site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WALAAL MA IIGA JAWAABI KARTAA.........???

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): WALAAL MA IIGA JAWAABI KARTAA.........???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
WALAAL WAXAAN ARKI JIRAY IN GABDHU NINKEEDA U SHAQAYSO LAAKIIN UMA AAN ARKI JIRIN INAY WAA JIB KU TAHAY,WAXAA GABAR AAN SAAXIIBO NAHAY II SHEEGTAY INAY GABADHA KU WAAJIB TAHAY INAY U SHAQATSO SAYGEEDA ANA MADAXAYGU WAA QAADAN WAYAY MARKA MA RUN BAA OO MASAXBAA.
WELIBA WAXAAN JECLAAN LAHAA IN ARINKAAN AY KAJAWAABAAN DHALINYARADA AAN ARKAY INAY ARIMAHA DIINTA KU FIICAN YIHIIN SIDA C/KHAALAQ,ABDALLA,MISKIIN,DR WHOIYO ISMAACIIL
NABADEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum

Walaal Arinkaan waa Arin muhiim u ah in mujtamaca soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan gabdhaha ey si fiican ugu baruurugaan. Gabdha Adeecedida ey adeeceyso ninkeeda waa waajib cad, hadii marka ninka uu kadalbaddo xaaskiisa iney arin uqabato waajib waxaa gabdha ku ah in eyku adeecdo. Adeecideedu waa mid kuxadeysan wixii diinta Allah ey baneysey, laakiin wixii xaaraam ah ku adeecimeyso. Taasna daliilkeedu waxa uu yahay "Laa daacata fil maqluuqi fii macsiyati laahi" Qaacidadaan oo leh; qofku adeeci maayo qof shey macsi ku ah diinta oo Allah agtiisa xaaraam ka ah.

Walaal Maanta waxaan kacudur daaranayaa inaan deg deg sanahay oo jawaabtaan aan si deg deg ah kuqorey. Wixii aad faahfaahin uga baahato isoo weydii.

Wasalamu alaikum Waraxma

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Run-Sheege

Unrecorded Date
Asalaamu Aleykum**

Walaal DrWho ha iiga qaadan inaan dood ama muran doon ahay laakiin waxaan jeclaystay inaan arrin meesha ku jirta muujiyo. Gabadha Muslimada ahi waajib ayuu ku yahay inay adeecdo (wixii aan macsi aheyn) ninkeeda laakiin inay guriga uga shaqeyso oo ay muufada u kariso, dharka u dhaqdo, ilmahiisa u hayso 24hrs diinta xagey kaga taalaa? Just like I said, muran ulama jeedo laakiin wax nusuus ah oo arrinkaas cadeysnaya ilaa hada ma hayo balse waajibnimadaas daliil ha loo yeelo. Yaan la isku khaldin, adeecida zawjeeda waa waajib laakiin khitmada guriga yaan la oran WAAJIB balse ha la yiraahdo waa wax ay jiilalkii naga horeeyay ku dhagmeen. Haweenkii rasuulka iyo kuwii saxaabada ayaa sidaas u dhaqmay waana muhiim in looga daydo laakiin erayga WAAJIB ha laga ilaaliyo mas'alada. Waxaa jira xadiis uu Cumar bin khataab cadeynayo inaysan qasab ku aheen xaaskiisa khitmada guriga.

Hadaba diinta siday ay wax u ishaartay ha loo eego hana la yiraahdo haween ka fiican kuwa maanta jooga ayaa arrinkaas u kacay sidaad daraadeed ayey haweenka soomaaliyeed iyo muslimiinta oo dhanba muhiim ugu tahay inay ragooda arrinkaas u suubiyaan laakiin lagu noqoyee waajib ma saarna inanta muslimada ah. Waxaan filayaa inaad dhageysatay Cumar Farooq oo oranay hadii ay gabadhu ka dhalatay reer taajiriin ah oo ay shaqaale haysan jirtay markey yareed waa in uu zawjkeeda shaqaale u doonaa waa hadii uu xaalka sidaas ahaa markey yareed oo dhan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Walaal waa arin muhim ah sida uu sheegay walaalkay drwho.

Marka kowaad walaal oo uu dhismo reerku qof walba xaq ayuu ku yeelan qofka kale marka waxaa jira xuquuq kawada dhaxaysa oo labadaba laga doonayo iyo xaq kale oo mid walba gooni looga doonayo,
tusaale ahaan ninka waxaa gooni looga doona masruufkii iyo minankii.

Gabadhu hawsha guriga iyadaa leh asal ahaan laakiin taasi ma aha macneheeda inuu ninku ku fiirsado iyadoo xaamila ah ama jiran ama daashay ee waa in uu kaalmeeyaa.
Sh.Albaani kitaabkiisa adaabu sifaaf wuxuu u sameeyay baab uu ugu magacdaray(wujuub khidmatul mar.ati lizawjihaa) oo macneheedu yahay inay waajib kutahay inay gabadha waajib ku tahay wixii macruuf ah oo khidmada zawjkeeda ah inay u adeegto

Sh.ibnu qayim sidaas oo kale ayuu kuleeyahay kitaabkiisa(zaadul-macaad)qaybtay ahayd maxasuusto laakiin qaybta nikaaxa ayaad kaheli kartaa,wuxuuna soo qaadanayaa nusuus ku tusinaysa arinkaas sida
xadiis saxiix ah lagan helaayo sunanta oo dhan raawigii maxasuusto laakiin xadiithku waa saxiix(gabar ayaa utimi nebiga markaas ayuu kuyiri malagu qabaa ha ayay tiri markaas ayuu kuyiri booskee ayaad kajoogtaa waxay tiri aad ayaan ugu daddaalaa waxaan qaban kari waayo mooyee,markaas ayuu nebigu kuyiri iska fiiri meeshaad kataalo janadii waxay kuu taaalaa labadiisa lugood dhexdoode.
hadaba hadii ninkii islaamku saaray wixii lacunaayay ama laxiranaayay ama gurigii iyo wixii shaqo dibada laga qabanayay waxaan caqliga saliimka ah ku tusinayn in layiraahdo dherigana adigaa leh.

waxaa laga yaabaa in qof yiraahdo hadaba dhulkaan joogno ninkii guriga ayuu fadhiyaaye maxaad kaleedahay,walaal xukunka islaamku ka qabo waa sidaa asalku laakiin meel wax walba caksi noqday iskuma bedalayo tana waxay qaadan arinkale laakiin asalku waa sidaa.

waxaan rabaa inaan baraarujiyo raga hablaha ku eegta wax walba allaah ka cabso nebigu reerkiisa waa u shaqayn jiray ridiisa waalisan jiray,maxay ku dhacday inaad labaad lugood isdulsaarsatid adigoo tv iyo qurun daawanaya iyaduna saakay siday u istaagtay ay tahay ogaada ilaahay wuxuu diin amray inaad mucaasharo wanaagsan kula dhaqantaan.

wasalaamu calaykum
ISMAACIIL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum Waraxma

Marka hore waxaan Mahad ucelinyaa Alaah subxaanahu watacaalaa, Alahii noo sahley inaan kobt5aan isku weydaarsanno aqoonteena diiniga ah iyo tan maadigaba.

Marka labaad waxaa umahd naqayaa walaakeey Ismaaciil sida toosan oo uu uqorey jawaabta kor kuqoran.

Run sheege;

Walaakiis, Nabiga Caleyhi salaatu wasalaam wuxuu xadiith Xasan Darajadiisu tahay (oo Sheekh Albaani Saxiixu jaamicu saqiir oo ku taxsiiniyey) macnihiisu leeyahay sidan "Xaasku magudi karto nimkeeda abaalkiiisa xitaa hadeey jirkiisa oo MALAXI kada eyso ey leefto" Xadiith kani wuxuu sheegahayaa in ninku uu xaq fara badan oo aan lasoo koobi karin uu keleeyahay xaaskiisa iyaduna sidoo kale weeyaan.

Adeecida ey Xaasku ninkeeda adeeceyso waxaa kamid ah iney guriga kashaeyso ilaa iyo xadkeeda. "tan macnaheedu waxa weeye Adeecidu wey kacaamsan tahay guriga oo laga shaqeeyo". Hadii aad igu raacdey iney gabadhu waajib ey kutahay in ey ninkeeda ku adeecdo wixii macruuf ah, waxaan kuleeyahay Macruufka waxaa kamid ah iney guriga arinkiisa ey maamusho.

Arinkaan aan kor kuxusey waxaad kaheli kartaa kitaabada ey kamidka yihiin "Al Muqnii Libni Qudaama", Almaxalaa Bil aathaar li ibni Xazam, Alxaawii, Almuhadab Li nawawi, iyo kitaabada kale ee muxtarimka ka ah muslimiinta agtooda oo ahna Laf dhabarta Fiqil Islaamii.

Walaal waxaan kacudur daaranaya inaan lasoo daaho jawaabta, laakiin cudur daar ayaan uleeyahay soo daahidaan.

Alaah ha inaga dhigo kuwii xaqa si fiican u fahma.

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Walaalayaal waxaa khada igaga dhacay xadiithka aakhirkiisa sidaas maaha sida saxa ah waa (fiiri meeshaad kajoogto isagu waa naartaadi iyo janadaadi,yacni waa kaad labadaa mid kamida ku heli lahayd).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
To drwho asalaamu calaykum.
Walaal adigana allaah khyr hakaaga abaalmariyo sida aad ugu daddaalaysid inaad xaqa cadaysid,waxaana allaah kaaga baryaayaa inuu miisaanka xasanaadka kuu saaro, xaqana kugu sugo.

wsalaamu calaykum
walaalkaa simaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu alaikum;

Waxaan xussutey Xadiith kale oo saxiix ah oo larabey inaan hore meesha ugu qoro.

Anbigu wuxuu Xadiith NNKH; Kulukum raacin, wakulukum masuulun can raaciyatihii... Al mar'atu raaciyatun fii umuuri beyti Zawjihaa (ow Beytihaa)... Macnaha Xadiithkani waa siadn, midkasta oo idinka mid ahi waa qof wax raacsiisan, qofkastana wuxuu mas'uul kayahay waxa uu raacsiisan yahay, Qofka dumarka ahi waxay mas'uu;l katahay maamulka gurigeeda (guriga xaajigeeda).

Xadiithkaani waa cad yahay.

Walaal Ismaaciil Alaah adiga hakaa abaal mariyo sida aad xaqa ugu dadaaleysid.

Wasalamu Alaikum,

DrWho

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
To:Dhamaan walaalaha muslimiinta ah.
Walaalayaal ilaahay maalin aad u baahan tahiin ha idin siiyo sida aad dacwada iyo xaqa uga gudanaysaan netka dhexdiisa,waxaana idiku boorinaya halkaas ka sii wada,waliba anagoo dhul gaalo oo dhib badan soo galay wax kale lama hayee inta soo booqata somalinetka bal ha laga qaniimaysto.
TO: ANON.
Walaal wiil & gabar kaad tahayba ilaahay meel wanaagsan magacaaga ha ku xuso sidaad magacyadayada halkaan ugu xustay,hadaan anigu iska hadlana koley ma gaarin darajada MUFTI,taaso ah inaan nusuusta ka soo istinbaado ama kala soo dhex baxo daliilka ilaahay ha ina wada gaarsiiyo,balse waxaan kolayba isticmaala waa sida loo badan yahaye TAQLIID,oo ah inaan cid culimada ka mida ku daba xiraado oo daliilkooda kuu sheego intii ilaahay iga garansiiyo,sida ay walaaladayba kuugu sheegeen.
Arinta aan labo u kala qaado, Mida koowad oo adeecidaa waa sida DR WHO & Ismaaciil kuugu sheegeen,NASUUSTEEDIINA waad haysataa hadaad siyaado rabtana NABIGA SCW waxuu gaarsiiyaya shay aan ilaahay mooye cid kale oo xaq u leh jirin, hadii ay suurto gal ahaan lahayd in cid loo sameeyo in looga baahnaan lahaa haweenayda inay ninkeeda u samayso. waxuuna yiri suubanuhu SCW ( HADII AAN CID AMRI LAHAA INAY CID U SAJUUDO WAXAAN AMRI LAHAA HAWEENAYDA INAY NINKEEDA U SUJUUDO)
Mas'alada labaad shaqada guriga sida walaaluhu sheegeenba waxaa haweenayda looga dhigay madax weyne ama mid ilaalisa arimaha gudaha ee guriga oo dhan. shaqadiina ku jirto,hadii nasuusta sida xadiiskii ahaa( WAXAY MAR'ADU AMA HAWEENAYDU GURIGA NINKEEDA KA TAHAY MID LA RAACIYAY MACNAHA MAS'UUL LOOGA DHIGAY)Hadii la helo wax CAAMKA ka sarfiya xukun kale ayay qaadanaysa balse inta aniga aqoontaydu tahay WALAAHU ACLAME anigu ma arag wax caamkas ka soo reeba oo khaas kaga dhigaya inaan hawsha gurigu ku jirin waxa ay raaciga ka tahay.
Waxaase meesha ku jira in la is weydiiyo shaqada guriga haweenta ma lagu siidaynayaa oo ayadaa lehe ha qabsato ama ha iska dayso ninkuna korkaa ha ka soo shaqeeyo miyaa mise waa si kale xaalku?? XAALKU saas maaha ninku shaqada guriga waxbuu ku leeyahay,(WAXAA SUGAN in CAA'SHA RADIYA LAAHU CANHAA la weydiiyay NABIGA SCW SHA'NIGIISA MARKUU GURIGIISA JOOGO,WAXAY TIRI WAXUU AHAA KII U KHIDMEEYA REERKIISA MACNAHA U ADEEGA OO U SHAQEEYA MARKAY SALAADU SOO GASHANA WUU JOOJIN JIRAY OO SALAADA AADI JIRAY)
Nasuustu aad bay u faro badan tahay balse qoraalka meesha oo iska yar awgii intaas baan ku daayay,waxaan asiibay waa FA' MINA LAAHI waxaan isku dhex khalday ama xumeeyayna waa naftayda & shaydaanka ILAAHAY & RASUULKIISUNA BARI BAY KA YAHIIN, WA BILAAHI TAWFIIQ.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.