site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

FADLAN, KA JAWAAB HADDAAD CILMI U LEEDAHAY !

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: FADLAN, KA JAWAAB HADDAAD CILMI U LEEDAHAY !
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi Raadis

Friday, February 09, 2001 - 06:50 am
Waxaan maqlay in ninka iyo xaaskiisu markay isu tagaan habeenkii aanay waajib ahayn in laga qubaysto janaabada marka la gaadho salaadda subax. Waxaa halkii qubayska ku filan baan maqlay iyadoo la maydho, ama biyo lagu nadiifiyo agagaarka cawrada Iwm., kadibna la wayso qaato.

Fadlan ii soo jawaab celi qofkii daliil u hayow.

Wabilaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxsinyare

Friday, February 09, 2001 - 07:51 am
Asalaamu Caleykum

Wixii Ilaahey iga garansiiyo ayaan ka oranayaa insha'alaah.

Marka hore waxaan u fahmay su'aasha inaad leedahay inaysan waajib aheyn in janaabada laga qubeysto si salaada subax loo tukado? Hadii aad saad ula jeedid hadaba waad khaldan tahay! Salaad aadan daahir u aheyn ma ansaxdo waana inaad ka qubeysataa janaabada oo aad DAAHIR noqotaa si aad rabbigaa u hor istaagtid taasina waxay ka mid tahay shuruudaha laga doonayo qofka tukanaya marka sinaba loogama tagi karo qubeyska iyo weesada oo ah daahirnimada, daliisheedana waa la heli karaa hadii loo baahdo xag quraan iyo mid xadiisba. Laakiin waxaan rajeynayaa in culumada qaarkood ay ayidaan inay fiican tahay in habeenkii aan lala seexan qofka asagoo janaabo qaba balse uu ka qubeysto si aysan aroortii u dhibin qubeyska laakiin labada way ka dhacday nabiga scw ee Ilaahey ayaa mahada leh kaasoo amarka inoo fududeeyay.

Waxaan jeclahay inaad labo wax isku khaladay, qubeys looma baahna mar hadaadan salaad tukaneyn oo ay xaajadaadu tahay kaliya xaaskaaba la faracayaarid ama ku laabasho jamaac, taas waxaa kaa kaafinaya inaad weeseesatid ama aad istijootid. Asbluuba ay na bartay diinta ayey ka mid tahay in marka labad is qaba ay rabaan iney mar labaad isu raaxeeyaan ay break yar kala qaataan oo ay istijo ama weeso meesha timaado ka dibna howshoodii dib ugu laabtaan. Wixii khalad ah ha la iga soxo jaahilnimo weyn ayaa is heysee aqoonna meesha kuma hayo.

**Waxaan kugu boorin lahaa hadii aad arrimahaan ku jirtid inaad akhrisatid ama atleast aad daalacatid kutaubada ka hadlaya khaasatan TUXFATUL CARUUS, AADAABU ZAFAAF, USUULU MACAASHIRATU ZOWJIYAH iyo kuwo kale oo aan hilmaansanahay.
Walaahul Muwafiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 09, 2001 - 10:55 am
Subhaana Allaaha!

Markaan aqrinayey su'aasha waxaan u qaatey in laga hadlayo marka jannada lagu jiro iyo xaaladaas.
Markaan jawaabtii walaaalkey aqriyey baan dib ugu noqdey su'aashii oo noqotey tii jawaabtaas.
Kadibna waxaan isweydiiyey sababta aan meel kale ula aadey su'aasha, waxaana heley sababtii oo aheyd, malaha waanan fileyn in laga shakin karo QUBEYSKA AMA DAHAARADA JAMAACA(GOGOL KULANKA).

Marka shaki yaqiin baa ka roon, waxaana filayaa in dad badani ka faa'ideysan doonaan, haddii Alla u qadaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 09, 2001 - 11:12 am
Subhaana Allaaha!

Markaan aqrinayey su'aasha waxaan u qaatey in laga hadlayo marka jannada lagu jiro iyo xaaladaas.
Markaan jawaabtii walaaalkey aqriyey baan dib ugu noqdey su'aashii oo noqotey tii jawaabtaas.
Kadibna waxaan isweydiiyey sababta aan meel kale ula aadey su'aasha, waxaana heley sababtii oo aheyd, malaha waanan fileyn in laga shakin karo QUBEYSKA AMA DAHAARADA JAMAACA(GOGOL KULANKA).

Marka shaki yaqiin baa ka roon, waxaana filayaa in dad badani ka faa'ideysan doonaan, haddii Alla u qadaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Monday, February 12, 2001 - 07:14 am
assalaamu calaykum, CILMI RAADIS.

walaal su,aashaada sida aan u fahmay waa sida Muxsin yare u arkay, balse aan kuu bayaamiyo si aad ugu qanacdo jawaabta walaalkeen Muxsin yare, Alle khayr ha siiyee.

Haddii qofku uu u galmoodo haween tiisa, waa seexan karaa isaga oo wax biyo ah taaban. Waxaana u daliil ah xadiis saxiix ah. Caa'isha Alle ha ka raali noqdee, ayaa la weydiiyey arintan, markaas ayey ku jawaabtay Rasuulku markuu xaasaskiisa u galmoodo ayuu sheexan jiray isagoo aan biyo taaban. Hase yeeshee, xadiisku wuxuu tilmaamayaa in ay u banaantahay musliimiintu in ayaga janaabo qaba in ay seexaan karaan. Laakiin ay maydhanayaan intaan salaadda subax soo gelin, ama marka ay soo gasho, kana qayb galo jamaacada. Rasuulku, marka uu janaabada ka maydho ayuu salaadda muslimiinta tujin jiray. Maydhasha la rabaana waa Qusuul oo ah in la is daahiriyo. sida la isu daahirinayo waa sida nebugu tilmaamay. Marka hore waa in cawrada si wanaagsan loo maydho, dabadeedna gacmaha la maydho oo la weysaysto. Sida loo weysaysanayo waa sidaan:

1- Gacmaha oo la maydho uu na yidhaado mismilaah(waayo haddii uu si ula kac ah uu bisinka uga tago waysadiisa ma jirto, haddii uu ilaawose way jirtaa waysadiisa. Waxaana daliil u ah xadiis xasan oo nebigu yiri, wayso uma jirto qof aan ku bilaabin magaca Alle, salaadna uma jirto qof aan weyso qaadan).
2- In la luqluqdo oo la sandaarto(sandaarasha waa lagu xeeldheeraanayaa, dabadeedna la iska siiminayaa)
3- Wejiga ayaa la mayrayaa.
4- Gacmaha ayaa la mayrayaa.
5- Madaxa ayaa biyaha lagu shubayaa, timaha salkooda ayaa la gaarsiinayaa biyaha. Haweenta waxaa u sii dheer in ay biyaha wada gaarsiiso timaha salkooda oo madaxa ay miyaha wada gaarsiiso. Haddii ay xaydka ka maydhanayso waa in ay timaha hadii ay daban yihiin ay fur furtaa dabinka(sidaana waxaa amray Nebiga( scw)).
6- Dabadeed waa in jirka oo dhan biyaha la gaarsiiyaa, iyadoo dhanka midigta la mayrayo, laguna xejinayo dhanka bidix.
7- Markaas ayaa lugaha la mayrayaa.
Waxaa shardi ah in qofku uu niyeysto in uu is daahirinayo, waayo haddii aadan niyad la iman is ma aadan daahirin, salaadna dahaaaro la,aan la aqbali maayo. waxaa u daliil ah xadiiska saxiixa ah ee oranaya, "Salaad dahaaro la,aan la aqbalimaayo".

Hadaba, waxaa kale oo jira in xadiis kale uu oranayo in nebigu(scw), uu marka uu u tago xaasaskiisa, uu cawradiisa mayri jiray oo weyso qaadan jiray, dabadeedna seexan jiray.
Xadiisku wuxuu tibaaxayaa in ay fiican tahay in qofku haddii uu damco in uu seexdo isagoo janaabo qaba uu weyso ku seexdo. Arintanna waxay ka fadli badantahay in uu seexdo isaga oo aan biyo isku taaban in uu seexdo.
Waxaase ugu fadli badan in uu is daahiriyo inta uusan seexaan. Taas oo macnaheedu yahay in uu qasliga iska mayro. Nebigana way ka sugnaatay. waxaa jira xadiis saxiix ah oo Sayidinaa uu nebiga ku yidhi, "Ma seexan karaa anaka oo janaaba qabna. Nebiga ayaa ugu jawaabay, "Haa haddii aad waysaysataan".

Assalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ottawa

Sunday, February 18, 2001 - 04:34 pm
Asalaamu c ww
Walaal Qoonsade Illaahay hakaa abaal mariyo sida aad uga soo jawaabtay iyo waqtga aad gelisay.Intaa kadib tan aad leedahay bisinkii qofkii ka taga weyso laga aqbali maayo taa ka fiirso.Tan kale qubeyska ugu fadliga badan waa kaa
lakiin haddii musqusha intaad gasho jirkaaga si fiican u qubeysato adigoon weyso hormarin aadna niyeysato inaad janaabo ka qubeysaneysid qubeyskaagu waa sax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Tuesday, February 27, 2001 - 05:48 am
OTTAWA, Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatu. Ilaahay ha kaa abaal mariyo sida aad iigu nasteexaysay, Alle ha kaa abaal mariyo. Walaal waqtiga ayaa igu yar ee iga raali noqo. Adiga oo aan weyseysan biyaha in aad jirka wada gaarsiiso xadiiska odhanaya waa jiraa, haddii aad u niyaysato in aad janaabada iska dulqaadayso. Laakiin waxaa jira in lala yimaado luqluqasho(mamadah) iyo sandaarasho(istinshaaq). In kasta ay mahabta shaaficiyadu qabto in luqluqashada iyo sandaarashadu ay sunno yihiin,laakiin sida daahirka ah ee sunnuha ku cad waa waajib. Xambaliyada iyo xanafiyadduba waxay qabaan in ay waajib yihiin, waana sida xaqa ah. Xadiiska timaamaya in bisinku waajib yahay waxaa caddaynaya axaadiista ay werinayaan, Abaa Hurayra, Abaa Saciid oo odhanaya (( LAA SALAATA LIMAN LAA WUDUU A LAHU, WALAA WUDU A LIMAN LAM YADKUR ISMALAAHI CALAYHI)) OO MICNIHIISU YAHAY SALAAD UMA JIRTO QOF AAN WEYSO QABIN, WEYSANA UMA JIRTO QOF AAN MAGACA ALLE KU BILAABIN. DARAJADA XADDIISKU WAA XASAN. Haddii qofku ilaawo waysadiisu waa jirtaa, haddii uusan aqoon u lahaynna waysadiisu way u jirtaa. Haddiise uu ula kac uga tago wayso uma jirto, waana sida ku cad lafdiga xaddiiska.

Waxaa xusid mudan in aan Ottawa kula deganahay.

Wa bilaahi tawfiiq.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.