site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

JIRITAANKA XARRAKOOYINKA: MA WANAAGBAA MISE WAA XUMAAN !!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): JIRITAANKA XARRAKOOYINKA: MA WANAAGBAA MISE WAA XUMAAN !!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
Walaalayaal Salaan iga guddooma dhammaantiin.

Salaan ka dib , waxaan jeclaystay inaan soo bandhigo nawduucaan cusub, sababtuna waxay tahay
waxaa ii muuqatay in dadyawga soomaaliyeed isku khilaafsan yihiin jawaabta su'aashan: Jiritaanka xarakooyinka ma wanaagbaa mise waa xumaan.'

Sidaa la ,adligeed marka hore dadka ayaan uga tegayaa in haddii mawduucaan xiiso yeesho laga sii hadlo.

codsi: waxaan dadka ka codsanayaa inuu qofku ogaado inaynaan ka hadlaynin xarrako mucayin ah (sida: tabliiq, itixaad, islaax, ....), balse si guud ah ayaynu uga hadlaynaa, sidoo kalena marna kama hadlayno ceebeynta xarrako gaar ah.

walaakiin Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyaar

Unrecorded Date
MUSLIM JAB UGAMA HOREYN MARKII LOO KALA BAXAY, XARAKOOYIN KALA DUWAN, INTA AY KALA SOOCAN YIHIIN FAA`IIDO MA JIRTO.

WAXAA AYAAN DARRO AHAYD, IN LOO KALA BAXAY QABIILO KALA DUWAN, WAXAA AYAAN DARRO KA WEYN DHACDAY MARKII DADKII UKALA BAXEEN XARAKOOYIN. MAANTA YAAN MAQLAA XARAKADEE, TUSAALE:

WAXAAN INTERNETKA KA AKHRIYEY ARRINTA DUSUQI, XARAKANA WEY WEERAREYSAA XARAKANA WEY DAAFACEYSAA, YAA RUN SHEEGAAYA????????????!!!!!!!!!!!!??????????

ALLOW MAANTA WAAD IMAQLEYSAA:

DIINTEYDU WAA ISLAAM (QUR`AAN IYO SUNADII NABIGA).

INTAAN NOOLAHAY MA AAMINO NIN FIRQO GAAR AH SHEEGTAY CILMIGUU DOONO HAYEESHEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Walaal waad ku mahadsantahay furitaanka mawduucaan,laakiin walaal yaa kahadli kara maqofkasta ayay u furantahay ma wax ijtihaad doonaysaa,mise waa wax nusuus qadciyan ah loo hayo haday ijtihaad galayso yaa ehel u ah,

yaa kala rajixi kara maslaxooyinka iyo mafsadooyinka madadkoo dhan.

Waxaan arkaa meeshaan inaan xaqeeda lagu siin karin waayo waad ogtahay inta kitaab laga qoray iyo saaxada waxa ka taagan.

Laakiin hadaad doonaysid mid ayida iyo mid dhaleeceeya oo aan cilmi ku dhisnayn taas kama qayb qaadan karo waana isdaalis.

wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyaar

Unrecorded Date
Salaan iyo Markale

WAXAY AHAYD IN LAGA HADLO MAANTA:

MEEQA GAAL AYAA LASOO MUSLIMIYEY, IYO IN GODKOODA LOOGA DABA GALO, OO LOO DIIDO HURDO, LAAKIIN DADKII NOO HORSEEDI LAHAA TAAS AYAABA KALA BAXAY OO MAGACYO LAKALA BAXAY!!!!

WAAN KA XUMAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sunni

Unrecorded Date
Salaam

Walaal xarako waad ogtahay dhibkeeda. Rasuulku waa inoo sheegay in muslimku u qaybsami doono dhowr iyo todobaatan firqo mid mooyaane inta kalena FII NAARUN. Markaa firqo kheyr malahan.

Waxaa kheyrku ku jiraa ninkii raaca Sunadda Rasuulkeeni Muxammed (scw).

Markaa aanu hilmaano firqooyinka maanta wadanka ka dhisan ee dambe sida: Al-islaax, Al-Itaxaad, Al-Takfiir.

Wax dhaama malehan manhajka Salafu Saalix! ee ka turjumaya Sunadda.

Wabilaahi Tawfiiq!

Sunni

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Unrecorded Date
Walaal xarakooyinka oo dhan diinta way ku gabanayaan laakiin diin waxba kama oga. Kuli Laa'illaaha Illalaahu eyeey leeyihiin haddana hoosta ayeey iska neceb yihiin oo dhiig ineey iska daadiyaan ayeey intaa rabaan.

Addiguba eeg Inta Xarako maanta waddanka ka jirtaa midaan mid kale colaad u heyn maleh. Haddana colaadoodii wuxuu gaarey toratooriyo oo waxaa lagu leeyahay Xarako Fulaan ayaa xaafadaas leh ama masaajidkaa iska leh.

Xarakooyinka badankood Bidco ayeey salka ku hayaan iyo Sunno qilaaf. Waxaana ka dambeeya rag raba in aay diinta ka dhigaan sida tan kirirshtaanka.

Waxaa waa dhoweeyd dhacday in Xarako kamid ah xarakooyinka wadanka ka jirra ninkooda u weyn oo carab oo fadhiya dhulalkan carabta in uu yiri NAAGAHA WAA LA SALAAMI KARAA OO GACANTA AYAABA LA ISKA QABSANKARAA XATAA HADDII AAY INA ADEERKAA TAHAY.

Midka kale oo xarako kale ka tirsana wuxuu yiri Dumarku xijaab ineey qaataan uma baahna, waxaan waa dhaqan carbeed oo hore. Markaa xijaabku micno saas ah malahan.

Midkale wuxuu yiri; "Qofta dumarka ahi maddaweyne waay noqon kartaa, oo shirarka iyo madaxda kale ayeey qaabili kartaa"

Markaa raggaas ayagga ahina oo firqooyinka ama Xarakooyinka wata waxaay Somalia ku leeyihiin rag aay soo dirsadeen oo kasoo cilmi qaata raggaa.

markaa Walaal Nabad-doon Xaraka kheyr malahan. Waayo waa rag tartan ku jirra, waa rag is doonaya oo isu kulul, waa rag ninba diinta suu rabo ka dhiganaya, kuligoodna SUNNADDII XABIIBI RAXMAANKA ayeey rabaan in aay ciida ka hoos mariyaan oo wuxuusan ku dhaqmi jirrin in aay ku dhaqmaan oo wuxuu ka digi jirey in aay KHIIL u yeelaan oo aay dhahaan Rasuulku (nxkh)saa ayuu ka waday!.

Markaa Waa in aanu isjirnaa. Maxaa lagaa rabaa?
Waxaa lagaa rabaa in aad Allaah caabudid, dhiigga islaameedna xalaashan, Xarakana banaanka ka istaagtid. Wixii muslimnimo wax loogu qabanayo ka qeyb qaado intii karaankaa ah.

Muslim Waa HAL, waqtigii XABIIBKAna wuxuu ahaa hal, halkaasna XISBIGA ILLAAHEEY, walaa Islaax, walaa Itixaad, walaa Fulaan wa fulaan.....

Yaana jaranjaradda laga dhicin!


wasalamu....

walaalkiin
Daacad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Illahay baan kamagan gallay, kuwaan muslinka magacyada kala duwan uyeelay, alloow wixii shar ah naga qabo.

Yaan war laga yeelin wadaadkii sheegto xarako gaar ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Daacad = Walaalkiin ????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Asalamalaaykum

To nabaddoon
Waxaa ku raacsanahay Aqyaar100%.
ilaahay muslimiin ayuu naga sheegay wixii ka soo harayna waa quraafaad.
XARAKOOYINKA IYO BOQOLKA MAGAC AAFECEEN NAGA-
REEBEEN.

Waligood muslimiinta way kaøa duwanaayeen boqol magacna ma leheen.


wasalamalaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
warasame

Waxaan la yaabay qofkasta oo soomaali ahi inuu wax lba ka hadlo oo la dhagayso jecelaa, ladan, daacad, iyii wixii waxaa la qabo inuu ka soo horjeedo dhalin yar oo isku xilqaantay inay diinta ilaahay u gargaaraan inay maanta aflagaadadii dadka maankaabka ah ee soomaaliyeed inay ka baxsan waayaan, waa mid murugo ah, walaal aduunka ma jiri mabda aan lahayn cid aruursan oo madax leh oo rabta inay hore marisay waxay aaminsantahay, hase ahaate iska hadal maa ahe arintuye waa diin, diina waa cilmi iyo aqoon ladaeey, waxaad markaa u laabataa culumada islaamka mid ka soo horjeeda xara kooyinka islaamka ahi ma jiro, kuwa u adeega maraykanka mooyee,markaa walaal adoon is ogayn ha u adeegin maraykanka hana duminin wanaag laga soo shaqeeyay, ee hadaad xumaaan aragtid toosi, ee weelka ha iska jabinina.

waad mahadsamtihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Unrecorded Date
Ninka dhuuntow oo labaxay anonymous, waa adigoo kale waxa umadda kala saaray, ee hanaga siinin waxaad ka hesho, illaahbaana ka magangalnay shartaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aynu-is-fahamno

Unrecorded Date
ASSALAMU CALAYKUM WA RAXMATULLAHI WA BARAKAATUHU

Araar

Ta koowaad aadbaan ugu mahadnaqayaa cidii soo jeedisay mawduucan.

Ta labaad waxaan mahad kale usoo jeedinayaa intiina ka qayb-qaadatay.

Ta saddexaad waxaan ka xumahay sida fooshaxun ee looga hadlay mawduucan. Foolxumadaasina waxay tahay sida dadka qaarkood u falanqeeyeen su'aashan ku saabsan wanaaga ama xumaanta Xarakooyinka Islaamka u shaqeya. Sifooyinka lagu tilmaamy sida, "quraafaa", "bidco" iwm. Waxaa kale oo kamida kuwa aan garanayninba waxa laga hadlayo ee ay iskaga qasantahay MASHRUUCIYADDA XARAKOOYINKA IYO aaraada fiqiga ah ee CULIMADU KU HADLEEN xarakaday rabaan ha ka tirsanaadaane.


Hordhac

Su'aasha aan idin xasuusiyee waxay ahayd "JIRITAANKA XARRAKOOYINKA: MA WANAAGBAA MISE WAA XUMAAN !! ."

Walaalka ku xiga walaakeena soo darxiyey mawduuca ayaa wuxuu tilmaamay arrin xajmiga iyo waxyaalaha uu u baahanyahay mawduucani inaan kusoo celiyana uma baahni.

Mawduuca

Su'aashani ma aha mid laydiinka baahanyahay inaad hawadiina iyo dareenkiina shakhsiga ah kaga jawaabtaan. Xarakooyinka XUMAANTOODA iyo WANAAGOODA Diinteena ayuunbay jawaabteedu u taalaa mana aha mid aragtiyo iyo nadaraadkeena kasoo baxaya aqoonteena gaaban u taala.
SU'AAL aan idin weydiyee maxaa idiin daliila ood ku cadaynaysaan "sharnimada", "xumaanta" iyo "quraafaadnimad" xarakooyinka?
Axaadiista Nebiga (salallahu calayhi wa salam) iyo mabaadii'da Islaamiga ah eed sheegteen maxay ka sheegayaan xarakooyinka? Sida xadiiska aad sheegteen. Diinta Islaamku maxay ka qabtaa jiritaanka xarako (movement), urur, koox, hurin iwm asliyan? Taa markaad ka jawaabtaan (dabcan aragtiyihiina meelbaad soo dhiganaysaan), waxaad ka jawaabtaan iyaga oo Diinta wadana maxay ka qabtaa? Taasi kaagama baahna lagaamana yeelayo inaad darafka qabsato Xadiis ama Aayad ee waxaa lagaaga baahanyahay Xadiiskaa Nebiga (Salallahu calayhi wa salam) ama Aayadaas Quraanka ah inaad keentid siday Culimadu ku fasireen (Haddaadse Caalim tahay ma sheegin)
Laba aynu kala saarno sideedaba (WALAALAYAAL) MAS'ALAD ama SHAY iyo wixii ka dhalanaya. Imika hadaan gaari kaxaysto oonan aqoonin darewal-nimada, dee kolba gidaar ayaan kasoo goyn wadadana saani u marin-maayo dhibaatooyin badanna waan keeni; markaa taasi kuma nacsiinayso walaalkayow/shayey inaad kala famahto DAREWAL-NIMADA iyo GAARIGA. Cidda qaladka lihina waa darewalka ee maaha gaariga!!
Sidaasoo kale waxaad ogaataa ururada ugumay horeynin kuwan maanta joogaa Muslimiinta ee waxay soo taxnaayee iyagoo magacyo leh weligood.

Gebogebo

Gunta hadalku waxa weeye kuwiina xarakooyinka diidanow keena wax idiin daliila, diintana ka keena. Ha la kala saaro mashruucnimada ururada iyo mashruucnimada falalkooda.
QALADAADKA AY SAMAYNAYAAN MA BANAANA WAA MID, IYAGOO DHAMBA INAY JIRAAN MA BANAANA-NA WAA MID KALE.
Haddaad leedihiin Xumaantoodaa badan sidaa darteed looma baahna maanta, inaynu ka takhalusnaa inoo khayrbadan, sharkoodaa ka badan khayrkooda iwm waa wax la gartaa oo aynu ka wada hadli karo LAAKIIN jiritaankoodaabaan (jiritaanka koox dadka diinta ugu yeerta) Diinteena ku banaanayn waa jaahilnimo baxti ah oo Illaahay (Subxanahu wa Tacalaa), Rasuulkiisa (Salawatullahi wa salamu calayhi) iyo Diintaba laga jaahil yahay.
Intaas ayaan kusoo gebo gebeynayaa
F:G: Intaa wixii saxa een iri waa min Allah wixii qalad ahna waa naftayda iyo shaydaan Illahay iyo Rasuulkiisuba beri ayay ka yihiin.
*Hadaad hadalkayga dhibsataan ha la i cafiyo oo ha laydulqaato.
Wa Salaamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Berito:

Berit waxaa ku xigta in hub la isu qaato, oo ay Soomaaliya noqoto sida Afganistan, oo lagaran waayo waxa loo dagaalamaayo.

"HADALKAAN XUSUUSNAADA"

ALLOW WAXAAN KAA SUGNAA WAA KHAYR IYO INNAAD KUWAN KALA BAXAY MEEL ISUGU KEENTO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haleexan

Unrecorded Date
Waryaa Berito haka bixin mawduuca........
Haddaad ee ka hadal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaqdoon

Unrecorded Date
Salaamu Alaeykum !
Mowduucu aad buu qiimo u lee yahay, hadaba si aan iskugu raacdo ayno sii falsadeyno su'aasha. waxaa anigu qabaa in aaney xarakooyinku xumeyn, laakiin ay leeyihin gofaf iyo dacdacyo u baahan in la toosiyo.

xarakooyinku waa kuwa qudha ee u dagaalamaya/shaqeynaya diinta ALLE, markaa hadii dadku wax qabto waxaa imaneysa su'aalo? laakiin hadaan waxba jirin su'aaliba ma jirteen.

Keena waxaad ku cadeynaysaan xumidda xarakooyinka?
Salaamu Aleykum !
Ha ka bixina mowduuca

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku: xaqdoon iyo walaalaha kaleba

salaan ka dib , walaalayaal waxaa ii muuqata in marka horeba la isku waafaqsanayn jiritaanka xarrakooyinka, waayo qofba dhan ayuu ka soo eegay, laakiin wuu nagu yar yahay qof kor ka soo eega, oo markaa xummaanta iyo wanaagga xarrakooyinka ka sokow, ka baaraan dega asalba jiritaankoda iyo baahida loo qabo iyo faa'iidada darrada lagu qabo.

Marka hore anigu shaqsi ahaan waxaan u arkaa in jiritaankooda uusan dhibaato lahayn, haddii la helo shuruudo qaarkod, sida: waa inaysan noqon kuwo iyaga iska soo horjeeda oo ka mashquula hawshii laga sugayay ee ahayd u adeegidda ummadda muslimiinta ah.
Walaalayaal waxaad ogaataan marka horeba in xarrakooyinku ay maanta yihiin lama huraan sababahaan hoose dartood:
Ummadda islaamka ahi maanta ma laha haba yaraatee wax awood ah oo ay kaga hortagi karaan dharbaaxooyinka kaga imanaya dhanka walba ee caalamka ah, waxay noqotay ummad gablan ah , bal halis u ah iney ku dhex dhimato harageeda.
Isticmaarka waxaa inoo keenay dacfigeenna , dhanka horumarka, dhaqaalaha, siyaasadda, aqoonta, akhlaaqda,intaas oo dhammi waxay soo hoos galayaan "dacfigeenna diimeed".
Haddaba maanta qolyaha xukunka u haya waddammada islaamka ahi waad la wada socotaan , oo dhammaan waa ardaydii isticmaarka, sidaa la adligeed ummaddii waxay noqotay siduu Nebigu (SAW) inoo sheegay in ummadihii adduunka oo idil ay isugu kaaya yeerteen, sidii xeero raashin ah la isugu yeerto, markay asxaabtu weydiiyeen Nebigana(SAW)"oo maalintaa miyeynu yar nahay, yaa rasuulu laah" iyagoo dabcan filaya in arrinkaasi uusan dhicin karin illaa innagoo aad u tiro maahee, laakiin Rasuulku (SAW) wuxuu ugu jawaabay " maya, waadba badan tihiin, laakiin waxaad tihiin sida xoorta daadka oo kale (Guthaa'i sayl)".
Arrinkaasi waa waxa aynu aragno, tiro ahaan waynu badannahay, tayo ahaanna waxaynu nahay "Guthaa).
Tusaale waxaa kugu filan: qofka hinduus ahi wuxuu aaminsan yahay in la ixtiraamo naf walba, oo uu u qiimeeyo xayaawannada, illaa ay qaarkood caabudeen jiirka, si markaa ay u dhawraan ruuxda xayawaanka, laakiin iney dooxaan gabdhaha uur-ka leh ee muslimiinta ah waxba uma arkaan , bal waxaa kala qiimo badan jiirka.

haddii Alle yiraahdo inta kale waan soo dhamaystirayaa, anigoo isku dayaya sida ay lagama maarmaan u tahay jiritaanka xarrakooyinka iyo waxtarkoodaba.

walaalkiin

Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Hadaan la iska dayn quraafaatka (XARAKO ISKU CEYRSASHADA,ANAGAA SAXSAN IYO IDINKAA QALDAN) ma noqonayso qariib in beri hub la isu qaato.

sidee u noqonaysaa markay sheekada marayso, wiilkaas ama gabadhaas waa xarako heblaayo, marka waxaan kugula talineeynaa inaadan guursan. maxaaku xiga SAALIXIYO QAADIRIYO MA GUURSAN KARAAN.....!!!!!

Hadda hadaanaan waxaan iska iloobin mar kalaa ka sheekeyn doonaa


wasalaam.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaqdoon

Unrecorded Date
Salaamu Aleukum ,
TO LADAN: Waad ku mahadsan tahay sida aad wax u aragtid, laakiin waxaan jeclaan lahaa in aad waxoogaa u yara kaadisid inta aanad go'aan degdeg ah ka qaadan arinta.
Su'aasha aan jecelahay in aan ku weydiiyaa waxay tahay xumaantu ma wax marka hore la ogaadaa mise waa shey la ogaado ka dib marka ficil dhaco? waxaan ula jeedaa dhac dhaca, xurgufta, iyo khaladaadka ka dhaca xarakooyinka ma waxay ku tuseysaa in ay khuraafaad yihiin? mida kale sideed wax u saxeysaa adiga oo aan khaldamin? ma macsuum baanu nahay? walaal u yara kaadi inta aanad go'aan gaarin ayno bal isla garanee..
Salaamu Aleykum !

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Assalamalaykum dhamaantiina

To xaqdoon.

walaalkiis ujeedadeeda meeheeyn inaan diidaayo kala duwanaanta dadka muslimiinta maxaa dhacay waa kala duwanahay waana kala duwanaaneenaa,laakiin taas ma ku daween karnaa sanad walba inuu magac cusub soo boxo.

Ka waran hadaa iska kala duwanaano oo muslin lee iska ahaano, sababta waxaa waaye sheekada meeshee mareeso waa ujeednaa.

Waxa dhahday dhibaatada mamarkey dhacdaa wax lagu qaataa. Ogow mumin god laba mar laguma qaniino, ama waxaa i leedahay wax la mid ah waligeed ma dhicin.

Waxay ila tahay waxa adi kugu dhaca kaliya ineey ahayn muhiim laakiin qaladka qayrkaa faraha uga soo gubteen inaa faraha uga gubatid waa nacasnimo.


Midaanse kugu racsanahay AAN ISLA GARANO.


Ma umaleeynaayi shaki inuu ku jiro dhibka uu leeyahay qabiil qabiilka iyo xarako xarakada


Wasalaam.........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaqdoon

Unrecorded Date
Salaamu Aleykum !
Aad baan kuugu raacsanay walaal Nabad-doon arinmaha aad kaga dhawaajisay, waanan sugaynaa in add soo kordhiso daliilaha and arimaha aad u aragtid in tusayaan wanaaga xarakooyinka.

To Ladan:
Fadlan walaashey waxaas ku ogeysiin lahaa gabankan isaga ah wuxuus rabaa in uu ku tuso siduus wax u arko, aah.. markaas gabartey ulama jeedin in aan wax ismoodsiinayo(ciyaal hodan).

->Experience(khibradu) waa shey qaalin ah loona baahan yahay in wax lagu qaato waxna laga barto.. qayb dhan oo Qur'aankeena ah ayaa ah QISAS, waxaa loola jeeda?Ama laga baranaya QISOOYINKAAS?

Dhib wuu jiraa kaas oo ay keentay xarakaddu markaa ma diidani taas laakiin waxaan ku weydiiyey dhibaatadda oo dhan ma xarakooyinka keenay mise qaar waxaa keenay dadka? oo xarakooyinku way u yimaadeen uun?

Salaamu Aleykum!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.