site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

{{ Ma xiisaynaysaa' CIIDUL ADXAA 'iyo arimeheeda?}}

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb. 16, 2001): {{ Ma xiisaynaysaa' CIIDUL ADXAA 'iyo arimeheeda?}}
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ilkacase

Tuesday, February 13, 2001 - 03:05 am
Asalaamu Calaykum.
((Ciidul Adxaa waa Ciida aynu nidhaahno Arafada))

Maalmaha Ciida Arafada in wax la gawracaa waa cibaado ka mid ah wax yaabaha ilaahay loogu dhawaado .inkaste oo ay suurto gal tahay inaynu iska sahashano,hadana waxa la odhan karaa waa cibaado lagu sharciyeeyay Kitaabta Quraanka ah iyo Sunada Rasuulka(scw) Umada Islaamkuna way isku raacsan-yihiin sharci ahaanteeda.

-In maalmaha CIIDA ARAFADA AH wax la qalaa ma sunaa mise waa waajib?
Maadaama oo aan anigu bogan furay waxaan isku dayayaa inaan su'aashan ka jawaabo,taa macneheeduna maaha inaan anigu fatwoonayo ee hadalada Culimada ayaan soo guurinayaa.

Jawaabtan Culimada islaamku waxay ugu qaybsan-yihiin laba jaanib.
(1)Waa sune mu'akid ah.Sidaana waxa qaba jumhuurka Culimada sida,Mad-habaha kala ah, Shaaficiyada,Xanbaliyada,Maalikiyada.Balse culimadan qabta inay sune mu'akida tahay iyaga lagtoodu way ka digeen in laga tago hadii la awoodi karo.((Sidee looga tagaa cibado Quraanka iyo Xadiithka iyo Ijmaacubu ku kulmeen inay cibaadada ka mid tahay)"Qolo meel dagani haday dhamaantood ka wada tagaan Adxiyada waa lala dagaalamayaa waayo waxay ka tageen arin way oo ka mid ah SHACAA'IRUL ISLAAM"

(2)Waa waajib in laga tagaana ma banaana.Sidaana waxa qaba Imaamu Awzaacii,Allaythi iyo Ibnu Taymiya iyo waliba Mad-habta Xanafiyada Maalik iyo Axmedna waxa laga soo sheegay hadalo ay ku tilmaameen inay waajib tahay, Muxamed Saalax Ibnu Cuthaymiina inuu waajibinayo ayaa hadalkiisa ka muuqata.

Inkastooy fiicnaan lahayd inaynu daliilada soo qorno hadana waynu iska soo gaa-gaab-sanaynaa.

Kol hadaynu soo ogaanay inay Arafadu tahay Cibaado wayn,waa maxay Axkaamteeda iyo Tilmaameheedu?Dadka wax qalayaa ma xaaslayduun-baa,mise qof-kastoo awoodi karaa waa inuu wax qalaa?Qofka doonaya inuu Adxiyaystaa muxuu iska ilaalinayaa?Hilibka Adxiyada sidee la odhanayaa, ma sida Soomaalidaa dadka sar-sare la soo casuumayaa, masaakiintana laga khashaafayaa?Iyo waliba arimo badan oo ku saabsan xiliga wax la qalayo iyo waxa la qalayo tilmaamo-hooda?Sidoo kale wadankii ma loo xawili karaa si dadka Masaakiinta ahi uga faa'iidaystaan fursadan dahabiga ah ee 'CIIDUL ADXAA'

Dhamaan walaaluhu way inoo faa'iidayn karaan,qof kastoo xiisaynayaana wuu nagala qayb-gali karaa Casharada amase Akaadamiyada Cilmiga ee ay leedahay ciidan inagu soo fool leh.((Lasoco..))

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ilkacase

Thursday, February 15, 2001 - 04:32 am
((((((((((((Qaybii labaad iyo Adxiyada))))))))))))

Waxa aynu kusoo gudo jirnay daraasad ku saabsan Adxiyada,isla mar-ahaantaana waxaynu soo tilmaanay
,hadaladii ay Culimadu ku cadeeyeen, muhiimada ay leedahay in wax la qalo maalmaha Ciida Arafada.

Qalitaankan Arafadu wuxuu ka fadli badan yahay iyadoo lacag ahaan loo sadaqaysto.
Ibnul Qayim-Aljawzina isagoo arintan ka hadlaya wuxuu yidhi;Diin kastaa waxay leedahay,salaado iyo gawricitaano wax loo dhigi karaa aanu jirin,sidaa daraadeed qofka'Mutcaysanaya ama Qiiraan-sanayaa'(Macnaha qofka xajaya),haduu lacag badan sadaqaysto isagoo ula jeeda inuu gawraca iska dhaafo,lacagtaasi halkii gawraca ma gaadhayso,Adxiyaduna waa sidaasoo kale.

C/Laahi Bin Cumarna wuxuu yidhi;Tobankii sano ee uu Nabigu(scw)Madiina joogayba wuu Adxiyaysan jiray.(Macnaha waxbuu qali jiray).
Xataa wakhtigii Nabiga(scw)Mar ay abaaro dheceen, oo ay dadka gaajo heshay, muu odhan lacag ahaan ku bixiya ee wuxuu yidhi;Iyadoo hilib ahaana bixiya.

Adxiyadu sida cibaadooyinka kale ayay wakhtina bilaabantaa wakhtina dhamaataa.

(((((((((((((((Goormay bilaabantaa))))))))))))))).
-Adxiyadu waxay bilaabantaa,marka Salaada Ciida laga soo baxo,qofkaan salaada Ciida tukanayna,wuxuu qiyaasayaa wakhtiga ku beegan Salaad ka soo baxa.Haduu qof salaada ka hor gawracana,Adxiyo noqon-mayso ee waa hilib caadiya oo uu iska qashay.Qofku haduu ogaado inuu salaadii ka hor wax gawracay, waa inuu neef labaad gawracaa!.

(((((((((((((((Goormay dhamaataa)))))))))))))))).

-Adxiyadu amase gawrucu wuxuu dhamaadaa maalinta
13-aad ee bisha Thil-Xija:Taa macneheedu wuxuu noqonayaa gawricitaanku waa AFAR CISHO,oo kala ah maalinta Ciida iyo sadexda cisho ee ka danbeeya!:"sanadkana waxay ku beegan yihiin -Inshaa-allaahu-5/3/01,6/3/01,7/3/01,8/3/01"

Sidaasina waa sida ugu xooga badan xaga hadalada Culimada,(Macnaha Afar cisho in wax la qali karo)Waxaana sidaa qaba.Imaamu Xasan Al-Basri,iyo Imaam Awzaacii,iyo Imaamu Shaafici,iyo Imaamu Ibnu Taymiya Iyo Imaamu Ibnul-Qayim,iyo Sheekh Muxamed Saalix Ibnu Cuthaymiin.

(((((((((Habeenkii wax ma la qali karaa)))))))))).
In maalinimada wax la qalo ayaaa fadli badan, hadiise habeenimada la gawracana wax dhiba malahan.Waxaa jira Xadiith diidan in habeenimada wax la gawraco,laakiinse Culimadu Ahlu Xadiithku, waxay cadeeyeen inuu Xadiith Daciif ah yahay,sidaa daraadeedna in habeenimada wax la qalaa way banaan tahay.((lassoco))

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ilk...

Friday, February 23, 2001 - 08:41 am
(((((Qaybtii Sadexaad iyo Adxiyada)))))).

Inshaa Allaahu waxaynu isku dayi doonaa inaynu wax ka yara tilmaano xoolaha la qalayo jinsigooda iyo inta ay ka gudayaan.

Xoolaha la qalayaa waxay noqonayaan, Geela,Lo'da Adhiga(Idaha iyo riyaha)Inkaste oo ay jiraan xayawaan badan oo uu hilibkoodu xalaal yahay hadana iyagu-Xayawaanku-Adxiyo noqon maayaan.

sida la og-yahayba,marka la qeexayo macnaha xoolo(Bahiimatul Ancaam)Xayawaanka kale iyagu xoolaha sooma galaan.

--Neef Geel ah oo ugu yaraan shan sano jiray wuxuu ka gudayaa todoba qof.
--Neef Lo'ah oo isna ugu yaraan labo sano jiray wuxuu ka gudayaa todoba qof.
--Neef Adhiya oo ugu yaraan hal sano jiray isna wuxuu ka gudayaa hal qof.
--Haduu qofku wax kale awoodi kari waayo,Neef Adhiya oo sanad badhkii jiray wuu ku Adxiyaysan karaa.

Marka aynu leenahay HAL QOF macnaha waxa loola jeedaa qofka Adxiyaysanaya,ee macnuhu maaha in qof kasta oo qoyska ka mid ah qalitaan laga rabo.Qofku markuu niyaysto inuu Adxiyaysto,intii aqalka la joogtayba neefkaasaa ku filan,macnaha xaga Ajarka iyo Muujinta Shacaa'irul-Islaamka.

Balse waxaan banaanayn inay dhawr qof neef adhiya ku shuraakoobaan,xataa labo qof neef Adhiya kuma shuraakoobi karaan.
Imaamu Nawawi minhaajka wuxuu ku yidhi;Labo qof inay neef Adhiya iskugu tagaani arin banaan maaha(macnaha Adxiyada kama gudayso).
Sida sunada ahi waa inuu qof qudhi lahaadaa maalka lagu soo iibinayo Neefka Adhiga ah ka dibna intii uu doono ayaa Ajarka la wadaagi karta.Laakiinse neefka Geela ah iyo ka Lo'da ahba ilaa ugu badnaan todoba qof ama qoys ayaa ku shuraakoobi karta.

Shardi maaha qofka Adxiyaysanayaa,inuu aqal leeyahay ee qof kasta oo awoodi karaa waa inuu Qalitaan sameeyaa.Sidoo kale iyana shardi maaha inuu qofku hilibka goob-joog u ahaado,ee meel kale ayuu u xawili karaa,amase cid kale ayuu wakiil ka dhigan karaa.

Anigu waxaan rumaysanahay inay jiraan dad badan oo walaaleheena oo foqoro ah oo wadankii ku dhibaataysan,markaa in loo xawilaa aadbay u fiican tahay.Wadankeena neefka adhiga ah waxa lagu qiimeeyaa ilaa 18§ sideed iyo toban doolar,markaa 100§ waa shan neef oo adhiya.

((((Qofka doonaya inuu Adxiyaysto maxaa ka reeban))))).

Inkaste oo aynaan wali dhamaynin Adxiyada iyo arimaheeda,hadana masaladan inaan inoo soo horu mariyo ayaan jeclaaday.

Xadiith saxiix ah oo ay wariyeen,Muslim,Axmed,Abuu Daa'uud,Attarmidii,iyo culimo kaleba,Nabigu(scw)Wuxuu ku yidhi;Markaad aragtaan bisha thil-xija(macnaha markay bisha xajku bilato)kadibna uu mid idinka mid ahi doono inuu Adxiyaysto,yaanu waxba ka goynin,Timihiisa iyo Cidiyihiisa.(macnaha sagaalka cishe ee ciida ka horeeya waa inaanu timaha iyo cidiyaha toona iska jarin).Sanadkana waxay ka bilaamaysaa 24/2/2001.

Bishii oo dhawr cisho dhaafeen haduu niyoodo inuu Adxiyaysto maalintaa-suun-buu ka bilaabayaa(yacnihii markaa laga bilaabo timaha iyo cidiyaha toona iska jari maayo).
Laakiinse hadii ay baahi kale timaado wax dhiba malaha in timaha iyo cidiyaha la iska jaraa((Macnaha hadii ay xanuun iyo wax la mid ahi qofka la soo gudboonaadaaan))Qofka markaste Adxiyadiisii way u ansaxaysaa,haduu timaha cilad u xiiro iyo hadii aanu xiirinba.

Culimadu dhawr arimoodbay ku tilmaamaan xikmada ku jirta inaan timaha iyo ciddiyaha la iska jarin,waxaana ka mid ah((Hadalada culimada))).
Maadaama oo uu qofka Adxiyaysanayaa, gawricitaanka ku shabahay qofka xaajiga ah,kan Adxiyaystaha ahna waxa la siiyay,waxoogaa ka mid ah Axkaamtii xaajiga,oo waxa la yidhi 'Timaha iyo Cidiyaha ha iska jarin'

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.