site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sual: Naag muslim ah ma guursankartaa nin wakiil la'aan? please give your source or Xadiis

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Sual: Naag muslim ah ma guursankartaa nin wakiil la'aan? please give your source or Xadiis
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaaliyad

Unrecorded Date
Salama Alaykum,

Walaalayaal waxaan idin ka codsanayaa inaad ii soo sheegataan in qofka dumar ha oo aan waligeed guursan, ay guursan karto iyada oo aan ka tala gelin reerkeeda (abaheed ama walaalked)

Waxaan markasta maqlaa Wakiil, mana fahamsani in wakiilku uu yahay qasab iyo in kale.

haddiise ay nikaaxsato iyada oon cidna ka talo gelin, meherkaasu sax ma yahay?

Su'asha waxaan idiin waydiiyay, waxaan arkay in nin ka uusan u baahnayn wakiil, markaa waxaan is idhi naagtana qasab kuma aha in ay wakiil yeelato.

Ugu danbayntii ii soo sheega halka aad informationka kasoo qaadateen xadiiska.

Salama Alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mustafa

Unrecorded Date
Salaamu Calakum,
Walaal waa sax aarrinkaasi in ay gabadhu guursan karin in waalidkeed uu ogolaado maahee taana waxaa yiri Nabigii suubanaa (S.C.W.) wuxuu yiri:
"Laa tunkaxa imra'atun biqayri idni waliyihaa"
oo macneheedu yahay gabari ma guursan karto in waligeeda ogolaado maahee, waliga waxaa weeye qofka mas'uulka ka ah gabarta.
Laakiin haddii gabadha la soo weydiisto waalidkeed oo markaa uu yiraahdo kuma siinaayo sababo aan jirin sida isku faamil ma nihin, qarash ma lihid iwm. taasi sharciga Islaamku ma qabo inuu ugu diido gabadha sababahaas. haddii laakin uu haysto sabab sax ah sida qamriguu cabaa, ma tukado iwm. wuu ugu diidi karaa. sidaa awgeed ayaa sharciga islaamku ogoleen in gabari kaligeed safarto.
Gabagabadii: Diinta Islaamka mar walba waxay ilaalisaa sharafta gabadha muslimada ah Si aan marnaba loogu xadgudbin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum,gabadha su,aasha soo qortay walaalo waad mahadsantahay.
Walaal waasida walaalkay mustafe sheegay laakiin waan sii akidayaa.

Walaal guurku waa arin muhim ah oo islaamka meel weyn kajooga marka waxaa loo baahanyahay sida islaamku qabo in loola yimaado.

Marka kowaad gabadha lama guurin karo iyadoon lawaydiisan qofkii ka mas,uulka ahaa mooyaane mas,uulkeeda waxaa u horeeya aabaheed,awooweheed,walaalkeed adeerkeed sidaas ayay u soconaysaa qofkaasna waxaa loo yaqaan (weli).
Waxaa arinkaas kuugu daliil ah allaah wuxuu kiyiri suurada la dhaho Al-nisaa(ku guursada idinka ehelkooda).

Nebigu wuxuu xadiith saxiix ah kuyiri oo uu werinayso caa,isho allaah haka raali noqdee (naag kasta oo la nikaaxo weli la,aan nikaaxeedu waa baadi waa baadil waa baadil hadii lawaayo weli ama ay u diidaan suladaanka ayaa weli u ah qofkaan weli lahayn).

Hadaba walaal axaadiithtu waa fara badanyihiin laakiin kaa ayaan ku gaabsanaynaa, waxaa kaloo jirta gabadha waa in idan laga qaataa haday diido laguma khsbi karo oo nebiga gabar ayaa u timi iyadoo aabeheed dacwo ka ah waxay tiri (aabahay ayaa nin isiiyay aniga oo kahanaya, markaas ayaa nebigu ku yiri adiga ayaa ikhyaar leh hadaad doontana aabahaa ayaad ku raaci kartaa hadaad doontana waad diidaysaa, wax furniin ahna qofkaasi uma baahna sida laga fahmaayo xadiithka.

Waxaa kaloo jira in aad walaalo is waydiisay oo ninkii weli uma baahno miyaa kadibna miyaanan la mid ahayn, walaal waxaan ku waydiinayaa weligeed ma la,arkay gabar intay shaqayso oo guri dhisato oo alaabtii dhigato oo weliba balan qaadaysa masruufkii isla markaa dhahaysa hada ayaan guursan oo intay reer utagto tiraahda wiilkiina ayaan rabaa ee hala isiiyo meherna intaas ayaan u siinayaa masruufkiisa iyo marashigiisana aniga ayaa qaba!!???

Jawaabtu haday haa noqoto qoftaas noo soogudbi mucjisooyinka aduunka ayaan ku daraynaaye,
Haday maya noqotana sidaas ayaa kaliftay in iyada weli lagu xiro,intaasi waa daliilka caqliga, axaadiithtana waan kuu hore mariyay.

Waxaad ka heli kartaa arinka weliga labo kutub oo aad uyar-yar ayaan kuu sheegu BULUUQULMARAAM IYO TAYASIIRUL AL-ACLAAM soo qaado kitaabka nikaaxa ayaad kaheli kartaa.

walaahu weliyu tawfiiq
Ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Walaal waxaan ilaabay arinka ah hadii meherkii dhaco ma saxbaa waa masalo dheer waqtina rabta laakiin si,aad ufahanto ayaan kuu sheegi oo labo ayaan ukala qaadi.

Hadii qofkaasi ogaa in diintu sidaas aysan qabin cilmina u leeyahay arinkaas wax kun kalifay oo ah in loo diiday aanay jirin waa xaaraam umana banaana.

Laakiin hadii uu jaahil ka ahaa arinkaas oo ay isku nikaaxsadeen dariiqa islaamka oo ah in lasameeyo laba shaahid iyo meher iyo qof diingaranaya inay isula tageen waa baadil lama dhihi karo waxay iska dhaleena waa caruurtoodi oo saxa.
Walaahu waliyu tawfiiq
ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliyad

Unrecorded Date
Salama Alaykum,
Walaalayaal Mustafa and Ismail waad ku mahadsantihiin sida aad iigu faah-faahiseen arintan.
Shalayto waxaan telephon kula hadlay imamka masaajidka ku yaala magaaladayda, sidiinoo kale ayuu igu jawaabay asaagoo kaalmasanay xadiisyo badan iyo surad Al-insaa iyo surad kale. weli ma aanan akhrin labada suuradood insha-allah caawa ayaan akhrin doon. Intaa dabadeed sheeka waxaan weydiidyay in suuradu ay odhanayso wakiil la'an gabadhi ma guursan karto. Sidiino kale wuxuu ii sheegay dhowr xadiis oo ka hadlaya wakiilka.

Hadda su'ashaydu waxay tahay xadiisku maka quwad wayn yahay suruda/ayat.? Haddii ayan suradu ka hadlayn wakiil, dee markaa naagtu way iska nikaaxsan wakiil la'an soomaha?

Ismaciil walaal, dee ragoo idil ma balan qaadan in ay naagta masruufkeeda iyo marshigeeda khabaan. Waxaa jira rag badan oo waxb haysan,oo naaghoodu xoolaha badan leeyihiih. Nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee Nabi mohamed, xaaskiisa khadiijo wayka khanisanayd isaga. Markaa inadeer ma odhan kartid ninku wakiil uma baahna sababtoo ah masruuf iyo marshi ayuu keena. ee sababta dhabta ah uu san ninku ugu baahnayn wakiil bal isku day inaad ii soo sheegto.

Malaha su'ashan jawaabteeda ayaaba mucjiso noqodoonta!!!
Salama Alaykum.
Somaliyad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Walaal marka kowaad waxaan aad kuugu naseexaynayaa hadaadba joogtid magaalo dad diinta waxka garanayaa ay joogaan inaad iyaga la xiriirtid waayo mustaqbalkaagi ayaad dhisaysaa yaanuu khalad kaa galin.

Walaal qur,aanka iyo xadiithtuba waa sheegeen in loo baahan yahay in lagu waydiisto weligaaga(aabahaa).

Marka walaal hadaad meeshaan u timid inaad xaqa ogaatid lagaana cilmi badan yahay mxaad ugu qanci wayday oo aad weli u sii doodaysaa waxaan ku dhihi lahaa imaamka magaaladaada wuxuu ku yiri hayso iyadaa xaqii ahe.

Walaal axaadiithta iyo qur,aanka dagaal kama dhexeeyo oo labaduba waa waxyi allaah wuxuu yiri isagoo ka hadlaaya nebigiisa(kuma hadlo hawadiisa waxa uu ku hadlaao waa loo waxyooday)

Nebiguna wuxuu yiri (waxaa laysoiiyay qur,aanka iyo midlamida oo maciisa ah waana sunada, ama axaadiithta.

Marka walaal sunadu qur,aanka ayay fasirtaa hadaad ogtahay qur,aanku wuxuu yiri hala tukado ee meesha aan ka keenay inaan shan salaadood tukano bal soo ogow sidoo kale zekada hala bixiyo ayuu qur,aanku yiri ee meeshaan kakeenay inaan geela intaa kabixino ariga sidoo kale bal soo ogow.

Ugu damayntii walaalo allaah wuxuu yiri(uma sugaanin nin mu,mina iyo gabar mu.minda hadii allaah amar jidooyo inay yiraahdaan aniga sidaan ayaa ila quman,qofkiisidaas sameeya wuu lumay lumid cad)Al-axzaab.

Walaahu waliyu tawfiiq.
ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
asalamu alaykum
TO.soomaliyad
walaal sida sawaabka ah waa inta uu kuu sheegay wallakay ismaiil
hadad runtii xaq doon tahay wixii sunada saxiixa ah ayuu kuu sheegay aniga mmeeshaan waxba igama banaana
jazakalaluhu akhunaa ismail

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO: SOMALIYAD
walaal war oodhan allaha ajar ka siiyee waxaa dha meeyay akhi ismaciil,
walaal hdaad iimaam kii la xariirtay waxa kale oo doonayso maxay yihiin???
mise waxaad malaynaysaa shiiqu inuusan xadiis saxiixa uusan kuu sheegin amaa suurada uu kuusheegay soo aqri
mida xigta waxaa iga nasteexaa adooba shiiq caalima heli kara waxaad ( net ka u timaado ayaan ba su'aal ka qabaa?????
mideeda kale waxaaiga nasteexo ah walaal hadaad islaamtahay qofka muslimka waa inuu wixii la yiraahdo alaayiri ama rasuulkaa yiri uu qaataa haduusan qaadan taa micna heeda waxaa weeye inuu jiro mardul qalb
marka alaha ku caafiyo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.