site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jamaacaatka Islaamiga ee maanta...

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: Jamaacaatka Islaamiga ee maanta...
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibnukhalif

Saturday, February 03, 2001 - 08:47 am
Assalaamu caleykum..

Waajibaatka sharciga ah, sida jihaadka, in wanaag leysfaro xumaanna leyska reebo iyo wixii kale oo kamid ah waajibaatkaa, lagama rafcin ummadda muslimka haddii la waayo imaam ama khaliif, sida uu imaam ibnu-qudaama yiri (haddii la waayo khaliif, jihaadka dib loo dhigimaayo), macnuhu sida casrigeenan, jihaadku u deynmeyno khaliif la'aan, waa waajib in lahelo ururo muslimiin ah oo u kaca waajibaatkaa.

Dadka qaar ayaa diida jamaacaatka islaamka ayagoo usoo daliishanaayo xadiiskii xudyfa (yaa rasuulu-llaah.... hadii ummdda al-jamaaca/imaam laheyn kawaran? markaasuu nebiga(SCW) yiri "iska casil firaqdaa oo dhan). marka walaalayaal firqooyinkaa uu nebigu tilmaamayo waa (adducaat ilaa abwaabi jahannama) kuwa dadka ugu yeero irdaha naarta jahanama, sida firaqu-daalla...jahamiya, khawaarijta, raafidada, qadyaanida ama axmadiya, murji'ada, cilmaaniyiinta iwm... sidaa owgeed xarakooyinka diidan risaalat-qawaaniin al-wadciya, laakiin doonaya risaalat-min nabci carsh iyo sunnadii nebiga (SCW) hadana dadka muslimka ee gaal raaca ah qabanaya ilaah maahane alle kale caabudeyn, oo ku kufriyay andaadiisa..., dadkaasi marnaba soo gelimaayaan tilmaataa u nebiga (SCW) bixiyay. Imaam annawawiy markuu tacliqinaayey xadiiskii taa'ifat al-mansuura.. wuxuu yiri (taa'ifooyinkaa waxaa kamid ah dad geesiyaal oo u dagaalama ilaahey dartii, dad zuhaad ah, dad fuqaha ah, dad muxaddisiin, iyo in kaloo badan oo ahlu d#kheyr kala duwan ah, qasabna maahan kuligood iney meel qura ku wada kulansan yihii, bal adduunka ayay sidaa ugu kala qeybsan yihiin)...ka eeg saxiix muslim sharxu nawawi 13/17..

Walaalayaal waa in waajibaatka naga saaran diintaa aan uga harin (lowmata laa'im) ama mid kale loo aqriyay wahmi.

Assalaamu caleykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khaatimofiican

Sunday, February 04, 2001 - 01:30 am
Walaal

Waad toosan tahay ee Allah ayaan kaaga baryayaa inuu miisaanka xasanaadka kuu saaro dareenkaaga fiican iyo damqashada aad u damqaneyso dullinimada dul saaran ummadda.

Qofkii ku raallinnoqon waayaa inuu Allah dulli u noqdo, waxaa la badaa inuu askarta ibliis dulli u noqdo.

Uunkii adduunka ka doorta aakhirana, wey seegaan adduun iyo aakhiro.

Qofkii ka hara inuu fidiyo xaqa, asagaa baadil loo fidiyaa.

Qofkii ka hara halgan Allah dartiis ahna, asagaa la soo weeraraa, la gumeystaa, diintiisana la baddalaa.

Adduunka dadkiisa gaal iyo muslimba maanta wexey fuulaan tariin, waxaana shukaanta u haya dad aan Allah aaminsaneyn, walina ka dhigta Ibliis, kuna wada adduunka halaag iyo jahannama.

Dadka diinta u kacay, waa qolo rabta iney wax qabato, oo meeley ka bilaabaan aan garaneyn. haseyeeshee howl wada.

Iyo qolo dulunka adduunka ka socda ku raacay kuwa nacay wuxuu Eebbe soo dajiyey oo ka doorbiday raaxo adduun dhibka halganaka iyo ku yuururidda xaqa.

Iyo qolo qalbiga ka nacay xumaanta laakiin ictisaal doorbiday.


Allah kala xukumidoona.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnukhalif

Sunday, February 04, 2001 - 08:03 am
to khaatimofiican

Walaal waan aqristay maqaalkaaga adigana sidaas oo kale alaha kaa abaal mariyo, kuligeen alaha wanaajiyo khaatimadeena.

Assalaamu caleykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Sunday, February 04, 2001 - 09:20 pm
to ibnukhaliif
assalaamu calaykum
walaal waad mahadsan tahay sida wanaagsan oo aad u soo bandhigtay aragtidaada diineed laakiin walaal waxaan jeclahay in aan kugu kordhiyo dhibaatada ay leeyihiin xarakaatka islaamiga oo maanta jira maxaa yeelay walaal waxaa dhibaato kugu filan in ay laba qof walaalo ah oo muslimiin ah oo shalay ku walaaloobay diintaas oo ay maanta isku noqday labo qof oo cadow ah maxaa sababay in ay labadaasi ay noqdaan cadow waa labadoodii ayay waxay ku kala biireen labo xarako oo sheeganaaya in uu wax u qabanaaya diinta islaamka, walaal ayagoo xarakaat islaami ah ayaa waxaad arkaysaa cadaawada dhexdooda jira in ay u qabin gaalada oo burburka ku haaya islaamka waa meeshii laga rabay in ay iskaashtaan oo halmeel ay ka wada jeestaan nabigeena naxariista rabbi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri(wasataftariqu ummatii calaa thalaatha wasabciina firqatan kulluhum finnaar illaa firqa waaxida wahiya maa'ana calayya wa'asxaabii alyowma).
mida xagta walaal magacyadan ay labaxeen jamaacaatka ilaamiga ah waa mid laysku haysto xag diin ahaan maxaa yeelay alle wuxuu leeyahay(huwa sammaakum almuslimiina).
marka walaal waxaan kula talin lahaa in mas'aladaasi si fiican aad u dabagashid oo aad ogaatid xaqiiqda iyo gunaanudka wixii jira .
walaalaha muslimiinta waxaan dhihi lahaa ku sifoowa waxa alle iyo rasuulkiisa ay nagu sifeeyeen.
haadaa wabillaahi attowfiiq
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Diini

Friday, February 23, 2001 - 01:11 pm
Asalaamu calaykum waxrasmutaahi,
to.Xaaji
to,Ibnukhalif
Waan akhriyay mowduucyada kore ,Xaaji wuxuu
mowduuca ku soo kordhiyay (xarakaad islaamka ee maaanta)wax badan ka dhihi maayo waxaa ka mid ahaa'inuu yiri:
"Walaal magacyadan ay la baxeen jamaacaadkawaa
mid laysku haysto xag diin waxaa fiican inaad ogaato xaqiiqda iyo gunaanadka wixii jira"
walow uu hadalku ku socday Inbnukhalif
hadana masàlladan dad badan baa laga yaabaa
in ay ku cusubtahay ee fadla adigoo aan jawaabta
Ibnukhaliif sugin nooga faaìidee hadii aad waqti u hayso. jasaakalahaa\
to.Ibnukhalif.......
Waxaa qoraalka kore ku jiray firqooyin
aad ku sheegtay oo ka mid ahaayeen
1.Jahamiya
2.KHawaarijta
3.Raafidada
4.Murjiàda
kuwani milatul islaamba waa ka baxsanyihiin marka aad akhridid kutubka(AL-FARQU BEYINU ALFIRQ)ee uu
qoral IIMAAM:CABDULQAAHIR BINU DHAAHIR BIN MAXAMED AL-BAQDAADI.WUXUU DHINTAY WADAADKU
SANADKII 429 EE HIJRIYADA TUSAALE KHAWAARITA AYAA
LABAATAN FIRQO U QAYBSAMAY KALIGOOD CULAMADA WAAGAAS WAY CADEEYEEN AMUURAHOODA SOO DHAAF,
Kuwa maanta jooga ee aad sheegtay sida Qadyaanida(Axmadiyadda)markaan dhaqaystay muxaadaro qaar ah
oo ku saabsan ayagaa aad baan ula yaabay sida
ay u shabahaan kuwii hore masalan kuwii hore
Baabaka ay ku firqoobeen waxaa ka mid ahaa kuwan,
1.AL-TOWXIID
2.AL-SIFAAT
3.AL-HIDAAYA WA DALAALA
4.AL-ISTIDHAAC
5.SHURUUDH AL NABAWIYAH
IYO KUWA KALOO BADAN MARKA QOLADAN AXMADIYA
BUUGAAG TARJUMAN EE MUXAADARADA LA AKHRIYAY
SIFOOYINKAAS IN BADAN BAY Kala mid yihiin'
MARKA KUWAN IYO XARKAATUL ISLAAM ,
LABA MOWDUUC NOOGU KALA QAYBSHA

WABILAAHI TOWFIIQ,

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.