site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Boggan Islam maxaa u diidey in la isku dhaafsado Soomali? Mise waa meel loogu daneeyo kuwa Islaamka xaqira meel kastana ka buuxiyey magacyadooda iyo luuqada Ingiriiska si gaalada loo tusu waxqabadkood Islaam naceybka ah?????

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb. 16, 2001): Boggan Islam maxaa u diidey in la isku dhaafsado Soomali? Mise waa meel loogu daneeyo kuwa Islaamka xaqira meel kastana ka buuxiyey magacyadooda iyo luuqada Ingiriiska si gaalada loo tusu waxqabadkood Islaam naceybka ah?????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Tuesday, January 16, 2001 - 01:11 pm
Dadka loogu talo galey boggaan waa soomaalida oo ah dad Islaam ah, afkooduna yahay Soomaali.

Waxaase nasiib darro ah, in intiisa badan lagu qoro luuqada Ingiriiska, oo cinwaano looga dhigo magacyo kuwo la dagaalama diinta Islaamka, xaqirana muslimiinta iyo dhaqankoodaba. Dadka sidaas yeelaa kama badna saddex qof, in kastoo leeyihiin magacyo badan.

Marka lala doodayo dadka muslimka la dagaalsan ee diidan xaqa, waxaa loola dooda si ka duwan, sida loola doodo qofka fahamsan qaladka ee cilmi raadiska ah, waana kuwaan kuwa u baahan in loo soo daliilsado aayaado iyo axaadiis.

Inta la ceyrinayo dad xaqa diidan, aan wax u sheegno kuwa aan wax garaneyn iyo kuwa doonaya inay wax siyaadsadaan, uguna qorno afkooda hooyo ee Soomaliga si looga dharjiyo fahamka cilmiga.

Dadka wax aqrista baa ka badan inta soo jawaabta ee aan taas tixgalino, oo daryeelno walaalayaal.

Halku dhigeeno ha ahaado:
"BAR AMA BARRO"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 17, 2001 - 12:16 pm
Markii wadaadadii kooxkoox isbaryaqaan iskana soo horjeeda noqdeen, baa garoonka waxaa ka muuqdey cadowgii diinta islaamka.
Laba cadow- mid moslima iyo mid gaalo.
Rabbise hiillo uma baahna.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.