site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

****QIRASHO***WAXAN***KAMID ** AHAA****XIZBI**

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb. 16, 2001): ****QIRASHO***WAXAN***KAMID ** AHAA****XIZBI**
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 03, 2001 - 01:01 am
waxan kamid ahaa xizbi kamid ah kuwa somaliya ka jira sida
islaax, itixaad,ikhwaan,tabliiq iwm

waxan ku biiray mudo dhan toban sano kahor

waxa layga qaaday *beyco*


waxa lay sharxay xubnaha xizbiga iyo inta qof kamid ah xizbiga, waxa kaloo laysheegay ninkamadaxda ah iyo meeshuu joogo

waxay sameeyaan doorasho, marka madaxada aydooranayaan ama ha'ahaado madaxda sare ama ha'ahaado madax goboleed

doorasho iyo xukun loowada hanqal taagona waxay inooga timid xaga gaalada ficil islaamna ma'aha

*waxana ognahay laba nin oo midwaliba ku tartamayo in isaga la doorto inuu xiqdi badan ka dhalanayo halkaa, xataa qabyaalad baa ka dhex dhacda waayo nin waliba inta laqabiilka ah waxa dhici karta inuu hoos wax ugu sheego uu yidhaa iigu shuba aniga, *

axaadiistuna waxay sheegaysaa in ninkii madax nimo dalba aan lasiin

waxa kamid ah sharciyada u dagan inaadan qof kale u sheegin inaad urur ka tirsan tahay iyo in kale
marka halkaa waxa ka yimaada inay been faro badan sheegaan waayo haduu qof uyimaad uu ku yira ilaahbaan kugu dhaariyaye mawaxad ka tirsan tahay xizbi hebal wuxu kuleeyahay maya !

beentuna inay shey xaaraan ah tahay curuurtaa xataa og

waxay leeyihiin fadhiyo sir ah oo qarsoon

hadalkoo kooban waa dowlad qarsoon oo dhisan


hadana waan iskaga baxay ilaah baana mahadaas iska leh

waxana diyaar u ahay inaan raaco kitaabka iyo sunada iyo fahamka salafka oo kaliya
allaah waxan ka beryayaa inuu igu sugo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SH.MASHAAKIL

Saturday, February 03, 2001 - 08:14 am
asalaamu calaykum
walaal ilaah ha ku waafijiyo xaqa adiga iyo
aniga iyo walaalaheena muslimiinta meel kasta
ay joogaan.

waxaa uu ilaah na amray inaan ku qadarino qof
kasta ( CABSIDA ILAAHAY ) inta ay la egtahay .

raga xizbiga ku jira waxay wax ku
qadarinaayaan ( XIZBINIMO ) ,
waa wax aysan inkiri karin ee ilaah ha waafijiyo
xaqa ah ;
( AL WALAA WA ALBAR,AA ) inuu ku salaysan yahay
DIINTA ISLAAMKA .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 05, 2001 - 12:13 am
mashaaakil----


waad mahadsan tahay

aamiiin aammiin aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

karamaan

Thursday, February 08, 2001 - 01:30 pm
sheekh mashaakil iyo ninka aan magaciisa xusin waxaan idin leeyahay asalaamau caleykum, aniga waxaa ila qurux badan maadaama aynu muslimnahay inaynu ubaahanahay inaynu gaalada ceebeheeda iyo xumaanteeda usoo bandhigno umuda muslimka si ay shirqooladooda uga digtoonaadaan laakiin waxaa nasiib daro ah in aynu dadka muslimiinta ah ceeb uraadraadino inaga oo weliba islaam sheeganayna, ma waxaad isku raacdeen in saxwada soomaaliya ka jirtaa ay tahay mid aan hadafkeedu ahayn uhiilinta diinta alaah eeay tahay mid xukun uun lagu raadsanayo waxay ila tahay in arinku uusidaa ka duwan yahay ma oranayo khaladaad ma jiraan oo sida aan ogahay waxaa jira salbiyaat iyo ijaabiyaat, ma ahi xarako mana aan noqon weligay umana haysto inay yihiin dad halawsan sida aad ku sheegteen bal iska daaye khayr fara badan baan urajaynayaa alaahna waxaan uga baryayaa inuu denbigooda dhaafo tusana haday wax garabmaraan.
waxaan idunkula talinayaa in aad ku mashquushaan ceebaha gaalada dadka muslinka ahna aad uducaysaan in alaah sugo aduun iyo aakhiro labadaba waa iga nasteexo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jowzy

Saturday, February 10, 2001 - 04:07 am
Asalaamu caleykum. Walaalaheygii diintooy

Walaal karamaan Ilaahay haa kaa ajarsiiyo sida wanaagsan ee aad noogu nasteexeysay ee aad fikradaada noogu sheegtay Aamiin.

Walaal waxaad ogaataa in ey shirqoolada gaaladu noodagaayaan eykamid tahay in umadii islaamka aheyd lakala fogeeyo oo laisku salido lookalana saaro XIZBIYO iska soo horjeeda kala mooqif taagana.
Sii kala fageenta muslimiintu waxey kaloo u adeegsadeen in ey nadhex dhigaan bidcooyin aan asalkulaheen diinteena.
Walaal Alena waxuu na amray inaan wada qabsano xarigiisa anagoo idil aanana kala tagin oon kala tafaruqin.
Maantana xalka waxa kaliya uu noqon karaa anagoo kumidowna kitaabka ALLE (swt) iyo sunada rasuulka(scw).

walaal hadaan qalad galayna iga cafi oo Alla iigabari dambi dhaaf.

Walaalkaa jowzy
Asalamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KARAMAAN

Saturday, February 10, 2001 - 01:49 pm
ASALAAMU CALEYKUM.
JAWSI DHAMAANTEEN DENBIGEENA ALA HA DHAAFO, WAAN GARAN KARAA SIDA CADAWGA ISLAAMKU UGA SHAQEEYAAN KALA TAFARAARUQA IYO KALA TAGA DADKA MUSLIMIINTA AH WAANA ARIN LAMA HURAAN AH INAYNU KA SHAQAYNO SIDA AYNU UGA HORTEGI LAHAYN BALSE DAAWADU MA WAXAY NOQONAYSAA IN XISBIBA XISBI KU SIFEEYO INAY YIHIIN DAD HALAWSAN OO XAQA GARAB MARAY AMA IN LA ISKU TILMAAMO BAADI WAXAAN DAREENSANAHAY IN ARINTAN OO AYNU SAMAYNAA AY TAHAY TA CADAWGA ISLAAMKU AY KA SHAQEEYEEN HADABA AAN BARANO DIINTEENA SAXDA AH DADKANA BARO SI AAN UGA BADBAADNO SHIRQOOLADA CADAWGEENA ISKANA DHAAFNO IN INAGA OO AAN IS OGAYN AYNU FULINO DOONISTA CADAWGEENA WAXAAN NAFTAYDA IYO TIINABA UDARDAARMAYAA CABSIDA ALAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnul islaam

Sunday, February 11, 2001 - 11:42 am
nacaska halkan furay
urur baad kabaxday ururkalana waad gashay
that is all
siwanaagsanbaan idiin aqaan salafiya jadiida or
sufuhaa al judud
sheekadan raqiiska ah iskala tag
maxaa diidaya in aan urur galo?
madiinta rabiic baa taa kutidhi mise mid kalaa idinku soodagtay.
we are muslims waxaana usoconaa in aan ushaqayno diintanada waxaad sheegaysee aad sheegtayna adaa galaye katoobad keen sida beenta iyo waxa lamidka ah.
hadaad been kale nugu habaysaa waxaan galay islaax itixaad seed labadaba ugashay
you are laaya!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOWZY

Sunday, February 11, 2001 - 09:46 pm
Asalamu Caleyku
Akhii Kramaan marka lasheegayo xisbigu qaladaad kuu layimid oon diinta kamid aheyn waa arin dadka looga digayo in ey XIZBIGAA kamid noqdaan ey markaana xaqa kasoo horjeestaan.

Akhii Ibnul Islam waxaan jeclaan lahaa inaad fahamtid manhajka SALAFKA marka hore intaadan waxba aadka oran, markaad wax aad sheegeysidna aad isticmaashid xeerkii diinta ama aadnoo faa'iideysid. Maxaayeelay walaal waxwalba aanku hadalno maanta waa nalugu xujeyn maalinta AAKHIRO Ilaa un ALE noo naxariisto mahe. markaa akhii aan ALE kabarino in uu xaqa nawaafajiyo Aamiin.

Walaalkaa jowzy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 12, 2001 - 02:54 am
Jamaacadda la yiraah, jaamiyiinta uu aasaasy nin la oran jiray Al Jaami, uuna hirgalyey nin la dhaho Rabiic Al Madkhali , Howshooda uga weyn wexey ka dhigteen iney kala ceyriyaan ururrada u kacday sidii diinta Allah dunida loogu socodsiin lahaa.ayagoo sabab uga dhGaalad ayagoo eedeynaya badanaa ma arkeysid, laakiin shabaabka saxwada ayey rabaan iney kala diraan mid walbana uu gooni gurigiisa Allah ku caabudo si aan dowladaha loo dhibin.

Jaamiyiinta, ama ha is ogaadaan, ama ha is moogaadaan, wexey noqdeen, biyo dabka saxwadda islaamka lagu damiyo, loona adeegsado sidii la isugu baabiin lahaa xarakaadka.

Goormey salafiyanimo noqotay, in taariku salaat uu noqdo Walyul amar?

Goormay salafiya noqotay in la dafaco daalimiinta, lana eedeeyo ahlul khayrka?

Goormay salafiyo noqotay, in dhallinta u duubtay in Allah oo qurah Rabbi ka dhigtaan, diidaan nadaamka cusub ee adduunka (ee Islaamka dulli ka dhigay, gaalana Cizzi u yeelay) in dhallintaas lala diriro, lakala cayriyo, ceebna lagu sheego oo markaas loo sacabo tumo cilmaaniyiin iyo munaafiqiin xukunkii Rabbi boobay oo sheegtay.

Goormay noqotay Salafiyonimo in la addecay cadowga islaamka loona arkay waliyul amar kuwii nacay wuxuu Allaha soo dajiyey oo diiday.

Qofkii ku raaca qof nacay wuxuu Allah soo dajiyey amar ka soo horjeeda wuxuu Allah ka taliyey, waa ka llabtay milladda Nabi Maxamed. " kuwii dib uga laabtay (Diinta) kadib markey u caddatay xaqa, sheydaanka ayaa u maldahay oo rajo geliyey, taasi waxey ku dhaday , markey ku dheheen kuwii nacay wuxuu Allah soo dejiyey " waxaannu idinku raacaynaa amarka qaarkiisa"

Ninkii u duceeya daalim wuxuu raalli ka noqday in Allah dhulkiisa lagu caasiyo.

Jaamiyiintu AMARKOO DHAN bey ku raaceen cadowga islaamka, markay raaceen kuwo gaalo raacday.

Cadowga islamka haddaadan oqoon, baro intaadan dhiman.

Yuhuud, Maasuuniyad iyo Meelaha ay ka taliyaan ooy uga soo horreyso:

1. Qurumaha midoobey, oo dejiyea sharaaicda qurumaha ay ku noolaadaan, dhaqaalaha oo ku dhisan Riba, muujtamaca oo ku dhisan samaaxaad sinada iyo fisqiga lagu xalaaleeyo, cilmaaniyad,diimaha la mideyo, qawmiyadda la xoojiyo, ceebeyn islaam iyo asal raaca raba soo celinta sunnada suubanihii SAWS,

WAR SEEN ULA MIDOOWNAA OON UGA MID NOQONNAA GAALO? QURUMAHA MIDOOBEY.

Tan kale, haddeu daacad yihiin in Islaamka aan axsaab loo qaybin, mexey u galaan axsaabta waddamada ay joogaan, mexey u oggolaadaan ooy u ictiraafaan in waddanka Islaanka loo kala qeybshay qowmiyaad isku xukunta cilmaaniyad, miyaan taas loo arag qalad la diriro,

Mise ayaga iyo madaxda ayaa isku dan noqday, dan adduun oo gaaban oo cadaab ka dambeyso.


2. Waxaa kaloo cadow Islaam ah Madaxda addeecsan oo ogol sharcigooda, qaraaraarkooda, iyo barnaamijka meeshey ku wadaan, NAAG HA TALISO AYEY GAALO KU RAACEEN.

3. Culimada addecsan madaxdaas, UNA SHARCIYEEYAY INEY WADDO FIICAN KU SOCDAAN. " waxaan kuwaas ka mid ah fariiq ku laablaaba carrabkooda kitaabka, oo oranaya Allah aktiisuu (warkeenna) ku sugnaaday, mana aha mid ka sugnaaday Allah agtiisa, wexeyna ka sheegayaan Allah been ayagoo og" Al Imraan.

4. Jaahiliinta moog in waxaa maanta dhacaya, daacadba ha ahaadeene ay tahay dagaal aan dhamaaneyn lagu hayo ahlul kheyr. Allah wuxuu yiri " Raali kaa noqon mayaan Yuhuud iyo krishtaan ilaa aad soo raacdid milladdooda"

Warkayga waxaan ku soo koobayaa.

War Allah halaga baqo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHAAFICI

Monday, February 12, 2001 - 09:33 am
TO; IBNU ISLAAM IYO ANONY.
ASALAAMU CALAYKUM
Walaalayaal waxaan idinka rajaynaayaa in la iska dhaafo cayda .
Ibnu islaam waxaad tiri ; .. sidee labaduba u gashay -islaax iyo itixaad - ninka furay mowduucaan .
walaal marka aan akhriye hadalkiisa waxaa uu ahaa ;
waxaan ka mid ahaa XIZBI ka mid ah kuwa somaliya ka jira dida islaax , itixaad , tabliiq IWM.
WAXAAD KALE OO TIRI ; nacaska halkan furay ...waana qalad .
walaal waxaan kuugu naseexaynaayaa inaad wixii aad goob joog aad tahay aad ka hadli kartid , ninkaas waxaa uu sheegay isaga ayaa aakhiro la waydinaayaa ee ha ku aakhiro seegin .

anonymous waxaan ku leeyahay hadalkaada waxaad ku soo gabagabaysay ;--WAR ALAH HA LAGA BAQO --
walaal allaah waa in laga cabsado ee adiga ma ka cabsatay ?
haddii aad ka cabsato ilaahay waxaan kaa rabaa , meesha uu ku aasaasay al jaami jamaaco, waa sida aad warka aad u sheegtay oo waa laygu qabsaday mar aan la soo shir tagay ee bal keen daliil la taaban karo , haddii kale yey kugu dhicin sida uu ilaah noo sheegay ;
( haddii uu idiinla yimaado FAASIQ khabar , cadaysta oo sugta )

RAGGA JAMAACA DIIDKA AH ;
WAXAAN RABAA INAAN KALA OGAADO RAGA JAMAACA DIIDKA AH MA WAXAY DIIDAN YIHIIN JAMAACO OO DHAN , MISE WAXAAD DIIDAN TIHIIN JAMAACAADKA IS KHILAAFSAN ? MA DIIDAN TIHIIN JAMAACADA KU TAAGAN XAQA OO AY CULUMADA AY KU FASIREEN INAY TAHAY
[ AL FIRQA AL NAAJIYAH , AHLU XADIIS ]

suaashaas ha ka soo jawaabaan dadka didan jamaacaadka .


RAGGA KA DABA WAREEGAYA JAMAACAADKA KA SOO JAWAABA ;

MA WAXAAD UMMADA UGU YEERAYSAAN JAMAACAADKA SIDA AY HADDA YIHIIN OO TAFAARAARUQA KU KALA JIRA OO HADDII LA DHAHO MAXAA IDINKA DHAXEEYO OO AAD U TACAAWINI WAYSEN AAN KA JAWAABI KARIN.
ILAAH WAXAA UU KU GARGAARAA MARKA AY MIDAYSAN YIHIIN MUSLIMIINTA OO NASRIGA WAXAA UU KU XIRAN YAHAY KHILAAF LA,AANTA.

WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

karamaan

Monday, February 12, 2001 - 03:44 pm
asalaamu caleykum dhamaantiin,waxaan uga nasteexaynayaa dhalinyarada dhamaan in la iska dhaafo aflagaadada maxaa yeelay ma aha dhaqankii nebigeena csw, malaha rag is haysta oo madaxa la isu geliyey baan soo dhex galay maxaa yeelay sida wax usocdaan baad moodaa in ragu hub isku sito balse waxaas waxaan u arkaa inay tahay arimaha farax gelinaya cadawgeena waana waxa gaalo uguntatay inay inala helaan maxsuulkiina waxaad moodaa inuu muuqdo ninkii garanaya. waayo muslimku hal cadaw buu leeyahay waana cadawga alaah laakiin muslimku muslimka waa walaalkiis,
ma filayo in ay sax tahay xataa haduu khaladaad leeyahay in qof muslim ahi uu cadaw ii noqon karo balse qaabka aad uwada hadlaysaan waxaa ka muuqata cadaawad mana aha wax loo baahan yahay, maynu unoqona dadkii khayrka badnaa marka ay is khilaafaan maxay wax ku xalin jireen, miyay is caayi jireen mase xal kale bay raadin jireen ma ah wax la aqbali karo in aynu is colaysano ee aynu iska deyno colaytanka diintana aynu barano si aan uliibaano labada daaroodba ilayn in aynu is cayno iskuna tilmaamno baadi ku gaari mayno falaax aduun iyo aakhiro.
jawaab: walaalka igula taliyey in aan barto manhajkii selafka akhii waad mahad san tahay waana baranayaa insha'alaah mase filayo in barashadaasi ay igu abuurayso in aan dad islaama baadi ku tilmaamo laakiin waa u nasteexayn doona aniga oo aan caayin,ceebayn,dacnin, hadii ale ii sahlana manhajka selafka ayaan ka qaadan doonaa sida aan ula macaamilayo. hadaangefay hala icafiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 12, 2001 - 09:38 pm
Walaal Shaafici

Assalamu calaykum wa raxmatullah wa barakatuh

Waxaad qortay "walaal allaah waa in laga cabsado ee adiga ma ka cabsatay ?

Walaal cabsidiisa ayaa igu xambaartay inaan soo qoro qoraalkaas, mala xun ood igu maleysayna Allah ayaa naka la saari doona siduu Quraanka ugu yiri " Fa yunabiukum fii maa kuntum fiihi takhtalifuun" marka aan is la sugno xukunka Rabbi.

Waxaad qortay oo kale:

"haddii aad ka cabsato ilaahay waxaan kaa rabaa , meesha uu ku aasaasay al jaami jamaaco, waa sida aad warka aad u sheegtay oo waa laygu qabsaday mar aan la soo shir tagay ee bal keen daliil la taaban karo "

Walaal, Caqli xumo kaa ma muuqato, laakin adduun jeceyl baan adiga iyo nafteydaba kaaga digayaa.

1993, magaalada Madina ayey fitnada Al jaami iyo Rabiic Al madkhali ka billabatay, Bilowgeeda wexey aheyd muxaawalad la rabay in la joojiyo fididda diinta,
]
Maalmahaas oo ka dambeysey dagaalkii khaliijaka, waxaa kacay culimo badan oo ka khutbeeyey masaajidaka, oo ummadda hidaayo u horseeday.

Maa daama ayan aheyn xukuumaddii afweyne oo kabaha masaajidka intey la soo gasho culimada tooganeysay, oo isla markaasna dantii qarbiga ay gashay in waddankaan la xasiliyo si danaha qarbiga ayan khatar galin, oo loona arkay in culimada soo baxday iney walaa'ooda uuu yahay Allah oo qura, taasna ay kahatar gelineyso joogidda gharbiga muqaddasaadka islaamka, ayaa waxaa la fakaray si xikmad leh oo looga hor tago culimadaas.

Ayadoo culimada iyo dalabatul cilmiga israacsanyihiin, ayaa marqura soo baxay ninka loo yaqaan Jaami, uuna dariiqiisii raacay Rabiic, fitno weynna wey ka dhaliyeen dalabatul cilmiga dhexdooda waagaas.

Wexey billaabeen in culimada ay caayaan, kuwa ka soo horjeeda maamulyaasha ay hoosjoogeen.

Rabiic wuxuu qoray Kitaab uu ku caayey, kuna gaaleysiiyey caalim weyn oo Diintta wax wweyn u qabtay naftiisiina u huray, saxwadda maanta socotana dab badan ay ka qaadatay.

Kitaabkii wuxuu u soo bandhigay Sheikh hadda ku jira " hayada kibaar al culimaa" uu ka dalbaday inuu kitaabkaas loo ogolaado in la daabaco.

Shiikhii markuu akhriyey Kitaabkii rabiic wuxuu soo qoray' anoo soo koobaya.

(" Walaalkay Rabiic. Waxaa la ii keenay draft kitaab ka kooban taqriiban 160 safxadood, oo la yiri adiga qoray, safxadahaas wexey ku qornaayeen far dad kala duwan ay soo qoreen fartaadii aan oqoon jireyna kuma aan arkin, waxaan is iri, waa ardeydiisii oo soo aruurisay oo uu ukala diray asaga iney u keenaan masaadirta.

laakiin maa daam aad i tiri anaa qoray wan aqbalayaa

Walaal, tuhmada aad ku tuhumtay calimkan wa weyn yihiin, waana kuwo aad ku gaaleysiineysid, dubkeyga waa ka jiriiricyooday waxaad ku sheegtay, wxaanan is iri, anoon weligey kutubtiisa akhrinin, oo ninka sidaan u lunsan maxaa waa hore dadka looga qaban waayey.

Waxaan kaloon la yaabay in culimo badan ay daliilsadaan qoraalladiisa, adiga xataa Rabicow waad daliilsan jirtay saad ogtahay.

Markaas ayaan doontay kutubtiisa, markaan akhriyey waxaan ku arkay " XAQAN ABLAJAN, xaq cad, kheyr badan, iyo wax burinaya wax walbood ku sheegtay caalimkaas.

Markaan kitaabkaaga garab dhigay kitaabkiisa waxaan arkay in qoraalkaaga uu la mid yahay arday dhigat icdaadi, adigoo Doctorate heysta, qoraalka ninkaad raddineysid kor baad u kicisay,

Marka waxaan kugula talinayaa in kitaabkaan aadan daabicin"

Kitaabkii waa la daabacay, culimo badanna in la caayo waxaa bilaabay dadka raacsan Rabiic ayadoon la oqoon markaas ko hor wax la yiraahdi xisbiyah, oo talabatul cilmiga ay ahaayeen hal qolo oo ixtitraamta culimadooda.

Sheikhii hadalkaas qoray maanta wa xubin hayadaa culimada waaweyn. Caalimaka uu caayey Rabiic uu gaaleysiiyay, aakhiro ayuu jiraa, Rabiicna waxaa cayriyey xaakimaka Madiina joogi jiray, warkiisana waa la waayey.

Walaal Shaafici waxaad kalood qortay


"haddii kale yey kugu dhicin sida uu ilaah noo sheegay ;

( haddii uu idiinla yimaado FAASIQ khabar , cadaysta oo sugta ) "

Walaal, fusaaqda muslimiinta waxaan ku hadlay kuma hadlaan, waxaan qorayna ma qoraan, dareenka diinta aan u leeyahayna u malaha, sidaa darteed waxaan kugu waaninayaa in aadan ka bixin akhlaaqda xiwaarka, maxaa yeelay, Fisq waa ka bixid talada Allah, anigana dadka waxaan uga digayaa inaan talada Allah laga bixin tan gaalada iyo waxa daba socdana aan la qaadanin. Sidaa dareteed waxaa kuu habboon inaad daliilatid erega Allah uu yiri " Haddi labo qolo oo Muslimiin ah ay dagaallamaan, islaax ka dhex sameeya walaalihiin" kuumana ekeyn in aad fisq la soo degdegtid. Allaha kaa cafiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jowzy

Wednesday, February 14, 2001 - 03:02 pm
ALLOW Muslimiinta isku maslax oo mid kaliya naga dhig.
ALLAHAYOW jabi cadowgeena meelkastuu joogaba oo balaayo ku salid iyo walbahaar iyo cabsi ey naga qabaan.
ALAHAYOW nahanuuni oo wadada toosan naguhanuuni.
keena lumsana soo hanuuni oo xaqa fahamsii.
ALAHAYOW shahaadadaada na waafaji maalinta mootku soo xaadiro.

Aamin Amin Amin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, February 14, 2001 - 06:57 pm
Walaal Jowzi

Kuma aqaan, waxaanan ahay ninka qoray maqaalka u jawaabayay walaalkeen Shaafici, Allaha ka nabad galiyo asaga iyo annaka naarta iyo carada Allah.

Walaal, ducooyinkaaga waxaan ka dhadansaday Jeceyl Allah, Nabigiisa, Islaam, iyo doonid wajjiga Allah. Walaal axbabtuka fillaah, wa Allahu shaheedun calaa maa naquul.

Walaal, inta isjecel, isla majoogto adduunka, Allah ha naga yeelo kuwa lurka adduumka uga baxa raaxada aakhiro. aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shaafici

Monday, February 19, 2001 - 10:09 am
to ; anonymouse
walaal wax cad oo la taaban karo ma aadan keenin oo aan ahayn ;
sidaa ayey ahayd oo ahayd ee waxaan ku waydiinaayaa ;
ma goob joog ayaad ahayd meesha ay ku aasaaseen jamaacada?
maxaad ku jawaabaysaa haddii ilaah ku waydiiyo qiyaamaha hadalka aad tiri oo ah ;
... MUXAAWALAD LA RABAY IN LAGU JOOJIYO FIDINTA
DIINTA ...
sayid qudub allaha u naxariisto , waxaa uu ka qoray sheekh rabiic , ragga QUDBIYIINTA ah oo difaaca ma inkirsana oo kuma qabsan ee waxay dhaheen waa nin duminaaya diinta oo burburinaaya XARAKAATKA ISLAAMIGA --RUNTII WAA FIRAQ CALLA ABWWABA JAHANAMA --
waxaa uu islaamka qabaa oo kaliya ;
1- xizbu laahi waa mid kaliya
2- al daa,ifa al mansuuraha " " " " " " " "
3- jamaacatul muslimiin " " " " " " " "
4- al firqaha al naajiyah , waana
( ahlu xadiis ) sida ay ku fasireen SALAFU SALIX

ISLAAMKA MA QABO ;
1- AXZAAB 2- DAWAA,IF
3- JAMAACAD 4- FIRAQ

Marka anon. = ( MAJHUUL ) meel saar XARAKAATKA aad la wareegayso .
tan kale ninka aad sheegtay ee uu u diray sheekh rabiic - waana - ;
( XAAMILU LIWAA,A AL JARXI WA TACDIIL )
WAA SIDA UU YIRI SHEEKH AL BAANI ALLAHA U NAXARIISTO WAA CAJALAD AAN KA DHEGAYSTAY.
ninka loo diray raddiga sayid lagu radiye waa BAKAR ABUU ZAYD kana mid ah HAY,ADA KUBAAR AL CULUMAA .
Ma la socotaa in la radiye bakar abuu zayd oo uu is difaaci waaye , ogow sheekh bakar waa nin af tahan ah hadana waa ka jawaabi waaye kitaabka lagu radiye oo ah ;
[ AL XADDU AL FAASIL ] oo uu qoray SH. RABIIC

Waxaad kale oo ogaataa in ay u qoreen culumada waaweyn oo ugu horeeyaan ;
1- SH. AL-BAANI 2- SH. IBNU BAAZ
- ALAHA U NAXARIISTO -
Waxaa ay u qoreen TAQRIID- ammaan ay amaanaayeen
culumada waaweyn waa ay amaaneen sh rabiic ee hadaad run sheegayso oo aad u qiiroonaysa diinta islaamka bal keen hal sheekh oo ku eedaye sh rabiic diin xumo .laakiin hadaad u qiiroonaysa sayid waa adiga iyo yeelkadaa ee ha ku marmarsoon diin nama qaldi kartid .
weli waxaa ku daba taagan oo kuugu daraayaa daliil cad hadadan keenin waxad tahay FAASIQ .
WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, February 22, 2001 - 02:03 am
Walaal Shaafici

Imaam Shaafici barii buu ka yahay camalkaaga, iyo degdegta aad ula soo carareysid tafseeq, oo ah calaamaadka Khawaarijta. Kutubt imaam Shaafici baabka tafseeqa iyo takfiirka soo akhri.

waxaad qortay mar labaad " weli waxaa ku daba taagan oo kuugu daraayaa daliil cad hadadan keenin waxad tahay FAASIQ "

Marka, waxaan oranayaa " Kafaa billaahi shaheedan beyni wa beynik"

Allah wuxuu kaloo yiri, " Fa innahaa la tacma al absaar, wa laakin tacma al quluub allatee fil suduur"

Qof indho la' baad u egtahay, oo raacay qof kale oo indho la' markaad hurdada ka kacdo, waa laguu yaabaa adiga iyo waxaad daba kacdo, ee ka fiirso, intaad waqti heysato. Maxaa yeelay waxaad geli kartaa kuwii Allah ka yiri " Waxaannu raacnay saadadeenna iyo madaxdeenna , markaasey naga lumiyeen dareeqa"

Allah wuxuu yiri " Yaaney idin ku xambaarin neceyb aad qowm necebtihiin inaad ka baxdaan cadliga, cadaalo u hadla, taasaa u dhow taqwada"

Allah wuxuu kaloo yiri " Haddaad hadashaan cadaalo ku hadla"

hal su'aal iiga soo jawaab, kutubta Sayyid ma akhrisay adiga, mise shiikhaaga kuu akhriya maxaa yeelay cilmi yaraan darteeda ayaad ka baqeysaa ninkii lagaaga digo in kutubtiisa aad akhrisid?

Haddad sidaas tahay, soo akhri kutubta sheikh Al Sancaani wuxuu ka qoray (Al Taqliid), haddii kale sida Suufiyiinta shiikha ha kuu noqdo masdarka kaliya oo aad ku qiyaasto xaq iyo baadil, wixii soo harayna dhegaha ka xiro sida xisbigaaga lagu yaqaanno. annagoo ogsoon in Kitaabka iyo Sunnada oo qura yihiin labada masdar ee la raaco.

Waxaa kaloo yaab leh in aad hadalkaagii hore ku biliwdey sidii nin dadka u dhexeeya, ilaa ay caddaatay innad tahay nin xisbiyada ay dhiiggiisa ka dhex guuxeyso sida uu u dufaacayo shiikhiisa,

Ma burhaan ka weyn baa jirta sida aan miisaanneyn eed u diffaceyso shiikhaaga, inaad xisbiga Rabiic ka mid tahay?

Run ahaantii waan kugu sirmay, maxaa yeelay waxaan kuu heystay nin cilmi leh oo cilmigiisa iyo wuxuu qilaafka ka akhriyey talo ka dhiibanaya, laakiin waxaa iiga kaa muuqda inaad si fiican u mataleyso dadkaad ka tirsan tahay, taasna wa naxariis Allah inaad weyso meelaad ku dhuumato, oo afkaaga uu rumeeyo qalbigaaga.

Xisbi ma aha dad magacooda meel ku wada qora oo Kard qaata. Xisbi waa qof u tacassuba hal shiikh oo inta kale ku qiyaasaa halkaas shiikh oo qura, gaarsiiyana shiikhaas booskii rasuulka SAWS oo ahaa kan kaliyah oo loo celiyo qilaaf hadduu dhaco.

Allah wuxuu yiri " Haddaad wax isku qilaaftaan , u celiya Allah (kitaabkiisa) iyo rasuulka SAWS( Sunnadiisa)

Ogowna shiikha aad marwalba taskiyooyinka ay siiyiin Ibn Baaz (raximahullah) iyo Albaani Raximahullah, taskiyo wax u ma tareyso, labada sheikhna ( wa laa nuzakee cala Allahi axad) waa labo sheikh oon kheyr badan u qireyno, haseyeeshee ayaga xataa wax isu ma tari karaan aakhiro, iska dhaaf iney shiikhaada wax u taraan.

Allah wuxuu yiri " Falaa tuzakuu anfusakum, huwa aclamu biman ittaqaa" aayaddan wexey nahyineysaa in aan sameysanno nadaam habeysan oo ( Classification) loogu sameeyo muslimiinta, maxaa yeelay banii adamka wuxuu isku baddalaa habeen iyo maalin, bal saacado, sidaa darteed waxa kaliya oo sugan oon is baddaleynin waa

Kitaabka Allah

Sunnada Rasuulka

Marka waa in muwduuc walba aan loo celin sheikh fulaan, ee loo celiyo Allah iyo Rasuulkiisa.

Haddaadan labadaas cilmi kugu fiklan aadan u leheyn

Ha hadlin, maxaa yeelay Allah wuxuu yiri

" Ha ku hadlin waxaadan cilmi u leheyn, maxaa yeelay, aragtida, maqalka iyo qalbiga , kuwaas oo dhan, (Allah) waxaa ka saarnaa masuuliyad"

marka xisaabta runta ah wexey soo bexeysaa maxsharka qiyaame, maxaa yeelay caalimkii camalkiisa xumaado, qasadkiisana fiican yahay waa ka duwan yahay caalimka camalkiisa fiican yahay qasadkiisana xun yahay. labadaasna wey ka duwan yihiin kan camalkiisa iyo qasadkiisa wada fiican yihiin.

Allah qasadkeenna iyo camalkeenna ha iswaafajiyo, hana ka yeelo kuwo raacsan rasuulkiisa SAWS dariiquu noo jideeyay.

Mark kale, aniga iyo adiga Allah ayaa noo dhexeey, waxaanan ka baryayaa inuu ku soo hanuuniyo, kuma farxaayo inaad naar gasho, adiga iyo qof walba oo muslim ah. Inkastood adiga aadan dan ka leheyhn aayaheyga taasna ay daliil u tahay dacwadaada meeshey ka qarriban tahay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.