site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

REBO MIYAA IN GURI DAYN LAGU GATTO?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): REBO MIYAA IN GURI DAYN LAGU GATTO?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Qaran jabka ku dhacay ummadda Soomaaliyeed wuxuu keenay in ay u qaxaan dhul looga dhaqmo dhaqanno iyo diin kale oo aanay horay u arki jirin.

Haddii aad rabto in aad guri dhisato tag dawladda hoose si dhul loogu cabiro. Markaad waraaqaha dhulka heshid u tag FUUNDI aqal kuu dhisa. La heshii baabuurta dhagaxa iyo ciidda qaada. Soo gado shaminto, laamo yeeri (jingad), nuurad, masaamiir, bulukeeti, biyo, iyo alwaax. Dhag guri baa kuu taagan.

Waxaa laga yaabaa in aad intaba dayn iyo deeq iyo mararka qaarkoo laaluush iyo boob aad ku heshay hase yeeshee REBO ama faa'ido ka faa'ido maadan maqal.

Reer Galbeedku ma laha dad deeq siiya ama qaaraan u uruuriya. Laaluush iyo boobkuna aad buu ugu yar yahay oo ma aha wax lagu dhaqmo. Waxayse helaan dayn la saarto faa'ido ama RIBO.

Haddii aan tusaale u soo qaato ka dhig in aqalku joogo $100,000. Bangi ama shirkadaha daynta guryahay bixiya (mortgage) ayaad u tegi oo i dhihi waxaan rabaa in aan guri gato ee dayn ma i siin kartaan. Haa weeye jawaabtoodu laakiin ma ii sheegi kartaa dakhligaaga?

Mortgage micnihiisu horta waa (Mort) oo ah dhimasho iyo (gage) oo ah carbuun. Sida kuu muuqata waxaad carbuunan tahay xitaa markaad dhimato ka dib.

Marka shirkaddu ku qanacdo in aad haysato shaqo joogta, dakhli kugu filan, in aadan horay u bixin waayin daymo kale, in aad si joogta ah kiradaa meesha aad 12 bilood ee ugu dambeeyay aad daganayd, in aan dayn faro badan aan lagu lahayn ayay waxay kuu sheegi in ay dayn ku siinayaan haddii aad soo hesho aqal.

Qiimaha aqalku waa in uu ka badan yahay ama la mid yahay daynta. Waa in uu hoyigaaga noqonayo. Waa in uu caymis ku jiro. Waa in uusan ku jirin meel dawladdu u qorshaysay in la dumiyo ama uusan ku jirin shuruudo kale.

Weli sii Akhri.......

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Ilaahay wuxuu Qur'aanka noogu sheegay in Ribadu tahay xaaraan. Ribadu waa dayn la dulsaartay faa'ido faa'ido. Bal fiiri $100,000 dayn ah sida ay Ribadu ka dhigayso.

Dayn : $100,000
Faa'ido: 7.85% (boqolkiiba 7.85)
Muddo : 30 sano
Bishii inta aad bixinayso : $723.33
Faaidada fuushay lafaha : $160,400
Qiimaha aqalka (Daynta+Faa'ido): $260,400

Sida halkaa kaaga muuqata qiimaha dhabta ah ee aqalka wuxuu noqonayaa $260,400 haddii aad bil walba muddo 30 sano ah aad bixiso $723.33 ($723.33 X 36 bilood = $260,400).

Hadaba si way kuu caddahay in lagu dulsaaray faa'ido faa'ido aad u faro badan oo ka badan lafihii ama dayntii aad qaadatay boqolkiiba 160 jeer.

Intaa waxaa ku dheer daryeelka iyo dayac tirka aqal oo aad mas'uul ka tahay. Haddii tuubo jabto, ama saqafku dumo adigaa ka mas'uul ah.

Miyayna sidaas xaaraan ahayn? Jawaabtu way muuqataa.

Bal aynu fiirino in ay dhaanto aqal la KIRAYSTO.

weli akhri.....

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Haddii aadan ahayn qof "cayr" qaadanaya oo dalka uu martida u yahay ayna siinayn hoyi waxaad u baahan tahay aqal aad tagto.

Nooc kasta oo uu yahay aqalku waxaad u baahan tahay in aad tagto xafiiska laga kireeyo guryaha. Waxaad buuxinaysaa dalab ama arji aad ku weydiisanayso in aqal lagaa kireeyo. Waxay u badan tahay in aad lacag ku lifaaqdo dalabka.

Shirkada aqalka kaa kiraynaysa sida tan guriga kaa gadaysa waxay rabtaa in ay ogaato meesha aad ka shaqayso, dakhliga ku soo gala, dadka aqalka dagaya ama aad mas'uulka ka tahay tiradooda, inta carruurta ah iyo dadka waaweyn, in dayn lagu leeyahay sida baabuur ama credit card, in aad bixin weyday dayn hore iyo in kale.

Shirkadda aqalka kaa kiraynaysa waxay rabtaa in ay ogaato in aad kirada u bixin kartid si joogto ah bishu markay dhamaato. Tan guriga kaa gadaysana sidoo kale ayaa rabtaa.

Aqalka aad kiraystay waxay u badan tahay in daryeelkiisa iyo dayac tirkiisa ay mas'uul ka yihiin shirkadda kaa kiraysay waxaan ka ahay nal gubtay oo la bedelo. Waxay kaloo u badan tahay in biyaha iyo korantuduba ku jiraan kirada aad bixinayso.

Balse aynu ka soo qaadno in aad adigu bixiso korontada. Sidoo kale guriga aad gadatay adigaa mas'uul ka ah bixinta biyaha iyo korontada.

Xisaabtan: Haddii aynu ka soo qaadno in aad ku talo jirto aad deganaato aqalka aad kiraysatay muddo shan sano, kirada bishiina ay tahay $750 oo korantadu ayna ku jirin waxaad bixin doontaa $45,000 shan iyo afartan kun oo dollar ($750 X 60 bilood).

Markay kuu dhamaato shan sano waxaad bixisay $45,000 waxaadna ka guuraysaa adoo faro maran.

Sida kuu muuqata wax dhaqaale ah oo kaaga kordhay ma jirto.

Hadaba "sidee ayaa xeero loo xagtaa, ilkana ku nabad galaan." Adoo dhawranaya Diinta oo iska dhawraya RIBO sidee wax ugu yeelan kartaa $45,000 ee aad siinayso shirkadda guri kaa kiraysay?

Mase jirtaa hab waafaqsan Shareecada oo ay shirkadda aqalka iga kiraysay ama guriga iga gaday aan uga soo ceshan karo kirada aan siiyay?

weli sii akhri.........

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Inta aanan jawaabtu su'aasha kor ku qoran u gelin bal aan si kooban isu barbar dhigo guri aad gadato iyo mid aad kiraysato.

1- labaduba waxay u baahan yihiin dalab ama arji.
2- labaduba waxay u baahan yihiin in la baaro shaqadaada, meesha aad degenayd ugu yaraan 12 bilood, dakhliga ku soo gala, daynta lagu leeyahay iyo taariikhda dayn qaadashadaa.
3- guriga aad gadato aad mas'uul ka ah daryeelkiisa iyo dayac tirikiisa. Ka kirada ah mas'uul kama tihid.
4- kan aad gadatay biyaha iyo korontada adaa bixin. kan kirada ah waxay u badan tahay in aad korontada aad bixiso.
5- kan aad gadatay lacag joogta ayaad bixin. Kan kirada ah waxay u badan tahay in sanad walba kirada la kordhiyo.
6- kan aad gadato wakhtigii aad doonto ayaad iibin kartaa. Kan kirada waa in aad digniin siiyo shirkadda uga yaraan 30 maalmood ama 60 maalmood ka hor inta aadan guurin.
7- labadaba waxaad bixin qanaax haddii aad la daahdo bishii lacagta lagaa rabo.
8- labadaba waxay u badan tahay in aad carbuun dhigto.

Haddii aad bixin karto $750 oo kiro ah bil kasta waxay ila tahay in aad bixin karto $723.33. Hadaba, aynu eegno sida aad kirada aad bixiso wax ugu yeelan lahayd marka aad guurayso kuu soo noqota.

weli sii akhri......

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Bal hadan mar kale aynu dib ugu noqono shirkadaha guryaha gada iyo suuqa maaliyadda reer galbeedku sida ay u shaqeeyaan.

Markaad ogaato sida suuqa maaliyaddu u shaqeeyo waxaa kuu soo baxaya in aadan ku khasbanayn in aad gadato guri muddo 30 sano ah.

Shirkadda aad dalabka u qoratay ee ogolaatay in ay daynta ku siiso waxay isla markiiba suuqa dhigaysaa dayntaadii oo waxay ka gadaysaa shirkado oo bangiyo kale. Macnaheedu waxaa weeye shirkaddii deynta ku siisay ayaa waxay leedahay hebel ayaan ku leeyahay $100,000 haddii aad ii soo celisaan lacagtaa iyo weliba faa'ido waxaan idin siinayaa deynta aan hebel ku leeyahay oo soddon sano dhalin doonta $160,000 oo faa'ido ah.

Waa anigu ma sugi karo 30 sano ee maanta $100,000 iyo faa'ido yar dheh $5,000 i sii. Markaa ka dib adigu hebel ka qaado faa'idada kale.

Habada haddii shirkaddu gadi karto dayntaada iyadoon ku ogaysiin adna waad iibin kartaa guriga. Ka dhig in markaad shan sano daganayd guriga aad go'aansatay in aad gaddo. Suuqa ayaad soo gelin in gurigu iibyahay. Hadba siduu suuqu yahay wakhtigaa oo ay u badan tahay in qiimaha maalintaasi ka fiican yahay kii aad ku gadatay. Markaad hesho qof kaa gadata guriga oo aad heshiisaan shirkadda qofkaa daynta siinaysa ayaa shirkaddii hore u celinaysa inta ay markaa kugu leeyihiin.

Xisaab: waxaad guriga deganayd shan sano oo bil walba aad bixinaysay $723.33 waxaad bixisay $43,399.80.

Ka dhig in aad guriga ku gaday $100,000 shirkadda maal gelinaysa iibka cusub waxay marka ugu horaysa u celinaysaa shirkaddii deynta kugu lahayd $95,000 adigana waxay ku siinaysaa $5,000.

Hadaba sidan ayay Shareecada ku waafaqaysaa in aad gadato guri adoon RIBO bixin. Shareecadu waxay noo sheegaysaa in wax walba oo qofka Muslimka ihi samaynayo ku salaysan yihiin "NIYADDIISA."

Hadaba u niyood in aad guriga kiro ugu jirto oo aab bil walba ijaar bixinayso. Isla markaa mas'uuliyadda daryeelka iyo dayac tirka ee ku saaran u niyood in shirkaddu kuu soo celin doonto kharash yar. U niyood in aadan adigu guriga lahayn ee uu yahay KIRO.

Xisaab: Haddii kirada aad bixiso sida kor ku qoran tahay $750 sanadkii oo sanad walba $15 lagu kordhiyo lacagta aad bixin doonto shan sano ka dib ma aha $45,000 ee waa $46,800 haddii aad u niyoota guriga kiro in uu yahay oo aad bixisay $46,800 shan sano ka dib waxaa kuu soo noqon doona $8,500 iyo wixii dheeri ka ah deynta ee uu gooyo gurigu.

Gunaanad: Ha u arkin guriga in uu yahay hanti aad leedahay ee u qaado KIRO lagaa ajar siinayo daryeelkiisa iyo dayac tirkiisa.

FG: ANIGU UMA SHAQEEYO SHIRKADAHA GURYAHA GADA, AMA DAYNTA BIXIYA. MANA IIBINAYO GURI. Ujeedada qoraalkan waa aqoon kordhin iyo in aad dadka Soomaaliyeed ee akhrisanaya u sheego in RIBADU tahay XAARAAN Ilaahay REEBAY. Balse ay jiraan hab kale oo ay ugu noolaan karaan qurbaha reer galbeed.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
JASAAKALLAAH!

Waxaan rajeynaayaa inaadan dadka u fasixin wax mamnuuc ah, oo aad caawisay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaad

Unrecorded Date
Salaanta Eebe ayaan idin salaamay: Walaalkiin Mowduuc muhim ah ayaa soo bandhigtay; Cabsi Ribo ayaa dad badan oo dakhli rasmi(joogto) ah leh ka hor joogta inay guryo gataan. guriga waa shey daruuri u ah qofka hadduu awoodo si sharaftiisa bani'aadanimio uu u dhowrto. daruuriga wixii ah ribo ma noqon karo, markaas deyn ama mortagage waa loo qaadan karaa si hanti ma guuraan ah sida dhul, guri uu qofka u gato, si aayahiisa wadanka uu ku noolyahay u sugo. Tan kale waa Credit card, diinta maxay ka qabtaa in kaarka aan sameysano si wax gadashada habka cusub(T.V. internetka etc) ay qofka ugu sahlanaato.

Eebow Towfiiqda Na Waafaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Tusaale kale oo DIINTU ogoshahay waxaan u soo qaadan karnaa in qof ku yiraahdo marka aad ii soo celiso qiimaha shaygan adigaa leh ama uu ku yiraahdo neefkan xoolaha ah ii hay oo adigu ka nafacaadso caano iyo subag haddiise uu tarmo waa inoo qayb.

Walaal Samaad MORGAGE xalaal ma aha. Waxaase bannaan in aad niyadda ku haysid in aad KIRO bixinayso oo mas'uuliyadda aad u qaaday in aad daryeesho oo aad dayac tirto guriga isla markaasna aad bixiso wixii canshuur ah oo lagu yeesho iyo caymis aad ku yeelan doonta guriga ajar ama abaal marin.

Arrinta Credit Card. Dhaqanka reer galbeedka gaar ahaan Maraykanku waa rasulmal uu qof walba raadinayo in uu hanti yeesho. Waxa ugu horeeya ee marka aad qaan gaarto (18 sano) kuu hambalyaynaya waa shirkada Credit Card ka.

Credit Card ku waa sida ugu kalsooni badan ee aad ku dhisan karto taariikh dayn qaadasho ama lagu garan karo sida aad u qaadi karto masuuliyad lacagadeed.

Credit Card waa laga ma maarmaan hadaba markaad joogto dalalka reer galbeedka ah. Hase yeeshee waa seef labo af leh.

Haddii aad Credit Card ku iibsanayso waxa aad u baahan tahay oo marka biilku kuu yimaaddo aad bixinayso wax ku jaban ma leh.

Waxaase daran marka aad ku iibsato wax aadan markaa u baahnayn oo aad u gadatay oo keliya xiiso isla markaasna aadan bixin karin. Waxaa kaloo ba'an marka aad bixiso waxa ugu yar ee shirkaddu ku tiri bixi (minimum)bishii.

Haddii aadan xakamayn karin waxa aad bixin karto marka biilku kuu yimaado saddex cadaw baa markiiba soo xargo goosan:

1- Dayn aadan bixin kerin iyo in aad Falisto;
2- Magac xumo kuu gasho nidaamka oo mustaqbalka wax ku yeehsa;
3- iyo mid aakhiro iyo adduunba u xun oo ah RIBO.

Credit Card ku waa wax looga baahan yahay dhaqanka reer galbeedka waana seef labo af leh. Haddii aadan is xakamayn karin oo aad kharash badan tahay isla markaas aadan bixin kirin biilka markuu yimaado Credi Card ku WAA XAARAAN.

Haddii kale jeebka ku sido, isticmaal markaad u baahan tahay oo bixi biilka inta ayna faa'ido faa'ido (RIBO) fuulin.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date


assalaamu aleykum warahmatullaahi
waxaan raba inaan wax ka iraahdo walaalahey WAXYAALIHII AY KA QOREEN ARRIMAHA GADASHADA GURYAHA WADAMADA REER GALBEEDKA.
RUNTII DHAQANKA REER GALBEEDKA IYO MAREYKANKA WUXUU KU SALEYSAN YAHAY RIBO WAX KASTO OO LA ISTICMAAL WAX LA HUWADO AMA HOYGA. SIDAAD DARTEED WALAALAHEY SOOMAALIYEED EE MUSLIMIINTA AH WAXAAN KULA TALIN LAHA IN AY ISKA DHAAFAAN WAXYAALAHA KEENI KARA RIBADA.RUNTII QIIL WAX MA TARO. MAXAA YEELEY ILAAHEY LAMA KHIYAANI KARO WAA CAALIMU SIRI
DADKEENAAN SOO GALEY WADAMADA REER GALBEED YEY MAR MARSIIYO KA DHIGAN QIIL BIXIN. HADDII AAN LAGA HARIN WAXA KEENA RIBADA,WAXAAN KU SUGANAHEY KHATAR AAD U FOOL XUN EE HALA IS ILAALIYO.

WASALAAMU CALEYKUM WARAXMATULLAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamad hooyadii

Unrecorded Date
Walaalow aad baan kaaga mahadceliyey waxyaabo badan oo ku saabsan GURI GADASHADA WAAYO MAR DHOW AYAN GADANAY GURI KA DIB MARKAAN ISU FIIRINAY faraqa u dhexeeya markaan gadanno iyo markaan kiro ku jirney hadda waxan dagannahay guri aad uga weyn kii kirada ahaa ka xorriyad badan oon ehelka haddii ay bataan iyo martida aan ku faraxno soo dhaweyntooda .
laakiin waxa jirta go aankaas oon in muddo ah ka baaraandegnay aniga iyo odaguba markii aan ku guulaysanay aan la kulmay dood badan (xagga dumarka)macaariifkeena ahaa shaki weyn ayayna igu beertay arrintaasi .
annagu intii aan bixin jirnay wax u dhow ayaan bixinaa hadana farqi wayn baa u dhexeeya gurigii kirada ahaa iyo kan aan hadda degney AAAAd baan kaaga mahad celinayaa ajar iyo xasanaad ALLAAH ha kaasiiyo AAmiin
waxan u niyaysan sidaa .

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.