site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

lacanahu'laahu yaa taarika salaat"

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): lacanahu'laahu yaa taarika salaat"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
< man taraka salaat faqad kafara
salaada ruuxii ka taga xaqiiqadii diinta -
islaamka banaan kuu ka yahay
waayo alle jala wacalaa amarkiisa ruuxii diidaana
waxaa lala keenayaa ibliis *** iyo fircoon ***-
iyo qaaruun iyo haamaan
war adoonyahaoow maskiinka ah ee cadaabka alle aan u'gag san karin salaada tuko
salaadu waa shayga lagu kala garto gaalada iyo islaamka marka si alle agtiisa aad qiimo oga yeelato salaada alle tuko
qofka taariga markuu gurigiisa ka baxayo gurigu wuxuu yiraa alle iguma soo kaa cesho adigoo nabada maradiisu waxay tiraa hadaan alle ii kaa saqirin waan kaa carari lahaa
marka ikhwaanii alle jala wacalaa halaga cabsado salaadana ha latukado alle ma eego maalinta yomal qayaame taariga haduu eegana asagoo caraysan buu eegaa
yaa maskiin gar gaarahaagii haduu kaa jeesto maxaad maalintaa xeel iyo xawlad haysaa
yaa maskiin sharaabka xamiimka calooshaada uma gag san karto yaa maskiin cutada naarta ee qodxaha ah calooshaada ma baassa raynayso
akhi alle u soo noqo salaadana tuko

WABILAAHI TAWFIIQ
HALA ISA SOO CAFIYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaam..........

Walaal Deeqo, hadalkaaga marna waa dagaal marna waa waano see wax u jiraan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miskiin

Unrecorded Date
ASALAAMA CALYKUM.
Ukhtii deeqo,waa rune maanta yaa kaa xanaajiyay,mawduucyadaada aad baad u sugi jirtay,mida kale maxaad nacalada meesha u keentay walciyaadu bilaahiye.
Iyadoo safar lagu jiro ayaa haweenay nacaladay hasheedii nabiga SCW waxuu yiri naga har adiga iyo hashaadaba, marka nacaladu wax dhib yar maaha, mida kale sifaad baa jira laga rabo qofka daaciga, qofka muslinkana maaha mid faaxisho sameeya ama hadalada foosha xun ku hadla.
Deeqoy ukhtii bal mowduuca si diini ah uga hadal sida kalana is si tartiib ah.
Walaahu waliyu towfiiq,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Unrecorded Date

salaamu calykum

to deeqo

walaal ma fiicna waxaadan aqoon ulahay inaad ka hadsho ciwaanka waxaad uga dhigtay kelmad aan qaban qofka salaada ka taga lacndana qofmuslina in lagu yiraahdo ma fiicna markaa walaaley ilaahay utoobadkeen intaad qofmuslina oo walaalkaaya oo salaadii googooya aad waaninlahayd una ducayn lahayd ayaad lacanad ciwaan uga dhigtay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Dear Deeqo,

I think we all appreciate your reminding us the importance of prayer. However, I have another question for you, I hope you will be able to answer it correctly. I recently applied for a job and if I get it I won't be able to pray on time as I do right now. So, do you think it is okay for me to pray later when I get home?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO: ALL / AWALAN SALAAMU CALAYKUM.
SALAAN KADIB, ALL kii war qayr leh iyiri iyo-
kaan i oranba gidigiin waxaan alle jala wacalaa idiin waydiinayaa danbi dhaaf aan go'ayn

walaalayaal taarik allihii abuuray ayaa nacladay ee anigu ma nacladin

MASKIIN:
akhi ma xanaaq sani ee wax uu alle kor ahaaye yiri ayaan iri taarikna halka lagu nacladay waa wax waadix iska ah way jirtaa in aysan nacladu wanaag sanayn balse ruuxii kasbadaa un bay ku dhici.
sidaad sheegtayba seef la bood ma ihi waxaana alle kabaryayaa inaanan noqona
mawduucan sida diiniga ah oon u qoray si aan ahayna hadaad noo hayso, <<fall yata fadaluu">>

GEESI:
akhil muslim noo faa iidee hadaad aqoon nagu dhaan to,
mida kalle akhi taarik waxay culimo badan oo islaama oonan hada magac yadooda haynin balse aan gadaal kaaga soo sheegi doono ay isku waa'faqeen inuusan islaam ahayn taarik, qofka salaada ka tagana uu diinta islaamka banaan ka ka yahay, waxuu alle yiri ruuxii hal salaad oo qura ka taga haday dowla islaamiya jirto qoorta ha laga gooyo maxaad u malaynaysaa ruuxii gabigeedaba ka tagay.
marka akhi asbaabaha taariga hadaad xiisaynayso cajalo iyo kutubba waad heli kartaa xagayga haday noqoto.
DEEQO2@HOTMAIL.COM

ANON
akhi ama ukhti; waxaa ila wacan, waxaad dhihi lahayd inaad luuqadeena hooyo ku tiraahdo
markaas ayaan ka oran wixii aan ka oran lahaa

ALL
wasalaamu calaykum dhamaan tiin
hana la isa soo cafiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum somaliyee.
TO: Deeqa Yaa Ukhtii Muslim, iga gudoon salaanta kor ku xusan. Horta si wanaagsan oo ay diinta qabto ayaad u hadashy kalmada aad ku furtay "lacanatula" waan kugu racsanahay waayo melal badan ayaan ka aqriyay, nacalada from rabi ayee ugutimid. qofkii salaada Alle ka tago waa mid baadil ah oo xarigii Alle goyay. Xiriirka kobaad qofka bani aadamka & rabigiisa ka dhaxeyo waa salaada qofkii katagana waa mid shaydhaan maleysay oo lumay, Islam nimadiisana qatar ku jirto, culumada qarkood waxey ku tilmamaan in uu la midyahay galada waayo lama imaanin xiriirkii kobaad. Runtii dad badan ayaa arinkaan ku xun oo aduyada ayaa qaday wayna wanaagsaneyd in aad xasuusiso. Anaa donayay in aan furo yaa Ukhtii Muslim adaa furtee Alle ajer hakasiyo.

To: Anonymous walaal hadii aan isku dayo in aan ka jawaabo sua'shaadi. Marna niyada hagashan what so ever in aad kas salaad waqtigeed kugu dhaafto, oo aad dhahdo waan shaqeen & etc oo ay shuqul aduunyo ku sejiso. salaad waa xarigii Alle subxaana waqaadir, shanta waqti oo aad salaada tukanaysid waa shanta waqti khura oo aad Alle hor istaagtid oo cabudid. Qof aan salaad la'imaan waa baadil shaydaan qaatay oo Alle xiriirkiisa goyay. Marna niyada hagashan in aad qalayso, waayo salaad kas kaaga tagtay qaladeda macno maleh, qaladana waxaa lagu sheygay in ay tahay wax aan mecno sa'id laheen, qof kii qalenayana waa in uu haystaa a very good reason ay ugu tagtay, reason kuu noqon mayso shaqo ayaan jiray. Ku dadaal sidii aad on time ugu tukon laheyd. Yomal qiyaama waa lagu waydiin hadii aad aheyd ahlu salaad or tarikal salaad, Allana waa kii ku aburay oo ku dalacanaayo every single second. Salaada & shaqada aad ku ordeysid kebaa kula qeemo badan? Shaqo waa mid adunyeed, 5 minute oo aad tukatid maxaad, qatar ugilin islaam nimadaada? Shaydaan yuu ku shaykeen waa shaydaan kan kuleh waad qaleyn after the work. Walalow shaqada ku tuko inta aad sali qadatid salaada ceeb ma'ahe gaal ha kula yaabo haduu dono, waqtiyada breaka ku tosiso waqtiyada salaada, 5 minute of your time oo aad Alle is hortaagtid wax kuma jabnee. Anigaba all day study and work ayaan ku maqanahay saasna waan sameyaa coz in qurbo u have no choice, salaadna mesha ay kugu qabato ayaa lagu tukodaa kuli shay bac da salaad ayaa layiri, it means everything u have to do is after the salaad. I think u could read somali, sorry for making u read all this.
iga raali noqda qoraalka waan dhereyee. waa iga intaas wacalaykumu salaam.

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Walaal deeqo jazaakalaahu khayrr sidaad wanaaga u jeceshahyna allaah xaqa haku waafajiyo.

TO: DHAMAAN.
Walaalayaal masaladu waa khilaafi qadiiman wa xadiithan, marka deeqo haday aragtay fikrada oranaysa waa gaal in lagu hiifaa ma banaana arinka lacanadana ma banaana inaad shakhsi mucayan ah aad lacanadid laakiin ka cumuum ahaan gaalada waa la lacanadi karaa iyo wixii qur,aanku acanaday ama nebigu lacanaday sidoo kale marka anigu waxaan arkaa ka cumuum ahaan ayay ula jeedaa sidaas ayaana u ta,wiilan.

Wsalaamu calaykum.
ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalid

Unrecorded Date
To: Falis,

thank you very much for your in input. I really appreciate it a lot. May Allah reward you in the hereafter for your encouragement and for reminding me the importance of praying on time every day.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO: ISMAACIIL
SALAAN KADIB
sh/ masaladee khilaafi ah ???
ma in taarig la'naclado -
mise in taarigu wax xariira oo isaga iyo ilaahiisa ka dhexeeya aysan jirin marka uu salaada ka tago????
waxaan kaa cod sanay naa inaad warka soo kala saarto fadlan. wa jazaa kumu laahu qayraa.
salaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum walaal masalada khilaafku kujiraa waa inuu diinta ka baxayo oo gaal yahay iyo in aanu ka baxayn.
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO: ISMAACIIL
walaal qofka salaada ka tagaa lama oran karo waa muslim waayo muslimka iyo kirishtanka waxaa lagu kala gartaa awalan waa salaada
qofka salaada ka tagaa axaadiis badan baa akhi ku soo aroortay inuu gaal yahay diin uu haystaana aysan jirin,
waayo diin ma jirto ilaa haday jitto ilaahay sharci iyo si loo caabudo ayuu u'soo dajiyay

waxaan ilaahay oga baryaynaa walaala heena oo kiyaalaha madoow ugu jiro
bi micnaa raacay aduunyada in ilaahay xaqa tusiyo sida ugu dhaqsaha badan
aamiin yaa rabi
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
TO: ISMAACIIL & ALL MUSLIM

salaada ninka katagaa inuu gaalyahay diinta ilaahayna isaga baxay dhiigiisuna banaan yahay waxaa arinkaa ku tagay

C/RAXMAAN BINU KHADHAAB
C/BINU CAWF
MUCAAD IBNU JAMAL
C/LAAHI BINU MASCUUD
ABII HURAYRA
C/LAAHI BINU CABAAS
JAABIR BINU CABDU LAAHI
ABUU DARQA
WAXAA KA MIDA RAGA KALOO KU TAGAY,

AXMAD BINU XANBAL
ISXAAQ BINU RAAHAWEEY
C/LAAHI IBNU MUBAARAK

IBRAAHIM IBNU NUQACI
XAKAM IBNU CUYAYNA
AYUUBU SAKH'SIYAANI

ABUU DAA UUDUL BAYAALIXIIN
ABUUBAKAR IBNU ABUU SHAYLA
SUHAYB BINU XARBI

IYO RAG KALE OO FARA BADAN,
WUXUU YIRI NABIGU((SCW)) axad kii salaada casir ka tagaa camalkiisa wuu buray wax laga aqbalayana majiraan alle agtiisana wax u yaala ma jiraan,

bal hadaba u fiirso akhil muslim waa salaada casir oo kaliya waxa sidaa lagu oranayo maxaad u'malaysaa haduu ka tago gabigeedaba,
waa xadiis xasana waxaa wariyayaxmad binu xanbal & bukhaari.

riwaayad kale ayaa waxay leedahay salaada casir ninkii katagaa, waxay la'mid tahayiyadoo ehel kiisa iyo caruur tiisa mid mid loo laayay,

markii qofkaa dhinto waad baroorataa((ooysaa))
markii boqol dirham kaa dhuntana waad calaa cashaa salaada ilaahay markaad ka tagto kama aadantiiraan yoon ((naxin))

islaamka aad sheeganayso waa maxay? waabala yaabe
diinta aad ku tiir santahay waa maxay? waama ama kaage"
adoonimada aad sheeganayso waa maxay waaba arin lala cajabo e'".

rasuulkii alle (scw) waxuu yiri oo kale salaada alle ninkii kas iyo maag oga tagaa isagoo wax ka hor taagan aysan jirin wax ka hor istaagi karoba ma jiraane xataa hadaad xanuun san tahay sidii aad karto ayaad u tu kanaysaa"

soona ruuxaas lagama aqbalo sadaqana lagama aqbalo walaa xaj uu xajiyay xataa wax laga aqbalayo ma jiraan cibaadada madaxeeda waa salaada salaadaada haday wanaag sanaato camalkaaga intiisa kalena wuu wanaag sanaanayaa ,

salaadaada haday xumaato camal kaaga kalena wuu xu maanayaa.

ruuxa salaadaha shanta ah ilaaliyo waxuu alle ku karaamaynayaa<<5 ari mood

1) nolosha cariiri geeda oo sare looga qaado
2)qabriga cadaab kiisa oo laga koriyo.
3)kitaabkiisa oo midigta laga siiyo.
4)jidka siraadka oo uu sida hilaaca oo kale ku'maro.
5)janada ilaahayna wuu galaa xisaab la'aan

qofka salaadaha ilaahay ku farad yeelay fududaysto waxaa lagu cin qaabaa (15) cunqaabood
6) kamida aduunka ayaa lagu cin qaabaa
3)kamidana markuu dhimanayo ayaa lagu cinqaabaa
3) kamidana marka qabriga lagalsho ayaa lagu cin qaabaa
3) ka midana maalinta bacthiga (( qiyaamaha))ayaa lagu cin qaabaa

hadaba 6)da aduunka lagu cin qaabayo waxaa weeye

1)cumrigiisa ayaa barakada laga qaadaa oo ilaahay kama dhigo mid wax lagu qabto.

2)si kastaa oo uu isu qurxiyo kama muuqato duli iyo diif baas ayaa wajigiisa ka muuqato aan la'eegi karin.

3) camal kastaa oo uu camal falo lagama aqbalo ilaa uu salaada sideeda u soo celiyo.
4)ducadiisa alle ma ajiibo((aqbalo)).

5) dadka wan wanaagsan ayaa naca
6)ducada muslimiinta loo ducaynayo waxba ku maleh.
subxaana laah maskiinkaas dhibka haysta oo uusan garanayn ka warama

3)DA markuu dhimanayo waa--

1)waxuu dhintaa isagoo baahan.
2)waxuu dhintaa isagoo dulaysan((dhibaataysan)).
3) waxuu dhintaa isagoo ooman hadii biyo la siiyo kuma waraabo((kuma oonbaxo)) waxuu dhintaa asagoo kurbaysan (wal walsan) (naxsan)

3)DA marka qabriga la galiyo waa--
1) qabriga ayaa lagu cariiriyaa ilaa iyo feerihiisa is khilaafaan(is dhaafaan))
2)dab ayaa lagu shidaa ilaa iyo maalinta qayaa maha laga soo saarayo.

3)waxaa lagu cinqaabaa cinqaabo kala duwan bi'micnaa salaada uu ka tagay awgeed,
kuwaasoo kala ah

good ( mas) tin laaway ah ayaa lagu diraa----
maskaasu waxuu oranayaa waxaa la'i amray inaan kuu cuno salaadii subax eed ka tagtay awgeed,

waxaa lala dhacayaa garuun waxaa lagu dhahayaa waxaa laguu garaacayaa salaadii duhur ood ka tagtay ilaa salaada casir laga gaaro,

waa lagaraacayaa waxaa lagu oranayaa waxaa laguu garaacayaa salaadii casir ilaa laga gaaro salaada maqrib ayaa la garaacayaa,

waa malagaraacayaa misane laga bilaabo salaada maqrib ilaa salaada cishaha
waa lagaraa cayaa misane waxaa loogaraacayaa salaadii cishe oo uu ka tagay ilaa salaada subax laga gaarayo.

bal fiiri maskiin kaas dhibka haysta wax uga soo ciidmayana (gar gaaraya)ma jiraan
waxaa lagu oranayaa wax dhanbaad dhulka du shiisa waxaad doonto ku samaysay maanta ayaa lagaaga jarayaa dhulka hoostiisaa wax kaaga soo gar gaarayana majiraan.

3)da maalin ta qayaamaha lagu cinqaabayo waa--
1)waxaa la qabanayaa wajiga waaxana loo jiidayaa
jahanao.

2) alle ma fiirinayo(eegayo) isagoon u'carays nayn
wal ciyaadu bilaah""
3)wajigiisa ayaa hilibka laga diirayaa(fiiqayaa) waxaa la keenayaa asgoo laf ah.
sub xaana laah
AKHIL MUSLIM BALAAYO SOOMADAGATO ILAA NINKA SALAADA KATAGA AYAY U'SOO DAGATAA

WARKAN JAAHIL KA AHOOW SALAADA ALLE BARO
KAN WAX GARANAYOOW DADKAAGA IYO EHEL KAAGA SALAADA BAR AMARNA INAY TU KADAAN,

HADAYSAN IYAGU (EHELKAGU) AQOON U LAHAYN TAAD ADIGA TUKANAYSO WAXBA KUMA TURNA(TARI MAYSO))

IYAGOO AQOON U LEH HADAY DIIDAAN DANBI KAAMA SAARNA.

ILAAHAY XAQA HA'NA WAAFAJIYO
HANA NAGA DHIGO KUWO SALAADOODA DHAWRA(ILAALSHA)
AAMIIN"

WALAALA'HEENA HILMAANSAN XAQANA ALAHA XASUUSIYO
AAMIIN

WABILAAHI TAWFIIQ
DEEQO
DEGAN (SWEDEN)
WASALAAMU CALAY KUM!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanaag

Unrecorded Date
sanaag waxanwax ka oranayaa mawduuca ku saabsan taaruka salaaga saynu ogsoonahay taarukusalaaga caad inagama saarna in uu dembiile yahay.hadii markaa aan ku horeeyo qofka taarukusalaaga ah walaal horta ilaahay u toobadkeen salaadana hada biloow oo weligaa ha goyn waayo waa waxa Eebe kugu adoonsaday ayay ka mid tahay hadaad katagtidna qayba arkaanu islaamkii ka mid ah ayaad ka tagtay ayaad ka tagtay oo weliba ah qayb muhihiimed wayn ku fadida la aanteedna aad khatar ayay ku jirtaa cibaadada kale aqbalka illaahy kaa abalaa ceeb iyo foolxumona waxa kuugu filan in aad u dhaxaysid kufri iyo gaalnimo Rabigaana inta aanay naftu gaadhin cunaha waa kaawarsugayaa in aad toobad keentid Illaahayna waa toobad aqbale dembi kasta oo aad la timaadid waa uu kaa aqbalayaa.intaa marka aan halkaa ku dhaafo oo aan wax ka idhaahdo walaalaha jecel in ay sidiiniyan h wax uga jawaaban walaal waxan idin odhan lahaa in aad si xigmadaysan iyo dulqaad aad uga jawaabtaan waayo walaal canaan islaax maaha eewaxuun bay eridaa

ILLHAY KHAYR HAYDIN SOIIYO DHAMAANTIIMBA
wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum walaal deeqo allaah kheyr hakaaga abaal mariyo sida wanaagsan oo aad u diyaarisay intaad tiri in kadaran waxaa yiri sh ibnu cuthaymiin.

Laakiin ukhtii filaah marka kowaad ma doonaayo masalada inaan kaala doodo sidaan sheegay horay iyo diba waa la siku khilaafay midna waa la isku waa faqay
haduu juxuud kusameeyo waa la isku waa faqay ,haduu tasaahul uu ka keenayna waa la isku khilaafay isla tasaahulkaas waxaa la isku waa faaqy in ladili laakiin hadana xukunka uu qaadan marka la dili ayaa la isku khilaafay.

ukhtii marka bal dhinaca kalena baari taan ku samee in sha alaahu

walaalkaa
ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.

UKHTII DEEQO JAZAAKA LAAHU KHAYRA.
SIDA ISMAACIIL SHEEGAY BAL BAARITAAN BADAN SAMEE WAXAAN ARKAY ANIGU SHEEKH ALBAANI OO KA HADLAAYA,MARKAA KA DIB XOOGA BAN YARE DIB U BAXAY.OO HADA KUMA DAGDAGO,WAXAASE MACRUUF AH IN SALAADU AY TAHAY ACMAASHA QOFKA TAN LOOGU HOR XISAABINAYO SIDA NAS KU SUGAN,HADAY IYADU WANAAGSANAATANA INTA KALE DABA GALAYAN HADAY XUMATANA AY IYADA RAACAYAN.
WAXAAN KALOO LA DHAYALSAN KARIN INAY TAHAY TIIRKII ISLAANIMADA QOFKU KU TAAGNAYD AAD NASUUSTEEDANA QAAR KA ISHAARTAY.ISLA MARKAANA AY TAHAY KALIMAADKII UGU DANBEEYAY EE SUUBANAHA SCW AFKIISA KA SOO BAXAY,(ASALAATU ASALAAUTU WAMAAMALAKAT AYMAANUKUM)
BAL NASUUSTA LABADA DHINACBA SOO FIIRI HADII ALAH IDMO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.TO.DEEQO.
Salaanta islaamka kadib walaal fariintaan adiga ayaan kuu soo diray,orsaken är waxaan jeclahay inaan doodaaha forumskaan ka haro aniga oo mashquulsan awgeed marka dadkii aan isku baranay forumskan ayaan macasalaamaynayaa adigana booskaan ayaan ugu talagalay inaan fariintayda kuugu reebo.

Walaal jazaakallaahu khayr aad ayaad iigu faa,iidaysay intii aan joogay forumskan khaasatan mawduucyadaadi ugu dambeeyay,waxaana allaah kuu waydiin in miisaanka xasanaadkaaga kuu saaro.

Walaal waxaan jeclahay inaan ka mid noqdo akhristayaasha hadaan waqti u helo ee waxaan marlabaad kaa codsan inaad baaritaan dhinaca kalena ku samaysid waayo waxaan rabaa inaan kaa faa,iidaysto.Laashaka taariku salaad inuu meel xun oo la isku haysto haduu xataa tasaahul uga tago uu taagan yahay laashaka denbi kawayn shirkiga ayaa jira. Khaasatan bal marka hore waxaad baaritaan ku samaysaa IIMANKA IYO CAMALKA FALGALKA KA DHEXEEYA iyo camalku iimaanka waxa uu u yahay waxaadna ka heli kartaa kitaabta caqiidada ah sida SHARXIGA DAXAAWIGA IBNU CABDICIZ,FATAWAHA IBNU TAYMIYA,ALMILAL WANIXAL ABNU XAZMI,ALLSUNAH,C/LAAHI BNU AXMAD IBNU XANBAL, iyo kiutaabo faro badan oo kale waxaadna walaal bal raadisaa axaadiithta kalimada tawxiidka qofkii layimaada si dhaba bal ururi oo wax ka soo khulaasee.

Allaah waxaan ka baryayaa inuu cilmi naafic ah inu ku rizaaqo.

walaalkaa
ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatu.
bacda salaan horta dhamaan walaalahayga muslika ah waxaan idiin rajaynayaa Ramadaan wanaagsan ilaahayna ha inaga dhigo kuwa uu ka xoreeyo cadaabta aamiin

to walashay deeqa
walaal horta ilaahay cilmiga hakuu siyadiyo runtiina aad iyo aad ayaan uga helay mowduuca aa soo qortay lakiin walaal hal mid ayaan ku darsan lahaa oo ah walaal ilaahay subxaanu wa tacaala waa waxa uu yidhi ilaahay waxa uu nacaladaa kuwa wax nacalada marka walaashay iyada oo la ogyahay in waxa u dhaxeeya muslimka iyo gaalka uu yahay salaada hadana nacalada inaga daa ilaahayna camalkaaga miisaanka xasanaadka hakugu daro insha allah.

walaashaa Yaasmiin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.