site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wixii dhiig lehoow kaca!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb. 16, 2001): Wixii dhiig lehoow kaca!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliruna

Thursday, January 04, 2001 - 01:48 pm
Assalaamu Calaykum;

Walaal ila akhri

Muqdisho, (Apress)-
Waxaa jira warar isa soo taraya oo ku saabsan in ciidamo xoojin ah oo ka socda dalka Itoobiya ay ka soo gudbeen xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyagoo damacsan inay weeraraan goobo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Ciidammada Itoobiyaanka ah ayaa la sheegayaa inay la socdaan saraakiil Soomaaliyeed iyo weliba ciidamo ay saraakiishaasi soo ururiyeen, kuwaasoo dhammaantood doonaya in qalalaase cusub ka abuuraan gobollada Gedo, Jubada Hoose iyo gobolka Bay.
Warbixinnada illaa hadda soo if baxay waxay sheegayaan in ciidammadaasi ay doonayaan in marka ugu horreysa ay xoogga saaraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo, waxaana la caddeeyey in ciidammadaas oo isku dhafan uu hoggaaminayo Jen. Moorgan iyadoo maalmihii aan soo dhaafnay saraakiil gobolkaas u dhashay oo Muqdisho ku sugan ay cambaareeyeen falkaa uu Moorgan ku damacsan yahay inuu mar kale dagaal kaga huriyo gobolka Jubada Hoose.
Qaar kale oo ka mid ah ciidammadaas ayaa wararku sheegayaan in loo qoondeeyey inay soo aadaan dhinaca waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo inay carqaladeeyaan garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle.
Sahay aad u ballaaran oo shiidaal iyo rasaas isugu jirta ayaa dowladda Itoobiya soo gaarsiisay goobaha ay iminkaba ka deggan tahay dalka Soomaaliya, iyadoo sahaydaas loogu tala galay weerarrada la qorsheynayo in dhowaantan la qaado.
Walaac isa soo taraya ayaa jira oo ku aaddan dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidammada Itoobiya ee ku wajahan guud ahaan dalka Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda ku meel gaarka ah ee dhowaan curatay, warar ku dhow dhow dowladda ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inay dowladda Itoobiya ay xiriir toos ah iyo mid aan toos ahaynba ay la sameeyeen balse dhaqdhaqaaqyada jira ay muujinayaan inaysan tixgelin heshiisyadii ay wada gaareen.
Goobo ka mid ah Waqooyi Galbeed ayaa wararku sheegayaan inay soo fariisteen ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu sheegay inay ilaalinayaan hantida Itoobiya uga soo degaysa dekedda Berbera.
Si kastaba ha ahaatee xaaladahan muuqda ayaa muujinaya inay dowladda Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn xasilooni ka hirgasha dalka Soomaaliya oo maanta runtii ku taagan xilli ay dib uga soo kabanayaan dhibaatooyinkii tobonka sano horey ay ugu jireen, isla markaana ay baadigoobayaan sidii ay xiriir deris wanaag ah ula sameysan lahaa dowladaha deriska ah, iyadoo dowladda Itoobiya ay dhinaceeda ay waddo in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay ka aruuriyeen qaar ka mid ah gobollada dalka ay tababar milateri ku soo siiyaan dhulkeeda iyagoo ku tala galaya in fadqalalo ay kaga abuuraan gudaha dalka Soomaaliya.
Arrintu waxay maraysaa wixii dhiig lahow kaca, waxayna dowladda Itoobiya ay diiddan tahay inay marnaba hirgalaan nidaamka lagu soo dhudbay dalka Jabuuti, iyadoo doonaysay isuna arkeysay in danaha dadka Soomaaliyeed lagala tashado iyaga, weligeedba Soomaalidu ciddii ku soo gardarroota guul kama qaadin, inkastoo tobonkii sano ee aan soo dhaafnay kala qaybsanaan dhanka Soomaalida ah ay jirtay oo ahayd midda sababtay inay Itoobiya ay xorriyad u hesho in goobo badan oo dalka Itoobiya ay si xor ah waxay doonto uga sameyso.
Fursadda Soomaalidu iminka haysato ee ah helitaanka nidaamkaan cusub ee dowladda ku meel gaarka ah waxaad mooddaa inuu yahay fursad la oran karo waa kama dambays waayo adduunweynuhu wuu ka daalay xal u helidda arrimaha Soomaaliyeed, mar haddii maanta nidaamkaan oo ay dowladda Jabuuti naf iyo maalba u hurtay la soo celiyey waxaa loo baahan yahay fara adayg, ilaalin, naf hurid iyo weliba in laga qayb qaato sidii dardar loo gelin lahaa mira dhalinta nidaamkan cusub ee ummadda u soo hoyday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Thursday, January 04, 2001 - 02:01 pm
Soomaliruna

Adeerow beenta naga dhaaf! Ta kale armee amxaarta naloo qaati inay ayagu na xukumaan marba haddii aanagu aan is baabi'inay! Belo sheegga jooji cid wax naga rabta iyo cid na qabsaneyso midna ma jirto! Raalli ahow adeerow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Thursday, January 04, 2001 - 10:37 pm
,,,,Oo Maxay tiri,,tiri se tiri,,kute Soomaali Ruun...Naayaadhaheen Ruuneey Fadqaladan iyo Kharaafiicdan baasee ummadda aad kula dhex meereeysaneysaa jooji si yoon ahayn laguu naqi raggeedii ku helli....


,,,,Dowladdan inoo Curatay ku te,,Dowladda ku Dan Gaarka ihi,,,Wagar oo Soomaali lagu dan gaaraa,, Raggii aan wada niqiinay aafada ay mujtamaca u geysteen,,,Ayax tag baanu maqli jiroo haatan se Afweyne tag eelna reeb,,,Giddi Dabaqoodhigii ee Afweyne Kabaha u siday beysugu habar wacday!!


Diidnay diidnay diidnay
Daalay Daalay daalay
Dabaqoodhi dooni meyno
Dammiin dabakanaax dooni meyno
Dalaal Damiirlaawe dooni meyno
Daniga mid daabacaa dooni meyn0
Dowladda ku dan gaarka ahi dooni meeyno
Diidnay diidnay diidnay
Diidnay diidnayoo diidnay
Inyaw Inyaw Inyaw
Inyaw Inyaw Inyaw


bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliruna

Friday, January 05, 2001 - 05:00 am
Salaan kadib

Galool

Waan ku ogaa weligay inaad AMXAAR tahay

Neefoow kamiini

Neefi kudishey
Kiniini laguu waa

Soomaaliruna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Friday, January 05, 2001 - 07:51 am
,,,,Naayaadhaheen Ruuneey waaxay habaarka,, Inan yar baan ku moodayee Huunno ma Islaan Habaarka maciin mooday baad ahayd.....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.