site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Geeridu marbey ka sharaf badan tahay nolosha!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islamic Way of Life - Nolosha Islaamka: Geeridu marbey ka sharaf badan tahay nolosha!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Wednesday, January 17, 2001 - 02:02 pm
Geeridu marbey ka sharaf badan tahay nolosha!

Waxaan carruurteenii iyo haweenkeenii kala soo cararney dagaaladii sokeeye iyo abaaraha ka dhacaya dalkeena, waxaana keeney meelo badan oo wadamada gaalada u badan.

Waxaa xaqiiqo ah in dad badani u geeriyoodeen sababahaas owgood, waxeyse intooda badani ku geeriyoodeen sharaf, waayo waxey ahaayeen muslimiin waxaana dishey gacan ka gardaran, taas oo ka dhigtey shahiidiin, adduunkana sharaf uga tagey, oo waa annaga maalinba ka sheekeyna.
Waxaase dhacdey dadkii faraha badnaa ee u badnaa carruurta iyo haweenka ee loo soo qaxiyey wadamada gaalada, inay ku jiraan nolol ka hooseysa geerida, waayo waxaa heysa diin la'aan, waxeyna u dhaqmaan sida gaalada ayagoo halmaansan waxii looga baahnaa muslimiinta oo ahaa Alla ka cabsiga iyo ku dhaqanka diinta Ilaahey iyo Sunnadii Rasuulkeenii Muxammad ahaa(S.c.w.).

Haddaba soo kama fiicneyn inay u dhintaan gaajo, ama ku dhintaan gacan ka gardarran, ayagoo muslimiin ah oo iimaankoodii qaba.
Markaasna geeridoodu ka sharaf badnaato, noloshooda maantey ee noqotey camalka sheydaan.

Dardaaran: Ka badbaadiya naftiina, xaasaskiina iyo carruurtiina Cadaabkaa Alle, oo ku dadaala in aad xal u keentaan sida inaad dajisaan meel lagu xoojin karo islaamnimadooda, taasna dad badan baa awooda. Haddii kale adinkaa la idin ku imtixaamin, sida aan aragno maantey iyo waxa ka dhacaya qoysaskii iyo qaraabadii dhexdooda.
Wax kale iska daayoo dadka qaarkiis waxey ka xishoodaan inay yiraahdaan: "Waxaan ahey Muslim". Soo tani maahan qalbi dilmey u dhammaatey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Tuesday, January 23, 2001 - 08:18 pm
A/aleykum

AM sxb ishaa ka tuurtey waxaase nasiib xumo ah iney dad badan eysan aaminsaneen iney dhib ku jiraan oo ey dhalnteetka iyo dhal-dhalaalka lagu jiro eyba u heestan hoygii nolosha.
Waxaase hubaal ah ineysan hoy meeshan aheyn oo hoyga rasmiga ah loo socdo, marka qasnadaas qofka wuxuu ku rito buu leeyahay.
Calaa iyo xaal intee joogta AM.
Sidaa iyo fii amaani Laah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

D. M

Wednesday, January 24, 2001 - 07:03 am
Assalaama Caleykum Waraxmah.
...walaala yaal arinkan ma aha mid la sahashado ee waa wax u baahan in laga wada hadlo,
........TUSAALE ANIGAA IDIN KU FILAN

Waxaan yurub imid 4 bilood ka hor waxaana kala kulmay wax halis u ah aqiidadeyda,
....1=Ilaa hada ma aqaano meesha aan u tukado in aay qibladii tahay & in kale (MUCJISO)
....2=xijaab fara kuma hayo waayo marwalba iima noqdo sidii aan karabay (MUCJISO)
....3=salaada waqti layaqaan kuma tukado ee waan qiyasaa hal bil ayaan helay warqad ka timid meelkale (MUCJISO)
....4=muslim lamood ayaguna aan 10 gareynin maahee mulim icaawiya lagamhelo (MUCJISO) walaalayaal soow nafteyda gacma heyga kuma halaagin? maxaase ii beytil aaqiba ah? dhiiqada anigaa isdhex galiyay hadana ma aqaano si aan uga boxo doqonimo ka weyn miyaa jirta? ALAHA IQALQAY AYAAN KASUGAYAA NASRI DEG DEG AH
.......WASALAAMA CALEYKUM WARAXMAH......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Wednesday, January 24, 2001 - 07:53 am
A/Caleykum W. W-B.


M

Waad ku mahadan tahay dareeka iyo fiirada dheer ee aad u leedahey ummaddeena iyo dhibaatada ku habsatey.

Mar haddaad sidaas u fahamtey, waxaa waajib kugu noqoneysa inaad wax ka qabatid intii karaankaaga ah, sida inaad mar kasta kheyrka u sheegtid ama u gudbisid intii aad la gaartid cid kastoo yihiin iyo meel kastey joogaan.

Waxaan joogaa meel adduunyadu ku riyooto tagideeda, sheydaankuna shan qabo oo shan siidaa yahay(tiradii ka batey), qofkii Alle ka baqayaana ugu nool yahay weerar iyo weer celis Sheydaan iyo intuu kaa marto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Wednesday, January 24, 2001 - 09:10 am
A-Caleykum W. W-B

D.M

Illaahey ha kuu siyaadiyo fahmadaada iyo kheyr doonkaaga!

Horta nasiib baad leedahey, haddaad mar dhow timid, isla markiina aad fahamtey dhibka iyo qarta ka jirta meesha, waayo dadka qaarkiis indhahaba ma furaan marka hore ee wey iskala dubaashaan, intooda kheyrku ku harsan yahay baa mardanbe baraaruga. Waxey markaan qaban karaana waxbadanna ka yar waxey qaban kareen bilowgii.

Marka arrimaha hadda ku hayaa waxey u badan yihiin, wax ka yimid meesha aad ku cusub tahay. Waxaana muhiim ah in aan la nimaadno dadaal intii aan kari karno, waxii aan kari weynana Ilaahbaa nooga gargaaraya.
Marka waxaan waano ahaan oran lahaa:
1) horta salaada sina yey nagu dhaafin, Ilaahey niyadeena iyo dadaalkeena aqooneed waa u jeedaa.
(A) Waqtiga salaadaha iyo Qiblada, waxaan ka hubin karnaa Masaajidada, Goobaha Muslimiinta degan magaalooyinkaas, Qofkasta oo tukada oo degan magaaladaas, INTERNET(web. Islamku leeyihiin) iyo in telefoon lagula xiriino meelaha Islaamka. (B) Waa inaan lagala xishoon salaada dadka kale (Islaam iyo gaalaba), sida in lagu tukada meelaha iskuulka iyo shaqadaba. Waxaad la yaabi doontaa, sida Ilaahey dadkaas kuugu qasbayo inay tixgaliyaan salaadaada, ayagoo waliba xishoonaya, kaagana baqaya sida aad ugu xiran tahay Ilaahaaga. Kuwo aadan ka fileyn inayba waligood Islaam maqleen baa ku leh, "Noo soo ducee, in Ilaahey nasoo hannuunsho, oo aan markale noqono kuwii la yimaada kheyr", kuwa kale waxey kuu sheegayaan inay leeyihiin saaxiibo muslimiin ah oo kala yimid wadamadaas iyo wadamadaas, kuwa kale waxey kuu sheegayaan inay ku jiraan diin doorasho, oo ku wareereen diimahoodii sidaas owgeedna doonayaan inaad wax uga sheegtid diinta Islaamka iyo meeshey ka heli karaan aqoon kororsi ku saabsan barashadeeda.

2) Xijaabku waa muhiim, waa astur kheyrka iyo iimaanka qofka kordhiya. Waa calaamad Islaamnimo oo loogu deeqey dumarka Islaamka ah, waayo qofkasta waa sheegi karaa islaamnimadooda asagoo meel dheer ka arkey oo kaliya, taasna raggu ma helin. Intaas waxaa u dheer, in xijaabku dajiyo qofka ficil ahaan iyo psychology ahaanba, taasna waa mid aan shaki ku jirin, oo waxaa dareemi kara qofka xijaabka wata. Bal isku fiiri hadalka, socodka, su'aasha, jawaabta iyo aqlaaqda kuwa xijaaban iyo kuwa kale. Xataa dadka baan kaa yeeleyn inaad sidaad rabtid yeeshid xijaabna sidatid, taasna waa sharafta la siiyey xijaabka laftigiisa.
3) Ka dheerow meelaha iyo dadka aan ku xirneyn Allaheena Weyn iyo waxii uu naga doonayo, kuna dhawow meelaha iyo dadka wanaagsan ee kugu siyaadin kara Alle ka cabsi iyo kheyr kororsiga.

Maalin walba aan xisaabinno waxii kheyr ah, oo nagu soo kordhey, iyo waxii naga dhacey, si aan u ilaashano miisaankeena. Dadkana u gudbinno waxii kheyr ah oo Alle nasiiyo ama na fahamsiiyo.

W. Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Wednesday, January 24, 2001 - 09:46 am
A/aleykum

M saxiib waad iga qoslisey siiba qeybta ugu danbeysa oo aad iigu sheegeyso meeshad joogto, waxay u egtahay inaan wada saaranahay doontaas oo an wada joogno meel iblis borosinka dhigtey ee maadaama ey badan yihiin, bal intee ka joogtaa dhulkaa iblis ku hor kaadsho.
Aniga nasiib xumo waxaan ku noolahay meesha ibliis ka dhigtey xarunta uu ku fidiyo fisiqiisa waxan u maleynayaa waad garatey meeshan ka hadlayo.
Calaa iyo xaal saxiib meeshan talo uma baahna ey waxay u baahan tahay in laga haajiro, waayo qofkaad is tiraahdo la tali oo aad niyada geliso inuu taladaada ku toosayo waxay u dhigmataa adoo yiri badaas ku dabaalo biyina yeysan ku gaarin.
Hadii tala la iska qaadanyo meeshan ha laga haajiro, joogisteeda waa adoo xaqiiqda iska indha saabo. Ubadkiina iyo nafsadiina ka bad baadiya jahanabo iyo imtixaanka nagu soo food leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Wednesday, January 24, 2001 - 09:57 am
A/aleykum

DM

Sxb hadaa dadaasho nafsadaada iyo inta wax kaa maqasha waad badbaadin kartaa ee niyada kheyr u sheeg
Hadaa tilaabo u qaado fii sabiibi Laahi ogow inuu Ilaaheygii ku abuurtey toban tilaabo kuu soo qaadayo.
Asaxaabta guushey soo hoyeen waxaa u sabab ahaa dunida dan kama laheyn, sidaas awgeed dunidii ba hoos timit, lakin maanta waa bil-cakis, muslimiinta dunidey ku mashquul yihin taasana u sabab ah iney dunidii seegan aaqirana Allaahu yaclam.
Till then fii amaani Laah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sal

Wednesday, January 24, 2001 - 03:39 pm
Salaama Caleykum


Walaal AM Allaah hakaa Abaal mariyo Qoraalkaa miyaan qabbinkaraa oo intaan copy kasameeyo dadkale siin karaa insha Allaahu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Thursday, January 25, 2001 - 01:11 pm
A-Caleykum W. W-B

M

Waa runtaayoo, adduunyadii baa qalbiga dadka intiisa badan ka gashey, meeshii la doonayey in gacmaha lagu qabsado.

Haddana ma fiicna in laga quusto, waayo markii mid dhumo, mid kale baa soo hannuunayaa, sidaas owgeed laga yaabo in sabab looga dhigo oo uu ku soo hannuuno hal kalmad oo uu ka maqlo qof ama ka aqriyo meel sidan oo kale ah.

Meesha aan ku noolahey: waxaan uga noolahey meesha aan isla garaney madaxa, haddii dalka loo taagi lahaa ama laga dhigi lahaa muqaal qofeed.

Ann dadaalno intii aan kari karno, waa waajibe!


W/Caleykum W. W-B

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Thursday, January 25, 2001 - 01:21 pm
A/Caleylum W. W-B


Sal

Magacaa bi'waaye!
Ma waxaad iiga idin weydiisaneysaa, faafinta kalmado dadka loogu tilmaayo inay u soo weecdaan dhanka kheyrka iyo cabsida Alle!

Walaal adoo mahadsan fasax baad u qabtaa inaad u isticmaashid ama u adeegsatid sidii kheyr ku jiro, ee loo gaarsiin lahaa ummadda, xataa ku turjum afkaad doontid, ajar iyo kheyrna Allah kaa siiyo!!

W/Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

D.M

Friday, January 26, 2001 - 08:25 am
...Asslaamacaleykum Waraxmatullaah...
AM. Jisaakallaahu qeyr,waxaan rajeynayaa in aay i anfici doonto waanadiina laakiin meesha aan joogo kama heli karo dad aan qeyr ka korarsankaro. sikastaba hanoqotee waxaan isku dayi doonaa in aan raadiyo jid aan uga boxo dhibka & daciifnimada ihaya,
....Aqifillaah adigana haka caajisin soo gudbinta waanada waa noo kaalmo & garab in aan qeyrka is xasuusino WABILAAHI TOWFIIQ!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

D.M

Friday, January 26, 2001 - 08:56 am
...Assalaama Caleykum Waraxmatullaah...
M,Jisaakallaahu qeyr,waad ku mahadsan tahay waqtiga aad isiisay adiga oo iwaaninaya,
..aqii horta aniga shaqsiyan waxa aan yurub u imid Xoogaa wey ka yara duwan tahay sida aay dadka bankiis u yimadaan laakiin fiinalku waa iska aduun raadis ALLE hanoo danbidhaafo,
...Iisoo duceya allaha hadiin naxariistee. shaqsiyan aniga Runtii xujo la iman maayo alle hortiisa waayo dacwada islaamka wey igu fushay, QATARNA WAAN KU JIRAA...........waxaan wax yar ka shakiyay in aan anigana doonta idinla saaranahay ama daris nahay kalmadaadii ugu danbeeysay oowgeed.MACASSALAAMA!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Friday, January 26, 2001 - 01:26 pm
A/Caleykum

D.M

Insha Allah! Ilaah baa macaaga noqonaya, walwalkuna waa kaa ba'ayaa!

Waxaad u xamdi naqdaa Allahii kaa dhigey qof ka walwalsan in wax gaaraan xiriirkii uu la lahaa Asaga, meesha dad badani ilaaweenba Allahii abuurtey iyo waxuu farey.

Waxyaalaha la yaabka leh waxaa ka mid ah, inay jiraan waalid ilmahooda kala dagaalamaya waxey ugu yeeraan WADAAD/WADAAD ama magacyo qaas ah, taas oo gaar ahaan dhibaateysey gabdho badan oo sababtey in loo diido xijaabkii, qaarna lagu duro inayba diin cusub la yimaadeen.
Haddaba maxaa ku dhaca dadka noocaas ah:
Waxaa lagu imtixaamaa carruurtooda qaarkood inay la yimaadaan intii fidno jirtey, intaas kaliya maahane, waxaa la kashifaa ceebtooda oo dhan, yaa lagu kashifaa waalidka laftiisa.
Asagii baa ummadda kale u calaacalaya oo sheegaya dhibka kala heysta ilmihii iyo ayaga, waayo lama qarin karo, dhibka dartiis ama xagga danbiga uu ka galey markii hore ilmihiisa dartiis oo tusaale looga dhigayo ummadda kale.
Waxaa ka mid ah dhibaatooyinkaas kuwooda ugu fudud: Waalid hameyn kasta carruurtiisu ku garaacayaan inuu siiyo lacag lagu gato SIGAAR, JAAD, QAMRO ama lagu aado meelaha madadaalada iwm.
Waxaa ka mid ah ayagoo hameyn iyo maalinba ku jira dagaal iyo dacwo joogtaa, oo askar iyo maxkamadi ku kala dhexjirto, oo lagu leeyahey soo sheeg haddey kuu timaado ama uu kuu yimaado, kaliyana marqaati u yeel inuu agtaada soo istaagey.
Guryaha noocaas ahi waa badan yihiin, waxaana intooda badan lagu yaqaanaa inaan laga seexan hameynkaas oo dhan, salaadna looga istaagin.

Marka sidaas baa cadaabkii loogu kasbadey dunidii, kii Aakharana danbeeyo.

Carruurta waa in diinta la baro, si ugu yaraan aan uga badbaadna inaan nala ku imtixaamin.
Ruux Soomaali ah, oo labaatan sanno ka weyn oo qurbaha ku nool baa wax laga su'aaley Aadam iyo Xaawo. Waxuu ku jawaabey in Aadam iyo Xaawo isku barteen meel foorno rootiga lagu sameeyo ah, halkaas oo Aadam ka ahaa rooti sameeye, Xaawana rootiga ka gadan jirtey.

Haye bal ka warama dadka ummaddaasi u soo socoto ama ugu maqan tahay dibadda. Qofkani waxuu wax ka maqley sheekadii Cilmi Boodhari iyo Hodan, markaas buu la aadey Aadam iyo Xaawo, oo uu maqley inay isjeclaayeen. Haddaba yaa iska leh danbiga, waxaa iska leh, ciddii dhashey ee aan xaqqa barin, kadibna ku siideysey dhul gaalo si maskaxdu uga sii qalasho.

Waan hubaa in qof kasta oo adin ka midihi uu arkey ama maqley waxyaalo la mid ah kuwaan iyo kuwo ka daranba, ee maxaa talo ah?

Bal noloshaan iyo geeri ka warrama?!

W/Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Friday, January 26, 2001 - 03:51 pm
ACWW(A/aleykum WW)

Runtii wan i riyaawey aqoon is weedarsiga meesha ka socda, hadii la isku tilmaamo dhibaatoyinka aan dhex dabaalaneyno, xalka ma foga.
DM aduun raadis debi ma aha oo sidaa ula socotit Xadiis saxiix ah baa ku soo aruurey in dunida looga shaqeysto sida inaad weligaa joogeysid LAKIINSE Aqiro loogu camal fasho inaad berito aadeysid oo kale, marka saxiib aduun raadis ma xuma ee waxaa xun hadaad u raadisid sida ineysan Aaqiro jirin.
Waxan ku joogney dhul aan ku asturanahay , waxaase ubadkeenii haweenkeeni iyo nafsadeenii usoo horseedney meel kuwa xukuma iyo kuwa la xukumo ibliss dacayda uga xiran yihiin.
Waan idiin sheekeyn lahaaye wan daahsanahay ee waa inoo mar kale Ilaahey idinkiis.
Fii amaani Laah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DM

Tuesday, January 30, 2001 - 07:32 am
A/C/W/wabarakaatu
TO.AM. waad ku mahadsan tahay allena wanaag hakugu abaalmariyo, aqii waxaan kaa codsanayaa in aad ii soo uruuriso waxyaabaha ku saabsan xijaabka & macamilka gaalada inta lagaarsiinkaro, waxyaaba badan oo kalena su`aalo ayaan ka qabaa ADIGA ciiwaan u sameey yacni beejkale noo fur umadana ha ka faa iideysatee. insha allaah.
laakiin ciiwaanka hortiisa ku qor AM.insha allaah, FII AMAANILLAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Tuesday, January 30, 2001 - 10:04 am
A/Caleykum

DM

Walaal waad ku mahadsan tahay, ducadaada iyo dareenkaaga Islaamnimo.
Walaal waan fahmey arrinta ku saabsan xijaabka, laakiin maxaad soo jeedineysaa in loo bixiyo bogga cusub iyo waxa aad jeceshahey in looga hadlo?
Waxaan kaloo jeclaan lahaa inaad ii soo bandhigtid su'aalahaaga haddey ku saabsan yihiin ama hoos imaanayaan cinwaanka bogga cusub, haddii Allah Idmo!

W/Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Tuesday, January 30, 2001 - 01:45 pm
A/Caleykum

DIGNIINTA KOOWAAD!!!

Waxaan uga digayaa walaalayaasha wax fahamsan inay ka fiirsadaan dadka jilicsan(carruurta, haweenka, duqowshaha iyo caamada) ee lagu soo gurayo qurbaha, gaar ahaan wadamada gaalada, meelahaas oo dad badani ku hafanayaan mowjadaha Ibliiska iyo asxaabtiisa.

Haddey qasab tahay inaad keentaan, marka hore miisaama oo wax ku baraha meelahay joogaan iyo dhulalka Islaamku ku nool yahay. Kadibna markey u bislaadaan inaan xaqa korkooda laga dajin karin, ee ayagu faafinayaan, oo gaarsiinayaan inta jiran, hala keeno.

Ilaahey xaqa ha natuso meel kasta oo aan joogno!!!

W/Caleykum W.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Saturday, February 03, 2001 - 02:55 pm
A/Caleylum

DIGIDII LABAAD

Waxaan uga digayaa walaalayaasha caqliga u saaxiibka ah, inaysan irsiq ugu raadin ilmahooda, xaasaskooda, waalidiintooda, eheladooda, saaxiibadood iyo naftoodaba been sheegid iyo isduleyn sida odaga oo reerka laga dilo ama la inkiro oo ilmihii xalaasha ahaa xaaraan lagu sheego ayadoo la doonayo in la helo kaalmo intii hore dhaanta. Waxaa taas la mid ah in been been la isku guuriyo dad aan sharciyan isguursan karin sida waalid iyo carruurtiis, walaalo ama xidid si manaafacaad ama hungri loo kororsado.
Halkan waxaa ka muuqaneysa in laga saluugayo Qadarta Alle iyo in Alle qorey risqigeena meel kasta oo uu ka yimaado, xitaa midkaas yaala meesha aan u galeyno huguri xumada.

Waxaa laga cararayaa dhaqaalo yari ama gaajo, waxaana loo cararayaa in la jabiyo xuduudii naloo yeelay taasoo ah dagaal cad oo loogu bareerey ALLAHII AWOODOO DHAMMI U SUGNAATEY.

Markaan raali galino Allaheena Weyn, baan naxariistiisa heleynaa, taasaana nagu filan oo aan ku qaboobeynaa adduun iyo aakharaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Saturday, February 03, 2001 - 03:19 pm
A/aleykum

AM

Maansha_Allah saxiib ishaa ka tuurtey oo inta meesha aad ku xustey waa la wada sameeyey kuwa badana meel ey u soo maraan bey la yihiin oo wey ku dabaalan laahayen.
Laakin waxaa nasiib xumo ah 7 milyan oo sheegata Islaam ayaa shib ka tiri 10kii wadaad uu toogtey siyad bare, marka dadkaa u jeedid waxay kasoo jeedan ama farcameen 7daas milyan.
Wa bilaahi Towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Monday, February 05, 2001 - 09:33 am
A/Caleykum

M

Waad mahadsan tahay.
Saaxiibow siyaabo badan oo kala duwan baa loola dagaalamey islaamnimadeena, taas oo socotey waligeed, haddana sii socondoonta ilaa iyo intay dunida ku nool yihiin kuwa ka dhunsan xaqa Alle.

Intaan wadaada la dilin, baa 7da malyan ee aad soo xustey lagala dagaalamey xaqa. Waana taas midda keentey in ciddii xaqa cadeysa lagula kaco: DIL u dhaxeeya xabad, mindi, faas ilaa iyo ul, XARIG u dhaxeeya xabsi dheer ilaa iyo camaajiir saacado ah, FADEEXEYN nooc walba leh sida suuqa oo lagu siidaayo dad wadaado iska dhigaya oo la yiri sameeya intii foolxumo ah si qalad looga fahamsiiyo dadka kuwa xaqa cadeynaya iyo caqiidadoodaba, xijaabkii oo suuqa looga diirtey gabdhihii isku asturey amarkii Alle dartiis ilaa iyo in toos loo caayo ciddii lagu arko iimaan qaalis ah. Intaas oo dhiba oo ilaa maantey taagan waxaa ka danbeeyey dadkoo dhan, laga soo bilaabo dowlad ilaa iyo dadka caadiga ah, oo waliba qofba qofkii xigey farta loogu fiiqey.

Jabhadaha kala qoqobtey dadkii iyo dalkii, waxay dhaqaalaha ku helaan inay la dagaalamayaan Wadaado ay ugu yeeraan magacyo kale si aan dadweyno uga soo horjeesan. Ficlan weyna fuliyaan middaas, ha ka ahaato ogaal ama ogaal la'aane.

Waxaase waxaas oo dhan ka xoog badan BALANQAADKII ALLE ee ahaa kuwii u samra xaqa, inay noqon doonaan kuwa liibaaney adduun iyo aakharaba.
Marka yaan samirku nagu yaraan!

W/Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Monday, February 05, 2001 - 06:19 pm
A/caleykum

Am
Waa runtaa sxb waana war aan shaki ku jirin iney liibani doonan kuwa tiirka Alla cuskada, Allaha naga yeelo kuwa harsada hoos Ilaahey maalinta uusan hoos kale jirin.
Till then fii amaani Laah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Wednesday, February 07, 2001 - 09:27 am
A/Caleykum


DIGIDII 3AAD

Walaalayaal waxaan idin kaga digayaa agjoogaa wadooyinka macsida iyo xeyndaabkeeda.
Waxaana idin ku boorinayaa in loo degdego GUURKA, waayo:
GUURKU waa ciribtiraha macsida
GUURKU waxuu dajiyaa qalbiga
GUURKU waxuu asturaa indhaha
GUURKU waa sababta tarankeena

Marka walaalahayow:
U guursada natiina si quluubtiinu u xashisho ama u dagto.
U guuriya Ilmahiina si uu indhahooda u asturo.
U guuriya Waalidiintiina si aad uga badbaadaan waalid ciroole ah oo saaxiib ama saaxiibad sheeganaya ama qarsanayaba.
U guuriya ehelkiina iyo saaxiibadiinba intii awoodi karta oo aad u awoodaan si aad kheyr uga heshaan.

Waxaa laga yaabaa in qaarkiin yiraahdaan: sidee u guursadaa haddaanan arag qof i qanciyaba ama qofkaan rabey? Haddaba walaalkayow waxaa adiga ku saaran oo kaliya inaad la timaadid dadaal, oo ah inaad qofka ka fiirisid siduu ku yahay xiriirka Alle, kadibna aad Ilaahey u baridid inuu kaaga dhigo kii aad raadineysey ama rabtey, Ilaahna waa kaaga dhigayaa haddii aad tahay adoon u qaalis ah, Insha Allaahu!

Qaarkiin baa laga yaabaa inay qosol u qaataan u guurinta waalidka, sidey u suuragal noqon karto in loo guuriyo waalid daqoobey iyo waxa laga helayo ama uu ku falayo waqtigaan guur.
Aah! magacaa bi'iwaayaye! dabka kuleylkiisa ma caqligaad ku garataa mise oogadaa iska saartaa?
Marba hadday tilaabsan karaan u guuri, oo u raadi qof ku da' iyo gaarad dhow, kuna sii xoojin kara cibaado badsigiisa.

Ugu danbeyn, kheyr Allaha idin siiyee! qofwalbow ku dadaal sidii guurka loo badan lahaa, si looga badbaado macsida quluubta daboosha iyo fidnooyinka qoysaska naafeeyey ee meydka kaga dhigey dhulka gaalada.

ILLAAHOW GUURKEENA HAGAAJI, OO ISLAAMKOO DHAN GUURKOODA KA YEEL MID SUGAN! AAMIIN!!!

W/Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Tuesday, February 13, 2001 - 09:56 am
ASSALAAMU CALEYKUM

AM> Waan ka mashquulay in aan fiiriyo bogan waan ka xumahay,su aalaha aan rabo wey kala duwan yihiin waxaa u badan in aan falanqeyno xijaabka !!! NASIIB WANAAGSAN!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Tuesday, February 13, 2001 - 10:04 am
TO>M.
ASSALAAMU ALEYKUM!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Tuesday, February 13, 2001 - 12:14 pm
D.M
Wacaleykum wasalaam sxb, xagee ka baxdey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Wednesday, February 14, 2001 - 10:24 am
M> A.Caleykum.

waxbaa si iga noqday! laakiin adiga & sxibkaa qadka marna kama bixin,soo daaya hada bal!!!

Macassallaama!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Wednesday, February 14, 2001 - 05:51 pm
W/wasalaam DM,

Saxiib meeshad nagi ogeyd an weli joognaaye bal nagu hurguf adaaba qadka ka baxay oo sheeko hayee lol.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

D.M

Thursday, February 15, 2001 - 07:12 am
M.A/C/waraxma.
warma lihi laakiin waxaan la cajiibay saxibkaa AM. sida uu ugyahay waxa aay dadka sameeyaan iyo sida uu uga reebi yaqaan dadka munkarka, marka aan aqriyay hadaladiisa waxaan soo qiyaasay magaciisa in la dhaho ADEN hadii aay run naqato kawaran hee!!!marka uu qadka ku soo noqdo waan weydin doonaa INSHA ALAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Thursday, February 15, 2001 - 09:09 am
Asalaamu Caleykum

M. iyo D.M.
Ugu horeyn dhammaantiin waad salaaman tihiin.
Marka xigga waad ku mahadsan tihiin sida hufan ee aad uga muuqataan boggan. Runtiina markaan eegno xaaladaha maantey iyo sida ummadii duufaantu uga adeegatey, waa waxaan qurjuc dhammeyn howlaha laga wado qadadka Internet-ka, waase noocyo dadaalka ka mid ah, Illaah baana yaqaan meeshii kheyr ku jiro iyo ciddii uu u iftiiminayo.
Annagase waa waajib nasaaran inaan sheegno oo farta ku fiiqno waxii kheyr ah si loogu jiheysto iyo waxii shar keenaya si looga digtoonaaado, Illaahey ha nagu hannuusho wadda xaqa ah!!

D.M.
Soo noqod wanaagsan, waanad ku mahadsan tahay ammaantaada. Waxii su'aalo ah waa isla naqaashin karnaa haddii Allah yiraahdo. Xijaabka dad badan baa ogsoon, oo daalacdey sida loo waajibiyey, balse waxaa yar fahamkii iyo kalsoonidii xoojin laheyd in looga hortago dagaalka ba'an ee lagu hayo xijaabka iyo qaadashadiisa. Tusaale: maantey ganacsiga ugu badan ee dhaqsaha wax looga tacbado dalalka gaalada, waxaa lagu sameeyaa dumarka iyo jirkooda, gaar ahaan gabdhaha, si taas loo gaarana waa in marka hore gabdhaha lagala dagaalamaa waxii caqiido, kalsooni, xishood iyo caqliba ah.
Marka gabadha xijabani waxay kulansatey intaas oo dhan, taasna waxey caqabo ku noqoneysaa dantii ganacsadataas, waana middaas waxa dagaalkooda sababey, ayagoo leh waxaan idin gaarsiineynaa xornimo iyo horumar ka fiican tiinna.
Waxaase nasiib darro ah, gabdhahey gaarsiiyeen xornimada iyo horumarka inay yihiin: kuwa lacagaha badan looga sameeyo inay jirkooda oo qaawan ku madadaaliyaan dadka kale ee lacagta laga rabo sida hantilayaasha, ragga iyo waliba dumarka kale ee loogu baaqayo inay soo tiigsadaan.

Marka waa runtaayoo way jirtaa inaan waxuun ogahey, balse intaan ogahey baan dadka kale ka ciil badsadaa.

Haddaan u imaado su'aashaan kuu hayey, Maxaad iigu maleysey magaca aad soo xustey, ma waxaan kuula hadal ekaadey qof aad taqaanid, mise waxaad jeceshahey inaad hadalada ku goobtid qofkiisa?

Hadba markii aan waqti helo, waxaan sii wadayaa
u digida walaalaha wanaagsan, haddii Eebbe idmo!

W/Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Thursday, February 15, 2001 - 10:51 am
A/aleykum,
DM iyo AM waa u jeedan meeshan inaan gooni ku nahay lakin intan fasahaad ku go'doon noqon laheyn aan wanaag ku go'doono.
Waxaase hubaal ah in ninkii ibliis ahaa shaqo weyn ku jiro, uu soto iskaalo dadka iskugu duba ridayo, waa nasiib xumo in sidey ku sheegan 200ka qof oo soo booqata bogagaan "aqoon is weedarsiga" loo yaqaan aanu ku noqono 3 keliya, siiba anagoo ku hadleyna wanaag iyo waano iyo wax is far. Madaama aan arkey dhalinyaro badan oo bogaga kale wax wanaag ah isku weedarsanyo lakinse kan weli adareeskiisa lama helin. Mise waan luuqadan ku taganleyno, mindhaa dadka waxay rabaan intaan sima qabsano inaan sanqada ka hadalno oo isticmaalno ingiriis mise waa enlish hadba sidaa u taqaanid.
Calaa iyo xaal, waa nolol geeri ah mida aan maantey ku sugan nahay oo anagoo Ilaahey diinteena barakeysan nagu dhaliyey ayaan ka dooraney in kuwa aan istujoon ku dayano.
Aqyaarta meesha waan ku yarnaahaye aan is weedarsano emailda sidan hadi bogan albaabada loogu xiro an u kala lumin. Waxaa la yiri saxiibkaa wanaaga isku baratan wuxuu kaaga roonyahy walaalka xumaanta ku wada socotan. Marka saxiib yaal aan is weedarsano emailda oo an iska war qabno, oo waxaa dhici karta inaan isku hiiganeyno iskana war qabin, ee aqbaartiina labaad ha noqoto mid arintan aan soo jeediyey xusta.
Sidaa iyo is maqal danbe oo xiiso leh.
Allaha jidka toosan nagu hanuuniyo....aamin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d

Friday, February 16, 2001 - 08:01 am
A.C.W.WARAKAATU

AM.marka hore waxaan ku leeyahay ALLAAH SUBXAANAHU WATACAALAA hakuu naxa riisto,marka xigta waxaan ka fahmay hordhacaada hadalka in aan wax yar xadgudubnay oo aan ka baxnay xadka ciiwaanka waana ka xumahay taas,
tan magaca ma fiicneyn in aan isku mashquuliyo balse waxaa jirta in aan aqriyay bog kamid ah bogaga wax lagu soo qoro waxaan arkay qof isticmaalaya maskaxdaada & fahankaada oo kale qiyaas ahaan, qofkana magacaas ayuu watay waxaana layiri"FACTABIRUU YAA ULIL ABSAAR"waxaan u maleynayaa inaad ka dheregsantahay jawaabtan.
F.G
Waxaa dhici karta in aan ku guuleysankari waayo qiyaastan,sidaas darteed ayaan codsanayaa cafis iyo karaali noqoshada xadgudubkaas,mana dhici doonto markale.
Arimaha xijaabka runtii aad & aad ayaan u xiiseynayaa in laga hadlo ee halkooda nooga sii wad intii aad awoodo adigoo ku rajeynaya raxmada alle WABILLAAHI TOWFIIQ!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d

Friday, February 16, 2001 - 08:22 am
A.CALEYKUM
M.walaal umaleyn maayo in aan kala dhumi karno waayo hadii aad tahay qeyr raadis waxaan ahay anigana qeyr raadis sidaas darteed qadadka diinta looga hadlo ayaan ku wada jiridoonaa, haka cabsanintaas laakiin hadii aaynan macquul kula ahaayn waad noo sheegikartaa INSHA ALLAAH!
macassalaamah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Friday, February 16, 2001 - 08:38 am
BISMILLAAH

AM.& M.
waxaan rabaa in aan idin weydiiyo intii aad iga roontihiin,
madaama aan joogo dhul qabow ah rabana xijaabkeygii in aan ka ilaaliyo dhaawac sideen isku waafajin karaa cimilada & xijaabka?maxaa yeelay aniga kumaqanacsani sida loo xijaabto xiliga qabowga, runtii waan ku jaha wareersanahay arintan,maxaa si ah?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Friday, February 16, 2001 - 11:10 am
Asalaamu Caleykum

M

Walaal waad ku mahadsan tahay talada aad soo jeedisey, balse waxaan qabaa fikrad ka duwan taada. Waxaana aaminsanahay in dad badan aqristaan ama booqdaan qoraal kasta oo ku jira boggagan kala duwan ee Forum-ka, gaar ahaanna midkaani xiiso dheeraad ah u leeyahay dad badan kuwa fahamsan iyo kuwey tooska u taabatey dhibaatooyinka ummadda gaar ahaana qoyska ama familka ku nool dhulalka gaalada.

Dhinaca yaraanta tirada ka qeyb qaadata, waxaa sababi kara: Mowduuca oo aan aheyn mid dood, ee ah mid wax isku tilmaamid iyo wax iskaga digid ah, taasna waxay anfaceysaa ciddii Alle ku hanuunsho, waana ku qancayaan markey arko. Kii kalana, ugu yaraan wuu dareemayaa xaaladda iyo sidey ugu roonaan laheyd, umase furna waxuu ku doodo iyo wax uu ka beeniyo mowduuca. Waxaa kale oo dooda yareyn kara ayadoo natiijada iyo mari dhalka laga dhaxli karo mowduucani u baahan tahay waqti iyo howlgal dheer, taasna muddo kadib bey soo bixi kartaa waxii laga oran lahaa.

Marka aan meesha ka sii wadno, waayo kheyr yaraan maleh, xataa waxaa laga yaaba inay anfacdo oo wax u tarto hal qof, kadibna uga faa'ideeyo qoyskiisa, qof kasta oo qoyskaas ka mid ah, u sii gudbiyo qoys kale.

Dhinaca ha la iska war hayo ma xuma, laakiin yaanaan isku raacin annagoo u muuqanna in nala ku diidey wanaaggii iyo kheyrkaan sheegeyney.

W/Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Friday, February 16, 2001 - 11:35 am
Asalaamu Caleykum

D.M.

Waad ku mahadsan tahay jawaabahaaga iyo su'aashaadaba, waxaanse ka xumahey inaad ka cudur daaratid arrinta magaca sidii adoo danbi iga galey, oo aad dib uga boodey, waxaanse sugayey inaad tiraadid qoraaladaas baan arkey ee bal ila fiiri, haddaad tahay iyo haddii qofkaasi kugu figrad yahayba. Midda kale adiga iyo aqristayaasha kalaba waxaan ku soo dhaweynayaa inay ila qeybsan karaan waxii su'aalo, naqdin, kaftan ama foorjo iyo tusaaleyn ah.

Arrinta xijaabka iyo qaboobaha, waxaan u arkaa inay tahay tan ugu fiican, waayo isxijaabidu waa in la asturnaado, oo loo asturnaado sidii la isfarey, markii qabow jirana, waa sidii iyo si ka siifiican oo waxaa faa'iddo kale oo laga gabaadsanayo dhibaatada qabowga. Xijaabkuna ma leh dhar gooni ama gaar u ah, ee waa in la raacoo oo kaliya sidii la is amrey oo ah: inuu jirkaaga asturi karo ama dabooli karo, kuguna dhaganeyn ama shulug kugu ahen kaas oo markii deyshu kugu soo laabto, muujineyn xajmigi ama qaabka jirkaaga ama xumintaada.

Marka qaboobaha ku xijaabo dhar ka sii culus kii waqtiyada kale, balse waa inay wada oofiyaan shuruudihii xijaabka.

W/Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Friday, February 16, 2001 - 03:54 pm
A/caleykum dhamaan,
Waad ku wada mahadsantihiin sida xiisaha leh aad jawaaba iskaga soo daba rideen.
Cudur daar yar: Ha ii fahmina iney ula jeedadeeda tahay in inta wanaaga rabta ey gooni iskula baxan. Taas kama waden codsigeya lakin waxaa jira in nolosha "forumska" ey ka gaaban tahay xariirka kale, marka markan arkey walaalo saan u wada maskax fiyoow an waxan ka baqay in aan kala luno. Lakin hadaa garateen in meesheda an ka soo miisno anagoo is weedarsan xariir taabashao leh(emailada) waxba kama qabo.

DM: walaal waxan xasuusta wadaad aan u turjumayey asagoo ka mid ah dadka madaarka xaajadooda ku dhameesta. Wuxuu ku soo beegmey waqtigii barafka, marka waxan dareemey wadaadka inuusanba dheg u dhigeyn aniga iyo naagta dacwada ka qaadeyso, oo markuu cabaar joogaba sida nin aan kurbo heynba wuxuu mashquul ku yahay dariishdad daawasho, asagoo eegaya dadka dariiqa maraya. Naagtii baa waxan ka daremey iney yara dhibsatey, markaas isku dayey inaan wadaaka u baaqo ama u sheego inuu siiyo wareesiga niyad maadama laga hadlayo arin quseysa. Asagoo weli dariishada eegaya buu wuxuu si niyad ah u yiri, "war meeshu Islaam badnaa sow tan dadkii wada asturan"
Qosolki iga soo go'ay dartiis naagtiiba weyn naga xanaaqdey oo waxay is tiri raga adeeyba kugu maqnaayen.
Calaa iyo xaal DM, siduu AM u kor ugu xusey waxaad moodaba in la isku sameeyey qabowga iyo xijaabka, marka meeshada ka sii wado.
Sidaa iyo is maqla danbe oo xiiso leh.
w/wasalaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Saturday, February 17, 2001 - 08:40 am
A/Caleykum
AM.waan ku qasbanaay in aan kaa cudur daarto waayo aniga ayaa faraha la galay sheeko aan loo jogin waana danbi in aan dhegta kaasoo qabto ama kugu sheego magac aadna laheyn!
TO.AM.M.
Xijaabka waxaan aniga u aqaanay, inlaxirto maro ku asturi karta, sharuudeedunatahay
1>ha ahaato mid aan jilcaneyn yacni <qafiif> 2>yeeysan ahaanin mid udugleh ama caraf,3>in aay kala gaari karto tin ilaa cirib,
4>XIJAABKU IN UUSAN KUGU DHAGANEYN YACNI JIRKAADA AAN LAGA SUUREYN KARIN AMA AAN LAGA QIYAASI KARIN,
marka waxaa dhib kataaganyahay waxaa lagu yiri horta jaked xiro,
taasi waa lagama maarmaan haye sideen u xirtaa jaakadka lagama xiran karo xijaab weeyn hoostiis waayo barafka ayaaba ku dul dagaayo adiga dhan, waxaa laga xirtaa jakedka hoostiisa yacni xijaabka hoos mari kadib xiro jakedka, marki aan taas sameeyay waxaan ogaaday in aay meesha kabaxday sharuudaha mid ka mid ah,ilma adeera yaal su aashaydu marka waa JAKED NAAG XIRAN EE INTA BADHAMADA U XIRATAY UNA EKAATAY NIN OO KALE LAYIRI BAL ISKA LAAFYOO LANA ARKI KARO WAXAAY QARINEYSAY OO DHAN KAWARAMA?
taan dhaliilay waa taase ila fiir fiiriya
wabillaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Saturday, February 17, 2001 - 04:49 pm
A/aleykum
DM wan ku gartey, lakinse hadan kaga jawabaabo si cilmi dhagool ah waxan ka baqayaa inaan qad kale ka dhaco, marka waqti isii sidan arintan u weydiiyo wadaada, inkastoo an ogayahay in barafka iyo isha raga laga wada xijaaban karo. Intaan wadaada ku maqanahay bal waxaad sameysaa jaakada mid weyn ka dhig sidan koorbatuuradaada loo qiyaasin. Jaakadaha ruushka laga qaato aan shaqo ku laheyn qurux lakinse barafka soo gudbi karin isla markaasna ilaa iyo qoobabka ku jooga. Bal arintu intan cilmi baar ku jirno jaakadaas noo soo qabo.
AM iyo aqyaarta kale bal adinkana intaa i dhaantan meesha ka muujiya DM, arin culus bey soo badh dhigtee. Waxan is lahaa mar hadii barafka lagaaro muuminad iyo muraad doonba wey asturmayan lakinse DM waxay ka qabtaa su'aal ee bal warkiina keena, aqyaarta.

W/wasalaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

asli

Sunday, February 18, 2001 - 04:29 am
asalaamucaleykum.waxan deganahey usa.
cajiiiiib ana tanaa i qabsatey,walaalayal mudo laga joogo sadexsano baan keeney 2 waalaalahey ah mid qaangara iyo mid ku dhow waxaan kala soo cararey gaajo iyo meel aan somaliya aheyn ooy ku sugnaayeen ,waan ku dadaaley in diinta aan ku xiro salaada waan ku boorin jirey ma tukan jirin ilaa aan u sheego in ay tukadaan,cajalada laga shido gurgo waxey aheyd quraan,hada waxey bilaaben xaflado aad waa u badan tahey kol dhaw in ay gaalada wax ku darsadaan madaama ay sxbo badan ku yeesheen,anigu dadaal ban is iri laakin waan danbabey waayo baahi looma dhinto dadku wey wada nool yihiin qof kastana irsaaqadiisa rabi baa xukmiya..aloow noo denbi dhaaf.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Sunday, February 18, 2001 - 09:06 am
A.CALEYKUM
M.Aqifilaah waan ku faraxsanahay sida aad iila hadashay horay ayaan u ogaa in muslimka dhabta ah uu miraayad u yahay muslimka kale mashaa allaah, wuu noo runsheegay Rasuulkii Alle(SCW) waxaa muhim ii ah marka hore in aan helo dad aan u garabsado dhibka aan dareemayo hadana aay macquul la yihiin waxa aniga macquulka ila ah.waayo waxa aad ila hagaajineysid waa labiskeyga,ALLAAH AYAAN KAAGA BARYIDOONAA IN UU HAGAAJIYO CIRIBTAADA DANBE, KUUNA FUDUDEEYO ARIMAHAADA ADUUN & AAQIRO,runtii waxaa la yiri (ducaailqaaib)waa mustajaabo, iina soo qorbal waxa aad kala kulanto culumada umada oo dhan ayeey anfici doontaaye...jisaakallaahu qeyr!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Sunday, February 18, 2001 - 09:27 am
A.caleykum sis..
Asli.soodhawaaw,waxaad ka midtahay dadka aan raadinayay waayo waxaan aaminsanahay in aan isku baahanahay midkeenba midka kale,sxb arinta aad ka cabanaysid waxaa ka hadlay(AM)waana wax aad muhim u ah balse waxaa adag sidii wax looga qaban lahaa,waxaan leenahay dadka muslimka ah diintooda alle ha u iftiiniyo,fiiri uqtii naagaha jooga USA oo muslimiinta ah sidee buu yahay xijaabkooda?
fii amaanillaah!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Sunday, February 18, 2001 - 09:27 am
A.caleykum sis..
Asli.soodhawaaw,waxaad ka midtahay dadka aan raadinayay waayo waxaan aaminsanahay in aan isku baahanahay midkeenba midka kale,sxb arinta aad ka cabanaysid waxaa ka hadlay(AM)waana wax aad muhim u ah balse waxaa adag sidii wax looga qaban lahaa,waxaan leenahay dadka muslimka ah diintooda alle ha u iftiiniyo,fiiri uqtii naagaha jooga USA oo muslimiinta ah sidee buu yahay xijaabkooda?
fii amaanillaah!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Sunday, February 18, 2001 - 09:53 am
A.caleykum
AM.intee kabaxday maxaad uga qeybqaadan weysay su aashayda?soow ma ogid in aad tahay aabihii bogaan,aad ayaan u rajeynayay in aan aqrin doono wax uun aad soo qorto,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Sunday, February 18, 2001 - 01:02 pm
Asalaamu Caleykum

M, DM iyo Asli

Ilaahey ha idin ka ajar siiyo dadaalkiina iyo qurxinta noloshiina iyo kheyr raadintiinaba.

DM
Walaal Ilaahey ha kaa ajar iyo xasanaad siiyo dadaalkaaga kheyr doonka ah. Horta waxaa nala farey dadaal lagu sameeyo niyad daacad u ah awaamiirta Ilaahey, xukunka Qaadirka baa iska leh, ilaa Asagaa daalacanaya quluubtee.
Marka waa fiican tahay inaad markasta ku dadaashid sidii aad ugu sii dhawaan laheyd dhammeystirka wanaagga Alle naga doonayo. Marka intii dadaalkaagu yahay ee aad awoodu samee, oo dooro dharka iyo qaabka kuula muuqda inuu oofinayo shuruudihii xijaabka, kadibna Ilaahey oo u jeeda inaad la timid intii karaankaaga ah, baa kuugu naxariisanaya, oo kuu iftiiminaya gaaridda ama helida sidii aad jeclaan laheyd, Insha Allaahu!

Ilaahey adiga iyo intii kula qabta walwaalkaas ha u saqiro wadadda ugu hagaagsan ee aad ku gaari kartaan wanaaga aad dooneysaan, Aamiin!!!

Asli
Walaaley waan kula dareemi karaa dhibaatada ku heysataa, waxayna ka mid tahay kuwa tirada badan ee dadkeenii soo qaxey ku faafaya, waana midda iga dhawaajisey ee igu qasabtey inaan dadka xasuusiiyo inay arkaan oo indhaha u furaan dhabaatada sii ballaaraneysa.
Hadaba waxaan wadaa Digitaan taxane ah, oo kuwa harey aan uga hadli doono Ababinta Ilmaha iyo sidii aan isleeyahay dhibaatada waa looga furdaamin kara, Insha Allaahu!
Adigu intii dadaalkaaga ah, marka ha ka daalin, waliba ogow Wiilku hadduu gaaro sagaal sanno iyo ka badan inuu u baahan yahay talada waarid nin ah sida tan aabbe, adeer ama abti. Balse dumarka taladooda waqtigaan waxay ka sii qaadaan cariiqsi iyo sii fogaansho. Marka waligaa ka ilaali inaad toos ugu tilaamtid ama ugu sifeysid khaladkooda sida: Waad ha lowdeen, waa idin ku qasaarey, sheydaan baa idin qaatey iyo waxii cay ama inkaar ah iyo waxii calaacal ah oo dhan.
Laakiin isku day sidii waqtiga loogu yareyn lahaa, oo ku mashquuli waxii suuragal ah sida waxbarashada ama shaqada, inay helaan saaxiibo wanaagsan oo ahlu diin ah kala kaasha ragga ehelka u ah, kula darajee(hadiyado) aadan sii sheegin sidey u kala dadaal badiyaan sidii ballan qaad aad leedahey: Kiinii ii aada muxaadarada ee caawa iiga sheekeeya waxii la is farey waxaan siinayaa hadiyad la yaqaan iwm. Xaddid saacadaha TVka, adoo sababeynaya sida inaad ku doonaysid inaad ku daawatid muxaadaro lagaa sii dhowrayo, ee toos ha ugu muujin inaad u diideysid, waayo waxay u qaadanayaan canaadsi iyo inaad ku gumeysaneysid gurigaaga ama dhaqaalahaaga.
Markasta u sheeg inaad jeceshahey oo ku kalsoontahay inay noqon doonaan wiilal wanaagsan oo wax tari doona ciddoo dhan iyo muslimiintaba.
Hana halmaan inay kaa muuqaato naftaada wax kasta oo aad sheegeysid ama aad fareysid ayaga.

Illaahey annaga iyo carruurteenaba ha hagaajiyo!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Sunday, February 18, 2001 - 07:13 pm
Asalaama Caleykum,

AM wad salaanmantahay, Asli adina sidoo kale walaal, dhibka ku heestana waa lugula qabaa.

DM,
aamin walaal ducadaa ii duceysay Allaha noo wada sahlo, mudada yartaa aan dhalanteetkan ku jirnana Allaha naga bad baadiyo, Aqirana kuwii kitaabkooda gacanta midig ka qaata Allaha naga yeelo.
Walaal, arintan kuugu maqnaa marka hore weli sidii baa dhabaheeda ugu taaganahay, oo waxan rabey inaan wadaada la kaashado, inkastoo AM uu kuu taab taabtey hadana waxan jeclaan lahaa in baahida aad u qabto moqduucan aan si fiican u bogsiin laheyn, marka hoos waxaa ku qoron maqaal ama article ku saabsan xijaabka oo an ka helay qoyska reer 'WWW' marka sii aqriso inkastoo an haleeli waayey ayadoo luuqada hooyo ku qoron hadana walaal waxab is iri DM madaama ey dhulka sanqada laga hadlo ey joogto wey fahmi doontaa arinta meesha ku xusan.
Aqris wacan walaal iina soo sheeg iney kugu filan tahay ama aan buraashdeyda buuxsado oo meesha baadi goobka wadaada kasii wado.

Asli:
Asli walaal sheekadaada wey i taabatey runtiina arintan waxaa si qoyan uga hadley AM Allaha ajar ka siiye. Lakin walaal mid baan ku leeyahay, walaahi qof kasta oo Muslim ahna kalama ganbado. Waxaa noo danbeeya xabaal iyo aboor, aduunkan wax kasta oo aad ku heysatit waxaad nasiib leedahay hadaa kala tagto karfan, marka yaana dhal-dhalaalkan dhalanteetka ah nala tegin, ilmaha meesha ha laga wado, nafsadeena meesha ha laga wado, inta wax naga maqasha meesha ha laga haajiriyo. Xal kale ma laha, cunugaa meeshan keentit oo aad ku waanisid inuu iska ilaaliyo fusuqa ka socdo waa adoo yiraah badaas ku dabaalo biyana yeysan ku gaarin, yacni macquul maha. Maalin kastaa aragnaa sheekoyin kugu sii dhiiri galinaayo inaa meeshan ka Haajirtit. Hadana sidii dhaawac ban jiifnaa. Toban sano ka hor waanu nooleyn, gaalana gacan ma hoorsan jirin, maxaa maantey nagu kalifey inaanu niraahno hadaan gaaladan ka tagno yaa wax na siin(adi kuma lihi saas baa tidhi) lakin walaal waxan arkey kun iyo kow saas ku andacooneysa, muxaadarad aan dhegeystey ayaan dhaweyd baa lagu soo qaadey arintan. Waxaa tusaale wadaadka ku soo qaadey odey somali ah oo Holland degen oo yiri; intey ilmaheyga dhiman lahaayen ayagoo gaajeysan oo Muslim ah, ha dhintaan ayagoo dharagsan oo gaalo ah!!!! subxaana Laah.
Ogow hadaa hal tilaabo u qaadid xaga Ilaahagii ku abuurtey inuu toban tilaabo kuu soo qaadaayo, marka walaal keligaa dhibaatadan kuma heysato, ee ruux kasta oo Muslim ah ayey dhabarka ka saarantahay ee Allaha talada ha la saarto meeshana aan ka tabaabusheysano intey goor-goortu tahay.

w/wasalaam

Hijab

III&E Brochure Series
(published by The Institute of Islamic Information and Education (III&E) and reproduced in electronic form by Islamic Academy for Scientific Research with permission)


--------------------------------------------------------------------------------


THE QUESTION OF HIJAB: SUPPRESSION OR LIBERATION?
"Why do Muslim women have to cover their heads?" This question is one which is asked by Muslim and non-Muslim alike. For many women it is the truest test of being a Muslim.

The answer to the question is very simple - Muslim women observe HIJAB (covering the head and the body) because Allah has told them to do so.


"O Prophet, tell your wives and daughters and the believing women to draw their outer garments around them (when they go out or are among men). That is better in order that they may be known (to be Muslims) and not annoyed..." (Qur'an 33:59)
Other secondary reasons include the requirement for modesty in both men and women. Both will then be evaluated for intelligence and skills instead of looks and sexuality. An Iranian school girl is quoted as saying, "We want to stop men from treating us like sex objects, as they have always done. We want them to ignore our appearance and to be attentive to our personalities and mind. We want them to take us seriously and treat us as equals and not just chase us around for our bodies and physical looks." A Muslim woman who covers her head is making a statement about her identity. Anyone who sees her will know that she is a Muslim and has a good moral character. Many Muslim women who cover are filled with dignity and self esteem; they are pleased to be identified as a Muslim woman. As a chaste, modest, pure woman, she does not want her sexuality to enter into interactions with men in the smallest degree. A woman who covers herself is concealing her sexuality but allowing her femininity to be brought out.
The question of hijab for Muslim women has been a controversy for centuries and will probably continue for many more. Some learned people do not consider the subject open to discussion and consider that covering the face is required, while a majority are of the opinion that it is not required. A middle line position is taken by some who claim that the instructions are vague and open to individual discretion depending on the situation. The wives of the Prophet (S) were required to cover their faces so that men would not think of them in sexual terms since they were the "Mothers of the Believers," but this requirement was not extended to other women.

The word "hijab" comes from the Arabic word "hajaba" meaning to hide from view or conceal. In the present time, the context of hijab is the modest covering of a Muslim woman. The question now is what is the extent of the covering? The Qur'an says:


"Say to the believing man that they should lower their gaze and guard their modesty; that will make for greater purity for them; and Allah is well acquainted with all that they do. And say to the believing women that they should lower their gaze and guard their modesty; and that they should not display their beauty and ornaments except what must ordinarily appear thereof; that they should draw their veils over their bosoms and not display their beauty except to their husbands..." (Qur'an 24:30-31)
These verses from the Qur'an contain two main injunctions:

A woman should not show her beauty or adornments except what appears by uncontrolled factors such as the wind blowing her clothes, and
the head covers should be drawn so as to cover the hair, the neck and the bosom.
Islam has no fixed standard as to the style of dress or type of clothing that Muslims must wear. However, some requirements must be met. The first of these requirements is the parts of the body which must be covered. Islam has two sources for guidance and rulings: first, the Qur'an, the revealed word of Allah and secondly, the Hadith or the traditions of the Prophet Muhammad (S) who was chosen by Allah to be the role model for mankind. The following is a Tradition of the Prophet:
"Ayesha (R) reported that Asmaa the daughter of Abu Bakr (R) came to the Messenger of Allah (S) while wearing thin clothing. He approached her and said: 'O Asmaa! When a girl reaches the menstrual age, it is not proper that anything should remain exposed except this and this. He pointed to the face and hands." (Abu Dawood)

The second requirement is looseness. The clothing must be loose enough so as not to describe the shape of the woman's body. One desirable way to hide the shape of the body is to wear a cloak over other clothes. However, if the clothing is loose enough, an outer garment is not necessary. Thickness is the third requirement. The clothing must be thick enough so as not to show the color of the skin it covers or the shape of the body. The Prophet Muhammad (S) stated that in later generations of his ummah there would be "women who would be dressed but naked and on top of their heads (what looks like) camel humps. Curse them for they are truly cursed." (Muslim) Another requirement is an over-all dignified appearance. The clothing should not attract men's attention to the woman. It should not be shiny and flashy so that everyone notices the dress and the woman. In addition there are other requirements:

Women must not dress so as to appear as men.
"Ibn Abbas narrated: 'The Prophet (S) cursed the men who appear like women and the women who appear like men.'" (Bukhari)
Women should not dress in a way similar to the unbelievers.
The clothing should be modest, not excessively fancy and also not excessively ragged to gain others admiration or sympathy.
Often forgotten is the fact that modern Western dress is a new invention. Looking at the clothing of women as recently as seventy years ago, we see clothing similar to hijab. These active and hard-working women of the West were not inhibited by their clothing which consisted of long, full dresses and various types of head covering. Muslim women who wear hijab do not find it impractical or interfering with their activities in all levels and walks of life. Hijab is not merely a covering dress but more importantly, it is behavior, manners, speech and appearance in public. Dress is only one facet of the total being. The basic requirement of the Muslim woman's dress apply to the Muslim man's clothing with the difference being mainly in degree. Modesty requires that the area between the navel and the knee be covered in front of all people except the wife. The clothing of men should not be like the dress of women, nor should it be tight or provocative. A Muslim should dress to show his identity as a Muslim. Men are not allowed to wear gold or silk. However, both are allowed for women.
For both men and women, clothing requirements are not meant to be a restriction but rather a way in which society will function in a proper, Islamic manner.

M.C.Ali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Monday, February 19, 2001 - 08:00 am
A.caleykm
AM.waaaad mahadsantahay,insha allaah wey ii fududaan doontaa!
MACASSALAAMA!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Monday, February 19, 2001 - 08:17 am
A.caleykum
M.waan fahmay in kastoo aanan aad ugu fiicneyn engalishka xitaa anan joogin wadan looga hadlo laakiin waan fahmay waadna ku mahadsantahay dadaalka dheer,
MACASSALAAMA WA FII AMAANILLAAH!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Tuesday, February 20, 2001 - 04:56 pm
Asalaamu Caleykum M & DM

Walaalayaal Illaahey ha idin ka ajar siiyo dadaalka iyo aqoon isku gudbinta aad ruclaha ugu jirtaan.
Xagga waqtiga owgiis, waxaan ka cudurdaaranayaa daahidda qoraalkii DIGIDII 4AAD, oo aan rajeynayo inuu soo baxo intaan wiigani dhammaan, haddii Allah ka dhigo!

FG: Qoraalka inaan waqti u waayo moogiye, inta badan halhaleelna ha noqotee waan jaleecaa bogga, marka qoraaladiina waxaan aqriyaa intey qoyan yihiin. Middii iga qoslisey waxey aheyd, tii ninkii M ka kari waayey daawashada dariishada oo u qaatey dumarka qabowgu cadaadiyey inay asturaad ka tahay. Waxay i soo xasuusisey mid kale oo la yiri nin Soomaali ah baa TV ka arkey niman Soodaan ah oo xiran qamiisyo cadcad, madaxyadana duubab cadcad ku wata, oo raqsi cayaaraya. Markaasuu intuu madaxa gacanta ku kala barey yiri: "War goormaa culimadii sidaan u halowdey?!". Anniga qudheyda bey taas oo kale i qabsatey, markaan arkey wiilaal Kuweytiyiin ah oo cuud tumanaya, ayagoo u labisan sida wadaad u soo diyaar garoobey qudbadii salaada Jumcaha -qamiisyadii, cimaamadihii iyo cigaaladii madaxa.


Insha Allaahu, kheyr!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Thursday, February 22, 2001 - 05:10 am
A/caleykum
Aqayaarta sharafta leheey Asli inteey kabaxday?
waxaan islahaa wehel baad heshay,
AM.walaal noo soo dadaji wixii digid ah ee aad noo heysid insha allaah!!!
macassalaama!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Thursday, February 22, 2001 - 05:43 pm
Asalaama Caleykum dhamaantiin,

DM, madaama aa igu tidhi waad fahantahay qoraalkii hore walaal waxan helay qoraal kale oo ku saabsan HIJAABKA marka waxan rajeynaa inuu qoraalkan ku anfici doono siduu ii anfacay.

W/wasalaam


Islam has based its social structure on the institution of family. For the development of such a society in which the basic unit is the family, it is essential to regard chastity and modesty as fundamental values. It is to safeguard and protect these values that the Shariah has laid down a whole code of social etiquette and communal conduct. These directives have been discussed in the Quran very minutely. Since, their interpretation, in recent times, has often touched the two extremes, it is, once again, necessary to contemplate on the Quran in quest for the ariston metron --- the golden mean.

A deep deliberation on the Quran reveals that these directives, which have been dealt with in detail in Surah Ahzaab and Surah Noor, are basically of three categories. Following is a brief analysis of these directives.

The first category of directives pertains to safe and secure places. According to the Quran, such secure places may either be residential ones (bait-i-maskoona) like houses and apartments or non-residential ones (bait-i-ghair maskoona) like offices and schools. It says that if some friends, relatives or acquaintances visit one another, they should follow a certain decorum. If the visited place is residential in nature, the visitor should first of all properly introduce himself by paying salutations to the residents of a house. In this regard, the Prophet (sws) has instructed the visitor to knock three times at the door and if he hears no reply, he should turn back and not start an incessant session of pounding the door. Furthermore, if the residents are not in a position to welcome him and they ask him to return, he should withdraw without any ill-will towards them. However, in case the visited place is non-residential, no formal permission is required. Once a person has entered his destination, the men and women who are present, should observe two regulations: they should guard their gazes from taking undue liberty and take care that the dress they are wearing properly covers them. Women should observe one additional regulation as well: they should not display their finery except those which is evident, that is their clothes or any adornments worn on the face and hands. For this purpose, the Quran says they should cover their chests by their head-coverings and should not strike their feet in a manner which draws attention to any ornaments they may be wearing. Furthermore, the Quran says that it is not necessary to observe this third regulation with mahram relatives, but as far as the first two regulations are concerned they must be observed without exception to anyone whosoever. It is evident, therefore, that men and women while observing these regulations can eat and converse together. The Quran says:
"O ye who believe! Enter not the houses other than your own until you have introduced yourselves and wished peace to those in them. That is best for you that you may be heedful. If you find no one in the house, enter not until permission is given to you. If you are asked to go back, go back, for it is purer for you. Allah has knowledge of all which you do. It is no sin for you to enter non-residential places in which there is benefit for you. And Allah has knowledge of what you reveal and what you conceal. [O Prophet!] tell believing men to restrain their eyes and guard their private parts. That is purer for them. And Allah is well aware of what you do. And tell the believing women to restrain their eyes and to guard their private parts and to display of their finery only that which is apparent by drawing their coverings over their bosoms. They should not reveal their finery to anyone save their husbands or their fathers or their husbands' fathers or their sons or their husbands' sons or their brothers or their brothers' sons or their sisters' sons or other women of acquaintance or their slaves or male servants lacking in physical needs or children who have no awareness of the hidden aspects of women. [In order not to reveal their finery except which is apparent], they should [also] not stamp their feet in order to draw attention to their hidden ornaments. Believers turn to Allah in repentance that you may prosper." (24:27-31)

The second category of directives pertains to places which are not secure and unprotected from people of lewd character. Markets, road sides, shops and parks are examples of places where such people might create nuisance for women. The Quran tells Muslim women to wear large cloaks when they go out so that a part of the cloaks covers their faces as well, for this is the way dignified women dress up when they go out. This dress will identify them as decent women and they will not be teased. The Quran says:
"O Prophet! tell your wives and daughters and the wives of the believers to draw a part of their cloaks on their faces [when they go abroad]. That is more proper so that they may be recognized and are not harmed. Allah is Forgiving and Merciful." (33:59)


The third category of these directives relates to the leading women of a society, who set an example for others. Owing to the special position of the Prophet (sws), his wives occupied this place in his times. Consequently, these directives have been addressed to them. It is clear that the leading women of a society play a very essential role. The values which they adopt become the values of the society, and the trends they set become the trends of the society. If they falter, the whole society falters and if they remain on the right path, the whole society remains on the right path. It is due to the special position of such women that some additional directives have been given to prevent any scandal mongers from spreading mischief.


Firstly, womenfolk of such stature must refrain from openly exhibiting their embellishments. The Quran strictly forbids them to adorn themselves and go about displaying themselves. It says:
"Wives of the Prophet! stay in your homes and do not display your adornments as women used to do in the days of ignorance." (33:33)


Secondly, they should take care that whenever, they have to say something to people in whose hearts there is the ailment of lewdness, they should speak without showing any softness to them:

"O Wives of the Prophet! you are not like other women. If you fear Allah do not be too complaisant of speech lest one in whose heart is a disease should be moved with desire." (33:32)

These are the Quranic directives of Hijaab. The social etiquette they depict is poised magnificently between the extremes human civilizations have often witnessed. Like all other directives of Islam their object is to purify the soul and to purge it from evil, which is essential if man has to become worthy of the eternal life Heaven --- the eternal life for which the Almighty actually created him.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Friday, February 23, 2001 - 03:37 pm
ASALAAMU CALEYKUM

DIGIDII 4aad IYO
AASAASKA QOYSKA WANAAGSAN

Walaalayaal waxaan idinkaga digayaa adinka iyo qoysaskiinaba burbur iyo nolol ku dhimasho foolxumo leh, waxaana idin ku boorinayaa in aqaladiinu noqdaan kuwa xayi ah oo laga sooci karo kuwa qarimmey ee halaagsamey.
Haddaba si tan loogu guuleysto, waxaa muhiim ah in laga saxo bilowga ama aasaaska hore ee qoyska ama guurka. Marka walaalow si aad iila dareentid arrinta: jooji aqriska oo waqti yar ka fakar sidii aad ku dhistey aqalkaaga ama dadka aad taqaanid ku dhiseen guryahooda(qoysaskood)! Maxaad dareentey? Maxaadse muujisey; ma qosol, ciil, calool xummo, mise wax kale?

Dhisidda qoysku waa sidii beer la abuurayo, taas oo u baahan diyaar garow, tacab iyo samir, si loo gurto maxsuulkeeda wanaagsan, haddii kale waa lagu qasaaraa.
Aasaaska qoysku waxuu u baahan yahay:
1- NIYAD: Qofku waa inuu qalbiga ka dareemaa inuu doonayo ama jecel yahay inuu reer yeesho una bisil yahay dhinac kastaba.

2- UJEEDDO: A- Waa in ujeedadiisu tahay inuu aqalkaas ku xoojiyo shucaaca Islaamka. B- Iyo in Ilaahey ka siiyo meeshaas ubad(awlaad) kheyr qaba.

3- XULASHO HABBOON: Waa in qofka lagu doorto xiriirka uu la leeyahay Allahii abuurtey iyo sidii uu ugu hogaansan yahay awaamiirtiisa oo ka imaaneysa Quraanka iyo Sunnada. Tusaale: A- Waa in laga digtoonaadaa been iyo waxii ku raad leh in la isku soo dabo, ama la isku soo xero gasho. B- In laga dheeraado isfalisaad iyo inaad walaal kaa soo horeeyey ama kaa soo horeysey oo loo dabamaro qofkii sheekada, shukaansigu ama xiriirku ka dhaxeeyey, waddo kasta ha loo soo maree, taas oo ah xaaraan. Waase la iska banneystey taas, waana midda ugu daran ee darteed qoysaskeennu u burbursan yihiin. C- Waa in la iska ilaaliyaa ballan kabixida oo ah diin darro. Waana aragnaa sida loo sahalsadey oo ballanqaad fara badan iyo sida sahalka ah ee looga baxo, taasna waxaa u badan dumarka oo ka dhigta dufaac iyo hadal qurxis, hadhowna yiraahdo, "Maanaa qasbey, asagaa habhablahaaye!" D- In runta qof walba ka sheego naftiisa, cilmigiisa iyo maalkiisa, oo uu yaraahdo waxaan ahey qofkaas ee maxaad ka qabtaa. E- In la iska ilaalsho masaafeynta, dafidda ama boobka iyo qasabka qoysaska lagu dhisayo ee la raaco sidii naloo sheegey, haddaan kheyr ka dooneyno. Iyo in la barto shuruudaha waxa loo yaqaano walaayadda iyo cidda qaadi karta.

4- WADA DHAQANKA WANAAGSAN: (A) Waa in labada qof ee isku noqdey sowj(sey) iyo sowjo(afo) is tixgaliyaan oo ogaadaan in midba mid kale u yahay dhar, oo uu asturaa ceebtiis. Macnu waa inaad toosisaa ama hagaajisaa adoo ixtiraamaya ee loolama jeedo ha sheegsheegin ceebtiisa oo kaliya, waayo taasi waaba dambi oo meeshaba ma imaan karto. (B) Waa in qofba qofka kale u noqdo miraayad uu iska arki karo wanaag iyo xumaan waxuu la yimaado. (C) Waa in lagu kala danbeeyaa mas'uuliyadda, oo la kala noqdaa aabbihii reerka iyo hooyadii reerka, kuwaas ooy ka dhaxeyso wada shaqeyn iyo kala danbeyn la isku jecelyahay.
(D) Waa inay wada jir u daryeelaan naftooda, gurigooda iyo ubadkooda. Daryeelkani waxuu taam noqon karaa markii lagu miisaamo am lagu cabbiro dariiqa xaqa ah ee Alle noo jidiiyey, ayadoo la fahamsan yahay ee aan lagu dhex habaabeyn ama aan la iska indho tireyn.

Haddaba ugu yaraan markaan raacno qodobadaas oo aan ugu dhaqanno si niyad iyo daacadnimo ah, baa guryaheenno noqonayaan kuwo nool, oo laga sooci karaa kuwo faraha badan ee aan marqaatiga ka nahey sidey nolosha ugu baqtiyeen.

Insha Allaahu, DIGIDII 5aad iyo DARYEELKA ILMAHA waxaan uga hadli doonaa qoraalka danbe.

ILLAAHEY GURYAHEENAA KUWA NOOL KA YEEL!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

D.M

Saturday, February 24, 2001 - 06:38 am
A/caleykum
AM./M. mashaa allaah,muxuu alle idinka dhigay kuwo dadalaayo,waxaan leeyahay ilaaheey ha dhereeyo CIMRIGIINA inkastoo dadka qaar aysanba jecleen cimri dheer hadana waxaan isleeyahay cimriga ha u dheraado si aad u anfacdaan umada kale,
AM.walaahi waan ku qoslay su ashaadii yareed oo aad hadana dadka weydiisay (MAXAA DAREENTAY)cajiib waxaan ku leyahay aqliga alle ha kuu siyaadiyo Aamiin!!!
M.mahadsanid haka caajisin marwalba ka hadalka xijaabka waxaan ahay mid xiiseysa!!!
MACASSALAAMA!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Tuesday, February 27, 2001 - 03:22 pm
Asalaamu Caleykum

D.M

Walaal waxaad ku mahadsan dhiirigalintaada iyo ducada aad nagu soo hurguftey, Ilaaheyna ha kuugu badelo ajar iyo xasanaad miisaankoodu culus yahay!

Fadlan ila socodsii waxii talo ah ee aad isleedahay waa lagu dari karaa ama laga reebi karaa qoraaladeyda iyo sida aan uga hadlo.
Inta badan waxaan isku dayaa inaan soo koobo, una sharxo sida ugu fudud, mase garanayo sidey aqristayaasha, cid walba leh, ugu fududahey taasi.

Ilaahey quluubta hannoo nuuriyo!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Sunday, March 04, 2001 - 02:59 pm
ASSALAAMU CALEYKUM


DIGIDII 5aad IYO DARYEELKA(ABABINTA) UBADKA

Qeybtii tan ka horreysey, waxaan uga hadley waxyaabaha aasaaska u ah dhisida qoyska ama guurka wanaagsan, haddana waxaan galeynaa miradhalkeedii iyo ujeedadii laga lahaa guurka oo ah in ubad la kala helo, kuwaas oo ayana u baahan daryeel gaar ah.
Haddaba sidee u daryeeshaa ubadkaaga???
Laga yaabo inay dad badan la sahlan tahay taasi, laakiin waa mid ku adag qofkasta oo naga mida inuu dhameystirto daryeelka ubadkiisa.

Marka walaalayaal waxaa iga digniin culus ah inaad ubadkiina ka ilaalisaan:-
1- Dilka, cinqaabta, canaadka iyo qasabkaba
2- Habaarka, caasinta iyo cadaabkaba
3- Qeylada, goodiga iyo amarka badan
4- Ceyda, ceebeynta, canbaareynta iyo faafinta
5- Ugu yeeridda magacyada xunxun ama liita
6- Maqashiinta qeylada ama dagaalka waaridka
7- Isku miisaamida dhexdooda sida quruxda, midabka
8- Iska dhaga tirka hadalkooda iyo su'aalahooda
9- Ku taageerida gardarada ama aabiga
10-Tusida ama maqashiinta dhaqamada xunxun iwm.
11-Waxbarasho la'aanta ama diinta la'aan-Islaamka
12-Mayacinta iyo in loo dhiibo maal ka ballaaran

Haddii intaas iyo waxii la mida raad ku yeeshaan korinta ubadkaaga, OGOW WAAD QASAARISEY TACABKAAGII, NAFTAADII, TII UBADKAAGA, UMMADDANA WAXAAD KU KORDHISEY LUGOOYO!

Ilmaha arrimahaasi asiibaan Waxad ku garaneysaa:-
-waa carro iyo dagaal badan yahay
-dhago adeyg iyo maahsanaan
-inuu ku caayo, xanaaqna ama qeylo kuugu jawaabo
-waxbarasho naceyb
-iyo inuu jeclaado wareegga, TVga iyo telefoonka

intaas iyo kuwa kale oo la mid ah, ilmuhu waxay ka dhaxlaan isla qoyska, qaraabada, dariska iyo iskuulkaba ha lagula dhaqmo ama ha latusee.

Haddaba si taas looga hortago, walaalayaal waxaan idin ku boorinayaa inaad ilmihiina siisaan:
WAQTI, QADARIN IYO WAXBARASHO MUSTAQBAL DANBE LEH.

WAQTI = waa muhiim in waaridku ilmahiisa siiyo waqti ku filan, oo uu kula socdo cuntadooda, saxadooda, cayaartooda iyo goortey u baahan yihiin, warashadooda iyo sidey caawinaad ugu baahan yihiin, ee yaan faraha looga qaadin dadaan dhalin iyo WAARIDKIIN WAAYEELOOBEY, waayo lama qeybsan karaan cayaar iyo orodka badan, taas oo keenta habaar iyo catowbadan oo ilmihii kasbadaan, taas oo caro badan ku abuurta.
QADARIN = Carruurtaada ixtiraam oo ka dhageyso sheekada. -Iskudey inaad fahamto ujeedadooda iyo dareenkoodu intuu le'eg yahay. -Weydii su'aalo intaadan hadalkaaga bilaabin, oo la qeybso hadalka. -Ku ammaan soo jeedinta hadalkooda iyo figradaha fiican ee ku jira, laakiin u sheeg kuwa aadan ku raacsaneyn iyo sababaheeda sida haddey dambi tahay iyo cinqaabtay leedahay, dhaqan xumo, khasaare, waqti dhumis iwm. Kadibna raaci sidii aad kula talin laheyd iyo waxii aad ku taageereysid figradahaaga si uu u garowsado ilmuhu. -Markasta si degan iyo waqti haboon la fiirso inaad wax u sheegidda iyo codsiga inuu wax kuu sameeyo ama kaa maqlo. -Waa inuu kaa arkaa waxaad fareysid, oo aad tustaa dhaqan wanaagsan.

WAXBARASHO MUSTAQBAL DANBE LEH = Waa waajib ku saaran inaad ubadkaaga wax bartid oo aad u kala cadeysid xalaasha iyo xaaraamta, oo aad diinta Islaamka iyo sunnadaba bartaa, oo aad waliba adigu ka hor barataa si uu kaaga deydo ama aad uga jawaabi kartid su'aalaha aasaaska ah, ugu yaraan.
Labo sanno markuu gaaro, waa inaad u kala qeybisaa waqtiga, oo aad bartaa inuu ismaamulu oo xaqa aqoonsado, waayo ALIF TOOSA BAA ALBAQRA LAGU GAARAA. Sidaas ku wad ilaad ka hubsatid in ayagu cagahooda ku istaagaan oo aan la weecweecin karin. Haddaadan intaas tabar u laheyn, u raadi saaxiib wanaagsan oo arrintaan kaa kaalmeeya, sida inaad ilmahooda ilmaha ku dartid.

Markaad intaas iyo kuwo kale oo badan gaarsiisid ubadkaaga ama ubadkiina, waxaad adduunka ku noolaaneysan sharaf iyo walwal la'aan, noloshiinuna waxay noqoneysa mid jirta, aakharana kuwa laga abaalsiiyo oo liibaana baad noqoneysaan.

UGU DANBEYN, HA LA DADAALO DARYEELKA UBADKA OO HA LOO ABABSHO SIDEY U ANFICI LAHAAYEEN NAFTOODA, TIINA, TAN MUJTAMACA ISLAAMKA, UNA WEYNEYN LAHAAYEEN DIINTOODA, SI JIILASHA DANBE LOOGU SII GUDBIYO.

AAN LA CIIDNO CARRUURTEENA!

CIID WANAAGSAN!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 13, 2001 - 10:15 am
KU:AM
QIFILAH ilah hakaa abaal mariyo waanada aad soo jeedisay markaan aqriyaya aad iyo aad ayaan ula dhacay hasa ahaatee walaalkeygii muslinka ahaayoow .
waxaa iiga su aal ah waxaa nagula tilaamay inaanu nahay umud kuwa ugu qiimo badan waxaana taa ku gaarnay anagoo isku fareena xaqa iskana celineena waxa baadhilka ah.
waxaaynu wada nahay dhamaanteet dada ku taagan qoolkii rasuulkeena naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ahaatee waxaanu balan qaadnay inaanu gaarsiino risaalada kuwa maqan ama aan maqlin islaamka markaanu runtii soo wada galnay wadamada gaalada waxaa isbadaly waxyaabo badan oo ay kamid yihiin in dadakii qaarkoodna ka tageen caqiidadii ey sateen qaarna ey ajar laba jibaaran aruursadeen oo ay dad markii hore dhagool ahaa waxna aan ogeen ku soo jiideen diinteena sharafta leh iney qaataan hadaba walaalkeygiyoow hadaan anaga dhibatadaa wadan keenii ku imaan laheen umada maanta soo islaamtay sabab mau noqon laheen miyeyna wanaagsanen in aanu isku waanino inaan caqioidadeenana katagin galaduna aanu tusino inaan nahay dhaqan kooda iyo diintooda ey tahay mid dhaba ilmahuna miyey wanaagsaneen inaanu ku booeino in diinteena kaqiima badan tahay diimanka kale aduunyada oo dhamina aanu mas uul kanahay inaan diinteena gaar siino oo aanan lagamban
walaal anigu run ahaantii markaan wadamada gaalada imaanaayay aads iyo aad ayaan ugubaqio jiray nafteyda iyo diinteyda sidaan ku bad baadin lahaan waan kabaqi jiray lakain nasiib wanaag ruuxuu ilaah ladoono wanaag diintiisuu waafajiyaa maanta magaalada aan degenahay waloow aan dhib fara badan kala kulamay hadana waxaa lii qiimeeyaa diinteyda aniga iyo caruurteydana waxaa nagal soo raad sadaa qiimaha diinta ey leedahay ilaah ajar hanaga siiyee dadabadani waxaan ku abaabinay ama wax kabarnay diinta islaamka ayagoo markii hore layaabanaa hadana markey ogaaden waxey u arkeen iney tahay diinta kaliya ee aduunka kajirta iney tahay.
mujisadii ugu darneed.
gabadheyda ilamaha tan ugu yar ayaa maalin galaaska ey dhigato laga weediyaya diinta ey heesato markaasey ku tiri aniga muslin ayaan ahay markaasey ardeydii oo dhan kuwada qeyliyeen kama eysan waalin intey soo qaadatay jeesadii meesha taalay ayey timid sabuuradii wax lagu qoraayay oo ay carurtii isaageeda eheed ku tiri 2+2 waa imisa markaasey yiraahdeen waa 4 waxey weedisayxisaabtaasi maku dhalateen mise waad barateen waxey yiraahdeen waanu baranay oo aanu aaminay markaasey ku tiri horay ma utaqaaneen intaanana baran waxey yiraahdeen maya hadaba waxaad ogaatan islaamku barta markaad barataan ayaad kala ogaaneesaan waxey tahay idinkoon aqoon u laheen inaad iska qeelisaan waalaga fiican yahay ilaah waxuu qadaray in ardeydii ey bilaabeen iney wax kabartaan ey su aal waliba layimaadaan ilaa tobeneeyo ey salaadii iida ladugteen hadaba walaal caruurta hadii si fiican wax loo baro qeeb weyn eyey kaqaadanaayaan fidinta diinta islaamka ayaga ayaana ugu fudud oo sifududna u faafinkara lakain hadii aanu u aragno iney halis ku jiraan guushaan raadineynay gari meeno ee meelwaliba oo aduunka kamid ahi waalagu nooolaankaraa hadi iimaanku weenayahy waxeyna ku xirantahay waalidka heerka ey gaarsiisantahay cilmigooda diineed iyo kan aduunba lakain in caruurtii laxasuuqo waxna aan looheuyn wey kadaran atahay ee su aasheyda waxey tahay walaal sideen caruurteena ugu dhaadhicinaa iney xil iska saaraan iney diinta faafiyaan.
wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Wednesday, March 14, 2001 - 01:00 pm
Asalaamu Caleykum

Ku: Anonymous

Ilaahey ha kaa ajar iyo xasanaad siiyo kheyrka ku dayashada mudan ee aad noo soo jeedisey!
Qoyskaana Allaha u siyaadiyo wanaagga kana dhigo il kheyrku ka soo burqado maalin iyo hameynba!!

Waxaan shaki ku jirin, in diintu xaq tahay, daawana u tahay nafta ama ruuxa aadamiga, meesha jirku ku naaxo cuntada, kuna dhalaalo waxii dhaashdhaash ah. Waxaase gaari kara macaankaas diinta inta doontey ee ku dhaqaaqdey dadaalka Ilaaheyna fahamsiiyey ee ku hannuunshey. Sidaas owgeed qof kastaa lagu hannuunin karaa meel kasta oo uu joogo, xataa meelaha aan islaamba joogin, waxaa dad badani ku islaamaan xabsiyada iyo dhulalka gaalada, waxey ku islaaman maqal ama aragtid kaliya sida wanaagsan ee islaamku u dhaqmaan. Haweyney Faransiis ah, waxay sheegtey inay ku islaamtey markey aqrisatey sida islaamku u xafidey xaquuqda haweenka. Gabar Ameericaan ah, waxay sheegtey inay muslintey markey aragtey isjeceylka iyo xaqdhowrka ka dhaxeeyey(waxay xustey markey u socdaan salaada iyo markey ka yimaadaan oo qalbigeeda dhaqaajisey) meeley ka shaqeyneysey ee ku taaley galbeedka Afrika.
Gabdho kale oo Ameericaan ahi waxay sheegeen siyaal badan oo la mid ah sida waxay ka arkeen dariskooda oo muslim ahaa, lagjarradey ka maqleen ardeyda iskuuladooda, asluubta iyo wanagaagey ka arkeen dad muslima, iyo jawaabihii su'aalahooda ooy ka heleen diinta islaamka.
Haddaba waxaa laga yaabaa markey intaasi dhaceysey in kuwo kale oo ku dhashey islaamnimo waddada ka sii tilaabayeen oo sheydaan u sii heesayey. Marka arrintani waxay noqoneysaa aayaad iyo xujoojin wax lagu tusayo cid walba, balse la fahamsiinayo intey wax u tareyso ee ku waano qaadanaya.

Haddaba markaan u gudbo qeyladeyda ku aadan dadka ku nool dhulalka gaalada: Waxaan qaatey xaalada guud ee dadka oo intooda badani arki karin mowjadaha ibliiska ee dhinac walba kaga soo dhacaya iyo sidey ugu jilicsanaan karaan. Waayo dadkeenu waxay meelahaas ku yimaadeen qax iyo ayagii oo soo guurey, meesha umadaha kale ku yimaadeen wax kororsi sida waxbarasho iyo shaqo, taas oo ey u raacdo hadaf xad ah sida inay joogaan muddo cayim.
Marka qoysaskan soo guurey, ma wada heli karin farsad iyo aqoon ku filan oo reerkooda iyo ilmahoodaba uga xijaabaan dhibaatooyinkan moolka dheer leh. Tusaale: qoysas baa ka kooban ciyaal fara badan iyo hooyooyin(aan horey wax u soo baran) hor kacayaan. Hooyooyinkii baa ku jahawareera meelahaas oo cuskada carruurtii cuskan laheyd ayaga, sida inay ciyaalkii yaryaraa uga tarjumaan hooyooyinkii waxii dhaqaaqa oo dhan sida TVga, filimada, dariska iyo dhaqamada dalalkaas. Haddaba Ilaahey tiisu waa gaar, ee maxaa laga sugayaa carruurtaas dayacan.
Dhibaatooyinka carruurta u gaar noqon kara waxaa ka mid ah, waxyaalaha ka yimaada Muuqaalka taas oo cagsi ku ah Aqrinta. Markey arkaan waxyaalaha laga tusayo qalabka war baahinta, waxaa raad toos ah lagu sameynayaa dareenkooda iyo maskasdooda aan u bisleyn inay go'aan ka gaaraan, taas waxey ku abuurmeysaa qalbigooda oo keeni karta ugu yaraan haddeysan jeclaan ineysan nacin ama karhin oo waatan aad maqashaa, "Waa caadi iwm." Laakiin haddey joogaan dalalka islaamka, ugu yaraan TVga iyo dariiqa lagama tusayo rag iyo naago qaawan ama isku maran, taas oo keeni karta markuu weynaado inuusan u duqaadan karin arkida waxaas, xataa hadduu uurka ka jecelyahay, waayo waxaasi kuma daabacna qalbigiisa.

Laakiin markii qof wax aqrinayo waxuu raacayaa macnaha waxaas oo ugu dhadhami kara macaan ama qaraar, kadibna uu go'aan ka gaari karo, balse nasiib darro dadka intiisa badan iyo carruurtu waxay jecelyihiin Daawashada, waana middaas tan la isku gudbin ogyahay carruuruhuna isku saameeyaan ee isku dhunshaan intooda badani, in yarise isku faa'idaan kuna toosaan.

Ugu danbeyn, Su'aashaada ah, "...sideen caruurteena ugu dhaadhicinaa iney xil iska saaraan diinta faafiyaan", iyo Xalka guud ee aan jeclahey inaan kula taliyo ummaddeena dibban u soo qori doonaa, Insha Allaahu!

ILAAHEY XAQA HA NOO IFTIINSHO!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Thursday, March 15, 2001 - 08:22 am
Asalaamu Caleykum

Ku: Anonymous

Su'aashaadii aheyd sidee uga dhaadhicina carruurteeena inay xil iska saaraan faafinta diinta, wey jawaabo badan tahay, jawaab kastana waxay u baahan tahay waqti lagu abuuro, lagu sugo, kadibna lagu gurto. Waxaase fure u ah in carruurta si wanaagsan loogu beero(abuuro) diinta islaamka, si waxa ka soobaaxaa u noqdaan diintii islaamka, kadibna dadku u gurtaan, oo ugu daawoobaan, ileen waa daawee. Balse hawshaan baa u baahan waqti iyo hawlkale oo lagu gaaro ama lagu fuliyo, waana tan midda aan jecley inaan wax ka taataabto, annoo la hadlayo adiga, balse u jeeda dadkoo dhan, gaar ahaanna inta Islaamka ah ee ka mas'uulka ah carruuraha.

Sidaad xusteyba, qoyskaagu waxuu ku socdaa wadadii toosneyd, taas oo la idin kaga baahan yahay inaad ku kordhisaan orodkiina, waayo qofkii yaqaan meesha uu u socdo(tagayo) waa ka dheereeyaa ama ka dhaqso badan yahay midkaan aqoon meeshuu u socdo ama ka shakisan. Tusaale: haddii aad ku tiraahdid mid ilmahaaga ka mid ah, "Orod! Orod! Ku dhaqso! Hooyo ama Aabbe!, waqtey qaadaneysaa inuu ordo, aduuna ku su'aalayaa meeshii uu u ordi lahaa. Haddiise aad meel cayiman ku dhawaaqdid, markiiba horey buu ka boodayaa, oo waqti kama lumayo. Marka orodkiina meeshaa ka sii kordhiya.

Marka si taas loogu guuleysto, carruuta ha loogu dadaalo diinta barashadeeda markasta, guriguna ha noqdo meel wada jir kheyrka looga sameeyo sida salaada oo koox loo wada guto, ayadoo lawada subciyo(aqriska Quraanka) iyo waxii intaas lagu kabi karo oo dhan sida kuwaan oo kale:-

1- Markasta xasuusnow qodabadii koobkoobnaa ee aan kaga hadley Qoyska iyo Daryeelka Ubadka.
2- Ilmahaaga la saaxiib, gaar ahaan hooyadu gabadhaha, aabbuhuna wiilashiisa, ilaa aad ka gaartaan in gabadhu hooyadeed u sheegi karto sheekadii loola yimaado sida tan wiilasha iyo saaxiibada gabdhaha ahba, kadibna talo wada jir ah looga geysan karo, si cilmiyeysan oo looga nabad gali karo sharteeda, kheyrkeeda looga faa'ideysan lahaa.
3- Ilmahaaga bar sidey iskugu kalsoonaan lahaayeen, taasna hubi markasta.
4- Bar inay noqdaan kuwo mas'uuliyiin ah, kana noqdaan mas'uuliin naftooda iyo qoyskaba(qeybtooda).
5- BAR INAY FIGRADOODA KA DHIIBTAAN MEEL KASTA OO U SUUEA GALI KARTA SIDA ISKUULADOODA, KULAMADA ARDEYDA AMA SAAXIIBADA. U diyaari casharo diinta iyo dhaqanka Islaamka oo la goobtagi karaan iyo jawaabo kooban oo isku dufaaci karaan, iyo inay ka codsadaan dadka su'aalaha qaba inay siiyaan waqti jawaabo loogu keeni lahaa, ciddii dooneysana u dhiibtaan cinwaan loogu soo hagaajiyo jawaabaha sida E-mail-lada, taasna waxay fursad siinaysaa adinka oo ka qeybqaadan kara dacwada. Carruurtana waxay siineysaa kalsooni iyo dadaal hor leh oo ugu istaagaan jaceylka iyo faafinta diintooda. Dad badan baana Ilaahey ku hannuunin karaa, halkii ardey ama macallin ee ka hannuuna hal iskuul wuxuu saameyn karaa tiro badan oo dadkaas ka mid ah.
6- Waligaa hubi in waqtigoodu xisaaban yahay oo bar sida loo maamulo waqtiga. ku dar jadwalkooda(timetable or schedule) waqtiga cayaarta sida wiigii laba goor, haddey waaweyn yihiin, haddey yaryar yihiina maalin kasta dhowr iyo toban daqiiqo ilaa saacad iyo bar.
7- Daawasha TVga, istcmaalka telefoonka iyo "computers'-ka oo laga yareeyo guriga, gabi ahaanna la joojiyo waqtiga waxbarashada. TVga waxaa loo ogolaadaa waqtiyo xadidan, ayadoo lala joogo, lana hubiyo inay ka daawadaan barnaamijyada aqoonta ee carruurta loogu talo galey, waxii ka soo hara maya. TVga markaad soo gadatid hubi inaad ka xirtid khadadka intooda badan ee faa'iddada idiin laheyn. laakiin waxaa la isticmaalaa radiyowga, oo aan raad badan ku yeelaneyn haddey maqlaan, marka laga reebo muusiga oo asagu raad ku yeelan kara.
8- Ku dar dadaalkaaga haddii aad awoodaan, inta iskuulku xiran yahay, inaad geysaan wadamada Islaamku ku xoogan yahay, oo ka qaataan koorsooyin diini ah sey uga soo kororsadaan firfircooni diineed, ogaansho adag oo ah inaan Islaamku aheyn tirada yarey ku arkaan meelahey ku nool yihiin, ee leeyihiin dalal iyo dad tiro badan, taas oo ka celineysa inay cidlo dareemaan, oo eysan is oran maxaa dadka idin ka takooray horta.
9- Dhiiri gali ilmahaaga oo ka abaal mari wanaagey qabtaan, xasuusina inay tii Alle ka weyntey oo ku heli doonaan adduunka iyo aakharaba.
10- U soo dhawee ciddii ey ku soo casuumaan gurigooda. Laakiin hubi ujeedada iyo sidey u qabanaa ama dhacaysaba, waana inuu noqdaa mid wax lagu kala korosan karo sida dacwad diini ah oo la isfarayo. Tani waxay ka celineysaa in ayaga lagu casuumo meel aadan raali ka aheyn iyo qoysas aan kala danbeyn, taas oo ka hor imaan karta geedi socodkaagii.
11- U joogtee inay helaan jarnaaada iyo majalooyinka Islaamiga wiigii ama bishiiba, uguna yimaadaan cinwaankooda sida magacooda, taas oo kalsooni dheerad ah siin karta markey tusaan kuwo ku da'da ah, oo ku soo maseyri kara. Barna inay u qoran karaan su'aalahooda markasta, xataa haddii aad taqaanid qaarkood.
12- Bar shaqada guriga iyo in looga wada shaqeeyo kooxkoox ama gooreysi markey u bislaadaan, tani waxay ka dhigeysaa wada shaqeyntooda sida hal koox
oo u wada cayaareysa inay guuleystaan.
13- ku dadaala, kana wada shaqeeya howlaha islaamiga ah iyo fidintooda.
14- Baryada Alle badsada, markasta isku duceeya oo carruurta u duceeya oo u duceeya.

Qofka Islaamka ah ee ku dadaala diinta, waxaa ugu farax badan yahay markuu arko waxii kheyr ahaa ee uu ku abuurey carruurtiisa, oo ka soo fufaya(baxaya ama burqanaya) oo ayagii iyo intii kale ku manaaficaadayaan, taas oo ka keenta qosol ama farax ka daba dhaw tan uu qoslo doono markii loogu yabooho Jannaddii Udgooneyd.

Marka aan dadaalno Ilaahna kheyr ka rajeyno markasta, annagoo u tartameyna xaggiisa, kadibna Ilaah baa na siinaya Naxariistiisa, taasaana ku galeynaa Jannadiisa, Insha Allaahu!

Ilaahow Naxariistaada nasii annaga iyo intii muslim ahba, aammiin!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BASHIR

Saturday, March 17, 2001 - 11:30 am
SALAAMUCALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU. SOMALIYEY SEE LAYAHAY MESHAAN WAXAAN RABAA IN AAN KA HADLO WAX YAR OO KU SAABSAN TAKAALADII SOMALIYEED MARKA HORE SOMALIDA WAXAA DISHAY DHUUNI NIMO TAN LABAAD ADUUNKA MEEL AAN NALAKA AQOON MAJIRTO SAWABTOO EH MARKASTA NALA ARKO WAXAAN KA HADLEENAA QABIL. HADA KA HOR AA NIN MASKIN AH A MASAAJID U KA ISTAAKAY WUXUU WAY DIIS TAY KAALMO LABA NIN AA SOO BODEEN MARKAAS BEE DHEHEEN NIN HORTA QABIILKIIS WAXAAS HADAL SAX LAKU HADLO MASAAKIINTA MIYAA WALAALAYAAL. MAAN TANA NIN AAD U JEEDID O MUSLIM AH AA MAANTA KU DHACAAYO MAANTA NIN MASKIIN AH AA SOO HELAAYO LACAGYAR JIDKA IN TO MARAA YO WAA LAKA DHACAAA WAXAA NA KA DHACAAYO NIN JAAT RAADINAAYO. ILAAHEEY WAXAAN KA BARYEY NAA IN U WADANKEENA ISKU SOO CELIYO. WAS SALAAMU CALAYKUM WARAXMTULAAHI WABARAKAATU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Sunday, March 18, 2001 - 12:02 pm
Asalaamu Caleykum

Bashir

Walaalkayow waa jirtaa shibaatada aad xustey iyo mid ka badanba, qof walbana waa jeclaan lahaa in xal loo helo, waxaase jirin dadaal iyo isku taxaluujin sidii looga hortagi lahaa.

Markii dadka qaarkiis ku kacaan ficillo ka soo horjeeda xaqa iyo sharcigaba, lagama hortago ee waa lagu sheekeystaa taas oo u eg ku dhiirigalin, taas oo inta xumaanta jeceli ka faa'ideystaan.
Waxaase dadka ka maqan inay abuurayaan oo tacbayaan fidno horleh, taas oo markey soo baxdo gubeysa dhammaantood oo waataas aan u jeedno waxa ka socda dalkeenii iyo ummaddeenii gabi ahaanba gudo ha joogeen ama dibade.
HADDABA DADKU WAXAY HALMAAMEEN IN ALLE MAAMULKA HEYSTO, OO LAGA JAASEYNAYO QOOMKASTA WAXAY FALAAN, ASAGUSE WAA MA HALMAAME AWOODOO DHAMI U SUGNAATEY KALIDIIS!

Ugu dambeyn, waxaan ku leeyahay ummadda toosan:
BISHAAREYSTA OO KU SAMRA WAXII DHIB IDIN KU DHACA WAA DAMBI BAABI'IS XAGGIINA, DADKA XUNNA WAXAY U TAHAY CADAAB ADDUUN IYO CARBIS KULUL OO LOOGA GUDAYO WAXAY GEYSTEEN!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Monday, March 19, 2001 - 02:25 am
A/CALEYKUM WARAXMAH

fiiriya waxbaa si ah...!
marka hore walaalayaal qoraalada aad & aad ayeey u dheer dheeryihiin waana lagu dulcaajisaa teeda kale waqtigaba noosaamiximaayo in lawada aqriyo waxaas ooo dhan...FADLAN INYAR OO MACAAN,
RAALINA IGA AHAADA...wassalaama caleykum!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

d.m

Monday, March 19, 2001 - 02:39 am
A/CALEYKUM
M.AM.i hope u tobe well oll the time in the world.okey!!!
FII AMAANILLAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Monday, March 19, 2001 - 11:08 am
Asalaamu Caleykum

D.M.

Sidoo kale baan kuu rajenayaa!

Mida kale, way jirtaa in qoraalada qaarkood dheer yihiin, balse haddii wax laga kororsanayo waa wanaag iyo kheyr batey, ee haddaba qeyb aqriso markii aad waqti u heshidba, Insha Allaah!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Wednesday, April 11, 2001 - 02:12 pm
Asalaamu Caleykum

HADDABA MAXAA XAL NOQON KARAA WAQTIGAAN???

Mar haddaan wax ka soo tilmaamey dhibaatooyinka ka jira qurbaha, xaaladaha qoysaska iyo aasaaska guurka wanaagsan, iyo daryeelka(ababinta) ubadka iyo la macaamilkooda, baan haddana jeclahay inaan si kooban uga hadlo sidii xal u noqon karta oo looga badbaadi karo quusidda dhibaatooyin laga dhaxley dib u dhoofka(dhulka gaalada).

1- Ugu horeyn qof kasta waa inuu fahmaa waajibka ka saaran naftiisa, reerkiisa(ubadka, xaaska, waalidka iyo ehelkiisa) iyo diintiisa.

2- Waa in la isku miisaamaa dheefta laga helayo dalalka loo cararey iyo dhibaatooyinka laga dhaxlayo ee dhinac walba ka imaan kara.

3- Ha loo istaago sidii looga dubaalan lahaa dhibaatooyinka taagan, loogana badbaadi lahaa kuwa soo socda.

Haddaba arrimahaan si loo fuliyo waa in qof walba la yimaado qorshe iyo ujeedo mideysan, oo la raaciyo ficil dhab ah ayadoo Eebbe la talo saaranayo.

Haddaba gaar ahaan annigu waxaan ku talin lahaa:
A- Yaan xoogga la saarin oo kaliya sidii wax loo soo dhoofin lahaa, ee xoogga aan saarno sidii wax loo badbaadin lahaa. Badbaadintu maahan oo kaliya in wax la liqo, ee waa in laga badbaadiyo dhinac kasta sida diintiisa, nasabkiisa, sharaftiisa, damiirkiisa, caqligiisa iyo oogadiisa.
B- Meel kastey joogaan diinta ha looga dhigo xijaab, oo ha la iskugu kaalmeeyo sida loogu kala sokeeyo ku dhaqanka diinta, si kaalmadeenu u noqoto sadaqo laga helo ajar iyo xasanaad.
C- Qofkii awooda ee ku noolan kara ha dago meelaha diintu xoogga ku leedahay. Amase waxaaba la dajin karaa qoysaska, fasaxyada ka imaan kara ama loo tagi karo.
D- Ilmaha intey yaryihiin waa in lagu ababiyaa oo wax lagu baraa wadamada Islaamka sey ugu koraan oo ugu indho dilaacsadaan waxna uga fahmaan Islaamka iyo ku dhaqankiisa ilaa intey ka dhameystiranayaan ugu yaraan dugsiyada sare. Kadibna markey soo bislaadaan haddey yimaadaan ayagaaba diintooda ku saameynaya ummadaha kale. Xataa markaan ninkii asagu habaaba oo sheydaanka raaca waa asaga iyo naftiisa, waayo waaridku waa gutey waajibkii ka saarnaa toosintiisa.

Intaas waxaan farayaa walaalaha kheyrku qalbigooda ku jiro, ee ayagu ka walaacsan dhibaatooyinka laga dhaxli karo meelo badan sida aan u jeedno, ninkii kalase ha ka dhigto qosol iyo jeesjees intuu ka gaarayo maalin dhibko ku noqon doono Jamallo ama buuro waaweyn oo aan baroor iyo ilmo la qubaa riixi karin, taas oo waliba sii tuseysa ama dareensiineysa tii aakharana inay danbeyso.

Illaahey Wadada xaqa ah, ha na tuso oo ha nagu duwo! Aamiin! Aamiin!! Aamiin!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.