site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GARKA OO LAXIIRAA WAA DENBI WEYN MARNA WAA LAGU GAALOOBAA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): GARKA OO LAXIIRAA WAA DENBI WEYN MARNA WAA LAGU GAALOOBAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum salaan kadib walaalayaal waxaan rabaa inaan idiin faa,iideeeyo intii diinta alaah iga baray,marka waxaan kaa codsan inaad mawduuca wada akhrisid si aad u fahanto,Allaah waanada wanaagsan ha ina ku anfaco aamiin.

Walaal sidaad cinwaanka ku aragto waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo garka.
Marka kowaad in garka ladaayo shaarubtana laxiiro ama lagaabiyo waxay ku timi siiqo amar&nahyiba leh amar ah in garka lala baxo iyo nahyi ah in shaarubta la dheereeyo iyo in mushrikiinta la khilaafo.
NB:Waxaa jirta qaaciido fiqhi ah oo oranaysa asalk amridu waa waajib asalka nahyintuna waa taxriim ama xaaraan.

Hadaba intaa hadaad ogaatay waxaan u daadegaynaa nusuusta arinkaas ku timi.
1-Allaah wuxuuyiri (wixii rasuulku idiinla yimaado qaata wuxuu idanka reebana kahara,Al-xashar).
2-Allaah wuxuu yiri aayadkale(haka digtoonaadeen dadaka khilaafaya amarka nebiga inay aseebto oo haleesho fitno,Al-nuur) fitnaduna waa shirki iyo gaalnimo yacni khatar ayaad u tahay inaad gaaloowdo hadaad khilaafto nebiga adigoo u kasaaya.

Dhinaca sunada waxaa ku soo arooray mawduucaas axaadiith aad ufara badan marka qayb ayaan kasoo qaadanaynaa.

A-C/laahi ibnu cumar isaga iyo aabihii allah haka raali noqdee wuxuu yiri Nebigu(csw) wuxuu yiri:(khilaafa mushrikiinta garka labaxa shaarubtana gaabiya)Bukh&Musl.
B-Abii hurayra waxaa laga wariyay alaah haka raali noqdee in nebigu(csw)yiri:(ahlulkitaabku shaarubtay labaxaan garkana way xiiraan khilaafa garka daaya shaarubtana xiira).Bazaar (xasan).

C-Waxaa jira xadiith saxiix ah oo muslim soo saaray abii hurayrana weriyaya Nebigu(csw) wuxuu yiri(diinta ama fidrada waxaa ka mida shaarubta oo la gaabsho garka oo la daayo.marka waxaad halkaa ka garanaysaa inay diinta ka mid yihiin.
D-Ibnu cumar waxaa laga wariyay allah isaga iyo aabihiiba haka raali noqdee wuxuu yiri(waxaa nala amray inaan shaarubta xiirno garkana la baxno),hadaba waxaan garanaynaa hadii sxaabigu yiraahdo waxaa nala amray inaan sidaa yeelno ogow waxaa amray waa nebiga eh(csw) sidoo kale hadii uuyiraahdo waxaa sunada kamida iyaduna waa lamid oo waxay ku tusaysaa rafci loo korqaadayo nebiga(csw) sidaasna waxaad ka heli kartaa ALFIYATULCIRAAQI.

Walaalkayoow waxaad ogaataa garka oo laal baxaa diinteena ayay ka mid tahay,ibnu abii shaybah wuxuu soosaaray xadiith saxiix (Nebiga(csw) ayaa nin majuusi ah uyimi(majuus waxaa ladhahaa dadka dabka caabuda waana diin baadil ah)ninkaas oo shaarbihii la baxay garkiina xiirtay markaas ayaa nebigu kuy yiri sidani maxay tahay sidani waa diintayada ayuu ku jawaabay inaan garka xiirano shaarubtana fiiqano,Markaas ayaa Nebigu(csw) ku yiri laakiin anga diintaydu waa inaan garka dayno shaarubtana gaabino).

F-Nebigeeni wuxuu ahaa mid gar wayn inagana allaah wuxuu ina amray inaan ku dayano nebiga (csw),Jaabir ibnu C7laahi allaah isaga iyo aabihiiba haka raali noqdee wuxuu yiri Nebigu wuxuu ahaa mid timaha garkissu badan yihiin,saxiix al-muslim.

Ibnu taymiya wuxuu yiri garka oo laxiiraa waa xaaraam.
Alqurdubi wuxuu yiri mabanaana in garka laxiiro ama la rifo ama lajaro.
Ibnu xazmina wuxuu yiri waxaa ijmaac lagu yahay in shaarubta la gaabiyo garkana la siidaayo inay faral tahay.

Hadaba walaal intaasi waa qayb ka mida nusuusta ku soo aroortay hadaan soo koobo waa sidan
acfu laxyah
awfu laxya
arkhu laxya
arju laxya
wafirulaxya kuligeedna waa siku macno waxayna leedahay garka daaya ,hadaba waxaa layaab leh in nebiga oo sidaa u amray inaan khilaafno oon shaarubtii utagnay oo aan dheeraynay garkiina mida kala daalnay,amarku wuxuu ahaa inaan shaarubta xiirno markaas daynay garkana bixino markaasaan xiirna arinkuuba caksi ayuu noqday ilaahoow qalbi indhala ayaan kaa magan galnay iyo mugdiga dunuubta iyo hoog aduun iyo cadaab aakhiro aamiin.

Gebagebadii waax leeyahay qofka intaas oo nusuus ah arkay oo garanaya oo dad ahlu cilmi ah lanool oo aan mu,awil ahayn oo ahadana garkiisa ula kaca u xiira isagoo banysatay oo arkay inuu u banaan yahay laashaka inuu gaal yahay aniguna sidaas ma oran ee waxaa yiri sh.ibnu baaz calayhi raxmatulaahi.
walaal kayoow garku waa shraftii raga waa quruxdoodi oo allah ku manaysatay marka haad aragatay inay waajibtahay maanta ka dib ha u dhowaan hadii kale kolba anigu xujada kugu oogay
macdiratan ilalaah.
Wsalaamu calayku

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
WALAAL JASAAKA LAAHU-KHAYRA. SIDA AAD MOWDUUCA U FAAHFAAHISAY.RUN AHAANTII INAAN FURO AYAAN DAMCAY,BALSE XOOGA BAN U KAADIYAY, ADIGAASE FURAY,WAXAAN RAJAYNAYAA IN SIDAAD UGA HADASHAY LOOGU QANCI DOONO.
WAXAANSE LA YAABAY DADKU MAANTA IYAGOO ISLAAM SHEEGANAYA SIDAY NABIGOODII( SCW)QURUXDA BADNAA U RAACI WAAYEEN OO SHAYDAAN U RAACEEN.
TUSAALE AHAAN SHAYDAAN YAR OO KUWA HEESA AH BAA GARKA TEED YAR KA DHIGAY OO DIILIN KALIYA AH, MARKAASAN ARKAY RAG XATAA WAAWEYN MUUQAALKOODA OO SIDIISO KALE TEED UGA DHIGAY MARKAA GARKA OO DHAN MA AY DIIDANEE KII RASUULKA (SCW) BAY DIIDAN YAHIIN INAA-LILAAHI WA INAA-ILAYHI RAAJACUUN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaab

Unrecorded Date
Salaama caleykum!

Ma ihi dadka jecel in dadka lala doodo,
hadana waxa yaab ila noqotay, innaanan
waligey ka maqlin wadaadada in diinta lagaga baxo
GARKA OO LAXIIRO.

Su`aashu waxay tahay, maxay dadkeena diinta yaqaano
ay ugu dari waayeen GAR XIIRKA markii ay ka hadlaayaan sababaha diinta looga baxo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum walaal runtii hadii qofku ku jees jeso shey diinta ka mida khatar ayaad ku sugantahay taasna aayada suuratul tooba ayaa sheegtay garkuna sida mowduuca ku cad waa waajib,marka haduu qofku diido oo yiraahdo aniga waa ii banaantahay markaas weeye markuu khtarta galayaa,culimadeenuna wey kahadleen oo hadii qofku shey xaaraaam ah istixlaal ku sameeyo ayay shardi uga dhigaan.
markaa walaal arinlkaas waxaad ka heli kartaa kitaabkuu qoray ibnu baaz calayhi raxmatulaahi oo aliyiraahdo(GARKA OO LALA BAXAA WAA WAAJIB).

WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
Asalamu alaykum
to: Akhii Ismaiil
mawduuca meesha aad kaga hadayshay waxaan u kala sari karnaa labo.
1. waan kugu raacsanahay dallilkaa aad u keentay labaxida garka in garka ladayo rasuulka lagu daydo nasaarada la khilaafo laakiin
2. waxaad kudhacday jahli aad uwayn oo ah inaad gaalaysiisay qofkii aan garka labixin waxaad khilaafday manhajii ahlasuna wal jamaaca oo waxaad ku ta asurtay khawaarijtii
waxaad ogataa in uu yiri imaamu daxaawi fii kitaabihi(caqiidata daxaawiya; lla nukafiru axad min haadihi qiblah yacni(muslim) 'danbi' maa lamyastaxil marka hadaba waxaad jahli kanoqotay in qofka muslimkaa ee garka xiira inuu faasiq yahay faaquna ahla sunuhu magaalaysiiyaan hadaba waxaan kaarajaynayaa ilaahay dartiis baan kuu jeclahy saad xaqa udaafacdid inaad usoo laabatid manhajka saxadaa ee salafka ee cadalada iyo wasadiyada ku dhisan
wabillahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum walaal aadam dhibtaadu waa deg-deg waxaan filayaa cinwaanka unbaad akhriday walaal isdaji adiguba waad igu waa faqsantahay oo waxaad tiri daxaawi wuxuu yiri hadaanuu xalaalaysan marka hadaad igu raacsabntahay inuu waajib yahay asaan xalaalaysto maxaan ahay.

fatwada waxaa bixiyaya sh.ibnu baaz maxaad isga ka leedahay(kitaabkiisa wujuub icfaa,u laxyi)ka akhri.

aniguna khaariji ma ahi dadkana dunuubta kuma gaalaysiiyo bal waan ka digaa,qofkii xiira oo aaminsan inuu waajibyahay laakiin shayydaan baa iga adkaaday leh waa faasiq laakiin kan dhahaya iguma waajibto oo waa ii banaaantahay kaasi qatar ayuu kuy suganyahay.


wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anwar

Unrecorded Date
Salaam

Waxaa yaab leh in maanta dadka lagu gaalaysiyo gar laxiiro iyadoo ayan jirin daliilo cadaynaya danbi karatibma xiirida garka. Hadaba dadka isku tilmaama culimada ee shacabka ku mashquuliya wax aan qiimo mudnayn, kajoojiya ayaan idin dhihi lahaa oo kahadla wax badan oo umada faa'iido uleh. Xagga waxbarashada, caafimaadka ,dhaqaalaha, barbaarinta qoyska iyo akhlaaq kudhaqanka wanaagsan.

Waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAWKE

Unrecorded Date
WAXAAN AAD UGA HELAY AMA AAN ULA DHACAY SIDA WANAAGSAN EE WAX LAYSU FARAAYO WAXNA LAYSU WAYDINAYO,MARKA HADALKA BADINMAYE WAA WAX WAAJIBA INAAN DINTA UGU DHAQANO SIDII NALOO FARAY,HADII KALE OO AAN LOO RAACIN DINTA SIDII NALOO FARAY WAXAA LAGU SUGAN YAHAY HALAAG IYO GUDCUR MADOOW,WAAD MAHADSANTIHIIN.
WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DIGNNIIN

Unrecorded Date
wASALAAMUCALEYKUM WARAHMA WA BARAKA
WAXAA LA YAABLEH IYADOO MAANTA XAALADDA MUSLIMIINTU AY KU SUGANTAHAY TIRTIRID IN LA ISKU MASHQUULIYO ARIMO AAN U BAAHNEYN IN LA ISKU MASHQUULIYO OO MUSLIMIINTA HALKII CADOWGOODA LA TUSI LAHAA LAGAGA MASHQUULIYO IYAGU INEY IS FIIRSADAAN. TUSAALE AHAAN: KOLKAAN MUSLIMIINTA QAYBQAYBIYO OO YIDHAA WALLAAHI KANI WAA SUNNI HAA GADHKII BUU LEEYAHAY SURWAALKIINA BOQONTII BUU JOOJIYEY! WALLAAHI KAN KALENA WAA BIDCOOLE GADHXIIR!! MUSBIL SURWAALKIINA WAA DHEERYAHAY!!FAASIQ BAL SE KAAFIR HADII UU XALAALEYSTEY!!!. FAMAA BAQIYA LILISLAAMI WALMUSLIMIIN? BILLAHI CALEYKUM?!!! wAXAA LOO BAAHAN YAHAY MUSLIMIIINTU INAY IS HEYSTAAN WAQTIGAN XAADIRKA AH EEY DAD FARABADAN OO MUSLIMIINTA KA MID AHI KU DHOW YIHIIN IN LAGA TIRTIRO CAALAMK.FIIRI cHECHAN, SOMALIA,AFGANISTAN, CIRAAQ, BURMA ,FILIPIIN IYO.... NIMANKII AAN LAHAA ISLAMKEY WAX U BARANA IYAGII BAA KALA DHAMAAN LA KOL AY ISGAALEYSIIYAAN KOL AY IS BIDCEYSIYAAN KOL AY IS FAASIQIYAAN. wALLAHI WAXAAN HUBAA INTA AY SHABAABKA ISLAAMKU CAYNKAAAS YIHIIN LAA TAQUUMU LAHUM QAAIMA!!! WAX INOO HAGAAGAYAA INAANEY JIRIN.
(MUSLIMIINTU WAA MID WAHUM YADUN CALAAMAN SIWAAHUM. WASCAA FIIDIMMATIHIM ADNAAHUM)AMA SIDUU NABIGEENNII SUUBANNE SCWASALAME YIDHI. MUSLIMIINTU WAXAA LA RABAA KOLKA AY MEESHAAN OO KALE WWW. SOO BOQDAAN INAY ISLAAMKA SAWIR FIICAN KA BIXIYAAN. AMAA INAY GOOGAALEYSTAAN ISU TIRIYAAN IS FAASEQEEYAAN WAXAA ISLAAMIYIINTA LOOGA FADHIYEY MA AY AHEY. wAXAAN LEEYAHAY HA U FAHMINA XARAKAD MID KAA HORJOOGSANEYSAA INAAD WALAAL LA NOQOTO WALAAKAAGA KALE EE AAN KULA XARAKO AHEYN. WAXAAN AAD UGA DIGAYAA (ALWALAA WAL BARAA CALAA ASAASIL XARAKAA)TAAS OO MACNAHEEDU YAHEY INAAD WALAAL LA NOQOTO CIDDI KULA XARAKO AH DADKII ISLAAMKII WAASACA AHAAN AANAD CID KU WALAALAYSAN. TAKALE MAANTA MA JOOGNO XILLI AAN GADH KU WAREEGAALEYSANNO ADIGOO WADANKAAGI DHAMAA QAXOOTI KA TAAGAN ISKA BA DHAAF MUSLIM KALE. WAXAA KALE OO TILMAAMAYAA INAAN DHALINYARADA LAGU MASHQUULIN MASALOOYIN KHILAAFIYA OO CAQIIMA OO MADHALEYSAA SURWAALKA HALAGAABIYO IYO HALA DHEEREEYO WAXAANAN ARKAA IN CAWOWGA DIINTEENU INAGU MASHQUULIYEY INAGU INAAN ISKU MASHQUULLO OYNAA MADAX KOR U QAADIN. ILOWNANA DANAHEENA. WAXBA KUMA AY JABNAATEEN IN NINKII QABA IN SURWAALKAOO LA DHEEREEYA DANBI TAHEY INU SI WALAALTINIMO KU DHEEHANTAHEY UU KAKALE UGU SHEEGO ISAGOO AAN CIDNA BIDCAYSIIN CIDNA GAALEYSIIN, KAKALEN SI WALAALTINIMO KU DHEEHANTAHEY UU KA QANCIYO OO UU YIDHAAHDO ANIGU WAXAAN ARKAA IN KHUYALAA LOOLA JEEDO WACIIDKA DARAN SIDII ABIIBAKAR OO KALE. KOLKAAS HADII AY ISKU QANCI WAAYAAN AY SI WALAALTINIMO KU JIRTO KU KALA TAGAAN. kHILAAF FARCIYA WEEYE OO DHIB MA LAHA.SIDII MADAAHIBTU ISU KHILAAFEEN OO KALE AMAA INAYN IS NAQDINNO WAA WIXII WADDANKEENU KU BURBUREY.
WaXAAN KU SOO GABAGABEYNAYAA HALA KALAFAAIIDAYTO SI WALAATINIMO KU JIRTANA HALA ISUG CAQLI CELIYO.
TAQWADA IYO MIDNIMADA HA LA ISU DARDAARMO HADII TAA LA WAAYO TAKUN FITNATUN FILARD WAFASAADUN KABIIR. WASAALAMUCALEYKU WARAHMA TULLAHI WABARAKATUHU,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Unrecorded Date
To ismacill
Asaalmucalaykum waramatulaahi wabarkatu
Walaal waxaan ku waydiiyay asalka mas,aladu ma khilaafi baa mise waa la isku raacsan yahay ?

Haddii la isku raacsan yahay waa ok laakiin haddii aan la isku raacsanayn la kaalay wax la isku raacsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waaqici..

Unrecorded Date
To: Ismaaciil...
Akhii, slmu alykum.......
Mawduuca aad ithaareysay ma aha mid valid ah marka la fiiriyo waaqica aan ku nool nahay iyo bukaanka bulshadeenu waxa ay u baahan yihiin.. Waayaha iyo Waqtiga adduunkaba waad ka dambeeysaa e noqo akh waaqici ah... Nin baa axaadiistiisa waxaa lagu daciifiyay keliya inuunan la socon wixii ka dhacayay sabadii uu ku noolaa.. Waxaa jira 'awlawiyaad' sunno, waajib, makruuh iyo marxalado kala sareeya oo diinteennu rabigeen u kala sameeyay.. Haddii aad tahay qof rabigeey diintiisa u iftiimiyay uga hadal shacabka baahida ay maanta qabaan.....
Jazaakallahu qeyran.......... slmu alykum...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Unrecorded Date
war diinta ma adinkaa daka soogaliyey marka hore oo markaad rabtaana ka saaraya mise diintiibaa sidan idinka noqotay war ilaahey ka cabsada oo idinku diinta haka bixina illeyn markaad dadka wada saartaan idinkaa is cuni doonee . Waa sidee nimanku siday wax u wadaan waar sidaas ku biximeynee wax iskula hadha

ilaahey ha inawada hanuuniyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luqmaan

Unrecorded Date
ASSALAAMA CALAYKUM HORTA MAXAA IYADOO DIINTA WAXAY SHEEGTAY OO WANAAG AMA/ XUN OO AY SHEEG TAY IYADOO LAYAQAAN LOOGU MURMAA? DIINTA WAXAY KA KOOBANTAA QURANKA&SUNAHA.MARKA WALAALAYAALOW AAN DIINTA WANAAGEEDANA KUDHAQAMNO WIIXII XUN OO AY SHEEGTAYNA KATAGNO MUXUU YAHAY MURANKU.?GARKU WAXUU KAMIDYAHAY DIINTA ISLAAMKA AAN DAYSANO(labaxno)..AAN ILAAHAY KABAQNO OO INAGAA DIINTA NAQAAN YEYNAAN ISKU XUJAYNIN.OO INAGOO NAQAANA YEYNAAN ORAN HEBEL BAA SAANSAMEEYA ANIGUNA SAANAAN SAMAYNAYAA. WARYEYNAAN DIINTA FUDAYSAN DADKA ORANAYA GARKU WAXBA MAAHEE YAA LAGA HADLIN WAA KHALDANYIHIIN.WAR ILAAHAY AANKA BAQNO.OO DIINTA YAANLAGU JEESJEESIN(LAgu ciyaarin) contneos(waa socotaa wali)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luqmaan

Unrecorded Date
war aan wuxuu nabigu samayn jiray samayno sida dharkuu xiranjiray garkuu daysanjiray/shaaribuhuu iska xiiri jiray salaaduu badsanjiray iyo wiixii wanaag ahaa oo uu samaynjiray. qofkastaa wixii wanaagsan &/wiixii xun waa kala yaqaanaa. aynu raacno nabigeenii(sallalaahucalayhiwassalam)dabeecadiisii dhaqankiisii wanaagsanaa.aangarka daysano.yaa nabigeenii(s.C.wslam)kadhaqanwanaagsan?mahaysaa qofka dhaqan wanaagsan.jawaabtu waa maya.aynu raacno marka isaga.inigu naftayda&idinkaba waxaan lajeclahay diinta.mida kale waxaad aragtay xadiis daciif ah xadiiskaasu wuxuu kahadlayaa wanaa ama xumaan.wanaagii kaqaado xumaantiina kahar waxba haku murmin xumaantii uu kahadlayeyna kahar.war aan ilaahay usoo noqono oo aan diinta sifiican usoo wadagalno(yaa ayuhalladiina aamanuu udkhiluu fissilmi kaafah walaa tattabicuu khudwaatishshaydaan)diinta sifiican haloo soo wada galo. read next

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LUQMAAN

Unrecorded Date
...(alladiina jacalul quraana cidiin.fawa warabika lanas alanahum ajmaciin.cammaa kaanuu yafcaluun.)waxaaweeye.eekAyeelay quraanka qaybo.-macnaha way kalaqaybaybiyeen oo intay wax iskukhilaafeen beey kukala tageen_aayadkale waxayleedahay(kuLLIXISBIN BIMMAA LADAYHIM FARIXUUN)QOLOKASTA WAXAY KU FARAXSANTAHAY OOLATOOSAN WAXAY SAMAYSATAY OO AGTEEDA YAAL.92.EeBAHAA BAANKU DHAARTAYE WAAN WARSANAYNAA DHAMAANTOOD.93.WAXAYSAMAYNAYEEN)S.XIJIR.91.92.93.)WAXAA WEEYE DIINTA WIIXII WANAAG AH OO AY SHEEGTAY AAN KAQAADANO WIXII XUN OO AY NAGA REEBTAYNA AAN KAHARNO(AAN KUDHAQAMNO) MARKA WALAAHAY(GABDHO&WIILALBA DUMAR&RAGBA(nimanba)KUWA yaryar IYO KUWAWAAWAYNBA. WAXAANKU WAANINAYAA BARASHADA DIINTA ILAAHAY IYO KUDHAQMIDEEDA.WALAALAYAAL DADAALA OO AAKHIRO USHAQAYSTA OO ILAAHAY AAN KABAQNO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LUQMAAN

Unrecorded Date
AAN HAL UMAD NOQONO AAN CARUURTEENA DIINTA BARNO AAN DALKEENII WAX UQABANO /HAGAAJINO AAN SALAADA TUKANO SOONKA GUDANO XAJKA AADNO/QOFKII AWOODA AAN SHAQO XALAAL AH SHAQAYSANO OO MARKAAS ZAKADA LABAXNO AAN ILAAHAY&RUSUSIISA/ANBIYADIISAWADA RUMAYNO.TUSAALE.NUUX.IBRAAHIIM.YUUNIS.SHUCAYB.MUUSE.CIISE.MAXAMAD.SULAYMAAN&AABIHIIS.IYO KUWAKALE.] KUTUBTIISA(KITAABKII NABI NUUX LAGU SOO DAJIYAY&IBRAAHIM &MUUSE<TAWREED]&DAA'UUD<SABUUR]&CIISE<INJIIL]IYO MUXAMADCALAYHIMASSALAAM)MALAA IGTIISA SHARKA IYO KHAYRKA<DHIBAATADA/WANAGA INUU ILAAHAYKUUKEENO INAADRUMAYSID)QIYAAMADA<NOLOSHA DAMBE INAADRUMAYSID] DIINTOODHANRUMAYSID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LUQMAAN

Unrecorded Date
ALLAAHUMA ANSURUL MUSLIMIINA WALMUSLIMAAT WA AHLIK MUSHRIKIINA WALL MUSHRIKAAT ALAAHUMA AQFIRLANAA DUNUUBANAA ALLAHUMA ANTA WALIYUNAA FANSURNAA MAN DALAMANAA ALAAHUMA AJCAL ALMUSLIMIINA UMATAN WAA XIDAN LIKALIMAATIK.ILaahaw WAANKUBARYAYNAAYE NOO GARGAAR OONOO NAXARIISO ADAA NAXARIIS BADANEE ILAAHAW MUSLIMIINYTA MEELAYJOOGAANBA U GARGAAR ILAAHAW MUJAAHIDIINTA JEEJNIYA KADAGAALAMAYA UGARGAAR ILAAHAW MUSLIMIINTA LAGAGARDARAYSTAY OOLADHIBAY EE CHINA PHILIPENE INDONESIA INDIA ITHOOPIA ERETRIA EGYBT AMERICA INGRIISKA FRANSIISKA SOMALIA LEBENON BURMA BOSNIA KOSAVO IYO MASAAJIDKA BARAKAYSAN EE QUDUS IYO MEELKASTA OO MUSLIMIINTA LAGU DHIBO OODHAN ILAAHAW MUSLIMIIN KUWO DIINTOODA USOO NOQDA KADHIG OO GAALADA KAHARA ILAAHOW KHAYRBAANKAA BARINAY AAMIIN AAMIIN YOUR BROTHER IN ISLAAM LUQMAAN NEW USER ON JAN.26.2000..//SHA.19.1420.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Macalinka

Unrecorded Date
To Ismaaciil: Ma noo sheegi kartaa aayada oranaysa qofkii gar xiiraa wuu gaaloobayaa? hadaadan hayn aayad manoo sheegi kartaa xadiith saxiix ah oo oranaya qofkii garka xiiraa wuu gaaloobayaa?

Intaas hadaan laga helin beenlow ayaa tahaye dadka beenta ka daa. Barina waxaan kaa sugaynaa qofkii aan salaada sunada tukan wuu gaaloobayaa!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.