site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Yaa ka masuul ah caruurta yurub la keenay oo caasiyiinta noqdey???????

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: Yaa ka masuul ah caruurta yurub la keenay oo caasiyiinta noqdey???????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 22, 2000 - 11:04 am
Bal waa iga su'aalee ya ka masuul ah qofkii keenay yurub oo ay uga baxsadeen yiraahdeena xor beynu nahay ee na kala daa haddii kale numberka boliska baan kuu wacayaa oo lugu xeraa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 08, 2001 - 09:35 am
Asalaamu caleykum .

Arrinta ku saabsan caruuraha, waalidku qof uu jecelyahay in uu nolosha kaga sare maro waxaa ka jira ubadkiisa. Bulshooyinka dunida soo marey wexeeyan isku khilaafsaneyn in ummad walba
oo ilbaxnimo gaartey in ey u ilaalineysey caruurteeda. Annagu haddaanu nahay dad Islaam ah,
ubadku waxaanu u aragnaa amaano Ilaahey inoo dhiibey oo aad ku muteysaneysid ama cadaab ama janno. Dhibaatada Soomaali heshey oo qaddar Ilaahey ka sokow ey hebello ina badeen, inaga saarimeyso xisaabta qofka uu mudanayo maalinta
leys weydiinayo qaabkii loo ilaashey amaanadii
Ilaahey. Haddaba haddii garaad yari iyo aqoon xumi ey ina keentey Yurub, haddana aannu aragney
dhaqankii reer Yurub, waxaa la doonayaa
in waalidku uu u arko arrintan mid xilkeeda
isaga u taal. Cidina inooma maqna ceelna inooma qodna. Waxaanse hubaa ineynaan cafiyeynin hebellada dacaska inooga istaagey iyo kuwa maanta
inooga taaganba !

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adiini

Tuesday, January 09, 2001 - 03:05 am
Caruurtu waa mustaqbalka berito, balse waxaad moodaan iney ka midtahay waxyaalaha ugu waawey ee masiibadu inaga haysato, maxaa yeelay haddii aynu nahay dadka ku abtirsado Soomaalida si aad ah ugama fekerno mustaqbalka, inkasta uu ilaahay qadaray waxkasta hadane waxa uu xadiiska nabigu ahaa SCW ratiga dabar kadibna tawakal ilaahey. waxaan keenay dadkii dabaqaban lahaa soomaaliya dhulka gaalada kuna tayo beeleen, waxaan aaminsanahay waxaa sabab u ah labo sababood oo muhiim ah.

1- Jahliga. kaas oo ah mid haysta dadkeena soomaaliyeed, markii aan leeyahay jahli u lamajeeda qofka aan wax qori karin waxna aqrin karin balse waxaa jira dad jaamiciyiin ah oo jaahiliin ah, waxaana ugu wacan waa kuwo kafakera waqti gaaban ee aan ka faa iideysanin maskaxda uu ilaahey siiyay. marka ilmaha la keenay dhulka gaalada waxay ka shidaal qaadanayaan guriga, waxaa jira ilmo badan oo ka tagay iskuuladii maxaa yeelay ma helaan wax guryaha ku caawiyo iyadoo dhinaca kalena ay ka jiidanayaan bulshada cusub iyo caadooyinkooda soo jiidanaya dhalinyarada yaryar.

2- waxaa jiro dad badan sida loo badanyahayba oo keenay ilmo aysan dhalin, markaa waxaa adkaanaya xukunka iyo maamulka ilmaha


waxay ilatahay anigu waxaaa ilmaha uguwacan guriga
ee hala daayo ilmaha islaameed ee lakeenayo qurbaha ayadoo alaga fikirayo amuu waxtaraa ciddiisa balse waxaad ogsoonaataa aqristow ilaahey baa kafaala qaaday wixii aad cuneysaan qofna kaama qaadi karo wax aad xaq uleedahay, marka haladaayo ilmaha islaameed ee lakeenayo qurbaha kadibna kuhalaabaya.

iga raali ahaada waa fikradeyda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABUZAID

Saturday, January 13, 2001 - 04:35 pm
GEERIDII NAXDINTA LAHAYD EE SHAIKH MAXAMED IBN CUTHAYMIIN.
Waxaa si is dabajoog leh u imaanaya wararka ku saabsan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid (Al Shaykh Maxamed Ibn Salax Alcuthaymin)Allah naxriistii jano haka waraabiyee oo ku geeriyooday magaalada Jeddah.Waxaa maalintii Khamiistii salaada casir kadib ayaa masjidka xaramka ee Maka loogu tukaday salaada Janaasada, waxaana lagu aasay isla magaaladda Maca.
Idhuhu wey ilmeynayaan...qalbiguna wuu murugaysanyahay anaguna aadbaan ugamuragaysanahay geeridaada sheekhayniyow.
Shaykhu qofaan garanaynin wuu yaryahay!Wuxuu ahaa midkamid ah culimadii waa waynayd ee Islaamka ee qarnigan.

Sheekhu wuxuu noloshiisa inteeda badan siiyay wax
barida iyo fidinta diinta Islaamka,mudadii uu xanuunka hayay xataa kama uu baaqan casharadii iyo muxaadarooyinkii joogtada ahaa ee uu bixinjiray..Wuxuu ahaa qof waqtiga aad u dhowra.

Sheekha wuxuu aqoon dheer ulahaa culuunta(tafsiirka Quraanka,fiqiga, iyo usuusha fiqiga..
Suaalkastoo qaybahaa ka timaadana jawaab ayuu ka bixin jiray....
wAXAAN ALLAAH UGU DUCAYNAYNAA INUU ALLAAH KAWARAABIYO JANADII FIRDOWSA...AAMIIN AMIIN AMIIN.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.