site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Yaa culimooy, yaa ii cadeynkaro siyaabaha lagaga baxo diinta! waxaan bogagan ka aqristay waxyaabo layaablahee (Waxaan u baahanahay caawinaad)

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Yaa culimooy, yaa ii cadeynkaro siyaabaha lagaga baxo diinta! waxaan bogagan ka aqristay waxyaabo layaablahee (Waxaan u baahanahay caawinaad)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaab

Unrecorded Date
Salaama caleykum dhammaan!

Yaa culimooy, yaa ii cadeynkaro siyaabaha lagaga baxo diinta! waxaan bogagan ka aqristay waxyaabo kala duwane (Waxaan u baahanahay caawinaad).

Waxaan ka hayaa innuu WALAALKIIN dhahay, sinada diinta ayaa lagaga baxaa, anigoo tii layaaban ayaan hadana maqlayaa GAR XIIRKA diinta ayaa lagaga baxaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum walaal waxaan isku dayayaa inaan kaaga jawaabo su,aashaada.
Kow walaal waxaad ogaataa in diinta lagu soo galo kalimada tawxiidka oo afka lagaga dhawaaqo qalbigana laga rumeeyo si dhaba aadna la timaadid waxay ku farayso.
Hadaba walaal waxayaabaha diinta lagaga baxaa ma badna SH.C/CASIIS IBNU BAAS ALAAH HA UNAXARIISTEE AYAA KA QORAY KITAAB WUXUUNA KU SOO KOOBAY 10 ARIMOOD.

1- Waxa ugu horeeya shirkiga allaah wuxuu yiri(HADAAD II SHARIIK YEESHID CAMALKAAGI WAA BURAYAA WAXAANA KA MID NOQON KUWA KHASAARAY)

Denbi kasta allaah wuu dhaafaa waxaan shirkiga ka ahayn.

2-Waxaa ka mida inaads ku jees jeestid kitaabka alle iyo sunada rasuulka ama wax ka mida aad ku jees jeestid sida (xijaabka),allaah wuxuu yiri (mawaxaad ku jees jeesaysaan allah iyo rasuulkiisa iyo aayaad kiisa ha cudur daaranina waad gaaloow deen iimaankiini kadib,

aayadani waxay ku soo degtay nebiga oo qaswo kasoo noqday ayaa laba nin gadaal uga hareen markaas ayay waxay yiraahdeen qoladeenaan yacni saxaabada iyo nebiga wax ka caloolo waawayn maanan arag marka cunada la cunayo marka cadwga lala kulmana wax ka fulaysan maan arag waxaa maqlaayay sayd ibnu arqam markaas ayuu nebiga u sheegay kadibna waxay yiraah deen rasuulkii allow jidka ayaan ku goynaynay oo waan iska cayaaraynay,

Marka waxaad garan kartaa khatArta ay leedahay arinkaasi.

3-Waxaa kaloo kamida anaad ku xukuntid wax aan allaah soo dejin ama aad u xukun tagtid(qofkaan ku xukumin waxaan allaah soo dejin waa gaal)almaaida.
marka haduu qofku uu raali ku noqdo arinkaas oo kii allah ku badasho xukun wadci ah waa gaalnimo uuna ictiqaadsanyahay in kaa wadciga ahi uu fii canyhay.

4-Waxaa kamida qofku inuu ka jeesto kitaabka allaah isagoo kahanaya( yaa kadulmi badan qof la xasuusiyay aayadihii allah oo ka jeestay waanu ka aargoosanaynaa mujrimiinta)sajda.

5-Waxaa kamida inuu qofku xalaalaysto denbi aan banaanayn sida sinada oo yiraahdo waa ii xalaal

6-Sidoo kale waxaa kamida waxyaabaha lagu gaaloobo inuu qofku diido qayb ka mida wixii lagu adoondasay oo yiraahdo iguma waajibto sida soonka,zekada iwm.

Hadaba walaal intaasi waa qayb kamida waxyaabaha lagu gaaloobo,laakiin walaal caqiidau salafu saalix ma qabto in lagu deg dego kufurl acyaan waxa loo yaqaan ama inaad tiraahdo hebel waa gaal waa arin khatara laakiin qofkii ay shuruudii gaalnimadu ku cadaatay waxa loo dayn culimada waa wayn iyga ayaana looga danbaynayaa, waxay dhihi jireen ibnu taymiya ayaa loo sheegay dad samaynaya wax gaalnima ah markaas ayuu yiraahdaa camalkaas waa lagu gaaloobaa lakiin oran mayno iyagu waa gaalo.

Hadaba walaal zinada hadii uu qofku xalaalsado waa rido waana ku gaaloobayaa,arinka garka hadaad igu raacsantahba inuu waajib yahay intaas oo nusuus ahna qofku arkay lana nool yahay dad ahlu cilmi ah jaahilna aanu ahayn yiraahdana waa takhaluf oo ma banaana waana diiday ibnu baaz wuxuu yiri laashaka ana daalika huwal kufr.

Waxaa jira walaal qofka jaahilka ah hadii uu ka dhaco wax shirki ah waa loogu cudurdaarayaa
Waxaan iaalbay sixirka waa lagu gaaloobaa qofkkii ku shaqaysta nusuus cada cad ayaana ku soo aroortay.
ISMAACIIL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu alaikum

In addition to what Brother Ismail said! I would love to add some more.

1. Inuu Qofku caayo Nabiga NNKH
2. inuu caayo Diinta Allah
3. Inuu Rabi SWC uu caayo

Iyo kuwo kale oo aan hada ii xaadirsaneyn.

Garka in laxiiro Diinta loogama baxo, sidoo kale in lasineysto loogama baxxo diinta Islaamka.

Wasalamu Alaikum

DrWho

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ADOON-ALLE

Unrecorded Date
Asalaamu Aleykum**

Walaal Ismail waxaan aad iyo aad u jeclaan lahaa hadii aad daliil u haysid labada shey ee aad tiri diinta ayaa looga baxaa, SINADA & GAR XIIRKA. Min fadlan wax nusuus ah oo labadaa arin ku soo aruuray inoo sheeg iyo meesha aad ka soo xigsatay hadii uu yahay aayad, xadiis iyo wiliba jamaca ahlu-suna wal-jamaaca bal inoo cadeey arrintaas.


Aniga waxaan bartay oo hubaa inay SINADA tahay wax yaalaha kabaa'irta ugu waa weyn oo muhlikaadka lagu sheegay balse ma arag meel oranaysa SINAA islaamka looga baxaa. Mida kale aanu kala fageyno faacilka iyo ficilka, qowlka iyo qaa'ilka maxaa yeelay qof in la gaalaysiiyo nahyi badan ayaa ku soo arooray. Waa ogtahay in ay culumo badan ku tageen xadiiskii ahaa "KUFUU CAN MAN QAALA LAA'ILAAHA ILLALAAH." waxaa ka mid ah Shariif Cadbi-nuur marka yaan arrinka lagu dagdagin.

ALFAQIIR ILAA LAAAAAAAAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Imsaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum walaal adoon allow waxaa wanaagsan inaad xaqiiqda aadan katagin meesha waxaa ku qoran hadaad xalaalaysatid arin xaaraam diinta ku ah ama aad xaaramaysid arin diinta xalaal ku ah waa rido waana sax hadaad diinta waxka taqaano waad fahmi lahayd waxaad dib ugu laabataa kutubta caqiidada ah sida ( SHARXUL CAQIIDAUL DAXAAWIYA) FAQRADA ORANAYSA WAlAA NUKAFIRU AXADAN BIDENBIN MAA LAM YASTAXILHU dib ugu laabo sharaxeeda iyo fataawaha inbu taymiya meehs uu uga hadlaayo khawaarijta iyo lumcah ibnul qudaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAMAGAN

Unrecorded Date
To ISMAA,IIL
Marka hore salaamulaahi calay kum dhamaantiinba:

Marlabaadka waxaan jeclahay in aan idinwaydiiyo su,aal aan layaabay taas oo ah:

waxa arkay nin soomaaliyeed oo ay naagtiisii katagtay isaga iyo caruurtiisii waxayna ladagantahay ningaala(way islaseexdaan ismana guursan) waxayna isku sheegtaa in ay tahay muslim maxaad umalaynaysaan arintaa?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum walaal marka hore jazakalaahu khayr.

Marka kowaad maahi walaal nin caalima laakiin waxaan ahay nin hada daalib ah ama arday,
Kow walaal haday jiri lahayd xukuuma islaamiya ah qoftaasi dil ayay ahaan lahayd laakiin maanta majirto.

Marka walaal haday ninkeedi ka tagtay oo nin gaala u tagtay lana seexatay oo u galmootay waa denbi weyn oo faaxisho ah. waa inaad u tagtid oo naseexaysid una sheegtid zinadu meeshay diinta ka joogto iyadoo weliba nin xalaala allaah siiyay haday diido adiga waxba kaama gelin in calayka ilaL balaaq, laakiin haday xalaalsato arinkaas oo tiraahdo dhib maleh waa ii banaan yahay arinkaasi waa khatar waana waxyaabaha diinta loogaga baxo

wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Waxaan katagay waxyaabah diinta loogaga baxo oo aan kasoo aqriyay qayb kamida kutubta salafiga ah
1-inaad gaalada u gar-gaartid adigoo ugaga gargaaraya muslimiinta oo doonaya khadciga muslimiinta

2-Inaad ka shakidid gaalada gaalnimadooda ama aad tiraahdid gaalo maaha oo naar magalayaan
kitaabku waa caqiidatul saxiixa wa nawaaqidul islaam.
WABILAAHI TAWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

adam

Unrecorded Date
asalamu alaykum

su'aashaada nin yahow waxay laxiriirtaa mawduuca akhiinaa ismaaciil ee titlekiisu yahay garkoo laxiraa waa danbi waana lagu gaalobaa what ever,
hadii aanan qaldanayn,
mawduucaaas laftiisa ayaan kala noqaashay akhiinaa ismaaciil wuxuuna yiri waxaan ahay nin salafi ah aamsina caqiidada safu saalix mana ku gaalaysiinayno qof muslima danbi hadii uusan xalaashan
marka nin yahow faah faahin hadaad rabtid eeg pageka ismaiil uu kaga hadlayo dhibaatada ay leedhahay garka oo laxiiraa.
wasalamu alykum
akhuuka filaah
abu amaar al-ahtri

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.