site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

CUDURKA SOOMALIDA & SIDA DIINTU U DAAWAYSAY!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): CUDURKA SOOMALIDA & SIDA DIINTU U DAAWAYSAY!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
DHAMAAN WALAALAHA AAN WAX KU KALA FAA'IIDAYSANO NETKA DHEXDIISA,SIDA FALIS,ISMAACIIL,BIIBTO,DR WHO & NIN AAN QUUSAN.WAXAAN IDIINKA MAHAD CELINAYAA SIDII WANAAGSANAYD EE XUSHMADA & EDEBTU KU JIRTAY EE AAN U KALA FAA'IIDAYSANAY MOWDUUCYADII HORE.
MOWDUUCAN CUSUB waxaa weeye inaan bal markaan ka hadalo cudurka aan qabno hadaan soomali nahay & sida diintu u daawaysay.maxaadse kaloo filaysan inay daawo u noqon karaan.

Hadaan figradayda ku bilaabo waxaan qabaa in cudurka LA YIRAAHDO QABIILAYSIGU uu yahay boogta qof walba oo soomali ah uu ka jiran yahay,waxaana ayaan daro ah qof jiro sida oo aan is ogayn,hadaba NABIGA SCW xadiis buu ku sheegay IN CUDUR WALBA ILAAHAY DAAWADIISA SOO DAJIYAY OO UU BARAY KUU BARAY UUNA JAAHIL KA YAHAY KII KA AH.
Markaa maadama aan mowduuca furay inaan ku dheerado ma jecli,balse tusaalayal badan baan hayaa in diinta islamka hadii la qaato oo sida ay tahay loogu dhaqmo in cudurkasi bixi lahaa waxana qabaa inay iyadu daawo u tahay.sida dagaalkii AWS & KHASRAJ LABADII QOLO EE ANSAARTA AHAA MUDADA DHEER KA DHAXEEYAY MARKAY NABIGA SCW RUMEEYEEN BAA ALAH SUULIYAY CADAWADOODI.
WAXUU ALAH QURAANKA KU LEEYAHAY HADAAD BIXISO WAXA DHULKA KORKIISA SARAN SI AAD QULUUBTOODA ISGU GAYSO MA AADAN ISU GAYSEEN LAAKIN ILAHAY BA QULUUBTODA ISU GEEYAY.
Walaalayal waxa wax laga murugoodo ah in maanta qof walba oo soomaliya xataa kuwa jamhadaha wata uu leeyahay XALKU WAA ISLAAMKA balse wax qaadanaya aysan jirin,ALAHNA XAALADAN BADALI MAAYO ILAA DADKU ISBADALAAN.
Waxaan ku soo gabogabeeyay qof walba bal ha isweydiiyo see cudurkani kuugu dhacay?? maxaa u daawo ah?? yaa dadka dhaqtar u noqon kara oo daawada islaamka ee taala siin kara?? umadaan buunshaha ah ee aan macnaha lahayn ee dameerkii ciyaba raacaysa maxay tahay?? maxay markay miisan saareen kuwa ay isku qabiilka yahiin ee godka ku wada uga hari waayeen oo loo waayay qof kaliya oo dhaha war orod qurunkaaga dadka kala dhex bax??
WALAALAYAL FIKRADIINA KA SOO DHIIBTA SIDA SUNTANI UMADA U BAABI'ISAY IYO XALKEEDA.
WALAAHU WALIYU TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Salaan kadid akhii MISKIIN waadku mahadsantahay soo dhawayntaada,marka kowaad runtii waa mawduuc aad cajiib uleh waa cudurka soomaali halkaa dhigay.

Anigu hadaan fikradayda kaqaybqaato.marka kowaad qabiil iyo qabyaalad ama qabiilaysi ayaa laysku khaldaa laakiin labo ayay kala yihiin.

Allaah subxaanuhu watacaalaa markii uu basharka abuuraayay wuxuu ka abuuray dhoobo waxaan ula jeedaa waa aabeheen AADAM(CSW) kadib isaga ayaynu kasoo farcanay hadii faracu bato waxaa yaraanaysa aqoonta dadka loo leeyahay marka sidaas ayuu ku yimi qabiilku oo odaykasta dadkii ka farcamay ayaa loo nisbeeyay sidaas ayuu ku yimi qabiilku ciladuna waa in la isku garto oo kaliya sidaasna waxaa kuu cadyn qawlkii ilaahay

(dadkiiyoow waxaan idanka abuurnay lab iyo dhedig waxaana idinka yeelnay shucuub iyo qabaa,il in aad isku garataan kan idiinku shrafta badab ilaahay agtiisa waa kan idiinku cabsida badan)

Aaydaaasi waxay faa,iidaysay sababta qabiilka iyo qawmiyda keentay labadubna waa aqoonsi.

Hadaba ma doonaayo in aan uga hadlo waxa diintu ka qabto qabyaaladaysiga waayo waa mawduuc dheer ee waxaan rabaa inaan kahadlo siday diintu u daawaysay.

Runtii waqtigii dagaalka xamar kahor ayaan waxaan ku dhegaystay muxaadaro uu qabtay SH DAAHIR CABDI oo ku qabtay masaajidkii CEEL-HINDI,MUXAADARDAAS SHEEKHU WUXUU UGA HADLAY AL-QABALIYAH IYO SIDA LOO DAAWEEYO WAXAANA DHIHI KARAA MUXADARAAS QOFKASTA DAAWO AYAY UNOQON KARTAA HADII ALLAAH KU ANFACAAYO

Sheekhu wuxuu fasiray aayda ku jirta suuratul yuunus( dadkiiyoo waxaa idiinyimi mawcidah oo xaga rabigiin idiinka timi iyo caafimaad jirooyinka laabta gala u ah iyo hanuun iyo raxmo oo mu,miniinta u ahaatay.

Markuu sheekhu maraayay washifaa,un limaa fisuduur aad ayuu ugu dheeraday waayo qabyaaladu waa jiro gasha laabta, waxaana uu sheegay inay tahay jiradaas waxa lagu daawayn karo oo kaliya qur,aanka ma,ahan in qofka sidii ruqiyada lagu tufaayo ee waa in uu qur,aanka daba galaa haduu dabagalana qabyaalada wuu kareebi, xataa hadii lagu tufo waa dawayn oo waa ka saari insha,allaahu.

Waxaa kaloo jira oo taariikhda lagu hayaa AWS IYO KHASRAJ WAXAY AHAAYEEN LABA QABIILO OO DEGAN MAGAALADA MADIINA aadna dagaalo ba,an u dhexmareen yuhuud ayaana la degenayd kuwaasoo kala,ahaa(BANII-QURAYDAH,BANI QAYNULQAAC,BANII NADIIR) kuwaasoo aad isugu diri jiray si ay iyagu awooda u lahaadaan

laakiin markii ay islaamka qaateen waxaa loo baxshay AL-ANSAAR waxayna noqdeen sidii allaah ku tilmaamay suuratul al-cimraan(XASUUSTA NIMCADII ILAAHAY MARKII AAD AHAYDEEN KUWO CADOW ISU AH MARKAAS AYAANU QULUUBTIINA ISU SOO DUWAY MARKAAS AYAAD NIMCADII ALLAAH WAXAAD AHAATEEN WALAALO!)
aayadani sababul nusuul ayay lahayd dib ayaan u dhigan maadaama AIDS wax kadarn la daawaynayo.

Waxaan arkaa qoflka cudurkaan qabaa inuu badasado masaajida inuu la fariisto dadka saalixiinta uu ku tuhmaayo in uu akhristo waxa waciid ku soo arooray qabyaalada.

Waxaan kaloo arkaa inuu ku dawoobayo qofka maradkaani hayo inuu ka dheeraado la sheekaysiga ODAYAASHA maxaa yeelay waxa kaliya oo ay yaqaaniin waa taariikh taasoo ah mid madow yaanay odayaashu wada xanaaqin waxaan ula jeedaa waa raga u ololeeya qabyaalada ayaan ula jeeda.

Ugu danbayntii lama soo helayo isbitaal lagu daaweeyo cudurkaan oo an ahayn QUR,AANKA

WALILAAHIL CISMAH.
WALAALKIIN
ISMAACIIL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANSAARI

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum!

Waad mahadsantihiin walaalehay Miskiin & Ismaaciilba. Jazakumullaahhu Kheyran!.

Horta walaalayaal arrintan waad sidii aad uga hadasheen, balse haddii aan fikradeyda raacsado waxaan dhihi lahaa sida aad idinkuba sheegteen; dawadda kaliya ee boogtan lagu dhayi laahaa ama lagu daween karo waa "ISLAM" Al-xalu Islam.

Bal eeg labaddii qabiil ee carbeed ee dabka iyo banzinka isku ahaa, markii aay Diinka Alle qateen sidii aay u walaaloobeen, ul iyo diirkeedna u noqdeen lana baxeen ANSAAR.

Maanta gebigeed soomaali mid yar iyo mid weyn laabtood qabiil kama maqna (piú o del meno)illaa wax yar oo yar oo Alle ugargaarey mooyaane. Markaa haddii maanta dunidan laga heli lahaa geed (cabire ama heerkulbeeg) looga cabiro dadka bal inta qabyaaladu jirkooda (dhigooda)ku jirto waa la yaabi lahaa. Qaar waxaa laga heli xooggaa yar oo possitive ah, marka qaar kale sida kuwa maanta dalka qaribay ee jabhadaha SSta la baxay xukuma iyo waliba xulafadooda iyo taageerayaashoodaba, Kuwaas iyaga ahi malaha Qabyaalad-Cabiruhu wuuba qarxi lahaa, xajmiga (per centualaha) dhiigooda ku jira darteed (yacnii qabiil ayeey u googe'een).

Markii walaalayaal daawada kaliya ee cudurkan leeyahay waa Diinta Alle. Qabiil qabiil ka fiican majiro, balse Allaah (swt) wuxuu noo xisaabsanayaa ama noo daalacanayaa shaqsiyan (Individual) ee ma a ahan qabiil qabiil.

Alle qur'aankiisa markii uu qabiilka ama shucuubta ka hadlayay yiri: ".....Inna Akramakum Cindallaahi Atqakum", yacnii kiina idiinku cabsi badan ayuu Alle idiinku jecel yahay.
Bal eeg Alle ma uusan oran kiina idiinku xoog badan ama kiina idiinku qanisan balse wuxuu yiri kiina idiinku baarisan adeec badan adoon saalixa ah oo Rabigiis (swt) tusa adoonnimadiisa.

Markaa haddii aanu kuligeen Alle usoo noqono (Insha'Allahuye) Rabbi (swt) duliga waa uu naga qaadi.

Ogaada qabyaaladu waa VIRUS oo haddii aadan diinka Alle u dugaalsan daaqada ayuu Viruskan kaala baxayaa.

Markaa waxaan leeyahay sidii my brothers Miskiin iyo Ismaaciil ayaan qabaa o ah: In Qabiilku Daawo laheyn, isbitaal lagu qalo ama lagu sanceeyana malaha qofkii uu aafaadkan ku dhacana waxaa daawo u ah Diinta Alle. Ee markaa Diinta ha loo soo noqdo.

Illaahoow noo gargaar.


Wa Billaahi Towfiiq

Walaalkaa Islaamka

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.
Ansaari & Ismaaciil.
Jazakumu laahu khayra wax badan baad ii faa'iidayseen,waxaan la yaabay cudurkaani sida uu saaxiibki ama qofkuu ku jiro, u duleeyo waxaad arkaysa qof walaalka ah, oo lagaba yaabo in aan jahli hayn ee aqoontiisa dhinac walba fiican tahay. balse saad isagu faraxsan tahiin oo uu u qalbi san yahay marka la yiraahdo qofkani waa qabiil hebal is galaya,ALAHA IDIN NOOLEYE BAL II SOO SHEEGA WAXA TAQAYURKA AMA IS BADALKA MARKIIBA QOFKAAS KU DHALINAYA???
Mida kale cudurkaani waa halis KIBIR QOFKA U JIIDA tusaale ahaan waxaan hotel wada dagnay nin ka mida madaxda jamhadaha soomaliya,waan yara sheekaysanay asagoo ka dharagsan mowqifkayga ana kiisa ka dharagsanahay, markuu xooga sheekadii waday buu intuu is hayn waayay yiri WAXAAN U BAABI'INAY SHIRKII NABADA EE DHAWAAN DHACAY KARAAMADAYADA & QAYBTA NALA SIIYAY UMA QALANTO REER WAYNAHAYAGA WAXAANA U ARAGNAY HADAY TAASI MEESHA TIMID INAAN HESHIISKAA DANI NOOGU JIRIN. fiiri kibirka iyo isla weynida meesha taal.
Runtii mowduucan waxaan walaalayal idinka rajaynayaa inaan idinka faa'iidaysto. bal aniga xataa naftayda inaan ka nabad galo maradkan ama jiradaan khatarta ee qofwalba oo soomaliya saamaysay, ilaa mid ilaahay u naxariistay mooye.
Jiradaani say ku dhalato aniga waxaan u maleeyay qofka asagoo yar baa rag qabiilka hor booda oo ku danaysanaya ay baraan nacaybka reerka dariska la ah.xooga qofku markuu soo koro malaha asagoo xanaaqsan oo ciil la karaya ayuu hanaqaada,waxaan kaloo u malaynaya in xukuumadahii soomalida soo maray in si xukunkoodu u jiro inay soomalida dhex dhigeen cadaawad,waxayna markii danbe ila noqotay in qabyaaladaysigii xargo goostay oo wax la xukumi waayo uu noqday.
RUNTII WAXAAN JECLAAN LAHAA DADKA AQOONTA U LEH JIRADAAN INAY SI FIICAN NOOGU FAA'IIDEEYAN.
WAXAAN KALOO JECLAAN LAHAA SIDA QURAANKU U DAAWEYO INAAD NOO SII YARA FAAHFAAHISAN,WAXA JIRA DAD QURANKA BARTAY IN AY KU DHAQMAANA JECEL HADANA MARKII TOLKA LA YIRAHDO AAN IS CELIN KARIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum!

Walaale Miskiin marka hore Jazakallaah. Marka xigga waxaan umaleynayaa in cuddurkani waligiis naheyn jirey waa haddee marka aad taariikhdeena dib u raacdid, ee hadda sabankan ayuuba nagu qarxay oo uuba cirka nala galay.

Su'aashaada ah maxaa taqayurka u keena ama ruuxu isu badalaa marka cidda aad tahay loo sheego waxaa ugu wacan walaale in qofku waagiisi hore cudurku si xun u taabtay oo uu dhulka dhigtay, kadibna qofku isbadal xagga deegaanka ahi ama mid kale inta ku dhaco ka tago dhulkii cudurku ku badnaa ama laga yiqiiney deedna yimaado dhul cudurku ku yaryahay amabase dadka uu hayaa ku yaryihin ayaa waxaa inta badan dhacda in xaraaradiisu extreamly hoos u dhacdo, yacnii cudurku aad u dago oo level hoose yimaado, amabase jirka isku qariyo oo qofku markaas is moodo nin aan dadkaba kale jecleen oo aay uwada simaan yihiin, uuna cudurkii ka bogsaday.

Markaa ninkaas asagga ahi haddii inta uu qabiilkaada ku weeydiiyay amaba suuqa kasoo ogaaday, ayaa waxaa dhici karta in hal mar SHEYDAAN majaraha inta uqabto, xasuusiyaa 70 sano ama shan gu' ka hor siddii aad qabiilkiisa qaabiilkaadu maalin u galay. Sheeko xumaatay halkaas ayuu cudurkii ninkii kusoo noqdaa.

Akhii MISKIIN xasuuso, soomaali waxaay tiraahdaa NIN WAALAN JIREY MA ROONYAHAY MOOYEE, MA BOGSADAY? LAMA DHAHO!. Markaa cudurkani waa isku calaamado (symptom) cudurka Waalida.

Waxyaalaha keena cudurkan Qabyaaliga waxaa kamida ah sidan:

1- Ilmuhu waxaay ka dhaxli karaan waalidka cudurkan. Sida la isku dhaxalsiiyana waa si (Verbal)afka ah oo ilmaha markaa lagu barbaariyo.

2- Diin la'aantu waxaay keentaa ama ka dhasha cudurkan heerkiisa ugu xun. Waana wax lahubo cilmiyan haddii Diini jirrin in cudurku ku dilayo. Qalbigu wuu qalalaa.

3- Kibirka badan wuu keenaa cudurkan, waayo haddii aad aaminsan tahay in aad usereysid arliga, qowmiyaddaha kalene hoos u eegtid, markaa shaki kuma jiro in cudurka astaamihiisi muuqdaan.

Qofka uu hayaa waxaa lagu yaqaan dhowr siyood:

1- Haddii aad qofkan hadda meel isaga soo baxdaan oo aad salaantid wuxuu salaanta kaaga qaadayaa si qaab darran oo la jecleysan, asagoo wajiga kaduudaya hadalkuna si fiican uga soo baxeyn.

2- Haddii aad 5 daqiiqo isla sii joogtaana wuxuu 100% isku dayayaa in uu ogaado cidda aad tahay wuxuuna ku weeydiin su'aalo sidan ah: "Muqdisho waa caasimadii ee oo waa lawada dagaa ee Somaaliya xaggeed kadegeneyd ama aabahaa ka deggenaa?"

3- Qofka cuddurkan qabaa haddii aad si dhab ah u fiirisid waxaad arki in qofku xasiloneyn.

4- waxaa lagu yaqaan gurigiisa, had iyo goor waa dunsan yahay, ciyaalku waa darxumeysan yihiin, naag meesha ma jirto, waayo ninkii reerka u waynaa ayaa cudur la jiifa.

5- Waxaa kaloo lagu gartaa waa ahlu BBC. Xumaan yaan loo qaadan yacnii dad badan oo wanwanaagsan ayaa BBC-da dhageysta balse ninkani maalin ma dhaafeyso, wararka BBC-da kuwooda xun oo cayda iwm ayuu ka sheekeeyaa.

Intaasi waa fikradeyda ku saabsan Qabyaaliga.

Alloow noo yasir

walaalkiin ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu calaykum.
Walaalka bilaabay mawduucan iyo walaalaha ka qayb qaatayba waad mahadsantihiin,hadii aan u soo noqdo mawduucan qabaliyada ama ku dhaqanka qabiilka waa sidaad uga hadasheen oo waa cudur dilaa ah ,oo ka mid ah cudurada ku dhaca ummadaha, waxay diintu ka qabtana iyo daawadiisaba idinka ayaa ka hadlay oo madoonayo inaan dib ugu noqdo,laakiin maadaama daawadii lagaranayo,dadka inta garanaysa dhibaatada qabyaaladuna aanay yarayn,waxaa su'aalo jawaab u baahan ah 1.sidee daawadaa intii loo isticmaalo loogu daawaynkaraa ummadeena?.
2.Ma haysanaa dhakhaatiir inagu filan oo aan iyagu jiranayn oo wax daawayn kara?.
3.jidkee loo marayaa ama laga bilaabayaa hawlahan?.
4.Dadka markasta Culumadu way kala hadlaan dhibaatda qabyaalada ,maxaa keenay inay dadku aqbali waayaan? oo qofku marka uu masjidka ka baxo,waa kii masjidka yimiye oo usii wataa ku dhaqanka qabyaalada ?
5.Mawaxay waayeen dadku ciday ku daydaan oo si toos ah uga tagta ku dhaqanka qabyaalada?.
Su'aalaha iyo qaar badan oo soo bixi doona ayaan isleenahay inaan jawaab u helo,doodeenuna noqoto mid mira dhal ah.
Walaalkiina islaamka Abdalla(Denmark).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Walaalayaal aad ayaad iigu faa,iidayseeen allaah khayr ha,idiinku badalo.
Walaal ansaari runtii hadalaadu waa ku sugtay khayr allaah hakaa siiyo.

Walaal miskiin anagu maahin kuwii kuu faa,iidaynlahaa ee waad ogtahay inaan cilmigaaga u baahanahy,weliba waxaad aad ugu fiicantahay habaka mawduucyada loo daadeheeyo.

Walaal anigu waxaan arkaa hab kamida hababka lagu daawaynayo oo ah.

Walaal dadka dunida joogaa waa inla qabaa inay qabaa,il yihiin ee inaga maxaa ina kaduway waxaan arkaa in lasheego qabiilka maxaayeelay hadii la qariyo oo layiraahdo qabri u qoda oo yaan lasheeg-sheegin dhibtiisi ayaan aragnay oo jid xun ayaa loo adeegsaday.

hadaad fiirisid asxaabtii iyo carabta oo dhan laqabka aywataan waa qabiilkooda faa,iidadiisana waa la,arkay oo wuxuu noqonayaa inuu lamid noqdo qofka magiciisa tusaale ABII DARI AL-QIFAARI DADKU WAXAY MOODAAN MAGICII AABIHIIS WAANA QABIILKIISI

WAXAANA ARINKAAS HIRGALIN KARA CULIMADA markaas waxaa meesha ka baxaaya taqayurka uu sheegay walaal miskiin.

Mis kale soomaalidu maba yaqaaniin qabiilku wuxuu yahay belo ayaa madax martay waayo marka ladiidaaayo qabyaalada macnaheedu waxa weeye inaanu qabiilkiisu xumaanta ugu gar-gaarin,inaanuu dadkale qabiilkiisa dartiis u xumayn.

Laakiin hadii qabiilku khayrka isku kaalmaysto waa wxa la rabo ee maaha qabyaalad sida waqtigii nebigu(csw) furanaayay Maka ciidanku wuxuu u habaysnaa muhaajiriin iyo ansaar oo hal koox ahaa iyo qabaa,ilkii islaamay oo mid walba goonideeda u socotosida markii uulahaa abuu sufyaan oo lahadlaaya cabaas ilaahay labadoodaba haka raali noqdee man haaadaa yaa cabaas markaasuu yiraahdaa taasi waa sulaym markaasuu yiraahdaa aniga iyo sulaymna maxaa iska kaaya galay,taasina waatuma waa muzaynah, yacni waa qabiil jihaadka isu soo bahaystay maanta waxaa laga yaabaa in qof ina kamida haduu arko arinkaas uu yiraahdo waa maxay qabiilku.

Hadaba hadalka waan kugu badshaye waa xal in laga dhigo magac oo kale oo qarinta laga daayo ilaahba sidaas ayuu ugu tala galay tacriif.

wabilaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
DHAMAAN AKHYAARTA,ANSAARI,ISMACIIL&C/LA.

Ansaari walaal runtii aad baad noogo faa'iidaysay ilaahay ajar ha kaa siiyo,sidoo kale ismaaciil& C/La. waxaana jeclahay dadka aqoonta & caqliga u saaxiibka ah oo dhan inay mowduucan nagala qayb qatan,bal ugu yaran ugu danbaynta inaan soo saaro shay aan xataa maqaal qoraal ah ugu qori karo soomalida joornalada ay akhristaan.taaso aan ku tilmaamayno dhalinyarada soomaliyeed ee dibadaha wax ka barata in markay isla lafa gureen masiibada soomalida halaagtay,ay soo saaren sidan.waxaan aad u door bidi lahaa qodabadu inaysan naga kala dhumin si gabagabada qoraaladan aan u aruurino.
Hadaan ku soo noqdo qoraladiini aan ku horeeyo Ansaari,Yaa Akhii Ninkaani haduu goor hore tuulada joogi jiray hada wax buu bartay,jahli badan baa ka haray,xataa shay shareecada ka mida inuu yaqaan ba dhici karta,marka maxay tahay sababta waxaani ugu mudan yahiin,oo jiradaani uga tagi la dahay??Mida kale cudurkan NABIGA SCW waxuu ku tilmaamay DACWATUL JAAHILIYA, markaa see loo dhihi karaa qof ayadu ku jirto wax buu bartay oo jahligii waa ka baxay,ama loo dhihi karaa nin ayadu dhex jiifto wax buu fahmay oo waa ahlu diin.
Aniga walaalahayow wax badan baa isku kay qaban waayay markan xataa arkay caamadi iska dhaafe ragii dacwada lafdhabarka u ahaa oo qarkod bahashii laga saari la'yahay.
Runtii akhyaarey wax badan baa si ah ee bal lafagura.Mida kale Ansari waxaa tiri cudurka waa la iska dhaxlaa marka NASUUSTA qaarkeed waxay tilmaamaysa in RIJAASHI NABIGA SCW RUMEEYAY oo aabayashood qabaliya xun ku jirtay ay ayaga waxba ka dhaxlin,bal qaarkod dadka kuway u jeclaayen dhagta dhiiga u daray,markaa ma waxaa ka wadaa JAAHILIINTA baa iska dhaxla oo sidii qoomkii nabi nuux asnaamta isgu dardaarmeen baa qabaliyada ehelkeeduna isagu dardaarma.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASAALAMU CALAYKUM.
To: C/LA.
Iga raali ahaada inaan ku soo noqdo ma jeclayn waxaan ilaaway su'aalahi C/La.
Hadaan walaal su'aalahaga intii fikradayda ka jawaabo.
1-Ma haysana dhaqatir nagu filan oon iyagu jiranayn?? Nacam walaal waan haysana dadka ilaahay dhowrayna ma yara oo ayagu bahasha garanaya,laakin dhibaatadu waxay tahay dhakhatiirti baa isku dhex jirta oo kii cudurku laftiisa hayay baa laga yaba inan dhakhtar fayow moodno oo daawo cudurka sii badinaysa uu noo qoro.
2-Jidkee loo maraya oo laga bilabaya,taas waxaan jeclan laha bal marka cudurkan aan si fiican isula aqoonsano oo lafo gurno inaan dib ka falanqayno,waayo cudur marka la rabo in la daaweyo waa in si fiican loo aqoonsada.
3-Dadka markasta culumadu way kala hadlan ee maxaa keenay in markay masajidka ka baxan in ay sii wataan dhaqankii qabyalada.
Waxa xaqiiqo ah qalbi qof labo shay xubigoodu ama jacaylkoodu inuusan ku kulmin,tusaale ahaan jeclaanta ILAAHAY & RASUULKIISA SCW iyo JECLAANTA QABIILKAGA IYO XATAA INAAD NAFTADA AYAGA U HURTO labo isu imaan kara maaha,maxa yelay ilahay & rasuulkiisu scw waxay mar walba kaa reebayan dulmiga iinsanka qabiilkuna waxuu ku faraya cidii reerka ku xadgudubta ama is qoonsadaan inaad ka hor tagto walow naftaaduba ha ku baxayse,marka waxan filaya in qofkani masaajidka la soo galay kalana soo baxay ee uusan go'aansan intuu masaajidka ku jiray in bahashaasi dib danbe u daba galin.
4- Su'aashada ugu danbaysa ee ah dadku ma waxay waayen cid ay ku daydaan oo si toos ah uga tagta bahashan. XAASHA LILAAH. ma ay waayin ALAHU AKBAR maxaa jooga nin markaad fiiriso cabsi alah kaaga siyaadayso, WALIGAA MA ARAGTAY XAFIDAHU LAAH SHARIIF C/ NUUR.MASE DHAGAYSATAY SIDUU DIINTA ALAH UGA HADLAYO,waxaan marka filayaa dad badan oo khayr badan oo lagu dayan karo waa joogane DADKA AYAA WAXAA KU XOOG BADAN WAXA KU JIRA OO CAADIFADA QABALIGA.
Iga raali ahow C/La hadaan wax isku qasqasay waa figradayda sidaniye,WALAHU WALIYU TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Walaal miskiin aad ayaad u mahadsantahay allahna khayr hakuugu badalo.
Walaal runtii arinka aad tilmaantay waa wax la dareemi karo oo aan la,inkiri karin,laakiin waxaan ognahay inay macaasi tahay jaahiuliya ah taasna waxaad ogaataa ibnu aadamku macsuum ma aha ee kuligood waa gefaan waxaana ugu khayr badan kooda soo laabta,taasi waataa.

Marka hore mawduucaan si hoose u gelimaayo oo waad og tahay sababta dadku isku faham ma,aha marka waa in wax walba aan labandhigin.

Anigu waxaan arkaa arinkaan waxaa keenay waxa lagu magacaabo DACWATUL-YAAQOMII taasi ah arin wanaagsan laakiin ah mindi labo afleh ama aday kugoyn ama adiga ayaa wax ku goyn faa,iidooyin badana waa laga helay rag badana way cuntay.

Arinka kale oo keeni karaa waa jeclaysi beladkaagi khayr aad lajeclaatid duunal,aakhariin taasna waa xaasidnimo kuna bixinaysa qofka inuu layimaado xamiyatul jaahiliyah.

Taasna waxaa looga bixi karaa in labada arimoodba faraha maanta laga qaado maxaayeelay waxii baan dhab loo fahansanayn marka waaa macquul in khalad loo adeegsado.

Walaal miskiin arinka aad kahadashay oo ah inaan haysano dhakhtaro iyo isbitaalo iyo qoflagu daydo inuu jiro,aniga ismaaciil ahaan waan arkaa inay jiraan laakiin baahida jirata 10% ma buuxinkaraan,

Maxaayeelay hada hadaan ku iraahdo beled aydegantahay 6milyan oo qof meeqa dabiib ayay u baahan yihiin ugu yaraan waxaad dhihi kartaa 500,000 oo dhakhtar,hadaba walaal meeqa caalim rabaaniya ayaynu leenahay,aad ayay u yaryihiin bal waa latirinkaraa dalkii majiro ninjooga oo caalim ah ilaaba waan garan wax lagaranayo waa wax yar,waxaa loo baahanyahay 5,000 oo shariifkoo kale ah.

Wabilaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum!

Miskiin, Cabdalla & Ismail !
Salaan kadib!

Walaal MISKIIN waad ku mahadsan tahay Jazakalaah), waana fiican tahay in arrintan ah faaqidaad & fikrad is dhaafsigu uun sidaa looga harrin.

Horta marka hore qabiilku marna waa xun yahay (in a negative way) marna waa fiican yahay (in a positive way). Wuu xunyahay markii sidda xun xun loo isticmaalo, oo ah sida uu noqdo Cudur sida kan maanta wadankeeni haysata; marna waa fiican yahay oo waa markii iskaashato loo yahay wanaaga iyo wax wadda qabsashada is dhaqaaleenta iyo isu-qaaraamidda gaarahaaneed kuna saleysan sidda Diinteenu ogashahay.

O.K! Bal aan kusoo noqda MISKIIN maqaalkaadi dambe dhowr su'aal oon ka dhadhansaday oo quseeya maqaalkii hore ee aan meesha soo dhigay ayaan rabaa bal haddii Rabbi(swt) ii dimo in aan sii jilciyo.

1) Arrintii aheyd ninkii cidurka qabi jirey oo dhulkii cudurku ku halakeystay ka yimid, oo ka roonaadey cudurkii maxaa misna ninka cudurkii ku soo kacshay, illeen wuxuu yimid meel daawo leh oo DIIN looga dhaqmayo. Waxaan taas AKHII MISKIIN fikradey ahaan ka dhihi lahaa arrintan oo sal u ah ka bogsashada cudurka, la'aanteedna cudurku saas ku tagihayn:-

1- Cudurkaan daawadiisa waa in loo kaashado marka hore taqwada Rabbi (swt) iyo Iimaan buuxa. Iyo la jihaad nafsadaada oo ah in qofku uu dagaal shaqsiyan ah ku qaadaa nafsadiisa, uuna qalbigiisa iyo ficilkiisana is waafajiyaa. Waayo haddii qofku qalbiga (niyadda) kaaga jirran yahay, haddana ficil wanaagsan uu ku tuso, ka waran?
Taasna waxaa la oran karaa qofku ma buuxo, yacnii lugna xaggeey utaal lugna halka hadba meesha uu jooguu yahay. Runtii raggaan oo kale waanu aragnay meeshii kheyr lagu hayo waa ka koow, meeshii tolbeelay iyo wixii dhiig lahoowna wuu u horeeyaa.

2- Arrintii aheyd dhaxalka ubadku ka dhaxlaan waalidkood QABALIYADA, waxaan ulla jeeday yacnii haddii aabuh dawoosmi wayey oo cudurkan qabay, in uu si fudud ugu gudbin karo caruurtiisa, asagoo baraya naceybka qabiil habel iyo qabiil fulaan iyo faaqidaad xunxun oo si xun ilmaha masawir qaldan looga siiyo qabiilada kale. Markaa waad garan kartaa cunugii ku kora sidan in aad cudurku taaban karo.

Maanta markii la eego daruufta taagan hadda waxaa cudurkan uga badbaadi karnaa oo kaliya waa TALAAL, talaalkaasna aadmi gacanta kuma hayo, waxa kaliya ah ee haya Allaah (swt). Waayo siduu ISMAACIIL sheegayba daka xanuunsan iyo dadkii daaweeynlahaa isma tirsi le'eka.

Tusaale ahaan:

Tiradda dadka Somalia 7.milyan oo qof

Bukaamadda sida xun u jiran 5.milyan oo qof

Part-time bukaan 1.5 milyan oo qof (waa labo wajiila yaasha)

Inta ka caafimaad qabta 400,000-qof

Dhaqaatiir tabaruc ah (voluntary) 4000-qof

Dhaqatiir specialista ah (voluntary) 50-qof.


Markaa dhaqaatiirta caadiga iyo kuwa speacilistaha ah ma u dhigmaan mana u babac dhigi karaan bukkaanaddan, xataa waxaysan wax ka qaban karrin kuwa part-time jiroolayaasha (Kuwaas waxaan ulla jeedaa kuwa marna fiican marna cudurku kusoo noqdo. <Eeg maqaalka Ansaari ee hore>.

Markaa fikrad ahaanteey (Raali iga ahaada arrinka waan ku talax tageye) waa in aan ku duceysano in Alle (swt) noo soo saaro TALAALKII ugu dambeeyay ee aan uga bixi laheyn marxalladan iyo taariikhdan madoow ee na soo martay! =Aamiin=


Wabilaahi tawfiiq.

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.
ANSAARI& ISMAACIIL,
MY BROTHERS aad baad u mahadsantahiin saad iigu faa'iidayseen.waxaana jeclaan lahaa walaalaha kale inay figradooda nagala bakhaylin si aan jiradaan halista akhbaarad dheeri ah uga helo.

ANSAARI waxaan aad ula yabay sida aad u kala qaybisay soomalida siduu cudurkaani u saameyay ama ugu jiro,waxaana oran kara waa arin hadaysanba sidaa ahayn u dhow.waana wax murugo badan waayo cudurku wuu sii faafaya madama aan dhakhaatiir la hayn waxaadna ku garanaysa 90kii markii dagaalka ahliga sida weyn u qarxay dadkii dagalada aadka uga qayb qaatay waa wax dhintay iyo wax dhaawac la kici la' marka waxa meeshi soo buuxiyay kuwii yaryaraa ee cudurka qaaday wax ka daaweeyana aan helin.
TAAS SAAS UGA GUDUB,DOODA KALE EE AAN FURAYA WAXAY TAHAY,waxan shaki ku jirin ARINTAN MEEL kale baa laga dhaqaajinaya oo MASHIIN KALE oo xoog badan quwadna leh baa jira marka kaasi maxuu yahay??????
Tusaale ahaan dadkaan masaakiinta ah oo isha daran dagaal ma wadi karaan,haday waxay cunaan ka helaan wadankan dhaqaalahiisa & noloshiisiba burburtay bay faa'iido qabaan, markaa xagee ka imaanaya dhaqaalaha dagaal oo aad ogtahiin dowlado taagan inay wadi waayen,lagu wada dagalka somaliya ka socdo.
Tusaale ahaan ITOOBIYA oo aad ogtahiin inay dowlad dhisan tahay waxay eretariya dagaal kula jirtay mudo sanad ah waxay hada codsatay in dalkeda la badbadiyo dhibatoyin badan oo haysta ayadoo sabab uga dhigaysa inay mudo sanad ah dagaal ku jirtay,HADABA SOOMALIDU HADAY SAGAALSANO DAGAAL KU JIRTAY YAA KA BIXINAYAY HADASE YA KA BIXIYA,ADIGUSE MEEQAD DHIIBTA??
ISMACIL ARINTA AD KA HADASHAY EE DACWO QOWMIGA WAA WAX JIRA BALSE AAN DIB U DHIGNO.
WALAHU WALIYU TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM!

My Dear brother in Islam "MISKIIN" waad ku mahadsantahay respondkaada!.

Walaal Somaliya iyo Itiobiya mala isla barbardhigi karo, ooy tahay sababtu itoobiya waa dal kufaar talada hayo, waa dal in kastoo about 80% of population yahay dad muslim ah haddana waxaa lagu tiriyaa dal GAAL oo kufaarta kale waa ay xisaabsadaan.

Itoobiya hal sano iska dhaafee hal bil in aay dowlad la'aan noqoto ma larabo. Ayagaa liidnimada iyo gacma hoorsiga iyo horumar la'aanta u dhashay maahinee ma larabo in aay noqdaan sida SOMALIA "The land of no one".

Waa multi-ethnic country, intaas oo shucuub, qabaailo ayaa ku nool haddana waa dowlad.

Sidaad adiguba sheegtay ARRINTAN meel kale ayeey ka xirmi la'dahay waa DIBADDA.
Cudarkan aduunyadda horey umartay wuu ku dhici jirey -(ayagu meesha aan qabiil isticmaalno, waxeey isticmaali jireen tritooriyo gobol gobol)- balse cudurka waxa ay kudabatireen sidan. Ayaga gudahooda ayaa inta ka fariisteen ku heshiiyeen in aay iscafiyaan isuna qalbi fiicnaadaan cudurkana la soo aaso. Waayna u hagaagtay.

Halkaas waxaad ka garan kartaa in aay ayagii is-daaweyen oo aay marnaba daawo DIBADDA U DOOOOOONAN.

Maxaa annaga maanta naheysta? Daawadii waxaay noqotay in Dibadda ka SUGNO!. Kol haddii aanu annagu garan weynay in aanu IS-DAWEEYNO, waxaay nagu kalifaaysaa in aan DIBADA U QAYLSANO si naloo daaweeyo.

Yaa markaa nadaaweeynaya?"
-"Waxaa dooneysa in aay na daaweeyso dhaqaatiir "DIBADDA" ah."

"Imisa dhaqtar ayaa nagu qoran si aay noo daaweeyaan?"
-"Waxaa nagu qoran MAREYKAN, ITOOBIYAAN, CARAB, KENYAATI, YAHUUD, IBLEEYS"

"Heshiis se ma ku yihiin habka naloo daaweeynayo?"
-"Maya!. Carab (masar iyo libiya) iyo Kenyati waa meel. Mareykan & Ibleys & Yuhuud waa meeloo howsha hanaloo daayo ayeey leeyihiin."

"Mas'uuliyiinteenu taladda daaweynta waxma kuleeyihiin?"
-"Maya!. Qoloba koox ayeey raacday. Tallana kumalahoo, waxaa lagu yiri: -kiniinigaan idiin soo qorno liqqa waydun bogsoon'e-".

"Oo hoogooyinku maxaay dawadda u billaabi la'yihiin?"
-"Waxaay u bilaabi la'yihiin sharuud ayeey nagu xirreenoo ilaa aan shuruudahaas ka soo baxno dawo ma leh. annagiina shuruudihii ku heshiin weynay!."

"Bisinka! Oo maxey yihiin shuruuduhu?"
-"Waxaay yihiin: "in aan marka hore Diinta meesha ka saarno oo aan tuurnaa, kadib aan annagakan xukunka isku haysana aanu qabiil qabiil isu kala reebnaa oo mid uun naga soo baxaa (fiinalmeento)."

"Saa saas ma la yeelay?"
-"Waa layeelayoo Madaxdeenu Diinta ma ogola oo waa ay la dagaaleysaa koow dheh annagiina weli waan is garaaceynaayoo weli makala adkaan."

"Saa maxey yeeleen? Almiino xoggaa sharoobo iyo wax uun ma idiin bilaabeen?"
-"MAYA!. waxba nooma aysan billaabinoo halkaa geedka hooskiisa ayeey harsanayaan oo naga daawanayaan naguna daneysanayaan"

Markaa walaal saad korkan uga jeedidba Daawadii CUDURKAN dibadda ayeey TAAL. Markii aan iska daweyn weeynay illeen daacad haddii aay jirto waa la daween karaaye markaa waa dibadda loo radshaa.

Dhaqaatiirtii na daweeyn laheydna waa MAREYKAN, YUHUUD, XABASHI, IBLEEYS & XUSNI MUBARAK.

Marka Ma hilmaami karnaa fikradda ah in qaruun kale cudurkan naga daaweyso, oo annagu dhexdeena ma kawada hadli karnaa isna daaweeyn karnaa?

Daawo DIBAD ma jirto ayadoon INTERST adiga lagaa laheyn. Dhaqaatiirta interstigooda (danahooda) ma ka bixi karnaa? Danse manoogu jirtaa?


MISKIINOOW xaggeed u maleynaysaa in uu yaalo mishiinka aad isleedahay wuu xallin karaa arrinta?
Yaase mashiinka haya ayaad is leedahay?


Alloow noo dabo qabo!

Ansaari!

FG:- Mowduucan walaal/walaalo kasta waa u furan yahay ka qeyb qaadashadiisa!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu calaykum.
Walaalayaal mawduucani waa mid aad ux iiso badan loona baahanyahay, inaan si qoto dheer uga doodno oo aan isku dayno ugu yaraan sida walaalkeen Miskiin sheegay inaan qoraal ka soo saarno.
Walaal Miskiin waxaan jeclaa inaad isku xil saartid inaan ururisid nuqdooyinka muhiimka ah ee aynu qoro,isla markaana aad isku daydo inaanu mawduucu meel kale inooga leexan.
Hadii aan usoo noqdo mawduuca ,waxaa jirta arin aan isleeyahay hadaynu isla fahano ,wax badan bay tari lahayd ,taas oo ah in habka dhismeed ee qabiilka soomaalidu uu ka duwanyahay kan ummadaha kale lahaayeen ama hadda leeyihiin,hab dhismeedka qabiilku soomaalidu ma aha mid ku dhisan nidaam iyo kala dambayn ,ama cid qabiil kasta aan laga daba hadlin,oo isagu go'aan buuxa ka qaadan kara arimaha qabiilka nooc kasta ooy doonaan ha noqdaane,laakiin waxaa jira odayaal iyagu qabiilka dhexdiisa magac ku leh ama darajo ku leh,iyagana intooda badan ,waxay shaqadoodu ku egtahay arimaha ka dhaxeeya qabiilka iyo qabiilada kale ,ama dhexdhexaadinta qabiilka dhexdiisa ,laakiin wax intaa dhaafsiisan kuma laha nolosha qofka qabiilka ka tirsan,sidaa daraadeed qofka soomaaliyeed noloshiisii waxay noqotay ama uu qabatimay,inaanu jirin cid uu arimaha noloshiisa uga dambeeyo,mana jiro qofka soomaaliga ahi sharci uu dhawrayo ama uu ka daambeeyo,inuu cabsado mooyaane,laakiin hadii ay soo wajahaan arimo kale sida dhac ama waxyeelo uga timaada qabiil kale , waxa uu garanayaa inay jiraan dad kale oo ay isku abtirsiimo yihiin oo u hiilinaya ,hab dhismeedka qabiiladeena ayaa sababay inaanu qofka soomaaliga ahayni dawlad noqon,ama mudeec noqon.
Mawduuca waan sii wadi doonaa hadii Alle idmo laakiin waxaan uga tagayaa walaalaha kale.
Abdalla

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shafici

Unrecorded Date
akhyaareey waad mahadsantihiin in aad sii lafagurtaan cudurkan. Laakiin waxaan idinleeyahay in cudurkan inta soomaali aastay berri fogeeto ayeey haddana kuwo baas gacmahooda kulasoo baxeen ooy soo fagteen oo la soo baxeen. hadda wuu dilaacay oo lama aasi karo. waxaa kaliya loogu assi keraa waa diinta oo si fiican lo qato. garadoow?
Shafici

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.
AKHYAAREY DHAMAANTIIN WAAN IDIN SALAAMAY.
Mowduucani meel buu hada ka dagayaa,bal aan idin xasuusiyo waxaan soo maray.
1-Inaan isla qirsanahay in cudurkaani yahay kan soomali maanta meeshay taalo dhigay,gaalo iyo muslina markay soomali ka faaloonayan soo raaciyaan in soomalida reer reer baabi'isay.
2-Waxaan kaloo soo qoray islana aragnay cudur haduu jiro inuu daawo leyahay.kana daawadiisu tahay diinta islaamka,oo siday tahay loo qaato ee aan lagu hayn diinta u xala.
3-Waxaan is waydiinay oo yaa dadka ku daawaynaya diinta,takhaatiirse ma haysana? haday jiranse ma nagu filanyahiin??
4-Waxaa noo soo baxay sida soomalida cudurku ugu dhaco iyo say u kala dhaxlaan iyo waliba dhakhaatiirta wax daweeya is leh qaarkood in cudurku asiibay.
5-Waxaanu ka hadalay in dhibaatadu haday soomalida ku ekaan lahayd ay saan ka fududaan lahayd ee uu jiro MASHIIN WEYN OO WAXAN HADBA KARAR GALINAYA.
6-In dadka qaarkii xalka ay ka dhowrayaan dibadaha in laga damiyo dabkaan holcaaya mase ay ku xisaabtamin meesha laga soo hurinayo inay iyada tahay.
7-Waxaan kaloo ka hadalay in nidaamka qabiilka ay hayaan odayaal aan xerada reerka dhaafin,qofka qabiilka ka tirsana ku tiirsado marka uu u baahan yahay,marka kalana uu dhaho ha igu soo dhicina.
XAYAAKUMU LAAH INTAAS BAAN SOO URURIYAYE BAL KU SOO DARA WAXAAD TABAYSAAN SI AAN QODOB QODOB UGA DOODNO.
KUNA XISABTAMA IN DARASADKII BILAAMEEN OO FIRAAQADU YAR TAHAY,MARKAA KA FAA'IIDAYSO OO SOO BOOQO MEESHA MARKAD FIRAAQO U HESHO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Cudurka qabyaalada wuxuu ahaa cudur jiray inta Islaamka uusan immaan wuxuuna aad ugu badnaa dhulalka carabta. Arintaas waxaad ka dhadhansan kartaa gabayada carabta ay tiriyeen berigii Jaahiliyada jirtay. Waxaa ka mid ah gabay uu tiriyay nin ka mid ah ee uu leeyahay:

Wahal an Illaa min Quzayah in tarshud Arshud wa in qawat Quzayah qawaytu

Micnihiisa waa "Waxaan ka dhashay qabiilka la yiraah Quzayah, haduu qabiilkaa tooso waan toosayaa, haduu marinhabaabana waan marin habaabayaa". Taasi waxay tusaysaa in caqligooda iyo fikradooda ay ku dhisnayd qabyaalad. Islaamka si wanaagsan ayuu u daaweeyay cudurkaa waxaa ka hadlay aayado iyo axaadiis fara badan oo ay ka mid yihiin

1)Aayada micnaheedu yahay"Dadoow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhedig waxaana idinka yeelnay shacbiyo iyo qabiilooyin kala gedisan midkiina ugu wanaagsan Allaah agtiisa waa midka idinkugu cabsi badan" Aayada waxay tuseysaa in waxa Eebe kuu dhawaynaayo uu yahay camalkaada ee uusan aheyn qabiilkaada, midabkaada, hantidaada. Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri(Eebe ma fiiriyo jirkiina iyo muuqaaladiina balse wuxuu fiiriyaa quluubtiina iyo camalkiina). Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Ruux carab ah ka fadli badna kamana wanaagsana ruux cajami ah inuu ka cabsi badanyahay(Eebe uga dhawyahay) maahee". Abii dar ayaa nin kale oo saxaabi ah wuxuu ku yiri "Midka hooyada madow ay dhashayoow" Nebiga(S.C.W) waa uu xanaaqay wuxuuna ku yiri Abuu dar "Waxaad tahay ruux ay Jaahiliyah ku sugantahay".

2)Islaamka wuxuu walaaleeyay dadkii muslimiinta ahaa walaaleyn ka duwan tii ay horay u yaqaaneen. Walaaleynta Islaamka mahayn mid ku dhisan qabiil, midab, degaan IWM. balse waxay ahayd mid ku dhisan diin iyo Alle ka cabsi. Dadkii shalay is necbaa, is baabi'iyay, is xasuuqay ayaa maanta walaaloobay kadib markii ay dhadhamiyeen macaanka Islaamka ayna heleen Ruux ku tarbiyeeya tusana wanaaga Islaamka oo wuxuu ahaa Muxamad Ibnu Cabdillaahi(S.C.W). Walaalayaal, Qur'aankii walaaleeyay Asxaabta maanta wuu na horyaal, Sunnadii walaaleysay Asxaabta maanta way na hortaal ee maxaan u walaaloobi la,nahay..waxaa ii muuqanaysa inay naga maqanyihiin Culumo MURABIIN ah oo nagu tarbiyaysa Islaamka sida Rasuulkuba (S.C.W) u tarbiyeeyay asxaabta. Walaalayaal aan soo saarno culumo oo aan dhisno dugsiyo & macaahid Islaami ah oo ay kasoo baxaan culumo fahamsan Islaamka saxa ah. Waxaa maskaxdeyda ku soo maaxanaya hadal uu yiri Sheek Albaani oo ah inaan u baaahanahay "AT-TARBIYAH WA TASFIYAH"

3)Walaalayaaal aan yareeno waxyaalaha kicin karaaya dadka dhiigooda sida gabayada ku salaysan qabyaalada, shirarka looga hadlaayo qabyaalada, dhegaysiga BBC oo aad uga qeyb qaadata arimahaas IWM. Waad la socotaan in laba nin oo Asxaabta ka mid ah, midkood uu yahay ANSAARI kan kalena MUHAAJIR, ay ku dagaalameen ceel dushii. Kii Ansaariga ahaa wuxuu u habarwacday Ansaartii, kii Muhaajiriga ahaana wuxuu u habarwacday Muhaajiriintii waxayna isu soo qaateen hubka ayna ku sigteen inay dagaalamaan hasayeeshee waxaa dhexjoogay Rasuulkii Eebe oo qaboojiyay dhiigooda.

Qof walboo muslim ahoow ka baabi'i qabyaalada qalbigaada. Ha taageerin qabyaalada (ha ku taageerin xoolahaaga hana ka taageerin qalbigaada). Walaal ogow qabyaalad qabri kula geli mayso qabiilna Janno ku geynmaayo. Walaal ogow qabyaaladu qaran dhisan ayay dumisaa ee ma dhisto qaran burburay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hersi

Unrecorded Date
Asalaama calaykum waraxmatlah

Akhwaanii salaan ka dib ,waxaan idin leeyahay jazaakumulahu khayr, runtii si aad ah ayaad noogu faa'iideyseen ilaahay ha idinka abaalmariyo.
Walaashey deeqa waxaan leeyahay ilaahey ha kaa jazeeyo wanaaga aad noo dardaarantay.

Walaalayaal, waxaan u malaynayaa waxii nasuus ahaa
oo macruufka ahaa oo ku soo arooray mas'aladaan waxaa horey si wanaagsan uga hadlay walaalihii iga horeeyay. Waxaan ana ka oranayaa arintaas xadiiskii rasuulka alle muxamed uu yiri " ka taga qabyaaladda waa qurune!!",inay qurun tahy waxaa maanta daliil cad ka dhigi kara waxyaabaha ka dhacay wadankeenii sagaalkii sanno ee ugu dambeeysay,waxaa dhacday inay is dileen wiil iyo abtigii,will iyo seedigii ,labo wiil oo isku madraso ahaa ,iyo dhacdooyin kale oo qurun ah .

Waxaan jeclaan lahaa inaan walaalahey u sooceliyo suaal ah : MARKA TAARIIKHDA DIB LOO RAACO ,ILAA GOORMA AYAY SOOMALIDU ADEEGSAN JIREEN CUDURKAAN QABYAALADDA ? MARNA WELIGOOD MA KA DAAWOOBEEN?.
ilaa waagaan soo garadsaday waxaan maqli jiray rer hebel iyo reer kalaa is laayay , marka walaalyaal aniga waxay iila muuqataa in cudurkani uu soomaali oo dhan asiibay ,haddii ay jiraan wax ka badbaadayna ay yihiin wax yar oo faro
kutiris ah oo ilaahood u naxariistay. Waxaad walaalayaal ka soo hadsheen daawada keliya ee cudurkaan inay tahay Diinta islaamka in loo qaato si kaamil ah,oo qofku uu isku taxalujiyo sidii uu uga bogsoon lahaa cudurkaan isagoo base ka dhiganaya qur'aanka iyo sunaha.

Waxaan jeclaa inaan halkaan idiinku soo gudbiyo qiso yar oo ku saabsan sida ay QABYAALDDU u asiibtay xitaa dadkeenii ahldu-diinka ahaa.:
Waxaan joogay soomalia markii dasgaalkii ahaligu dhacayay sanadkii 1991 ,waxayna ahayd markii ugu xumeyd oo sida ba'n la isku laynayay.Waxaa soo gashay bishii ramadaan , habeenkii waxaan tukan jirnay taraawiix ,waxaana iimaam noo kala ahaa laba shaab oo muxaafidiin ah oo is nasin jiray ilaahay khayr ha siiyee . Haddaba arinta aan sheekada ka rabo waxay tahay , marka salaada la dhamaysto ayaa masaajidka debediisa sheeko loo istaaga ,waxaa ku jira rag culumo ah ,raga kale oo iska caadi ah markaasbaa waxaa la sheekeystaa sida maalintaas la isku dilay iyo sida la isku baabi'iyay.Ragaas shucuurtooda waad jaabaysaa markaad aragto sida aya u farxayaan marka loo sheego sida xaalkii dagaalku u dhacay,sida qabiilkoodu wax u laayay. Marka walaalayaal waxaan ka wadaa qabyaaladdu waxay saameysay qof kasta oo soomali ah culumo,iyo caamo intaba .


Xalka,iyo daawadu waa cad yahay waana in la helo dad culumo ah oo iyagu ka bad qaba cudurka ,oo u sheega dadka meesha daawadu taal.Waxaan jeclaan lahaa inaan intaas ku soo koobo waxaan ku darsan lahaa mowduucan. aad ayaadna u mahadsan tihiin sida aqoontu ku dheehan tahy oo aad isugu taxalujiseen inaad noogu faa'iideysaan .

Wabilahi towfiiq

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.