site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Kee baad dooran lahayd Hooyadaa iyo Aabahaa?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Kee baad dooran lahayd Hooyadaa iyo Aabahaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Haye ina hooyo ina aabe dadka Soomaaliyeedow kee baad dooran lahayd Hooyadaa iyo Aabahaa?

Waa su'aal taagan oo u baahan gambar iyo koob qaxwo ah iyo dad caqli iyo aqoon leh oo garan kara xaaladda murugada iyo yax yaxa leh ee aan ku sugan nahay.

Haddii aad garasho leedahay oo aad abwaan tahay CAR garo su'aashaa oo garta bixi?

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa

Unrecorded Date
Salama..

Walaalkiisa: Su'ashaan sidaan u maleynaayo waxaa la is waydiiyey 14th centuries ago.

Maalin maal ma'aha ka mid ah..ayaa nin asxaabtii ka mid ah u imaadey Nabiga (s.c.w), wuxuuna weydiidey qofkii kee dhahaa kaas aan ifka ugu jeclahey, Nabiga (s.c.w) intuu ugu jawaabey ayuu u sheegey "hooyadaa"..ninkii ascuubta ma quursan ee hadana wuxuu ku celiyey yaa ku xigo, Nabiga (s.c.w) wuxuu u sheegey "Hooyadaa"..ninkii waa sii wadey wuxuu weydiiyey yaa hadana ku xigo, Nabiga (s.c.w) wuxuu ugu jawaabey "Hooyadaa"..Markii afaraad aa la soo qaadey magaca "aabaha"

Haye..bal adiga hada is weydii meeshuu Nabiga (s.c.w) oo weyn ugu cel-celiyey sadex mar "Hooyo" marka afaraad "Aabo". Saas ahaan hada hadaan aan nahey muslim qaadir ah, oo Nabigeyna saas ku cel-celiyey..marka hooyo (macaan) badan aan ka jecel nahey aabo....Run ahaantii hooyo sida ay u naxariis badan tahey qof bili'aaden gaari karaaba iska yar....

kow: Sagaalkii bilood eeh xamoolka caluusha.
Labo: Dhalintii loo adkeysan karin.
Sadex: Naas nuujiskii.
Afar: Soo kuruntii.

Intaas iyo kuwa kale la sheegi karin...marka hada maa dhaheynaa "aabo" aa ka horeyaa...maya. Aabo siduu ugu baxo irida maalinta uu habeen kasoo galaa iridaas..even qoyska oo jiifa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hooyo soomaali

Unrecorded Date
To walaalkiin su'aashaasi su'aal ma noqotee dib u eeg. Aabo iyo Hooyo labaduba waynu wada jecel nahay Ilaah Jano ha ku abaal mariyo.

To Waryaa: su'aasha walaalkiin waydiiyey ma aha xaqa walidka ee waxuu yiri kee baa jecaylka ku horeeysiinaysaa. hadaba xadiiskaas aad soo sheegtay waxaa ku hadlayaa xaqa ay hooyadu dheer tahay aabaha sidaad sheegtay hooyadu dhibkay soo marto oo badan iyo dhimrinteeda badan ayey xaqa ugu hormartay aabaha. Laakin in isku si loo jeclaado weeye loona baari noqdo labaduba isku sina loo xaq dhowro.

waa Hooyo soomalidyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Mahadsanidin Waryaa iyo Hooyo Soomaali. Waa runtaa Waryaa oo Nebigeenii Suubaanaa (CSW) wuxuu noo sheegay in Hooyo tahay qofka ugu mudan ee aad la saaxiibto. Hooyo Soomaali adna waa runtaa in Aabe iyo Hooyo na wada jecel yihiin oo ay mudan yihiin in aan ixtiraamo una adeegno.

Hase yeeshee su'aasha aan kor ku qoray jawaabteedu ma aha sida aad u sheegteen. Su'aashu waa "kee baad dooran lahayd Hooyadaa iyo Aabahaa?"

CAR BAL GARO JAWAABTA SU'AASHAA adigoo iga mudan qadarin iyo ixtiraam walaalkay iyo walaalshay Soomaaliyeedow!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

VISITOR

Unrecorded Date
WALAALKIS SUASHA MA XAK QABIILEED BAAD ULA JEEDAA YACNI????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaashiin

Unrecorded Date
Koley Rambo wuxuu doortay aabihiis, markuu abtigii ku yiri abti ashaaaddo!
Qof waliba waxay ila tahay inuu hoyaadii jecel yahay, lakiin uu aabihi dooranaayo.

It is the nature of the beast; almost all societies in the world are patriarchal.

Could it be that many people are sure 100% of who their mother is; but need the identification of oneself through the father. Lineage and prestige.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.