site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waad Furan tahay?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Waad Furan tahay?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxay ahayd qof jin yar hadana caato ah oo dar yeelo xumo badani ka muuqato. Iyadoo saddex jir ah ayay hooyadeed dhimatay reerkooduna wuxuu ahaa reer baadiye. Markay shan jirsatay ayay xoola raac bilowday ilaa dagaalkii dhacayna weligeed tuulo ma arag.

Ayadoon weli 17 gaarin ayuu aabaheed nin ku daray. Wuxuu ahaa wiil dhawr iyo labaatan jira oo dherer dhexa ah, aad u cas oo gar aan haareed lahayn buu lahaa. Wuxuu ka tirsanaa Jamaacadda oo hay'ado carab ah ayaa raashin iyo macaawinooyin kale masaakiinta ugu dhiibi jiray.

Isagu wuxuu ka mid ahaa saraakiisha Jamaacadda waxaan lagu magaacabay Taliye qaybeed. Wuxuu xirtaa sarwaal anqawga korkiisa afar farood in le'eg jooga iyo shaati weyn oo jilbaha soo gaara, cimaamad guduudan oo baro baro cad leh madaxuu ku duubtaa. Abu Laith (Libaax) ayaa loogu yeeraa. Jamaacadoodu goobaha dagaalka ugu ba'an bay u diraan oo geesi aan baqan oo Shahaado doon ah.

Labo bilood ayuu la joogay tuuladooda, ka dibna aag cusub ayaa waajib looga diray. Labo bilood oo keli ah ayay xaas u ahayd. Isla markiiba uur baa ku soo baxay.

Aad bay walacii ugu xanuunsatay, markay afar bilood ahayd ayay ilmihii ka dilmeen iyaduna xanuun ayna weligeed arag baa qabtay. Waa eedin baa lagu yiri. Siddeed bilood ayay sidaa ahayd isagana ayna war ka helin.

Hay'ad samafal ah ayaa tuuladii timid markii ay u tagtayna waxay u sheegeen in ay cudurka Tb (Qaaxo) qabto aynu tahay in ay si deg deg ah Isbitaalka weyn u tagto.

Tuuladii dadka joogay ayaa qaaraan iska uruuriyay ninkeedii wuxuu joogaa magaalad weyn ee isbitaalku ku yaal. Markii ay magaaladii timid waxay Jamaacaddu u sheegeen in uu meel aan fogayn gaaray toban ilaa iyo shan toban maalmood ayuu ku soo noqon doonaa Haddii Ilaahay Idmo ayaa lagu yiri.

Waxay tagtay Isbitaalkii oo loo sheegay in uu buuxo. Gabar kalkaaliso ah ayaa ku tiri bal wax yar isug. Dhakhtarkii bay u tagtay oo ku tiri waxaan kaa codsanayaa in aad gabadhan aragto.

Dhakhtarkii markuu arkay wuxuu sheegay in cudurka Tb ay u weheliyaan cuduro kale iyo nafaqo xumo. Markiiba meel baa loo goglay. Saddex bilood ayay isbitaalka ku jirtay isna maalin keli ah ma soo booqan. Hadda waxay ku mehersan tahay 18 bilood.

Lix bilood oo kale ayay magaalada joogtay. Isbitaalka ayay deganayd oo shaqo nadiifiso ah laga siiyay. Labo sano ayaa dhamaatay welina may arkin. Markay Jamaacadda u tagto hadda ayuu soo noqon ayaa lagu yiraahdo waxaase loo sheegay in uu magaalada jooga xaas kelena ku leeyahay.

Tuuladoodii bay ku noqotay. Saddex Sano ka dib ayaa mid cimaamad guduudan reerka duleedkooda soo istaagay:

As-Salaamu Calaykum
Wa Calaykum As-Salaam
Yaa Akhii Ukhtii ma joogtaa?
Yaa doonaya?
Alaab baan u sidaa?

Bac cagaaran oo kutubo iyo warqad ku jiraan ayuu deedka korkiisa ka soo dhiibay. Wuuna diiday in uu soo galo aqalka.

Warqaddii markii la furay ayaa loo akhriyay.

Waad furan tahay Meherkaagii oo ah Kitaab Qur'aan ah iyo dhawr kitaab oo kale ayaan kuu soo diray. Ilaahay ka baq!


Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
TO:DHAMAAN AKHRISTAYAASHA QORAALADA WALAALKIN.
Walaalayaal waxaa jiray hadana wali jira dad la yiraahdo (MUSTASHRIQIIN) dadkaasi waa dad gaalo ah balse waxay bartaan diinta islaamka & luuqadaha dadka muslimiinta ah,iyagoo raba inay tashwiish & fitno ku furaan muslimiinta isla markaana ceebeeyaan ehelka diinta,waxa ay duraan saxaabada rasuulka qaar ka mid ah. jaamacadaha magaca islaamka huwan qaarkood kutub ay ayagu qoreen baa lagu dhigaa, waxaa ka mida jaamacad london ku taala saxaabada ay aad u rifaan waxaa ka mida ABUU-HURAYRA RADIYA LAAHU CANHU.oo ay ku tilmaaman nin hunguri NABIGA SCW u soo doontay.
Weerarada ay muslimiinta ku hayaan ma yara tusaale ahaan nin ayaga ka mida ayaa gabar muslimada oo dhulka kulul ee carabaha wadan ka mida ugu yimid waxuu ku yiri maradan weyn ee aad jiidayso maad iska dhigtid,kulayl badan baa jiree.waxay ahayd gabar diinteeda raasikhad ku ah waxay ugu jawaabtay aayad quraan ah oo ah QUL NAARU JAHANAMA ASHADU XARAN LOW KAANU YACLAMUUN oo macnahuude yahay naarta jahanamo baa ka kulayl badan.
Waxaan ararahaygaa uga jeeda walaalayaal ninkan mowduucan qoray waa mowduucii labaad ee uu boga ISLAM ku qoro asagoo labada mowduucba taarget ka dhiganaya sifaadka lagu yaqaan dadka muslimiinta ah iyo labiskooda,waxay marka aniga aragtidaydu tahay waxa uu yahay ma aqaan balse waxaa lagu yaqaan in lagu taago dadka muslimiinta oo xumaantooda raaraadiya dadkaas MUSTASHRIQIINTA ah oo muslinimada ku gabada,la yaabna ma leh inay af soomaliga yaqaanan oo sifaadkooda ama sharuudahooda kuwa ugu muhiimsan baa ah inay luuqadaha bartaan,luuqadana waa la baran karaa aniguba waan arkay nin sawaaxili ah & nin maraykan ah oo labaduba af soomaliga kaa badiya.
QORAALADA kale ee uu ka buuxiyay qaybaha kale wax macno ah ma samayaynayaan waa wax soomalidu ka wada dharagsan tahay,waana wax iska macruuf ah oo aan la qariibsan karin in dhalinyaro shuftayso ama soomalidu qabiil qabiil isu dirirsan tahay marna is bixiyaan marna is dilaan,balse ULAJEEDADA UGU WEYN ee uu ninkaani leeyahay waa inuu SUNADA RASUULKA & DIINTA caayo,waxaadna ka garanaysan qoraalkiisan ugu danbeeyay ee uu ku dhaleecaynayo surweelka anqowga korkiisa jooga waana sunadii NABI MAXAMED SCW.waxaa kaloo hadalkissa ku jira MEHERKAGI OO KITAAB QURAAN AH IYO KUTUB KALE WAA KAAS. waana tasqiirin iyo yarayn uu liidayo kitaabka ale waayo haduu nin muslima oo kitabka ixtiraamaya yahay waxuu dhihi lahaa WAA KAAS WAX LA ISA SIIYO KII UGU SHARAFTA BADNAA OO KITAABKI ALAH AH.
UGU DANBAYN WALAALAYAAL WAAD OGTAHIIN WAXA QORAAL UU NINKAASI SOO QORAY IYO SIDA UU U DHAQMAAYO WAXAADNA GARANAYSAAN ANAGOO MAWAADIIC BADAN OO FAA'IIDO LEH HAYNA INAAN KA XISHOONAYNO HADANA INAAN DADKA KU DHIBNO QORAALADA FARAHA BADAN.BALSE ASAGU QORAALADIISA QAABKA DARAN EE GUNAANADKOODU YAHAY CEEBAYTNA MUSLIMIINTA KAMA SUULAYO MARKAA AAN CODSANO IN MAAMULAKA SOMALINETKU NINKAAS DIINTEENA KU XAD GUDBAYA NAGA QABTO.OO NAGA TIRTIRO MOWDUUCYADIISA ULA JEEDADA LEH. WABILAAI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haliimo

Unrecorded Date
Salaam caleykum,
TO miakiin.
walaal aad iyo aad baad u mahadsan tahay ilaahey ajar ha ka siyo.runti waan yaabanhay wax aan sheego ma garanaao, ee ilaahey ha naga qabto wixii shar waada ilaaheyna xaq hana tusiyo.


ILAAHEY HANA SOO HANUUNIYO DHAMAATEEN>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalid

Unrecorded Date
Ku: Maskiin,

Illaah ajar iyo xasanaad ha kaa siiyo digniintii aad inooga digtey ninkan mawduuca kore soo qoray. Aniguba waxaan aad iyo aad uga fajacsanaa sida uu qoraalkiisu ku soo gabagabeeyey. Haatanse waan fahmey goolkuu ka lahaa, adigaana arrintaa ku mahadsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Dadka iska eedeynayaa Walaalkiin, ma waxaay diidan yihiin in runta la sheego? Wax walba uu ka hadlay Walaalkiin waanu aragnay. Ilaahey ruunta waa jecelyahay.
Walaalkiin qoraaladda meesha ka wad. Nin kasta waa adoon Ilaah; camalkiisana waa mid qofka iyo Ilaah ka dhaxeeya.
Ilaahow seef la boodka aadaan kaa magan galnay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WAXAAN LA HADLAYAA DADKA CAQLIGA U SAAXIIBKA AH WALAALAYAAL NINKAAN AAD MOODID INAANU MIYIR QABIN WXAAD MOODAA INAAD IDINKU FURSADA SIINAYSAAN,KOW ALLAAH AYUU LAHORTAGI WAXAADNA OGAATAAN DULMIGA QAYB AAN LA DHAAFIN AYAA JIRA WAAYO CULIMO AYUU UGEFAYAA MARKA WAXAAN IDINKULA TALIN LAHAA INAYDAA FURSAD SIIN.

OGAADA QOFKASTA OO USACABA TUMAA ISAGUU LAMID YAHAY DHINAC KASTA.HALOODAAYO HAL NIN OO QURUNKA UU SHUBAAYO SHEEGA RUNTII XIQDI XAASIDNIMO IYO MILIL AYAA NINKAA U HAYA CULIMADA,LAAKIIN ALLAAH AYAA KA ABAAL MARIN.

ILAAHOOW WAXAAN KUGU DACWEEYAY DAALIMKASATA OO NA DULMIYA NAGUNA SHEEGA WAXAANAN AHAYN ILAAHOOW NOOGA AARGOO QARIIBAN OW BACIIDAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum

To Dhamaantiin:

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa " hadal nin si u yiri nina si uqaadey" Hadii Walaalkiin uu soo ban-dhigey fikradiisa ku saabsan soomaalida cusub, maxaa ku jaban? qof walba wuxuu leeyahay ikhtiyaar ama xoriyad uu ku soo bandhigo wuxuu uurka ku hayo. Teeda kale arimaha uu ka hadley walaalkiin waa wax jira "Qulil xaq walow kaana muran- xaqa sheeg haba kharaarnaadee" oo u baahan in la sheego si daawo loogu helo caadooyinka xun ee aan baraney waayahan dambe. Somaaliyeey runta maa la isku sheego, koley xumaan iyo samaan isku mid ma ahee

Wasalaama Caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
RUNTII WAAN KAA YAABANAHAY MR WALAALKIIN !!!!!!!

WAXAAN KA CABSANAAYAA INUU ISMAACIIL KALIYA KU FAHMAY SABABTOO AH WAXAAD U EGTAHAY NIN HAL IL WAX KU ARKA. DADKA DIINTA KU DHAQMA WAA DAD BADAN OO WANAAGSAN OO IN YAR OO XUN KU JIRTO, MUJTAMECEENA WAXA JIRA QAAR BADAN OO IN YAR KA FIICAN TAHAY MAXAA MARNA IYAGA U SOO QAADAN WEYDEY.MAXAASE INTA ILAAHAY MAWDUUC BADIYEY CEEBAHA DADKA KU DABA DHIGAY

WAXAAD TAHAY ILAAH AYAA OG LAAKIIN OGOW DIINTAAN QOF SHAATIGEEDA GASHADAY OO WAX QASAY IYO MID SI KALE WAX UYEEL IS DHAHAYBA INAY WAXBA YEELEYN
IN KA BADAN 1400 OO SANO AYEY SOO SOCOTAY WAX KASTANA LAGU SOO DAYEY


ILAHAY KA CABSO DADKA QALBIGA HA KA WASAQEYNINE,SHEEDAANKAA LAGU YAQAANEY WAXAASE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Ladan,. dadka fiican are held to a higher standard because they are role models. Marka yaan la isaga indha tiirin qof kasta oo dabeecad dhib leh caado ka dhiigatay. Nooc kasta weeynu aragnay. Ruunta na waa in laga hadlaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ahaato

Ladan walaal waa runtaa oo ceeb waa la asturaa. Haddiise ceebtu noqoto dhaqan maxaad ku daaweyn?
Soomaalida joogta Yurub subaxna shaqo uma kalahaan, qof iyaga oo kale ah canshuur laga gooyay wuxuu dhididkiisa ku shaqaystay bay qaad iyo xashiish ku gataan. Keneda kuwa joogaa ka daran. Sheekada aad ka danqatayna Keneda ayay ka dhacday. Carruur badan baa sidaa dawladdu ku qaadatay.

Ladan walaal keebaa kula adag ilmo Soomaaliyeed oo gaalo qaadatay iyo in aan af labadii qaylino oo aan dhaqanka xun banaanka soo dhigno?

Ladan walaal keebaa kula fiican in kumanaan carruur ah oo hadda Soomaaliya jooga ayna aqoon Aabahood oo dhawr habayn gabar yar intuu la seexday aan dib u soo eegin iyo in aan af labadii qaylino oo aan dhaqanka xun banaanka soo dhigno?

Ladan walaal keebaa kula fiican in wiil yar oo la marin habaabiyay oo loo sheegay been hadana meel cidlo ah looga dhaqaaqay aynu ku dhahno "Mooryaan ama Jiri" iyo in aan dhibka haysta iyo dhaqan xumada banaanka soo dhigno?

Keebaa kula fiican in sidii Gorayada aan madax ciidka gashano oo aan ka aamusno indhahana ka qarsano xumaanta iyo silica dadkeenu ku sugan yihiin iyo in aan sheegno kuwa sidaa dadkeena u gelaya cid kasta oo ay yihiin. Qabyaalad, Jabhado, Jamaacooyin iyo Firqooyin miyaa dadkeena iyo dalkeena masala?

Ladan walaal haddii ay jiraan kuwa ku sifoobay ama ku haboon in ay ku sifoobaan wada roon ama xaqa sidaad u tiri meeye? Yay yihiin? Halkay joogaan?

Haa walaal Ladan waan arkay, waan u soo joogay, waana hubaa in kuwa dharka lagu garto Muslimiinta xiran oo hadana wax naftu ka diddo samaynaya.

Boosaaso, Xamar, Gedo, Burco, Ras Kambooni iyo meelo badan ayay isku haystaan kuwa sheeganaya in ay DIINTA ILAAHAY wakiil ka yihiin!

Haddii aad cadayn kale u baahan tahay fiiri SomaliNet,,,EEDAYN.

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalid

Unrecorded Date
To: Walaalkiin,

Have you considered a job as a writer? If you did not do so yet, I strongly urge you to pursue it. For you have a flair for writing. Also, if it is not too much trouble for you, I would like you to tell us a little bit about your educational background. I don't mean to be nosy. It is just that I am really impressed by your writing talent.

Good luck!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Huda

Unrecorded Date
To:walalkin

walaal horta anigu waan u bagay shekoyinkada balse wax kastay ku dhahan kuwan iska dhagatir ,sabtoo ah umadani waxay hagajisan lahayen wadankoda intay nin meshay waxuu ku qoray ay gocanayaan ,intaa wixii la qoraba diin un bay kuleyihin bay ka hadlaysaa

ilaahayow noo naxariso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku: Walaal

Runtii waxaad sidii la sheegay oo waad ku habboon tahay qoraallada sheekooyinka gaagaaban.

arrinka aad ka hadashay waa arrin muhiim ah, loona baahan yahay in laga hadlo, waayo waxyaalahaa waxyaalo la mid ah waa ay dhaceen, haddaan laga hadlinna way dhici doonaan , oo gabdhaha waxaa lagu dulmin doonaa "magaca Ilaahay"!!!

Sidaa la adligeed in laga hadlaa waa muhiim , in gabdhuhu wax bartaana waa muhiim.

Tan kale , waxyaalaha aad ka hadashay dadka qaarkii iyana waxay u fahmi karaan in dhammaan wadaaddada oo dhammi sida yihiin, oo qofkii surwel gaaban, oo cimmaamad guduudanba sida yahay, taasi waa khalad, sidaa la adligeed waxaad isticmaashay tilmaamaysay in jammaacaddii uu ka tirsanaa ay arrinkaa la wadday, oo markaa wadaaddaduba sharafba lahayn.

Haddaba muxuu yahay hadafkaagu ?
dhibka ma waxaa wada wadaaddada?oo way u dhan yihiin ?

Ma khaladaad ka dhacay wadaaddada qaarkood oo sixid u baahan baa?

Immisa ayaan wadaad ahayn oo xumaan ugeystay shacbiga soomaaliyeed ?

Allaw na cafi

Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Caalykum.
To Walaalkiin.
Walaalow waxaan ku waydiinlahaa maxaa khaladka ummada soomaaliyeed leedahay oo dhan wadaadada ugu saartay?anigu xaqiiqdii ma fahmin meeshaad u socotid ,iyo qofka aad tahayba,qoraaladaadu ama sheekooyinkaagu waxbay ka tari lahaayeen sixitaanka khaladaadka jira ,hadaadan dad si gaar ugu weerarin.
Waxaan kale oo kuu sheegi lahaa inaad iska ilaalisid iyo shaydaanu insi wal jini ay ku qurxiyaan waxan aad samaynaysid oo markaa ay meel fog kaala dhacdo.
Arinta labaad ee aan kuu sheegayo waxay tahay hadii aad qaadatid talooyinka walaalahaa kuu soo jeedinayaan ,waa wax adiga kuu wanaagsan dambina kaa ilaalinaysa,hadiise aad diidid oo aad ku sii socotid qoraaladaadan islaamka lidka ku ah ,ogow ugumaad horayn ugumana dambaynaysid qof diinta ku ciyaara,waadna garanaysaa meeshay ku dambeeyeen dadkii diinta inay ku jeesjeesaan doonay,Allena (S.W) isaga ayaa diintiisa ilaashanaya.
Waxaan naftayda iyo taadaba kula dardaarmayaa cabsida Alle

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Nabad-doon walaal aad baad u mahadsan tahay sida nasteexda leh ee aad ii waanisay Ilaahay Ajar Ha Kaa Siiyo.

Xiliga aynu ku jirno haddii aynu nahay dadka Soomaaliyeed waa mid Ilaahay xaalkiisa og yahay. Anigu wax aan ku sifeeyo ma hayo jawaabna uma hayo. Waxa kali ah ee aan awoodo waa in aan waxa qalbigayga ku jira dadka u soo bandhigo oo ah walaalo su'aalo faro badan.

Su'aalahaa waxaa ka mid ah in ay dadka aan ka dhashay ee Soomaaliyeed garanayaa waxa ay ku kacayaan iyo in kale? In dad gooni ah waxa ay sameeyaan kuligeen na khusayso iyo in kale?

"Ilaahayow ha noo halaagin waxa ay kuwo yar oo doqomo iyo wax ma garad ah ay sameeyaan." "Ilaahayow ha nooga tagin kuwa aan adigana kaa baqayn anagana noo naxariisanayn."

Dhaqanka Soomaalida maantu waa mid hadba dhinaca dabaysha u raacaya. Kii shalay jabhadda ahaa ayaa maanta jamaaco ah. Kii shalay jamaacada ugu weynaa ayaa maanta jabhad ah.

Midda kale Nabad-doon iyo Abdalla walaalyaal waxaan qoray dhawr sheeko oo kala duwan. Labo ka mid ah ayaad qoonsateen waxaadna leedihiin:
"dhibka ma waxaa wada wadaaddada?oo way u dhan yihiin?" Nabad-doon. "Walaalow waxaan ku waydiinlahaa maxaa khaladka ummada soomaaliyeed leedahay oo dhan wadaadada ugu saartay?" Abdalla.

Walaalayaal marna ma dhihin dhibka waxaa wada wadaado. Marna ma cambaarayn wadaaddo. Hadaba Su'aal idinku ma waxaad leedihiin qof kasta oo gar dheer la baxa oo cimaamad guduudan iyo sarwaal gaaban xiran WAA WADAAD? MA waxaad leedihiin qofka sarwaalka gaabsaday ama wejiga qarsatay waxa ay falaan yaan laga hadlin? Mise waxaad sida MISKIIN leedihiin haddii aad sarwaal iyo cimaamad guduudan xirato AWLIYO Ilaahay baad tahay iyo Saxaabadii Rasuulkeena Suuban Salawaatulahi Calayhi Wasalim?

Anigu wax dhacay oo laga yaabo in aad og tihiin baan sheegay. Ma banaan tahay in gabar la guursado cidlo looga dhaqaaqo oo aan dib loogu soo noqon? Ma banaan tahay in MEHER lagu bixiyo Kiraab Qur'aan ah oo ay hay'ad carbeed deeq ku bixisay? Ma banaan tahay in carruurteena lagu ababiyo been si ay u yiraahdaan waaladkayagu isma qabaan?

Su'aalaha ay sheekooyinka aan qoray dhaliyaan miyaa haboon in laga doodo mise in WADAAD loo arko in aan u jeedo. Fiiriya meelo kale SomaliNet ah oo aan sheekooyin ku qoray. Maxaad uga hadli weydeen kuwaas mise sida walaalkeen MISKIIN baad leedihiin dadka kale waxay faleen waxba nagama gelin ee "Car ka hadal nin gar dheer iyo gabar wejiga qarsatay haddii kale DIINTA ayaad wax u dhintay?"

Anigu weli su'aal baan qabaa jawaabna uma hayo haddii aan taabtay qalbigaaga oo aan ku xusuusay in ay jiraan dhibka aan sheegayo oo ay su'aal kale qalbigaaga gasho waa saan rabay. Haddii aad indhaha caad iska mariso oo aad i tiraahdo ha ka hadlin jamaacooyinka iyo firqooyinka haddii aad ka hadashana "shaydaanu insi wal jini ay ku qurxiyaan waxan aad samaynaysid oo markaa ay meel fog kaala dhacdo."

Walaal Abdalla Ilaahay baan kugu dhaarshaye maxaad u tiri: "Arinta labaad ee aan kuu sheegayo waxay tahay hadii aad qaadatid talooyinka walaalahaa kuu soo jeedinayaan ,waa wax adiga kuu wanaagsan dambina kaa ilaalinaysa,hadiise aad diidid oo aad ku sii socotid qoraaladaadan islaamka lidka ku ah ,ogow ugumaad horayn ugumana dambaynaysid qof diinta ku ciyaara,waadna garanaysaa meeshay ku dambeeyeen dadkii diinta inay ku jeesjeesaan doonay,Allena (S.W) isaga ayaa diintiisa ilaashanaya."

Ma waxaad leedahay haddii aad kuwa Xamar cimaadaha xiran ee hoobiyaha dadka la dhacaya ayaa DIINTA ILAAMKA ka Wakiil ah? Mise kuwa GEDO guri iyo geedba gubay baa ka wakiil ah? Mise kuwa Ras Kambooni dadka sigaarka ku karbaasha ayaa ka wakiil ah?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu calaykum.
Walaalkiin Ilaahay dhamaanteen xaqqa ha ina garansiiyo ,arin waxa jirta la isku raacsanyahay oo aanan anigu kaala doodayn,taas oo ah inuu jiro khaladaad badan oo ay samaysay soomaali wayn oo dhan ,waxa jira iyana khalado ka dhacay dhalinyarada diinta fidinteeda u taagan,laakiin waxaa khaladkooda ka wayn faa'iidadada ay qabteen ,waana mid uu dareemi karo qof kasta oo soomaali ah ,iyaga oo meel kasta dadka muslimiinta ah gaar ahaan soomaalida u tagaan inay xaqqa u sheegaan,magaalo kasta oo soomaali degantahayna dibada iyo gudahaba aanay ka daalin inay dadka diinta baraan ,jahligana ka saaraan. Hadii aad doonaysid inaad si cadaaladi ku jirto aad wax u qorto ,waxay ahayd inaad maqaalo aad u badan aad ugaga hadasho wax qabadkooda,laakiin waxaad kaliya oo aad isku dayday inaad khalad ay in yar oo iyaga ka mid ah ,amaba aan diinta si si fiican u fahansanayni, sameeyeen inaad buunbuuniso ,magacii diinta oo dhan aad meel uga dhacdo,hadii aad adigu leedahay waxaan isku dayayey inaan khaladka ay sameeyeen saxo,waxaan ku waydiinayaa , ceebayn iyo dhaleecayn wax ma ku saxmaan?waxay ila tahay aniga in qofka khaldan khaladkisa lagu saxo in si degan wax loogu sheego, oo loonasteexeeyo ,haduu diidana aan la ceeebaynin oo aan la xaman,waxaan rajaynayaa inuu noqdo kani markii iigu dambaysay ee arin ku saabsan maqaaladaada aad wadaadada ku dhaleecanayso aan ka jawaabo,waayo intaa wixii ka dambeeya qof xumaan doon ah ayaad tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marwaan

Unrecorded Date
Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Assalamu Alaikum Waraxmatulahi Wabarakatu, Kuwa diinta Ilaahayga Raxmaanka qaatay kuna dhaqmay siday tahay. Walaalayaal Abdalla, Miskiin, Ladan, iyo inta kaleba oo u jawaabtay Ninkaan isku sheegaya "walalkiin" Walaalkeen ma ahe waa shaytaan fitno raba inuu ka dhex dhaliyo dadka Muslimiinta ah.

Waa markiisii labaad oo uu rabo inuu ceebeyo dadka Ilaahay ka baqa oo raba dhaqanka runta ah. Walaahi hadaan ku aqoon lahaa howl la yaqaan baan kaa qaban lahaa ee ku fako meesha hadda aad ku dhuumanayso.

Ilaahayga i khalqay oo u dulqaatay inaad ceebayso adoomadiisa raba inay ku dhaqmaan diintiisa xaniifka ah ee wanaagsan baan ka baryayaa inuu nooga kaa filnaado.

Ilaahayga Raxmaanka ah ee cilmiga u saaxiibka ah baan ka baryayaa inuu kugu cadaabo aduun iyo aakhiro cadaab aad u daran oo Aliim ah.

Ilaahay baan ka baryayaa inuu ku ceebeyo, ceeb daran oo aad u fool xun.

Ilaahay baan ka baryayaa inuu gacmaha aad wax ku qoraysid ee aad ku ceebenayso muslimiinta inuu kaaga rido cudur gacmaha kaa goo'gooya. Aamiin, Aamiin dhahaya walaalayaal Ilaahay hanaga aqbalo habaarkaas aan ku tuurayno Najiskaas isku sheegaya "Walaalkiin" walaalkeen ma ahe Waa Munaafuk shaytaan ahee.

Walaalayaal waxaan idinka codsanayaa inaynu u jawaabin qurunkaas haddii uu mar danbe wax ku soo qoro meeshatan, haddii aysanba habarka ku soo hor marin intaa ka hor.

Wasalamu alaikum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muwaadin

Unrecorded Date
KU:- WALAALKIIN

Warninyahoow dadka aflagaadaada ka dhaaf.

Waxaad tahay nin balo abuur ah.

Sheekooyin badan oo aad soo dhigtay halkanna waan aqristay. Kulina waxaay ku wajahan yihiin fadeexo, ceebeyn, xumeyn iyo liidid dadka muslimka ah.

Dadka miyuusan bashar aheyn? Miyusan qalad geli karin? Mise waxaa kaa dhaadhacsan muslim marba haddii la yahayba khalad ma dhici karo?

Waad khaldan tahay ee jooji qoraaladan aad dadka islaamka ku kritkaareynayso (cayneyso).

Haddii kale sidaas kusii wad. Waadna ogtahay in Alle fadeexeynayo qofkii walaalkii muslimka ah fadeexeeya, ceebtiisa sheega, markaa Haddii aad saas ku sii soctid Allaah ayaan ku dhaafnay ha ku fashilo aad aragtid xanuunka iyo dhibka.

Mida kale waxaad jeceshahay in aad hadba mowduuc xun furtid. Waxaa kuhaya MAWDUUCSICK faa'iido laheyn ee meel fadhiiso.

Muwaadin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Asalamalaykum dhamaantiina

To marwaan

walaal allaah ka cabso habaarka iska daa.
soo ma dhici karto inaad adigu dambi weyn gashid intaad wax difaaceesid??!!!


To walaalkiin

waxaa u egtahay qof wax garanayo waxaan ku leeyahay aayadaan"yawma tajidu kullu nafsin maa camilat min khayrin muxdaraa, wamaa camilat min suuin tawaddu law anna baynahaa wabaynahu amadan baciidaa"

Cidna ma difaacayo waan ogahay qof walba inuu qaldami karo, adigase waxaa sheegaysid waa xad dhaaf.
waxaad leedahay talent dhinaca qoraalada u adeegso dhinacyo fiican.


Wasalamaleekum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marwaan

Unrecorded Date
Assalamu alaikum,

Jazakallahu Kheyr Ladan, Walaal weli ma fiirisay inta meelood uu ninkani isku dayay inuu gabdhaha, wiilasha, culumada Islamka uu ku ceebeeyo aaladani uu isticmaalayo. Xanuun baa iga keenay inaan habar aan ula istaago, waayo si kale oo aan uga aargoosan karno ma'ay jirto. Miyaadan arkin inta meelood ee lagu waaniyay oo la yiri iska daa dadka muslimiinta ah. Ma iska daayay? Jawaabtu waa maya, sidaa darteed baa igu kaliftay inaan sidaa ku hadlo. Balse intaas ayaan hadda ku ekeynayaa haddii Ilaahay idmo. Waa runtaa qofkasta oo ibnu-aadam ah wuu qaldamaa intaanu rususha ka ahayn waana kaa qaatay waanadada wanaagsan.

Wasalaamu alalikum waraxmatullahi wabarakaatu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marwaan

Unrecorded Date
Assalamu alaikum,

Ladan, walaal waxaan isla hadda xasuustay, xadiiskii Rasuulka (SCW) oo macneheedu ahaa: "hadaad munkar aragtid, gacantaada ku suuli, haddii kale afkaaga, haddii kale qalbiga ka nac waana mida ugu imaanka yar ow kama qaala Rasuulu-laahi salla-laahu calayhi wasalam" marka walaal Ladan adna intaa xasuuso bal.

Wasalamu alaikum,

M

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu yahaya

Unrecorded Date
aSALAMU ALAYKUM

to ALL brothers and sisters
jazakalahu kheuran walaalkeenii naga shaafiyiey in ninkaan laga dhadhasan karo inuu yahay gaal soomaali ah ee shabaabkii soomalida ee wadaadada ah inuu ceebaysto kaba sooqaad in somalia arinkaas ka dhacdasy dhehba waa run ma waxaad ku bur burinatssaa islaam , ilaahay wuxuu yiri ( inaa naxnu nazalna dikra wa inaa lahul haa fiduun )
marka ama sida wallakay sheegay mustashriq ahow ama gaal cadaystay gaalnimadiisa ahow laa tuduru islaam dadka ilaahay kutiirsan waxba kaqaadi maysid
hadii waxaa add sheegaysid run yihiin waxaaa jirta aadaab qofkaas wax loogu shego hadna baro caqidadaas inaad unaseexaysid oo aad tiraahdid war waxaan waa qalad
iyo inay been tahay hadii been tahay liaahay haku hanuuniyo hadii alle hanuun kula doonin ilaahay dhabarka hakaajabsho islaamkana hakaaqabto cayda aad caayaya sid awliyada ilaahay
adigoo gaalo u adeegaya saad shilmaan u heshid iyo sumcad already waa lagu aamanay waxaa laguu yiri waxaad tahay qoraa taasna waa caalamadaha hallgaaga kusoco nin wanaagsan baa tahay intii ilaahay ku qabanayo.
walaahu qaadirun calaa daalik

wasalamu calamanitabacal hudaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Asalamalaykum kuligiina

Aniga xataa waa ka shakisanahay MR.Walaalkiin ujeedada qoraalyaalkiisa.

QORAA CUSUB WAAYE MIYAA OO SHEEKADA BRAKTIS WAAYE???!!!!
WAX CEEBES MIYAA??!!!
DOOD LEE INUU FURUURABAA MIYA???!!
SIDA UU SHEEGAAYO WAAYE MIYAA OO XALRAADIS WAAYE MIYAA???!!!!


Laakiin dadkiinaan lasoo haadaaya gaal waaye iyo mustashriq waaye waa idinka yaabay markaa wax difaaceysaan waa ilawsaan miyaa xadiisyaalkii nabiga SCW. Qof muslin ah oo gaal lagu dhoho, xukunkeeda waa ilaawdeen miyaa.
Magaranaayo wuxuu yahay qofkaan, laakiin aadaa u dheereeynaysaan.


ilaahay ha noo dambi dhaafo kuligeen

Wasalaam.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date

ASALAMALAYKUM

THANKS MARWAAN


WAXAA AAD U YAR QOF SOOMAALI AH INUU DHOHO QALADKEYGA WAA QAATEY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilaaliye

Unrecorded Date
ladan

waad iga qoslisay
sababta oo ah af soomaaligaaga lol
naxwe ahaan xitaa waa uu khaldan yahay
tusaale qoraalyaalkiisa ...maaha...ee waa
qoraaladiisa

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qamar

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM MUSLIMIINTA OO DHANBA

Horta waad salaamantihiin marlabaad dhamaantiin walaalayaal horta ilaahay ha na soo hanuuniyo oo jidka toosan alaha nagu aadiyo anaga iyo intii muslim ahba

TO:WALAALKIIN
Walaalkiin marka hore waad salaamantahay, marka xigta bro dhibaatada aad sheegaysa ee ah caruuraha aan aabayaashood la soo korin ee aan waligood arag dhaqan soomaali ma ahan diina ma ahan ee waa waxyaabaha shacbiga ama umadaha aduunka oo dhan ka dhaca ee dhib raga soomaaliyeed uu leeyahay ama wadanka soomaaliyeed gooni u ah ma ahan ee waa dhacdooyinka aduunka.

Waxaan kale oo aan kuu sheegayaa in aan marnaba la is barbar dhigin diinta iyo dhaqanka aniga runtii ilaa iyo hada waxa aad ka hadlayso in ay diin tahay iyo in ay dhaqan tahay ma fahmin laakiin su"aal:
WAXAAN KU WAYDIIYAY ADIGU SHAQSI AHAAN DIB MA UGU NOQOTAY WAXYAABAHA AAD QORAYSO OO MA AQRISAY IN AAD QUMANTAHAY IYO INKALE FADLAN DIB U AQRI WAXA AAD QORTAY KANA FAKAR DIINTA MUSLIMKANA DHALEECADA KA DAA WAAYO WAXAAGU WAA DHALEECO.
MAXAA YEELAY UMADA ILAAHAY UUMAY ILAAH BAA HAYA CALAFKOODA HADAY ISFURAAN AMA ISKU XAD GUDBAAN MACNAHEEDA MA AHAN IN AY DIINTU FARAYSO HADAYSAN ILMAHOODA SI FIICAN U KORININA MA AHAN IN AY DIINTU FARTAY OO AY TIRI HA KORIN ILMAHAAGA AMABA UU DHAQANKA SOOMAALIYEED YAHAY MARKA WAXA AAD KA HADLAYSO BRO WAA DHACDOOYINKA JOOGTADA AH EE ADUUNKA AAN KU NOOLNAHAY KA DHACAYA AMA SOOMAALIAYA HA AHAATO AMA AMERICA AMA YURUB WAA ADUUNKA OO DHAN MARKA ISYAR XASUUSO OO ILAAHAY XASUUSO OO DACAAYADA DAAAAAA???????????????????

TO:DADKA QAARKIIS OO AAN U ARKO IN AY RUNTII YIHIIN MUSLIM DHAB AH WAAD MAHADSANTIHIIN ILAAHAYNA AJER IYO XASANAAD HA IDINKA SIIYO WAAYO MAANTA WAXAAN JOOGNAA ADUUN MUSLINIMADU KU YARTAHAY WAAD MAHADSANTIHIIN WALAALAHAYGA MUSLIMKA AHOOW
ASALAAMA CALAYKUM WARAXMATULAAHU WABARAKAATUHU

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.