site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ethopia Somalia anagaa leh

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb. 16, 2001): Ethopia Somalia anagaa leh
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliruna

Sunday, January 14, 2001 - 03:18 pm
Dawlada Cadawga ah ee Ethopia waxay sheegatay si cad in Wadanka somalia yahay qayb iyaga ka mid ah ama falaagoowday ayna rabaan inay qabsadaan dhamaan Xeebaha badweynta hindiya iyo badda casba.

Waxay qabsadeen meelo badan oo xuduuda ah waxayna rabaan inay u gudbaan xeebaha iyagoo ku gabanaaya inay isticmaalayaan dekedeheena.

Bedelistii calanka Ethopia wuxuu ku tusinayaa inay calankeenii ku darsadeen calankoodii ama ay labadii Calan isu geeyeen 10kii sano ee aan Aduunka ka maqnayn taasoo ay la timi dawlada cusub ee Tigreegu oo dad badan oo Soomaaliyeed aaminsan yihiin inay aad uga fiican yihiin dawladihii hore ( XAYLA SALAASE & MINGIUSTU) kuwaasoo Tigreega xukunka uga horeeyey, laakiin waxaa xaqiiqo ah inay 1000 jeer ka khatarsan tahay kuwii ka horeeyey!

FIIRI CALANKA CUSUB EE ETHOPIA:

<img src="http://www.ethiospokes.net/Images/flg.gif"

Safiirka Ethopia u fadhiyana UN Cadulmajiid wuxuu sheegtay inay iyagu Somalia u metelayaan laakiin Cali Khaliif uu ka cayriyey shirkiina ka saaray!

Arimahaasoo dhami waxay ku tusinayaan Cadawnimada iyo gumaysiga cusub ee Amxaarada, waxyse Siyaasiyiin Soomaali isku sheeg ahi qirayaan inaynu AMXAARO saaxiibnimo naga dhexayso walaalayaal xagee bay ku ilaaween 3 1/2 Malyuun Soomaali ah Gumaysta ama Adoonsada.

Walaalayaal ka digtoonaada Ethopia iyo dabadhilifyadooda waa kuwa maanta ama shalayba (anadihii lasoo dhaafay) inagu soo hogaamiyey AMXAARADA.

Walaalkiin
SOMALIRUNA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Monday, January 15, 2001 - 12:35 pm
Somalibena

Jooji dameernimada. Ethiopia wax nagama rabto aan ahayn inaan nabad ku noolaano aan xuduudeeda faraha uga qaadno. Jooji dhibka iyo rebshada aad waddo. Annaga is dhibnay, dadka kale halla dhaafo.

Dunida dhan dhaqaale iyo dalalka oo isku biira aa la wadaa, adna jiiraankeenna aad dhib in lagu bilaabo dhiirrin gelinaysaa miyaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Tuesday, January 16, 2001 - 03:42 am
Galool

Arinta aad sheegeeysid haddii ay dhab kaa tahay, maxa ay u hubeeyneeysaa Itoobiya qaar ka mid ah jabhadaha Soomaaliya???

Itoobiya waa cadawgeena koowaad haddii aan nahay Soomaali.

Walaalka soo diyaariyay waa uu ku mahad sanyahay.

Itoobiya hana sugto inta aan rag ka noqoneeyno.
Insha Allah waxaan tuseeyna tii 1977:kii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaliye

Friday, January 19, 2001 - 10:20 am
TO:
Somalirun,ah:
Wallaal aad iyo aad yaad ugu mahadsadntahay Mawduucan aad inoo so bandhigtay waxaanan rajeyna Yaa inaykaaga mahad celin doonaan dhammaan dadka Uu ALLAH xaqliga u dhameytiray maaddaama oo aad Tahay nin u daaggaalamaya dalkiisa,dadkiisa iyo Diintiisaba:
Marka wallaal maanta waxaaan wadda ogsoonahay haddii aynu nahay bulsho weyta soomaaliyeed ee ku dhaqan dunidda daafaheeda inay dawlad ku sheega ETHIOPIA,ay tahay cadawgeena koowaad sida uu sheegay wallaalkeen WADANI, oo aan odhan lahaa wallaal taageerada wadankeena marwaba qalbiga ha'inoogu jirto.

mida kale wallaalkeen GALLOOL, waxaan fillayaa
inuusan marnaba haba yaraatee uusan ka dhaga xidhneyn cida ay tahay cadawga wadankeena islamar ahaantaasina uu nagu raacidoono mawduucan aynu ka hadlayno:

Wallaalayaal haddaba maadaama oo ay jiraan amaba ay baddan hiin cadawyadeenu waxaa ina sugaysa su'aal u taala qofkasta oo soomaalinimo ku andacoonaya(sheegta) su'aashni oo ah:
SIddee ayaynu isga caabinaa ama aynu u ladagaalanaa cadawga wadankeena?
Wallaalayaal mawduucani taxane ya'noo ahaaddo
Fadlan:
UGU dambayntii xirriirdambe oo wacan:

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.