MISKIIN oo mawduucaan cajaa ibka leh furay iyo inta kala qayb qaadatay.

Runtii aayamahan firaaqadayda oo yar laakiin waxaan isku dayi inaan mawduucaan meel ku soo ogaado.

Wxaan doonayaa inaan ugahadlo bal xukunkiisa,kadibna maslaxada iyo mafsadadu markay isqilaafaan waxa la yeelayo yacni marka dhibtiisa iyo wanaagiisu lakala rajixi waayo, kadibna fiqhul waa qica jira iyo madsayrak hablaha.

siiwada waa inoo kulan danbe insha allaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum salaan kadib walaaladay waan idiin mahad celinayaa.
Sheekda hadaan kusoo dhawaado markii hore saan sheegay inaan uga hadlo waxbaan ka badalayaa,
Kow akhiiMISKIIN waad ku mahadsantahay sida aad u qaadaa dhigtay,anigu waxaan leeyahay weynu ka dheregsanahay in arinkani banaan yahay oo qof inkirsan maan arag mar hadaynu isku raacsanahay arinkaas waxaa muhum ah inaan gudubno.

Hadaba hadaan isku raacsanahay waxaa arinkii noqonayaa ninwalaba iyo doonidii qof qof ku xiran majiro,qofkasatana isagaa duruuftiisa garanaya.

Wadamadan aan joogno anigu kolba arinkaas masameeyeen fulayba aan ahaado maxaayeelay duruuftu waa adagtahay, dhinaca tarbiyada caruurta dhinaca nolosha iyo jaanib kasta waxaa laga yaabaa inay wadaadii gorofta xoorto oo gaalada isu dhiibto marka waa ardul fitan,waxaan dhihi lahaa aan dib dhigano.

wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
To:Anonx.
Bro waad mahadsan tahay nagala soo qayb galkaga barnamijyadan cilmigaa. second saaxiib hawshu sidaad u adkaynayso waa ka sahlan tahay, iskaba soo dhawee,sida uu walaal ismaaciil sheegay xaaladaha dhaqaale ee dadku waa kala duwan yahiin,markaa rag awooda oo aan cayr qaadan baa jiree taasna meesha ku dar,tusaale ahaan walaal maraykanka dagan waxaa uga furan BUSINESS. xaas kalana CANADA ayay u dagan tahay waana iska ladan yahay.

To: FALIS.
Falis koley mucaaradnimadii aa bilowdaye adigoo i soo raaci doona hada maad iska soo kay raacdid,just joking ya'
Falis abayadiis mida koowad nin aan masuuliyad qaadi karin maxuu gabar islaameed ka doonaya waxaan ka hadlayna ninka raga.
Mida labaad walaal raga waxaa laga dhigay kuwo u quma dumarka yacni u taagan axwaashooda,oo hawsha kore iyo banaanka ka soo adeega dumarkana waxaa lagu qaybiyay hawsha hoose ee guriga NABIGA SCW waa isagii lahaa haweentu waxay raaciyad ka tahay guriga ninkeeda qiyaamahana waa la waydiin xilkaas adag ee ay qaaday,markaa raga waxba ha ku eedayn mas'uuliyada hoose markaad idinku guryahii ka baxdeen baa guryihii dumeen ee eeda idinku is eedeeya.
Mida hadalkayga Falis aniga cilmi bay ku salaysan tahay waxaana waaye NABIGA SCW baa haweenkiisu xooga ku kaceen ayagoo arimo ka hadhadlaaya ALAH SWT. ayaa aayado quraana ku soo dajiyay waxaana lagu yiri nabigii alow waxaad haweenkaga ku dhahda (HADAAD DOONAYSAN NOLASHA ADUUNKA IYO QURUXDEEDA KAALAYA AAN IDIN MATACSIIYE ISKANA KIIN FASAXEE, HADAADSE DOONAYSAAN ILAAHAY IYO RASUULKIISA IYO DAARTII AAKHIRO ILAAHAY WAXUU U DIYAARIYAY KUWIINA SAMAFALAYAALKA AH AJAR WEYN)
Macnuhu waxaa weeye hadad sidii rabi ku qanacsan tihiina welcome hadii kalana dhag jalaq la idiin siin maye iska taga. marka hadii hooyooyinkii muminiinta saas loola hadlay maxaad mooda kuwo ka hooseeya.
To: Yasmine abaydiis mar labaad soo dhawow doodaada ha la bakhaylin iskana jir xadiisyada & aayadaha!!
To: Ismaaciil soo dhawow fulaynimada iska daa i caawi aan dadkaan daadka ku daree ogowna doodahan cilmigaa say u socdaan qolo ayaa laga adkaananya markuu qoladaa xaqu u cadaadana madax taag danbe ma jiro ee xaqa ayay isu dhiibaysa, sidii doodii XIJAABKU QIMAAR MA YAHAY MISE MAAHA OO DHAMAATAY.
iga raali ahaada hadaan badiyay falaaraha badankooda baa xagayga u soo dhacaye waxaanse rajaynayaa kan guulaysan doona inaan aniga ahay.
WA BILAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BIID XAAR

Unrecorded Date
Aniga waxaan qaba in dad badan aay diinta u ordaan markii la doodaayo oo waxeey diinta ka dhigteen gaashan ayagoo og in loo soo dhaafeyn laakin xisaabta kuma daraan qiimeyn iyo haq dhowrka dumarka sababta oo ah soo ma aragtaan rag badan oo uureyay naago kala duwan oo qurbaha kala joogaa aniga waxaan arkay oo aan been ka sheegen nin afar xaas waqti xaadir u joogan intaas oo kalena furay sideed ilmood u joogan laakin asaga ma oga meel aay ku sugan yihin iyo waxeey ku baryeen markaad su'aashana wuxuu kaa horkeenaya ILLAH AYAA U MAQAN.
Rag badan ayaa ku ciyaaray diinti iyo sharafta biniadamnimada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykumu somaliyee
To maskiin.
Maskiinyahow waxaan u maleen in aad ka heshid in aad ii la murantid but maad meel jogtid u might regret it. Ugu horeentii sida aan wada ogsoonahay in u Alle subxaana waqaadir baneeyay in raga ay u banaantahy in ay gursadaan afar nagood wuxuuna ku xiray sharuudo. Aniga shaqsi ahaan waqtigaan hada lajoogo garan maayo ninka somaliyeed u kafaaliqadikaro in uu gursado afar nagood lakin walaga yabaa in ay gursadaan 2. Ha guursado maxumee malayimid sharuudihii lagu xujeeyay? Masruuf un ma’aha shekada, waxaa jiro wax yaabo badan ay familka ugu bahanyihiin from the man. Qooys walba muxrim wey u bahan yihiin siduu Alle noogu sheegay Qur’aanka waana ku waajib ninka raga ah ee guriga leh Alle wuxuu quraanka noogu sheygay, “ragyahoow xafidsada dumarkiina iyo reerkiina” marka nimanka somaliyeed ficilkaas malayimadeen? imaasho iska dhaafee xitaa ma u dhawaan badankood. Hadii aan u soo qato example bulshada aan ku nolnahay imisa rag ayaa daliil kadhigto in uu Alle u baneeyay in ay gursdaan naag kale iyagoo la imaan sharuudihii laga rabay? Waxaad arki nin naag ku qabo yurub takalena ku qabo Africa marka ninkaas gormuu fulin wuxuu Alle faray oo ah in uu xafidsado reerkiisa when he lives so far away? Ninkaas tarbiyada caruurtiis oo Alle xilsaaray ma fuliyay? Qooyskiisa oo Alle xilsaaray ma xafidsaday? Nabiga (scw) qoyskiisa wuu ka warqabay kore & hoose habeen walbana qoosaskiisa mid ayuu lasexanaayay oo wuu wada simijiray, but raga somaliyeed saas ma sameyaan? Saas ay sameyaan iska dhafee xitaa war u ma hayaan.
Maskiinyahow hadii aan qeeb ka so qaato xadiiska aad kore ku xustay oo ah “HADAYDNAAN CADAALAD SAMAYNAYN MID UUN KU EKAADA” Ilaahay ajar hakaa siyo adaaba sheygtee. Waxaad arki niman 2 reer leh oo ka jecel 1 reer reerka kale, mise caruurta kala xigsanaayo marka kuwan cadaaladii malayimadeen?

Walaalkiis waxaa ku so harey dhan ka maseerka waxaan amisanahay “maseer” daawo malaha waaba jiro aan daawo laheeyn, wax laga qaban karo ayaaba iska yar. Balse waxaan aminsanahay hadii ay raga wada similahayeen in ay haweyneyda maseerka yareen laheed. Runtii Jiradaan waa jiro aad u xun waxey qofka bini aadamka ku qasabtaa wax yaabo qatarsan. Ma maqashay naag ayaa naag kale go gosey dabadeedna ku riday bacda qashinka maseer dartiis! It happened and Somali women did it. Waxaan ku dhihilahaa maseer warkiisa ha ku daalin because wax ka keeni meeysid ee waxaad ku dadashaa sida aad u wani laheed raga iyo tasurufaad kooda towards their family, hadii aad doneysid in aad wax ka qabatid mowducan.
waa iga intaas wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum TO.MISKIIN saxiiboow qof diidan xukunka alle majiro meeshan xaq iyo baadilna layskuma hayo laakiin waxaa la leeyahay yaa fulin waqtigaan iyo dhulka gaalda iyo waxyaabo lamida, laakiin saaxiib amaad wadada haysaa oo tii yaa magaratay naga daa anigaa wado kale kuu hayee soomar iyada tani waa dheer tahaye
asalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
To: Falis.
Falisey maa hadeer joogto!
Marka koowad falis adiga raga soomaliyeed oo dhan ma soo dhamaysay?? waa adiga jamaca ka dhigay oo yiri ninka soomaliyeed, soo jawaab waa yaab gabar qurbo ku nool oo raga soomaliyeed dhan soo aragtay, ma ogid miyaa in uu jiro nin soomaliyeed, afar xaas leh ,oo reer walbo dhawr dhiilood ku lusho caanaha odayguna uu bakooradiisa qaato oo galabtii reeraha soo dhex maro, oo wiilashii & gabdhihii saas lagu soo koriyay hada doolarka afarta dhinac uga hurgufaan, oo lugba meel u saaran tahay, mukhaayadiisuna u furan tahay, hadad adi qurbo ku wareertay nolashaa in lagu jiro ma ogtahay, hadalkaaga soo cadee.
Mida labad raga soomaliyeed qofkii ilaahay ka baqaayo sharuudahaas wuu la imaanaya,haduusan alah ka baqayna waxuu rabuu samaynayaa,markaa dadka ku koob kuwa aan cabsida alah ku jirin kana saar kuwa wanwanaagsan.
Falis mida aad xadiiska tiri xadiis maahe waa aayad quraane waxii xaqa xataa haday dhinacaaga tahay waan sheegaya anoo kugu raacaya.
ugu danbayn abayadiis xaga jeceylka dhib ma leh in ninku labadisa ama sedexdiisa xaas mid jeclaado why nabiga SCW xaasaskiisa Caa'isha ayuu u jeclaa waxuuna dhihi jiray (ILAAHAYOW WAXAAD ADIGU AWOODO ANIGUSE AANAN KARIN HA IGU DAGAALIN YACNI II QABAN)waana jacaylaka qof gooniya. waxaase la reebay in caruurta aan wax loo simin ninku waa in uu caruurtiisa wax isu le'ekaysiiya.
ugu danbayn waad igu raacsan tahay guurka badan iyo wanaagiisa & masayrka dumarka iyo xumaantiisa ee aan ka wada hadalo xalka dumarka la isla qabo.
To: Anon.
Saaxiib hadaad nin tahayna fulay bad tahay nagaha ka baqa ee meeshada joog.
Hadaad gabar tahayna masayr baa ku haya daawadiisuna waa adigoo dose iimana& sabir qaata mar walbana alah& waxuu kuu qadaray xasuusnaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
TO: FALIS.
SORRY WAXAA MARKAAN QORAY KU ARKAY WAQTIGAAN QORAY INUU NOQDAY 06:16pm.WAXAAN FIIRIYAY QORAALKAGA WAA 06:16am.markaa waan la yaabay daqiiqadaha. just wax macno weyn maha intan danbe waa xasuusin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum somaliyee
To maskiin
Aniga raga somaliyeed oo idil ma soo dhameen balse waxaan u garaan dhaqankood iyo aqligood si wanaagsan inta badan. Madaama aan runta farta kasaaray saas ha u hadlin, so dhameentooda aniga sharafteeda way ka weyntahay. Walaaloow ha isa indha tirin waxa aan sheegay dhaan waa wax ka dhaca bulshadeena adigana I'm sure in aad aragtay. Horta ninka Alle ka baqaayo shaki kuma jiro in uu saas samenaayo. Hadii aan u so labto raga bulshadeena ku nool waqti xadirkaan badankood waa sida aan sheygay, Anonymous, BIID XAAR & Yaasmine walaaladey daana way igu raceen ee aniga ha igu soo ordin murunkeega abaa ku dilee, waxaana waa wax jiro ee qirso maskiinyahoow in ay nimaanka badankood saas ku kacaan. Waxaad tiri niman ayaa jiro xaasas leh oo reerihiis so boqda galabtii, kaas waxeey u suura geli hadii ay u wada jogaan one country. Saas ma u suuro gali kuwa ku kala qaba two different countries? Waxaa laga yabaa in ay ku qadato aragtidooda years, marka ay caruurta koraana waxey dhahaan waa caruurteeda oo iyaga ayee ku abtiristaan. Allah maxaa godob laga galay dumarka somaliyeed iyo caruurtooda, markaasa hada waxaad keentay in aad maseer xalisid markaad so xalin wayseen wixii simple ka ahaa. waa iga intaas. Wacaleykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Unrecorded Date
Salaan dhamaan
To: Maskiin Walaalow marka ugu horeyso dumarka sharafta iyo xaqa ay ley yihiin Alle subxaana waqaadir ayaa Qur'aanka kariimka noogu sheygay diinteenu waa nesteexo wax ka wanaagsana majiro. Waxa ay my sisters and brothers specially yasmina, Anox, biid xaar and Falis said is true. Ragaasna xilkii ayee ku dhaceen. Hadii ay raga somaliyeed dumarka ula dhaqmi lahayeen siduu Alle Qur'anka noogu sheygay waley in ay yaraan laheed maseerka. Nagaha somaliyeed wax ka sabir iyo dulqaad badan waley in ay jirin, waxaad arki naag kaligeed jogto qurbo korinaysana caruur iyadoo ka maqan kalmada ninkeeda. Midna wuu la jogaa lakin jogtadiis wax ku ma turna, oo wuxuu ku jiraa siyaaso iyo wax aan macno laheen, midna qaad ayuu rugaa habeenkii dhan malintiina sidii qof baqtiyay ayuu u turan yahay. Inta sida wanaagsan ku dhaqnto waa dhif iyo naadir.
1-Marka maskiin madiidi in ay ragaan somali yihiin muslina sheyganaayo dhaqnkaana ku dhaqmaayo.
2- sida walaal Falis tiri caruurtooda maxeey ka ogyihiin, marka dhaqankoodu xumaado hoyada ayee eeda saraan iyagoo ka doortay wax aan mecno laheen, sida siyaaso, qaad, wareeg & etc waxeeyna ku ley'yihiin xananeynta caruurta. Ragaan so somali ma'ah.
Maseer horey ayaa loogu soo dalay wuxuu soo jiray tan iyo Nabiga (scw) waqtigiisa, ee raga godab ka galay dumarka sax waa hadii aad doneysid in aad dadka wax u kordhisid, wixii dhacay lama soo celin karee kuwa hada hor leh un ku dadaal in aad wanisid waa hadii aad dhaantid iyaga, hadii kaleento wuuuu…………… waaye.

To: Falis well said sister ilaahay ajar hakaasiyo.
Hee ani waan sii biibay hee see ya next time.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shukriya

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum dhalinyaro
Ilaahay ha idinka dhigo kuwa xaqa, cadaalada iyo walaalnimada wada waligiin.

Maskiin Hadii aan isku baroweeyo in aan ka jawaabo sua'shaan. Allah waa run in uu u baneeyay nimanka in ay gursadaan 4 nagood. Aniga waan ku wareerey ma waxaan misaanaa guurka dumarka mise hinaaska {maseerka}. Maseer lama misaanikaro oo waa mid misaan & xad laheen sidii dad badan sheygeen. Hadii aan dhahno maseer ayaan la dagalameenaa oo waan misameenaa, markaas waxaa nahay kuwo shaqalawayaal ah oo rabo in ay waqtigood bilaa macno ku dhameeyo.

Maskiin hadii aad leydahay misama qoysaska, taasi waa gooni, badanaa ceebta waxee ku soo aroortaa nimanka ey maa fariinka jiidi!!!!!!!. Nimanka somaliyeed 95% waa kuwa aan dan u galin gurigooda, oo waa sacsaciin, xaas ayee ogeen, ilmo & etc. subaxdii see u baxaan habeenkii ayee soo labtaan iyagoo wax daran ku soo dalay. Qaad, siyaaso, wareeg, war, shir & wax yaabo badan aan macno laheen ayuu u dayacay nolasha gurigiisa. markii ay gabdhaha muslimiinta gursanayeen, waxeey balan qadeen in ay amaano ku tahay ay ugula dhaqmayaan waxa ay diinteena wafaqsantahay, su'aashaa waa masameyeen badankood. Gabdhaheena somaliyeed waa kuwo gariyaal ah oo maskimiin, dhaqan ficaan, dulqaad badan etc. lakinse ragii ayaa lagu ceyboowbay. Hadii aad niman tihiin meel fariista oo isla yaba wax qarkiin sameyeen. Waley hadii ee ahaan laheen gabar somaliyeed mar hore aa dabada la idiin jedin lahaa ee shib iska dhaha ceebtiina toban sano oo danbe ma qarsameeyso. Nimanyahow diinteena waa malab ee ha noogu dheelina badankiin waxaad ka dhigateen gashaan idinkoo aan fulinaynin waxa la idin faray.

Tan sadaxaad oo moducaada ku jirta waa kala dhereshada caruurta mise iska jojinta. Hadii aan nahay gabdho somaliyeed oo muslimiin ah saas kuma dhaqano, waxaas sharafteena wey ka weentahay, shuqul gaalo manaqaano ee sharafteena ha ku dheelin. Tiirabto in ay nasato ninkeeda ayee la tashataa oo waa wax personal ah, adiga yaa ku yiri shuqul personal soo dhax gal? Waad ogtahay in ay gabdhaheena dhankaas 100% ku fican yihinee maxaad ku keentay.

Badinta caruurta sida macaantooyin Suleeqo sagaaro & falis yirahdeen ku wa laga hadlaayo maaha kuwa hada jogo. Maxaa batay kuwo madax xiiran sidii black Americaan oo kale oo garbaha ka dhelayoo iyagoo u maleysid in ay disco dhelayaan. Kuwaas wax ee dhaleen maxaad ka sugi? Hadii aan hadalkeeyga soo gunaanudo nimankeena ayaa u bahan in la soxo, maseer ma sixikartid ee taa Alle ku daa.

Suleeqo sagaaro, biibto, Anox, biid xaar, Yaasmine hambalyo sida wanaagsan oo aad ugu fasirteen walaalkeen wadciga jiro waqtigaan.

wacalaykumu salaam dhalin yaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NABADOON

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Salaan kadib waa mar kale iyo mawduuc xiiso leh,
Akhii miskiin waadku mahadsantahay soo dhawayntaadi laakiin waan soo dahay.
Marka kowaad aan su,aal is weydiino ma dumarka badan ayaa asal ah mise halka mid,waxaan garanaynaa ina dumarka badani asalka yahay maxaa yeelay allaah wuxuu ka bilaabay dumarka badan markii laga cabsado cadaalad daro ayuu yiri hal mid.

Marka waa maxay waxa kalifay maanta in halku asalka noqdo waxaan dhihi karaa maaaha ilaa ducful iimaan iyo jaahilnimo iyo weliba in laga baqo reer galbeedka iyo dacaayadahoodi taasna waxaa daliil u ah.

Waqti aan dhaway ayaan meel iskool ka dhiganayay kadib macalin ka mid ahaa macalimiintii ayaa raday soomaali ah weydiiyay maxaa dhacay oo raga islaamka ahi u guursadaa n afarta gabdhood,
markaas ayuu yiri afarta naagood waxaa guursada reeer badiyaha iyo dadkii hore laakiin anigu majecli waxaana in hal naag la guursado!

Waxaa la dhihi karaa in badan u muslimiina arinkaasi waa ka guuxayaa noocuu doono ha ugu soo gabado.
Saxaabi ayaa wuxuu yiri waxaa idiinku khayr badan kiina ugu xaasas badan hadaan arinkaas sharaxnana indhaha ayaa ina daalaya laakiin intaa ayaan uga tagaayaa

waxaan dhihi karaa tacadudku waa xikab rabaani ah aad halooga fiirsado xikmadii allaah u jideeyay,mise waan ka hor nimaanaa xikmadaas,
Mida labaad raga iyo dumarku allaah isku daaqo iyo awood kama dhigin taasna waa markhaanti madoonto hadii sharexeeda la iwaydiiyana waan sharxin insha allaahu.

Saxaabadii waxay ahaayeen kuwo xaasa badan tusaale ahaan xassan ibnu cali wuxuu guursaday 90 dumar ah ilaa cali kayiraahdo war xassan ha uguurinina waa dalaaq badan yahaye,cali laftigiisa ilaa dhowr iyo toban ayaa lagaarsiiyaa.

Hadaba walaal walaalaha arinkaan geedka isugu soo maraayoow dhawr su,aalood aan idn waydiiyo
Gabdhuhu 70% way naga badan yihiine yaa rag u noqon ma dalkaleey u heeran tegin ma ma..

Arinkaan aad ku wareegteen oo ah dadka labadinaayo waa dadka fiican yaa qaybka idiinka waramay see baad ku ogaateen anaga waxaa nala faray inaan tarano laakiin shiqi iyo saciid allaah aya u taaloo kuu ka dhigaayo

Wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabadoon

Unrecorded Date
Mar labaad asalaamu calaykum
marka kowaad ka raali noqda wixii eray ah oo aan gefay waan degdegaye.

Waxaan rabaa inaan la hadloFELIS IYO BIIBTO IYO SHUKRIYA:

marka kowaad aad ayaad umahadsantihiin sida qiimaha leh oo aad xaqa u doonaysaan.

Wxaad aad ugu wareegaysaan raga soomaaliyeed xil kas maha iyo wax lamida laakiin haday xilkas ahaan lahaayeen arinkan gabriba ma diideen in lala guursado ee arinku waa dhinaca raga taa waxaan kaleeyahay.

Waxaan naqaan islaam iyo muslim isku mid maaha islaam waa diinta nebigu(csw) layimi muslimna waa kuwa raacay hadaba muslimiinta qaladkoodu aad ayuu ufara badan yahay kawarama hadaan niraahno islaamku waa wanaagsan yahay laakiin muslimiinta ayaa kharibay oo xumaynaya siday uga tarjumayaan marka sidaa li ajligeed ilaa muslimiintu hagaagan geli mayno suurto gal matahay arinkaasi waxaad lee dihiin waa may.

Hadaba walaalayaal ragoo dhan ha isku qaadinina nimco weeye guurka badini mashraxadii ayaan idinka sugaynaa

wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
Nabadoon saaxiib soo dhawaw xagee ku maqnayd waa la igu goobtay sow ma aragtid,balse dhinicii xaqa baa adkaan doona, gabdhaha daliilkooduna meel dheer ma saarna waa iska aragti, aan daadka ku shubno khaas ahan FALIS aan iska reebno.
To: FALIS.BIIBTO & SHUKRIA.
Abaayooyinkiis waxa aad sheegaysan oo dhan sal adag ma laho waa eedayn iyo rag ku duul uun, doodu yaysan naga noqon rag & dumar ee cilmi & xaq ha noqoto, raga nin xun waa ku jiraa mase aha kaan ka hadlayno isaga. hadaan aniga dumarka eedeeyo waxaan dhihi karaa.
1-Dumarku sow maaha kuwa markii dibada la yimaado raga isla sima oo balada isu qaata oo 911ka uga yeera raga guryo badana dumiyay.
2-Dumarku sow maaha kuwa guryahoodi fadhin waayay oo inkaartu ku dhacday oo sidii kuwii reer galbeedka meel walba kaaga hor imaanaya.
3-Dumarku sow maaha kuwa clubyada dhooban oo ragii fidneeyay.
4-Dumarku sow maaha kuwa baycheckga bartay oo nolasha ka aaminsan share inay ahato.
Waxyaabo aan maanta dhan dhamaanayn baan tirinayaa hadaan dumar u jeedo.mowduucan sida runtaa waxa weeye GUURKA DUMARKA BADAN IYO MIISANKIISA. ani waxaan arkaa marka guurka dumarka badan waa nimco weyn ee aan ku qanacno sida uu nabadoon sheegay.waxba yaanan fiirin raga ama dumarku say yihiin,waxyaabaha hor taagana waxaa ugu waaweyn dumarka oo u arka in aysan haboonayn in gabar kale lala wadaajiyo iyo raga oo isha hoos ka dhigaya siday habiso saaran tahay, mida kale dadkeenan qurbaha jooga aan ku qanacno in aan sunadaas noolayno oo mujtamaca ku baraarujino guurka dumarka badan, waxyaabihii dhibaatooyin ah oo jira labada guurku dhex maraayo ha kawada hadleen.
SU'AALUHU WAXAY NOQON KARAAN, MAXAA GUURKA BADAN KA DHALAN KARA?? MAXAA FAA'IIDO NOOGU JIRA?? QOLADA SIDA AADKA U HOR TAAGAN GUURKA DUMARKA BADAN WAA KUWAMA?? DACAAYADA REER GALBEEDKA MAXAA KA JIRA??
WA BILAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G4

Unrecorded Date
TO MASKIIN

SALAMU ALAYKUM WALAAL WAXAAD AAD U ISTICMAASHAA DHAMAADKA QORAALKAAGA KALMADA WA BILAAHI TOWFIIQ.
WALAAL WAXAAN RABAA INAAN OGAADO MICNAHEEDA MA DUCAA MISE WAA DHAAR? BAL II SHARA ERAYGAN.

MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUUSTAY

Unrecorded Date
Min fadlan NABADOON inoo micnee meesha ugu dambeysa sheekadaada oo ah waxa ay ku kala duwan yihiin muslin iyo islaan. Mahadsanid.
Aniga waxeey ila tahay waqtigaan la joogo run ahaantii lama haweeysan karo wixii ka badan hal xaas sababta oo ah:
1- In lacag cayr la qaato labo xaasna la qabo isma keeneyso.
2- In xaaskaaga oo xalaasha ah aad labo meel kala deggen tihin si lacag badan aad ku qaadataan.
3- In habeen walba jaad loo fadhiyo maalintii oo idil la jiifo.
4-In xaaskaaga haddi aad iswaasho aay kuugu wacdo 199 POLICE markaas gurigaada laga saaro.
5-In aay xaaska ayadana aay kaaga tagto guriga sii aay uaado aroos ama discoteca.
MA SI WADAA MISE WAAD QUUSATAY ?
Ninka qurbo ku guursanaya ayaa wareersan iskaba daa kii laba damcaaya waa in manikoomiyo loola ordaa......
RAGGOW DEMBIGA WAA ANNAGA EE AAN RAADINO QALEDKEENA INTAAN GABDHAHA XAG XAGAN LAHEEN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Unrecorded Date
Salaamu calaykum
To Maskiin ha soo ordina waxa aan sheegnay waa wax jira 100% bulshada aad ku noshahay ayee ka dhacdaa hadii aad u bahantahay in aan okiyaalo kuu keeno so you could see better just tell me, oo eheen buuqa nagadaa. Look around you meeqo nimood oo somali ah ayaad taqanaa oo saas ku kaca? Aniga ku ma dhihin nimaka somaliyeed oo dhan ayaa saas ah, ee is qabooji. Ilaahay umadiisa ma uu wada simin. So ma eydeenkaro ku legood ok. Guurka halabdiyo wax ka maqabo oo waa nimco, lakinse maxaa labadinaa hadii ay bulshada saan tahay gabdhaha dhu dhumasho ayee galayaan un. Hadii aad mowduuca furtay waxaa fican in aan ka wadahadalno wax yabaha quseeyo mowduucaan si fiican, dadka kalena naga faideystaan, oo aheen aad leydahay ceebta ya lasoo fagin Maslaxo ma wadid.

Been ayaa la isku sheygoyaa hadii la dhaho guurka halagu badiyo wadan gaalo wax yaabo fuul xun badan ayaa ii manaayo. Ow ilmane suuqa sifiican ayee ugu shub mayaan oo walidka awood malaha!!!!!!! Marka anoo walaahi u helinaynin nagaha nimanka waxaa u fiican madaama ay jogaan wadan qurbo in ay ku ekadaan hal. Kuwii 2 gursaday in wadan qurbo badankood way ka shalayeen!!! Walaladay Shukriya & falis waa runtood waxa ay ley'yihiin, ninka asaa familkiis loo xirsaaray mas uliyadooda, look wuxuu ka qabtay in uu 1 reer war u heen, uu mognaado sanooyin sidii falis tiri waana run, tarbiyada hadii ay ka xumaato yooma qiyaamo asaa loo qabsan. Hee arag waxa laga galaayo nagaha & caruurta

To Nabadoon aboow marka ugu horeyso nabad ayaad doontay oo maskiin ayaad dhantaa. Aniga shaqsi ahaan ka ma soo horjeedo badinta guurka 100% oo waxey ku xirantahay labada is gursaneyso iyo kan rabo in uu labaysto. Waa run in aan idinka badan nahay hadii aan nahay gabdho. Badnaanteena maxey tartay hadii ay bulshada dhaqankeedu yahay sidii walaladay sheygeen. Waxey roon'laan leheey hadii aad dhihilaheedeen nimco Alxamduli laahi raga intiisa badana si fiican u dhaqi lahayeen nagahooda iyo reerkooda oo gabdhaha ayaa idin xush meen lahee. Lakin maxaad dheefteen………………………. Waxna.

To NIN QUUSTAY mahadsanid aboow, u sheeg walaladaa runta, jee jeesi ayaa dilee.

To Shukriya thanks sis adaa mudan ee dhaqso nimankaan runta aan u sheygnee.
hee ani waan sii biibay see ya next time. Wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Unrecorded Date
Salaamu calaykum
To Maskiin ha soo ordina waxa aan sheegnay waa wax jira 100% bulshada aad ku noshahay ayee ka dhacdaa hadii aad u bahantahay in aan okiyaalo kuu keeno so you could see better just tell me, oo eheen buuqa nagadaa. Look around you meeqo nimood oo somali ah ayaad taqanaa oo saas ku kaca? Aniga ku ma dhihin nimaka somaliyeed oo dhan ayaa saas ah, ee is qabooji. Ilaahay umadiisa ma uu wada simin. So ma eydeenkaro ku legood ok. Guurka halabdiyo wax ka maqabo oo waa nimco, lakinse maxaa labadinaa hadii ay bulshada saan tahay gabdhaha dhu dhumasho ayee galayaan un. Hadii aad mowduuca furtay waxaa fican in aan ka wadahadalno wax yabaha quseeyo mowduucaan si fiican, dadka kalena naga faideystaan, oo aheen aad leydahay ceebta ya lasoo fagin Maslaxo ma wadid.

Been ayaa la isku sheygoyaa hadii la dhaho guurka halagu badiyo wadan gaalo wax yaabo fuul xun badan ayaa ii manaayo. Ow ilmane suuqa sifiican ayee ugu shub mayaan oo walidka awood malaha!!!!!!! Marka anoo walaahi u helinaynin nagaha nimanka waxaa u fiican madaama ay jogaan wadan qurbo in ay ku ekadaan hal. Kuwii 2 gursaday in wadan qurbo badankood way ka shalayeen!!! Walaladay Shukriya & falis waa runtood waxa ay ley'yihiin, ninka asaa familkiis loo xirsaaray mas uliyadooda, look wuxuu ka qabtay in uu 1 reer war u heen, uu mognaado sanooyin sidii falis tiri waana run, tarbiyada hadii ay ka xumaato yooma qiyaamo asaa loo qabsan. Hee arag waxa laga galaayo nagaha & caruurta

To Nabadoon aboow marka ugu horeyso nabad ayaad doontay oo maskiin ayaad dhantaa. Aniga shaqsi ahaan ka ma soo horjeedo badinta guurka 100% oo waxey ku xirantahay labada is gursaneyso iyo kan rabo in uu labaysto. Waa run in aan idinka badan nahay hadii aan nahay gabdho. Badnaanteena maxey tartay hadii ay bulshada dhaqankeedu yahay sidii walaladay sheygeen. Waxey roon'laan leheey hadii aad dhihilaheedeen nimco Alxamduli laahi raga intiisa badana si fiican u dhaqi lahayeen nagahooda iyo reerkooda oo gabdhaha ayaa idin xush meen lahee. Lakin maxaad dheefteen………………………. Waxna.

To NIN QUUSTAY mahadsanid aboow, u sheeg walaladaa runta, jee jeesi ayaa dilee.

To Shukriya thanks sis adaa mudan ee dhaqso nimankaan runta aan u sheygnee.

Maskiin & Nabadoon i cafiya hadii aan idiin gafay.
hee ani waan sii biibay see ya next time. Wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum
Maskiin Waligaa anaa igu soo oradaa oo wax aad ka adagtahay oo aad hubtid anaa ka jiro. Waley wrong road ayaa ku socotaa maa joogtid. Falis aan reebno ayaad tiri waan yabay aniga ma runta ayaad igu nacaday maskiinyahoow sooka adiigii jeclaan jiray in aad dadka runta & xaqa u shegtid maxaa ku helay ma runtii ayaad dha'dhamisay?

Maskiin & Nabadoon walalayalool salaan marka ugu horeyso. Nabadoon wlc back maskiin garabkiis malagaa wayo! Aniga raga oo dhan ma eydeen, qoraalkeeyga ku laabta. Alle subxaana waqaadir umadiisa mawada simin sidii uu u wada simin shanteena farood. Nimanka kuwo xun way ku jiraan nagahana kuwo xun way ku jiraan oo bulshada ayaa saas ah hadii aan wada similaan laheen is afgarad la'aan lama arki laheen. Maskiin waa run in ay dumarka sameyaan waxa aad sheygtay, ma isi sii waydiisay maxaa ku qasbay? Waxaa ku qasbay waxa aan shaygay iyo waxa ay walaladay biibto shukriya, yaasmine and Anox sheygeen. Wadan qurbo ka soo bax wadankeeni markii la jogay in kastoo aan u leheen cilmi aad u sii dheer runta ayaa wanagsanee sidii aan maqlay, rageena tabtaas ayee a'hayeen, kuwa carabta ku noolna waa saa. Wax ay war u hayeen reerkooda badankood majirin, sidii subax dii u baxaan galabtii ayee qado soo donan jireen galabtiina way bixi jireen habiinkii ayee soo laban jireen. Kuwana wax aan micno laheeyn ayee waqtigood ku dhumiyeen, kuwa hada jogana tabtaa ayee noqdeen waayo somaali waxey tirahdaa oorka hore meesha uu maro ayuu oorka dabe na maraa!!

Dhibaatada dhan waxaa keentay siduu walaal nabadoon yiri dad muslimiin isku shaygaayo, oo diin teena noc kale u turjubaanay. Hadii dadkeena ku dhaqmi lahayeen siduu qur'aanka qabo oo ah in ay raga xafidsadaan dumarkooda iyo reerkooda, dumarkana in ay ka dabey yaan ragooda oo ay ku dhaqmaan sida diinteena qabto dhibatadaan ma dhici laheeyn. Fidnada dhan waxaa aniga sarayaa raga waayo, iyaga ayaa laga donayay in ay waniyaan kuna ababiyaan diinteena dumarka. muslimiin hadii ay nu nahay raga ayaa dhinaca diinta sii xijinaa. Iyagana ah waliyul amrigii qoyska, wayna ka soo dhalaali wayeen xilkooda. Badankood waxey ka dorteen in ay ku lumiyaan waqtigooda wax aan macno u laheen both dhinac aduunyo & dhinac aqiro ba.

Waxaa idiin soo haray guurka badintiisa sida aan bartayba guurka badan waa nimco mina laah. Oo waa wax aad iyo aad u wanaagsan dajisana qofka muslimka. Lakinse maxey tartay hadii aan si saani ah loogu dhaqmeen diinteena guurka waayo, wadan muslim ah majoogno, badankeen wadan qurbo ah na waad garaneysaan dhibatadeeda iyo fooxumada ka taalo.
1- uma wanaagsana dhanka caruurta, Caruurta marka ay arkaan in ay walidka wax ka qabankarin, dariiqa ayee sii jexdaan oo galada dhaqankoodi ayee u sii dhawadaan.
2- xag dhaqaalo & xag ixtiraamana ma ku wanaagsana. Sadaqada laqaato hal guri kuma filna oo dhibatada haysata qoysaska badankood waad aragtaan.
3- Dumarna inteey arkayaan kuwo u danaaniyo waxaan ugula jedaa gaalo oo lug gooyiin ah, ma jogsanaayaan waayo sheydhaan ayaa dabada ka wado oo wa ku wii wax un sameeya.
4- Nina dabcigiis badalimaayo in uu ka sii daro mooyee.
5- Caruurta marka ay arkaan in ay walidka wax ka qabankarin, dariiqa ayee sii jexdaan oo galada dhaqankoodi ayee u sii dhawadaan.
Iyo waxaa jiro wax yaabo badan. Sorry qoraalka waan idinku dhereeyay, waxaan dhan waa muhim.
wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykumu somaliyee.
So Makiin & Nabadoon how can u ingnore all this evidences???? iga raali noqda aniga wax run ah un ayaan sheeygay nimanka mucaarad ku ma'ihi, someone has to mention all this.

Shukriya & Biibto thanks macaantooyin, sida sharafta leh oo aad u dhibateen fikradihiina waana idinku racsanahay 100%. Runta ayaa fican waana shegteen Alle ajar ha idinka siiyo.

To: NiN quustay mahadsanid 100% page kaan wax rag ah oo runta sheegay adaa ka jiro oo qirtay qaladkoodi ee Alle ajar hakaasiiyo. eeg maskiin waa kii wax un kaa sheygo {maskiin iga raali naqo waa iga kaftanee}. Wir ha kugu raaco waxa aad tiri.
waa iga intaas wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shukriya

Unrecorded Date
Asalaamu claykum dhalin yaro.
Nabadoon iyo Maskiin.
Wixii aan dhihilahaa Biibto & Falis ayaa dhaheen ee farta hanagu soo fiqina, maskiin sababta aad u furtay waa in aan si daacad ah oo 100% maaha 1000000000% runta ka sheegno waaye. Nin iyo naag wax xun oo dhaqan xun leh wee ku jiraan, waxaana ka badsado raga, waxaan waxaa lagu yiqiin tan iyo wadankii markee melaha kale tageen wali dabcigii ayee wadaan. Naagaha kuwa taleefoon dirsado mise idin dacweeyo waxaa ku qasbay dhaqankiina because dhuunta ayaa u gasheen. Raga Badankood sawir un waaye sidii dad badan yirahdeen.

To: Nin quustay abow ma quusatay, waxaad tahay nin cadaalada hogaan u ah ee ajar ajar ajar ajar ajr rabigii ku qalkqay ha kaa siiyo. Waxaan sheygeeno ma aragtay horta, dhimankaan darsi u qabo waliba mid dheer oo ay ku soo burarugaan. Yakhaay wali maxaad ugu sii wadi wayday sifiican ha u sii qustanee!!!!!!!!!!!!???????? Abow mid ayaan ku sheygaa gabdho badan oo fican oo diintooda ku xiran qurbaha way jogaan. Kuligood disco ma'adaan ee ha isku jimcinin saas u ogow ya hee.
Nabadeey Wacalaykumu salaam dhalinyaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NABADOON

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
TO:Falis aad ayaan ugu farax sanahay inaad baratay in guurka badani yahay nimca mina laah.

Waxaa wanaagsan sidaa aad u tiraahdeen inaan hablaha laysku qaadin dhankiinana ogaada sidaa oo kale raga ha isku qaadinina.

TO:Shukriya abaayo waa jirtaa niman badan inay qayrumasuul yihiin oo dayaceen gurigoodi laakiin sow majiraan kuwo xil kasa.

mida aad adiga iyo FELIS ku noq noqoteen oo ah rag aan guryohoodi fariisanayn cajiib waatahayemawaxaad rabteen inuu sac qoob kaxir ah noqdo hadaan baxo salaadii oo aan habeenkii imaado anoo u soo shaqaynaya ma dhibaan sameeyay,weliba anigoon ka tagaynin inaan iyaga waqti siiyo,ogaada guriga qofka larabo inuu joogo waa adi ana shaqo iyo hawlaha dibada,

Arinkaas gar ku siin maayo jaad cunaýaalka bakhtiga ka dherga etc. laakiin umada dhaqan ayaan ka hadlayaa.

TO:NINQUUSTAY:

Walaal naxariista allaah haka quusan quusashadu waa dhawan xun guurka badani nimcooyinkuu ka mid tahay siday FELIS TIRI!. ogow naxariista ale kama quustaan illaa kuwo khasaaray mooyee.
ogow riziqa allaah ayaa bixiya waxaaba laga yaabaa inaad guursatid mid riziqu kuugu furmo sidaasna athar ayaa ku sugnaatay,umada maxaa cayr wada qaatayaal ka dhigay maxaadse lacagta magaca uga dilaysaa mise waa xumaantii soomaalida sidii kiiyiri(baskii xumaa ayaan sii raacayaa oo waxaan rabaa inaan dukaanka carabkii xumaa inaa hilib kasii gato oo bal gurigii xumaa geeyo islaantii xumayd baa isoo hawshaye)
lacagtu waa lacag cayrna maaha cayr iyo lacagina isma qaataan daaraaba laga jeexay´, ogowna dadku mawada qaataane.

Hadaba hadal iyo dhamaantii hadii allah awood dhaqaale iyo midii raganimama nin siiyo cadaalada aanu ka tagin ma garbaa inaad derbiyada isku xoqdaan may kajooga soo fariista, weli mashraxadii waan idika sugaynaa

Shukriya&Felis

Jawaab maxaad uga bixin waydeen aad baad nooga badan tihiina yaa ciidan idiinb noqon, garjiidkeeda yaa sida garangoorka maashiya yaa goosatda dawayn,

Waxaan marlabaad leeyahay xikmadii allaah yaynaan ka tagin nabsi yaanu idin helin joojiya ximaynta walaaldiina dhaxantu hayso.

Walaahu min waraa,il qasdi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonx

Unrecorded Date
Miskiin:

Sheekada aad nala qaybsatay ee ninka Maraykanka jooga xaaskuna Canada u joogto ayaan laba kalimo kaa oran.

Waa midda koowaade waddanka Canada anaa ku nool shaqo kasta oo aa ka shaqeysid ama si kasta oo aad taajir u tahay laba masruuf iyo laba guri lagama bixi karo. Sidoo kale, halkii cunug wuxuu ku kacaa in kabadan 200,000 C$ markuu 15 sano jiro ayadoo ay sii dheertahay waxbarashada jaamacada.

Waxaa jira niman aad u badan oo maraykanka ka shaqeeya xaasakoodana Canada u degenyihiin, haddaba nimankani ma masruufaan xaasaskooda oo Canadaa u masruufta. Dhinaca xaasnimadana xaas lama oran karo oo caruurtooda kama soo ag toosaan xaaskoodana sariir kulama seexdaan ee waxay la sugaan waqtigey fasax helaan.

Marka hadaan runta laga carareyn is qab lama oran karo laba qof oo laba waddan ku kala nool.

Hadaba hadaa ragaas kamid tahay ogow in caruurtaada ay aabo kale deriska ka helayaan wadaaduna ay khasab kutahay inay dad kale is dhexgalaan maadaama ay u baahantahay social life:-)

Midda kale oo ah inaad xaaska Canada kuu joogto mid kalana aad Maraykanka ku guursato arrin soconaysa maahan sababtoo ah dumarka Canada waxay ku noolyihiin waddan dhaqaalo badan oo way ka maarmaan masruufka ninka. Tan labaad haddii ay masruufkaada ka maarmaan isla markaana aadan habeen walba la seexaneyn hal sabab oo ay kuulo joogto adiga markay heli karto kumanaan nin oo aan xaasan leheen ma noo sheegi kartaa?

Waa figradayda waxaana ahay 100% nin.

Anonx

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
To: G4,Walal WA BILAHI TOWFIIQ,waa ILAAHAY BAA TOWFIIQDA &WAAFAJINTA LEH,waana luuqada carabiga.
To: Biibto,Shukria & Falis.
Walaalayaal waad ku mahadsan tahiin marka koowad qirashada aad qirateen guurka badan inuu nicmo yahay,waana miisankii koowad ee guurka badan oo aan isku raacnay,waana gushii koowad ama buundadi koowad ee aan helay aniga &NABADOON.
Mida kale eedaynata labada qolo ee raga&dumarka naga joojiya, doodaha kale ee mawduucan khuseeyo lana miisamayo waxa ka mida anigoo mid walba figradayda raacsanaya.
1-GUURKA DUMARKA BADAN MAXAA FAA'IIDO NOOGU JIRA?MAXAASE KA IMAAN KARA OO DHIBA?
aan ugu horeeyo ee faa'iidoyin badan baa noogu jira.
A- Dumarkeena faraha badan baan ku asturanaynaa oo aan jamaykanka & madowga uga horaynaynaa OGAADANA HAWEENAYDA MARKAY WAX DHASHO XATAA HADII AY NINKA KALA TAGAAN XISHOOD BA GALAYA OO ISUMA YARA QUURTO MARKAY GABADHA TAHAY WAX AY KU KICI LAHAYD.
B-Waxaan noqonaynaa umad faro badan oo hadii dad islaamka ku dhaqma oo wanwanaagsani bataan waa faa'iido wayn,hadaanse hada niraahno dadka badanayaa waxaas ayay noqonayaan waa danbi oo anaga qaybka uma war hayno.balse inaan is badino baa nala faray.
2- Miisaanka labaad waxuu noqon karaa GUURKA DUMARKA BADAN YAA HOR TAAGAN??
A- Waxaan dhihi karaa dhowr qolo. kow GAALADA & GAALA RAACYADA,kuwaasna miisan kuma leh umadeena dhexdeeda.LABO MASAYRKA DUMARKA taasna waxaan dhihi karaa sidaad cadayseen waa cudur loo baahan yahay in xal loo helo. SADEX AXWAASHA DADKA & DURUUFAHOODA halkaan bay ku fiicnaan lahayd waxa aad nafta noogu keenteen inaad ku soo gudbisataan. tana waxaan leeyahay DADKA DURUUFAHOODO ISKU MID MAAHA NINKII KA BIXI KARA HA CAYRSANINA EE U DHAAFA KUWA QAADKA & BALWADAHA MEELAHA LA JOOGANA HABA GUURSANINA WHY NAFTOODI BAY DAYACEEN.
UGU DANBAYN AAN SI FIICAN WAX U MIISANO.DADKA INTA HARAY GADAAL BAN UGA SOO JAWABAYA WAAN DEGDEG SANAHAYE IGA RAALI AHADA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shukriya

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum dhalin yaro.
To Nabadoon: Sua'shaadi oo aheed in aad idinka naga badantihiin, the reason aan ugu jawaabin waa sis biibto ayaa jawaabteeda ku see say. If u want to hear from me I will answer u then. Waa run in aan idinka badan nahay balse maxey tartay badnaanteena oo waxey noqotay hal bacal lagu lisay waayo look bulshada & dhaqanka raga badankood. Gabdho hadii ay nu nahay waxaan firinaa nimanka wanaagsan oo na dhaqi karo si da wanaagsan ey diinteena qabto nola koriyana caruurta. But kuwa batay oo hada jooga saas ma'aha sida aad wada ogtihiin waxeyna lay yihiin dabciyad aan ku shegnay aniga iyo walaaladay. Waxaa wanaagsa naan lahaa hadii aad oran laheydeen Alxamdu shurilaah, aana intiina badan u dhaqan laheeydeen si wacan. Habluhu way idinku soo ordi lahayeen, maseerkoodana wuu yaraan lahaa. Balse Alle subxaana waqaadir wuxuu baday in aad gaftaan oo dhulka ku soo dhacdaan. Badankood hablaha waxey u bateen ku wa garsado, oo guurka kuma fir fir coona u don't have to blame us is not our fault 100% gabarna marabto in ay gasho guur labo bari ah. Walaal booqo page ka ku yaala qeybta General ka fiirina mowduuca { "MAXAA GUURKII YAREEYAEY"} iyo dadka inta badan fakradahooda. Hadii aad u maleysid is nothing waaxaad tahay nin cadeystay in uu maslaxad ka talin uu tiisa u sii ho ganaasado.

To: maskiin maxaa waayo guusha aad sheygeysid anaga ma game ayaa dhelonaa mise waxaan isku sheygonaa xaqa iyo waxa ka socdo bulshadeena? Hadii aad tahay nin rabo in uu game un ciyaaro oo dhaho gabdhaha waan ka badinay markaas ma dhaantid wax kuwa aan ka sheegeeno wax yalaha xun. Waa in aad so dhaweysid labada koox oo dacad noqotid ma'aha in aad ka abuurtid meesha game between girls and boys. Hadii aan idinku raacnay in guurka labadiyo well waa run qur'aanka ayee ku talaa. Idinka un is hagajiya dhaqankiina xun oo gabdhaha somaliyeed nafta ugu kenteen. Hadii aad saan ku socotaan ogaada max tarimaysiin, gabdhaha wee idinka cararaayaay oo waxey helayaan nimankale oo muslimiin ah balse aan aheeyn somali. Ow somalina dhaqankiis xun hasii wado. sua'aasha guurka badan iyo waxa ka imaankaro ayaa na waydiseena waana kuu sheygnay ee ha je je sanina. Arinkee Falis tiri oo ahaa muslimiin hadii ay nu nahay nimanka ayaa ku daynaa dhanka diinta, oo iyaga ayaa laga rabaa in ay nagaha waniyaan weyna ku dhaceen maxaa Adiga iyo nabadoon ugu jawaabi waydeen hadii aad run iyo xaqa wadaan. hadii kaleento waqtigeena hanaga dhuminina nimanyahow.

hadii aan idiin gaystay aflagaado iska kay cafiya.
Nabadeey wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Maskiin & Nabdoon
Nimanyahow wixiina waa inkiraad cad, ee maa meel jogtaan. Markii wax walbo la idinku cadeeyay ayaa waxaa keenteen in aad ka jawaabin wixii muhimka ahaa. Waxaa ugu jawaabi waydeena waa, ma heysaan ja waabteeda oo way idinku cadahay ee nimanyahow maad cadaalada ku socotaan oo iska deysaan luq luq galowga oo inkiraad hoosta ku wadataan.

Hadii aad cadaalad wadataan maxaa ugu jawaabi waydeen sua’lihii falis iyo aniga aan idin waydiinay, for example, dhibaatooyinka ka imaankaro ku heenta caruurta wadan qurbo, oo waxey idiin soo taxday 4 stamood jawaabna 2 ma aadan ka dhiibin, amusnaanta micnaheeyda ma ku racsantihiin mise…………. Dagaal cidla ah oo meel aan u jedin ayaa wali wadaan? Waxey koley macanto falis tiri nimanka somaliyeed ku wii hore dhaqaankaa ayee lahayeen ku wa hada jogana dhaqankii ayee wali wadaan Maxaa yelay somali waxey ku mah mah daa oorka hore meesha uu maro ayuu oorka danbena maraa. Maxaa afkiina u xirateen ma music ayaa idinku yeray? Mida aad u mihimsan oo ay tiri walaal falis waxey aheeyd “muslimiin hadii aan nahay raga ayaa diinta xijinaa oo iyaga ayaa inta badan wacdiyo oo wax u sheego dumarka” marka nimankaas oo ka mid ah bulshada somaliyeed so ma ayn gabin xilkooda 0.2310%. waxaan kalo oo aan idin waydiiyay ninka raga ah asaa waliyul amarkii qoyska ah, hee fiiri wuxuu ka qabtay, qabasho iska dayee xitaa wax ma fiirin, hee mas uliyadii so ma ayn gabin ku waasna? Nimanyahow so many evidence ayaa idinku cad mana soo cadeen kartiin.

Hey wait nimanka dhan aniga isku ma xaaqin yaa. Waxaan saan u dhahaayo waxaa waye misaan ayaa dhahdeen so ani misamidii ayaan ku jiraa, waana ku qasbanahay in aan misaamo nimanka kii xun iyo kii fican ba, sida aad wada ogtihiin ma fiirinkarno kan fiican un, waayo kan xuna sheykada wuu ku jiro oo wuxuu ka tirsan yahay bulshada so kaas ma la tiri tiri karo iyagaana badan approximately 79%.

Maskiin gusha aad sheygeeysid maxaa waaye, waxaan idinku racnay waxa ay diinteena qabto sida ay tiri shukriya hadii aan idinku inkiro waxaan noqon laheen gaalo. So game ka dhaafe ee dadka wax ugu sheeg sida ay diinteena qaaliga ah qabto, and sida nabiga nafaray game game waa laga fiican yahay.

Falis & shukriya well done macantooyin well said.
Wacalaykumu salaam hee Ani waan sii biibay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
Malaa FALIS waa hartay.
To:Shukria & Biibto.
Walaalayaal waad ku mahadsan tahiin doodiina qaymaha leh, waxaad mooda mawduucu inuu gabogabo yahay,hadaanaan u baahnayn war badni,waxa aniga ii muuqata inay ka soo baxday dhowr miisan.
1-In guurka badan nicmo rabi bixiyay yahay.
2-In muslimiin hadaan nahay aan sunadaas soo noolayno.
3-In dhibaatooyinka hor taagan ay ugu badan tahay labada dhinac ee raga & dumarkuba inaysan sidii la rabay uga soo bixin,inkastoo aad idinku raga eeda saaraysaan,aananse idinku raacsanayn.
4-In yaraanta guurka badan ay tahay dhaqan nooga soo butaacaya xaga westareenka taas oo aad ka arkaysid figradaha rag & dumar badan qoraalkooda halkan,balse ay fiicnan lahayd in aan diintena & dhaqankeena kiisa wanaagsan ku socono.
5-In aad looga fakerayo nolasha & waxii la cuni lahaa ee aan miisaan la saarayn faa'iidad guurka badan iyo wax tarkiisa.
6-In loo baahan yahay in dacaayadaha faraha badan iyo tashuushka laga daayo dadka guurka badan si uusan u yaraan guurka badani.
7-Iyo ugu danbayntii in lagu kaalmeeyo lana booriyo qofkii doonaya inuu dhawr xaas yeesho.
Waxaan dooda aniga dhinacaygii uga soo xiray.gabdhaha walaalahay ah waa inay iska daayan eeda faraha badan ee ay raga u soo jeedinayaan labada qolaba dhibkoodu ma yara hadaan cadaalad rabno,waxaan dumarkana kula dardaarmi lahaa inay gurigooda ka dhigaan meel mujtamaca islaamka ee soomaliyeed looga tussle qaato,una ogalaadaan ragoodu inuu la guursado, haday ragooda waxuun ku arkaana u sabraan.
WAXAANA WALAALADA LEEYAHAY AAN MOWDUUC WALBA WAXII WANAAGSAN ISKU RAACNO ISKANA DEYNO I JIID AAN KU JIIDEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUUSTAY

Unrecorded Date
ASALAMA CALEYKA
Miskiin min fadlan sideey kula tahay arrintaan waxaana codsanaya inaad runta ka sheegto :
Waxaan isku magaalo joogna rag badan oo xaasaskoodi moog 8/10sano waxaana u jooga ninkiiba 5/6 caruur ah waqti xaadir war aay ka hayaan ma jiro iyo meel aay ku sugan yihiin ilmahooda waxeey ku andocoonayan inay lacag u diraan.
1.XAASKA SOO NIN UMA BAAHNA
2.ILMIHI SOO AABE UMA BAAHNA
MARKAAS AYAAD RABTAA LABO IYO WAX KA BADAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shukriya

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum dhalinyaro
To:Maskiin & Nabadoon Waxaan u maleen dhaq dhaqaaqii badnaa wuu yaraaday madama aad keeni wayday daliil waxa aad adiga & Nabadoon noogula murmayseen. Wali ku ma khanacsani ilamo lagu korey wadan qurbo, waxey ku darsamayaan galada oo muslimiin wax ka ma oga.

To: Falis Hee Falis walashiis intee ka baxday ma bada ayaa ku laqday adiga, hee maskiin & Nabadoon maxaa usha ugula dhici wayday waa kuwan jecayee?

To: Nin Quustay abow wali qusashadii ayaa ku jirtaa ma ohoo, iska daa nimankaan wax ay daliil u heystaan nac nacdooda ayaaba iska yar.

To: biibto walaashiis well said ok saas ayaa lagaa rabaa waley biibka ayaa ku fiicantahay.
Nabadey wacaleykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Walaalayalow salaan iga qabta. Malagu heshiin waayay mowduuca, sida aan u jeedo dadka badankiis arinkan wuu ka dhaadhici la'yahay and I don't blame them. Wax walbo sida ay kula noqoto ayaa lagu wadaa, arinkan walalayalow sida aad dontaan ku wada, kii u maleynaayo faido in ay ku jirto in 1 reer iyo wixii kabadan in lagu haayo wadan galeed asaa xor ah, Uu ka kow yahay walalkeen maskiin. Aniga magaranaayo sida loogu korinaayo caruur wadan qurbo, waayo kuwa hada jooga yaa qatiyaan, walwal iyo walaac laga tagan yahay macdalaa kuwo lagu dhalo. Qoysas somaliyeed oo badan kuna nool qurbaha ayaa waxey ku talajiraan in ay ka wadaan caruurtood. Kuwana way ku caruur beleen, oo faro kuma hayaan. Aniga waxaan layabanahay kuwa caruur ku heysto wadan qurbo macdalaa kuwo donaayo in ay labaystaan, waa ceelka si saani ugu sii dhac oo jiirkaaga gaalo sii.

Maskiin in your dreams to get rid of me. Wlaalow sua'aal maxumee ma waxaad donaysaa in aad ku labaysatid wadan qurbo? Maskiin walaalow waxey ilatahay in dadka first laga jaahil baxsho qaladaadka ay sameynayaan, dabadeedna lagu dhiiro galiyo in ay guurka badiyaan.

To shukriya malabay hada ayee bada ii soo tuftay, ee maxaa daran, nimankii wali dhaqaaq iyo jawaab sugan for our q way la'yihiin miyaa?

To: Biibto macaanto thanks ee well done, nimankii wali sua'shaadi & sua'shii shukriya wey ka lex lexanayaan miyaa?
waa iga intaas wacalaykumu samaam somaliyee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUUSTAY

Unrecorded Date
ASALAMA CALEYKUM DHAMAATIN
TO.FALIS
WALAALEY WAXAAD SHEEGTAY RUNTA HADDI LAAGA AQBALO
AFKAADA CAANO LAGU QABAY.
NINKA RABA IN UU LABO XAAS IYO CARUUR BADAN KU DHALA QURBO WUXUU XAASID KU YAHAY NAFTIISA IYO DIINTIISA IYO CARUURTA UU DHALI DOONO WAAN ARAGNAA DHIBAATADA HEESTA ILMOOLEYDA.
WAXAAN AAD OOGA XUMAHAY CULUMA OO DIINKA OO TALO SAX AH AAN KA SOO BIXINEYN ARRINTAAN.
WAXAAN JOOGNAA MEEL AAD CANAAN KARIN ILMAHAADA XITAA XAASKAAGA OO HALIS TAHAY INAAU KUUGU WACDO POLICE MARKAAS AAD WELI KU SII INDHA CADDIHIIN NAAGO HA LA GUURSADO ILMO HA LA DHALO ANIGA WAXAAN HUBAA DADKA SIDAAS ORANAYA INAAY XAASNA LEHEEN ILMANA AAY DHALIN UUNA JOOGIN QURBO.
MIDDI IIGU DARNEEYD WAXEEY TAHAY MARKAAN ARKAY WIIL AABIHI KU YIRI AABE WAQTI DHAW WAAN GUURSANAYA - ODAGII AYAA SU'AALAY WIILKI AABE MA ISLAANBA MISE GAALO MIDDAAD GURSANEYSO - WIILKI AYAA ODAGI UUGU JAWAABAY MAYA EE WAA NIN KALE AAN ISJECEL NAHAY.ODAGII NAXDIN AYUU U DHIMAN GAARAY.
INTAAS HA DEEQDO INTA RABTA IN CARUUR QURBO LAGU DHALO.ANIGA WAXAAN ORAN LAHAA ILLAH HA BADBAADIYO KU WA JOOGA.
IGA RAALI NOQDA WAAN KU DHEERADAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qanciso

Unrecorded Date
Salaan iga gudooma muslimiinee.
Soo bood bood bari waakanaa, waxaa meshaan lala yimid wixii wadaadada ku waninaayeen dhalinyarada oo aan aqliga galaynin. Waxaan arkay wadaad dhibatadaas qabo oo caruurtiisa galada raceen ku sii waninaayo dhalinyarada in ay badshaan guurka & caruurta cajiib, unuka gaalo maa badiheenaa mise muslimiin? Markii aragtid waxyabahaan oo kaleento madaxa aa ku wareegsahaayo. Qof wadan gaalo joogo islaam nimadiisa aaba shaki weyn ku jiro macdalaa ilmo uus dhalay. Kii nin ahaa suuqa aas galaa xataa markuu shaqeynaynin oo jaad uus u fadhiyaa. Ay nageey markii guriga kiligeed ku cidlooto iyada iyo caruurteeda, malenta danbee waa lagu soo kala firenayaa oo suuqa ayee galee aroos, xaflad, madax shub, todobo, sodhaweys etc. aw caruur TV sheykadiis ay firihayaan markeey 9-13 garane aa ku qaylisid taleefoon ay wacanaayaan. Ow police haadaayo albaabka uu soo jukey-haa, ilmihii daf daf daf daf sidii loo sinaayo gaalo dhab ah ayee noqonayaan!! Ow waalid maalintii danbe waxaas arkaa wiilkiisi gabarkaleento afka ka dhuuqaayo, gabadhiina caloosha faydatay duratay xudunta oo balack American dhabta u fuusho juuqna madhihi karo Hee marka ma qanacdeen mise waan sii wadaa.

maseer wax malaga qabankaro sidii sukorooyin Biibto, shukriya, yassmine, falis dhaheen. Hadii ladhoho maseer hala control-lo waa iyadoo layiri saxarada & kadida halaguugu cesho oo isku dhax dhimo. Sidii falis tiri naag somaliyeed ayaa naag kale lala qabay sucuudiga hal gurina way daganayeen malintii danbe yaanbo ee so qaadi wayna ku goo goo say naagtii kale markaasee trash bag kuridi qashinkana way kuridi! Hee maxaa sugee, ninkii lamo isku guursado kadi diisa ayaa kalish ugu dhacday!!!!! Mawadaa mise waa qanacdeen Maskiin & Nabadoon.

Nin somaliyeed waligiis uus shuqul xumaa, oo hoosha dhan hooyada uus ugu sibanaayay. Waxey hooyooyinkii somaliyeed soo dhibtodeen ku wii hada jogeen aa nimanka ka abaal mariyay waliba culees weyn ey sareen juuuq aa sheegtaayee xitaa a a a a ma dhihikaro waana istahilaan maxaayelay waqtigooda jaad iyo qurun kalento ay u dhameyeen.

Anox, Nin quustay, shukriya, yassmine, falis & biibto baraawo runtii cad ayaa tuurteen waxaan u maleenayaa kuwaan indhaha ayee ka xiranyihiin waa in loo soo indha furo.
Raali noqda waa dhiriyay sheykada.
intaas ay iga tahay wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Aslaamu calaykum somaliyee
Maskiin & Nabadoon waxaan u maleen waa la idinka awood badiyay runtana way idiin cadaatay.ee walaalayaloow qirta ee dhuu dhuumashada iska dhaafa.

To: Nin quustay walaal marka ugu horeyso mahadsanid, waana kugu raacsanahay fikrada aad ka qabtid mowduucaan 100%. Qofkii aqli leh wuu arkaa xaalka anagana waaye kuwa ku halaag may wadan qurbo. Ma maleenkartid inta dhalinyaro somaliyeed aan saxibo nahay oo suuqa ku shubmaayo maalin maalinta kadanbeeyso waxey hadal ka dhigteen “meel see u taalo ayaa loola yalaa ee jahilnimada iska dhaaf” Marka walaal malayabayo haduu jiro wiil somaliyeed oo guy noqday. Waxaad quusan marka aad eygtid carabta & turkishka muslimeenta ah dhalinyaradooda oo ku tarmay wadamada galada in badan, cibaado iska dhafee xitaa dhaqan yar oo muslimeed mawataan, maxaad u maleen anagana hadii aan ku tarmano wadan gaalo, madiidi in aan dariqoodo abareeno? Dadka weyn ayaaba qatar ku jiro sidii ay ugu helilahayeen waqti ay cibadeystaan, waxaa nasiibleh hadii ay tukadaan salaadi rabi, macdalaa ciyaal lagu dhalo. Markasaa waxaa la leeyahay caruur halagu badsho wadan gaalo, waxaa weye jiirkaaga diinlawe hanaqdo oo galada ha dhaxboodo. Marka walaalow waan garan where u coming from waana gartaa 100%. Dadkaan warkood iska dhaaf ee siduu xaal kula noqdo u wad.

To: Qinciso walashiis welcome, walaley waa soo yara dahdayee maxaa dhacay? you made me laugh very hard. Waley runta ayaa shaaca ka qaaday waana kugu racsanahay 100%. Waxaa iga yabiyay sida aad u fasirtay & sida aad sheykada ku bilaabday “soo bood bood bari waakanaa” waxaan u qaatay soo bood bood ruunta watanayee ee saas ma’ohoo saxibay? Any way it was a lovely star although some people might disagree with me. Nimankii dadka xiqijinaayay ayamahaan qol ayee isku xireen oo warkood lama haayo.

waa iga intaas wacalaykumu salaam somaliyee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
asalaamu calaykum.
Wxaan layaabanahay masayrka idin haya intuu le,eg yahay gabdhoow waxaadba moodaa in hada laydinla guursanaayo.
miskiin walaalow weligeed lama sheegin arinkaan oo si nabada ku dhamaada ee udaa sey ahaan jirtay weligood ha qayliyeene,miyaadan ujeedin haday masayrsanyihiine
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dulqaad

Unrecorded Date
s/calaykum

Anigu waxaan odhanlahaa ka qaybgalayaasha raga ah dhamaantood inmidkabadan laguursado ay ubanaantahay ninkii dhul islaam ah kunool nina yanu kufekerin inuu laba guursado waxkabadanba hadalkoodba daa caruurtana sadax ama afar kabadan iyo hooyadood oo. ilaahayna ha kabaryo inuu intiisaa uga nabad geliyo dhibaatada qurbaha una barakeeyo waa intiina xaaslayda ah intii iyagu aan reerleey ahayna haduu wiilyahay ama gabarba hadoonto middiintiisu wanaagsantahay balsa inkii isagu dhulmuslin jooga isagay jirtaa wuxuu samaynayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
To:All gabdho & wiilal.
Walaalayaal waxaad mooda mawduucu inuu xikmad beelay,sida hada doodu noqotayna markaan fiirino waxay u muuqata mid ka baxday inay cilmi & daliil ku salaysnaato,sidoo kale erayada la adeegsanayo waxay u muuqdan kuwo uu ka yara xishoodo qofka nadiifka ah.
Markaa waxaan jeclaystay in aan iska soo xiro. mowduuc kalana FALIS aad noo bilowdo, uusana naga noqon sida kan uu gadaal isaga daatay.
WAXAANA SOO JEEDIN LAHAA INTEENA HADBA DOODU NAGA DHAXAYSO IN XIKMAD & CILMI AAN WAX ISKULA WADNO DADKA NAGU SOO BIIRANA QOFKII AAN HADALKIISU MACNO SAMAYNAYN AAN LOO JAWAABIN SI AYSAN MEESHU U SII QASMIN.
HADAAD JECESHIHIIN IN MOWDUUCAANI SII SOCDO SIDAAN HA LAGA DAAYO, JAWAABNA IGU SOO CELIYA.
WABILAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
To:Maskiin abowow xaalka waa cuslaaday miyaa? Hadii aan wax kuu sheego markii hore ayaa ku qaldaneyd in ad furtid mowduucaan oo kale maxaa yelay dadka dhiigooda ayuu kiciyaa, kuwaan waa jano, kuwo aan meel kale ku arkay waxey sheygayeen & qilaafkood waad yaabi. Aniga waxaan qabaa dadkaan badankood waxa ay sheygeen waa runtood kuma qaldana maxaa yelay waa wax ay cilmi indheed iyo dhageed u ley'yihiin. Marka aan wax kawada hadleeno hadii aan nahay muslimiin waxaan is bardhignaa ficilka saxda ah ay dhacda iyo waxa ay diinteena ka qabto, marka dadkaan waxa ay sameyeen kuma qaldana ayaan qabaa. Madaama aad tiri mowduuca waan gaba gabeen, waxaan rajeen in aad wax ka baratay iyo in ay tahay almost impossible caruur in lagu koriyo wadan galeed. Iga raali noqo hadii aad idhibsatay mise kuu gafay.

To: Falis walaashiis iiiiiihiiiiiiii adaa lagaa rabaa in aad mowduuc furto, hada kahor waan kuusheegay mowduuc waxaa waaye "Guditaanka Gabdhaha" ay diinteena qabin, ee macaanto maa kaa ka hadashid sidii dadbadan ku indho furaan tasoo diinteena qabin 100%. Waa iga fikrad I hope u take it.

To: ismaciil anaga maseer namahayo ee meel isku qabooji, markii ceebtiina lasoo faagi aad nagu kala soo fireyseen miyaa? Hadii niman tihiin markii hore isa soo dhaqa bacdeen noo imaada ok {if u know what I mean}.

To: Qanciso heeeeeeeeeee malab see cabal, nimankaan badankood waa shabisee. Hadalkaa kistoo waa………………. yara xumaa waxaan kawadaa hadalada aad isticmaashi. Hee maxaa kudaari qeybtaan waa qeybtii islaamka saas ula soco yaa.

Hey ani waan sii biibay see ya next time wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUUSTAY

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM DHAMAANTIN
TO.MISKIIN
WALAAL WAXBA HA ORDIN MARMARSIYADANA ISKA DAA EE NIN RAG NOQO OO MARKA LAGA GAR HELO GARTA DHIIBA GARDARRADANA QAATA MICNAHA GABDHAHA GAR BAAY KAA LEYIHIIN SIIY GARTOODA.
WAXAA MOWDUUCAN KU FIICAN IN LA WAREEYSTO WALIDIINTA OO IDIN KALA GAR QAADI LAHEYD MICNAHA AYAGA WAXEEY TAABTEEN DHIBATADA AAY LEEDAHAY ILMO QURBO/DHUL GAALO LAGU DHALO.
IGA RAALI NOQO HADDI AAN WAX KU DHIBAY AAN KU DHAHAY.--GAR LABO NIN KAMA WADA QOSLISO --

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum somaliyee
To: Maskiin walaalow kuma jacsani in aan furo mowduuc iyadoon walaaladayn idil ay isku racin fikradahooda, waayo sababta qura oo loo furay mowduuca waa in lakala faidaysto oo ay u dhamaato si sharaf leh sidii ay u dhamaatay mowducii ahaa Qimaarka xijab mayahay mise maaha? Hadii aan saan ku socono oo aan noqono marba meel u bood hadii aan ku racsaneyn walaladeen kale fikradahooda, isbaheysigayna wuxuu noqon absolutely nothing 100%. Waa in aan noqonaa dad walaalo ah oo wax iska dhaadhicinkaro qofka kalena garta siin haduu ka gar leyahay sida ay qabto diinteena. Mowducaan waa gaba gabo meel aad u carartid majirto waxa ay dadkaan sheygayaana waa gartood 100% waana mid bulshadeena maalin walbo ka dhacdo hadii ay kaa gar leyihiin gartooda sii walaalow oo hanoqon seef labood oo dunaayo in uu barwalbo asaga sax sanaado, hadii aad hada mowducaan saan ku xirtid waxaad noqon saas. Walaalkeygii qaliga waa iga talo walaal tinimo hadii aad iga xumaatay iga raali noqo 10000%. Intii kale dhan waa laisku raacay waxa kaliya oo haray waa caruur lagu haayo qurbo. Hadii aad wali qanacsaneyn waa in aan radsanaa ilmoleyda oo dhib kaan arkay sida ay nagu kala baxshaan sidii uu yiri walaal Nin quustay.

To: ismaciil walaalow meshaan maseer majiro mid mid kale lala gursanooyo sheekada majoogto, wax ayaa lakala faidaysan, hadii aad donaysid in aad ka soo qeeb gasho, ugu soo qeebgal siwanaagsan ay diinteena qabto wax aan sheygeenana waa mid dhacdooy ah oo ku lifaaqan mowduuca.

waa iga intaas wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
To: FALIS.
Runtii wax saxa ayaad sheegtay,balse walaal ma balan qaadi kartaa in mowduucu si nadiif ah ku socdo??
Hadaan hadaba doodaydii sii wato waa sida aad jeceshihiine.
1-Waan isla garanay guurka dumarka badan inuu nicmo mina laahi yahay, markaa ma waxaad aaminsan tihiin guurka badana waa wanaagsan yahay,ilmana guurkaas yaan lagu dhalin sow labo is khilaafsan maaha bal meel u saara oo ama guurka oo dhan diida ama ilmo yaan la dhalin ka hara.
2-Waan idiin sheegnay ilmaha dhalan doona in waxay noqonayaan faraha laga qaado waayo waa wax soo socda waxa soo socdana ilaahay uun baa og,hadaad farsamo wax lagu xaliyo aad doonaysaana intay yar yar yihiin kala taga dhulka gaalada sida ay dad badanba yeeleen, idinku hadaad muslimiin sax ah tihiin oo aad caruurtiina iyo aakhiradiina ka walwalaysaan see ku rabtaan inaad nolashiina oo dhan wadamo gaalo ku qaadataan.
3-Hadii xaalku idinku culusyahay la tashada dadka arimahaan sameeyay oo ku najaxay,si ay idiin tusaan wadada ugu dhow ee arintaani ku fududaan karto.
4-Guurka dumarka badan & ilmaha badani waa wax qof walba u jeedo wanaagooda shay dood saa u dheer gali karana maaha. ee walaalayaal ama daliil cad keena ama iskaga hara arintaan,waxa aad sheegaysaan ee ilmaha badanaya,ragani dhawr xaas ma biili karaan, waxaan aragnay mid qaadka cunaya, IWM. daliil ma noqonayaan.
Anigu waxaan hayaa oo ididn tusay daliilo cadcad iyo waliba dadka inta wanaagsan oo arintaas fiicnaanteeda amaanaysa.
WAXAAN IDINKA CODSANAYAA IN MOWDUUCU SI DEGAN OO QURUX BADAN U SOCDO ERAYDA AKHLAAQDA AAN KU WANAAGSANAYNA AANAN ADEGSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
To: Maskiin walaalow maxaad ugu jirtaa daliil keensand, waa kan aan ku siiney, daliil wuxuu u kala baxaa labo 1- mid qur'aanka, & xadiiskii Nabiga (scw) laga soo wariyay 2- mid bulshada ka dhacdo
Markii aan wax ka hadleeno waa in aan is barbar dhignaa labada daliil, macquul manaqoneyso in aan 1 daliil un qaadano. Walaalo yeel mise diid nimanka aan shagnay waa kuwo bulshada ku nool, waana in aan xisaabta ku darnaa macquul manaqonayso in aan kuwii fiican ka hadalno un, maxaayelay labadaba way ku nolyihiin bulshadeena. Mida kale Alle subxaane waqaadir wuxuu qur'aankiisa ku shegay, nimanikii kari karo in ay gursadaan 1 kabadan haduu sharuuda layimaado, kuwa badan ayaa xilkaas ka soo bixin, oo wadamo kale ku nool wax ay ka ogyihiin their little innocence children's aaba iska yare ee masuuliyad aad u weyn ka saarantahay. Ha u maleen in aan diidayo guurka badan, sidii walaal falis tiri guurka badan waa nimco mina laah subxaana waqaadir. Sheeko waxey kataga tahay caruur lagu koriyo wadan gaalo oo aad ogtahay, ma ogtahay dadka aad lahadleeysid oo dhan in ay ku nolyihiin wadan qurbo, magaran hadii ay ku jiraan kuwo ku nool wadan muslim. Waxa ay dhahayaan waa gartood maxaa yelan kuwo badan oo aan walaalo nahay ayaa suqa ku shubmay, Aniga waxa aan dhihilahaa qofkii rabo in uu caruur dhalo hakatago wadan gaalo. anaga ma dhahoono guurka halabadiyo caruurna yaala dhalin no no no taasi waa danbi wayn.

To: Falis Walaaley well said si fiican ayaa u hadashay Ilaahayna Ajar hakaasiiyo.Waxaan rajeen in ay tokadaan si fiican u dhamaato oo cadaalad ku jirto.
Wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
TO: BIIBTO.
BIIBTO DADKII OO DHAN WAA IGA HAREEN ARINTUNA WAA U CADAATAYE MAAD IGA HARTID OO DOODA FARAHA BADAN ISKA DAYSID, MOWDUUCU RUN BUU TAGAY KALA HADALKIINIINA WAAD ARAGTEEN.
WAXAAN KU SOO CELINAYAA, GUURKA HA LA BADIYO IYO YAAN ILMO BADAN LA DHALIN JAWAAB CAD KA BIXI HADII KALE MOWDUUCU DHAMAAYE KA HAR.AMA WAX MACQUULA KEEN.
WA BILAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Unrecorded Date

waaryaa miskiin guurka halabdiyo ayuunbaad hablaha kuleedahaya kuwan aanu aragnay yaan la guursanin maxaad u odhanwayday ee bibtadaad shegaysaa ka midtahay ee ku jira somali womens form gaar ahaan mawduca why somalian gril go with black american bal biibto fikraday halkaa ka tiri soo akhri

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Unrecorded Date

sorry biibto waxaan is ku khalday biibto iyo yuukeey

xaalbaan kaa siiyey raalina iga ahoow wallasheey aniguba waan yaabay markii dambe ayaana dib u akhristay labada qoraalba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ukhtilmuslim

Unrecorded Date
TO Walaalayga muslimiinta ahaayow.

Aslaamu caleykum.

Walaalayaal anigu doodiina dhaxda ayaan kaga soodhacy. waxaana rabaa inaan kadhiibto fikradeyda ,hadii Allah idmo.

Marka hore guurka waa banaan yahay ragana afarta
Alle ubaneeyey, marka aniga waxay ilatahay ninkii kabixi kara hawshaa ogna waajibka saaran
waaguursan karaa ,waxaa muhiim ah qofkaas in uu diinta wax ka yaqaan cadaaladna wax ufulinkaro.
Maxaa yeelay iska guurso kaliya lama dhihin
ee waxbaa loo raa ciyey Waana cadaalad in uu kula dhaqmaa xaasaskiisa,hadiikale wuxuu noqonayaa mid sharcigii ku xad gubay.

Walaalahayga muslimka ahaayow hadii aan wax qalday iga raali ahaada.

Waa Ukhtilmuslim.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
To: Maskiin
maskinyahow ma balanqaadikaro in uu ku dhamaado si wanaagsan oo sharaf leh, lakinse waxaan rajenayaa in uu nogu dhamaado sidaas. Walaal ugu horentii waxaan u maleen in aad qalad ii fahansantahay, sidii aan horey u iri guurka waa nimaco mina laah Alle subxaana waqaadir ayaa nafaray Nabiga (scw) na wuu nafaray, ninkii ka bixikaro fulinayana waxyabaha lagu xujiyeyay way u banaantahay in uu gursado 4. Sida aad ogtahay suratu nuur Alle subxaane waqaadir wuxuu nagu faray in la isku guuriyo dhalinyarada, macladaa qof donaayo in uu gursado 1 kabadan waana shay wanaagsan waayo guurka waa mid ka dhorayo in aynan galin qaladaad. Sababta raga somaliyeed aan u hujumaayay waxey aheed, iyagoo u batay kuwo aanan fulin wixii lafaray iyagoo qayb ka qaatay wixii lafaray qebta kalena iska daaya for example sidii walaaladay yirahdeen. Walaal madiidi in ay rageeni badankood xumadeen ay noqdeen kuwo ku liita dhankaas?{tan jawaabteed ii soo sii adoo cadaalad u hadlaayo ok} Midakale aniga kuma lihi guurka halabadsho caruurna yaala dhalin, la yaa Akhi muslim taasi waa danbi, caruurta waa hadiya mina laah, waxaa hela qof nasiib leh. Sidii walaal biibto tiri dadka badankiis oo aad u jedisay arinkan wanaagsan waxey ku nolyihiin wadan qurbo taasi aad ogtahay xaalkeeda, caruur lagu koriyo iska dhafee xitaa anaga ayaa qatar ku jirno, waa meel aan lamaqleen adaan 5 times in a day except if u go to the mosque, waa meel aan lagu dhaqmeen dhaqankeeni salixa ahaa. Marka walaal caruurta dhaqankee ayee u badan? qof walba ma karikaro in uu caruurtiis ka wado qurbaha. Waan aragnaa waxa heeysta walidkeen iyo qarabadeen adoon eegin meel kale. Ee walaalow taas xisaabta maku dartay. Caruurta waad ogtahay in xil aad u weyn ka saarantahay walidka, hadii ay tarbiyadooda ka xumaato yomal qiyaama walidka ayaa laweydiin, waana mid ku lifaaqan badinta guurka. Marka walaal waan in laga fakiro caruurta, Hadii aan ku nolaan laheyn wadan muslim waxey a haan laheyd shay taani. waa iga intaas wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
To maskiin qofka ay runta u cadaatay waa adiga macalinoo iska daa luuq luuq galoowga ee dadka xaqa sii ha noqon geed kiligiisa wax isku rabo. hey idhaha kala fur ee fiiri gesahaaga guurka waa nimco. haduu qofka yahay qof muslim waxey ku fiicantahay in uu ku guursado wadan muslim, coz qurbaha waa shaydaan gurigiisa ow gaalana waa sida uu rabay, ha u meleen in uu asxaan kuu samenaayo waxa uu karabo waa in uu caruurta kaa dhaqan badalo waana u toostay.ow somali nina waxey u bateen labac labac oo qurun iyo jaad ka shaqeeyo.
Nabadoon runta ayaa u cadaatay adiga maxaa la waq waq ledahay??? hadii aan kuu gafay i cafi.

To: Geesi hee adiga waa iga yabisay sidii qori lagamay camal aad igu soo dhacday don't worry xaal waan qatay.

To: Falis abaa ninkaan waa dhag dhag aan wax fahmeen ee haku daalin. (maskiin kaftan u qaado although aad saas u egtahay)
wacalaykumu salaam. Hee ani waan sii biibay see ya next time.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEESI

Unrecorded Date
SALAAMU CALAYKUM DHAMAAN WIILAL IYO HABLO


KU BIIBTO,FELIS,IYO SHUKRI

BALHABLOOW WALAALAYA MAXAA DOODAN DHEER EE AAN RAGBADAN WAXBA IDINKA MAQLAYNIN OO RABA INAY LABAYSTAAN AMA SADEXEEYAN AAD ISUG XIIJINAYSAAN ANANA MIDII KELIYA AHAYD AYAANANBA HAYNIN RAGNA DHOWRBUUBA DOONAYAA

BALHADABA HABLIHIIN AAN MAGAC YADOODA KORKUSOO SHEEGAY WAXAAN IDINKA CODSANAYAA INAAD DOOD CUSUB UFURTAAN INAMAD DOONAYA MIDKELIYA OO AAN LABA IYO SADEXTOONA UDIYAAR AHAYN ODAYDA KUWA BADAN RABANA WARKOODA INAGA DAYSAAN

BIIBTO ADILEEWAAYE NOOFUR MEELCUSUB OO NOO BILOW HEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
Asalamu alaykum
allahu mustacaan waxaan layaabay sida ay u masayrsan yihiin falis iyo gabdhaha lamida
waxaan kudhihi lahaa faliseey
waxaan ilaahay iyo rasuulkiisa ayaa baneeyay
marka qabriga nabiga intaad tagtid lasoo dagaal waxaad tiraahdaa maxaad afar ugu banaysay dumarka
hadii addan sas yeelin karin xaqa raac wallow haqaraar ee hadii kale
meeshaad aadi lahayd aday kujitaa
labo mid soogal
1- nin qaad ya cuna oo adiga iyo caruurtaada laad kala daala ilmahana kaligaa kugu siidaya, lacag waxad haysana qaad kudoonta, gurigana aan soo seexan bishii hadad hal mar aragtid aad nasiib si did oo aaan lahubin xataa inuu kuumaraysanayo

2- ama wadaad afar kulaqaba oo xaqaaqaq gana kasoobaxaya intii kalaamiisa labadaa kala dooro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Unrecorded Date
SALAAMU CALAYKUM

TO AADAM

belo kugu dhici wayday AADANOW waar waxaasi waa habaar inan ta maxaad labadaa kala daran ukala dooransiisay maxaa kuudiiday inaad tiraahdo mid kaligaa kugu eg xaqaaga kasoo baxa naago kale aan raadsan iimaankiisa qaba qaadcunin balwad oo dhan ilaahay ka ilaaliyey ala haku siiyo

waxaasoo kalaba hablaha calafdoonka ah laguma yiraahdo yaan naxdin wadnuhu la istaagine

walaan waxaan maskax xanuun iyo dembi ahayn looga qaaday 2,3,4 lawada qabo sikastoo muslin ay isaga iyo iyaguba uyihiin qurbahan qofwaliba YAA ALAA BINAFSII UU LEEYAHAY


salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLE SUGE

Unrecorded Date
WALAALAYAL
WAXAAN KU TALIN LAHAA HADDI WAX LA IIGA MAQLAAYO IN GUURKA AAD LOO YAREEYO SABABTANA WAXEEY DAN U TAHAY GUUR BADAN GAALO OO RABA ILMO CUSUB OO KANADEES AH AMA GAALO AH.
WAXAAD RABTAAN SHEEGA LAAKIN RUNTA WAA MIDDAAN OO GAALO WAXEEY LACAG IWM KUU SIINAAYAN WAA ILMAHAADA OO KELIYA.
ANIGA LABO GABDHO AYAA CARRIGAAN II JOOGA WAXEEY KU SUGAN YIHIIN ALLA OG EE INOO SOO DUCEEYA INU ILLAH WADDANKI QABOOJIYO ANIGA WAAN ISKA NOQON LAHAA INTI AAY XAASKA I DEJIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.

TO: Dhamaan Akhyaarta Dhexda Ka Soo Gashay.

Walaalayaal waxaad mooda xooga meesha inaad yara qaabkii ka badasheen,waxaan filayaa kor baydnaan ka soo akhrin, markaa bal dadka doodaya iyo doodu waxay tahay ku yara noqda.

To: Falis & Biibto.

Waxaan filayaa in markaan xooga wax eegeegay la iiga saxan yahay in ilmo badan oo gaalada lagu dhex dhalaa ay khatar tahay, markaa waxaan filayaa dhinacaas sida xaqaa ama sawaabka inay tahay qofka dhulka gaalada jooga inuu waxuu haysto kala cararo gaalada dhexdeede.
Markaa waxan rajaynayaa in dodeenu ahayd MIISANKA GUURKA DUMARKA BADAN, waxayna ila tahay markii dhinaca ilmaha badan ee gaalada lagu dhex dhalayo laga miisamo guurka badan in xaqu uu raacayo sida aad u miisaamaysan.marnabase ma la iga maqlayo guurka ha la yareeyo, balse gaalada ilmo badan yaan looga dhex tagin.

Waxaanse rajo ka qabaa inaad idinkuna soo qirtaan markii laga miisamo dhinacyo kale, in ay xaq tahay sida aan uga hadlay.

Anigu ma qabo bulshada in si shaqsiyan ah ama qofqof ah miisaan loo saaro, oo la yiraho kuwa jadka cuna ilmahooda kuwa xun xun ilmahooda IWM balse waxaan qabaa in caam ahaan looga hadlo qofkii shaqsiyan ama khaas ahaan dhibaato u hayso ha loo duceeyo in ilaahay ka saaro.
Waxaan filayaa mowduucu waa gabo gabo in la soo xirana wuu ku fiicnaan lahaa.

FALIS MAWDUUC CUSUB OO DOOD CILMIYEED AH MA HAYSAA???
WABILAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shukriya

Unrecorded Date
Asalaamu claykum dhalinyarow
Waryaa Aadam afkaaga edeb u yeel, gabdhaha somaliyeed saas looguma hadlo ee edeb yeelo qandhaxyahow. Maxaa wayee wax aad leydahay qabriga nabiga aad ee lasoo dagalam, qof muslim ah saas ma dhaho ee xag Alle u laabo. Gabadha walashaana sorry dheh gadaal ka garyahow. Meshaan qof maseer haayo majiro wax ayaa lakala faideysanoyaa.

Falis sis don't worry about him, he's from the small world he knows nothing what he is talking about just ignore him. Come on sis open new discussion page, make it interesting one malabey.

Maskiin finally waad qiratay yarabii, more than 3 weeks ayee kuugu qadatay ma ohoo? Guurka wadan muslim ayuu ku fiicanyahay sida walaladay dhaheen, lakin wadan gaalo qax qax waaye. Dhalin yaroo hadii aad wadan qurbo ku gursataan, taba busheesta sidii aad caruurtiina ugu dhereen laheydeen wadan qurbo, waa lug gooyo number 1. Walaladeen ayaa ku halagmay oo suuqa galey, idinka Alle ha idinka kariyo caruurtiinana hadii aad qabtaan mise mustaqbalka Alle idnsiiyo maskaxdiina qurbo ka xaaqa ee wadankii geeye xitaa xabada hadisho hadii larabee intii galo haleen laheed. Maskiin waligee iga ma dha dhaceeso in somali men ay wax garad yihiin 100% waa kuwii meel un la aada whether u liked or not, kana fiiri bulshada aad ku noshahay. Don't bother to answer it for me coz maba iga dhaa dhaceeso most of them waa xunyihiin ayee madaxeega ku xirantay waana run 98.987%

Biibto sis well said, kaalay adiga caruur maa wadan gaalo ku heysataa mid kugu ma ogenee??????? kaftan iga ga qaado yaheeeeeeeee....
wacaleykumu salaam dhalinyarow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
aad ayaad u mahadsantihiin dhaman laakiin walaalkay miskiin horaan usheegay oo arinkaan kuma heshiin karno haka yaabina waa wax fidra ah markaan lahaa waad masayrsan tihiin ceeb ugma jeedine masayrku waa wax allaah idinku abuuray hamoodina ceeb.

Miskiin tan iyaga lagala tashan maayo ee inaga ayay inoo taala sidaasna kusoo xira mawduucaan
Waxaan umahad celinayaa
Miskiin
Felis
Shukriya
Biibto
Adam
Nabadoon
nin quustay iyo dhamaanba intii waxgaradka ahayd
Wxaan soo jeedin lahaa mawduuckale inaad furtaan oo weliba hablaha khuseeya

wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Finally walaalkiis waad qiratay so ma’aha after a long time ileen waxaad tahay nin dhagax ah? Sidii sis shukriya tiri qofkii caruur heeysta oo jecel wanagood both dhinac adumeed iyo aqiroba, caruurta halaga wado qurbaha, sida aan u badan nahay qofkii aan heysan Allena siiyo mustaqbalka ha ku tala galo in ay san qurbo caruur ku dhal. Qofkii aad ka naxiysid oo ah walaal mise qaraabo caruurna wato una soo socda qurbaha ku da’daal sida aysan u keenin. Waxaa laqaatay iyagoo, wax barasho la’aan joga & xabadana dhax murafaan intii galo baleen laheed. Waayo nafta hal mar ayee baxdaa meel walbana mali kamood wuu jogaa.

Maskiin wali waxaan amisanahay nin somaliyeed in uu san aheeyn xil kas, oo war u heen reerkiisa, nothing is going to change my mind brother so ha isku dhibin. Kuwa hada jooga ayaa ka daray oo ah kuwo iska radiya dhaqanka galada oo been looshin ah. Tani gabdho badan way arkeen wayna isku raceen ee ragow ……………… maxaa talo idiin ah???

Maskiin waad ku mahadsantahy sida aad igu sharaftay mowduuc furitaanka waxaana ka furi qeebta islaamka waxaa layirahdaa Hees & Gabay ma qalbi qabojiso miyaa mise qalbi huriso adigu misaan?????. Markeey dhamaato qofkii haayo mowduuc hasoo daayo waxaan jeclaan lahaa in ay furaan waxaan aheyn maskiin & aniga. Nabadoon adiga meesha waad ku so qariibtee next time maad noo furtid?????

AAdam afkaaga edem u yeel meshaan wax ayaa lakala faaidaysan aflagaado majidho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Barre

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum

To: Nin Quustay

Walaal maxaad ka quusatay, ma naxariista Ilaah?!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUUSTAY

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM DHAMAANTIN
AAD IYO AAD BAAD U MAHADSAN TIHIN OO MOWDUCAAN WAAN KA HELAY RUNTI.
MISKIIN WAAN KU FARAXSANAHAY INAAD GABDHAHA GARTA SIISAY OO WAXAAD NOQOTAY NIN GAR KA BAXDO MICNAHA NIN GAR QAATE AH AYAAD NOQOTAY.
TO.FALIS
WALAALEY RAGGA MA WADA XUMA MANA WADA FICNA SIDOO KALE GABDHAHA MA WADA XUMA MANA WADA FIICNA EE SIDAAS OOLA SOCO,LAAKIN RAGGA 85% WAAN XUN NAHAY WAA RUN.
TO.BARRE
WALAAL WAXAAN KA QUUSTAY QURBO OO WAXAAN DHEX WAREEGAAYAY ILLA 1978 WAXAANA JIRAY 16 SANO ILLA IYO WAQTI XAADIR 1999.SOMALIA WAXAA IIGU DAMBEYSAY 1986 BISHI AGOST AAN FASAX KU TAGAY.
WAXAA IGA HORYIMID GAALADI SIDOO KALE WAXAA IGA HORYIMID SOMAALIDA AAN WAX LA FAHAMSIIN KARIN RUNTI.
ANIGA WAN TUKADAA WAAN SOOMA ALLAHA AQBALO MAR KELIYA AFKEYGA QAMRI AMA XASHIISH MA SAARIN HADDAAD IGA RUMEYSANEYSO TAANA WAXAA MAHAD KU LEH ILLAH IYO DIINTA AAN MAR WALBA KU DHEGGANAA.
MACASALAAMA DHAMAANTIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
To:Maskiin way ku cadaatay ma ohoo?? Kalay adiga bir maatahay, mise wadan gaalo kuma noolid? Hadii aad ku noshahay maxey kaaga qadatay waqti dheer in aad qirsato??? gacan yarahaaga intuu ka baxay ayaan taan (Nabadoon) runtii ayaa u dhalaashay so ma'aha?

To: Adam adiga ma fiyowdahay mise waa laguugu jiraa nin yahow gabadha saas ha ugalin ma istaahishee.

To: falis walaashiis mowducaas qatar qatar dhashay waaye kuley fikradeeda waan dhiibtay ee fiiri.
Shukriya, falis, qanciso, yasmine, ukhtimuslima, biid xaar, nin quustay, maskiin, Nabadoon iyo dhamaan aqyaarta kale mahadsanid mowduuc sida aad u dhorteen oo u wanajiseen.

To: nin quustay walaalow nimcada Alle ha ka quusan, Alle waa kan ku arka oo ku dalacanaya. Sida aad tiri waxaad tahay in qurbaha ku qariibay waana ku faraxsanahay in aadan walaaqanin balada galada, saas ku sii soco Alle ha kuu xojiyo iimaan kaaga.

Nimanka somaliyeed sidii malabooyin shukriya & falis yirahdeen waa xil ma kasayaal oo lagu qasaaray,qarkood xitaa raxmo maleh way ka suurtay sikale kuma kastidee. nin quustay 85% way xun yihiin ayaad tiri 15% lee fican aah waa ka yaryihiin ayaan fili. hadii kuwa fiican yaryihiin oona laqaato gabdha yaa u maqan. in a few years time hadii ay gabdhaha somaliyeed nimankale oo muslimiin ah idinka racaan ha ooyina hadii kaleento isa soo dhaqa.
Wacalaykumu salaam.
Hee ani waan see biibay see ya next time.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar2yellownet.nl

Unrecorded Date
Walaalayaal waad ku mahadsantihiin dadaalka aad u waddaan faafinta diinta, Alla ajir ha idiin ka siyo.

By: C/raxmaan Abuukar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
waa bubaax guurka badani waana ayaad quraana kiibeeniyaa ilaahay buu beeniyey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
SOMALIDO WAXEEY QABTIIN AYAAY WAAYEN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Afarfarood

Unrecorded Date
Alxamdulilaah.
walaalayaal mid baan raacsan lahaa oo ah aayada 3 aad ee suuratul al-nisaa wuxuu alaah sw.uu ka bilaabay MATHNAA WATHALAATHA WARUBAACA marka ninkii ragg oo awoodo inuu guursado ha ka bilaabo labo kadib ha sadaxaysto kadibna ha afaraysto markaa kadib intaasoo xaaladood intuu ku jiro haduu ka baqo inuu cadaalad samaynwaayo oo uu is ogaado inuusan xamili karin ha ku ekaysto FAWAAXIDATAN ileen maanta lama hayo MAA MALAKAT AYMAANAKUM oo micnaheedu yahay ADOON.Hadiise aan qoladan aan la daganahay (ree galbeedka)sidooda hal aan iska ag fadhino oon niraahno ma hadaan tu kale guursan karaa?Ninkii ragoow oo muslim ahoow axkaamta say tahay u raac Gabdhoowna mucaaradnimada daaya oo xukumka alle ku qanca.
Oo hadaad leedihiin sida nimanka gaaladan aan la daganahay maad mid mid noo guursataan kuwii kale yaa u miciin ah? mise noo ogoshihiin inaan saaxiibo kale oo sadexdaad ka carareyseen kabadan toban iyo wax ka badan?Hadalkayga waxaan ku soo gabo gabaynayaa ILAAHAY baa na abuurtay isagaana naga yaqaano sidii aan u noolaan lahayn.
Wasalaamu calaykum.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.