site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Al-itixaad, Al-islaax, Tabliiq & Baabu-suufi, KEENU RAACNAA?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Al-itixaad, Al-islaax, Tabliiq & Baabu-suufi, KEENU RAACNAA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CUSAAR

Unrecorded Date
Saaxiibayaal waan yaabay ee waa yaabka yaabkiis. Waxaan maalin walba maqlaa xarakooyin tiro badan oo diinta Islaamka ku wada lug leh kuwaasoo Muslmiinta dhibaatoyin badan u soo jiiday xag walba. Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado mida saxda ha iyo cida XAQA ku taagan oo lagu dayan karo. KEENU RAACNAA FIRQOOYINKA KA JIRA MAANTA ADUUNKA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Xarakooyinka aad sheegtay intooda badan waxaan aaminsanahay inay islaamka wax badan u qabteen ,gaar ahaan soomaaliya,mana arag dhibaatooyinka aad sheegaysid oo aad la yaabtay ,way jiraan khaladyo badan oo ay sameeyeen ,laakiin waa kuma qofka aan khaldamini ?,waxaana khaladkooda ka badan faa'iidadooda,hadii aan kaaga jawaabo su'aashaadii ahayd mideen raacaa xarakooyinka, waxaan kugu odhanayaa midna ha raacine horta diinta baro adiga ayaana garan doona xaqa e ,ilaahayna ka bari inuu kugu toosiyo xaqa iyo barashada diinta ,waayo diinta islaamku ma aha ku dayasho ama raacid qof la raaco indhala'aan ee waxaa la rabaa inaad ilaahay cilmi iyo aqoon ku caabudo,intaasi waa haday kaa dhabtahay su'aashaadu,hadii kale oo aad ceebayn aad dadka islaamka u adeegaya ula jeedidna ,waxaan ku odhan lahaa Ilaahay ka baq oo ka daa aflagaadada dad aan kaa istaahilin,anigu hadii aan kuu sheego xarako gaar ah kama tirsani,muslimiinta oo dhami waa walaalahay ,kii khaldan wixii awooday ah ayaan isku dayayaa inaan saxo,kii khayr wadana waxaan isku dayaa wixii awoodayda ah inaan ku garabgalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Www

Unrecorded Date
Maxaaba kala qeybiyey????

Mana ogtahay iney sii kala fogaanaayaan sanadba kan ka dambeeya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Walaal waa jirtaa in qaybahood ay muslimiinta dhb usoo jiideen iyo xaqii ay garab mariyeen.

Hadaba walaal midna haraacin ee xaqa iyo ehelkiisa baro oo raac wixii haysta dariiqii salafkii raac wixii kaleexdayna ka tag laakiin cilmi ayaad uga bixi kartaa arinkaas.

Wasalaamu calaykum
Ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacamay

Unrecorded Date
Al-salaamu calaykum:
AAWAY WALLAALKEEN (MISKIIN)OON UGA BARANAY DIFAACA
DIINTA ISLAAMKA IYO BARNAAMIJYO DIINI AH OO XIISO
LEH,FADLAN KU SOO NOQO HORMOODNIMADAADII.
MIDA KALE MAGACAAGA SAXA AH MAXAAD U ISTICMAALI WEYDAY OO AAD MISKIIN KUGU KHASBAY?!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
warsame

Walaalayaal indhaha ha is tirina, ayaa maanta soomaali u tudha, oo ay damaqdaa dhibteedu,ayaa u baryootan taga soomaali awgeed, ayaa waxbarashada gacanta ugu haya, ayaa ceelaha u qoda, ayaa heshiisiintooda ku hawlan, ayaa xalaal ayo xaaraan kala bara, ayaa ka hortaagan cadawga dibadeed.

Markay soomaali soo qaxday ee uu dumay wadankoodii hooyo, ee ay kala galeen aduun waynaha, Yurub,Maraykan; Straaliya,Carabta, ayaa la qaxay oo ilaa maanta diinta ladaba jooga, gaalada uuga diga, Cusaaroow ma jabhadahaa soomaali wax u tartay, maxaad isku waalwaali, miyaad arag iyo maqalba wayday.

intay soomaali soo qaxday yurub xarakooyinka islaamka ah ee Soomaaliyeed waxay ku qabteen 30 shirwayne oo dadka diintooda loogu adkaynayo soomaali oo idilna ay ka soo qayb galaan, gaalada looga digayo, aaway ururadii jabhaduhu warkoodii aaway, aaway diinlaawihii aan gudnayn, aaway kuwa soomaali dacarta kala waraabshay, ma maantay noqdeen kuwa malabka soomaali u hayaa eedaysanayaal. waxaan idinka sugayaa inaad maankiina kaashataan ood xaqa ka shaqaysaan.

waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
TO: GACAMEY.
Jazakalahu khayra sidaad ii xustay walaal ilaahay meeshan meel ka sharaf badan ha kugu xuso.
Walaal gacamey runtii qof walba oo islama waa looga baahan yahay inuu difaaco shacaa'irta islaamka iyo waxyaabaha aan weyneyno ee muqadaska.waxaanaba forumskan dhexdiisa iiga awlaysan igana cilmi & caqli badan walaalo badan,sida ISMAACIIL iyo raga la mida,balse adiga aya khayr iskala kay jeclaaday ee ilaahay khayr ha kula jeclaado.
Mida ka qayb qaadasho la'aanta mowduucyada noocan ah waa runta kama qayb qaato. anoo u aanaynaya in ay yahiin kuwo aan wax kala faa'iidaysi ku dhisnayn ee dano laga leeyahay waxaadna ka garan karta qaabka lagu bilaabo, oo haday si su'aal ama cilmi doon ah tahay iyo hadii ay jaxdi iyo dad u jeed tahay aad kala garan karto.mana fiicna in qofka muslinka waqtiga oo waxyabaha ilaahay hortiisa la waydiin doona ka mida inuu wax aan nacfi aduun & aakhiro midna lahayn ku dhumiyo.
Mida magaca ah runtii waan jeclahay magacan miskiin qofku inuu naanays netka dhexdiisa ku yeesho oo lagu bartana way fiican tahay,ilaahayna waxaan waydiisanaynaa xubiga ama jacaylaka masaakinta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Waxaan ku darsan lahaa mawduucan arimahan soo socda:

1) Qof walba oo muslim ah waxaa waajib ku ah inuu barto siduu Eebe u caabudi lahaa, inuu kala barto xalaasha iyo xaaraanta, wanaaga iyo xummanta, baadilka iyo xaqa. Barashada Islaamka waxay kuu sahlaysaa inaad kala baratid qofka saxan iyo qofka qaldan. Waxaa jira hadal laga soo guuriyay Cali bin Abii Daalib ee uu yiri "Baro xaqa (Islaamka) waxaad baranaysaa ehelkiisa".

2)Ruux walba oo muslim waxaa waajib ku ah inuu Raaco Qur'aanka iyo Sunnada isagoo u fahmiya sidii ay u fahmeen AS-SALAFU AS-SAALIX. Nebiga(S.C.W) wuxuu yiri "Dadka waxaa u kheyr badan qarnigayga, kadibna kan ku xiga, kadibna kan ku sii xiga" hadaba qarniyadaa kheyrka badan ayaa waxaa la yiraahdaa AS-SALAFU AS-SAALIX. Waa iga su'aale dakii noolaa qarniyadaa wanaagsan ma u kala bexeen kooxooyin iyo qolo qolo??Ma is cadaaweysteen?Ma dagaalameen? Jawaabtu waa miya, hadaba maxay ku midoobeen? waxay ku midoobeen Qur'aanka iyo Sunnada.

3)Magacyada kor lagu xusay sida AL-ITIXAAD, AL-ISLAAX, AL-TABLIIQ IWM. mid walba oo ka mid ah waxay leedahay dadka ayaan waxaan ugu yeeraynaa Islaamka. Allaah wuxuu Qur'aanka ku yiri "Waxaad qabsataan xariga Eebe idinka oo dhan". Waa yaabe haday xarakooyinkaa kor ku xusnayn ku abtirsanayaan Islaamka MAXAY U MIDOOBI WAAYEEN?!!waxaa noo muuqanaayo inay ka dhexeyso colaad, is naceyb, iska hor imaad, iyo kala tag aad u weyn. Carabta ayaa waxay ku maahmaahdaa "FAAQIDU ASH-SHAY'I LAA YUCDHIIHI" oo macnaheedu yahay "Ruuxna ma bixiyo wuxuusan isagu haysan" hadaba kuwan dhahaya Islaamka ayaan dadka ugu yeeraynaa iyaga ayaa u baahan inay bartaan oo ay ku dhaqmaan.

Ugu dambeyntii qaf walboow baro Islaamka taas ayaad waxaad ku heleysaa naxariista Eebe ugana badbaadeysaa in qofkaloo qaldan uu hogaanka kuu qabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Ku: Deeqa!

Salaamu caleikum!

Jazakallaahu kheyra!

Walaalshey aad iyo aad ayaan uga faa'iideystay qoraalkaada wax ku'oolka leh ee aad noo soo gudbisay.
Waxaan rajeynayaa in aad siddaa noogu waddi doontid. Adiga iyo DEGGAN runtii waxaad tihiin walaalo aan runtii jeclahay maqaaladiina. Fadlan nagala qeyb qaata arrimaha quseeya Islam iyo qaasatan mowduuca uu walaalkeen Miskiin keenay ee ah SIDDA DIINTU U DAWEYSAY CUDDURKA QABYAALADDA!. Markaa fadlan nagala qeyb qaata mowduucan.

Mahadsanid
Wasalaamu caleykum!

Ansaari!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMED

Unrecorded Date
asalamu caleeykum yaa ikhwaan, YAAN LOO FAHMIN AKHWAAN MUSLIMIIL.
ILLAAHI QULUBTEENA HA ISKU SOO DUWO ,XAQANA HANA WADA TUSO, INTAAS WAA DUCO .SU AASHAN EH FIRQOOYINKA ISLAAMKA AH AYAA NAWAREERIYAY WAXBADAN AYEEY SOONAQOTAA WAR DADKA RAYIGAA QABOOW WAX NIWAREERIYAY MALEH . SABABTOO AH TAAS M
AXAAN U ARKAA IN AY TAHAY MARMARSIYO OON XAQDOON LA AHAYN WAAYO KITAABKII ALLE IYO SUNADII NABIGA(S.C.W) ADOO KU HORTAALO SEED U DHIHI KARTAA WAA LA IWAREERIYAY. HADABA MAXAAN ORON LAHAA LA MA SOCOTAAN NABIGA WUXUU KU YIRI XADIITH SAXIIX AH.... MA IDIIN SHEEGAA WAX HADAAD WADA QABSATAAN AYNAN LUMAYN? HAAA BEEY DHAHEEN YAA RASUULULLAAH , MUXUU YIRI WAA MAANTA ANIGA IYO SAXAABADEEYDA WAXAN KU SUGANNAHAY IYO KHULUFAAU ALRAASHIDIIN ALMUHTADIIN QABSADA OO WALIBA GOOS DANBEEDKA KU QABSADA.WAANA SAAS XAQA WALAALAYAAL OO ISKA DAAYA FIRQO AYAA NAWAREERISAY EE SUNADDA IYO KITAABKA QABSADA INSHA ALLAAH MA WAREERAYSAAN TAASAANA KU MIDOOBEENAA EE ILLAAHI TAAS NA FAHAMSIIYO OO XAQA HA NATUSO WAALAAHU SUBXAANAHU WATACALAA ACLAA WA ACLAM. HADAAN WAX KHALDAN KU HADLAY WAA NAFTEEYDA IYO SHEEYDHAAN HADAAN WAX SAXAYNE WAA FAMINALLAAHI CAZE WAJAL RAALINE IGA AHAADA WASALAAAMU CALEEYKU WRAAXMATULLAAHI WABARAKAATOOOO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Calaykum dhamaantiin!

Cusaar,

Walaal, diinta Islaamku waa MID KALIYA---ma`aha ururadaan mid-ba mid ka baxayo. Qofku markuu urur isku tilmaamo, ururkaas buu ka mid yahay. Shia, Suni, Wahabi, Sufi, etc...dhamaantood waa dad diinta ururo ka dhigaya, Allena wuxuu yiri: "Xaqiiqdii, Ummadatan(Islam) waa HAL Ummad(oo kaliya), Ana Eebihiin baan ahay, sidaa daraadeed i caabuda Aniga!" (( Ina haddihi Ummatakum Ummatan waaxidah, Wa`Anaa Rabikum Fa`acbuduunii!)) (92. Verily, this Ummah of yours is a single Ummah, and I am your Lord: therefore serve Me.) The Prophets (Al-Anbiyáa)

Muxuu Alle halkaa inoogu sheegay??? In Ummadeenu(ISLAM) ay tahay Hal Ummad...taasna waa tii Nebigii Suubanaa, sharaf iyo Naxariis Eebe dushiisa ha`aatee. Waqtii Nebigana, ma`aysan jirin sheekooyinkaan raqiiska ah, Ummadu waxay ahyad: ISLAM. Marka, wixii taa ka baxa...oo wax ka hooseeya sheegta, taas waaye mida ah tafaaruq.

Marqaati iiga ahoow, adiga iyo inta Islamka ahoow---inaanan wax ISLAM ka badan aanan ahayn. CIDII ii keenta wax Kitaabka Alle qilaafsana...waan ku diidayaa, cidii iila imaata wixii Kitaabka Alle waafaqsana...waan ku raacayaa, LAAKIIN, urur aan ka mid ahay oo jiraa majirto---walaa Suni, walaa Shiica, walaa Wahabi, walaa FULAAN.

Mid kasta oo ururadaan ah...wuxuu la soo baxaa Xadiisyo(ayaga la jira)---miyeysan ogayn in Xadiis ALLE hadalkiisa ka wayn yahay? Labaduba waxaad maqlaysaa waa: "saxiix"...kan ka yimid Suni iyo Shiico---hadana badankood way is-qilaafsan yihiin! WIXII Alle rumaysan, xaqa wa`ay arki karaan!

Aynu Alle ka cabsano---Kitaabka Qur`aanku waa Kitaab kooban oo Alle dhamaystiray...oo wax walba ku yaaliin, aynu AQRINO oo ku camal falno---TAAS weeye Islam; inaad Alle u hogaansanaatid!


NOTE: Aayada Qur`aanka ah oo halkaan ku qoran anaa fasiray...waxaana ka fasiray CARABIGA...Kii Ingriiska ahaana, oo ku raacsan, wuxuu ka yimid: "Yusuf Ali" oo tafsiira Qur`aanka, luuqada Ingiriiska. Wixii qalad ah oo ku jira, Alle ha`iga cafiyo...wixii qalad ah oo aad ku aragtaana ila soo socodsiiya!


Wasalama Calaykum!


Ahmad! *>.<*

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muhaajir

Unrecorded Date
to dhamaan walaalaha
assalama caleykum
walaalayaal soomalidu runta waa ka leexataa
dadka maanta dadkeenii u daneeynaya waa
walaalaha alitaxaad ilahay dhamaantood
dumarkood iyo ragoodaba jano ha ugu
badalo abaalkooda waana wax sunada allaah
ka mid ah in midkastoo xaqa wada la dhibo
dalkan insha allaah waxaa ka dalin doona
maalin maalmaha ka mid ah dowlad ISLAM
oo xoog badan bid cooleyna insha alllaah
waa toobadkeeni doontaa gaalraacna
waalala xisaabtamidoona

BY muhaajir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum dhamaantiin!


Mujaahir,

Somalidu waxay tiraahdaa: "Siba si bay dhaantaa"---ANIGA...wixii ISLAM sheeganaya oo dhan, waan la jiraa...waxay rabaan ba ha`ahaadaane, sababtoo ah--soomaaliya Islam bay u baahan tahay! Any kind of Islam that wants to rule on the Qur`an...will do! :-)


Wasalama Calaykum!

Ahmad!*>.<*

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

allale

Unrecorded Date
to.dhamaan.
assalaama calaykum.
walaal yaalow naga joojiyay dooda xarakaadka waxaa idunsugaaya hawlo farabadan qofwalba haku dadaalo in uu raaco kitaabka iyo sunada oo uu barto taasbaa inshaa'allahu kugu ridi doonto wadada xaq ah sida horay looyiri" xaqa baro ehelkiisaad barane".
salaamun ccalaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Candhaf

Unrecorded Date
Waa layaab!!! War maxaad su'aashan uga danleedahay. War haday diindoonku kaa dhabyahay kumaadan dhibaatooteen. Waxaana lagaaga baahnaa intaa aadan waydiin su'aalo aan naflahayn in aad adigu diinta baratid. Markaad adigu diinta baratid waxaa kuu sahal noqonaya in aad ogaatid wixii diinah iyo waxaan ahayn. Takale adigu waxaad daba raacaysaa rasuulku wuxuu layimi ee khasab maaha in aad daba dhilif noqotid. Adigu tuko, soon, xaji, gadhka dayso, guurso; qaadka, sigaarka iyo xaaraanta kalena iskadaa kana baq ilaahay. Marka ninkii intaa iyo inlamidah kuu layimaada waa walaalkaa muslinah magacuu doono halahaado.

War diintaada baro, Nabadgalyo

Candhaf

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wanaagsane

Unrecorded Date
hadii aan jawaab siiyo mawduuca kam qayb qaadashada sidii looga hortegi lahaa cudurka dilaaga ee soomaliya dhexyaala ilaa hadana aanay garan dawadeeda waxan odhon lahaa inta aanan dhibaatadeeda u gelin iyo sida ay faafto an yara horaysiiyo Maah maah soomaaliyed ayaa odhanaysa ninkii tol keliya leh tol laaan baa haysa ninkii tol badalehna tol mawaayo saan u malaynayo in ay maah maahdu ahayd oo ujeedadeedu tahay qofkii yaareer hebeleey yidhaahda ama aaminsan reerkaasi in ay wax laynjkaraan ama daynkaraan toloaan ayaa haysa oo maalin maalmaha ka mid ah ayaa reerkiisaasi jabaya sikastaba ha ku jabee laakiin kii yidhaahda war dadoo dan baa isu keen keentay dhaqan diin iyo af iyo midab ee danteena aan waxkasta ka horaysiino waxan qabaa in aanu tol waayayn taasina
hadaba hadii aan mawduuca jawabtiisa soo galo inagoo ku dayanayna Kitaabka iyo Sunada Rasuulka S.C.W madaama aynu nahay dad muslim ah mamnuuc ayay diin teena ka tahay in laysugu yeedha xamiyo ama saynu u naqaano qabyaalad qofkii ku dhaqmaan ifka waxu la kulmayaa dhibaatooyin aan yaraayn aakhirona cadaab waxan taa uga jeedaa ifka waaladili isagoo reer hebel isagoo og in uu khldan yahay xag diiniyan iyo xag qoladaa uu usafaysanayo aakhirona cadaab buu leeyahay oo taa waxa inagaga filana hal aayad oo aynu ka soo qaadano Kitaabkeen xakiim ka ah oo aan waxba reebin Rabigeena waxa uu leeyahay Qofkii kas u dila qof qof muslin ah hooygiisu waa naar markaa walaalayaal wakhtiga ayaa igu yar ee mawduuca dib ayaan dhamaystirayaa waxii aan khalday waa aniga xagayga waxii aan saxayna rabagay baa igarnsiiyey wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yalaxow

Unrecorded Date
asalaamu alaykum. walaal midna ha raacin ee waxaad raacdaa kitaabka quraanka ah iyo sunaha nabiga (naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) magacyada aad sheegtay waa ururo ee ma aha diin ee diinta ha la raaco.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

colaad

Unrecorded Date
jjjdhhhhhh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tolkiimuslim

Unrecorded Date
by Dhagardiid Asalaamu caleykum Walaalkeen Cusaar arrinta kayaabisay waa mid ay dad badani laqabaan ee waxaa habboon ciddii wax kudhaanta inay ufaaideyso oo ay yaabka kabbiiso. Walaalle Cusaar xarakooyinku waa ururro Islaami ah oo u istaagay inay Islaamka soo nooleeyaan oo khaliifadii Islaamkana lasoo celiyo.Inay xarako waliba magac goonni ah labbaxdo oo ay gaarkeeda ushaqayso wax dhibah malaha,somalidu waxay ku maahmaahdaa ood jiidid iyo qaadid waa isla gurigeyn ookolkaa xarakooyinku hadafkaas aan soo sheegay bay wada leeyihiin.Waxa marwalba larraacayaa waa kitaabka iyo sunnada.Qofkii xarako kubbiira ee si dhab ah ula shaqeeyaa waa qof diinta ushaqaynaya.Midda muhiimka ahi waxay tahay xarakada waxaa lala shqaynayaa intay sunnada ku taagan tahay ee haddii kale waxba isuguma kiin jiraan. Wabillahi tawfiiq Tolkiimusli

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SEERAAR

Unrecorded Date
Salaam For all MUSLIMS...

AlIslaax is the best.....Honestly..'cuz they try to educate the PPL..while ALITIXAAD and Others are bussy to separate and couse conflict between Muslims ...Specially ALITIXAAD all they belive is POWER to excute ...If U are not one of them then abviously U are considered one of their ENEMY...

I guess ...U can take as a example they FITNAH they did in Eastern Somali.,.BOOSAASO..many families lost their loved once...who's responsible..of course these so called ALITIXAAD...May Allah destroy them.....AAMMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Seeraar.

Alislaax waa urur laftirkiisu sida ka muuqata magaca waxaana qofkasta oo ka mid ah lagu yaqaan inuu caayo ururada kalee. Marka walaal waxba meesha haku habaartamin adigu eebbe cidna wakiil ugama tihid. Taada kasoo bax.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

carmale

Unrecorded Date
Waxaan qof kasta oo muslim ah kula talinayaa inuu barto diinta marka uu bartana uu ku dhaqmo sidaas baa liibaan labada daaroodba lagu gaaraa.
Ta kale xaqu waa kitaabka iyo sunada waana in loo fahmaa siday saxaabadii R.c. ufahmeen.
Hadaad rabto inaad khalad saxdo ha caytamin cidna ha canbaarayn sidaasi ma aha dariiqa dadka suusuuban lagu yaqaano,xusuuso dadka diinta yaqaanaa waxay joogaan booskii nebiga C.S. MANA UUSAN AHAYN MID CAYTAMA,CAMBAARAYN BADAN,BALSE WAXA UU AHAA SIDA RABI KU SIFEEYEY MID TUDHID BADAN OO NAXARIIS BADENE AH
hadaba qof kasti naftiisa dib ha ugu noqdo oo ha xisaabiyo,ceebaha dadka inta ayna ku mashquulsanahay aynu ceebeheena ku mashquulo markaynu khalad saxayno aynu USLUUBU DACWA IYO XIKMAD ISTICMAALO AYNU BARANO USLUUBTA QOFKA DAACIGA AH LAGA RABO AYNU KA DHEERAANO TACASUBKA NOOCYADIISA OO DHAN DADKU HA INOO FAHMEEN INAYNO WANAAG LA RABNO INTAN AAN XUSAY IYO IN BADAN OO KALE OO WANAAGA HADII LA INAGA HELO WAYNU LIIBAANAYNAA
Waxaan warka ku soo gaabinayaa rabi aan ka cabsano qof walbaana ha ogaado in qabri madow keligii la gelinayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
assalaamu calaykum
WAlaalayaal waxaa haboon qufka muslimka ah mar ka uu ka jawaabayo arin diini ah inuu iska ilaaliyo inuu ka jawaabo wuxuusan aqoon ulahayn ama uusan fahmin waxaan arkayay in muda ahba walaaluhu inay ukala qaysanyihiin kuwo cilmi kujawaabaya iyo kuwa jahli kujawaabayaba taasin waa arin khatara inuu qofku kujawaabo jahli waajo asaga ayaa ALLE kula xiaabtamayaa maalinta qiyaame.
hadaan wax ka idhaahdo su`aasha ugu horaysa bogan
waxaan ufahmay inuu doonayo walaalkayga qory waxa ay diintu kaqabto ururadaas,
walaalayaal ALLE meelo badan ayuu kaga hadlay kitaakiisa quaanka ah rasuulkuna(s.w.c.)sunadiisa ayuu ku cadeeyay xukunkooda tussale ahaan waxaad eegtaa kitaabka quraanka ah (aayada 13aad ee suurada ALSHUURAA)ee ah suurada 42aad suuradaha quraanka waxaad arkay saa inuu ALLE inoo ka digayo dhibaatooyinka ay inoo leedahay tafaruqa iyo kooxa kooxaysiga islaamka kadhex dhica iyo kala googa`a muslimiinta waxaad kale ood eegi kartaa kutubta laga qoray mawduucaa sida.
-xukmul intimaa ilal firaqi wal axzaabi wal jamaacatil islaamiyah,oo uu qoray sh.bakar abuu zayd.
iyo kutub kalle oo bada qofkii ubaahana wuu iga heli kaar
baarakallaahu fiikum wajazaakumullahu kharaa..
c/llahi mussa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL BROTHER

Unrecorded Date
mid baa meesha taala. waagii ay culimada baaba suufiga loo yaqaan ay diinta hayeen ma jirin wax khilaaf ah,maanta markii ay soo baxeen kuwaan isku magaacaabay AL ITIXAAD,ISLAAX, TAKFIIR,iyo wixii kale ee lamid ah maxaa keenay khilaafka?
waxaan codsanayaa in layga soo jawaabo su'aashaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Real brother.

Suufi waa qolo qilaafsan sunnada rasuulka, oo la timid waxaan diinta ka mid aheyn. Sidaa daraaddeed waxaa wanaagsan inaad cilmiga barato ee aad iska dhaafto meelaha qudbada beenta ah ee lagaaga soo aqriyo. Waxad u muuqataa nin raba in lala ceytamo ama lala doodo cilmi la'aanna ay heyso. Haddii diin ay qiiro kuu heyso waa la bartaa ee waa layiri laguma dhaqmo lagumana sheekeeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABUMUSCAB

Unrecorded Date
TO SEERAAR

USKAG AAN DIIN WAX KA GARANAYN AYAAD TAHAY ADIGA ALLE KU SOO QABAY HADII UUSAN HANUUN KULA DOONIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
DEEQA

Diirkiyo laftuu xulay hadduu hadal wax daaweyne.

Walaashey sida wanaagsan ee arinta u kala caddaysay ayaan la cajiibay. Alaah ha kuu kordhiyo aqoonta iyo garaadkaaga suubban.
Haddaan ku arki lahaa(oon lagu qabin oo aad i yeesho) meher baan dhag kugu siin lahaa. qof adigoo kale ah waa nagu yar yihiin haddaan cidaas somali ku abtirsata nahay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.