site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Su,aaal i caawiya walalayaal

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: Su,aaal i caawiya walalayaal
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Sunday, January 14, 2001 - 03:53 am
walaalyaal su,aashaan i caawiya.yaa kuu xaq badan markii ay kuu sinman ninkaaga iyo hooyadaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nur

Sunday, January 14, 2001 - 08:13 pm
Walaal Nimco

1. Ragga waxaa ugu xaq badan hooyadood

2. Haweenka waxaa ugu xaq badan ninkooda

3. Gabarta aan la guursan waxaa ugu xaqbadan hoyadeed.

4. Ragga waxaa ugu xaq badan hooyadiis, iyo aabbihiis oo maalkiisa asaga ka xiga.


Axaadiith iyo aayaat quraan ah ayey ku dhisan yihiin mabaadidaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Monday, January 15, 2001 - 07:13 am
mahadsanid nur.
walaal ka soo qaad waxan ahey gabar la qabo ninkeyga iyo hooyadey baa is mar qabow nowdey, yacni gabadha la qabaa wey dhalin yartahey, ninkeeda ilmo badan xilkiisa kala wareegey bey leedahey balse hooyadeed baa aad ugu baahan, ninkeeda wey ka tagtey si ay hooyadeed u caawiso,sidy kuula muuqataa arintaas?mahadsanid jawaabta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Monday, January 15, 2001 - 07:16 am
mahadsanid nur.
walaal ka soo qaad waxan ahey gabar la qabo ninkeyga iyo hooyadey baa is mar qabow nowdey, yacni gabadha la qabaa wey dhalin yartahey, ninkeeda ilmo badan xilkiisa kala wareegey bey leedahey balse hooyadeed baa aad ugu baahan, ninkeeda wey ka tagtey si ay hooyadeed u caawiso,sidy kuula muuqataa arintaas?mahadsanid jawaabta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nur

Tuesday, January 16, 2001 - 09:01 pm
Walaal
Nimco

Ninkaaga Allah qalbigiisa geliyo Salitul Raxim. Aamiin.

Adigana Allah bari inuu ninkaaga dareemo jeceylka hooyadaa iyo ka naxiddeeda.

Sabir, u Sabir rabbigaada, Guurkaagana ku dadaal, guri duma waa musiibo weyn.

Ninkaaga aad raalliyo ugu noqo si uu isagana u qaddariyo dhibka kaa heysta hooyadaa.

Salaadda iyo cibaadada iyo ducada badi.

Istiqfaarka badi, si aad mixnaddaan imtixaanka leh uga baxdid.

Rabbanaa, la tuxammilnaa maa laa daaqata lanaa, wa aghfir lanaa, wa arxmanaa anta mowlaanaa fansurnaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Wednesday, January 17, 2001 - 12:53 pm
Nimco

Walaal si wanaagsan buu kuula hadley walaalkeen Nur, waxaanse u maleynayaa in aad jeclaan laheyd inaad hesho jawaab leh, ninkaaga ama hooyadaa.
Marka in kastoo aan garaneyno waajibaadka guud ahaan, waxaan jeclaan lahaa inaad sii faahfaahisid dhammaan ammuurta siday tahay ama aad leedahey haddey ahaan laheyd, tusaale:
1. Labada isqabtaa ma isku raacsan yihiin caawinta hooyadaas kaalmada u baahan? Haddiise isku raacsan yihiin, maxaa hortaagan kaalmadooda?
Mase waa isku diidan yihiin in la kaalmeeyo hooyadaas?
2. Maxaa hortaagan in gabadha xaaska ahi soo kaxeysato hooyadeed oo la noolaato ilmaha ayeeyada u tahay.
3. Haddey qasaab tahay in la aado hooyadaas kaalmada u baahan, muddo intee le'eg bey qaadaneysaa in lala soo joogo, micnaha arrintu ma degdegbaa mase mid furan.
4. Intee le'egtahay baahida reerka, carruurta iyo ninkeedu u baahan yihiin in aan laga tagin, micnaha carruurtu ma dad waaweynbaa mise waa yaryar baahidoodu la mid tahay tan hooyadaas.
5. Ma jiraan wax go'aammo ama ra'yi soo jeediyeen dadka qaraabada, culumada, ama adinkaba ee talo looga baahan yahay.
6. Sidee yahay dhaqaalaha, xaaladaha kale iyo waqtiga qoyska iyo hooyada kaalmada u baahanba.

Markii intaas iyo kuwo badan oo la mid ah la hubiyo baa la gaari karaa in ogaan la siiyo gabadhaas iyo sidey wax yeeli laheyd, balse hadda waa adagtahay in la yiraado: ninkaaga ama hooyadaa baa xaqa koowaad kugu leh raac.

Haddii su'aashu kugu weyntey oo aad ka soo wada jawaabtid su'aalahan, waxaan marka kale u deynayaa jawaabta walaalkeen Nur si uu u dhameystir mar kale.

Illaahey xaqa ha nawaafajiyo!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Sunday, January 21, 2001 - 11:40 am
Aadan:
walaal waad mahadsan tahey caawimaadada.su,aasheydu waa sidantan labada qof ee isqaba waxey isu leeyihiin ilmo waaweyn. gabadha ninkeeda iyo hooyadeedba waa 2 qof oo sheyb ah oo u baahan in loo shaqeeyo, balse gabadha hooyadeed iyadaa u cida, ninkuna ilmo waaweyn buu leeyahey oo la wareegi kara xilka ka saaran aabahood. markaa xaaskii waxey la joogtaa hooyadeed oo ninkeedee ilmihiisaa caawiya, marka yacni hadii ninkeedii wax ka kaafiya ay heshey, iyaduna ay hooyadeed oo iyada uun ilmaheedii kala joogaan u hartey.waxey ila tahey in waajibkii ninkeeda ka saarnaa aysan dayicin, ee ay tahey in laba arimood oo adag ay la kulantey.caawimada ay hooyadeed caawineyso ma aha mid bil ama laba ah ee waa intii ilaahey midkood oofsado maadama hooydeeda cadka ah ay ku jirto gacanta gabadheeda caawineysa.marka sideed arintaas u aragtaa??
wabilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Thursday, February 01, 2001 - 08:07 am
to nimco
assalaamu calaykum
salaan ka dib abaayo raali iga ahow daahista jawaabteyda oo aan kaala daahay,abaayo aad ayaad u mahadsan tahay sida weyn oo aad uga murugsan tahay waajibaadka kaa saaran labada dhinac.
abaayo sideedaba qofta dumarta ah markii loo bandhigo ninkeeda iyo waalidkeeda waxaa xaq badan ninkeeda laakiin hadii waalidkeeda uu xanuunsan yahay oo ninkeeda ay kafaala qaadi karaan noloshiisa iyo daryeelkiisa ilmaha uu dhalay, oo uu u fasaxay in ay waalidkeeda ay la joogto ilaa uu ilaahay ka caafiyo markaas wax danbi ah kuma laha in ay lajoogto waalidkeeda ilaa uu ilaahay ka caafiyo maadaama uu ninkeeda uu ku ogyahay ama uu asaga fasaxay.
ilaahay garabkaaga ha galo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.