site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MA ANNAANAN DIINTA AQOON, MISE WADAADADA?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MA ANNAANAN DIINTA AQOON, MISE WADAADADA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyaar

Unrecorded Date
MA ANNAANAN DIINTA AQOON, MISE WADAADADA? Waxaan arkaa wadaad dirsanaaya taleefan bug ah, ama wadaad Metro-ha ku goynaaya, ama wadaad gurikale kadhigtay adreeskiisa, ama wadaad qaadanaaya deen (intress) ama wadaad dad xamanaaya, ama qabiilkale ximinaaya, ama wadaad dowladda dhacaaya, ama wadaad lacag xawilaaya oo xisaabxir qaldan dowladda...........ugudbinaaya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdilkarim

Unrecorded Date
To Aqyaar

Marka hore sallaamulaah calayk

Jawaabtu waa maya adugu maqaldanid, wadaadadiina waxay u dhaqaaqeen budhcadnimo waxyarmooyaane!.
Waxaan arkay qaar wadaadnimo sheeganaya islamarkaana samaynaya wayaabihii ay diintu inaga xaarantimaysay. Tusaale aan kusiiyo Aqtaarow.

Waxaan arkay wadaado u sheegay dawlada in ay haweenkoodii fureen islamarkaana saxeexay warqadihii sabareeshinka, runahaana u jeedadoodu tahay in ay dawlada dhacaan. waxa taa kasii daran iyagoo haweenkooda qarsiimo u ladagan(kaqarinaya dawlada), ubadna kadhaly. Waxaan isway diiyaa in ubaadkaasi xalaal yihiin. sida ay iila egtahay waa tobig u baahan in laga falan qoodo.

ILLAAHAY KHAYRKA HA,INA WAAFAJIYO, AAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
To:Aqyaar&C/ Kariim.
Runtii waxaad is lahaydeen wax sheega balse waxaad ku dhacdeen jariimo ama danbi weyn.waxaad wax ka sheegteen mujtamac dhan oo muslimiin ah,waxaan aad qorteen hadaad caycayaar u qabtaana ilaahay hortisa waa la idin waydiin,dad bad xan ku sheegayseen idinkaase wax xantay,xanta hadaydnaan aqoona NABIGA SCW baa fasiray waxuuna yiri:WAA KU SHEEGIDA WALAALKA WAXUU DHIBSANAYO,WAXAA LA YIRI HADUU SAAS YAHAYNA,WAXUU NABIGU SCW YIRI HADUU YAHAY WAAD XAMATAY,HADII KALANA KABA DARAN OO WAA BEEN ABUUR.
Markaa nimanyahow arin weyn baad ku dhacdeene markaad mujtamac dhan wax ka sheegteen ee hadad dadkaad tilmaamaysaan oo dhan ka cafis dalbi kartaan na cafiya dhaha,hadii kale xasanaadkiina ayaa loo jaraya xumaantoodana dusha ayaa la idinka saaraya qiyaamaha.
Mida labaad yaa dadka xisaabiya idinka idin yiri malaa'ig baaba ilaahay u dirsadaye,hadaad naftiina xisaabisaan baad buro sidaan ee naftiina iyo ceebaheeda sow idinkama badna.
Mida sadexaad hadaad dad gooni ah xumaan ku aragteen ugana nasteexaynaysaan waxaa fiican si asluubaysan wax ugu sheegtaan idinkoo waxyaabahaasi inay xaaran yihiin sheegaya qofkii ku dhacana uga digaya,hadaad aqoon diineed leedahiina nasuusta ama daliilkeeda saaraya ee waxay ani ila tahay aan meesha la imaan.
Ugu danbayntii anigu waxaan wadaad u aqaan qofkii ilaahay & rasuulkiisa adeeca diinta islaamkana ku dhaqma, inuu gaf ka dhacana uma diidani waayo mid la ilaaliyay maaha saxaabadii rasuulka SCW, oo waliba nabigii suubanaa dhex joogo ayaa qaarkood sinaysan jiray, qarkoodna khamrada cabi jiray kuwana wax xadi jireen.markaa qofku danbi uu galay diintiisa iyo wadaadnimadiisa kuma waayayo,ee ilaahay ha u dhaafo wadada xaqana ha tuso,kaan waxuun ku aragnana anagoon caayin ban uga nasteexaynayna.idinkana waxaan idiinka digayaa inaad idinkoo wax toosiya ama qolo dadka tusa is leh wax ka daran ku dhacdaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalid

Unrecorded Date
Fikradda uu Miskiin halkan ka dhiibtey baan 100% taageersanahay. Waxa qura oo aan intaa ku biirin lahaa oon uga digi lahaa Soomaaliweynta inay ka digtoonadaan in arrimaha leysla meel dhigayo ee la falanqeynayo mid guud ah laga dhigin (=No generalization please).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu calaykum.
To Aqyaar.
su'aashaadii ahayd ma aniga ayaan diinta aqoon mise wadaadada? waxaan kaa oran lahaa adiga ayaan diinta aqoon waayo hadii aad diinta taqaan maad qorteen hadalkaa iyo wax la mid ah oo waliba iskulama aadan saxsanaanteen intaad dad oo dhan caydo.
Qofka diinta yaqaan haduu arko qof walaalkiis ah oo dambi galaya waa inuu ogaadaa inuu qofkani bani'aadam yahay oo dambaabi karo,kadibna waxaa ku waajib ah inuu u naseexeeyo oo uu uga digo xumaanta uu samaynayo,waxaa kale oo uu xaq ugu leeyahay inuu sharaftiisa dhawro oo aanu xaman ,ogaadana inay jiraan malaa'ig u xilsaaran hawshan oo ah inay xisaabaan dadka camalkooda.

Waxaan kugula talin lahaa dadka muslimiinta ahi talo ayay iskuleeyihiine inaad iska ilaaliso inaad dadka ceebahooda raacraacdo,waayo sida uu Rasuulku(S.C.W) inoo sheegay Ilaahay ayaa adigana ceebahaaga raacraacaya,waxaana qof walba xisaab ugu filan naftiisa iyo xumaanteeda .
Arinta labaad ee aan kugula talin lahaa waxay tahay inaadan dadka diinta Ilaahay u taagan, oo u shaqaynaya habeen iyo maalin siday wakhtigooda iyo maalkooda iyo naftoodaba ugu huri lahaayeen diinta ilaahay aadan xumaan aanay lahayn la doonan,hadaad diinta taqaanana waad ogtahay Ilaahay digniinta uu ka bixiyay qofka jecel in dadka wanaagsan ee muuminiinta ah ay xumaani ku soo baxdo ,qof wadaad ah oo aad xumaan ku aragtayna aadan in badan oo aadan garanayninba aadan ucambaaraynin.
Arinta saddexaad ee aan kugula talinlahaa waa inaad ka soo noqotid khaladkaaga ilaahayna u tawbad keentid,aadna isku daydid inaadan arimahaas oo kale aad dib u samayso,waayo adigi bani aadam baad tahay waad dambaabi kartaa.
Arinta afraad ee aan kugula talin lahaa waa inaad diinta baratid.
Waxaa hada iska caado noqotay inay dadku si ay dambiyada u xalaalaystaan ay yiraahdaan wadaadaduba way sameeyaan.
xiise dambe.
Walaalkaaga Islaamka Abdalla(denmark)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdikarim

Unrecorded Date
TO HKAALID IYO ABDALLA

SALLAMU KALAY KUM

AADBAAD U GUMAHADSANTIHIIN FIKRADIHIINA IYO DHALEECAYNTA AAD IISOO JEEDISEEN.
MARKA HORE WAXAY U EGYAHAY IN ARITA MIDGUUD KADHIGAY WAXAAN JECELAY INTAAS LAYGA CAFIYO.
DHINACA KALE WAN SHEEGAY WAA MID JIRTA. SU,AASHU WAXAY TAHAY MA SAXBAA IN QOF WADAAD AHI AMA QOF CAADIYABA AW SAXEEXO WARQADO TAAS AW KU CADAYNAYO IN AY NAAGTII KALA TAGEEN DABADEEDNA AY UBAD KALA DHALAAN?.MXAY DIINTU KAQABTAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyaar

Unrecorded Date
Salaama Caleykum!

Waxaan warqad uqoray, Somalinet, oo aan ka codsaday
iney kasaaraan meesha Su`aashaan aan billaabay anigoo careysan.

Dadkii aan ka careysiiyeyna ha iga raalli ahaadaan.


Aqyaar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-farooq

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Walaal marka hore waxaan jeclahay inaan kugu baraarujiyo inaad ka fakartid intaadan wax qorin, mida labaad shayga miisaan saar intaadan dadka usoo ban dhigin maxaa yeelay waxaa jira dad badan oo aamusnaanta ku fiican balse aan is ogeyn [no offenses]. Walaal ogow in qof walba uu ceeb iyo dhaliil leeyahay il walbana waxaa haboon inaysan eegin mid ka fog ee lafteeda iska bilaado maxaa yeelay ceebta aan leeyahay hadii uu Ilaahey asturo ishaydu inay tan dadka la raacraacdo ma u cuntanto. After all, wadaadadu waa bini'aadan ee ma aha rusul ama malaa'ik se waxaa adiga kuu haboon walaalkaa khaladka ku jira inaad caqli celisid iyadoo ay ku jirto murti iyo waano ka dibna aad Ilaahey u barido inuu ka hanuuniyo oo uu ka saaro. Muslim iyo walaalo waxaa loo yahay isu sheega wanaaga Ummadaana waa waxa ay dadyowgii hore uga fiican tahay waa is-farka wanaanga iyo iska reebka xumaanta.

Waa walaalkaa, iga raali ahoow hadii ay ka xumaatay, caf iyo masaaxana waan codsanayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyaar

Unrecorded Date
To Al-Faaruuq

Waxaan u arkaa inuu hadalkan meel kaataabtay, maxaa dhacay waxa laga garanaayaa sida aad u hadleyso, marka weyba fiican tahay in arintaan ey sii socoto oo aan ka doodno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Nebigu wuxuu yiri ninku wuxuu isga hadlaa kalimad aanu wax dan ahuga jeedin oo naarta ugu hoobto inka badan todobaatan sano in loo socdo,hadaba mujtmac dhan oo culimo iyo awliyo iyo saalixiin ay ku jirto inaad cuntid oo aad baabi,isd waa mid allaah kugula xisaabtamayo, waxaana filayaa hadaad adigu is fiirin ,lahayd wada ceeb ayaad ahaan lahayd laakiin shaydaan ayaa kaa qariyaya ceebtaadi si, uu kuugu mashquuliyo dadkale ceebtooda.

Madiidayo inay dad aan wanaagsanayn jiraan laakiin waa dad yar marka in loo qabto iyga qofkasata waa jariimo iyo dulmi wayn

TO:MIskiin iyoabdalla iyo intii radisayba jazaakumulaahu khayr.
wasalaamu calaykum
ISMAACIIL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaama caleykum waraxmatullaah!

To Al-Faaruuq
Waxa wadaadada qaarkood looga aamin baxay waxaa ku jira adigoo kale. Waxaad isku dhexwadaan wax aanan islahayn, sida hadalkaaga oo kale innaad ceytanto marka hore ama aad dabshido kadibna kusoo gabagabeyneysaa hadal mac waxaadna u eg tahay dayuus rabo innuu dab-ladaminaayo sii shido.

Waa walaalkaa, iga raali ahoow hadii ay ka xumaatay, caf iyo masaaxana waan codsanayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Wadaadada maay ka jawaabaan su'aasha uu qorey Abdikariim (qoraalkiisa labaad)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum Dhamaan


Aragtideyda aan ku darsado moowduuca, su'aasha Aqyaar waxay ahayd "ma anaanan diinta aqoon mise wadaaddada", runtii waa aragti shakhsiyeed, qof walbana waa in lagu xurmeeyaa afkaartiisa wixii macquul ah, waxaan kaloo aaminsanahay in aqoon isweydaarsigu faa'iido weyn u leeyahay dhamaanteenba.

Marka hore Aqyaaroow aynu kala saaro wadaad iyo wadaad xume, wadaadka aan ku tilaamo kan dariiqa quman heysta, wadaad xumahana kan adeegsada magaca wadaadka si uu danihiisa shakhsiyeed ugu fushado.

Aqyaar dadka diinta ku sifeysan waxaa laga gartaa akhlaaqdooda, aqoontuna wax ma tarto haddaan tarbiyo ka horeyn iyo edeb la socota.

Gunaanadkii maaha arrintu aqoon badni ama liidasho ee waa ku dhaqanka akhlaaqda wanaagsan ee ay nafarayso diintu.

WALLAAHU CALAA MA AQUULU WAKIIL.


NABAD iyo CAANO


Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asma

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum
TO: Miskiin iyo Abdalla walaal Illaahay ha idin ka jiseeyo kheyrka iyo radinta wanaagsan ee aad mar walba kula jirtaan kuwa ku xadgudbey diinta iyo inta u nasab sheegata. waxaan Allaah idiin weydiinayaa in uu idin siiyo kheyr aduun iyo mid aakhiro. Waxaan idiin sheegayaa in aan aad iyo aad ugu qanco jawaabihiina, siina wada kheyrka

wasalaamu caleykum
Walaashiin Asma

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.

ASMA JAZAAKA LAAHU KHAYRA JAZAA.
WALAAL NAGALA SOO QAYB QAADO SOONA DHAWOW ILAHAY JANO TIMAARTEEDU DHAWDAHAY HA KU GEEYO RAALINA HA KAA NOQDO.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.