site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WALAALAYAAL MA DENBI AYEY NAGU TAHAY?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: WALAALAYAAL MA DENBI AYEY NAGU TAHAY?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SU,AAL QABE

Monday, February 12, 2001 - 06:57 am
BISMILLAHI
ASALLAAMU CALAYKUM
Walaalayal salaan ka dib iiga soo jawaaba sua,aashan qofkii i dhaanta xagga diinta.
Waxaan ahay nin xaas iyo caruur leh,marka canuga ugu yar wax yar ayuu jiraa sidaas darteed waxaan degenahay wadan gaaleed(qurbo).Sidaas darteed waxaan isticmaalaa caaga ragga gashtaan markey la jameycaayaan xaaskooda (condum) si ay uur u qaadin ma denbi ayey igu tahay? nagu tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Monday, February 12, 2001 - 09:12 am
to su'aal-qabe
assalaamu calaykum
walaal waad mahadsan tahay sida aad ugu bandhigaysid ama aad ugu miisaamaysid umuuraha shareecada islaamka.
walaal isticmaalka qalabyada la isticmaalayo waa danbi khaas ahaan marka uu qofka ictiqaadiyo in ay ilmaha ay celin karaan qalabkaas ama in uu ictiqaadiyo in taranka ay dhibaato kayneeyso, laakiin hadii sixxada habarta ama sixxada canuga ay khattar ay galaan waa u banaan yahay in uu isticmaalo qalabkaas asagoo aan ictiqaadinin in ay celin karaan caruur ama sida gaaladu ay aamin san tahay in ay dhibaato keeni karaan ubadka badan ama taranka.
walaal waxaan kula talinnaayaa in aad ka fogaato qalabyadaas noocuu ahaadoba maxaa yeelay naf uu ilaahay ugu talagalay in ay abuurmaan cid celin karta majirto sidaas darteeda ka fogaaw qalab yadaas.
intaas iyo nabad galyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ottawa

Sunday, February 18, 2001 - 04:13 pm
Asalaama c ww Su'aal qabe si arintaada jawaab
kaafi lagaaga siiyo sababta aad u isticmaaleyso
manoo sheegi kartaa
a) ma arin ah in aad ka abaqeyso
tarbiyadooda miyaa
b) ma arin caafimaad baa dhinacay doonto ha ahaato labadiina
c) ma arin ah inaad rabtaan ama midkiin waxbarasho oo aad isku keeni weyseen caruurta tarbiyadooda iyo waxbarashada waqtixumo soo dhameystir si jawaab laguu siiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SU,AAL QABE

Monday, February 19, 2001 - 12:40 am
BISMILLAHI
ASALLAAMU CALAYKUM
Walaalayaal waxaan degenahay mararaykanka marka aniga waan shaqeeyaa dee waxaana rabnaa inaan u dhexeysiino labo labo sano ama saddex sano si loo nuujiyo mana jirto waalid ama walaal naga caawinayo korrintooda , dee arintaas ayaa keentayoo tan kalle annagu iyo ilmaha waynu caafimaad qabnaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 27, 2001 - 09:03 am
To: Haji

Walaalow, waxaan kugu waaninayaa, in aadan ku dagdagin su'aalaha qaar jawaabtooda, maxaa dhacay horey ayaa loo yiri"cilmiga yari wuxuu gilgilaa saxiibkiisa." Sidaa darteed, ka fiirso intaadan fidyoonin.
Asslaamu-callaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Wednesday, February 28, 2001 - 01:49 am
to anonymous
assalaamu calaykum
walaal wax aan saxnayn miyaan ku hadlay, hadii ay dhacday in aan ku hadlay wax aan saxnayn waxaad xaq u leedahay in aad iga saxdid ee ma aha in aad i aflagaadaysid.
mahadsanid
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fahiima

Friday, March 02, 2001 - 11:58 am
to haaji
a/aleeykum
walaal ayaad sheegeeyso ma jirtaa in aan ilmaha lakala dheereyn hadii aad taqaano noo soo sheeg
teeda kale walaal waxaan maqlay oo macalinka dugsiga noo sheegay in caruurta lakala dheereyn karo oo aad kala korsan kartid oo cunug walbo kugu leeyahay xaq ilaa laba sano in aad naas sii so oo wax is ticmaali kartid fadlan anigaba waan is ticmaal naaye ii soo sheeg aayad qur aan ah oo diideeysa ilmaha lakala dheereynayo mahad sanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Saturday, March 03, 2001 - 07:43 am
Ar maa dhaaftaan maskiinkaan ha iska jiro ilmo aan loo baahnayn inuu dhalo. Wadaad dhan inta konton ilmood dhalo kiiba ay rabaan gaalada inay usoo koriso ilmaha ayagoo intaana cay ula jeeda gaalada!

Adeerow who cares haddaad condom gashato iyo haddii kale? aqli aad ari go'aan ku gaartid ma qabtid miyaa? xaad noogu sheegee adi iyo xaaskaada waxa idin dhex mara. Ilaah ma waxaas soo faragelin kara? Kuwaan waa ka helayaan inay waxaas ka hadlaan barkee waxay xusuusinaysa shuqul sariireed ee dan ay adi kuu wadaan ma jirto.

Nabadey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Saturday, March 03, 2001 - 09:54 am
to fahiima
assalaamu calaykum
abaayo waad mahadsan tahay hadii aad weydiinaysid aayad qur'aan oo arintaasi reebayso, abaayo hadii aad ka hadlaysid dhanka caafimaadka caruurta ama caafimaadka hooyada waa gooni laakiin ilmaha ayaan kala dheereynayaa bilaa cudur waa mamnuuc oo wuxuu ilaahay abuuri rabu in aad ka hortagtid aayado farabadan iyo axaadiis ayaa u daliil ah oo halkaan lagu soo koobi karin.
mahadsanid
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2ma

Saturday, March 03, 2001 - 03:16 pm
assalaamu-calayku. walaalayaal sifiican oo cilmi iyo fikir iyo baaritaan ku dheehan yahay u dhagaysayta arimaha aan idiin soo gudbindoono.

waxaan marka hore idiinka cudur daaranayaa in aanan xafidsanayn xadiiskii iyo magacii kitaabta wax ka yiri arintaan.

Xerada qaxootiga ee somali banadir ee ku taalay dalka Kenya waxaa si is daba joog ah uga socday tafsiir quraan iyo kurursi cilmiga diinta muslimka.

Hadaba habeen habeenada ka mid ah oo aan qiyaasaayo in ay ahayd sannadkii 1994 anigoo masaajidka hortiisa maraaya ayaan la kulmay cashar ku saabsan arintaan oo laga tafsiiraayo lana macnaynaayo.

tobigu waxuu ku saabsanaa asxaabtii mid ka mid ah oo nabiga waydiiyey fal uu sameeyey in ay dembi tahay iyo in kale oo ahaa in uu kala baxay guskiisa marka ay biyuhu kasoo bixi rabeen, oo uu biyihii dibadda ku daadiyey. asxaab badan ayaa iyagana qirtay ka in ay sidaa sameeyeen ka dib ninkii.

Nabigu waxuu ugu jawaabay " aniga iyo Caa-isha ba waa samaynaa sidaas" oo wax dembi ah malaha."

hadaba anigoo soo xiganaya xadiiskaas aanan xafidsanayn iyo magacii kitaabka iyo magacii tobiga waxaa jeclahay in aan u sheego walaakay in ay banaantahay in ninku kadib markuu guda galo xaaskiisa uu ka reeban karo biyihiisa.

walaalayaal ha yaabina oo ha igu soo boodina marka aad akhrisaan qoraalkayga balse isku daya in aad baartaan arinta aan idiin soo gudbiyey. anigu qof muslim ah ayaan ahay wax aanan maqal oo aanan hubin idunkula hadlayo. anigu markaan meesha maraayey oo aan maqlay waa fadhiistay oo waa ka haray meeshii aan u jeeday. fajac ayay igu noqotay.

QOFKA suaasha soo jeediyey walaal si fiican uma hubo sabad in ay shardinayso samaynta falkaas iyo in kale, waxaan kaa codsanaayaa in aadan jidaysan ee aan adiguna dhinacaada ka baartid in kastoo aan hubo habeenkaa waxii aan maqlay.

adiga waxaa lagaa rabaa in aad baartid in ay shardinayso sabab iyo in kale . walaalahana waxaa u banaan in ay baaraan si ay u hubsadaan in arintaasi jirto iyo in kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fg.

Saturday, March 03, 2001 - 07:14 pm
Su'aal qabe asslaamu caleykum.

Walaal waxaa wanaagsan in culumada meesha ay joogaan su'aasha aad la tagto inkastoo walaalahana qofkii aqoon leh uu ka jawaabi karo. Waanadeyda sheekh waa sheykh weyn doono sida kuwa masaajidda wax ka aqriya weliba labo saddex yaa la weydiiyaa iyaga ka mid ah si aad u ogaato inta jawaabood ee su'aali leedahay.

Waxaan booqdey www.islam-qa.com oo webiste uu muraaqabeeyo Sheekh M.S almunajjid sida ku qoran. Su''ashaan oo kale yaa ku qoran waana tanee adiga TARJUMO ama QOF KUU TARJUMO raadso.


Question:

ASSLAMU ALAIKUM. I WANT TO KNOW WHETHER CONDOMS CAN BE USED.
OR WHAT IS THE MEANS OF PREVENTING PREGNANCY. WHAT IS THE ADVISABLE MEANS
ACCORDING TO ISLAM


Answer:

Praise be to Allaah.

It is permissible to use condoms so long as this does not cause any harm and so long as both
husband and wife consent to their use, because this is similar to ‘azl (coitus interruptus or
“withdrawal”). But it reduces the sensation of pleasure, which is the right of both partners, and
reduces the chance of conception, which is also the right of both partners. Neither one of them is
allowed to deprive the other of these rights. (For more information, see Question #1100 and 566). And Allaah is the course of strength.

Islam Q&A (www.islam-qa.com)

Sida ka muuqata meesha waa haa waad isticmaali kartaa oo wexey la mid tahay "AL CAZL" oo sida saxaabada yeeli jireen oo ah in bannaanka ay ku daadin jireen markey doonaan minada. Ogow, Warkeyga maahan final oo waxaad u baahan tahay inaad arrintan si fiican uga hesho jawaab dadka jawaabta bixiya ee culumada. Aniga waan kuusoo koobbyey adigana ula tag mashaayiqda warkan oo ka saxo.


Teeda kale RAAADI kitaabka SAXIIXA MUSLIMKA oo eeg baabkiisa "MARRIAGE" AMA "GUURKA" oo ay ku qoran tahay axaadiista caddeyneysa in Manida ninkii raba bannaanka uu ku daadin karo Ulajeeddadaba halaka duwanaatee. Qof walba isagaa og sababta uu u rabo inuu arrinka u sameeyo ee Muhimadda waa MA BANNAAN TAHAY?.

Waakan Axaadiistii iyagoo ku qoran Afka ingiriisiga ee iyagana tarjumo inshallah:

Chapter 22 : AL AZL (INCOMPLETE SEXUAL INTERCOURSE): COITUS INTERRUPTUS

Book 8, Number 3371:

Abu Sirma said to Abu Sa'id al Khadri (Allah he pleased with him): 0 Abu Sa'id, did you hear Allah's Messenger (may peace be upon him) mentioning al-'azl ?He said: Yes, and added: We went out with Allah's Messenger (may peace be upon him) on the expedition to the Bi'l-Mustaliq and took captive some excellent Arab women; and we desired them, for we were suffering from the absence of our wives, (but at the same time) we also desired ransom for them.So we decided to have sexual intercourse with them but by observing 'azl (Withdrawing the male sexual organ before emission of semen to avoid-conception).But we said: We are doing an act whereas Allah's Messenger is amongst us; why not ask him?So we asked Allah's Mes- senger (may peace be upon him), and he said: It does not matter if you do not do it, for every soul that is to be born up to the Day of Resurrection will be born.


Hadalkeyga kama dambeys maahan ee adiga raadso jawaab waafi ah iyo dadka kuu sheegi kara arrin go'an. Axaadiistana waxaad ka aragtey in manida bannanka lagu daadiyo ay okey tahay. Sababta aad u sameyneysana adigey ku jirtaa.

Wallaahu aclam.


Galool.

Perche perchaada maahane miyuusan sexku aheyn shey wanaagsan haddii loo sameeyo sida xalaasha ah?. Waxaan ceeb aheyna ceeb waad u arki jirtey wixii xunna waad xalaaleysatey. Odey, meesha wareerka iyo qaska ka daa dadka wax ha ogaadeene. Diintey wexeysan ka hadlin ma leh. Orodoo ktutubta axadiista aqri. Chapters dhan yaa loo qoondeeyey arrimahan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ottawa

Sunday, March 11, 2001 - 07:59 am
Assalaama calaykum ww
Walaal suaal qabe iga raali ahow mar dhow ma aanan soo gelin this page duruufo awgood.Su'aashe jawaabteedu waa sida fg uu usoo qoray.Waxaan kaliya raacinayaa
1)Inaad maskaxda ku hayso inuu condomku ahayn wixii wax celin lahaa ee uu yahay sababtii oo kaliya (Illahna uu yahay midka kuu suura gelinaya arintaada)Ilaahna aad talo saarato si arintaada laguugu suura geliyo.
Wasalaama caleykum ww.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.