site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DIINTA ISLAAMKU maxay ka qabtaa Qabyaaladda, Firqooyinka iyo Sinaanta Ragga Iyo Dumarka?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): DIINTA ISLAAMKU maxay ka qabtaa Qabyaaladda, Firqooyinka iyo Sinaanta Ragga Iyo Dumarka?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Ilaahayga Boqorka ah Bisinkiisaan Ku Bilaabay Isaaganna Ka Magan Galay Shaydaanka La Fogooyay iyo Xumaanta Naftayda.

Waxaa balan qaaday in aan isku deyi doono inta Ilaahay ii sahlo in aan ka faaloodo dood in badan lumisay oo ku saabsan:

Qabiil iyo Qabyaalad
Wadaado iyo Firqooyin
Sinaanta Ragga iyo Dumarka
Xukun iyo Habka (Dastuurka) Xukunka

Waxaan isku deyay in aan hor dhac kooban ka dhigto sida aan u argo in ay u kala duwan yihiin Waxa Ilaahay Noogu Sharciyeeyay Diinta Islaamka iyo sida dadka Muslimiinta ihi ugu dhaqamaan ama ayna ugu dhaqmin Diinta Ilaahay. Hadaba halkan ku celi mayo taa.

Qur'aanku ma ka hadlay dhawrka qodob ee aan kor ku qoray? Hadduu ka hadlayse muxuu ka yiri?

Aayadda saddex iyo tobnaad (13) ee Suuradda Afartan iyo Sagaalaad (49) Al-Xujuraat (Soomaaliduna u taqaan Laa-Tu-Qaddim) wuxuu Ilaahay Noogu Sheegayaa waxa aynu nahay:

* Dadow Waxaan Idinka Abuurnay LAB iyo DHEDDIG

* Waxaan Idinka Yeelnay Shucuub (dawlado, Umado, dadyow "nations") iyo Qabiilooyin

* Si aad isu garataan

* Ilaahay Agtiisa Waxaa Idiinku Darajo (Qiimo, Karaamo Roon) Weyn Kiina Ugu Alla Cabsi Badan

* Ilaahayna Wax Walba Wuu Og Yahay.

Sidaan aragtaan Ayaadda waxaan u qaybiyay afar qaybood (*) si ay u fududaato macnaheedu.

Dad badan baa waxay ku doodaan ama ay la soo boodaan in "Qabiilku" yahay wax xaq ah oo jira iyagoo aayaddan daliil ka dhiganaya.

Qaar kale waxay mar walba tartansiiyaan Ragga iyo Dumarka. Sinaan bay raadiyaan. Waxay mar walba doodu u badan tahay in Diinta Islaamku xaqirto dumarka ama in dumarku ayna la sinnayn ragga.

In badan baa ku doodda aynu isku xukunno Kitaabta Ilaahay. Yaa wax xukumi? Sidee lagu dooran? Kitaabka Ilaahay aan isku xukunnee yaa fulin aqoonse ma u leenahay?

Firqooyin faro badan ayaa soo foocay. Haddii aadan iyaga raacsanayn qaar baa ku gaalayn hadaynan lafahaaga kuu dilin.

Aayaddu waxay ku bilaabataa "DADOW." Ilaahay wuxuu u yeeray "dad" oo dhan. Mu'miniin, Muslimiin, Kufaar, Mushrikiin iyo Munaafiqiin RAG iyo DUMAR ba.

Haye Ilaahayow maxay yihiin dad? Ilaahay Wuxuu Noo Sheegayaa In Uu Isagu Abuuray dadka. Ilaahayow Maxaad Ka Abuurtay dad? LAB iyo DHEDDIG.

Ka dibna Ilaahayow maxay noqdeen dadku? Shucuub iyo Qabiilooyin. Shucuub macnaheeda culumada qaarbaa ku sheega in ay yihiin dadka waxaan carab ahayn, Qabiilooyinkuna yihiin carabta. Hase yeeshee Shucuub waa bulshooyin isku jira, Qabiilna waa mid gooni ah.

Qoraal gooni ah ayaan uga hadli doonaa Qabiilka Haddii Ilaahay Idmo.

Oo Ilaahay maxaad sidaa u yeeshay? Maxaad nooga yeeshay Shucuub iyo Qabaa'il?

Si aad isu garataan!

Culumadu waxay yiraahdaan markii Ilaahay xubnaha jirka abuuray ayuu mid walba wax u yeelay. Ilmo Galeenka, Minka ama Riximka qofba siduu u yaqaan ayaa waxaa la yiri Kursiga Ilaahay Qabsatay oo tiri: "Ilaahayow waan jilicsanahay ee maxaad ii yeeshay?" Ilaahay Wuxuu Ugu Jawaabay baa la yiri: "Waxaad tahay RIXIM Aniguna Waxaan Ahay Raxmaan, Magacayga Ayaad Sidataa Ciddii Ku Goysa Aniga I Goysa, Ciddii Ku Xiriirisana Anigay I Xiriirisay."

Sidaa darteed ayay tahay in aan barano oo aan ogaanno ehelkeen, qaraabadeen iyo xididkeena. Waa in aad taqaan cidda kugu leh xaqa si aad waajibkaaga u gudato.

Ogaanshuhu ma aha in aad ku xaq gudubto dad kale marka qof dhawaaqo "YAA TOL AHAY" ee waa in aad ku dharto RIXIMKA ehel, qaraabo iyo xidid intaba.

Qodobka kale oo aan si qoto dheer uga hadli doono Haddii Ilaahay Idmo waa "Ilaahay Agtiisa Waxaa Idiinku Darajo Weyn Kiina Ugu Alla Cabsi Badan."

Sida idiin muuqata Ilaahay uma kala saarin Rag iyo Dumar, Cadaan iyo Madow, Faqiir iyo Taajir, Gaabni iyo Dherer, Balaar iyo Dhuubnaan, Yar iyo Weyn, Caalim iyo Caamo ee WAA QOF WALBA IYO DHAWRSANAANTIISA UU QALBIGIISA KU DHAWRAYO ILAAHAY.

Nebigeenii Suubanaa Calayhi Salaam wuxuu noo sheegay in TAQWADU ama Alla ka cabsigu yahay "Laabta ama Qalbiga" Ilaahayna Wuxuu Noo Sheegay In Wanaaggu Uusan Ahayn in Bari Ama Galbeed Loo jees jeesto oo Keliya ee uu yahay HAWL la qabto.

Waxaan Haddii Ilaahay Idmo mid mid uga hadli doonaa Afarta qodob ee aan kor ku qoray anigoo daliilsanaya Aayaddan iyo kuwo kale oo faro badan.

Waxa la isku yiraahdo waxaa ugu wanaagsan "Ilaahay Ka Baq."

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Unrecorded Date
Waa idin salaamay....
Aniga, qof ahaan waxaan door bidaayaa in aan hadda ururka NSYL xubnihiisa, dhex-galin dood ku saabsan
arimaha ISLAM-ka, oo soddon firqooyin u kala qeybsan.

Diinta Islaamka, maxeey ka qabtaa arimahaan hoos ku qoron hadaan niraahno.

Qabiil iyo Qabyaalad
Wadaado iyo Firqooyin
Sinaanta Ragga iyo Dumarka
Xukun iyo Habka (Dastuurka) Xukunka

Waxaan u arkaa hadii leys weeydiiyo arimahaan lagu saleeynaayo diinta Islamka, in ururka NSYL xubnihiisa boqol fikradood ey ka soo bixi karto oo iska wada horimaan karto. Maxaa yeelay Soomaalidda ama aduunka Muslimiinta ayaa boqol firqo kala heysta, kuligoodna waxeey ku doodaayaan FASIRAADEEYDA kutubka Qur'aanka ayaa SAX.
Tusaale ahaan:
-Tabliikh;
-Tak-fiiro wal-hijra;
-Salafi ama Wahaabiye;
Saddex daan firqo, kooxo Soomaaliyeed ayaa kala haysta, su'aalahaan inta ku qoranna hadii la weydiiyo, in ey ka jawaab bixiyaan daaye hadeey nafta kaw iskaga siin ayaa war ka jiraa, hadey u suurto gal tahay meesha la joogo.

Qabiil iyo Qabyaalad
Wadaado iyo Firqooyin
Sinaanta Ragga iyo Dumarka
Xukun iyo Habka (Dastuurka) Xukunka

Diinta Islaamka waa diin sharaf iyo wanaaga bani'aadamka wax weyn u faa'ideeyneeysa,su'aasha waxeey tahayse kooxdii wadada SAXDA ah u fasireeysa.
Dhowr maalmood ka hor, waxaa degmooyin Soomaaliyeed ka dhacay in firqooyinka ey isku baabi'yeen laba saf.
Koox leh waa Mowliidkii Nabiga iyo kuwo leh waa gaalanimo Mowliidka Nabiga.(sababta oo ah waxaa laga dhaxley Faadhimiyiintii)
Sidaas darteed ayaan xubnaha NSYL hadaan dhex-gelno fasiraadda diineed ee ku saabsan arimahaas kor ku qoran, ayaan waxaan ka baqanaayaa in aan ku kala jabi karno si deg deg ah.
Diintana fasiraadeeda waxaan u kala heysanaa, BAADHINIYA IYO THAAHIRIYA, ee yaan ku kala tegin.
ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXOOW

Unrecorded Date
TO:NSYL XUBNIHIISA

Walaayaal illaa iyo hadda WALAALKIIN waxuu ka hadlay waa qodobo ururka uu raadinayo daawadood sida.
Qabiil iyo Qabyaalad
Sinaanta ragga iyo Dumarka
Xukun iyo Habka(Dastuurka)Xukunka

Walaalayaal waxay aniga ila tahay in la abuurin arin meesha aan ku jirin ama aan lagu soo darinba.

Runtii haddii aan rabono(we can create contraversial) laakiin waa in aan iska dhowrno

Walaayal ma idinla tahay WALAALKIIN haddii uusan ku saleeyneen qoraalkiisa waxaa uu ururka ka qabo inuu soo qori lahaay.

Walaayaal aniga waxaa ay ila tahay inta aana aadin FARIIQOOYINKAAN Badgal uu soo qorey in aan dhex ka soo noqono oo WALAAKIIN qodobada uu ka hadlay aan darasnaa ka dineh ogaanaa dulucdooda.

FII AMAANI LAAH......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonx

Unrecorded Date
Salaama Caleekum dhamaan Xubnaha:

Diinta haddii siday ahayd loogu dhaqmayo dhamaan xuduudyada adduunka ka yaal waa "void" sidaa daraadeed ummadda Islaamku waa hal mana kala laha waddamo iyo xuduudyo waana in islaamku leeyahay hal meel oo laga xukumo. Taasi waa haddii diinta siday tahay loo qaadanayo.

Laakiin haddii aan adduunkan aan ku noolnahay wax ku darsanayno waxaan u baahanahay inaan u dhaqano sida adduunka looga dhaqmo. Kama wado diinta halaga tago laakiin waa inaan degsano system diintana ana meel uga dhacayn dadka hadda joogana ay ku dhaqmi karaan.

Waa sida kor loogu sheegay oo jawaabaha diinta hadba waxay ku xirantahay shiikha aad weydiiso. Tusaale ahaan magaalada Tor0onto wadaadada Soomaalida ah waxay xaarimtimeeyeen gadashada guryaha iyo gaadiidka deynta lagu qaato, isla markaana culumada kasoo jeeda India iyo Pakistan waxay degenyihiin guryo ay deyn ku qaateen.

Anigu waxaan qabaa in waddanka lagu xukumo waxay isku raacaan dadka degan ama bulshada waddanka.

Tan kale meeshani maadaama ay private tahay oo dhowr qof kaliya jawaab ka bixin karaan waxa lagu soo qoro soo kama wanaagsanaan leheen in arintan laga wada hadlo ayadoo la isticmaalayo dhinaca Islam-ka oo qof walba u furan.


AnonX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Unrecorded Date
Waa idin salaamay...
Axoow
Hadii aad ku raacsantahay mowduuca Walaalkiin, with all due respect aniga waxaan ku raacsanahay AnonX, in la geeyo meelaha kale ee SomaliNet ee markaas aan NSYL xubnahooda ey khuseeynin.
Si kastaba ha ahaatee hadda iyo dan, COD-QAAD aan u sameeyno inta aan mowduuc aan laysla ogeeyn sii wadi laheeyn.

Xubnaha NSYL

Waxaan codsanaayaa inta aan arimahaan la dhex-galin in aan cod u qaadno.
Home-page ka private ka noo ah ee NSYL, mowduucaan in laga wareejiyo, iyo in loo daayo ???
ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum.
Waxaan halkaan ugu mahadcelinyaa Walaalkiin sida sharafta leh ee uu xilka isaga saarey in uu noqdo mid ka jawaaba su'aalaha ay li yimaadeen dad badan oo jececl iney wax ka ogaadaan NSYL.

Xubnaha ururku hadii aan fikradeyda ka dhiibto qoraalada uu soo qorey Walaalkeen waa kuwo wax ku'ool ah, oo aan arko ineysan keeni karin is-khilaaf ka dhexdhaca xubnaha ururka NSYL.

Waxaa kale oo jirta in diintu ay tahay qeyb ka mid ah nolosha iyo hab dhaqanka mujtamaca soomaaliyeed. hadii uu mujtamacu ka tago ku dhaqanka diinta, waxaa yimaada oo bedela caadooyin xun sida khuraafaadka kuwaasoo saameyn aad u foolxun ugeysan kara nolosha bulsho ee siyaasadeed, mid dhaqaaleeed iyo mid diinba.

Aniga oo daliil uraadinya fikradeyda bal aan dib ugu noqdo taariikhda hab maamuleedkii sodonkii sano ee la soo dhaafey ka jirey soomaaliya.

1 Qofkii ka yimid sucuudiga ama carabaha ee soo bartey diinta islaamaka waxaa loo diidey inuu jago ka qabto wadanka uu udhashey. Hadii uu ku andacoodo faaiidada ama wanaaga ay diintu uleeday dadkiisa, waxaa loogu hanjabey in xabsi lagu tuuri doono.

2 Qofkii Raashiya ama Reer galbeedka wax ka soo bartey (cilmiga maadiga ah oo uusan la socon in yar oo diin ah ) waxaa la siiyey jagooyinkii ugu mihiimsanaa ee ay dalka. Dhamaanteena waan xusuusanaa sidii ay u maamuli jireen wadanka, ayna weli u maamulaan ilaa hada waqtigan xaadirka ah. dhibaatooyinkii ka soo baxey maamul-xumadaasna waa mida keentey in aan xal loo helin soomaaliya.

Iyada oo ay sidaa jirto, waxaan ka codsanyaa xubnaha ururka in aan marnaba la kala saariin diinteena iyo siyaasada ururkeena, sababtoo ah mujtamaca aynu xalka uraadineyno waa muslim sidaa daraadeedna waa inaan usoo bandhignaa fikrdaha siyaasadeed ama diineed ee ururkeenu xambaarsanyahay.
By the way. maxaad ka qabtaan in walaalkeen uu noqdo af hayeenka ururka (spokes-man) maadaama uu su'aalo badan uga jawaabey si xikmad leh.
raali iga noqda maadaama aan ku dheeraadey qoraalkan ku saabsan diinta.

Wasalaama caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXOOW

Unrecorded Date
TO:Xubnaha NSYL

Wlaalayaal aniga ra'yigeega waxa uu yahay qof walibo oo ururka ka tirsan markuu qorlaa qori haya ama dood dhiibana haye.

Haddii uu qoraalkiis ama doodiisa oo usoo daliilsaday DIINTA,ama BUUG uu akriyay,ama SHEEKO uu maqlay,ama FILIN uu fiirsaday.

Isla markaaneh uu ka baxeeynin xaduudii qoraalka ama doodii socotay anigu waxba kama qabo.

I might be mistaken but I always believed MAJORATY over the MINORATY.

....FII AMAANI LAAH.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Salaan dhamaan,
Walaalkiin, maxaad ka qabta wacyiga diinta haddi aad ku soo gudbisid page Islam loogu tala galay? Arrimaha diinta aan uu isticmaalno page-kaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Haa Suban abaayo aad bay suurta gal u tahay. Ilaa aan isku raacno waxa looga hadli karo qolka NSYL waxba kama qabo in aan meel kale ku qoro rayigayga iyo dareenkayga.

Rabboow Sidii Roon Raali Nooga Noqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Walaalkiin mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEWCOMER

Unrecorded Date
Dadyowga ka tirsan NSYL iyo memberka oo dhan waxaan waydii lahaa ururka waxa uu yahay iyo waxa uu qabto. What does NSYL stands for? What kind of organization is this? Business, political governmental or non-profit one. What are the objectives? What does it take to be a member and what are its procedures.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.