site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAA U DHAXEEYA NOLASHA ADUUNKA & TAN AAKHIRO??

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MAXAA U DHAXEEYA NOLASHA ADUUNKA & TAN AAKHIRO??
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM WARAXMATU LAAHI WABARAKAATAHU.

Walaalayaal waa dhowr mawduuc oo aan jeclaystay inta naftu igu jirto.Ilaahayna ii fududeeyay inaan FORUMKAN soo booqdo, inaan uga faa'iidaysto.
Mawduucayga koowaad waxuu yahay maxaa u dhaxeeya labada nololood oo aan midna la inkiri karin,waxaan tilmaamayaa Arimo kooban saan u arko markaa qofkii cilmi u leh wuu ku dari karaa.
1-Mida ugu horaysa oo ah farqiga u dhaxeeya labada nololood, nolasha aduunku waxay leedahay DHALASHO & DHIMASHO.nolasha aakhirose ma laha dhimasho waxaa tas u daliil ah xadiiskii NABIGA SCW qiyamaha marka ehlunaarka naarta la galiyo ahlu janadana janada waxaa la keenaya MOWDKII oo suurad wan leh,labada qolaba way garanayaan markaa waa la gowracayaa wankii waxaana la leeyahay laa mowta bacdu,yacni geeri danbe ma jirto.
2-Farqiga labaad waa kala dheeranshaha labada nololood,nolasha aduunku way gaaban tahay,nolasha aakhirose waa abad ama daa'in.nasuusta tilmaamaysana way badan yahiin qof walbana wuu og yahay,markaa intaas baan uga gudbaaya.
3-Farqiga sadexaad Nolasha aduunku waxay leedahay Tacab & Shaqo,(qofku waa inuu subaxii kalahaa oo habeenkii soo hoydaa)Nolasha aakhirose shaqo & tacab ma leh imaa inaad cadaab la huriyay ku dhex gadgadoonto imaa inaad jano wax walba lagu diyaariyay dhex joogto.nasuusteeduna way faro badan yahiin waana la yaqaan.
4-Farqiga Afraad waxaa weeye kala duwanaanshaha ( Environment)Deeganka nolasha Tusaale ahaan aduunka waxaad la kulanta ama qabow ku dhiba ama kulayl, aakhiro ama waa in aad naar kululy ama qabow daran ah dhex gadgadoonta. ama jano sida alah ku tilmaamay( LAA YARAWNA FIIYHAA SHAMSAN WALAA SAMHARIIRA)yacni qoraxna arki maayan qabow dhib badana halka ma laha.
5- Farqiga shanaad waa kala duwanaanshaha waxa lagu nool yahay Sida CUNADA & CABIDA, iyo macaamiladka SIDA GUURKA.aduunka waxaa lagu nool yahay wax la cabo ama la cuno qof walba iyo nasiibkiis balse gadaal laga dhigo.nolasha aakhiro waa mid aad u kala tagsan ahlu janahu waxay cunida & cabida ka qaatan intay u baahan yahiin oo loo jaangooyay,waxaa hoostooda socda afar wabi oo quraanka alah ku sheegay MID CAANO AH OO UUSAN DOORSOOMIN DHADHANKIISU, MID BIYO AH OO MACAN ANA IS BADALIN. MID KHAMRO AH OO KUWA CABAYA LADO AMA MACAANSI U LEH KHAMRADAN QURMUUN EE LAGU WAREERO OO KALANA AHAYN.IYO MID MALAB LA SAAFI YEELAY AH. Xaga cunida waxay cunaan fawaakih & Hilib kala duwan oo macaan.Xaga dumarka waxay haystaan XUURULCAYN waa dumar qurux badan adeecidna badan,Sidoo kale haweenaydii ahlu jana wax nafteedu ku qabowsato bay leedahay.WAXYAABAHA la sii yaabka leh waxa ka mida waxaas ay cunayaan ama cabayan saxaro & kaadi midna ma leh,xaako & waxyaabaha dadka kayimadana ma leh.
AHLU NAARKA wal ciyaadu bilaahiye waxa cunto u ah geedo qurmuun OO MARGASHO u saaxiiba macnaha aan dhuuntooda dhaafayn,waxaana cabitaan u ah dheecanka & malaxda kuwa kale ka soo baxda.
Walaalayaal waxyabahas aan soo sheegay oo dhan daliilkoodu waa aayado quraana & xadiis balse meeshu ma qaado hadii la taxo.
WAXAAN JECLAHAY HADII ALAH IDMO INAAN SII WADO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
Walaalayaal insha alahu waxaan jeclahay inaan meeshii ka sii wado.
6-Farqiga lixaad ee kala duwanaanshaha labada nololood ee aan ka soo hadlaynay waxuu yahay.isticmaalka adawaadka ama alaabta,nolasha aduunka waxaa lagu isticmaalaa alaab marna duugowda,marna la iskaba badaloba.balse nolasha dhabta ee aakhiro,Janada alaabteedu waa fido & dahab aan is badalin & koobab dhalooyin ah,waxayna dhar ahaan u qabaan Xariir & jinjimooyin dahab ah.ehlu naarka waxaa dhar u ah dhar cadho & cuncun badan iyo waliba daanbur laami ah oo la shiilay.
7- Farqiga todobaad ee labada nololood waa kala duwanaanshaha Cimriga dadka Ahlu Janahu ma gabooban,mana jiradaan,ahlu Narkuna naarta bay ka dhex ooyan ilaa nasuusta qaarkeed tilmaamayso say u ooyayaan inay dhiig ooyi doonan.Nolasha aduunku waxay leedahay Gabow hadii si kasta laguu daayo gabow baa kaa dabo imaan,sidoo kale jiro baa taal.
8- Farqiga sideedaad waa kala duwanaanshaha macaamiladka dadka,dadka aduunka waxaa ka dhexeeya xiqdi, xaasidnimo & isdil. Nolasha aakhiro alah quraanka waxuu ku sheegay ehlu janaha inuu ka saari doono waxii xiqdi ay isu hayeen oo walaalo is jecel ay janada dhexdeeda ku noqon doonan.Ahlu Naarkana waxay isku nacladi doonan oo ku dhex diriri doonan naarta isgoo midba kan kale ku eedaynayo inuu isagu ugu wacnaa waxaan.
9-Farqiga sagalad waa waxyaabaha ku soo dhaca xawaadista ama dareemayaalka qofka. waxa xaqiiqo ah in dareemayaasha qofka aduunka intay joogan ay ku soo dhacaan wax uu dhibsado, qaylo,murugo IWM.Balse dadka ahlu janaha kama maqlaan janada dhexdeeda wax laqwi ah ama buuq mana murugoodan oo dareemayaalkooda wax aan farxad ahayn kuma soo dhacdo. ahlu naarkuna walciyaadu bilaahiye waxay ka dhex hinraagaan naarta dhexdeeda.
10- Farqiga tobnaad waa xaga cibaadada,Nolashaan aduunka cibaadada & raali galinta rabi waa la isku kalifay,waana tan aakhiro qofba daar ku aadi doono haduu mudiic noqday oo alah & rasuulkiisi ajiibay,ama caasi uu ku noqday oo diiday awaamiirta rabi inuu qaato.Nolasha aakhiro qofka ahlu Naarka ah cibaado lagama rabo asagoo markaa ku dhawaaqaya ilaahow i celi aan soo camal fashee,Ahlu janahana waxaa ilaahay amaantiisu ka soo baxaysa neeftooda siduu Nabigu SCW uu sheegay waxaa lagu ilhaaminaya oo wax dabiici ah oo ku abuuran laga dhigaya alah tasbiixdiisa.
WALALAYAAL DHAMAN INTA AAN SOO TILMAAMAY WAA AYADO QURAAN AH AMA AXAADIIS.MARKA ANIGOO KU XISAABTAMAYA IN MEESHU AYSAN QAADIN BAN ISHAARAY.

WAXAAN JECLAHAY INAAN SII WADO HADII ALAH IDMO. BALSE MEEYAY ISMAACIIL MAAD WAX KU SOO DARTID XAYAAKA LAAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
WALAALAYAAL MA SII WADAA??????????????????????
MA YAHAY MOWDUUC IN LAGA HADLO MUDAN MISE ADUUNYA NAGA BUUXSANTAY???
ARMAAN BOGAAN KABA SOO BOOQAN??
BAL AAN JAWAABTA DADKA DHOWRO!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum:walaal miskiin noo sii wad waad noo faa,iidaysaye runtii waan in la,isxasuusiyaa akhii JazAAKALAAHU KHAYR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Msaid

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum.


MISKIIN
Walaal waad ku mahadsantahay waxyigelintaada iyo xusuusinta daarta aakhiro ee dhamaadka
aan laheyn,runtiina waa wax loo baahanyahay in leys xasuusiyo aad baan kaaga
faaideystey halkaana nooga sii wad.
WA-JASAAKALAHU-KHEYRA.

Msaid
Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

labaqaad

Unrecorded Date
Jasaaka laahu qayran

Mr miskiin sii wad maw duucan waa faaiido aduun tan ugu qayr badanee!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.