site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MUSTAQBALKA ISLAAMKAA LEH....

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MUSTAQBALKA ISLAAMKAA LEH....
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Soomaalidu waxay kumaah maahdaa ALLOW KII ROON REERKA UREEB, laakiin xaqa ayaa hari baadilkuna waa tegi.
Meelwalba gawrac iyo xasuuq ayaa ka socda,caruurtii ayaa la bireeyay sidii xoolo gabdhihii ayaa la fuulay bilaa nikaax,shahwo eyna waa lagu shubay,xabsiyaadu waa buuxaan,ragii waa ladeldelay, jir dilku waa noloshooda,dhimashaduna nolosha ayay dhaantaa.

Dhinacaad fiirisid ma,saad ayaa kataagan,kii dadkuugu xigay(muslinimada)nimankii sadexda xaraf watay ayuu u adeegi.

Falastiin, Kishmiir,Shiishaan,bosniya,Kosofa,Ciraaq,Somaliya,Itoobiya,Dagakistaan,iyo beelo badan oo aduunka ka tirsan waxa ka socdaa ma waqtigaa keenay oo waa wax iska caadi ah!mise godob baa u horaysay.

Walaal diinteena waxaa kamida in ihtimaam lasiiyo arimaha muslimiinta meelkasta oo ay joogaan,hadaba waxaan mawduucaan u furay markaan akhristay walaal mawliid maqaalkiisi ahaa maxaa muslimiinta dib udhaca ugu wacan iyo maalin walba oo dal muslim ah lagu waabariisanayo shaly waa kosofa maantayna waa dagakistaan.

walaal dagaalkaan maanta socadaa halkuu ku dhamaan guuushana yaa leh caaqibaduna maxay noqon.

Wxaaan shaki ku jirin in quwada baadilku suulayso oo tagi,quwada maanta baadilka hooyo iyo aabe u ah oo ximaayaysa waa maraykan waxaan shaki ku jirin in madashiisi soo dhawaatay taasna waxaan kugu tusi laba arimood 1-nusuusta 2-taariikhda iyo caqliga.

#Waqtigii nebiga(csw)waxaa jiray laba quwadood oo xoog leh kalana ahaa Ruum&Furus maantayna sheeko ayaa ka hartay barqo cad ayaa muslimiintu cuneen,yarmuuk mutah,qaadisiyah waa wax aan taariikhda ka tirtirmaynin.

#1990 kahor waxaa caalamka haysatay oo lala yaabanaa quwdooda iyo ciidamkooda USSR.maantayna iyagaa gacmo ku gabada taasina waxay ku tusin in quwad kasta dacfi ku xigo.

#waxkasta oo kaamil noqda waxaa ku xiga nusqaankiisa naftaada fiiri maalinba meel ayaad joogtay dacfi,quwa dacfina waa kuu danbeeyaa iyo ciiroolanimo,kuwaasoo kale uga qiyaas qaado.

#Nebigu wuxuu yiri(csw)(allaahh waxaa waajib ku ah shay inaanu meeshii ugu saraysay gaarin ilaaba waa inuu soo rido,ogow ilaah isgaa ayaa isaga dhigay waajib),taasna waxay ku tusi shaygu hadii uu gaaro garaafkiisi uga danbeeyay khasab waa uu soo dhacayaa.

#Hadaba walaal hadaad ogaatay in baadilku tagi iyo ehelkiisuba yaa reerka u hari, xaqa ayaa hari islaamka ayaana mustaqbalka iska leh,niyadaan ku dhiso arimaah.

1-allaah wuxuu yiri(allaah waa kan diray rasuulkiisa hanuun la diray iyo iyo diin xaq ah in uu ka kormariyo diintaas diimaha oo dhan,haba kahdeen mushrikiintu.
Aayadaasi waxay inuu bishaaraysay in mustaqbalka islaamku iska leeyahay diimahah oo dhana ka adkaan,hadaba waxaa laga yaa baa in qofku is yiraahdo arinkaani waa dhacay oo waqtigii nubuwada iyo khulafadii iyo muluuktii saalixiinta ayuu dhacay nacam laakiin kaasi qayb ayuu ahaa ee kuli mahayn sida nebigu noo sheegay
(Matagayo habeenka iyo maalintu ilaa laata iyo cuzaa lacaabudo(laba sanamweeye)markaas ayay caasho ku tiri waxaanba ahaa mid u malaynaysay markii allaah yiri waxay akhrisay aayada kore;in arinkaasi dhamaaday oo diintii kor noqotay,markaas ayuu nebigu ku yiri kaasi wuxuu ahaan intii allaah doono.
2-thawbaan waxa uu nebiga(csw) ka weriya in uuyiri(Allaah ayaa isoo duubay dhulka ilaa aanka arkay mashriqeedi iyomaqribkeedi umadayda mulkigeeduna waxa uu gaari intaa la iisoo duubay,muslim ayaa weriyay)xadiithku waa bishaaro wayn waana laabudan inay dhacado naba iisana waad ogaan doontaan.

2- Nebigu wuxuu yiri(Diintaani waxay gaaraysaa inta habeenka iyo maalintu gaaran guri ay katagaysaana majiro ilaaba waygalaysaa bi cizi cazizzin ama bi duli daliilin cizi allaah ku cizaynayo muslimiinta iyo duli uu ku dulayn gaalada)

4-Ibnu camarRC wuxuu yiri anagoo ag fadhina nebiga(csw) ayaa la waydiiyay magaaladee la hor furan ma QUSDHANDIINIYAH MISE RUUM markaas ayaa nebigu yiri magaalada hiriqle ayaa la furan waa qusdhandiiniyah oo maanta loo yaqaan istanbuul arinkaasina waxa uu xaqiiqoobay 800sano kadib markii nebigu yiri waana laabudan in caasimada talyaaniga muslimiintu gacanta ku dhigayaan maalin maalmaha ka mida,xadiithkaa waxaa wariyay axmad.

hadaba walaal ha quusan hadaad sugtit waa imaan ilaahay nasrigiisa waana siiwadi mawduuca hadii laxiiseeyo

wasalaamu calayku
walaalkiin ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Walaal Ismaaciil Ilaahay ajar ha kaa siiyo qoraalkaaga. Mu'miniintu (rag iyo dumar) waa isu walaalo masuul iska ah oo maalinta qiyaamo la waydiin xageed ku ogayd walaalkaa. WAA ISLAAMAAH waxay ahayd arrin taariikhi ah.

Magacayada hadda Boosniya, Kashmiir, Falastiin, Somalia, Eretariya, Shaashaan iyo dadka dhibka adduunka iyo masaa'ibta addoomada Ilaahay ku habsatay iyo kuwa sida Turkey ee aafooyin dabiici ihi ku dheceen waa wada walaalaheen.

Haddii aadan ka danqan dhibkooda meeday oo maxay tari walaaltinimadu?

Ilaahayow Muslimiinta carigooda iyo dadkooda NABAD Xagaaga ah u soo deji. Ilaahayow Ummaddii Nebi Maxamed (SCW) Ilaahayow Ummadda Nebigaaga.

"Islaamku wuxuu yimid isagoo QARIIB (marti aan la aqoon) ah wuxuuna soo noqon isagoo QARIIB ah" ayuu yiri Nebi Maxamed Calayhi Salaatu Wa Salaam.

"Anigaa Diinta soo dejinay Anagaana Ilaalinayna" ayuu noo sheegay Rabigeen Subxaanuhu Watacaalaa.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
TO: ISMAACIIL.
Jazaka laahu khayra sii wad walaal oo noo faa'iide kuna soo dar waxyaabahii ay ka hadashay muxaadaradii SH MUSTAFA HAARUUN EE AHAYD (DHIBKA JIRA & RAJOOYINKA LA QABO,AL-AALAM WAL AMAAL)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cunaye

Unrecorded Date
waraa waa yabanahay walaalkin iyo miskiin maxaa is dabadhigay mesha gashid way wada taagan yihiin bal dadow u fiirsada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marwaan

Unrecorded Date
Bismilah Walxamdulilah Wasalatu Wasalaamu Calaa Rasuulilah. Salamu Alaikum Waraxmatulah. Wa bacd, Baarakalu fiik, Wajazaka laahu kheyr Walaal Ismail Ilaahay ha ku xifdiyo adiga iyo reerkaagaba, Walaal noo wad khayrkaan aad noo wadid runti Ilahaygeena Raxmaanka Nicmooyinka uu nagu galadaystay ayuu na xasuusinayaa Khayrka aad noo sheegayso.

Walaalayaal habarka halagu wado najiska isku sheegaya Walaalkiin, Ilaahay hanaga qabto Munaafuqas.

wasalamu alaikum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.