site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Salaada Waa Xiriirka Alle iyo Aduunkiisa

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Salat (Prayers): Salaada Waa Xiriirka Alle iyo Aduunkiisa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/Shakuur

Friday, December 22, 2000 - 01:18 am
Asalaamu Caleykum Waraxmatulaahi

Walaalyaal Waxaan nafteeda iyo naftiina ku baraarujinayaa Salaada Dhowristeeda iyo hagaajinteeda Walaal Haddii aad tahay nin muslim ah Salaada ha ka tegin Salaadda Waa sheyga labaad oo laga rabo qofka Muslimka ahi 1 Shahaadtiinka, Walaal Waxaa loo baahanyahay Si Qushuuc ah inaad u tokatid, Haddii aan nahnay Dadka qurbaha ku nool qalbigeen Waxaan u maleenayaa inoo Qalbigeena Xooga angagay Taasina Waxey ku imaatay Wacdi yardida, walaal aniga hadda idin la hadalyo mararka qaarkood waxaan noqdaa bilaa qushuuc Waxaana keenayo Dhageysi la,aanta wacdiga mararka ,,
Mantarka Salaata Faqada kafara (Asalaatu Silatul beenal Cabdi Warabuhu

Walaal Ama abaayo Haddii aad awoodid inoo sii wad bal Wax noo faa,iideey
Wixii aan Qalday Sheeydaan ayey ka ahaadeen wixii kalena allaha iga ajar siiyo
Wibilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Tuesday, March 13, 2001 - 04:47 pm
walaal c/shakuur fadlan in ilaahay kaa ajar siiyo
ii soo qor attaxiyaadka...waxaan rabaa in aan salaada bilaabo si dhaqsi ah insha allahu tacalla.
waad mahadsan tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 13, 2001 - 07:43 pm
Walaal A/Shakuur,

Ilaahey ha kaa abaaal mariyo waxaan ku yara dari lahaa inay salaada tahay waxa ugu horeeya oo qofka laga xisaabo maalinta Qiyaame markii miisaankiisa la cabiro, hadii ay salaadiisa hagaagto waxa kale oo dhanna wey hagaagayaa sida uu suubanaha inoogu sheegay xadiis. Waxaa kaloo salaada lagu gaaraa inay tahay mida kaa reebta xumaanta iyo macaasida oo dhan sida quraanka lagu sheegay marka salaada oo la toosiyo waqtigeeda oo la ilaaliyo waxaa lagu gaaraa horumar iyo wanaag aduun iyo aakhiro. Waxaa kaloo la tilmaamaa qofkii badiyo oo daa'ima salaaada naafilada ah waa mida la tukado markii waajibaadka la tukado, waxuu qofkaas jeclaansha Ilaahey sida xadiis qudsi ah nabiga ku sheegay "Wa laa yazaalu cabdii yataqarabu binaafil xataa uxibah...." Mar hadii uu Ilaahey adoonkaas jeclaadona wuxuu adoonku noqdaa mid aanan suubineyn wax Alle raali ka yahay ma ahee, mana u soconayo meel uusan Alle raali ka aheyn, dhagtiisana maqli maayo wuxuusan Alle raali ka aheyn, mar hadii Ilaahey jeclaadona malaa'igta ayaa la faraa iney jeclaadaana dadka oo dhanna wey jeclaadaan qofkaas. Marka salaada qiimo weyn ayey u leedahay qofka Muslimka ahi dambiyada waa lagu dhaafaa sida nabiga sheegay. Waxaa haboon in salaadaha aan jamaaco ku tukano hadii la kari karo sidaas ayuu nabiga na amray naguna dhiiro galiyay.

Ataxyaadka siyaabo badan ayuu u soo arooray laakiin qaabkaan ayaan aniga qorayaa hadii aad rabtid noocyada kale kitaabada ku laabo.

"ATAXYAATU LILAAHI WASALAAWU WADAYIBAATU, ASSALAAMU CALEYKA AYUHA NABIYU WARAXMATULAAHI WABARAKAATUH, ASSALAAMU CALEYNAA WACALAA CIBAADILAAHI-SAALIXIIN, ASH-HADU ALLAA-ILAAHA ILALAAHU, WASH-HADU ANNA MUXAMADAN CABDUHU WARASUULUHU" Saliga nabiga ayaa ku xiga oo ah sidatan: "ALAHUMA SALI CALAA MUXAMADIN WACALAA AALI MUXAMADIN KAMAA SALEYTA CALAA IBRAAHIMA WACALAA AALI IBRAAHIIMA INAKA XAMIIDUN MAJIID, ALLAHUMA BAARIK CALAA MUXAMADIN WACALAA MUXAMADIN KAMAA BAARAKTA CALAA IBRAAHIIMA WACALAA IBRAAHIIMA INAKA XAMIIDUN MAJIID."

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.