site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SAGOOTINTA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Ramadan: SAGOOTINTA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Tuesday, December 26, 2000 - 07:55 am
Assalaamu Calaykum
marka hore waad salaaman tihiin dhamaan walaalaha muslimiinta meel walba aad joogtiin waxaan idin leeyahay ciid wanaagsan (taqabbala allaahu minnaa waminkum)
walaalayaal waxaan beejkaan u furay in aan kawada faa'iidaysano maadaama ay cawada iid tahay.
walaalayaal waxaan gudanay tiir ka mid ah tiirarka islaamka oo ah soonka bisha ramadaan ilaahay hanaga wada aqbalo, maxaa laga rabaa qofka muslimka ahi dhamaadka bisha ramadaan? walaalayaal wuu fara badan yahay waxyaabaha laga rabo qofka muslimka ahi dhamaadka bisha ramadaan hadii aan u sameeyno nambaro.
1- zakaatu fidri, oo ah madax walba ama qof walba saac oo badar ah oo u dhiganta 3kgr. waxaa laga bixinaayaa yar iyo weyn rag iyo dumar waayeel iyo kii saacad ka hor dhashay, waxay ku egtahay waqtigeeda ilaa salaada ciida laga galo.
2- maalinta ugu danbeesa ee bisha ramadaanka marka uu dhaco qoraxda in takbiir uu bilaabo qofka muslimka ah ilaa qoraxda ay ka dhacdo ee maalinta ciida, takbiirta sida loogu dhawaaqayo waa allaahu akbar allaahu akbar allaahu akbar laa ilaaha ilaa allaahu allaahu akbar allaahu akbar walillaahi alxamdu.
3- subaxda iida waxaa sunna ah in qof walba waxa uu aboodi karo oo ah dharka qurxoon in uu libisto.
4- waxaa kaloo sunno ah in wax la afgashto inta aadan salaada soo aadin.
5- waxaa kaloo sunno ah in salaada iida lagu tukto meel fagaaro ah oo aan lagu tukanin misaajid.
6- waxaa kaloo sunno ah in gabdhaha iyo naagaha iyo kuwa macduurka ah dhamaan in ay wada yimaadaan meesha lagu tukanaayo oo ay ka qayb qaataan takbiirta iyo khayraadka ka soconaayo meeshaas.
7- waxaa kaloo sunno ah in qofka uusan ku soo laabanin dariiqii uu ku aaday salaada.
8- waxaa kaloo sunno ah in qaraabada laxiriiriyo.
9- waxaa kaloo sunno ah in laysku tahniyadeeyo oo layku yiraahdo (taqabbala allaahu minnaa waminka).
10- waxaa kaloo sunno ah in sadaqo labaxsado maalmahaas oo dhan.
ilaahay ha inaga dhigo kuwa wax maqla oo ku camal fala.
qofkii intaa wax ku kordhinaaya ku soo dhawaaw beejkan.
wassalaamu calaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.