site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AAQARO SAMAANKA XABASHIDU WAA BUR-BURIN DOONTAA KACBADA LAAKIN SOOMALI SIDEE XAALKEEDU NOQON DOONAA?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb. 16, 2001): AAQARO SAMAANKA XABASHIDU WAA BUR-BURIN DOONTAA KACBADA LAAKIN SOOMALI SIDEE XAALKEEDU NOQON DOONAA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JUMCAALE

Monday, January 22, 2001 - 10:56 am
KACBADA INTA ISLAAM NOOL YAHAY LAMA DUMIN DOONO LAAKIIN WAXAAN HALKAAN KAAGA CADAAN DOONTA IN XABASHIDU XOOGEEDU KOBCI DOONO ALLAH BAA INAGA YAQAAN.

Waxuu Nebigu nabad badani korkiisa ha gaadhee laga weyiyey isagoo qaybka uu ALLAAH wax ka tusay inooga sheekaynaaya yiri: Aakhiru sabanka waxaa KACBADAAN sharafka badan dumin doona niman manjo gaagaaban oo ka soo duulaya Ardul Xabasha waa Ethopia e.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Walaalayaal dagaalkii ABRAHA uu KACBADA kusoo qaaday 1500 ka hor ma dhamaan wuxuuna hir geli doonaa Aakhiru sabanka, anigu ma aqaan meesha maalintaas Muslimiintu ama Soomaalidu jirto, waayo hadalka Nebigu waa xaq waana dhici doontaa arintaasi.

Waxaan is weydiiyey ma Missionka ama qorshaha maanta socda baa lagu guulaystay oo waa layna qabsan doonaa kadibna inagaaba u shaqayn doona Amxaarada Mise waa waqtigii nebigu nabadi korkiisa ha ahaatee yiri "Muslimiinta baa Aduunka ka dhamaan doonta oo Gaalo keliya baa isu soo hari doonta" waxaan is iri markaas bay KACBADII oo aan cidina ka celinayn burburin doonaan taas oo ay ku hamiyi jireen illaa waqtigii ABRAHA.

Walaahi baan ku dhaartaye inaan inaga iyo Ethopian nabadi noo dhex marayn illaa ay ka wada Islaamayaan ama aan inagu ka wada Gaaloobayno, maxaa yeelay dad Diinteenu inoo sheegtay inaysan Cadawtinimo ka suulayn illaa iyo maalinta Qiyaamaha see nabad uga sugaa, taasi waa anoo Diintayda ka shakiyey.

Haddaba waxaan hadalka ku soo koobayaa kuwa AMXAARO saaxiibtinimo ka raadiyey waa kuwo ka qayb qaatay Qorshihii KACBADA lagu dumin lahaa, waana dadaan Allaah agtiisa dheef iyo nasiib toona aan ku lahayn maadaama ay raaceen kuwo ama CADAW Allaah iyo Rasuulkiisuba inooga digeen nabad gelyo korkiisa ha ahaatee.

Walaalayaal ALLAAH aan ka dhawrsano iskana ilaalino wixii Diinteena wax u dhimaya, yaynaana gacan ka gaysan doonista la rabo in XABASHI gacanta loo geliyo Diinta, Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed, duulaanka Soomaaliya lagu hayaana waa duulaan Diinta Islaamka lagu hayyo, ciddii duulaankaas iyo qorshaha Ummadan lagu burburinaayo ka qayb qaadataana waxay ka qayb qaateen duulaan Islaamka lagu soo qaaday si loogu burburiyo.

Waxaan mahad u celinayaa Allihii Islaamka inoo soo hadiyeeyey intaanay Diintu Madiina gaarin, waxaan ku Salinayaa nebigeenii suubanaa nabad gelyo iyo naxariis faro badan korkiisa ha ahaato e.

Wallaahu Aclam!
Islaam@usa.com
http://Ibn-Islaam.homepage.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.