site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAA SU,AAL QUSAYAASA DADKA DIINTA XAAQA WAXA KA YAAQANA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: WAA SU,AAL QUSAYAASA DADKA DIINTA XAAQA WAXA KA YAAQANA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TAALO DOON

Monday, February 12, 2001 - 06:01 pm
ASLAAMU CALAYKU DHAMAN AQRISTAYASH;

Waxan ahay gabadh xaas ah oo leh wiil yar marka dhibato ayaa igaa haysta ninkaygii oo mana garnayo wax an sameeyo ee si ficaan oo dacaad ah iguu soo jawaaba aflagaado la,aan. dhibaatad igu horeysa waxa weyn isago oo anaan waqti ii hayniin sabaabto ah maskaxdiisa ayaan waali ka soo dhamaniin sheekadi dhalinyaro nimadi oo wuxu ku fikir waqtiga unaan shaqaynaynin inuu la soo sheekeysto wiilalkale oo xasaas ah gurigooda waale waa igaa daacd markan dhawr jeer iskaga hornimid wuxu iguu yirahda waan iska dayn laakiin nin waxas oodhan uu soo jeeda maahiin runtii wuxuu shaqeeya week 3maalmod inta kale wuxu jecel yahay in uu waxa uu soo faa iidayo wiilasha wixii tacliinha ee ay uga bahan yihiin anigan ilaa iyo 3sano guri ayaa fadhiya runtii waan jeclaa haadu waqtiga iisamaxo an aqoontayda kordhiyo waxa nasiib daro ah ninkii oo anaan waxab ilaa qabanaynin oo xaata ii awooda in uu isaga xaata tacliinta uu dadka kale uu dhigayo anaa idhigi karo taasi waqtigeeday iska imaani ee kawarma anigo doonaya in aan lasheekeysto ayuu meelo kale jaad ku soo cunaya oo maaliinta danbe oo dhana wuxu doonaya inuu jiifo,maaliinta kusii xigtan uu suuqa marmarsiiyo kadhigo ,maaaliinti ku sixiigtayna wuuba shaqo taagay maxad ariinta noocas ah ka dhiihi lahaydeen anigan qof yar ban ahay habeen iyo maaliin madoodi karo oo waxan doonaya in aan iskaga taago oo wixii danbee oo illahay iqooray an iska sugo,walaalo yaal maxay arintasi diinla tahay idiinko dacaad uu soo jawaabaya. macsalaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nur

Tuesday, February 13, 2001 - 04:12 am
Talo Doon

Walaal xaq markii loo hadlo mushkilo ayaa ku haysata, haddaad sidaad ku sifeysay uu yahay ninkaagana, waa nasiib xumo, wuxuu la mid yahay niman badan oo Somali ah. Ummaddeenna ciqaabta daba socota wexey ka timid illow la illaaway Rabbigii na uumay. Hadalkan soo socda waa adag yahay, laakiin sida daawada wax kuu dhaama waan waayey, marka ha didin, ee u adkeyso hadlakeyga, waxaan kuula hadlayaa, sidii walaashey.

Marka, Mushkiladdaas waxaa ka horreysay mushkilad hore oo ah in gurigiinna uu ka fog yahay Allah, oo uusan aheyn guri xasuusata Allah ay ku badan tahay.

Guriga Allah xasuustiisa ka maqan yahay wuxuu noqdaa hoy sheitaan, wuxuuna keensadaa gurigaas askartiisa, cunnada waa la cunaa, maalka iyo carruurtana wa la qeybsadaa.

Gurigaas adduunka wuxuu ku noolaadaa hoog aakhirana dadkiisa caaqibo xun baa u dambeysa oo ah in la soo saarayo indho la'aan, markuu dhaho rabbigeygoow maxaad indho la'aan ii soo saartay , Allah, wuxuu qofkaas ugu jawaabayaa, sidaas baad u illowday aayaadkeyga, adna maanta waa lagugu illobayaa indhola'aanta.

Laakiin maa daama aad gabar yar aad tahay, nasiib baad leedahay, weli waqti baad heysataa, Allahna waa jecel yahay qofkii u soo laabta oo asaga uga soo magan gala dhibaatooyinka. Dhibka ku heysta waa baaqid laguu baaqayo inaad soo laabatid, ee hadduu Allah dan kaa laheyn nolosha waa laguu meceyn lahaa, dabadeedna waxaad ku waa bariisan leheyd naar. acaadanaa allahu minhaa.

Ogow, waxa dhib ku heysta qof kaa qaadi kara oon Allah eheyn ma jiro. Talana waxaa ugu fiican tan Rabbi kuu dhoweysa. Dhibna waxaa roon inuusan aakhiro kuu raacin.

Gurigaada waxaa ka muuqda in adiga iyo ninkaada aadan ka walwalin aakhiro xisaabteeda.

Qofna labo walwal la isuguma daro, Qofka aakhiro ka walwala, walwalka adduunka Allah ayaa ka kafaala qaada, qofkii hammigiisa oo dhanna uu noqdo adduun oo quro, Allah ma fiiriyo waadiga uu ku dhinto.

Ninkaada wuxuu ku adeecay sheitaan inuu caqligiisa dayaco uu daroogo Somalida ay u taqaan jaad cuno. Jaadka waa habka sheitaanka uu ula shiraakoobo dadka maalkooda, maxaa yeelay maalkaas laguma bixiyo kheyr iyo carruurta ee waxaa lagu bixiyaa fasaad iyo waqti dhumis.

waqtiga dhumaya, waa kii lagu shaqeysan lahaa camalka aakhiro naarta kaa fogeynaya. maalka dhumayana waa kii aad ku iibsan leheyd raallinamada rabbigaada ood masaakiinta ku gargaari leheyd.

Arrintaas oo dhanna waxaa keenay oqoon la'aan aan la aqoon Allah.

Marka taladeyda ugu horreysa waxa weeye, haddaad rabto inaad mushkiladaan ka baxdo, Rabbigaada raadi. Dab intaad ka booddana dab kale ha ku dhicin.

Haddaad si dhab ah aad Allah u raadisid.

1. Mushkiladaan wey xallismeysaa
2. Qalbiga ayaa kuu dagaya.
3. Nolol macaan oo iimaanka uu kuu keenay baad heleysaa
4. Raaxada ugu weyn waa inaad Allah jeclaato, taasna waxaad ku gaari kartaa markaad asaga si fiican u taqaanno.
5. Allah waxaad si fiican ugu baran kartaa markaad quraanka fahamto.
6. Quraanka waxaad fahmi kartaa markaad qalbi ladan la timaado oo Rabbigiisa raba.

Maanta intaas ayaan ku ekeynayaa. Haddey waanadeyda ku anfacday ii ducee kuna camal fal, haddii kalena, Rabbigaada marna ha ka quusan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Tuesday, February 13, 2001 - 05:30 am
Asalaama celeykum,

Nur Allaha kaa ajar siiyo waanadaas ku saleysan diinta, lakin walaal waxay u egtahay inaadan fahmin gabadha dhibka heesta, waayo ma eysan ku oron Ilaah baan ka fogaadey ey waxay cadeysey iney dhib kala kulantay ninkeeda. Ayadoo waanadaada ey aad muhiim u tahay hadana waxaa muhiim ah in aan uu aqristo ninkeeda waayo asagaa sheydaanka la darsey, asagaa ka soo bixiwaayey xilka ey ku leedahay xaasikiisa iyo gurigiisa, asagaa si'daan u arko fahmi waayey baahida ey u qabto wehelkiisa, run ahaantiina waxay u egtahay in rageena badankood ey u maleeyan iney xaasku u baahantahay tobankaas daqiiqo saaran yihiin. Nolosha siiba tan qurbo waa mid cadaw ku aha guriga ku saleysan diinteena barakeeysan, marka hadaadan xaaskaaga la qeybsan jihaadka ey ku jirto oo aad ka dhigto iney raashin iyo TV kaliya u baahan tahay waxaa hubaal ah iney dhici doonto tan ku dhacdey waalsheyn arintaan meesha ku xustey. Guriga amirkiisa waa ninka, haduu ka maqan yahay uu jiif ama raashin kaliya u soo doonto guriigas wuxuu ku danbeyn jajab iyo kala tag sida maanta ku dhacdey qoosaska soomaliyeed ee ku nool dhulka reer galbeed. Somaliya markii la joogey xaaska waxaa u wehel yeeli jirey eedo, habar yar ama walaal, qaladna wey aheyd waayo wehel iyo kalgacal waxay uga baahantahay kan masuula ka ah. Lakin markii la yimid qurbo, eedo, ahabar yar, walaal iyo saaxib ma joogan oo midkasta waxay ku mashquulsan tahay sidey riba ama deen lagu leeyahay ku bixiso oo waqti kitaab la raacdo ama ehel lala sheekesto meeshan lama haleeli karo. Marka ninkii haduu xaaskiisa uga tago iney TV wehel ka hesho dee TVga wuxuu dadka ku waaniyaa bur bur qoys iyo waxa ey u yaqaanan xornimo lakinse ah cabiid u noqo shahwadaada.
Marka yaana xaqiiqda laga tilaabsan, rageena aad iyo aad bey howshooda uga soo bixi waayen, waano iyo wax u sheegna gabdhaha kaliya uma baahna ee kuwa biibitada turubka ku cayaaro maalinta habeenkana jaadka u fadhiista hala waaniyo.
Nabigeena (SCW) Caasha(RA) wuu la baratami jirey, wuu la kaftami jirey, wehelna asagoo rasuulkii Alla ah wey ka heli jirtey, marka ku dayasho ka muhiimsan tan Nabigeena(SCW) ma jirto, ee an ku dayano, xaasaskana aan wehel u noqono, meesha aad uga sheekeyneysid jamac iyo cali waxaa kaaga baahan xaaskaaga iyo ilmahaaga.
Marka walaal waxaa iga talo ah ha burburin hoygaaga ee intaa la jihaadi kartit ninkaada la jihaad, samirkaaga kordhi waayo maalin walba uu gurigaas ku taagan yahay calaa wajigada waxaa ogaataa inuu Ilaahey kaa ajar siin doono. Marka dadaal intii tabartaada ah. Hadaa Jidka Allana ku taagan tahay wax kasta uu kuula yimiido ibliss ama nin ha kuugu soo ganbado ama gabar saxiibtaada ah oo kuleh iskaga tag midkaan, adey guusha kuu danbeyn. Marna ha burburin hoygaaga ilaa ey ka fursan weydo. Waa ogahay iney sahalan tahay sida loo kala tago, lakin ogow ineysan kheyr ku jirin keli nooladka, oo waxaa kuso hunguryeenaayo kuwuu jaadka la cuni jirey markaad kala tagtaan, wey dhacdey waana arkey weyn dhici doontaa intan ku jirno xaaladaan aan gaalada uga dayaneyno, taas oo ah gummesiaga aan ugu jirno shahwada.

Allaha jidka suuban ku waafijiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 13, 2001 - 10:10 am
To: M, Nuur, iyo gabadha talada doonaysa.


Waxaan aad ugu faraxsanahay sida aad isaga waana qaadanaysaan waxana aad isugu sheegaysaan. Haddaba waxaan jeclaaday in aan aniguna sida ay ila tahay aan halkan ka sheego.
Mr/Mrs M ma fahmin adigu ubucda arintaasi ay ku salaysantahay. Sida ay ila tahayna adiga ayaan fahmin xaajada halkay katimid, kasocoto, ama kusocoto. Arinna marka aad talo kudarsanaysid waxaa la'iswaydiiyaa maxaa keenay? majiraan dhibaatadan dad ay ku dhacday? siddeese looga bixi karaa? Su'aalahaasi waxay kuu faa'iidaynayaan in ay kuu sahlanaato in aad aritaa xal u hashid.
Nuurow aad iyo aad ayaan ugu faraxsantahay sida wanaagsan ee uu Allah kuu waafajiyey in aad arintan hadaladaas runta ah aad ka tiraado ee waliba cilmiga ku dhisan. Gabadha daaye, aniga ayaa kuu ducaynaya oo ku leh, wax alle waxaad jeceshay oo ay Jannadu ugu horeyso Rabbi ha kuu sahlo, Ammin, Ammin.
Gabadha talada rabtaay, talo waa tii Rabbi, talada uu kuu soo jeediyey Nuur waa talo aad iyo aad kuu anfacaysa Aduunyo iyo Akhiro. Waxaanse anigu kuu raacinayaa dadbadan oo isleh Rabbi ayaad ku xirantihiin oo aan ku xirnayan ayaa jira. Haddaba waxaan jeclahay in aan ku waydiiyo su'aalahan kuwaasoo aan jeclahay in aan ku ogaado in aad Rabbigaa ku xirantahay iyo in kale.

1. Dambi markaad gasho, manaxdaa?
2. Markaad Katoobad keenayso maka walwashaa in Rabigaa kaa dambi dhaafay iyo in kale?
3. Mar walba ma ku fakirtaa in aad dhimanayso; aduunkuna uu yahay meel laga socdo?
4. Ma ku fakirtaa markaad wax sadaqaysanayso in aad Rabbigaa dartii u samaynayso si uu Akhiro kuu badbaadiyo?
5. Dadka Muslimiinta ma jeceshahay? Dhibaatadoodana ma kanaxdaa?
6. Diintaada ma ku faantaa? mana barataa?

Su'aalahaas oo idil haddii jawaabta aad ka bixisaa ay noqdaan haa; Rabbigaa waxaad ku xiran tahay ee sii badso kuxirnaata aad ku xirantahay Rabbigaa. Haddiisae jawaabtaadu ay tahay Maya; laga bilaabo wakhtiga aad arintan aad ogaatay waxaad ku dadaasha sidii aad ugu dadaali lahayd xariirka adiga iyo Rabbigaa idinka dhaxeeya; haddii aadan aqoon u lahayn xiriirkaas, waydii dadka aqoonta u leh arimaha diinta sida Nuurka kor ku xusay waanadiisa iyo taladiisa. Walaalay waxaan kuu sheegayaa tallo dadku ay ku seeyaani waxba kuuma tarto haddii xariirka adiga iyo Rabbigaa idinka dhaxeeya uu san fiicanayn.
Haddalkayga waxaan kusoo gababaynlahaa, qofkii xiriirka Rabigii hagaajin waaya, aduunyada ayaa lagu ciriirin, marka walaashayda waanada iyo talada rabtaay dhibkan ku haysta waa mid ka mid ah ciriiriga aduunka Rabigaa waxaan ahayn oo kaa saari karaan majiro sidaadarteed ku dadaal talada uu walaakaa Nuur ku siiyey. Aniga ahaan, Nuur ma'aqaano, waligayna ma'arkin, balso waxaan mirqaamay hadalada uu walaakay adeegsaday ee ku salaysan waxa nafta daawada u ah oo ah Diinta Islaamka.

Waa walaakiin oo intaa yar idinku darsaday oo idin leh, Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
Sidaa iyo nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m

Tuesday, February 13, 2001 - 12:09 pm
Anontmous sxb waad ku mahadsantahay sida aad uga qeyb qaadatey arinta lakin waxaada adiga iyo nur fahmiweydeen waa arin sahlan, waxaase dooraten inaad gabadha wax u sheegtan ama waanisan.
Aqyaarta yaan been u sheegeynaa?/ gabadha ma aha tan gurigeeda lagu kari la yahay,
gabadha ma aha tan maqaayadaha turubka ku cayaarta,
gabadha ma aha tan jaadka meelaha la fadhiisata,
gabadha ma aha tan gurigeeda ka meer meersata,
ninka ma aha kan sadex sano guri ku xayirnaa,
tan ugu danbeysa gabadha ma aha tan u diidey wehel ninkeeda.
Intaas an kor ku xusay waxaa ku kacay NINKA.
Marka ama ka meer meereysada ama meesha bugta taabta, gabadhaan waalsheyn ah, way noo soo tala doonatey, in ayadoo noo soo talo doonatey loo ikeesiyo si qof dulmi wada ma aha, markaad waanineysan u waaniya meeshey idinkala hadashey, nooneeyo inaa baab kale furtaan. Diinta wa muhiim lakin waza waajibkiisa ka soo bixi waayey ma aha ayada ee waa ninkeeda. Welina ma arag labadiina mid diyaar u ah inuu ninka eeda saaro. Hadaa run sheegeysan gabadha ha la weydiiyo meesha ninka laga heli karo, hadey daacad idinka tahay u taga intaa ka baddhaan u sheegten asagaa idinakaga baahan. Marka anonymous horan u arkey in arintan la iska indha saabo oo la saaro eeda meeleysan ku haaboonen, hadaa i weydiisayna inaan arkey tanoo kale, sxb jawaabta waa YES!! boqol jeer. In aan cadad iyo xisaab laheyn. Mid kastana meeshad ka istaagten baa laga istaagey, oo ninkii meeshii lala hadli lahaa gabadha la xaar xaarshey oo la yiri naa dhibkaada mooyee reerkada dhaqo. Mr iyo MRS waxba ha ku ganban hadaa aqrisey sidan wax u qoray ama walaashen ula hadley waad fahmi laheyd nin iyo naag waxaan ahay. Lakin waxay u egtahay inaadan fahmin waxan qoray siduusan u fahmin Nur waxay gabadha qortey.
Walaal mar labaad waxan kugula talin inaad tiirka Ilaahey adkeyso oo aad ku dadaasho gurigaas Islaamka ah sidaa ku adkeyn laheyd, wey adag tahay inaad keligaa sameyso lakin ha raja dhigin hadaa camal fiican sameyso Ilaahey baa kaa abaal marin..Iinsha_Allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nur

Thursday, February 15, 2001 - 01:33 am
M

Walaal, qof webi ku jira hadduu oomo, lama haqab tiri karo.

Allah wuxuu yiri " Wixii musiibo ah oo idin gaarta waa wax aad idinka kasbateen, (saasoo ay tahay) wax badan baa la idinka cafiyey"

Gabartaan dhibka heysta waa dambi ay ayada gashay, Allah qofna ma dulmo. Haddey halahaas fahamto wexey ogaaneysaa in horteed Nabi Allah loo fiicneeyay naagtiisii , Allah wuxuu yiri " Wa asklaxnaa lahu zowjah" ( Waannu u hagaajinnay xaaskiisa"

Marka qofkii raba inuu xaaskiisa ama ninkiisa ama waladkiisa uu Allah u wanaajiyo, waa inuu isaga is wanaajiyaa marka hore.

Tan labaad waa inuu qofkaas badiyaa istiqfaarka, maxaa yeelay, addoon aan Rabbigiisa xuseyn, qalbigiisa waxaa daga sheitaan. Marka Ninkeeda sheitaan baa u taliya, haddey ayada kheyr leedahay ma aheyn in nin qalbigiisa sheitaan degey ay doonto in loo soo celiyo.

Walaal, in gabartaan ay guursato marka hore waxaa u keenay in ay asaga isku si u nool yihiin, ama ayan u muuqan ceebihiisa, ama ayan wax ku qiyaasin waxa uu Allah iyo Rasuulkiisa wax ku qiyaaso. Hadda ayey ku baraarugtay dhibka ka fogaashaha Allah uu leeyahay, laakin haddey dareemi weyso meesha mushkiladeeda ku saleysan tahay, weligeed aflixi meyso.

Muskilada taagan ma aha nin soo hoyan waayey oo turub bannaanka ku soo dheelaya, mushkiladda waa qullub madoobaatay oo uu sheitaan u qurxiyey wax walboo foolxun.

Walaal, mushkiladda haddaad rabtid inaad BANDAID ku dabooshid, waa mid.

Haddii la rabo in gabartaan mushkiladeeda iyo gabar walboo Somali ah oo xaaladdeeda oo kale ku jirtain la caawiyo, wexey ka billaabaneysaa in Rabbigooda la baro. Asagaa ku filan.

Markey Rabbigooda bartaan, mashaakil kooda ayagaa kaaga filaanaya.

Aniga intaan ka fahmay gabarta waa in ninkaas meheradda ka dhigtay inuu daroogo cuno ay waxba ka qabin inuu daroogadaas gurigiisa ku cuno sida rag badan oo Somali ah. Haddey arrinta sidaas tahay, walaal, weel hoos ka daloola biyo lagama buuxin karo.

Midda kale, ogow in Talada Allah talo ka fiican ayan leheyn dadka, Allah wuxuu yiri " Yaasa Allah uga xukun fiican dad huba ( meeshey u socdaan oo aakhiro ah)"

Walaal, meeshaad rabtid u carar, meelaan Allah agtiisa aheyn kheyr ka helimeysid.

Walaal anon

Malaaikta Allah ha ka aqbalo intaad iigu duceysay iney adigana kuugu duceeyaan Allahan howshaan heyno wajigiisa oo khaalisa ah ka yeelo, miisaanka xasanaadkana noogu daro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 16, 2001 - 02:53 am
Walaal waxaan ahay naag Soomali oo xaas ah, waxaan
kugu waanin in aad fahamto dhinkaag habka oo ku noolyahay ama aad raadsato nin aan balwad laheen.
Labo kala dooro:
1. In aad ninkaad u gogoshid qaadka, uunsi u shid,
dirac qafif ah gasho oo la cun, habibi moyaan erey kale ha oron. Qof walib wuu ogyahay meesha oo oroon oo dhabarkane u riix.

2. Ama guurso nin fiican oo aan balwad laheen oo
qoraanka aad isla aqristaan.

Ha isku sheegin been. Nin qaad cuno uma soo xiisay naag aan balwad laheen. Waxaan aqaan wiil wadaad ah oo diinta raacda oo naagtiisan qaad la cunta rag kale, marka aduunka waaxaa ugu xun dad beenta ku nool. Fakir oo go'aan gaar habka aad rabto inaad u noolato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TAALO DOON OO IDIIN LEH QORAAL MANTA AYAA IGU DANBEEYSA .

Friday, February 16, 2001 - 06:40 pm
Aslaamuceyku Waaraxma tulahi wabarkatu Dhamaantiin

Horta waad ku mahaad santihiin sida aad uu dhan tihiinba Nur,M,iyoAnonymous. waan gartay si ficaan oo anaan dah iga sarnayan warkii an idiin soo koobo, qof waliiban waan gartaay wixii figrad uu iguu dhamay ee ad hawad iisoo mariseen,laakiin qaarkiin sidaadban ayaad ii fahanteen laakiin sidasi mahaa ee illahay dhamanteen ha naaga samaxo amiin, Nur. runtii waxan ahay qof illaahi uuntay ka baqdaa oo caabudo oo waalina ku sii hamiinaysa in ay ilmaheedan uguu booriido cabsiida illahay.Waxa iisoo haray.
Mr.M walaal adiga waxaa iisoo waydiisay in aan ahay qof illahay kabaqda "alxamdu illaha ayaa mahada leh waan leyahay ama wuu igu jiraa imaan iguu filaan oo habeen iyo maalinba illahay xasuustisa iyo taawxidkaba afka ayaan ku haya ee uufiirso "answer kada xooga siqaaldan ayaad ii aragta madama sidaa aan uumalenayo aad tahay nin.
Anonymous.walaal waad mahad san tahay sida ficaan ee aad igag riiday mr.m sabaabto ah sifiican ayaad ii fahantay waxaan su,aasheeyda ugula jeeday marka aad iisheegtay dhibatan oo kale in aad horay uu soo aragtay qof ay haysato walaalo waan lasocda intaa badan dhibatooyinka faraaha badan ee maanta aduunka sameeyay, marka walaalo waan ogahay inuu ''ILLAHAY MURAADKAYGA UU IISAHLI KARO,ANYTIME'LAAKIIN ILLAAHAY KA SOOKOW WAXA LOOBAHAN YAHAY TAALO WALAALTINIMO OO QOF WALIBA CAQLI IYO WAAYO ARAGNIMO AYAA LASDHEERYAHAY IN WAXA LA IISWAYDIYO WAXAN UU MALEENI INAY QALAD AHAYN, SIDA MR.NUR OO KALE WAXBADAN AYAAN KA FAAIIDAYSTAY ILLAAHAY HAAKA AJAARSIYO,WALAALOYAAL MAAR LABAD SIDA AAD UU DHAN TIHIIN MAHADSANIDIIN
HA LA IISCAAFIIYO ADUUN IYO AQIIROBA MAANTAN IGUU DANBEYSA WAXA DANBE OO ANSOO QORO.MACSALAAMA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Luq Nur

Sunday, February 18, 2001 - 02:21 pm
Ottawa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ottawa

Sunday, February 18, 2001 - 03:54 pm
Asalaama clk ww. Dhamaan dadka ka qeybqaatay talo bixintan waa ku mahadsan tihiin.Guud ahaan waxaan talo ahaan ka geysan lahaa
1)Qofka adigoon garaneyn ha xukmin(dembi ayaad ku geli kartaa)
2)Ha bixin talo ilaahey caradiisa keeni karta

Walaashey su'aasha soo weydiisay waxaan ku leeyahay waa imtixaan heysta dumar fara badan oo soomaali ah keligaa ma tihid.Imtixaanku si kasto ayuu ku yimaadaa sabirkaaga iyo sida aad u wax farsameyso ayaa la fiirin.Degdegana mar walba waalaga wanaagsan yahay.Marna haka quusan rabigaaga naxariista badan.Shalay dad wadaado ahaa ayaa maanta qaadka cuna, kan hadaad degdeg ooga tagto kan kale ee aad hesho magaraneysid wuxuu noqon doono.Talo ahaan

1) Habeenkii goorta danbe inaad soo toosto 2 rakcadood tuko ama in ka badan arintaada
ilaah usheego. keligii ayaad ka heleysaa waxaad rabto, Anagana Ilaah ayaan kaaga baryeynaa inuu kuu fududeeyo.(Gabar rasuulka css u soo dacwootay
dhib ninkeedii ku hayey intuu rasuulaka css ka jawaabin ayaa illaah kasoo jawaabay arinteeda eeg suuradda Qadsamicallah)
2) Wanaag kasta oo aad kusoo jiidan karto samee
haddii aan rag nahay si fudud ayaa nalagu soo jiidan karaa taas laguu sheegi maayo
3) La fariiso waqti haboon,oo uu diyaar u yahay inuu wax dhageyso, si degan uga wada hadla arintan, weydii dhinac kasta hadii ay jirto wax ku kalifaaya inuu gurigiisa ka cararo(si qeylo iyo dood aanan ahayn ee ah is fahmid mararka qaarkood waxaa dhacda waxa wanaaji adigoo is dhahaya si aan habooneyn inaad u sheegto arinta oo dhan ay sidii ka sii xumaato)
waan sii wadi lahaa lakiin inuu dheraado ayaan ka baqayaa.

Wasalaama c ww

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.