site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Aqiyaarta Waxaan Qabaa su,aal ku saabsan Salaada

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islamic Way of Life - Nolosha Islaamka: Aqiyaarta Waxaan Qabaa su,aal ku saabsan Salaada
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/Shakuur

Thursday, December 21, 2000 - 07:16 am
Walaal ama abaayo Salaamun Calaa mani tabacal hudaa Salaan ka bacdiy Walaalayaa Waxaa iga su,aal ah, Marka aan salaada Xiranayo oo aan bilaabayo Salaadda ALLAAHU AKBAR inaan dhaho iyo inaan iraahdo USALII FARADHAL CASRI ARBACA RAKACAATIN ADAA,LILAAHI TACAALAA ALLAAHU AKBAR, Walaal midee la ogal yahay mideen saxsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Thursday, December 21, 2000 - 09:34 pm
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

A/Shakuur:

salaanta islaamka ee kor ku qoran kadib waxaan xaawilayaa in aan kaaga jawaabo su'aashaadii inti ilaahay iga garadsiiyo
walaal marka aad damacdo in aad tukato bacda wuduuga/waysasashada waxaad qaabilaysaa qiblada korkaaga oo dhan adoo niyaystay salada aad tukanayso ma faral baa mise waa sune afkana kama dhahaysid ee waa niyada oo aadan ku dhawaaqaynin li'ana rasuulkii scw kuma dhawaaqin sidoo kale saxaabadii oo kuligood ku dayasho inoogu filan,
waxaad dhaheey allahu akbar adiga oo fiirinaaya meesha aad ku sujuudaysid gaadhsiinayana gacmahaaga la sinaanta garbahaaga ama dhegahaaga takbiirtaas ayeyna ku xidhantaa salaadu
waana siduu u tukaday rasuulku scw waxa uuna yidhi rasuulku scw ( SALUU KAMA RA'IYTUMUUNI USALI) OW KAMA QAALA macnaheeduna yahay u tukada sida aan u tukaday oo aad iga aragteen
walaahu muwafaq
hadii aan asiibay xaqa waa min cindilaah hadii aan ka talaabay xaqana waa min cindi iyo shaydaan ilaahaybaana cafis waydiistay.
wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaatu.

ukhtukum filaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, January 06, 2001 - 12:19 pm
Asalaamu calaykum
Umu Ahmed Jazaakil Allhu khayran
Sifiican ayaad uga jawaabtay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ukhtifilaah

Saturday, January 06, 2001 - 11:53 pm
salaama calaykum! manshalaah uma ahmed si fiican baad ugu jawaabtay walaalkeen alaha kaa ajar siiyo anagana naga dhiga kuwii qaata? aamiin wasalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

billxidig

Wednesday, January 17, 2001 - 05:22 am
Maansha_Allah uma , waxan filayaa in jawabtaas ey ku filan tahay walaalken a/shakur.
Mideeda kale aqoon korarsiga maxuma ee dad badan baa ka xishoonaya iney su'aalahaas oo kale laga jaahil baxsho. Marka, mabruuk to a/shakur for finding the will to come with a qeustion like that and again jazaaka laahu to our sis uma ahmed for enlightning not only the seeker of the facts but also the veiwers.
Till then fii amaani Laah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shiikhay

Wednesday, January 17, 2001 - 05:59 pm
waa salaaman tihiin.
saaxiib waa lagu siiyey jawaabtii laakiin aan kuu
sii faahfaahiyo. haddaa keligaa tahay waa sida laguu sheegay balse haddaad qof ku xiranaysid waxaa kaaga filan oo keliya inaad la timaadid niyad iyo adigoo ku dhawaaqa "ALLAAHU AKBAR".
oo kadibna aad raacdid imaamka masuulka qaaday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baxar

Thursday, January 18, 2001 - 03:25 am
A/s/calaykum
TO:a/shakuur
Marka hore jawaabta lagu siyey waa sax waana kugu filan tahey,laakiin waxaan jeclaan lahaa in aan wax kaga faahfaahiyo sababta ay dad badan oo muslin ah u dhahaan(NAMAYTU ISQALI FARAL SALADII.........)
Imaam shaafi oo ah madhabta ay soomalida inteeda badan haysato ayaa wuxuu qabaa in aad ku dhawaaqdid oo adan niyada kaliya ka dhehin.

Wabilaahi towfiiq
hadii aan qaldamey ilaahey ha iga cafiyo waxaan qorey waa wax aan soo bartey kitaabadii aan ku dhigan jirey soomaliya ee uu ka midka ahaa safiina salaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JURAYJ

Sunday, January 21, 2001 - 08:44 pm
TO
C/SHAKUUR
Run ahaantii saaxiib waa su'aal aad u wanaagsan oo la is waydiin karo laakiin jawaabkeedu uu u baahanyahay in laga baaraan dago oo aan lagu fududaan sida in badan oo dadka ahba ka qabsata!!
Saaxiib niyada oo salaadda iyo qayrkeedba lala yimaado waa waajib oo la'aanteed waxba cibaado ahaan kaaga asixi mayaan waayo niyadu waa waxa kala saara cibaadada iyo caadada, rasuulkuna wuxuu yiri,, innamal acmaalu bin niyaat,, oo ah acmaashu uun waa wixii uun loola jeedo oo qura, booskeeduna waa QALBIGA.. haddaba waxaa kitaabkeenna safiinaha ah ku yaalla ,in lagu dhawaaqo niyadu waa sunne..waa usallii iyo waxa ka dambeeyee>>
taas ayaana in badan oo aan sharciga islaamka naqli ku baran ee boowsatay, ama shiikhoodu ilhaam ku helay ee uusan baran isku dabo rogta, oo waxay erayga sunne u fahmeen in ay tahay rasuulka ayaa si toos ah USALLII oo la yiraahdo looga soo guuriyay,, kallaa arrintu sidaa ma aha ee waa sidaan walaalle,
Culimada islaamku waxay qolo kastaaba ku caan nodaan FANNI cilmiga ka mid ah sida caqiidada, furuucda( usuulu-fiqhiga, fiqhiga, )cilul xaddiiska,cilmu qirada,caribiyada, i w m.
waxayna qolo kastaa leedahay isdilaax u gooniya oo ay isla yaqaanaan haddaba erayga SUNNE marka la joogo cilmul xaddiiska waxaa loo yaqaan wixii rasuulka laga soo guuriyay naqlli ahaan,oo axaadiista rasuulkuna toos ula baashirayso,haddiise la joogo cilmul-usuulka ereyga SUNNE waxaa loo adeegsadaa wax kasta oo afar siyood midkood mashruuc ku noqda,
1- qur'aanka
2- xaddiiska
3- qiyaaska jaliga ah
4- ijmaaca culimada islaamka
al cumuum waxaa lagu ijmaacay niyada in lala yimaado salaada oo aan la'aanteed salaad la helayn
sidoo kale waxaa la isku waafaqay haddii aan niyadii la helayn in lagu dhawaaqo ma ahee inay waajib tahay in USALLII FARDAL------ Iyo waxa ka dambeeya lala yimaado,waayo MAA LAA YATIMUL WAAJIBU ILLAA BIHI FAHUWA WAAJIB,, wixii la'aantiisa aanu waajibkii taam noqonayn waa waajib!!
ilaah aan ka cabsanno oo aan naqli cilmiga ku dalabno si aan cilmi nafci leh u gaarro..
mahadsanidin iska jira zamanka iyo haraatidiisa oo dhurwaaga cidda ha laga jiro!!

nabadeey as salaamu calaykum warraxmatullaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JURAYJ

Sunday, January 21, 2001 - 09:00 pm
TO
C/SHAKUUR
Run ahaantii saaxiib waa su'aal aad u wanaagsan oo la is waydiin karo laakiin jawaabkeedu uu u baahanyahay in laga baaraan dago oo aan lagu fududaan sida in badan oo dadka ahba ka qabsata!!
Saaxiib niyada oo salaadda iyo qayrkeedba lala yimaado waa waajib oo la'aanteed waxba cibaado ahaan kaaga asixi mayaan waayo niyadu waa waxa kala saara cibaadada iyo caadada, rasuulkuna wuxuu yiri,, innamal acmaalu bin niyaat,, oo ah acmaashu uun waa wixii uun loola jeedo oo qura, booskeeduna waa QALBIGA.. haddaba waxaa kitaabkeenna safiinaha ah ku yaalla ,in lagu dhawaaqo niyadu waa sunne..waa usallii iyo waxa ka dambeeyee>>
taas ayaana in badan oo aan sharciga islaamka naqli ku baran ee boowsatay, ama shiikhoodu ilhaam ku helay ee uusan baran isku dabo rogta, oo waxay erayga sunne u fahmeen in ay tahay rasuulka ayaa si toos ah USALLII oo la yiraahdo looga soo guuriyay,, kallaa arrintu sidaa ma aha ee waa sidaan walaalle,
Culimada islaamku waxay qolo kastaaba ku caan nodaan FANNI cilmiga ka mid ah sida caqiidada, furuucda( usuulu-fiqhiga, fiqhiga, )cilul xaddiiska,cilmu qirada,caribiyada, i w m.
waxayna qolo kastaa leedahay isdilaax u gooniya oo ay isla yaqaanaan haddaba erayga SUNNE marka la joogo cilmul xaddiiska waxaa loo yaqaan wixii rasuulka laga soo guuriyay naqlli ahaan,oo axaadiista rasuulkuna toos ula baashirayso,haddiise la joogo cilmul-usuulka ereyga SUNNE waxaa loo adeegsadaa wax kasta oo afar siyood midkood mashruuc ku noqda,
1- qur'aanka
2- xaddiiska
3- qiyaaska jaliga ah
4- ijmaaca culimada islaamka
al cumuum waxaa lagu ijmaacay niyada in lala yimaado salaada oo aan la'aanteed salaad la helayn
sidoo kale waxaa la isku waafaqay haddii aan niyadii la helayn in lagu dhawaaqo ma ahee inay waajib tahay in USALLII FARDAL------ Iyo waxa ka dambeeya lala yimaado,waayo MAA LAA YATIMUL WAAJIBU ILLAA BIHI FAHUWA WAAJIB,, wixii la'aantiisa aanu waajibkii taam noqonayn waa waajib!!Daliill ahaanna waxay culimada kaga qiyaasteen dhawaaqa uu rasuulku ku dhawaaqay nawytul-xajja walcumrah,waayo waxaa istisxaabka ka dhexeeyaa waa laba cibaado,hadda qofkii aan niyadii u xasilayn inuu usallii yiraahdo iyo waxa ka dambeeya ma ahee ,waa waajib inuu usallii la yimaado ninkiise ka maarma oo ay niyadii u xasilayso asallii la'aanteed waxba ugama baahna inuu la yimaado bal culimada qaarkeed waaba karaaho ayay yiraahdeen,
ilaah aan ka cabsanno oo aan naqli cilmiga ku dalabno si aan cilmi nafci leh u gaarro..
mahadsanidin iska jira zamanka iyo haraatidiisa oo dhurwaaga cidda ha laga jiro!!

nabadeey as salaamu calaykum warraxmatullaah
jurayj - ash shaafici-al ashcari- al-qaadiri,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raabica

Monday, January 29, 2001 - 02:25 pm
TO: Jurayj

Assalaamu caleeykum waraxmatu Laahi wabarakaatuhu
Walaal iLaahay hakaa abaal mariyo sida aad xaqqa u cadaysay. Safiinaha waa haysanaa waligayana waxaan salaada ku xiranaynay USSALII FARADAL DUHRI ARBACA RAKACAATIN ADAA-AN LILLAAHI TACAALAA ALLAAHU AKBAR Hadana katagi mayno Alxamdu lil Laah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Tuesday, January 30, 2001 - 07:22 am
Salaan kadib:
Waxaan qabaa in jawaabta saxa ah ay bixisay gabadha ugu horysa.

Baxar= Walaal imaam alshaafici iyo madhabta farqi ayaa u dhexeeya, waxaa jira arday badan oo uu lahaa oo iyagu madhabka ku darasaday wixii ay ka istinbaadoodeen diinta, laakiin shaafici hal meel oo kitaabtiisa ah laga heli maayo inuu khilaafay habkii nebigu u tukaday.

Jurayj:Walaal markaad arin ka doodadysid arinkuna yahay Mid ku tacaluqa arinka diinta camuudkiisa ah waa salaada ah waxaa loo baahan yahay qudhaadu inaadan ku deg-degin taasi waa iga nasteexo walaalnimo

Walaal waxaa wanaagsan in qofku ku jawaabo
Ilaahay sidaas ayuu kayiri
Nebigu sidaas ayuu kayiri
Muslimiintu sidaas ayay isku waa faqeen
waa sadexda asal ee aan la dhaafi karin

Marka mid kamida intaas hadaad haysatid mazaad u doonaysaa waxaan sal lahayn ama aad intaad soo daliishatid qaaciido fiqhi ah aad u waajibinaysaa

Nebigu wuxuu yiri (salaada waxaalagu galaa takbiir waxaana looga xalaal noqdaatasliim)waa xadiis asxiix ah kuna sugan bukhaari iyo qatrkiisba.

Hadaba walaal taas ayaa kugu filan, hadii aan fiirino dhinaca niyada
Walaal niyada ficilka iyo in uu qofku soo weeso qaato oo masale ku istaago oo qiblada ujeesto waa maxay niyada ka maqan ilaa in uu niyaysto salaada uu tukanaayo mooyee maduhurbaa mise waa casar tasna qofku hadaanuu aqoon waa labaraayaa ee arinkale oo bidca ah loo horseedi maayo

Walaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ilkacase

Tuesday, January 30, 2001 - 03:12 pm
Asalaamu Calaykum.
Dhamaan walaalaha waad salaaman yihiin.
Raalina ha la iga ahaado qoraalkan oo
yara dheer awgiis.

Xaqiiqo ahaan waxaan filayaa inay Umu axmed,si fiican uga jawaabtay su'aashii bogan lagu furay.
Balse waxaan jeclaaday inaan ana in yar maqaamkan ku darsado.Walaalayaal sidaynu la socono in badan oo dadkeena ka mid ahi waxay wali ku sii dhagsan yihiin,ku dhaqanka wax yaabaha aan shareecada ku soo aroorin,sida imikaba inoo muuqata,waana waajib ina saaran inaynu dadka u cadayno,waxyaaba qaladka ah.

Hadaba siday walaalihii iga horeeyayba sheegeen Imaamu Shaafici ma qabo in la yidhaahdo (NUWAYTU USALI......)Masaladani waabay sahlan tahay oo kol hadaanay A'imada madhabta shaaficiyadu qabin,wax loogu daalaaba ma jiraan.

Shaaficina ilaahay ha u naxariistee waxa laga soo raray inuu odhan jiray (ithaa asaxal xadiithu fahuwa madhabii)oo macneheedu yahay 'Hadii xadiith Rasuulka- salla laahu calayhi wasallam - laga soo raray uu ansoxo waa madhabtayda'Halkaa waxa inooga cadaanaysa inuu Imaami shaafici ku dadaali jiray raacista dariiqa Rasuulka -sallalaahu callayhi wasallam.Waana inaynu Imaamu Shaafici ku dayano oo wixii saxiixana ku dhaqano wixii qaladana aynu hore uga hadhno.


Imaamu Shaafici Wuxuu Qabay inay laga maarmaan tahay in qunuut la sameeyo salaada subax dhexdeeda,( yacnihii in salaada subax dhexdeeda imaamku duceeyo dadkuna aamiin ka daba yidhaahdaan sida wadankeena ka macruufka ah)waxaanu daliishaday xadiithu Aanas;wuxuu yidhi kamuu suulin rasuulku sallalaahu calayhi wasalam inuu qunuud sameeyo salaada subax dhexdeeda,ilaayoo uu aduunyada ka faariqay))yacnihii ilaayoo ay geeridu uga timid.

Xadiithkan waxa wariyayay Imaamu Axmed iyo Xaakim. Culimada ahlu xadiithkuna waxay cadeeyeen inuu xadiithkani daciif yahay oo aan la daliishan karin,sababtoo ah waxa sanadkiisa amase raga xadiithkan wariyay waxa ka mida ABII JACFAR ARRAAZII,ninkan isaga ahna marka uu xadiith la kali noqdo xadiithkiisu waa daciif.

Imaamu Abuu SArca wuxuu yidhi;Wuxuu ahaa nin uu ismoodsiisku ku badnaa.

Imaamu Axmedna wuxuu yidhi; muu ahayn nin ku xoogbadan warinta axaadiithta.Amase Fil Xadiith.

Dee kol haduu xadiithku daciif noqdana ku dhaqankiisu ma banaanna.Markaa waxa waajib noqonaysa in lagu dhaqmo(SALUU KAMAA RA AYTUMUUNI USALII)oo macneheedu yahay Rasuulku sallaalaahu calayhi wasalam wuxuu yidhi (sidaad igu aragteen anoo u tukanaya u tukada)

Maadaama oo aynaan inagu Rasuulka sallallaahu calayhi wasalam la kulmin bal aynu eegno dadkii Nabiga la kulmay.

Wuxuu yidhi Malik Al Ashjacii:O((Waxaan waydiiyay aabahay oo aan ku idhi Aabooy waxaad ku daba tukatay Rasuulkii ilaahay sallalaahu calayhi wasalam,iyo Abii Bakar iyo Cumar iyo Cuthmaan iyo Cali,halkan aynu joogno ee kuufa ah,waliba waxaad la tukanaysay mudo ilaa shan sanadood ah ee miyay qanuudi jireen salaada subax?))))).(((yacnihii siday soomaalidu samayso miyay samayn jireen))dabadeetana wuxuu ugu jawaabay; (((Aabooy arintani waa arin lala soo dariyay)))amase waa Muxdath.

Xadiithkaasi waa xadiith saxiixa waxaana wariyay Imaamu axmed Iyo Imaamu Tarmadi iyo Imaamu Nasaa'ii iyo Imaamu Ibnu maaja.Tarmadina wuu saxiixiyay.

waxa laga wariyay Ibnu Majlis inuu yidhi;Waxaan la tukaday salaad subax- Asxaabiga wayn ee la yidhaahdo- IBnu Cumar dabadeetana muu qunuudin ,kadibna waxaan ku idhi adoo qunuudaya kumaan arage waa sidee?kadibna IBnu cumar wuxuu ugu jawaabay arintaa iyada ah qof asxaabtayda ka mida kamaan xafidin))) yacnihii kumaan arag.

Xadiithkana waxaa soo saaray Bayhaqii Sanadkiisuna waa xasan.
Arintaa iyada ahna waxa ku tagay yacnihii inaan la ducaynayn salaada subax dhexdeeda iyadoo imaamkuna ducaynayo dadkuna Aamiin ka daba leeyihiin,Imaamu axmed wa isxaaq iyo waliba jamaaco Saxaabadii Rasuulka Sallallaahu calayhi wasalam ka mid ahaa.

Imaamu Ibnul Qayimna wuxuu yidhi:O((Hadyigii iyo dariiqii rasuulku salalaahu calayhi wasalam wuxuu ahaa inuu qunuudo xiliyada ay dhibaatooyinku soo darsaan oo kaliya.Waanu ka tagi jiray markaanay wax dhibaato ahi jirin,walibana xataa markuu qunuudayo salaada subaxuun kumuu gaar yeeli jirin.)))))Masaladan qofka doonaya inuu si fiican u ogaado ha ka raajoco Kitaabka Ibnul Qayim ee {Zaadul Mucaad}.
((((((((BARAARUJIN)))))))))
Markaan masaladan ka hadlayay waxaan ula jeeday ducada ay dadka soomaalida ahi sameeyaab salaada subax dhexdeeda,meelaha qaar haduu imaamku ka tago dhibaa ka dhacda,waayo waxay aamin san yihiin inay salaada ka mid tahay,xaqiiqo ahaano waaba arin bidco ah oo sida sunada iyo hadyiga Rasuulka salalaahu calayhi wasalam waafaqsani waa in la qunuudo marka ay dhibaatooyinku jiraan,laakiinse in markaste la iska qunuudo waa arin aan shareecada ku banaanayn.

Waxa kaloo jirta xataa haduu xadiithku saxiix ahaan lahaa waa qunuutkee qunuudkuu sheegayaa?
Tusaale ahaan kalmada ah "ALQUNUUT"ee xadiithka daciifka ah ku jirtaa waxay leedahay macaani badan oo Quraanka ku soo aroortay,macnayaasheeda waxa ka mida;;;
(1)ALQIYAAM oo ah sara jooga.
(2)ASUKUUT oo ah aamusnaanta.
(3)WADAWAAMUL CIBAADAH oo ah cibaadada oo la daa' imo
(4)WADUCAA oo ah ducada
(5)WA TASBIIX oo ah SUBXAANA LAAH
(6)AL KHUSHUUC oo ah khushuucda.

Ugu danbayntiina waxaan walaalaha muslimiinta ah xasuusinayaa inay ku dhaqmaan hadalkii Shaafici ee ahaa HADUU XADIITHKU SAXEEXO WAA MADHABTAYDA.

Sidoo kale waxaan idinka codsanayaa inaad ii dul-qaadataan maadaama oo aan mawduuc kale idinla galay.

Wacalaykumu Salaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.