site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Su'aal Khuseysa dadka Diinta yaqaan!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: Su'aal Khuseysa dadka Diinta yaqaan!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, February 07, 2001 - 08:58 pm
Salaamu alaikum

walaal waxaan jecleystey in aan soo bandhigo su'aal diiniya oo aniga ii mihiim ah xageyga.Sidaas dartees hadii aad daliil amaba ayaad quraana u haysid uun ka jawaab , hadiise kale logic fadlan looma baahna!!!

Hadii uu nin rabo in uu furo xaaskiisii oo ay kala joogaan laba wadan, markhaati miyaa loo baahan yahay marka uu dhacayo furiinkaansi? Gabadhase miyaa loo baahan yahay in la maqashiiyo markaa uuu furiinku dhacayo iyadoo la isticmaalayo Tell oo kale?

Hadii ayna gabadhu meherkeedii wali helin oo ay ku adkeysato in la siiyo marka lafurayo maxaa banaan in la sameeyo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Thursday, February 08, 2001 - 08:25 am
Assalaamu calaykum


Walaal furiinku wax lagu deg dego maha, haddiise ay lagama maarmaan noqotay in labada qof is furaan waxaa loo baahan yahay in la helo marqaatiyo, inantana waa la maqashiinayaa. Furrinkuna waa in la raacaa sida diintu u jidaysay oo ah in gabadha aan lagu furin 3 dalqadood iyo in la furo haweenta iyada oo daahir ah. Midda kale, waxaa xaaraam ah in gabadhu furiin dalbato iyada oo wax ku kalifayaa aysan jirin. Nebiguna(csw),wuxuu xadiis ku sheegay haddii haweentu ninkeeda ay furiin waydiisato iyadoo wax dhib ah jirin, janada urinmayso. Haddaan u soo noqdo meherka, ninka waa ku waajib in uu siiyo haweenta meherkeeda, mana duudsinkaro xaqeeda. Iyadoo aan ka cafin xaqeedu ka dhicimaayo. Quraankuna iyo sunnaha Nebigu(csw) aad ayay uga digeen in ninku haweenta meherka u diido. Haddii uu sidaas sameeyo waa dambiile. meherka oo aan la siin haweenka waxay waxyaalaha lagu mutaysto cadaabka Alle. WAAYO WAA DULMI. MEHERKA GABADHA WAAN LA SIIYAA INTA AAN LALA AQAL GELIN.

wallaahu subxaan watacaalaa aclam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Saturday, February 10, 2001 - 09:29 am
to walaal xaqdoon ah
assalaamu calaykum
walaal waad mahadsan tahay sida wanaagsan oo aad u bandhigaysid arimahan waxa uu ka qabo sharciga islaamka.
walaal furriinka sideedaba shardi uma aha markhaati ee wuu wanaagsan yahay mooyee, furriinkana wuu dhacaayaa dariiq walba oo loo isticmaalo ha ahaado tel,risaalo,adeeg,kaftan iyo dhabba, midda xigta walaal meherka waa xaqeeda waqti walba ayay xaq u leedahay ha ahaado markii lafuro in ay weydiisato ama markii aad dhaqmaayaan.
walaal arimaha aan kawada hadlay dhamaan daliil xadiis ama aayad ayay leeyihiin.
intaas iyo nabad galyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QOONSADE

Tuesday, February 27, 2001 - 05:56 am
Haaji, Walaaal ha odhan furiinka markhaati uma baahna, hana adeegsan ra'yigaaga. Quraanka ayey ku cadahay in laba marqaati loo baahan yahay. Tusaale ahaan Suuratul dhalaaq, ayaadda ka bilaabanaysa, ((WA ASHIDUU DAYAHAY CADLIN)) AKHRI. DHALAAQA IYO KU NOQOSHADDUBA MARQAATI AYEY U BAAHAN YIHIIN. ISKANA ILAALI IN AAD DADKA QALAD U SHEEGTO.

WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Wednesday, February 28, 2001 - 01:55 am
To qoonsade
assalaamu calaykum
walaal kuma dhihin furriinka looma baahno markhaati ee waxaan ku dhahay shardi uma aha sida nikaaxu ay shardi ugu tahay oo kale,
walaal waan ogahay in furriinku loobaahan yahay markhaati laakiin shardi uma aha micnaheedu waa hadii ninku naagtiisa uu talaaqo markhaati la'aan way dhacaysaa talaaqaasi magaratay walaal.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Tuesday, March 06, 2001 - 06:38 am
perdona mei,Haaji wajazakalah kayran

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.