site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MIN FADLAN MA II SHEEGI KARTAAN -WAN QAL - MADAX SHUB-IWM MA DIINA MISE WAA DHAQAN

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MIN FADLAN MA II SHEEGI KARTAAN -WAN QAL - MADAX SHUB-IWM MA DIINA MISE WAA DHAQAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQOON RAADIS

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM
WALAALAYAAL WAXAAN IDIN WAYDIIYAY MAADAAMA XAASKEYGA EEY SUGEYSO ILMO HADDU EEBE RAALI KA YAHAY WAXAAN KALA GARANEYN RUNTII MAXAA DHAQAN MAXAANA DIIN AH MAXAA IIGU WAAJIB MICNAHA ISLAAN AHAAN MAXAA LA IGA RABAA.
MIN FADLAN HA ILA YAABINA AQOONTEEDA AYAA HALKAAS GAARSIISAN.MAHADSANIDIIN.
CALEYKUM SALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Salaamacalaykum;

Sida badan aqoon raadis waynu wada nahay, markii aan aqriyey qoraalkaaga ayaan jeclaystay intaan aqaan inaan kuu soo gudbiyo haba yaraadee cilmigayga.

Aan ku bilaabo arinka "madax-shubka" waa dhaqan, ay caadaysteen dadka intooda badan. Iyagoo oranaya duco ayaa la bixinayaa dumar uun baay iskugu yeeraan sida somalideena madaxshubka u sameeyaan sida ay ila tahay maadaamaa uu dhaqan yahay uu diin ahayn, qofta dumarka ahi ee uurka leh markasta ayaa ku wanaagsan inay Ilaah barido in Ilaah u soo fudeeyo uurkeeda iyo dhalideeda.

Mida wal-khalka intaan aqoon u leeyahay cunugu markuu dhasho waxaa suno ah in lagu adimo dhagta midig mida bidixna lagu aqimo, in timaha laga xiiro, kadib inta la eg timaha miisaan ahaan oo sadaqo lacag u dhiganta laga bixiyo hadii la awoodo, in la gudo, in loo walkhalo (haduu wiil yahay labo neef haday gabadh tahay hal), waxaana wanaagsan in la sameeyo intaa 7da malmo hore ee cunugu dhalan yahay hadii la awoodi waayo 14maalmo hadii la awoodi waayo ilaa 21 maalmood hadii qofku awoodi waayo Ilaahayba nafna ma ku kalifin waxaysan awoodin. Cunugu magac diiniyan in loo bixiyaa way ku wanaagsan tahay.

way jiraan arimo kale oo kuugu wanaagsan inaad ogaato inta cunuga kuu dhalan si aad ugu sameeyso maadaamaa cilmigaygu uu yar yahay waxaan kuugu la talin lahaa dadka cilmiga leh inaad wareeysato oo aad ka sugin halkaan kaliya in cilmi laguugu faa'deeyo waayo dad wax yaqaan ah iyo kuwo kaleba way iska soo qaraan inaad wada qaadatana adigoo hubin kuuguma haboona, aniga hada intaan kor kuugu soo sheegay sii ogoow intaad samyn oo dad iga cilmi badan waydii oo kitaabka iyo sunada ka baar ka dibna raac.

Hanbalyo adiga iyo xaaskaaga meeshaad joogtaanba.

waxii qalad ah waad saxi kartaan.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Suleeqo Sagaaro Ajarkaaga Ilaahay ha ku siiyo isagoon kaa dhinmin.

Madax Shub waa caado meelo badan oo adduunka ka jirta, xitaa reer galbeedka ayaa leh.

Sida Suleeqo tiri marka ilmuhu dhashaan ayaa dhagta midig looga addimaa tan bidixna looga aqimaa. Haddii uu wiil yahay gudintaanku waa Sunno Adag in la gudo hadaba inta uu isbitaalka joogo ayaa habboon in la gudo. Guditaanka gabdhuhu ma aha arrin Diin ee waa dhaqan laga soo gaaray Faraaciintii hore.

Walqalku waa Sunno Adag. Ilmuhu markay dhashaan waxa ugu horeeya ee ay waalidkood ku leeyihiin waa walqalka iyo in ay magac fiican oo naxariis iyo wanaag leh u bixiyaan. Waa in aad ilmaha dhashay u walqasho xitaa haddii uu dhicis yahay ama uu ku dhinto foosha.

Wixii aad awoodo ugu walqal xitaa hadday Digaag tahay waxaase haboon neef ido ah gaar ahaan Wan. Tirada aad qalayso iyo wakhtiga aad qalayso waa hadba siday kuugu suurto gal tahay.

Waxaan kuu rajaynayaa ubad khayr qaba oo waalid, walaal, dal iyo Diinta Islaamka Anfaca.

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
Walaalaha ka jawaabay JAZAKUMU LAAHU KHAYRA.
Waxaanse ku arkay mar aan qaadanayay kitaab ah (USUULU-FIQHIGA) baab la yiraahdo SHURUUDU MUFTI WAL MUSTAFTI.oo macnaheedu yahay sharuudaha laga rabo qofka dadka wax uga jawaabaya & iyo kan in loo jawaabo raba.
Markaa qofka dadka u jawaabaya sharuud ayuu u dhigayay waxaana ka mid ahaa in uu nasuusta ka soo istinbaadi karo daliilka uuu u baahan yahay.macnaha kala soo dhex bixi karo markaa qofkaas waa inuu arimo badan oo diiniya ku takhasusay sida.
1-QURAANKII, inuu garanaayo alfaadiisi & macnahiisi,isla markaana aad u sii daraaseeyay tafaasiirtii ay saareen culimadu.
2-XADIITHII,inuu garanaayo kutubtoodi sida UMUHAATU SITHA & MASAANIIDA SIDA MUSNADU IMAAMU AXMED & KUWA LA MIDKA isla markaana uu garanaayo MUSDALIXU XADIITHKII si uu u kala saaro xadiithkaani inuu SAXIIX YAHAY IYO INUU SAQIIM YAHAY.
3-Sidoo kale waxaa looga baahan yahay inuu baabab badan oo diinta garanaayo sida USUULU FIQHIGA IWM.si uu xataa u kala garto in naskaani CAAM YAHAY AMA KHAAS AMA MUDLAQ AMA MUQAYID IWM.
Markaa waxaan dhihi lahaa dadka dadka u jawaabaya ha ka fiirsadeen oo ha is jireen.
Waxaa wanaagsan qofku haduusan MUFTI ahay inuu meel iska taqliidiyo macnaha wax nin culumaa qoray ama sheegay uu soo raro asagoo cadaynaya meeshii uu ka soo guuriyay.
WAQTIGA OO AAD IIGU YAR AWGII WAXAAN KU SOO XIRAYAA XADIITHKA KOR KU XUSAN EE ADDAANKA ILMAHA YAR DIB HA LOOGU NOQDO SANADKIISA.
WABILAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQOON RAADIS

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM DHAMAANTIN
WALAALAYAAL AQOONTEEDA AAD AYEEY U YARTAHAY SIDAAS AWGEED IDINKA OO ILA YAABIN MINFADLAN WAAN FAHMAY ADAAMKA DHEGTA MIDIG LAAKIN WAXAAN FAHMIN MICNAHA AQIIMA EE MAXAA LAGA WADAA.
WAXAAN JECLAAN LAHAA HADDEY SURAGAL TAHAY WALAALAYAAL SUNNO ADAG MICNAHEEDA WAA MAXAY.
WAA MAHADSAN TIHIIN
JISAKALLAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Aqoon Raadis kula yaabi mayo oo horay ayaan u arkay dad badan oo aan xitaa Faataxada Akhriyi karin.

Salaadda wakhtigeeda marka la gaaro waa la ADIMA

Allaahu Akbar Allaahu Akbar
Allaahu Akbar Allaahu Akbar

Ash-haddu An Laa Ilaaha Illa Al-Laah
Ash-haddu An Laa Ilaaha Illa Al-Laah

Ash-haddu Anna Muxamadda Rasuulu-Al-Laah
Ash-haddu Anna Muxamadda Rasuulu-Al-Laah

Xaya Cala Salaad
Xaya Cala Salaad

Xaya Cala Al-Falaax
Xaya Cala Al-Falaax

Allaahu Akbar Allaahu Akbar
Laa Ilaaha Ilaa Al-Laah

Marka salaadda loo kacayo waa la AQIMAA (istaagaa) waxaana la dhahaa:

Allaahu Akbar Allaahu Akbar

Ash-haddu An Laa Ilaaha Illa Al-Laah

Ash-haddu Anna Muxamadda Rasuulu-Al-Laah

Xaya Cala Salaad

Xaya Cala Al-Falaax

Qad Qaamati Al-Salaat
Qad Qaamati Al-salaat

Allaahu Akbar Allaahu Akbar
Laa Ilaaha Ilaa Al-Laah

Fal kasta ama wax kasta oo qof Muslimka Ilaahay ku caabudo waxay u kala baxaan labo:

1- Farad oo ah amar toos ah oo Ilaahay ka yimid sida Ashahaada, Shanta Salaadood, Soonka Bisha Ramadaan, Sakada iyo qofkii AWOODA oo Xajka aada.

2- Sunno oo ah ficil ama hadal laga soo gaaray Nebigeenii Suubanaa Calayhi Salaam sida Nawaafisha (salaadaha la ahayn Shanta Salaadood iyo Soonka aan ahayn ka Ramadaan), Cumrada, Sadaqa, Neefka la qalo maalinta ciidda Xajka ama UDXIYADA, qof buka oo aad soo booqato, meed aad wax ka aasto, wadada oo qodax iyo dhalo jabtay iwm aad ka qaaddo.

Hadaba Sunada ayaa sii kala baxda. Sunna Adag waa mid Nebigeenu aad ugu celceliyay hadal iyo ficil labada ama waa Sunno u dhaw Faradka ama culamada qaarkood yiraahdaan waa waajib in lagu dhaqmo.

To: MISKIIN walaal waxaad akhrisaa "Axyaa Culuumu Al-Diin" oo uu Qoray Caalimkii Islaamkaa ee weynaa Ibnu Ghasaali.

Ilaahay Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQOON RAADIS

Unrecorded Date
To.WALAALKIIN
ASALAAMA CALEYKUM WALAAL AAD BAA U MAHADSAN TAHAY
WAANA QORTAY INTAAD II SOO QORTAY ALLAHA IGU ANFACO NAXARIISTA ALLAAHA NA SIIYO.
WAXAAN KU SU'AALI LAHAA WANQALKA WAA QASAB SOO MAHA MAADAMA LA YIRI WAA SUNNO ADAG.
WAAD MAHADSANTAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

AQOON RAADIS walaal Diinta Ilaahay waa mid loo soo dejiyay Naxariista Carruurta Nebi Adam Calayhi Salaam. Ilaahay Shiddo ma abuurin ee qof walba iyo karaankiis ayaa la saaray.

Haddii aad awooddo oo ubadka Ilaahay kuugu manaystay aad u walqali ama u wanqali karto samee.

Ogowse Ilaahay baa ubadka siiyo ciddii uu doono. Qaarbuu Gabdho keliya siiyaa, kuwana wiilal, qaarbuu lab iyo dhedig isugu daraa, qaarna ubad la'aan buu ka dhigaa.

Haddii Ilaahay wiil ku siiyo ha ku farxin, haddii uu gabar ku siiyana ha ka nixi ma ogid midkii kuu khayr roon. Soomaalida maanta gabdhahaad moodaaba inay waalid iyo walaalba u roon yihiin.

Waxa ugu horeeya ee ilmahaagu maqlaan ha noqdo ADINKA sidaan kuu sheegay.

Nebigeenii Suubaanaa Calayhi Salaam wiilkii uu awoowgaa u ahaa Sayidnaa Xasan Ilaahay Raali Ha Ka Noqdee wuxuu ugu walqalay wan keli ah.

Ilmahaaga u bixi magac wanaagsan haddii uu wiil yahay magacyada Ilaahay kuwa sita sida Cabdullahi, Cabdulraxmaan ayaa ugu fiican. Haddii uu curad kuu yahay ama wiilkii kuugu horeeyay yahay u bixi MAXAMED haddii aadan adigu ahayn Maxamed.

Waxaan kuu rajaynayaa adiga iyo xaaskaagaba ubad khary leh oo noqdo kuwii naftooda, diintooda, waalidkood, walaal iyo dalba anfaca.

Ilaahay Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQOON RAADIS

Unrecorded Date
WALAALLKIIN WAAD MAHADSAN TAHAY 100% ILLAH QEYR HA KU SIIYO ANIGA WAXAA LA YIRAAHDA ABDULLAHI WAXAAN JECLAAN LAHA INAAN MAGAC SOOMALI U BIXIYO RUNTI HADDANA WAX FARO KUMA HAAYO.
MAGAC SOOMALI MA SAXBAA MISE WAA QALAD ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Cabdullahi walaal magacii aad jeclaato ayaad u baxin kartaa ubadkaaga. Waase in uusan ahayn magac ilmahaagu hadhow dhibsado ama sidiisa u xun sida Xarbi iwm.

Magacayada Soomaaliyeed sida Jamac, Jimcaale, Guled, Warsame, Hibo, Ayaan, Axado baa ka mid ah.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.AKHII MISKIIN waxaan raba inaan dib uraaco xadiithka aad tiri sanadkiisa dib haloo raaco.

Walaal xadiithka waxaa wariyay TIRMIDI IYO ABUU DAA,UUD matnigiisuna waa sidan (XASAN IYO XUSEEN MARKII AY DHASHEEN AYAA NEBIGU KAGA AADAAMAY DHEGTA MIDIG) waxaa jira senad kale oo IBNU CABAAS laga werinayo.

Kan aqiimiduna waa sidan waxaa werinya IBNU SANI QAYBTA AL-ACMAALU YAWM WALAYL matnigiisuna waa sidan(QOFKII ILMIHIISA KAGA AADAAMA DHEGTA MIDIG KAGANA AQIIMA DHEGTA BIDIX ILMAHAAS MA DHIBTO UMU SIBYAAN waa naag jinka kamida)

Hadaba walaal sidaad lasocoto axaadiithstu qaybo faro badan ayay ukala baxaan marka qaybta aan dul istaagaynaa waa axaadiithta daciifka ah oo u kala baxa qaybo faro badan.
Shaad.
qof mudalisa kuu weriyo
Daciif
Munkar
Matruuk
Mawduuc
Hadaba walaal hadaan usoo noqdo xadiithka hore ee uu warinayo TIRMIDI waaa xadiith daciif ah waxaana senadkiisa ku jira nin layiraahdo CAASIM IBNU CUBAYDILAAHI waa nin munkarul xadiitha marka xadiithkiisu waa daciif jidan oo ah munkar,Imaam Maalik wuxuu yiri isagoo kahadlaaya shucbah oo ahaa nin aad ugu adag xaga raga uu kaweriyo (shucbihiinu raga aad ayuu ugu adag yahay wuxuuna ka werinayaa caasim oo ah nin weriya manaakiirta.

Xaafid ibnu xajar wuxuu ku yiri kitaabkiisa rijaasha oo layiraahdo TAQRIIB(CAASIM AXAADIITHTIISU WAA DACIIF) waxaadna kaheli kartaa MAJMACU SAWAA,ID (NUURADIIN HAYTHAMI)NASBU RAAYAH(XAAFID ABUUBAKAR SAYLICI) IRWAA AL QALIIL.MISHAATUL MASAABIIX IYO KUTUBAHA DIB LOOGU NOQDO ASAANIIDA.

Amaa xadiithka iqaamada waa kadaran yahay waana mawduuc yacni waa mukhtalaq, masdaradaaan kuu sheegay ayaad ka heli kartaa.

Marka aadaamku wax mashruuc ah maaha.
Wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.

To: Ismaaciil:

XAYAAKA LAAH!!war ismaaciilow waad iga soo daahisay war kutub waqti aan ku fiiriyo waan waayay alow saan ha nagu dilin, waxaan dareensanaa inuu daciif ahaa, marka waan shakiyay oo waxaan is iri ha degdegin,oo khatar ha ku dhicin. war ninyahow waad iga fiican tahay, oo iga aqoon badan tahaye, bal axaadiista sanadkeeda mar kasta soo baar.

Mida kale dadka halkan soo gala aan wax aan soo xaqiijinay u sheegno, yaanan la boodin, markaa xaga sanadka baan kugu qaybiyay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
TO:Miskiin
Walaal allaah khayr hakuugu badalo wanaagaaga,Walaal aad ayay u wanaagsan tahay in xaqa laysugu kaalmaysto,marka walaalow kaama qaoon rooni arinka aad igu qaybisayna waa inoo wada yaalaa waayo full time ayaan hada shaqeeyaa waa dareemi kartaa.

Marka walaal wixii iSkaashi ah waa u wada joognaa in sha allaah
wasalaamu calaykum
ismaaciil

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.