site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

LOOXUL MAXFUUD!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): LOOXUL MAXFUUD!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Markaad Ilaahay awooddiisa aaminto uma baahnid in lagu qanciyo oo waxaad hubtaa in wax kasta oo ku salaysan Kitaabka Ilaahay iyo Sunada Nebigeenii Suubanaa Calayhi Salaam yihiin Xaq.

Nebi Ibraahiim Calayhi Salaam ayaa weydiistay in Ilaahay tuso sida uu u noolayn karo naf dhimatay. Ilaahay isagoo wax walba og oo aan u baahnayn in uu Nebi Ibraahiim wax waydiiyo ayuu ku yiri: "Oo miyaadan Aaminsanayn?" Nebi Ibraahiim Calayli Salaam wuxuu ugu jawaabay Ilaahay: "Ilaahayow waan aaminsan nahay ee naftaydaan ku qancinayaa!"
Waxaa la faray in uu shimbir afar u kala gooyo oo afar buurood oo kala fog midba qayb shimbirta ka mid ah saaro. Ka dibna uu u yeero shimbirtii. Waxaa Ilaahay Nebi Ibraahiim u sheegay in ay u iman doonto.

Hadaba weligaa ma is-weydiisay sida Ilaahay khalqigiisa oo dhan mid dhintay, mid nool iyo mid dhalan doono uu u og yahay? Waa maxay LOOXUL MAXFUUDKA ay ku qoran yihiin axwaasha khalqigoo dhan? Looxuse intee le'eg yahay?

Jawaabtu habboon waa Ilaahay oo keli ah ayaa og.

Hase yeeshee si aad u qanacdo waxaad tusaale u qaadataa "CD." Haddii addoon Ilaahay abuuray uu boqolaal, kumannaan ama malaayiin bog uu ku qaydin karo CD aan calaacashaada ka weynayn oo markuu uu doono ilbiriqsi in ka yar uu ku heli karo waxa uu raadinayo MAXAAD MOODDAA AWOODDA ILAAHAY.

Walaal CD la mid ma aha umana dhigmo mana gaari karo LOOXUL MAXFUUDka ee waxaan kuu tilmaayaa si naftaadu u qanacdo haddii aad mar is-weydiisay ama aad aragtay dad shaki ka qaba awoodda Ilaahay.

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaad

Unrecorded Date
Walaalkiin: Waad ku mahadsantahay xasuusinta Ilaahay (SWT) awoodiisa, iyo wax walba oo dhaca Qadar iyo Qadaa in ay ku dhacaan oo Looxul Macfuud ay ku daabacan yihiin, suaalaha badan: maxaan sameyn doonaa, maxaan dhisi doonaa waxaa ka wanaagsan Tawakal Cala Laah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Samaad walaal adaa mudan. Walaal Ilaahay wuxuu na faray in aan fakarno, rogrogno oo "Markii aad Go'aan gaarto Ilaahay TALO "Tawakal" saarato." Taa micnaheedu waxaa weeye in adigu marka aad fakarto oo aad wax weydiiso dadka kaaga aqoon roon waxa aad raadinayso, baarto, lafa gurto, bislayso oo markii naftaadu ogolaato aad ISTIKHAARO tukato oo aad Ilaahay TALO saarato.

Haddiise aad tiraahdo wax walba waa QADAA wal QADAR waxba kuuma qabsoomayaan.

Waxaa la yiri nin tuug ah ayaa wakhtigii Sayidnaa Cumar Bin Khataab Ilaahay ha ka raali noqdee la soo qabtay. Waxaa lagu xukumay in gacanta laga gooyo. Wuxuu yiri: "Amiir Almuminiin" wuxuu ula jeedaa Sayidnaa Cumar, "maxaa gacanta la iiga goonayaa waxaan wax u xaday waxay ahaayeen QADAA wal QADAR oo Ilaahay baa gartay in aan wax xado?"

Siyadnaa Cumarna wuxuu ugu jawaabay: "Annaguna gacanta waxaan kaaga goynaynaa waa QADAA wal QADAR oo Ilaahay baa kuu gartay in gacanta lagaa gooyo."

Waan sinaystay, wax baan xaday, ma shaqaysan, naf baan gooyay kaa bixin mayso Ilaahay baa sidaa ii gartay ee ciqaabteeda ayaa lagu marin.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaad

Unrecorded Date
Walaalkiin, Looxul(baord)Maxfuud macnihiisa sow maaha in wax walba qofka sameeyo aan saameyn ku yeelan karin go'aanada lagu qoray Looxa! laakiin waa runtaa in Ilaahay(SWT) uu na faray in aan Fakarno, rogrogno, lafagurno, dadka aqoon u leh lala tashto, turxaan bixino, ilaa fakrada cusub ay ka bislaato, kadibna Ilaahay la tawakalo; laakiin dadka intiisa badan samirkaas ma laha; qof walba wuxu rabaa wuxu xalay ku riyooday, maanta inuu fuliyo usagoon Tawakal suubin. Degdegta badan waa camalka Shayaadiinta. wal ciyaadu Bilaah.

Kheyr bey ahaan, Ilaahay idinkiis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Samaad waa runtaa deg degtu waa shaydaan hawshii Ilaahay baan ka magan galnay.

Carruurtii Nebi Adam Calayhi Salaam waa kuwo tabar daran oo kaadsiimo xun. Markay kufaan waa kuwo oohin badan, markay dhergaanna waa kuwo kibir badan.

Ilaahay Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaad

Unrecorded Date
Nabadda Eebe Alle Korkiina Ha Ahaato
Walaalkiin, Jisadiina Jisso Kheyr. jawaabta aad ka bixisid su'aasha Al- Qadaa wal Qadar waa macquul waxay ku saleysan tahay fasiraad caqli gal ah<c/mon sense>, sababto ah Eebe oo na siiyey aqli iyo maskax lagu kalo saaro wixii qofka diintiisa iyo naftiisa u xun ama u fiican. Wixii nafteyda u xun diinteydana waa u xun tahay; wixii diinteyda u xun nafteydana waa u xun tahay. Aniga labadaas nolosha 'fiican' iyo diinta makala saari.

Laakiin, walaalaheyga diinta iga badiya waxan weydiin lahaa LOOXUL MAXFUUD wax matal loogu soon qaadan karo; Looxul Maxfuud markan akhriyo waxaa maskaxdeyda ku soo dhaco Looxa(board) ciyaalka dugsi quraanka ay wax ku qortaan.

Tubta Toosan Allah Nagu Toosiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum:
Walaal allaah khayr gacanta hakuu geliyo.
Diinteenu waa isdhiibid la iSdhiibo
Arinkaas hadaan kaaga jawaabo waxaa jira qayb waxlayiraahdo oo allah inoo sheegay waana waajib inaan rumayno sida naarta janada marka looxal maxfuusku waa lamid waa waajib inaad rumaysid laakiin siduu yahay allaah ayaa yaqaan waxkasta oo qalbigaaga kusoo dhacana waa kaduwan yahay waxlagu sifaynkarana majiraan qofkii yiraahda waan sifayn wuxuu sheegtay inuu cilmu qaybka yaqaan
Marka rumay unadaa kayfiyadiisa allaah
Wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaad

Unrecorded Date
Salaanta Eebe Alle korkiina ha ahaato
walaal Ismaaciil, Eebe Kheyr gacanta ha noo wada geliyo, aamiin, kheyrka Eebe waa lama huraan. Jissadaada Jisso Kheyr jawaabtaada waa cadahay; wax laga cabir qaadan karo ma jiro ayaad tiri, laakiin tafsiirka quraanka waxaan umaleynayaa in uu wax uun ka sheegay, marka ma naga jaahil bixin kartaa arrintaas mise waa in loo rumeyeeyo suu u qoran yahay su'aal la'aan.
Tubta Toosan Allah Na Waafajiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mususoow

Unrecorded Date
salaamu c/wLaahi/w

walaalayaal waad ku mahadsantihiin sida aad noogu faaiidayseen Ilaahay ha idinka abaal mariyo. Walaalayaal waxaan idin waydiinayaa dhowr su'aalood
1- hadii aad macsi samayso alana danbi dhaaf aad waydiisato hadana aad marlbaad aad ku noqoto isla macsidii oo aad marlabaad samayso maxaa ila gudboon inaan sameeyo?

2- hadii aad lacag xado oo dhulka aan joogana ayna ahayn dhul islaam maxaa ila gudboon inaan ku dhaqaaqo?

3- salaada subax marna waan kacaa oon hadana kulaabtaa hurdada anigoo isku sheegaaya hadhow baad tukan doontaa.Marna hudada ayaa ilatagta?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.