site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

^^^^^^^^farqiga u dhexeeya salafiyah iyo (qudbiyiinta xizbiyiinta ah^^^^^^

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb. 16, 2001): ^^^^^^^^farqiga u dhexeeya salafiyah iyo (qudbiyiinta xizbiyiinta ah^^^^^^
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Thursday, February 15, 2001 - 07:31 am
walaalayaal waxan ugu nasteexaynayaa ninkasta oon cilmi ulahayn moduucan inuuka faa iidaysto oo uuna waxba ka dhiiban

waa anigii oo soo noqday ilaa rabadaanta kadib..........................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibnukhalif

Thursday, February 15, 2001 - 08:01 pm
Assalaamu caleykum..

Haddii aan fikradeyda kadhiibto caqiidada iyo nashaatka salafiyatu-jadiida:

Waxaan shaki ku jirin in salafiyatu-jadiida yihiin xarako cilmaani ah oo qaab diineed leh, una dhisan iney hurdada ku celiyaan ummadda muslimka ee kacdoonka ah...Salafiyatu-jadiida meelaha ay ku qabtaan shirarkooda iyo meelaha ay ka qutbadeeyaan waxay ku sheegaan: qofkii al-xaraka al-islaamiya wax ku darsada, inuu sunadii nebiga(scw) diiday, inuu diinta kusoo daray bidca khiyaaneysa nebiga(scw)...Salafiyatu-jadiida waxey cunaan hilbaha ducaada islaamka ee kacay, waxey u soo daliishaan qowlkii imaam axmed(rc)[saddex xantoodu xaaraan maahan, waxaa kamid ah kan ku xeel dheeraada bidcadiisa]...Jihaadku waa sheyga ugu daran ee acdaadeena handada sida kuffaarta iyo tawaaqiida muslimka, laakiin waxey adeegsadeen salafiyatu-jadiida iney u dacniyaan jihaadka oo ay dhex geliyaan shubuhaat, bedelaanna macnihiisa...Shirarkoodu waxaa ka mamnuuc ah in jihaad looga hadlo haddii kale lagu dacniyaba, mowduucaa qofkii kahadla ama wax kasheega andimada cilmaaniga oo ka dhigtay diinta mid siyaasadda raacsan, meeshii siyaasaddu diinta raaci laheyd, ee qofkaasi waa takfiir ama khawaarij...Nin kamid ah ducaadooda weli kuwa baarizka ah, wuxuu kitaabkiisa ku yiri[jihaadka ugu fadliga badan waa in waxa jihaad layiraa laga aamuso]...Salafiyatu-jadiida waxey amaanaan falalka ay sameeyaan tawaaqiida sida maal la sadaqeystay ama masjid la dhisay iwm, laakiin kama hadlaan falalka kale sida in sanka nalaga geliyay qawaaniin kufri ah nalagu dhaqayna, iyo dulmiga loo geysanayo shicibka muslimka iyo ducaada islaamka oo aan xitaa loo ogoleyn qof inuu hadal yar isku difaaco, iyo dhulka muslimka in loo bedelay kuligii sijni(jail) oo tawaaqiidu isaga ridayaan qof alle qofkey maagaan hadana qof qofkale xaaladii weydiin karin...Salafiyatu- jadiida waxey la dagaalamaan in shicibka muslimka dersaan waaqica ay kunool yihiin, macadaalika nusuus badan ayaa sugeysa in waaqica dersigiisu yahay lagama maarmaan, sida xadiiskii muttafaqa ahaa ee ninkii dilay 100-ka qof, Raahibkii labaad wuxuu u sheegay inuu ka tago arladaan xun ee aado arlo kale oo ay dad saalixiin ah joogaan..Suuratu ruum ilaahey(sw) wuxuu muuminiinta usoo qabray iney adduunka joogaan labo quwad oo layiraa ruum iyo furus, maadaama ilaahey usoo diray nebigiisa(scw) caalamka oo dhan, waxaa lagama maarmaan ah in muuminiinta ogaadaan waxa socda waqtigooda...Laakiin salafiyatu jadiida arinkaa wey caariday, sheekhooda waxaa kale uu kitaabkii ku yiri[haddaa dooneyso inaad faqiih noqoto ka aamus fiqhul-waaqica]...Salafiyatu jadiida waxey qabaan in aayada (waman lam yaxkum bimaa anzala-llahu, fa'ulaa'ika humul-kaafiruun) ku tahay qaas yahuuda keliya, macadaalika ibnu-xajar(rc) wuxuu soo naqliyay iney aayadaa caam tahay, oo haddii muslimiinta sameeyaan sida ahlu kitaabka oo bedelay axkaantii ku qorneyd towraah iyo injiil, ayaguna iney soo galayaan, eeg fatxu-baariga(13/120)..Sidaa oo kale lama haayo saxaabi diiday iney aayadaa caam tahay...Salafiyatu jadiida waxey soo qaataan qowlkii ibnu-cabaas(kufrun duuna-kufr) ayagoo ula jeedo inaan meeshaa lagu gaaleysiin cilmaaniyiinta, lakiin sheekh cabdalla bin maxamed al-qarni(waa sheekh mucaasir ah) wuxuu soo naqliyay in ibnu-cabaas hadalkaa ula jeeday xukaamta carigii oo wax ku xukumi jirtay kitaabka laakiin qeybo kamida aan ku cadaalad faleyn, sidaa awgeed markii kuwaa xaalkoodii laweydiiyay wuxuu yiri(kufrun duuna-kufr) marka maxaa moodaa haddii la weydiin lahaa kuwa maanta oo axkaamtii ku tilay quraanka gebigeeda ama inteeda badan ku badalay qawaaniin-mustowrad ah, eeg [dawaabit attakfiir cinda ahli-sunnati wal-jamaaca]164...............
Walaalayaal salafiyatu-jadiida mowduuceedu aad buu u balaaran yahay waqti badan aan ku sii tafatiro mahaayo inta haddeer aan qoray ayaaban yareyn ee halkaa ayaan kusoo koobayaa...Shabaabka u xamaasadeysan diintan waxaan kula talinayaa ineysan kukatsoomin dadkan (salafiyatu-jadiida), sida qaabka ay dharka u xiran yihiin iyo sheeg sheega badan ee salafi..salafi..salafi...Run ahaan waxaan ka baqay iney ku sifoobaan tii Qadyaanida ku dhacday oo kale oo aheyd in loo dhisay labo wax oo kala ah (ibtaalul-jihaad) in jihaadkii nebiga(scw) yiri dirwatu-sanaamil-islaam in la bur-buriyo iyo (taacatu li ulil-amri, wa'in kaanuu kuffaaran) in la adeeco ulil-amriga hadduu doonaba gaal ha ahaado...marka salafiyey maxaa farqi idin dhaxeeya idinka iyo Qadyaanida, aniga uma socdo inaan cid gaaleysiiyo laakiin waxaan leeyahay bal wadada aad ku socotaan oo aad leedihiin waa ahlu sunna bal dib ugu noqda, islaamkana u xamaasooda maahaan bur-burintiisa...

Xarakooyinka ama (siduu salafi yiri qutbiyiinta) waxaan ka qoray bog, marka madoonayo inaan ku celiyo ee boggaa eeg, haddaa doontana ka dhiibo fikrad...Bogga FAHAMKA ISLAAMKA---Jamaacaatka islaamka ee maanta.....

Assalaamu caleykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Saturday, February 17, 2001 - 12:46 am
bismillaah walxamdu lilaah wabacdu

awalan intaynan ugalin farqiga udhexeeya assalafiyah iyo (aldudbiyah/assaruuriyah/alxizbiyah)kolba gaad doonto dheh, waxan rabaa inaan bal tacriif yar oo muujis ah kabixiyo waxay tahay salafiyah iyo waxay yihiin kuwan kale,

awalan assalafiyah waa unisbo sheegasho "salaf" salafkuan waa sadexdii qarni ee uu nabigu(scw) uqiray khayrka ((dadka waxaa u khayr badan qarnigaygan gadibna ka ku xiga kadibna ka ku xiga ))
"salafi"na waxa layidhaa qofka unisbo dheeganaya salafka sida qofkii u nisba sheegta madaahibtaba looyidhaa

xambali
xanafi
shaafici
maaliki
marka waxad arkaysaa inay magacyadu ku wada dhamaadeen xarafka "i" luuqada carabiga waxa lagu yidhaa "yaa'u nisbah"marka waxay tilmaantaa qofku wuxu u nisbo sheeganayo ama ha'ahaato mabda ama mad'hab ama balad iwm

"salafiyuun"na waa jamaca "salafi"

"salafiyah"waa dhaa'ifada madhabkaa salafka raacda oodhan

asalada ay cuskadaana waa sadex

(1)kitaabka allaah(sw)

(2)sunada nabiga(scw)

(3)iyo fahamka salafka saalixa ah
oo ah siday u fahmeen labadaa asal ee kore

labada asal ee ugu horeeya kitaabka iyo sunada
kooxkasta way sheeganaysaa inay raacaan xataa suufiyadu, lakiin asalka ugu dambeeya oo ah
fahamka salafka ayaa u dhexeeya salafiyada iyo kooxaha kale
bal waxaba la'arkaa inay qarkood dhahaan salafkii ragbay ahaayeen anana ragbaanahay marka waa inaan fahamkayaga ictimaadno,

tusaale nimankan aan ka hadli doono ee ah (alqudbiyah/assaruuriyah) waxay quluwi ba'an ku sameeyaan takfiirinta xukaamta muslimka, hadaad waydiiso maxaad u daliishanaysaan waxay odhanayaan aayadaha suratul maa'idah ku jira , "dhayib" su'aashu waxay tahay sideebay u fahmeen salafkii aayadahan?

wuxu ibnu abii dhalxa kawarinayaa ibnu cabaas markuu fasirayay aayada(suratu maa'idah)qaala ibnu cabaas "man jaxada maa anzalalaahu faqad kafar waman AQARA bihii WALAM YAXKUM BIHII fahuwa thaalimun faasiqun" .fiiri tafsiirka ibnu jariir

sidoo kale wuxu dhawuus ka warinayaa ibnu cabaas in markay khawaarijtii ugu horaysay aayadan usoo
daliishadeen cali iyo mucaawiya (rc)baa wuxuu ku yidhi (kufrigaad la,aadeen ma,aha)fiiri tafsiir ibnu jariir(10/356)iyo ibnu badha fil,ibaanah(2/734)

waxa ismaaciil binu saciid laga warinayaa inuu yidhi axmad baan waxan waydiiyay aayada (suratu maa'idah)waxan idhi buu yidhi kufrigani muxuu yahay?
markabaa wuxu yidhi axmad(rxm) (waa kufri aan diinta kasaarayn) .fiiri(marwiyaat axmad binu xambal 2/45)

waxa kalood fiirisaa ibnu taymiyah(rxm)markuu ka hadlayay macsiyada aan xad muqadar ah iyo kafaar lahayn ashyaada uutiriyay waxa kamid ah (alxukmu biqayri maa anzalalaah)fiiri majmuucul fataawaa(28/343) waxaa kalood fiirisaa ardaygiisa ibnul qayim kitaabkiisa madaariju saalikiin(3/235-239-347).

hadaba akhriste walaal waxad arkaysaa fahamka salafka inay ku fasireen "kufr duuna kufr" kuna filan daliil "xabrul ummah" ibnu cabaas(rc) iyo "imaamu dunyaa" axmed binu xambal (rxm)

hadaba waxa iswaydiin leh nimankan yaa u laqinay in aayadu ayna "kufr duuna kufr" ahayne aytahay kufrul akbar waxan ku leenahay "sammuu lanaa raajalakum" laashakka inay yihiin marjica ay u noqonayaan

sayid qudub

mowduudii

saruurii
iwm

gadaalbaana ka sheegi doonaa nimankan qaarkood

awalan ninkan sayid qudub ah waa nin culumada casrigeenan ahi isku raceen inuu munxarif yahay

waana nincaaya ambiyada iyo saxaabada

---SAYID QUDUB OO DURAYA LABADA SAXAABI MUCAAWIYE IYO CAMR ----
wuxu yidhi (mucaawiye iyo camr kagamayna guulaysan cali aqoon ay uga aqoon badan hiyiin xeeladaha nufuusta ....waxay ahaayeen kuwo aan u aabo yeelayn anay adeeg sadaan silax kasta isaguna wuxu ahaa miday kareebayso akhlaaq diisu adeeg sashada wasiilooyinka loolanka, markay adeeg sanayeen mucaawiye iyo saxiibkiis BEEN IYO KHAYAAMO IYO KHADIICO IYO MUNAFAQ NIMO IYO LALUUSH IYO DIMOOYINKA OY IIBSADAAN, cali muuna awoodin inuu isku rido bohoshaas marka layaab malaha inay ka gulaystaan isna fashilmo waana fashilmid ka sharaf badan guul kasta)firi kitaabkiisa layidha (kutub wa shakhsiyat)(s242)

bilaahi calaykum balka warama hadaan ku idhaahdo sayid qudub "MUNAAFAQ ,BEENAALE KHAA'IN" laashakka inay ka xanaaqayaan atbaacdiisu,

laakiin su'aashu waxay tahay maxay uga guban la'ayihiin atbaacda sayid cayda saxaabada, mawaxa uga qiimo batay sayid asxaabadii!!!!!!!!? inaa lilaaahi wa inaa ileyhi raajicuun


halkaa waxa uga cadaanaya qofkasta oo wax garad ah siday u idho tirayso hawada iyo tacasubku dadkeeda(idhaha kore mala'a laakiin kuwa laabta)
adiguse maku aamini lahay deen taada nin caayaya saxaabada oo sheekh maka dhigan lahayd aad masaa'ilka ka qaadato jawaabta waxaan udaayay akhristaha

hadaan intaa kaga baxo tusaalihii

aan usoo gudbo dhanka


"alqudbiyah" waxa laga wadaa atbaacda sayid qudub iyo manhajkiisa takfiiriga ah "qudbi" waa mufrad "qudbiyuun"na waa jamac

"asaruuriyah" waxa weeye atbaacda maxamed saruur binu naayif zaynul caabidiin oo hada ku nool wadanka ingiriiiska

laba madaraso "assaruuriyah wal qudbiyah" waa isku madaraso waana isku manhaj waana manhaj ku dhisan xizbiyo iyo xukaamta muslimiinta oo lagaalaysiiyo, kuligoodna waxay ahaan jireen xarakada ikhwaanka,
ninkan saruur wuxu aad u caayi jiray
hay'atul kibaarul culamaa ee sucuudiga
waxa kamid ahaa hadaladuu yidhi inay yihiin hay'atul kibaarul culamaa adoomo adoomadood isagoo kawada in fahad uu u yahay adoon maraykanka culumaduna adoomo u tahay fahad."nacuudu billaah"

ibnu abii xaatimna waxa laga warinayaa inuu yidhi
{
calaamatu ahlul bidac alwaqiicatu fii ahlil athar
}



{
marka waa madaraso takfiir ah , bal waxan ka baqi inay timaad wayba timide "saruuri xaruuri"

}


lasoco......................


wallaahu acalm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibnukhalif

Saturday, February 17, 2001 - 02:17 pm
asalaamu caleykum..

LET QUOTE OF WHAT YOU HAVE SAID
===============================
1. ":Oaldudbiyah/assaruuriyah/alxizbiyah)"

MARKA HORE ANIGU SAAXADA KUMA AQAAN JAMAACOOYIN MAGACYADAA ISU YAQAAN, WAXAA LAGA YAABAA INAADAN LASOCON WAXA JIRA EE KALIYA AAD ISAGA TA'ATHURTAY RAG KU CAAN BAXAY INEY KU BEEN ABUURTAAN SALAFU-SAALIX FAAFIYANA CAAQIIDADA QULAATUL-MURJI'A.

2. "assalafiyah waa unisbo sheegasho "salaf" "

MESHAAN WAXAA KU SHEEGTAY METHODOLOGY-GA QOF ALLE QOFKII SAXAABADA UNASAB SHEEGTA. LAAKIIN NASAB XAGEE KU GAARSIINAA HADII AAD ISKU QALADO CAQIIDADA IRJAA'IGA IYO KAN SALAFTA, CAMALKAAGANA MUXUU NOQONAYAA? NEBIGA(SCW) WUXUU YIRI [ MAN BATTA'A CAMALAHU LAM YUSRIC NASABAHU ] QOFKII CAMAL-FALKA KA GAABIYA AMA DIB U DHIGA NASABKII MAHORMARIYO, IYO AXAADIIS BADAN OO MICNAHAA LEH. HADDII AY TAHAY SALAFIYADA AAD SHEEGEYSO TAN HADDEER KU CAAN BAXDAY INEY FAAFISO
FIKRAL-IRJAA'I WAR KASOO QAAD MALAHA, SALAFU-SAALIXNA BARII AYEY KAYIHIIN.

3. ":O1)kitaabka allaah(sw)

(2)sunada nabiga(scw)

(3)iyo fahamka salafka saalixa ah
oo ah siday u fahmeen labadaa asal ee kore "

IN KUTUBTA LAGU NASHRIYO KUBEEN ABUURKA SAXAABADA IYO TAABICIINTA, MA SALAFINIMAA? HADAA EEGTO KUTUBTA AY LEEYIHIIN RAGGA WAAWEYN EE AAD KU XIRAN TAHAY MAS'ALADAA 'KU BEEN ABUURKA SALAFTA' WAXAA LAGU FASHILAY DHOWR JEER.

MARKA TAASI MAKITAAB, SUNNE IYO FAHAM SALAF MIYAA LA DHIHI KARAA?


4. "waxa ismaaciil binu saciid laga warinayaa inuu yidhi axmad baan waxan waydiiyay aayada (suratu maa'idah)waxan idhi buu yidhi kufrigani muxuu yahay?
markabaa wuxu yidhi axmad(rxm) (waa kufri aan diinta kasaarayn) .fiiri(marwiyaat axmad binu xambal 2/45) "

NINKAA TAABICIGA AH MA WUXUU KAHADALAYAA XUKAAMTA CASRIGII AMA KUWA CASRIGEENA OO XALAASHII XAARAANTIMEEYAY XAARAANTIINA XALAALEEYAY SALIIBKANA LUQUNTA KU XIRTO? MA WAXAAD LEEDAHAY WAA CAALIMUL-QEYB?

assalaamu caleykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Saturday, February 17, 2001 - 11:11 pm
ibnukhalifa

walaal barakallaahu fiika isdaji

oo wanaaji hadalkaaga walaal waxan naftayda iyo taadaba ugu nasteexaynayaa inaan alle ka baqno

"waclam anna fissawaayaa khabaayaa"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AL MUKHLIS

Sunday, February 18, 2001 - 10:04 am
TO ; SALAFI IYO IBNU KHALIIFA .
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi .

Walaalayaal salaanta ka dib waxaan idin waydiinaayaa marka hore ;
1- SALAFI
Waxaan kaa codsanaayaa hadalada aad sheegayso oo aad ku tilmaantay SAYYID QUTUB waa khatar , meesha uu ku yiri iyo kitaabka iyo safxada uu ku sheegay .

waxaan kaa rabaa culuma ka hadashay SAYYID QUTUB oo sheegay MOWQIFKIISA sida SH AL BAANI ilaahay ha u wada naxariisto.

2- IBNU KHALIIFA
Waxaan kaa rabaa inaad ii cadayso FIKRADA
IRJAA,IGA ah oo uu qabo SALAFI , si uusan iigu hoos galin ee ii taabo .
tan kale haddii ay sugnaato in uu sayid qutub uu ku gafay SAXAABADA , maxaa uu noqonaayaa mowqifkaada ?

ugu dambayntii ilaah ka cabsada oo ha layska dhaafo CAYDA IYO GARDARADA .

WAA WALAALKIIN AL MUKHLIS

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Monday, February 19, 2001 - 02:26 am
mukhlis
alle waxan ka baryaya inuu inaga dhigo kuwo mukhlisiin ah

anna wxan inta aad sheegtay ku dari inuu walaalkeen ibnukhaliif

tacriifiyo murji'o waxay tahay iyo waxay aaminsan yihiin iyo sidan kunoqday murji'o anigu, waayo wali maba hadline ninku xugun dhawaa!

ama codsiga aad aniga iga codsatay inaan soo qoro safxada iyo kitaabkuu hadalkaa kuyidhi sayid dee marhoraaban qoray oo waxan idhi kitabkiisa layidhaa (kutub wa shakhsiyat)(s242)

amaa dhanka culumada kale garahan albani(rxm) wan soo qori donaa isha allaah wuxu ka qabo sayid(rxm)
waxadna boqataa halkan wixi dheraad ah

http://somalinet.com/forums_archives/4669/7249.html

wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnukhalif

Monday, February 19, 2001 - 06:46 pm
Assalaamu caleykum..

To: Al-mukhlis

Walaal haddii aan ixtiraano cinwaanka
salafi noogu furay bogaan, maahan in
shaqsi life-kii comment laga bixiyo
ee waa in laga hadlaa farqiga uu
sheegayo ayadoo ku saleysan waaqica
maanta, tacliiquu salafi tacliiqiyay
sayidka iyo M. saruur waa qeyr-mowduuc
marka meeshii aad ka qaban laheyd waadba
la xamaasootay, oo waxaa dooneysaa in
mowduuca loo bedelo in rag laga
sheekeeyo, tankale maxaa afka iigu
gelinee in sayidka aan wax kasheego
hadaa dooneyso mocduucaa aad bog kale
oo looga hadlayo taariikhdii markaa
kuwa meesha ku jira weydii waxaa
doonto...

su'aashaada kale maahan inaa iri salafi
murji ayaa tahay, laakiin waxaan ka
hadlay in fikrigaa maanta la faafinayo
salafiyatu-jadiidana ay waddo
faafintaa, marka aniga waxaan u
hadlayaa si caam ah adigana waxaad
afka ii gelinesaa inaan personal
attack sameeyo, marka labada su'aalba
waad igula qaldan tahay.

Haddii aan bayaanin lahaa waxa uu yihay
fikriga irjaaga: Murji'adu waxey
leedahay imaanku waa in towxiidka la
qiraa iyo in nebiga(scw) wuxuu la yimi
la aaminaa, laakiin camalka kama mid
aha iimaanka, haddii la waayo camal
falka waxaa qofka ku filan inuu
aaminsan yahay keliya...Marka fikrigaa
waxey salafiyatu jadiida u qaadatay
si ay u difaacaan cilmaaniyiinta
lagu gaaleysiiyay iney xooreen
shareecadii ku bedeleena axkaam-wadci
weliba la jahray in casrigeena ummadda
aanan lagu dhaqi karim islaam, bal
in islaamku yahay dib u socod...markaa
salafiyatu jadiida waxey ku leeyihiin
ragaa wey ashahaateen oo gaal looma
dhihi karo ficilkaa owgoo...hadalkii
ibnu-cabaas(kufrun duuna-kufr)ayey
soo qaataan ayagoo rabaa maqsadkii
hadalkaa iney bedelaan..anigu
rag kamida ayaan afkoodii kamaqlay
qowlka murji'ada iney aaminsan
yihiin laakiin waxey ku leeyihiin
waa ahlu-sunna...waxaa kaloo
daliil ah mowqifka salafi kataagan
yahay xukaamta/cilmaaniyada maanta..
waxaan aaminsanahay in salafi
hadalkaa iska keenin ee kasoo qaatay
ragaa uu ku xiran yahay sida
Rabiic iyo Xalabi...waxaa hadda jirta
in fikrigaa labadoodaba ku nashriyeen
kutubtooda lagu haysto.

AHLU-SUNAHA: Imaam ibnu-cabdilbar
wuxuu leeyahay (ahlu fiqhi wal xadiis
waxey isku raaceen in iimaanku ka
kooban yahay qowl iyo camal)...
Imaam al-baqawi wuxuu leeyahay(saxaa-
bada iyo taabiciinta iyo culimada
ahlu-sunaha ee gadaashood yimid
waxey isku raaceen in acmaashu
kamid tahay iimaanka...Imaan
al-mundiri wuxuu sheegay in iimaanka
qiritaan keliya ahaa cahdigii
makiga, kadibna qowl iyo camal
isku bedelay cahdigii madiina,
sabatoo ah waxaa soo degay faraa'id
oo haddii qofku gudan waayo loo
arkaayey gaal, sida salaada, nebiga
wuxuu sheegay in taariku salaatka
naarta lagelaayo Abii-jahal,
Ubay ibnu-khalaf iyo rag kale
oo waaweyn, kuwaasi naarta eyey
ku waarayaan, qofkii ayaga lama
simo maxaa moodaa sida taariku
salaatka...marka salaadu acmaasha
ayey kamid tahay, saxaabadana
gaalnimo kaweyn meysan arkeyn ka
tegista salaada...

Marka walaalayaal mowduucaa irjaaga
iyo ahlu-sunaha kutub waaweyn ayaa
laga qoray oo hadalkeyga kuma soo
koobi karo...waxaa jira dad
muxaqiqiin ah oo arintaa bayaaniyey
arkana in ay wadaan ragga aan kor
kusoo xusay...Sheekh Safar wuxuu
leeyahay kitaab layiraa daahirat
al-irjaa, Sheekh Cabdalla bin
maxamed al-qarni asagan wuxuu
leeyahay kitaab layiraa Dawaabit
attakfiir cinda ahli-suna...kutubtaa
wey kaa caawinayaan inaad mowduucaa
fahanto aragtidaada salafiyatu
jadiidana wey balaaraneysaa...

Assalaamu caleykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 20, 2001 - 12:24 am
ibnukhalif

waxan ku waydiiyay balkawaran sheekh albaani alle hawnaxariistee mawuxuu ahaa murji isagu?

arintanse maka hadlay sheekhu?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibnukhalif

Tuesday, February 20, 2001 - 05:50 pm
assalaamu caleykum...

Waa jirtaa in al-baani(rx) kutubtiisa fikrigaa ku qoray...haddii uu nafarayo fikrigaa irjaa'iga ka qaadan meyno, waxaa la yiri "fakullu axadin yu'khadu min kalaamihi wa yuraddu illaa al-macsuum(scw)", laakiin waxaan shaki ku jirin in al-baani ittijaahiisu yahay ahlu-suna aan ka ahayn mas'aladaa, hana layaabin, marka taasi macnaheedu maahan in mas'ala qura uga baxaayo daa'irat ahlu-suna...laakiin arinta Rabiic weyka duwan tahay, maxaa yeelay kutubtii wuxuu ku qoray "maa li-qeysar li-qeysar wamaa li-llaah li-llaah" iney casrigeena xaq tahay, waxaana loola jeedaa in dowladda iyo diinta la kala saaro ilaaheyna wuxuu leeyahay "falaa warabbika laa yu'minuuna xattaa yuxakkimuuka fiimaa shajara baynahum"...marka walaal hadalkaa uu qoray Rabiic waa caqiidadii faatikaanka, maahan caqiidadeena, marka bidcadiisu keliya irjaa mahane waa kasii dhaafsiisan tahay wuxuuba taagan yahay inuu kutubta noogu qoro caqiidada ahlu kitaabka ee nagu yiraaho ahlu-suna ayaa qabta...marka walaa adigana haygu noqon midkale afka ii gelinaayo inaan al-baani weeraro, sidaan kuu sheegay hadduu mas'aladaa qabo kuma uusan raacin waxey aimal-arbaca iyo ijmaaca qabaan sida in iimaanku yahay qowl iyo camal...laakiin haysku deyin inaan isbar-bar dhigo Rabiic iyo al-baani.

Assalaamu caleykum...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Wednesday, February 21, 2001 - 01:50 am
inalxamda lilaah naxmadhuu wanastaciinuh wabacdu
awalan walaayaal illaahay ayaa mahad iska leh

wuxu yidhi
((Waa jirtaa in al-baani(rx) kutubtiisa fikrigaa ku qoray...haddii uu nafarayo fikrigaa irjaa'iga ka qaadan meyno,))

awalan inaan laniqaasho ninkan meeshan wax ku soo qoray marabo waayo qofkasta oo caaqil ah wuu garan karaa meeshuu taagan yahay al-calaamah albaani(rxm) iyo miskiin wali aan ka bar baarin qaydkii lagu xambaari jiray, kontan sano in kabadan kahor ayuu kutubtiisa qaarked allifay albaani, jarxiguna wuxu leeyahay rag iyo rujaal loogadam beeyo waxay ahaayeen raga ka hadli jiray sida

ibnu madiinii

nucaym binuxamaad

iyo raga lamid ka ah marka ninkani xaguu kasoo maqlay in albaani uu irjaa ku qoray kutubtiisa laashakka inay yihiin takfiiriyiinta cusub sida

abuu (acmaa) oo isagu labaxay abuu basiira


saruurii

sayid qudub

iyo kuwuu isagu kor kusoo sheegay


hadaba ragani rag layaaqaano oo albaani u dhigma xaga cilmiga mayihiin ragse aad ku aamini karto diintaada mayihiin adoo og qowlkii maxamed ibnu siiriin(rxm) (arinkani waa diine ka fiirsada cidaad ka qaadanaysaan diintiina)firi muqadama muslim

jawaabta waxan udaayay walaalkayga akhristaha ah

bal waxan odhan karnaa durida aydurayaan caalimkaas dadka noocan oo kale ah amaambay u tahay, waraximallaahu manqaal((wa ithaa atatka mathammatii cannaaqisin ¤¤¤¤¤¤¤¤ fahiya shahaadatu lii bi'annii kaamiluu))

waxan boqolkiiba boqol muqtanic ku ahay inuuna ninkani xataa fahmi karin hadalka sheekha , maxaan saa uleeyahay, waxan qoray anigoo afkiisa hooyo ku hadlaya hadalkan
((assalafiyah waa unisbo sheegasho "salaf":O)

wuxu ku tacliiqiyay sidan

((. 2"assalafiyah waa unisbo sheegasho "salaf" "

MESHAAN WAXAA KU SHEEGTAY METHODOLOGY-GA QOF ALLE QOFKII SAXAABADA
UNASAB SHEEGTA. LAAKIIN NASAB XAGEE KU GAARSIINAA HADII AAD ISKU QALADO
CAQIIDADA IRJAA'IGA IYO KAN SALAFTA, CAMALKAAGANA MUXUU NOQONAYAA?
NEBIGA(SCW) WUXUU YIRI [ MAN BATTA'A CAMALAHU LAM YUSRIC NASABAHU ]
QOFKII CAMAL-FALKA KA GAABIYA AMA DIB U DHIGA NASABKII MAHORMARIYO, IYO
AXAADIIS BADAN OO MICNAHAA LEH. HADDII AY TAHAY SALAFIYADA AAD
SHEEGEYSO TAN HADDEER KU CAAN BAXDAY INEY FAAFISO
FIKRAL-IRJAA'I WAR KASOO QAAD MALAHA, SALAFU-SAALIXNA BARII AYEY KAYIHIIN.))


ufiirso hadalkiisa ah(MESHAAN WAXAA KU SHEEGTAY METHODOLOGY-GA QOF ALLE QOFKII SAXAABADA
"UNASAB" SHEEGTA.)

markasuu safxado dhan ku madoobeeyay isagoo sheegaya axaadiista ka hadlaysa inuuna nasab wax tarayn maalinta qiyaamo

aniguna waxan ka hadlayay wuxu ahaa "nisbo sheegasho" hadaba nin nasab iyo nisbo oo waliba afkiisii hooyo ah kala fahmila'a miyaad umalaynaysaa inuu fahmaya qowlka al-calaamah albaani(rxm) oo waliba afcarabi ku hadlaya (heyhaata heyhaat)wasadaqa manqaal
(wakam min caa'ibin qowlan saxiixan ¤¤¤¤¤¤¤ wa aafatuhuu minal fahmi saqiimii)

waxa kaluu yidhi
((sidaan kuu sheegay hadduu mas'aladaa qabo kuma uusan raacin waxey aimal-arbaca iyo ijmaaca
qabaan sida in iimaanku yahay qowl iyo camal))

waxan ku odhan lahaa ceebtada qarso oo walaalow jahligu waa cadow e wax baron, hana isku dayin socod adoon wali gur guurad baran,cajiib seed uduushaa waliba baalal kuumasoo bixine!!!?
yaakugu yidhi albani maqabo in imaanku yahay qowl iyo camal aimuuna khilaafay!!?!! nucuudu billaahi minal hawaaaaa

balaan sheekh albaani(rxm) waydiino wuxu ka qabo arinkaas

wuxu yidhi sheekh naasir(rxm) markuu tacliiqinayay qowlka imaamu dhaxaawii(rxm) oo ah (imaanku waa qirid carabka iyo rumayn qalbiga ) baawuxu yidhi albani(rxm) arinkani waa madhabka xanafiyada iyo maaturiidiyada khilaafsana salafka iyo jamaahiirul a'immah sida maalik iyo shaafici iyo axmed iyo owzaacii iyo qayrkoodba, waayo iyagu waxay ku siyaadiyeen "iqraarka"iyo "tasdiiqa" ALCAMALU BIL ARKAAN... ilaa uu ka yidhi xanafiyadu haday ahaan lahayen kuwo aan khilaafsanayn jamaahiirta khilaafid xaqiiqo ah inkirida ay inkireen in camalku uu kamid yahay imaanka, waxay ku wafaqi lahayeen in imaanku ziyaado naaqusana oo ay ziyaadadiisuna tahay dhaacada awgeed nusqaantiisuna ay tahay macsida awgeed) firi tacliiqa albani ee dhaxawiyah(s62)

hadaba been abuuradku waa shay xaraaan ah lasoco wataas caqiidada sheekhu uu ku inkiray qofkii ku tacriifiya imaanka kali iqraar iyo tasdiiq sheegayna inay caqiidada salafku tahay tasdiiq qalbiga ah, iqraar carabka ah, iyo camal xubnaha ah,

lakiin akhriste waxad ogataa inayna arinku ahayn waxa la'inkiray inuu camalku kamid yahay imaanka e aytahay sheykale oon gadaal kasoo cadayn doono inshaa allaah. hadaba waxan kuleenahay hadaydaan xishoonayn wax walba dhaha


waxana idinka codsanayaa inaad soo qortaan wixi dhaliil ah eed culumada ku haysataan kitaabka iyo safxaday hadalkaa ku dheheen amaa labadan sheekh eed ku been abuuratay rabiic iyo cali xasan sheekhooda umbay lacaqiido yihiin wax cad hadaad hayso waad soo qori lahayd waxa kalena kulamaad coloobin ilaaa inay "qudbigaagii" wax ka shegeen mooyee,

wayaa subxaanallaah wuxu noqday sayid qudub xizbiyada agteeda "qudbigii" suufiyada oo kale

wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AL MUKHLIS

Wednesday, February 21, 2001 - 08:57 am
TO ; IBNU KHALIIFA .
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI .

Duqa waa isku dhex yaacday oo ma kala sooci
kartid XAQA IYO BAADILKA .

Waxaa ka gaabsatay inaad sayid qudub wax ka
sheegto haddii ay sugnaanto inuu saxaabada wax
ka sheegay , waxaad ku jawaabtay ;
(... maxaa afka iigu galinee in sayidka aan
wax ka sheego..)

Waxaad ka cabsatay inaad raacdo xaqa , waana
sida lagu yaqaano AHLU BIDACA , inay
TAQDIISIYAAN SHIIKHYADOODA .

WAA YAAB WAA YAAB WAA YAAB WAA YAAB.

Waxaad tiri 20/ feb / 2001 ;

[ ... WAXAA JIRTA IN AL BAANI (rx) KUTUBTIISA
FIKRIGAA KU QORAY ....HADDII UU NAFARAAYO
FIKRIGAA IRJAA,IGA KA QAADAN MAYNO ....]

Waxaan kaa rabaa
1-halkuu ku qoray SHEEKH AL BAANI
KUTUBTIISA FIKRIGA IRJA,IGA AH

2-Hadii aad ilaah ka cabsanaysid
maxaad uga joogsatay SAYID QUDUB
oo ku gafay USUULU DIIN IYO FURUUCUDIIN

3- Maxaad ugu been abuuratay
MUJADID AL CASRI IMAAMU AL MUXADITHIIN
SHEEHK AL BAANI ALLAHA U NAXARIISTO

CADAALAD XUMIDAA ;
(..TILKA IDAN QISMATUN DIIZAA ..)

4- Waxaad kale oo qortay 20/feb/2001
[..SH RABIIC wuxuu kutubtiisa ku qoray;
..maa li-qaysar li-qaysar
wamaa li-laahi li-laahi
inay casrigaan xaq tahay ..]

IBNU KHALIIFA walaalow waxaa
ay na amartay diinteena inaan
hubsano waxaan sheegayno ,
ee walaalow waxaan kaa rabaa
halka uu ku sheegay sh rabiic
hadalkaas qatarta xambaarsan waa sida
aad u sheegtay ..WAL CUHDATU CALAYKA ..

Walaal haddii ay sugnato inay ku gafeen
SH AL BAANI IYO SH RABIIC bari ayaan ka
nahay gefkooda , oo waxaan ku qadarinaayaa
inta uu ku taagan yahay XAQA oo la nala
amray inan raacno .

WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Thursday, February 22, 2001 - 07:55 am
Bismilaah walxamdu lilaah wabacdu

waxan rabaa inaan halkan kusoo bandhigo farqiyadii u dhexeeyay salafiyah iyo
kooxaha kale sidan hada kahorba idiin balan qaday farqiyadaasina waxay isugu
jiraan kuwo khatar ah iyo kuwo ka yar sokeeya
waxana u qoraya farqi maxa yeelay shey walba shayga kasoo
horjeeda ayaa lagu gartaa , sida habeenka maalinta loogu garto macaankana
khadhaadhka,marka wuduux akthar ahbaa ku ziyaada markaad isbarbar dhigto horaana looyidhi "fabididihaa tatabayanul ashyaa'uu"

(A) salafiyiintu waxay aaminsan yihiin in jihaadku uu yahay acmaasha nooca
ugu fadliga badan jirayana ilaa qoyaamu saacah kuna koobnayn oo
kaliya in hub lagu jihaado bal dacwada oo lafidiyo carab iyo xujajna lagu
cadeeyo waxay kamid tahay jihaadka nooca ugu wayn uguna nacfiga badan
waqtigan aan joogno, waxayna aaminsan yihiin in jihaadka hubku uu leeyahay
shuruud iyo "dawaabid" loolana noqonayo axkaamta sharciga iyo fatawada
culumada ummadda.


(B) amaa qolayaha kale waxaba dhacda intay laayaan dad muslimiin ah ama
qarxiyaan wazaarad iyo dhisme iwm inay dhahaan waa jihaad , culumada
salafkuna waxay u arkaan arinkaas fitno wayna kadigaan in fitno laga oogo
muslimiinta dhexdooda iyo buldaanta muslimiinta , bal waxayba arkaan in
jihaadka kufaarta ay lagama maar maan tahay inay u buxsanto shuruudiisa lawaayona
wax mawanic ah .


(A) salafiyadu waxay aaminsan yihiin in cilmiga "al-jarx wattacdiil"
looyaqaan uu jirayo zaban kasta hadu u qumo arinkaas qof ahal u ah oo kamid
ah dadka cilmiga iyo xilmiga alle siiyay oo uu ulajeedo arinkaas sunada
difaacideeda

(B) amaa qolyahan kale waxayba odhanayaan baabkaas oodhan halaxidho iyadooy
jirto in iyagu ay rabaan inuu maftuux u ahaado


(A) salafiyiintu kuma cidloodaan yaraan dadka xaqa raacsan awgeed, kumana
kadsoomaan badnaanta dadka xaqa kaleexday

(B) amaa qolyahan kale badniday ku kadsomaan waxayna moodaan in xaqu jiro
kolba dhanka loobadan yahay , iyadoy jirto in alle (sw) uu kadigay in lagu
kadsoomo badnaanta .


(A) salafiyadu markay dadka ugu yeedhayaan midnimo iyo in lays kaalmaysto
waxay ulajeedaan arinkaas in lawada qabsado kitaabka alle(sw) iyo sunada ,
layskuna kalmaysto cabsida alle(sw) iyo wanaaga.


(B) qolyaha kalana midnimada ay dadka ugu yeedhaan waxa weeye is'urursi ku
dhisan xizbi iyo in beyco lalagalo madaxdooda , dadkana saas loogu yeedho
ama hawaafaqo manhajka salafka ama yuuna waafaqine.


(A) salafiyah waxay raadiyaan daliilka haday helaana kadibay ictiqaadiyaan
wuxu tusinayo naskaasi


(B) amaa ahlul ahwaa iyo axzaabtu marka horay wax ictiqaadiyaan markasay
iskudayaan marka lawaydiiyo oo layidhaa war waxan daliil
ma'uhaysataan inay daliil raadiyaan wayna adag tahay siday u helaan xaq
waafaqsan hawo iyo bidco markasa haduu helo shubho ka jilicsan "beytul
cankabuut" uu ku dulqalalayaa wana sidaas natiijada in wax la ictiqaadiyo
daliilka kahor.


(A) salafiyadu way aqbalaan naseexada daliilka wadata haba ka yimaad dhanka
ninka iyaga khilaafsan' e


(B) qolyaha kalana waxaba dhacda inay u arkaan nasteexada cay iyo
tash'hiirin .


(A) salafiyiintu way jecel yihiin saxaabada rasuulka(scw) dhamaan, waxay
jecel yihiin jacayl aan xadgudub iyo gabood fal midna ku jirin wixii
saxaabada dhex marayna way ka aamusaan , dhamaantoodna alle haka raali
noqday ugu duceeyaan .


(B) amaa ahlul ahwaa xiqdi iyo nacaybay caloosha ugu wada hayaan ,
wayna dacniyaan oo waxbay ka sheegaan , bal waxaba dhacda inay qarkood
gaalaysiiyaan saxaaabada .


(A) salafiyadu waxay ku mizaman ducaada inta uu kahaysto xaqa sunadana uga
gargaaro , waxayna dhahaan, xaqa laguma garto rijaasha laakiin xaqa baro
ragana waad baran'e.


(B) amaa qolyaha kale waxay wax ku mizamaan inuu xukaamta mimbarka ka
tash'hiiriyo iyagoo ku andacoonaya xaqbaan lajahraynaa , iyadoon la'eegayn in
caqiidadiisu saxiix tahay manhajkiisuna saliim yahay , lana eegayn mafsadada
ka dhalanaysa arinkaas .


(A) salafiyadu waxay u arkaan in kala qaybinta muslimiinta lookala
qaybiyay jamaacaad qolaba qolada kale did ku tahay inay tahay jiro khatar
ah waajibna inagu tahay inaan zuulino dawaynana halistaa kusoo food leh
dacwadan iyo mustaqbalkeeda , allena wuxu inafaray inaan xadhigiisa wada
qabsano wuxuna inooga digay khilaafka iyo tafaraaruqa .


(B) qolyahan kalana waxayba u arkaan inay xizbiyadani yihiin daahiro
caafimaad qabta ,dacwana lawadi karin iyada la'aanteed subxaana_llaaah goormay noqotay khilaafka iyo tafaraaruqa
ummaddu daahiro caafimaad qabta !!


(A) salafiyadu way ka fogadaan inay isku shabahaan gaalada wax walba oo iyagu
lagooni yihiin

(B) qayrkoodna waxaba la'arkaa inay ku tiriyaan arinkaas tashadud iyo isku
mashquulin waxyaabo "qushuur"ah fa'ilalaahil mushtakaa"


lasoco..........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL ATHARI

Friday, February 23, 2001 - 10:44 am
TO ; IBNU KHALIIFA
ASLAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU .

Walaal waxaad tahay nin aan ku socon dariiqa
xaqa ah ama uu ku jiro dariiqada ah ;
[ WARAC AL BAARID ]
Waxaad ka gaabsatay SAYID QUDUB alaha u
naxariisto qaladaad uu ka galay diinta islaamka
oo waliba taabanayso USUULUDIIN IYO FURUUCDEEDA
ku sugan kutubtiisa , ayaad ka carartay .

Waxaad ku been abuuratay SHEEKH AL BAANI alaha
u naxariisto oo ku tilmaantay inuu qabo SHEEKH
AL BAANI fikriga IRJAA,IGA ah adiga o leh ;

[ WAA JIRTAA IN AL BAANI (rx) KUTUBTIISA
FIKRIGA KU QORAY ...HADDII UU NA FARAAYO
FIKRIGA ( IRJAA,IGA ) AH KA QAADAN MAYNO ]

Waa been abuur aad u qasadeen ragiina ah ;
XIZBIYIINTA , QUDBIYIINTA , SARUURIYADA ,
ITIXAADKA ,AH MEEL AAD JOOGTAAN .

waxaan la kulmay nin ah odayaash itixaadka
ah waxaa uu igu yiri ;
( SHEEKH AL BAANI WAXAA KU JIRA XOOGAA
IRJAA,I AH )
Waxaa uu ilaah yiri ;
[ MIYAY ISAGA DARDAARMEEN ,
BAL WAA QOLO XADGUDUBTAY ]

SUURADA AL DAARIYAAT , AAYADA ( 53 )

Waxaa cadaynaaya inaad ku been abuuratay
SHEEKH AL BAANI alaha u naxariisto waxa uu
ku qoray kitaabkii ugu dambeeye oo isaga oo
ku maqan madbacda ilaah oofsaday oo ah
[ AL DABBU AL AXMAD CAN MUSNADI
AL IMMAMI AXMAD ]
Waxaa uu ku radiye ibnu najiim oo yiri;
[ WAL IIYMAANU LAA YAZIIDU WALAA YANQUSU ,
LI,ANA AL IIYMAANA CIDANAA LAYSA MINAL
ACMAAL ] AL BAXRU AL RAA,IQ 8/205 .

WAXAA UU YIRI IBNU NAJIIM ;
[ IIMAANKU MA KORDHO MANA NUQSAANO , WAAYO
IIMAANKA AGTAYNA -XANFIYADA -KAMA MID
AH ACMAASHA ]

Waxaa uu ku radiye SHEEKH AL BAANI ALLAHA U
NAXARIISTO hadal dhaxal gal ah oo istaahila
in lagu qoro QAD DAHAB AH waana kan ;

[ HADALKAN WAXAA UU SI CAD U KHILAAFSAN
YAHAY XADIISKA ABUU HURAYRA OO AH ;
RASUULKA AYAA LA WAYDIIYE ; AYUL CAMAL
AFDAL ? = CAMALKA KEE BAA UGU FADLI BADAN ?=
WAXAA UU KU JAWAABAY RASUULKA CALAYHI SALAAM;
IIYMAANU BILAAHI IYO RASUULKIISA ..]
WAXAA WERIYE BUKHAARI

Waxaa uu SHEEKH AL BAANI ka hadlay iimaanka
inuu ku kordhaayo daacada iyo inuu ku
nuskhaanayo macsida .

Ka dib SHEEKH AL BAANI waxaa uu sheegay ;
[ WAXAAN QORAY HADALKAAN IN KA BADAN
( 20 ) SANO KA HOR ANIGA OO QIRAAYA
MADHABKA SALAF IYO CAQIIDADA AHLU SUNNAH
MASAA,ILU IIYMAAN -WAANA ILAAH MAHADII ,
WAXAA MAANTAY YIMID XOOGAA JAHALO AH OO
NAGU TILMAAMAYA " IRJAA" ILAAH AYAAN U
SHEEGANAYNAA QOLADAS JAHALADA AH .
[ AL DABBU AL AXMAD P ( 33) ]
Waxaa dabceeye DAR AL SADDIIQ JUBAYL KSA .

Waxa uu ka eed sheeganaayo SHIIKH AL BAANI
waa IBNU KHALIIF iyo dadka la mid ah oo
jaahilnimo iyo been abuurka u soo shaqa tagay.

Waxaad ibnu khaliifa noo tilmaantay labo kutub
oo aad noo amaantay oo kala ah ;
1-DAAHIRATU AL IRJAA, - Dr; SAFAR XAWAALI
2-DAWAABIDU AL TAKFIIR - Dr;CABDALA AL QARNI.

Runtii labada kutub waan akhriye qaasatan kan
SAFAR waa kitaabka MARJACA kuu ah oo aad ka soo
qaadatay -AF LAGAADADA IYO BEEN ABUURKA inuu
SHEEKH AL BAANI YAHAY MURJI,AH
Waxaa uu SAFAR ku duray SHEEKH AL BAANI ALLAHA
U NAXARIISTO KITAABKIISA ;
DAAHIRATU AL IRJAA 2/762.
SHEEKH AL BAANI waxaa uu ku radiye kitaabka
safar kitaab MAKHDUUD AH OO LA DHAHO ;
[ AL RADU CALAA KITAABI DAAHIRATI AL IRJAA ]
Waxaa uu SHEEKH AL BAANI KU TILMAAMAY SAFAR
IYO M. SARUUR cajalad laga duubay
17/ zul hajj / 1418 H OO KU TILMAAMAY
[ AL SARUURIYAH KHAARIJIYAH CASRIYAH '
HADALKAA WAXAA UU KU KEENAY MARKII LA
WEYDIIYO KITAABKA SAFAR " DAAHIRATU
IRJAA " OO UU YIRI ;
WAXAA LA IS WAEYDIIYE ANIGA OO JOOGA
JAAMACAD AL MADIINA " JAMAACADA TABLIIG"
WAXAAN KU IRI WAA ;SUUFIYA CASRIYA .
WAXAAN LEEYAHAY RAGAAS ;
AL SARRUURIYAH KHAARIJIYAH CASRIYAH .

Waxaa uu sheegay ABUUFADAL AL SAKSAKI DHINTAY
683 H;
[ DAAIFADA AL MANSUURIYAH - WAA MUBTADICO
BAADIYEESAN - WAXA KU TILMAAMEEN AHLU SUNNAHA
IRJAA, AHAANSHAHOODA AH INAY GAALAYSIINAYAN
TAARUKA SALAAD AAN DIIDANAYN , WAXAY SHEEGTEEN
AL MANSUURIYAH INUU KEENAYAO IIMAANKA INUU
ACMAASHA KA MID AHAYN .
KITAABKA AL BURHAAN FII CAQAA,IDI AHLI
ADYAAN , POGGA ( 96 ) .

WASALAAMU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FG.

Friday, February 23, 2001 - 03:51 pm
Assalaamu caleykum.

salafi.

Adiga iyo dhamman inta dacwada salafka u adeegta ilaahey kheyr ha idin siiyo. Sii wad tafaasiisha ku saabsan farqiga aad tiri wuu u dhexeeyaa dacwada salafiga iyo xizbiyada ama jamaacaatka kale.

Aniga dacwada kuma dhex jiro ardeyna hadda maahi oo waa hore yaa iigu dambeysey. Meeshaan degganahayna ma joogaan adiga iyo dhallinyarada kale ee axzaabta ka dhanka(cilladna ulama jeedo). Sidaa daraaddeed halkan waan ka faa'iideysan doonaa inshallah anigoo isbar bar dhigi doona waxaad soo qorto inshallah.

Haddaadan dhib u aragna waxaad kusoo dartaa gunaanadka qoraalkaaga IMAMKA iyo arrimihiisa, Dowladaha maanta jira sida loola macaamili lahaa, madaxda iney yihiin A'IMMAH, In diinta oggoshahay Tacaddudil A'immah bidaliil. Intaasaa aniga mugdi iiga jiraa ee waxaan rabaa xaggiinna inaan ka ogaado.

Nimaan ilaahey aheyn daacad looma noqdo, islaannimadana isagaa dadka ku addonsadey sidaa daraaddeed xaqqa ninna loogama leexdo kaa'inan man kaana. Marka, xaqqa yaa i xiga iyo qofkiisa ciddu doono ha ahaado.

Haddaad hadalkeyga dhibsatey waad i cafineysaa inshallah waxbana haka oran. Ilaahey xaqqa ha'inna wada tuso. Haddii aad ii sheegi karto kutub aan aqriyo oo ka hadlaya Imamka iyo khilafada oo urusadey aaraa kala duwan ee aan hal sawir bixineyn iisoo sheeg waan soo iibsan doonaa inshallah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Saturday, February 24, 2001 - 12:06 am
Bismilah walxamdu lillaah

(A)salafiyiintu waxay dadka ku gubaabiyaan inay culumdada raacaan, wixi xaq ahna ku raacaan masaa’ilka ijtihaadka ahna
waxay ula noqdaan culumada waxay aaminsan yihiin in ijtihaadka culumadu uga khayr badan yahay kan dhulaabta


(B)amaa xizbiyo waxay unoqdaan madaxda jamaacaadka iyo wixi lamid ah culumadana waxay ku tilmaamaan inay yihiin cumaal
dowladaha u shaqeeya, fulayo ah una khuduuca xukaamta, culumada fataawadooda waxay ka qaataana waa waxay isdhahaan danaha xarakaduu taxqiijinayaa;markasay kor uqadaan oy buun buuniyaan waxayna culumo uyihiin oo kaliya
"cindal xaajah"wixi intaa kasoo hadha waxay agtooda ka yihiin juhaal aan lasocon waaqica umadda, xukaamtuna aykolba dhankay rabaan u hogaamiyaan sida adoonka sayidkiisu u hogaamiyo. "laa xowla walaa quwata ilaa billaah"


(A)salafiyadu uguma yeedho dadka beycooyin iyo cahdi sufuufta ummadda tafaraaruq ku ziyaadinaysa , kali waxay beyco
lagalaan qofkay ahlul xalli wal caqdigu u doortaan wadanka iyagoo ilaalinaya midnimada ummadda , qolyaha seef laboodka ahna way u nasteexeeyaan iyaga oo kuleh war alle kabaqa oo ummadda tafaraaruq iyo bur bur hakusii ziyaadinina



(A)salafiyiintu waxay wax ku xidhiidhiyaan kuna colaadiyaan manhajka salafka sicadli iyo insaf ku jiro

(B)amaa xizbiyiin waxay wax ku xidhiidhiyaan kuna colaadiyaan hawadooda iyo xizbigooda qofkii ku raacana agtooda sharaf iyo ixtiraambuu kamudan yahay sikastuu jaaahil u yahay , ninkii ku khilaafana agtoo jaahilbuu ka yahay aan waxba
garanayn walow caalimka ugu waynba ha’ahaadee , waxabad moodaa qofkii iyaga kamid ah sidii ahlul badar oo kale"icmaluu maa shi’itum faqad qafartu lakum" qofkii ku khilaafana waxad moodaa inayna "laa tanfacuhuu shafaacatu shaaficiin"




(A)salafiyiintu waxay ku xidhaan shabaabka cilmiga sharciga ah iyo culumada salafka iyo kutubtooda

(B)xizbiyaduna waxay ku xidhaan shabaabka siyaasad iyo joornaalada iyo majaladaha iyo maxa ku qoran al-mujtamac iyo maxay sheegtay majalad fulan = "fiq'hul waaqic"


(A)salafiyiintu waxay xooga saaraan inay dhex dooda ka sifeeyaan inxiraafkasta ama ha’ahaado jaanibka caqiidada ama
jaanibka cibaadada iyo kutubta iyo akhlaaqda iyo manhajka kadibna islamkaa sifaysanbay ku tarbiyeeyaan shabaabka



(B)amaa xizbiyiinta hamigooda ugu wayn waa dad badsi iyo ururin, bal waxaba dhacda in xizbiyada qaarkood laga helo shiico, waxayna dhahaan "yucadiru bacdunaa bacdan fiimakhtalafnaa fiih" markasa waxa dhacda in laga aamuso shirkiyaad kasta oo kajira xarakada dhexdeeda, waxayna u arkaan "ahluttasfiyah wattarbiyah" mutashadidiin





(A)dacwa salafiya waxay ku abtirsataa hadyigii uu ku taagnaa rasuulkeena (scw) iyo saxaabadiisa iyo taabiciinta iyo atbaacu taabiciyiin, mu’asaskooduna waa nabi muxamad(scw)



(B)amaa xizbiyadu waxay ku abtirsadaan madaxdooda iyo kolba qofkii xizbigaa soo aas aasay bal waxaba la’arkaa inay
qaarkod yidhahdaan suurtogal ma’aha inaan raacno manhajka salafka zabankan maanta ah iyadoon ognahay in"laa yaslaxu aakhiru haadihil ummah ilaa maa saluxa bihii awaluhaa"


(A)manhajka salafiyah dhamaantii waa xaq waana macsuum , gafkuna wuxu ka dhacaa kaliya afraadiisa baadina kuma wada kulmaan oo kuma "ijmaacaan"


(B)laakiin manaahijta ahlul bidaca iyo xizbiyiinta casrigani suurto gal ma’aha inuu noqdo xaq dhamaantiis bal waxa kamid ah xaq
intay kitaabka iyo sunada ka waafaqaan, waxana kamid ah baadil intay kitaabka iyo sunnada ka fogyihiin

wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Saturday, February 24, 2001 - 12:20 am
FG

xafidakallaah waxad moodaa inaad daalacatay qoraalka aan halkan ku hayo oo aan rabo inaan halkan ku soo nashriyo sida

(1)xukaamtu magaalaa

(2)hadayse gaalo noqon wayaan muxuu yahay ictiqaadka ayka qabeen salafkii


(3)murji'o maxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WajiRabbiDoon

Saturday, February 24, 2001 - 07:18 am
Walaal SALAFI

Muddo badan baan ishayey oon nafteyda u diiday inaan dhexgalo fitnada aad ballarineyso Muslimiinta dhexdeeda.

Sida Muuqata waxaa kugu yar cabsida aakhiro xissabteeda . Ogowna in iyo erey walbo ood ku hadasho oo meel ku qoran yahay adigana aad masuul ka noqon doonto Qiyaamaha, aanad naftaada ka dhigi doonto rahni waxaad ku hadleyso.

Markii qilaaf Muslimiinta dhex yimaaddo waxaa la isku dayaa in la isu dhoweeyo, ma aha in la ballaariyo qilaafka, maxaa yeelay cadowga Islaamka oo kaliya ayaa faaiido ugu jirtaa in la tafarruuqo. Waana xanuun aan la taaheyno.

Ha is moodin inaad heysato suldaan Allah aktiisa ka yimid oo kaa dhigay adiga kii xaqa ku taagnaa wixii kaa hor yimaaddana ay qaldan yihiin. Laakiin noqo sidii saxaabadii iyo taabixciinta aad isu nisbeysay dad xishood badan , taqwo badan, rabbbaniyiin ah oo hadeey kheyr heynin shartooda dadka ka qariya.

Masaaa'isha la isku qilaafo wexey leedahay usuul loo raaco, diintana rayi laguma dhiso, waxaad qof ku eedeysana haddi lagaa helna sifo fiican ma aha . Ha soo nooleyn fitno tagtay dadkeediina ay aakhiro jiraan.

Masaaisha waxaa laga fiiriyaa afar qodob

1. Al Thubuut, Sugnaan, taasoo ah Quraanka iyo sunnada SAWS
2. Al Dalaalah, Tilmaan, waxa ay tilmaameyso

Labadaas wexey usii kala baxaan

1. Qadci, Hubitaan
2. Dhanni, Wax malo ku dhisan

marka masalo walba wexey noqon kartaa

1. Thubuut Mid SUGAN oo La HUBO (Qadci)
2. Thubuut Mid SUGAN oo MALO KU DHISAN ( Dhanni)
3. TILMAAN (Dalaala)la HUBO (Qadci)
4. TILMAAN ( Dalaala) MALO KU DHISAN (Dhanni)

Wixii ka soo hara masaailka qadciga ah, thubuutkooda iyo dalaaladoodaba waa masaail la isku qilaafo karo ayadoon cadaawo la abuurin.


Markaad caalim qalad uu qoray aad naqdineysidna wexey leedahay adaab ah Shuruuddan:

1. Koobaad: Waa in marka hore masalada lagu heysto caalimka ama daaciyada la sugaa si ay u sugnaato ula jeeddada uu caalimkaas watay inaan laga baddalin meeshuu wax ku waday,( ma nin Islaam u hiillinayey buu ahaa mise nin cadow Islaam u uh buu ahaa) Taasna waa amaano.

2. Labaad: Inaan ka soo qaadano waxa lagu dhaliilay caalimka qoraalkiisa oo qura, laguna sugo waxa lagu sheegay. In la dallilsado qoraalladiisa kuwa ugu dambeeyey intuusan dhiman.

3. Seddexaad: Inaan marka hore heysanno fikrad dhamaystiran oo guud oo ku ssabsan manhajka uu qofkaas raacsan yahay iyo waxa uu u socdo inuu xaqiijiyo. Taasoon laga qaadanayo qoraalladiisa asaga oonan marna loo qaban waxa dad kale ay ka qoreen ama ay ku celceliyaan ayagoon hubin wexey leeyihiin. Mataal ahaan Sheikh Cabdul Caziz Bin Baaz markuu banneeyay guurka loo yaqaan ( Zawaaj bi niyatul dalaaq), la mid ma aha markey shiicada bannayso mutcada , maxaa yeelay , Sheikh Bin Baaz, Allah u naxariistee, meeshuu wax u waday waa toosneyd, Sabiilul muminiin, shiicadana meeshey wax u wadaan waa sabiilul daalliin.

4. Afraad: waa inaan isku deynaa inaan taarikhda qofkaas la dhaliilayo inteeda daruuriga ah, in taariikhdiisaas si fiican loo yaqaan, iyo marxaladaha uu soo maray oo u keentey inuu afkaarta qaarkood uu cuskado, markaas uu haddana iska dhaafay afkaartaas markuu galay marxalad kale oo uu arkay waxaan markii hore aan u muqan.

Nabi Ibraahim wuxuu maray maraaxil dhowr ah lagumana dhaliili karo inuu qorraxda iyo bisha caabudi jirey, maxaa yeelay marxaladdiisii ugu dambeysey wuxuu ku dambeeyey towxiid. Sidaasoo kale la ma mooga in uu imaam Shafici, Allaha u naxariisy lahaa laba rayi oo la kala oran jirey (qowlkiisii hore iyo qowlkiisii dambe) maxaa yeelay qof walba heerar buu soo maraa, adigaas waad is ogtahay inaad heerar soo martay, marka heerarkaagii hore waxaad ku hadashay, qayrkaagii dambe ma looga tagi karaa?

5. Shanaad: Inaan naqaanno duruufta uu ku noolaa si aan si quman u fahamno wuxuu ka wadey hadalkiisa, maxaa yeelay, qofku haddusan fahamsaneyn duruufta hadalka lagu yiri wuxuu kala bixi karaa macne ka duwan kii daaciga uu ula jeeday, maadaama uu daaciga dhintayna, waa in malada lagu fiicneeya, taas waa sunnada nabigeenna SAWS. Waxaa taas u daliil ah in Abu Ayuub Al Ansaari uu arkay niman taabiciin ah oo u fahmay aayadda ( Naftiinna halaag ha kuu tuurina ) in laga wado ha dagaallamina. Markaasuu Abuu Ayuub Al Ansaari wuxuu yiri : aayaddan annaga macshar alansaar ayey ku soo degtay, markii muslimiinta ay dagaalladii ku reysay oo qaarkood is dheheen , war aan u laabanno beeraheenni, iyo xoolaheenni, oo aan iska shaqeysanno, markaas ayaa Allah aayaddan soo dajiyey ayadoo loola jeeday in jihaadlka laga haro ayaa ah tahlukad ah, maxaa yeelay jihaadka waxaa lagu tilmaamay Xayaad ama nolol, ka tagidiidana waxaa lagu tilmaamay tahlukad. Marka in duruufta hadalka lagu yiri la fahmo waa daruuri.

6. Lixaad Inaan qofka la dhaliilsan yahay aan hadalkiisa intii lakala jajabiyo aan markaas la fasirin wuxuu ka waday, laakiin in siduu u yiri naskii oo dhan loo soo bandhigo markaasna qasdigiisii lagu eego qoralladiisa kuwa ugu dambeeyey si aanan hadalka meeshuu u waday aan looga baddalin.

Waxaad ku eedeysay Sayyid Qutuba waxaad ka heleysaa kutub ay Ahlul Sunnah ey wax ka qaadato sida Taarikh al Dabari, laakin, haddey saxaabadii dhexdoodii seef isu qaateen ooy isdileen fitno Sheitaan dhex dhigay darteed, maxaad ugu diiddan tahay wixii ka soo haray oo smankaan jooga iney qaldami karaan ayagoo xaq raadinaya?

Adabta wexy ku jirtaa inaan saxaabada wixii dhexmarey aan la qodin, laakin ninkii arrintaas ku qaldama, ma xeradaad ka saareysa?

marklaas mawaxaa harey dad macsuumiin aha sida Shiicada ay sheegatay imaamyaashooda?

Walaal, kulligeen safar baan ku jirnaa ilaa aan Rabbigeenna u tagno, wax badan oon ka xishoonnona waan sameynay, sidaa darteed, si Allah qaatimodaada u hagaajiyo, Qayr badan dadka ha ku seejin inaad u qaadato ( Microscope) Caalim ay cadow la yihiin dad meel kale uu qasadkooda yahay oo raba iney raadkiisii qotada dheeraa ee ka hadlayay ahammiyadda ey leedahay ku xukunka sharciga Allah uunka Allah. Iyo iney tahay kufri, iyo dulmi iyo fisqi in lagu baddalo sharciga Allah qawaaniin basharka ay dajisteen ooy lu xalaaleyeen Ribada, sinada iyo in wali laga dhigto gaalo, ayadoo la barxayo diintii Allah addoontana loo horseedayo jahannamo. " Walaa tarkanuu ila ladeena dalamuu, fatamassakumu al naar"
Hana u liicin kuwa dulmiga galey, maxaa yeelay cadaab baa ku taaban karata.

Culimada muslimiinta waxaa soo dhex galay waxaad ka hadleysid qadiyad ka weyn oo ah QOFKII CAAYA ALLAH IYO RASUULKA MA MUSLIM BAA.

Allah Qayr ha siiyo Sheikh ul Islaam Ibnu Taymiya wuxuu ka qoray kitaab aad u qoto dheer oo kala saaraya baadilka iyo xaqa oo la yiraahdo

Al Saarimul Masluul calaa Shaatimu Al Rasuul

Uma maleynayo, markaan akhriyey qoralladaada inaad aqrisay kitaabkaas, haddaad aqrisayna waan ka shakisanahay inaad fahamatay, sidaa darteed cilmi weyn baad moogtahay, waxaanad wax ku dhiseysaa cilmi aad u yar, marka waxaa roon in aad ku duceysato inuu Allah kaaga dhigin sabab dad baadiyeeyntiisa adoon cilmi u laheyn waxaad ku hadleysid.

Waad ogtahay imaamyo ku qaldamay arrimo weyn, haseyeeshee aan loogu xadgudbin saad ugu xadgudbeysid dad Allah u tagay. Ayaga haddey is ku xadgudbeen, Allah kala xisabinaya, adigana lagu warsan maayo wexey sameeyeen, laakin adaiga kuuma banneyneyso inaad meel kaga dhacdo qof aadan ogeun qasadkiisa xataa haddu qaldamo ficilkiisa.

Meeyey Xadiithkii SAWS

Walaalkaa u cudurdaar 72 cudurdaar?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AL MUKHLIS

Saturday, February 24, 2001 - 10:53 am
WAJI RABBI DOON
U malaynmaayo inaad tahay nin u qoray
weji rabbi , waayo wax cilmi ah kuma qabsan
SALAFI , oo waxaad u caraysan tahay waxaad
cuqdo ka qabto in laga hadlo .

1- Waxaad tiri ;
( ..sida muuqata waxaa kugu yar cabsida aakhiro
xisaabteeda ) .
sidee ku ogaatay inay ku yar tahay SALAFI
cabsida aakhiro xisaabteeda ? mise CILMI GAYBKA
ayaad daalacatay .

2- waxaad tiri ;
Waxaad ku eedaysay SAYID waxaad ka helaysaa
kutubta ahlu sunnaha ee wax ka qaadato sida
taariiq dabari ....

Waxaan kaa dalbaanaayaa inaad ii sheegto
in laga helaayo ;
A- qur,aanku waa maqluuq
B- NABI MUUSE ( CALAYHI SALAAM )waa nin
casabi ah .
c- Al khaliifah cuthmaan ibnu cafaan waxaa
uu waayey RUUXDA ISLAAMKA .
D- Mucaawiye iyo camar ibnu caas waa khawana
iyo khaladaad fara badan oo ka soo
horjeeda madhabka ahlu sunnaha .
INTAAS WAXAA AY KU TAAL KUTUBTA SAYIDKA
EE KA SOO SAAR TAARIIKH AL DABARI .
3- Waxaad tiri ;
markii aad sheegtay kitaabka sheekh
al islaam ibnu taymiyah oo ah
AL SAARIMU AL MASLUUL ayaad ku tiri ;
uma malaynmaayo markaan akhriye
qoraaladaada inaad akhrisay kitaabkaas .

Waxaan ku waydiiye ;
maxay tahay munaasabada ka dhaxysa inaad
hadalkaas aad sheegtay iyo
qoraaladiisa iyo akhrinta kitaabkaas ,
waxaad raacsiisay ;
hadaad akhrisay waxaan ka shakinaayaa inaad
fahamtay .
waa yaab maxaa ka dhaxeeye fahamka kitaabkaas
iyo qoraaladiisa .
ugu dambayntii walaal waxaa wanaagsanayd inaad
cadayso haddii uu SALAFI wax qaldan uu qoray
oo khilaafsan - MANHAJKA CILMIGA AH -
SAYID QUDUB alaha u naxariisto waxa uu ku
qaldamay isaga ayaa ka mas,uul ah ,
laakiin waxaa illa qaldan qalad uu galay
qof kale oo khilaafay diinta in la difaaco .
culumada qofkii ku gafo diinta waa la radin
jiray , haddii SAYIDKA alaha u naxariisto oo
uu gafo waa la cadaynaayaa .

AL MUKHLIS

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waji Rabbi Doon

Saturday, February 24, 2001 - 07:19 pm
Walaal Mukhlis

Allaha adiga iyo annaga naga dhigo mukhlisiin, Kuwo raadineya wajiga Rabbigooda oo isga oo kaliya jecel iney raalli geliyaan.

Waxaad mooddaa inaad hal mowjo aad fuusho, ood suuradda weyn oon ka hadlayo aad moogtahay ama aadan cilmi u leheyn.

Ka ma aadan hadal inta u badan hadalkeyga laakin waxaad toosh u sidataa Sayyid, maa daama dad kale oo sbab kale ugu sitaan tooshkaas.

Lixda tallabo oon soo qoray uma uu soo marin shiikhaada markuu raddinaayey Sayyid waxaana ka markhaati kacay Sheikh hadda ku jira Kibaar al Culamaa oo loo soo bandhigay kitaabkaan.

Mukhlis waxaad qortay
" WAJI RABBI DOON
U malaynmaayo inaad tahay nin u qoray
weji rabbi"

Haddana waxaad qortay " sidee ku ogaatay inay ku yar tahay SALAFI
cabsida aakhiro xisaabteeda ? mise CILMI GAYBKA
ayaad daalacatay . "


Waxaan u maleynayaa inaad isu jawaabtay meeshaas/


Tan labaad waxaad qortay.

"Waxaan kaa dalbaanaayaa inaad ii sheegto
in laga helaayo ;
A- qur,aanku waa maqluuq


Walaal waa dulmi inaad waxaadan akhrinin aad nin kale ku raacdid, markey ugu yartahay adiga wuxuu soo qoray akhri ayadoo dhan oon la jarin naska.

Waxaa jira hadal maldahan oo Sayid ku hadlay Raximuhullah oo haddi hadallo badan sidaasoo jkale loogu fiirsado aan qof wax laga qaato jirin

Wuxuu qoray sayyid asagoo carrabka ka qaldamay laakin qasadkiisa uu qumanaa oo difaacayey Quraanka kana difaacayey cilmaaniyiinta

" Laakin Quraanka ma aha wax bashar keeneen, waa sunciga Allah"

Hadalkaas ma lagu dhisi karaa inuu aaminsanaa khalqul quraan? Jawaabti waa may , maxaa yeelay isla kitaabkaas ayuu ku nafyinayaa iyo kutubtii ka dambeysey.

Ninkii farax la yiri (Allah anta CABDII wa anaa Rabbuk) ma gaaloobay. Walaal qasadka yaan la fasirin, maxaa yeely qasadka Akkah ayaa yaqaan laakiin nolosha shiikhaas iyo wuxuu ku dhintay ayaa ka markhaati kacaya noloshiisa meeshuu u hibeeyay.

Kitaab walaba haddi loo akhriyo in qaladaad laga soo saaro markaas la weyneeyo ilaa diinta qofkaas laga saaro, wax noo harayaa majiraan.

waxaad qortay inuu Sayyid Yiri " B- NABI MUUSE ( CALAYHI SALAAM )waa nin
casabi ah ."

Walaal miyuusan nabigeenna u xanaaqii jirin xaqa. Hadalka haddii laga baddalo qasadka sidii la doono ayaa loo baddali karaa. Waxaa xaq ah kalimadda CASABI in macneheeda uu yahay qof caro dhow. markaan fiirinno nabi Muuse Caleyhi salaam, waxaan arkeynaa inuu

1.Masar nin ku dilay, ASagoo DULMI la Diriraya xaqna difaacaya. taas ma ceeb baa?

2. Inuu ka xanaaqay walaalkiis markuu u yimid qawmkiisii oo caabudaya cijliga, uu markaas ka jiiday madaxiisa iyo garkiisa, uu looxii tuuray caro darteed. Mar labaad Nabi Muuse wuxuu u xanaaqay allah dartiis. taas ma ceeb baa?

Macnaha CASABI wuxuu ka waday nin QAYUUR u ah Diinta Rabbi. ee Sayyid u ma qasdin inuu Nabi Allah caayo, halkeed rayiogaas ka heshay?

Sheikh Rabiic Al Madkhali markuu u dhaqaaqay inuu ka daba qaato Sayyed waxaa uu qoray kitaabka aad ka biyo cabtid, kitaabkaas waxuu u soo bandigay shiikhiisa oo hadda mar djow lagu daray HAYATU KUBAAR AL CULAMAA, oo asaga xataa markuu diiday in la daabaco kitaabkaas qaladaadka badan oo lagu caynayay Sayyed , xitaa shikaas ayaa meeluu ka galo waayey jamaacda Madkhali.

Sheikh baker bin Zeid wuxuu qoray asagoo ka hadlaya kitaabkaas shaki uu ku jiro qoraaga runta ah oo ka dambeeya


Rabiic wuxuu qoray Kitaab uu ku caayey, kuna gaaleysiiyey caalim weyn oo Diintta wax wweyn u qabtay naftiisiina u huray, saxwadda maanta socotana dab badan ay ka qaadatay.

Kitaabkii wuxuu u soo bandhigay Sheikh hadda ku jira " hayada kibaar al culimaa" uu ka dalbaday inuu kitaabkaas loo ogolaado in la daabaco.

Shiikhii markuu akhriyey Kitaabkii rabiic wuxuu soo qoray' anoo soo koobaya.

(" Walaalkay Rabiic. Waxaa la ii keenay draft kitaab ka kooban taqriiban 160 safxadood, oo la yiri adiga qoray, safxadahaas wexey ku qornaayeen far dad kala duwan ay soo qoreen fartaadii aan oqoon jireyna kuma aan arkin, waxaan is iri, waa ardeydiisii oo soo aruurisay oo uu ukala diray asaga iney u keenaan masaadirta.

laakiin maa daam aad i tiri anaa qoray wan aqbalayaa

Walaal, tuhmada aad ku tuhumtay calimkan wa weyn yihiin, waana kuwo aad ku gaaleysiineysid, dubkeyga waa ka jiriiricyooday waxaad ku sheegtay, wxaanan is iri, anoon weligey kutubtiisa akhrinin, oo ninka sidaan u lunsan maxaa waa hore dadka looga qaban waayey.

Waxaan kaloon la yaabay in culimo badan ay daliilsadaan qoraalladiisa, adiga xataa Rabicow waad daliilsan jirtay saad ogtahay.

Markaas ayaan doontay kutubtiisa, markaan akhriyey waxaan ku arkay " XAQAN ABLAJAN, xaq cad, kheyr badan, iyo wax burinaya wax walbood ku sheegtay caalimkaas.

Markaan kitaabkaaga garab dhigay kitaabkiisa waxaan arkay in qoraalkaaga uu la mid yahay arday dhigat icdaadi, adigoo Doctorate heysta, qoraalka ninkaad raddineysid kor baad u kicisay,

Marka waxaan kugula talinayaa in kitaabkaan aadan daabicin"

Kitaabkii waa la daabacay, culimo badanna in la caayo waxaa bilaabay dadka raacsan Rabiic ayadoon la oqoon markaas ko hor wax la yiraahdi xisbiyah, oo talabatul cilmiga ay ahaayeen hal qolo oo ixtitraamta culimadooda.

Sheikhii hadalkaas qoray maanta wa xubin hayadaa culimada waaweyn. Caalimaka uu caayey Rabiic uu gaaleysiiyay, aakhiro ayuu jiraa, Rabiicna waxaa cayriyey xaakimaka Madiina joogi jiray, warkiisana waa la waayey.


Maanta wa inoo halkaas, haddaan dhimanona Allah ayaa nakala xukumi doona.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Saturday, February 24, 2001 - 10:42 pm
Mukhlis iyo Salafi

Iyo inta difaacda Jamaacadda loo yaqaan Al Salafiyah Al Jadiida ama jamaacadda Rabiic Al Madkhali, ama Jaami.


Kaalayaa aan Allah barinno idinka iyo annaka, si ay nacladda Allah u fuusho kuwa beenta sheegaya.

Haddaad taas ka cabsataan, Allah u towbo keena, baadilka aad daba socotaanna ka hara, inaad Allah oo qura addoonnimadiisa sheegataan iyo inaad ka aamustaan baddalid la baddalayo diintii Allah indhaheenna oo furan, ood ka baqdaan inaad raddisaan, ood doorataan in saalixiinta dhimatay inaad ka dabooshaan shabaabka saxwada iney kheyr ka qaataan, arrimahaas wax is keenaya ma aha.

Wali ma arag idinkoo gaalo heysta, war ma shabaabka muslimiinta ay ummadda uga qatar weyn gaalada?

Wali ma arag idinkoo cilmaaniyiin heysta, kuwa diiday kitaabka Allah in la isku xukumo?

Wali ma arag idinkoo fasaadka mujtamaca xalli u haya,

Wali ma arag idikoo kitaabka Allah dalbanaya in lagu xukumo uunka Allah

Laakin waxaan arkaa, idinkoo mehered ka dhigtay sidii aad dhallinta isku ictisaamay Allah iyo Sunnada Rasuulkiisa rabtaan inaad hoos keentaan faasiqiin, faasiqiintaas oo talo ka qaata gaalo, gaalada talo ka qaadato sheidaan.

War ma sunno u hiillin baa waxa aan maanto maqalno idaacaadka adduunka oo shareecadii Allah lagu baddashay qaanuunka laciinka ah ey gaalada noo keentay.

War ma Sunnada nabigaa in aad raalli ka noqotaan oo aadan raddinin in dimuqraadiyadda ay tahay gaalnimo, ooy dadka sharci dajiyaan aan Allah suldaan siinnin. Mise waxaad aamin san tihiin in Dimuqraadiyadda ay Salafiyadda cusub raacsan tahay?

War taarikul Salaat ma waliyul amri baa? Mise waad illowdeen Allah ku yiri Ibraahim CS " Ballanteeyda (imaamnimada ) ma gaareeyso daalimiinta" daalim sidee loo aqbalaa walaayadiisa? iyo imaamadiisa? mise waa fiqi cusub oo casriga cusub la socda.

Marka Ummad dhaawacan oo liidata oo cadowgooda badan yahay baad lugtey ku boodeysey rabtaan inaad ka jartaan, lugtaas waa dhallinyarada rabta Allah oo qura iyo Sunnada SAWS in adduunkoo dhan uu ku socdo. Qilaafka dhexdooda yaal waa mid u baahan in la toosiyo, lana mideeyo dadaalkooda.

War Allah ka cabsada, ee idinkana ha lumina dadkana ha luminina.

War ma Sunnada rasuulkaa in aad saxwada Islaamka kula dirirtaan iney yihiin xisbiya ka soo horjeedda diinta Islaamka , isla markaasna aad raalli ka tihiin axsaab run ah oo la magac baxday axsaab siyaasi ah iyo waddamo mid walba la baxay magac oo gooni u goostay.

Haddad xaq waddaan ood diiddan tihiin xisbiya, ood rabtaan in ummadda Muslimiinta ay noqoto hal ummad, marka hore ka bilaaba inaad madaxda qancisaan iney sunnada qilaafsan tahay in muslimiinta ay tafarruqaan ooy noqdaan dowlado, mid walba ay amiir leedahay.

Laakin ha burburunina saxwadda u sababta ah xataa idinka inaad diinta ka qaadateen oo la'aanteed eydan maanta wax fahmi laheyn.

Hadal waxaa u fiican hadalka Allah, hanuunna waxaa u fiican kii rasuulikiisa SCWS.

Waxaa la idiin qaatay inaad tiraahdaan:

"Rabbanaa ighfir li ikhwaaninaa alladeiina sabaquunaa fil iimaan wa laa la tajcal fii quluubinaa ghillan lilladeena aamunuu"

Allow u dambi dhaaf walaalaheen nooga hormaray iimaanka, quluubteennana ha u galin cadaawo kuwa (Allah) aaminey"

" Wa sa tathkuruuna maa aquulu lakum, wa ufawidu amrii ila Allah"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AL MUKHLIS

Sunday, February 25, 2001 - 02:00 am
weji raabbi doon & abuu daxdaax
run ahaantii waxaad waqtiga isaga luminaysaan
DIFAACA SAYID QUDUB oo aan ka cabsi qabo
inad CAABUDAAN .

Walaalkii maxamad qudbi , oo la waydiiye
ragga raddiye waxa uu ku jawaabay ;
[...haddii ay ilaah dartii wax uga qoreen ,
anigana ilaah dartii ayaan uga aamusaayaa ..]

weji ;
waxaad qortay ; rabiic ayaa wuxuu qoray kitaab
uu ku caynaayo kuna gaalaysiinaayo SAYID QUTUB

WAXAAD KENTAA HAL CAAY OO UU CAAYE SAYIDKA
IYO MEESHA UU KU GAALAYSIIYE OGOW HADDII
AY SUGNAATO INAAN BARRI KA AHAY EE KEEN
...IN KUNTA MINA SAADIQIIN...

BAKAR ABUU ZAYD waa nin ku xeel dheer sida
loo radiyo qofka uu ka helo dul duleel ,
laakiin kitaabkii lagu radiye weli kama
jawaabin oo waxaa ka soo wareegay (7)sanno
kitaabka lagu radiye magaciisu waa ;
[ AL XADU AL FAASIL BAYNA AL XAQI WAL BAADIL ]
Waa la ifxaamiye , aaway af tahanaantiisa ?

weji ;
waxaad tiri shiikhaaga =( rabiic )
runtii shiikhayga ma ahan , oo wax kama
akhrisan , xataa haddii aan kuu qabto inuu
shiikhayga yahay , wixii uu ku khilaafo xaqa
berri ayaan ka ahay , maa hi sida ragga
caabudda shiikhyalkooda QUDBIYIINTA I.W.M
ABUU DAXDAAX;
Waxaad tiri kama hadashaan munkarka iyo wax
badan aad tirisay , runtii waa ka hadalnaa
wixii khilaafsan sharciga ,
waxaa ku gubay waa baadilka aad daba haysato
sayid qudub allaha u naxariisto wixii khalad
ka dhacana allaha ka dhaafo ,
waxaad ka dhigteen SAYIDKA sida nabbi la soo
diray oo qofkii qaladkiisa sheega uu ku tuntay
DIINTA ISLAAMKA , ISLAMKUNA UU BARRI KA YAHAY

IN LA SHEEGO QALADKA WAX DHIBAATO AH MA LAHA
QOFKII UU DOONO HA NOQDO SAYID ,AL BAANI ,
IBNU BAAZ ALLAHA U WADA NAXARIISTO
WAXAA LOO BAAHAN YAHAY DALIIL CAD OO
CADAYNAAYA QALADKOODA .
KITAABADA UU QORAY SHEKH RABIIC WAXAA KU
WAAFAQAY CULUMA WAA WEYN SIDA ;
SH AL BAANI , IBNU BAAZ , SAALAX AL FOWZAAN
WELI WAXAA UU U SOO DIRAY SH AL BAANI
[ TAQRIID ] OO KU SHEEGAY ;
[ ..ILAAH HA KAA ABAAL MARIYO QORAALKADA,
SAYID QUDUB MA AHAYN NIN AQOON U LEH USUULU
DIIN IYO FURUUCDEEDA , WAANA WAX UU GARAN KARO
QOF KASTA OO LEH THAQAAFA ISLAAMIYAH ..]
WAXAA UU AHAA TAQRIIDKAAS KITAABKA AL CAWAASIM
OO UU LEEYAHA SH RABIIC

Waxaa uu ku tilmaamay SH AL BAANI INUU ;
SH RABIIC inuu yahay ;
[..XAAMULU LIWAA,I AL JARXI WA TACDIIL XAQAN
FII HAADAL CASRI..]
Culumada taskiyeesay SH RABIIC oo ah ;
SH AL BAANI , SH IBNU BAAZ , SH CUTHAYMIIN
ALLAHA U WADA NAXARIISTO WAXAY KU SIFOOBEEN
QOWLKA NABIGA CALAYHI SALAAM OO AH
( ANTUM SHUHADAA,U LAAHI FIL ARDI )

EE CAAMADIIN " SUFAHADA " AH MAXAAD TIHIIN ?

WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Sunday, February 25, 2001 - 07:06 pm
Mukhlis

Markaad igu timaantay inaan ahay nin Sayyed caabuda, waxaa ii caddaatay inaadan ahayn nin u fiirsada hadalkiisa culeyska uu leeyahay. Insaaf iyo cadallo aanan leheyn oo ah sifaadka lagu yaqaanno dadkaad dabo socoto.

Laakiin waxaa yaab leh qof aad ku tilmaantay markaad qoratay "

" waxaad tiri shiikhaaga =( rabiic )
runtii shiikhayga ma ahan , oo wax kama
akhrisan "

waxaa is weydiin leh hadaba, nin aadan wax ka akhrisan sideed uga difaacdaa nin kale oodan wixiisa akhrin?

Waxaa kaloo iga yaabiyey sidaad ugu riyaaqsan tahay Rabiic oo qofkii raddiya aad leedahay waa la ifxaamiyey, hadalkaas waa hadalka dadka iney muran ku raayaan uga muhimsan tahay iney xaq qaataan, Haddi Sheikh Bin Baaz Allah u naxariistee uu raddin lahaa rabiic asagana miyaad ifxaamin leheydeen? , maxaa yeelay dad muranka ku xeelo dheer baad tihiin, bal aan aragno muranka meeshuu idin geeyo.

Aniga, waxaan wax ka akhristay, Shikh Cutheimiin, Raximuhullah , Al Jibriin, Bin Baaz, Muhammad ibnu Ibraahim ( Mufti Al Diyaar, saabiqan), Sheikh Muxammad ibnu Cabdul Wahaab, Ibnu Taymiyah, ibnul qayim ( Kutub badan) Al Showkaani, Al Sancaani, Ibn Katheer, Al Tabari, Al Qurdubi, Al Bukhaari wa Muslim, iyo shuruux kala duwan. Ibn Hishaam. Abul Hassan al nadwi, Abu Al Aclaa al mowdoodi, Al Doosaary, Safar Al hawaali, salmaan cowdah, Al Qarni, Al Duweish iyo niman mucaasiriin ah oo badan.

Waxaan kuugu soo qoray waxaan akhristay faan ma aha, ( Xaashaa Lillah) ee waa inaan kuu sheego in qof walboo kaa horimaada inaadan ku durin inuu mushrik fii cibaadatillah yahay. Subxaanallah cammaa yaquuluuna culuwan kabiira.


Waxaan kaloon akhriyey Rabiic Madkhali wuxuu qoray. ood sheegtay inaadan akhrin.


Allah ayaa daalacada sariirada, " Wa sayacalamu alladiina dalamuu aya munqalabin yanqalibuun"

Aniga, mar dambe kuuma jawaabayo, maxaa yeelay qof faaiido raba u ma muuqatid, muranka aan kheyr dhalinna waxaa ka fiican in cibaado lagu baddasho, gaar ahaan tobankan maalmood oo barakeysan.

Nasalu Allaha al caafiyah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Monday, February 26, 2001 - 08:51 am
bismillaah walxamdu lillaah wabacdu

awalan waxa haboon intaynaa ugudo galin mowduuca inaan arimo yar isla ishaarno , arinka kobaad waxa weeye , markan ka hadlayno wuxu alle soo dajiyay waxan ahayn ku xugunkiisu ma'gaalnimaa mise maha'aha inay tahay arinkaas difaac ladifaacayo xukaamta ama nin dambi ku dhacay oo lootabriirinayon, laashakka in qofkii ku xukuma wuxuna alle soo dajinin inuu daalim wayn yahay dambi wayn oo kabaa'ir ahna uu ku dhacay , lakiin arinku waxa weeye intay xamaasad iyo inaga badato qiiradu ma'aha inaan ka gudubno xuduudii ahlu sunnah wal jamaacah ka istaagtay cusaada muslimiinta ah ,

oo ma odhanayaa qof wax garad ah , xasanul bis(rxm) markuu fatwooday inuuna qofka murtakibul kabiiro ah gaaloobayn, waasil binu cadhaana uu khilaafay , qof caaqil ah ma'odhan karaa , xasanul bisri wuxu difaacay cusaada wuxuna u sahlay inay macsi ku dhacaan , ? hadalkaa ma'odhanayo labo ninmooyee cidkala , nin jaahil ah iyo qofsaaxibul ahwaa ah sida waasil ibnu cadhaa.


arinta labaadna waxay tahay salafku waxay dheheen qofka ku xukuma wax uuna alle soo dajinin hadii uu yidhaa waa xalaal"ISTIXLAAL" wuu ku gaaloobayaa sida qofka zinaystaba uu haduu yidhaa waa xalaal ugu gaaloobayo , iyo haduu u sameeyo istikbaar iyo JUXUUD iyo cinaad iwm


wuxu yidhi imaam al-aajuri(rxm)(waxa kamid ah mutashaabiha ay raac raacdo "xaruuriyadu" qowlka alle caza wajal(cidaan ku xukumin wuxu alle soodajiyay kuwaasi waa gaalo) suuratul maa'idah(44)waxayna akhriyaan aayadan lajirkeeda (aayada)(kuwa gaalobayse allahood yay wax lasimi ) ancaam(1) markay arkaan imaam ku xukumaya waxan xaq ahayn , waxay odhan: dhabtii wuu gaaloobay, qofkii gaaloobana rabigiibuu wax lasimay , shirkibuuna sameeyay, marka madaxdaasi waa mushrikiin , markasay ku baxayaan oysamayn waxad aragtay , maxaa yeelay aayadahanay ta'awiil sanayaan ) firi ashariicah(s 37)


wuxu yidhi jasaas(rxm) ( waxay u ta'awiishatay khawaarij aayadan gaalnimada qofka ka taga ku xugmida wuxu alle soo dajiyay JUXUUD la'aan)fiiri axkaamul qur'aan ( 2/534)

wuxu yidhi cikrimah (rxm) ninkaan ku xukumin wuxu alle soodajiyay "JAAXIDAN bihii" wuu gaaloobay lakiin ninkii QIRA ,aanse ku xukumin waa daalin faasiq ah) firi mukhtasir tafsiirul khaazin( 1/310)

wuxu yidhi ibnu jazii(rxm) ((jamaacaa waxay tidhi aayadu caambay ku tahay qofkasta oon ku xukumin wuxu alle soodajiyay , yahuuda iyo muslimiinta iyo kuwa kalaba , lakiin kufriga muslimiintu waa kufri macsiyo ah oon ka saarayn imaanka )) firi tafsiir ibnu jizii (155)


wuxu yidhi ibnu cadhiyah (rxm) jamaaco waynbaa waxay dheheen, oo ahlul cilmiga kamid ah aayadu waxay taabanaysaa qofkasta oon ku xukumin wuxu alle soodajiyay , lakiin madaxda ummaddan waa gaalnimo macsi ah oon ka saarayn imaanka ) firi al-muxararul wajiiz (4/456)


wuxu yidhi ibnu cabdil bar (rxm) (dhabtii waxaa ku lumay baabkan jamaaco kamid ah ahlul bidaca oo khawaarij iyo muctazilo kamid ah , waxay u xujayzteen aathaartan iyo kuwo lamid ah gaalaysiinta dadka dambaabay , waxayna xujayzteen kitaabka alle xagiisa aayado aan daahirka kamuuqda tusinayn, sida qowlka alle cazza wajal (cidaan ku xukumin wuxu alle soodajiyay kuwaasi waa gaalo) firi attamhiid (17/16)


wuxu yidhi abuu xayaan al-andolisi(rxm) ( waxay u xujaysatay khawaarij aayadan , in qofkasta oo alle ku caasiya uu gaal yahay, waxayna dheheen waa cadayn tusinaysa in qofkasta oon ku xukumin wuxu alle soo dajiyay uu gaal yahay ) firi baxrul muxiidh (3/493)


wuxu yidhi ibnu jowzii (rxm) (( faslul khidhaabku waxa weeye in qofkaan ku xukumin wuxu alle soodajiyay JUXUUD dartii , ogna inuu alle soodajiyay , siday yuhuudu samaysay oo kale waa gaal . qofkaanse ku xukumin wuxu alle soo dajiyay hawo uu raacay darteed JUXUUD la,aan waa daalim faasiq ah . wuxu ka wariyay cali binu dhalxa, ibnu cabaas (rc) inuu yidhi (( man JAXADA maa anzalalaahu faqad kafar waman AQARRA bihii walam yaxkumbihii fahuwa daalimun faasiq)) firi zaadul masiir (2/366)

wuxu yidhi qurdhubi (rxm) ( wuxu yidhi ibnu mascuud iyo xasan caanbay ku tahay qofkasta oon kuxukumin wuxu alle soo dajiyay yacnii isagoo ICTIQAADSAN XALAASHANAYANA) firi al-jaamic li'axkaamil qur'aan(6/190)

wuxu yidhi abul muthfir asamcanii tafsiirkiisa dhaxdiisa (2/42) ( ogow in khawaarij soo daliishanayaan aayadan odhanayaana: ( ninkaan ku xukumin wuxu alle soo dajiyay waa kaafir , ahlu sunnana waxay dheheen kuma gaaloobayo katagida xukunka)

wuxu yidhi al_calaamah asacdi (rxm) ( xugunka waxan hayn wuxu alle soo dajiyay waxay kamid tahay acmaasha ahlul kufriga , waxana dhici karta inuu noqdo kufri diinta lagaga baxayo, markaasina waa markuu ICTIQAADIYO xalaanimadiisa iyo inuu banaan yahay , waxana dhici karta inuu noqdo kabiiro oo kamid ah kabaa'irta dunuubta , iyo acmaal kufri ah , mutaysanayana qofkii sameeya cadaab daran ....... (((cidaan ku xukumin wuxu alle soodajiyay kuwaasi waa gaalo) )) ibnu cabaas wuxu yidhi "kufrun duunakufri wadulmun duuna dulmi wa fisqun duuna fisqi" waa dulmi wayn markuu ISTIXLAASHADO waana kabiiro wayn marku sameeyo ISTIXLAAL la'aan) firi tafsiirru kariimu raxmaan (2/296-297)


wuxu yidhi ibnu qayim(rxm) markuu kasoo hadlay anwaacda kufriga ( waakaa tawiilkii ibnu cabaas iyo saxaabada dhamaan qowlka alle subxaanahuu watacaalaa(cidaan ku xukumin wuxu alle soodajiyay kuwaasi waa gaalo)wuxu yidhi ibnu cabaas "ma'aha kufri kasaaraya millada bal haduu sameeyo wuu ku gaaloobayaa mana aha sida qof alle ku gaaloobay iyo maalinta qiyaamo oo kale" saasoo kaluuna yidhi dhaawuus, cadhaana wuxu yidhi ^waa kufri duuna kufri iyo dulmi duuna dulmi iyo fisqi duuna fisqi........ markasa wuxu sii raaciyay aqwaasha culumada ee tafsiirka aayada, kadib wuxu yidhi (sida saxiixa ahna in wax lagu xukumo waysoo hoos galaysaa kufriga wayn iyo kan yarba kolba siduu xaakimku yahaybay ku xidhan tahay , hadii uu ictiqaadiyo inuu waajib yahay xukunkuu alle soodijiyay xaaladaas iyada ah lakiin uu ka leexdo caasinimo awgeed isagoo ictiraafsan inuu mutaystay ciqaab , kaasi waa kufri yar , lakiin haduu ICTIQAADIYO inuusan waajib ahayn oo wixi ladoono laga yeeli karo isagoo og inuu xugunkii alle yahay kaasi waa kufri wayn , haduuse jaahil kayahay oo uu gafo waaqof gafay xugunka kuwa gafay ayuuna leeyahay .... wuxu siiraaciyay ... ( qasdigu waxa weeye in macsidu dhamaanteed ay tahay nooca kufriga yar , waxayna did ku tahay shukriga acmaasha dhaacada ah.

waxay nashrisay jariidada looyaqaan al-sharqul owsadh cadadka (6156) tariikhdu markay ahayd 12/5/1416H muftigii hore ee mamlakada la-calaamah c/caziiz binu baaz(rxm) maqaal uu ku yidhi (waxan dhaalacday jawaab mufiid ah oo wanaagsan taasuu soo jeediyay fadiilatu shaykh albaan "wafaqahullaah" -rxm-- oo lagu nashriyay jariidada sharqul owsadh iyo saxafada "al muslimuun" taasuu kaga jawaabay fadiiladu mas'alada takfiirinta qofka ku xukuma wuxu alle soo dajiyay waxan ahayn iyadoon latafsiilin waxana arkay inay tahay kalimad qayim ah xaqana uu asiibay , jidkii mu'uminiintana uu qaaday cadeeyayna, alle hawaafajiyo'e in ayna u banaanayn qof dadka kamid ah inuu ku gaalnimo xukmiyo qofka ku xukuma waxan ahayn wuxu alle soo dajiyay kaliya ficil ayadoon la'ogayn inuu QALBIGIISA KA XALAASHADAY ARINKAAS, wuxuna u xujaystay arinkaas waxa kasugan ibnu cabaas iyo qayrkii oo salafka ummadda kamid ah shakina kuma jiro in arinka uu ku sheegay jawabtiisa oo ah tafsiirka tafsiirka qowlka alle tacalaa((cidaan ku xukumin wuxu alle soodajiyay kuwaasi waa gaalo)) (((cidaan ku xukumin wuxu alle soodajiyay kuwaasi waa daalimiin)) ((cidaan ku xukumin wuxu alle soodajiyay kuwaasi waa faasiqqin)) inay sawaab tahay dhabtiina wuu cadeeyay "wafaqahu_llaah" in kufrigu labo kufri yahay , mid wayn iyo mid yar siduu dulmiguba labo u yahay , sidaasoo kale fisqiguna waa labo mid wayn iyo mid yar , ninkii XALAASHADA xugunka alle waxan ahayn ama zinada ama ribada ama qayrkoodba ,oo muxaramaadka kamid ah , ee xarantooda mujmaca lagu yahay dhabtii wuu gaaloobay gaalnimo wayn , lakiin ninkii sameeya isagoon XALAASHANAYN kufrigiisu wuxuahaanayaa kufri yar, dulmigiisuna dulmi yar sidaasoo kale fisqiguna.) dhamad

hadaad rabtidna halakn ka akhriso iyadoo carib ah
http://www.binbaz.org.sa/Display.asp?f=bz01724


wuxu yidhi sheekh muxamed binu ibraahim (rxm) ( sido kale taxqiijinta macnaha muxamed rasuululaah waxay kamid tahay ku xukmida shariicadiisa iyo in iyada lagu koobsado , lana xooro wixi khilaafa oo qawaaniin iyo waxyaalo ladajiyay ah , iyo dhamaan ashyaada maa anzalalaahu bihaa min suldhaan, taaso qofkii ku xukuma ama u xukuntaga isagoo ICTIQAADSAN saxiix nimada arinkaas iyo inuu banaan yahay waa kaafir kufri diinta ka saaraya , lakiin haduu sameeyo isagoon ICTIQAAD sanayn arinkaas iyo inuu banaan yahay , waa gaal gaalnimo camal ah kasoo kasaarayn diinta ) firi fatawada shekha (1/80)


hadaba walaal waxa halkaa kaaga cadaaday in qofwalba oon u eegin JUXUUD iyo ISTIXLAAL imw qofkii waxan kitaabka ahayn wax ku xukuma , inuu khaariji yahay .sadi xaqa ah waxa weeye inay suurto gal hayn in aqwaasha culumada lafahmo iyadoon la'aqoon musdhalaxaadka ay adeeg sanayaan , tusaale ahaan musdhalaxa (attabdiil) waxay dad badan u fahmeen sikhaldan , xaqiiqaduna waxa weeye in macnaha tabdiil uu yahay , in xugun ladajiyo kadibna alle loonisbeeyo oo layidhaa waa xugun alle sharciga alluuna kamid yahay , saasuuna ku tilmaamay ibnul carabi almaaliki oo wuxu yidhi ( haduu ku xukumo waxa agtiisa ah, sidii isagoo alle kayimid, waa tabdiil waajibinaya gaalnimo) firi axkaamul qar'aan(2/623)


halkan hoose waa fatwadii ugu dambaysay ee sheekh ibnu cuthaymiin arinkan xaakimiyada istixlaalbuuna u shardhinayaa qawaaniinta

http://www.geocities.com/omer_khalid2002/002.htm'


wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Monday, February 26, 2001 - 09:09 pm
Walaal Salafi

Allaha kaa abaal mariyo sida cilmiyeysan oo ah munaaqasho ay ka muuqato bislaan iyo talabatul cilmiga sida ay uga manaaqashoodaan arrimaha diintooda. Allah waxaan kaaga baryayaa inu adiga iyo aniga iyo intii xqa raadisa aha uu waddada toosan uu noogu yeeray aan raacno. aamiin

Walaal, masalada (al xukmu bigheyri maa anzala Allah) waa masalo weyn, waana masalo aan sahlaneyn, waana masaladda sababta u ah ummaddeenna maanta iney noqotay umadah ugu dullisan bashariyadda kaddib markuu allah noo doortay inaan noqonno Kheyru Ummah, oo sifaadkooda yahay iney faraan macruufka, munkarkana isku inkiraan.

Walaal, Ibnu Taymiya kitaabkiisa ( Al Saarimul Masluul calaa shaatimul rasuul wuxuu ku yiri asagoo beeninaya qowlkaan dhahaya ,hadduu xalaalsado waa gaal, haddii kalena waa daalim)

Ibnu Taymiya wuxuu yiri qowlkaas (ASAL MA LEH).

Markaas ayuu raximuhullah kala saaray arrimaha si aanan loo daliilsan intii diinta laga faraxasho haddana la sheegto in muslim sidaas lagu yahay.

wuxuu yidhi Sheykhul Islaam.

Diintu wexey ka koobantaa labo qayb

1. Akhbaar,

2. Awaamir

Akhbaarta waxaa la iska rabaa in la qiro oo la rumeeyo.

Awaamirta waxaa la iska rabaa in la raaco oo loo hoggaansamo.


Amarka sidaa darteed uma baahna qirid, Qirid waxaa u baahan khabarka. Amarka wuxuu u baahan yahay fulin iyo raacid.

Amarka wuxuu u kala baxaa labo qaybood

1. Amar lagu faray inaad sameyson (Ficli)
2. Amar lagu faray inaad ka harto ( Tarki)

Amarka (ficli)ah ee lagu faray inaad wax sameyso, haddii aad diiddo waxaa sabab u noqon kara

1. Inaad aaminsaneyn qalbigaaga = Gaalnimo
2. Inaad ku adkeysato (Juxuud)= Gaalnimo
3. Inaad Caqli leheyn (marfuuc canhul qalam)

Amarka lagu faray inaad ka harto, ama ka fogaato haddad ku dhacdo, waxaa sabab u noqon kara

1. Inaad aaminsaneyn = Gaalnimo
2. Inaad ku adkeysato (juxuud)= Gaalnimo
3. Inaad Caqli leheyn= (marfuuc canhul qalam)
4. In shahwad kaa xoog badisay = Muslim caasi ah


Ibliis Allah wuu yaqaannay, wuxuu ku gaaloobay inuu ku adkeystay amar samee la yidhi inuu diiday inuu sameeeyo.

Adam CS, wuxuu Muslim caasi ah ku noqday inuu u daciifay shahwad la yidhi ka fogow, marka ma gaaloobin ee ( Fa casaa Adamu rabbuhu fa ghawaa) ( Thumma ijtabaahu Rabbahu fa hadaa)

Arrinta xukunka wexey geleysaa amar ficilkiisa la iska rabo oo Allah uu amray samee. Qofkii amarkaas diida wuxuu ku madax adeygay Allah. Sidaas darteed wuu ku gaaloobayaa. Wixii sheydaan uu sameeyay qofkii sameeya, xukunkii sheydaanka ayaa ku fulaaya,.

Laakin, walaal, samankeenna iyo samankii khawaarijta waxey ku kala duwanaayeen, in ay jirtay dowlad khilaafo ah, oo nidaamka Allah hoos imaata oon isugu tagin jinsi, walaa dhul walaa qabiil, oo isugu tagay Allah dartiis iyo sidii ay u oogi lahaayeen diinta Allah dhulka korkiisa.

Nimaka khawaarijta wey lumeen wexeyna ku soo dareen diinta waxaan ku jirin, macaasida ayey dadka ku gaaleysiiyiin, qalad badanna wey daliilsadeen, sidaa darteed ayaga, Murjiada, Muctasilada iyo kuwa kaloo badan wey ka leexdeen siraadul mustaqeem.

Maanta, arrinta intaas we ka weyn tahay.

1. Qawaniintii gaalada ayaa lagu xukumaa waddamadeenna.( French, British etc) waxaa lagu xalaleystaa acraadka iyo amwaalsha,

2. Waxaa la isku walaayeystaa dhul inta isla daggan, qolo intii isla ah iyo wax la mid ah, ma jirto ummad isugu timid Allah in ey addoon u noqdaan diintana faafiyaan sidii saxaabadii ansaartii iyo muhaajiriintii oo kale.

3. Waxaa lagu xalaaleeyay Ribada waddamadii islaamka ayadoo bankiga uu suran yahay Tarkhiis, (license) uu soo saxiixay wasiirka maliyadda, wasiirkaas oo u cayinay WALYUL AMRIGA, markaasna Waxaana Bankigaas Ilaalinaya CIIDAMKA DOWLADDA si ay tijaarada xaaraanta ah u socoto. Waxaa la xalaaleeyay guryo qamri lagu cabo, muusik,
dadkii waxaa loo sameeyay meelo lagu illowsiiyo xasuusta Allah iyo u gurmashada walaalahood, waxaa la yiraahdaa SPORTS lagu bixiyo malaayiin, aan lagu bixin fidinta diinta iyo halganak Allah na faray oo uu noo hsheegay haddan ka harno inaan halaagsameyno.

Maanta, gaaladii ayaa wali noo ah oo askartoodii muqaddasaadkeenni dhex joogta uu rasuulka ka saaray waa hore. hadda waa lagu soo celiyey ayadoo la addeecayo qaraaraadka muqaddaska ah ee qurummada midoobey oo waajib tahay dowladaha adduunka oo dhan iney addecaan.

Walaal, taas haddesan ahey xalaaleyn maxey tahay?

4. Dowladahaas wexey xubin ka noqdeen Qurumaha midoobay, ayagoo saxiixay iney raali ku yihiin qaraaraadka ka sioo baxa ooy hoos imaanayaan talada UN-ka, haddi laga Vote badiyo.

Walaal, miyeeyna ka dhigan arbaab UN-ka oo xalaaleysa wax walboo uu Allah xaaraameeyay, xalaaleeyay wuxuu Allah xarrimay, markaasna ku raacay oo u sacabb tumay, ayadoo Allah na amray ha fadhinina meel Allah lagu kufrinayo, haddi kale ayagoo kale ayaad noqoneysaan.?

Walaal masalada xukmiga iyo walaa waa labao masalo oo addoonnimada uunka daruuri u ah.

Haddaan xukunka Allah diidno, waxaan diidnay saremaridda Allah, maxaa yeelay Al Naasu calaa diini muluukihim.

Qofkii dajiya xukmi aan Allah soo dajin, oo markaas ku qasba uunka iney raacaan, miyuusan xadkii addoonnimada dhaafin uusan gelin xadkii ilaahnimada, oo uu markaas noqday (Daghuut) ah mid xadkiisii dhaafay?

Qofkii raalli ku noqda in bashar ay sharci dajin karaan aan Allah soo dajin, qofkaas miyuusan addoon u noqon waxaan allah eheyn?

Allah wuxuu yidhi

" INIL XUKMU ILLAA LILLA" XUKUN ALLAH OO KALIYA AYAA LEH

"AMARA ALLAA TACBUDUU ILLAA IYAAH" WUXUU IDIN AMRAY INEYDAAN U HOGGAANSAMIN ASAGA WAXAA AHEYN

"DAALIKA AL DIINUL QAYYIM" SIDAAS AYAA AH DIINTA TOOSAN

" WALAAKIN, AKTHARA AL NAASI LAA YACLAMUUN" LAAKIN DADKA BADANLOOD (MACNAHAAS) WAA MOOGYIHIIN.

Nasalullahu al caafiyah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FG.

Tuesday, February 27, 2001 - 01:28 am
Jazakumullah kheyran dhamman inta noo faa'iideysey. Wax badan baan ka faa'ideystey ee MASHAAYIQDA intaad xaqqa ku sabartaan dhammaan nin waloow waxaad taqaan noogu deeq inshallah.

Wassalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AL MUKHLIS

Tuesday, February 27, 2001 - 01:28 am
TO WEJI
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI

Walaal marka hore ;
1-kuuguma tilmaamin nin sayidka cabuda ,
waxaad ku noqotaa qoraalkayga mar kale ,

waxaan iri ;
{..MAAHI SIDA RAGGA CAABUDDA SHIIKHYAALKOODA
QUDBIYIINTA I.W.M..}

Hadalkaa waxaan iri markii aan iri sh RABIIC
haddii uu ku gafo xaqa waan ka berri noqonaayaa

2- Waxaad kala saari karin cibaarada ah ;
shiikh iima noqon oo u fahamtay inay ka
laazimayso kutubtiisa ma akhrin , arinta
saas ma ahan

arrinta ah IFXAAMINTA hadalkaa waxaa uu ku
socday ninka ah WEJI RABBI DOON ,oo haray
u sheegay arinta bakar abuu zayd .
waxaan rajeenaayaa inaan si xaqa laysku
fahmo

ADIGANA KU NOQO QORAALKAADA U HOREEYE

wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Tuesday, February 27, 2001 - 02:26 am
Walaal Mukhlis

" Laa tathriiba calaykumul yawma, yaghfirullaahu lakum wa huwa arxamu arraaximiin"


" Rabbanaa laa tajcal fii quluubinaa ghillan lilladiina aamanuu"


" Wa nazacnaa maa fii quluubihim min ghillin, ikhwaanan calaa sururin mutaqaabiliin"


" Inna ladiina qaaluu Rabbunaa Allah, thumma istaqaamuu, tatanazalu caleyhimul malaaika, allaa takhaafuu wa laa taxzanuu, wa abshiruu bil jannatil latii kuntum tuucaduun,
Naxnu awliyaa ukum fil xayaatil dunyaa wa fil aakhirah, wa lakum fiihaa maa tashtahii anfusukum wa lakum fiihaa maa taddacuun, nuzulan min ghafuurin raxiim.

Wa man axsanu qawlan mimman dacaa ila Allah, wa camila saalixan waa qaala innanii minal muslimiin,

WA LAA TASTAWEE AL XASANATU WALAL SAYI'AH, IDFAC BILLATII HIYA AXSAN. FA IDA ALLADII BAYNAKA WA BAYNAHU CADAAWATUN KA ANNAHU WALIYUN XAMIIM

WA MAA YULAQAAHAA ILL ALLADIINA SABARUU
WA MAA YULAQAAHAA ILAA DUU XADIN CADIIM

WA IMMAA YANZAGHANNAKA MINA AL SHEITAANI NAZGHUN,
FASTACID BILLAAH, INNAHU HUWA AL SAMIICUL CALIIM.


ALLAHUMMA TAQABBAL MINNAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Tuesday, February 27, 2001 - 05:01 am
bismillaah walxamdu lillaah wabacdu

waxad ogaataa walaal inay ahlul ahwaagu qadiiman iyo xadiithamba ay ku been abuurtaan salafiyiinta , magacyona u bixiyaan , waxa kamid ah been abuuradka zabankan, ay ahlul ahwaagu ku been abuuranayaan salafiyiinta , inay odhanayaan ma ogolo salafiyiintu nadaam,

waxanad ogataan in salafiyiintu inkirayaan nadaamka zabankan ee xizbiga qarsoon ee "taxtal ardi"ga ah ku dhisan,tafaraaruqana ummadda ku ziyaadiyay

waxa kaloy ku been aburteen salafiyiinta "firyada" ah in salafiyiintu aydiidayaan jamaacada ,

waxay salafiyiintu ku dheheena waxay ahayd oo kaliya islaamku maqabo wax layidhaa jamaacaad e ummadda ka daaya xizbiyadan aad ku kala qaybiseen, markasay u badaleen jamaaca ladiiday , marka walaal maqaalkan yar waxan rabaa inaan kugu baraarujiyo , in axaadiista nabigu (scw) ay tilmaantay kaliya lafdiga (AL-JAMAACAH) oo ah lafdi mufrad ah

wax layidhaa (AL - JAMAACAAT)na in ayna jirin axaadiista dhexdeeda oo ku soo arooray lafdigaa jamaca ah ,

waxay qirayaan salafiyiintu
"JAMAACA WAAXIDA LAA JAMAACAAD WA SIRAADH WAAXID LAA CASHARAAT"" wawallahi haday fahmi lahaayeen dadka qaar kamid ah macnaha kitaabkaas oo kaliya shubahaad badanbaa ka zuuli lahaa maskaxdiisa mowduucan isaga ah ,
===============================================
hadaba walaal waxad ogaataa inay salafiyiintu
diidanyihiin

AL_XIZBIYAL CAMYAA

mana inkirayaan
NADAAM
===============================================
waxay inkirayaan

AL_JAMAACAAD = "tafararuq" oo ah in laysku kaal maysto axzaab,xarako iwm

mana inkirayaan

AL_JAMAACAH = "" wuxdah "" oo ah inlaysku kalmaysto cabsida alle iyo wanaaga
==============================================
salafiyah waxay ku kala tagsan yihiin oo kaliya xaga buldaanta oo waxa laga yaabaa inuu midi ku noolyahay sacuudiga midna somaliya , waxayna kamidaysan yihiin xaga quluubta iyo caqiidada iyo manhajka iyo dacwada.
marka haday jamaacana joogto sucuudiga midna caalamka meesha ugu dambaysa taasi makeenayso inay yihiin jamaacaad, bal waa haljamaaco oo kaliya lakiin labo wadan ku kala nool,

waanatan qayb kamid ah axaadiistaasi e ku soo dhawoow.


(1)waxa laga waraniyaa cumar binu khadhaab (rc) wuxu yidhi : wuxu yidhi rasuulka alle (scw)
((ninkii raba janada dhexdeeda haku dadaalo "AL-jamaacah" , shaydhaanku wuxu lasocdaa halka qof,labana wuu ka fog'yahay)) xadiithun saxiix waxa wariyay ibnu abil caasim iyo axmed iyo tirmithi
iyo xaakim iyo ibnu xibaan .


(2)waxa laga warinayaa abaa hurayrah (rc) inuu yidhi: rasuulka alle wuxu yidhi (( ninkii ka dhexbaxa "Al-jamaacah"oo dhinta, dhimashadiisu waa jaahiliyah)) xadiithun saxiix waxa wariyay muslim


(3)waxa laga warinayaa nucmaan binu bashiir (rc) inuu yidhi: wuxu yidhi rasuulka alle (scw)
(( "Al-jamaacah" waa raxmad , furqaduna waa cadaab)) xadiithun saxiix waxa wariyay axmed iyo ibnu abil caasim


(4)waxa laga warinayaa xaarith binu bashiir (rc) inuu yidhi: wuxu yidhi rasuulka alle (scw)
(( shanbaan idin amrayaa, maqal, iyo adeecid, iyo "Al-jamaacah" iyo hijro, iyo jihaad, ))
xadiithun saxiix waxa wariyay axmed iyo ibnu abil caasim iyo tirmithi


(5)xadiiskii xudayfana ee fitnada ka sheekaynayay waxa ku jiray inuu nabigu (scw) ku yidhi (waxad laazimaysa jamaacada muslimiinta
iyo imaamkoooda))


(6)xadiiskii iftiraaqana waakuu markay saxabadu waydiiyeen dhaa'ifada badbaadaysa uu ku yidhi
(( hiyal jamaacah))


((fahaadal xaqqu leysa bihii khafaa'uu ¤¤¤¤¤¤ fadacnii can binayaati dhariqii))

wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Tuesday, February 27, 2001 - 07:08 am
Bismillah Arraxamani Arraxiimi

Walaal taxazzub waa wax qilaafsan maqaasidda shareecadda, maxaa yeelay, Allah wuxuu na faray

" wa laa rafarraquu " marka waa amar Rabbaani ah oo haddii la qilaafo ay dheceyso musiibu caam ah oo ummadda oo dhan saameysa. waana musiibo maanta na dhaxalsiisay dulliga aan ku jirno ilaa hinddus iyo wax walboo naga baqi jiray ay cirdigeenna haweysteen.

Walaal ummaddaan waa hore ayaa cudur jarjaray, sidaad u sheegtayna asxaabul ahwaa ayaa ku dhax dhuuntay oo ka baddalay jahada toosan ilaa maanta meesha dadka wax hoggaamiya ay nagu wadaan ay tahay meel uusan allah ka raali ahayn.

Walaal, cudurka ummadda maanta haya waa mid ku salaysan caqiido xumi, taasoo jirrid u ah fasaadka muuqda.

Sidaa darteed , maanta ducaatka waxaa daruuri ah iney u caddeeyan dadka caqiidada toosan oo la'aanteed aan janno la galeyn.

Rasuulkeenna SACW wuxuu yiri " Janno ma galeyso nafaan aheyn Muslim"

Muslimna laguma noqdo qofaan shahaadan

Shahaadadana ma anfacdo qofaan macnaheeda oqoon,

oon shuruuddeedana oogin.

Qofaan la imaan gargaar diinta Allah, Rasuulka, iyo muslimiinta, iyo naceyb, wixii qilaafa.

Maanta waa in xoog la saaraa caqidada, waana meesha mushkilo oo dhan ku saleysan tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WajiRabbi Doon

Tuesday, February 27, 2001 - 07:23 am
Walaal Mukhlis

Walaal haddii sidaan u hadlay ay ku dhibtay iga raali noqo, ina cafi.

Laakin walaal waa iga dhab inaan wajiga Rabbigeyga rabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Tuesday, February 27, 2001 - 08:02 am
FG

waxaad warsatay in madaxda maanta jirta ay noqon karaan imaamyo, ama diinta ogoshaahay tacdduud al aimma.

Bismillah


walaal Jibriil

Waxaa samada nooga yimid hadyi Allah noo soo diray naxariis darteed oo naloogu soo dhiibay Jibriil CS,

Fariintaas waxaa ku yaallay in anbiyada laguu sa dajiyey hadyiga ay yihiin ummad mid ah. Allahna uu yahay Rabbigooda.

Marka si aan fahamno macnaha IMAAM waa inaan fahamnaa macnaha ummah

Waxaa ku soo arooray quraanka lafdiga ummaa dhowr macne

1. Suuratul Yusuf ( bacda umma) waqti, zaman.

2. (Ummatan mina al naas) koox

3. (Inna Ibraahima kaana Ummatan) qudwo

4. (Tilka ummatun qad khalat) jiil, generation,

5. Ummat Muxammad) intii hadyigiisa raacday

Macnaha ugu dambeeya ayaa na khuseeya. iyo kan seddexaad.

Ummah macnaheedu waa

Qowm + Risaala, ama People + Mission

Qowmka waxaa mideeysa risaalada in kastooy ku kala noolaayeen waqtiyaal kala duwan, markuu allah ka soo hadlay anbiyada u tartami jirey raalli gelinta Allah, wuxuu yiri " Inna haadihi ummatukum ummatan waaxidatan wa anaa Rabbukum facbuduun) Taasi waa ummaddiinni waa ummad qura, anna Rabbigiinna ayaan ahay ee ii hoggaansama.

Risaalada ummaddeenna ay wadatay wexey aheyd risaaladda azaliga ah ee kownka oo dhan uu markhaati ka yahay, waa:

Laa ilaaha Illa Allahu.

" Yaa jibaalu awwibii macahu, wa alannaa lahu al xadiid" Buuraha waxaa la amray iney Allah saremariyaan, ooy tasbiixsadaan.

"Wa maa min sheyin illaa yusabbixu bixamdi rabbihi" Wax walba Allah ayey xusaan ooy saremariyaan.

Marka maa daama uu khalqiga oo dhan uu leeyahay hal Ilaah oo la rabo in ay hoggaansamaan, waxaa daruuri noqotay, in inta raacsan ay ayagana taladooda mideeyaan.

Sidaa darteed ayaa Nabi Ibraahim oo lagu tilmaamay inuu ahaa kaligiis Ummad, mid lagu daysado sida uu Allah isugu ictisaamay, ugana soo goay qowmkiisa , dab inuu ku dhacana uu ka dooortay inuu raaxo ku jiro, wiilkiisana u hibeeyey Allah, Nabigaas ayaa waxaa laga dhigay
IMAAM,

Wuxuu imaam ku noqday markuu ku najaxay imtixaannadii adkaa oo uu galay.

Nabi Ibraahim wuxuu Allah warsaday in wuxuu dhalay ayagan laga dhigo Imaamyo, laakin Allah waa ka diiday kuwa daalimiinta ah in ay noqdaan imaamyo. " Laa yanaalu cahdiya Al Daalimiin)

Marka aayaddaas ayaa sharcan xarrimeysa walaayatul amriga ee daalimiinta.

Allah wuxuu ku karaameeyay in durriyada Nabi Ibraahim looga dhigay bashariyada imaamyo, Nabigeennana wa mirihii uu dhalay Ibraahim aabbihii adkeeyay towxiidka, sidaa darteed wa nuur ka soo dhax baxay nuur kale, " Yahdii Allahu li nuurihi man yashaa"

Nabigeenna immanimadiisii waxaa sii waday khulafaada raashidiinta aheyd, ilaa ummaddii uu sheitaan soo dhex galay

Laakin, in kastoo saxaabadii shaitaan soo dhexgalay, haddan weligeed lagama harin in diintaan la fidiyo, faraaidda la oogo, Allah kiligiis la caabudo.

Daciifnimadii waa soo badatay, ilaa khilaafaddii cuthmaaniyiinta ay isugu tageen ungiriis iyo carab, ilaa markii ugu horreysay taariikhda muslimka ay gaaladii meeshaan uga duuli jirnay ay ayaga nagu soo duuleen.
meeshaan xaq gaarsiin jirnayna, ay baaddilkooda noo keeneen.

Maanta xaalada taagan ma aha xaalad la dhihi karo imaamyo ma jiraan

maxaa yeelay UMMAD ma jirto. Ummad waxaan ku fasirnay (Qowm + Risaalad) ummaddii waa dhimatay, laakin afraad baa nool aan annaka ku jirno.

Sidaa darteed maa daama ay ummad jirin, imaamna ma jiro, maxaa yeelay isu tagga siyaasiga ah ee maanta ay isugu tageen manaaficda adduunka, ku ma sifeysna ummdnimo, sida Quraanku uu ku tilmaamay
"waxaad aheydeen Ummad dadka loo soo saaray tii ugu kheyrka badneyd"

Markii inta aaminsan Allah ay isugu tagaan sidii dadkii muhaajiriinta ahaa diinta Allah oogiddeeda ooy ka soo tagaan reerahooda iyo maalkooda oo u hiilliyaan Allah, markaas ayaa rajo jirtaa, inta ka horreysa, Nabigeenna bari buu ka yahay qofkii qalbigiisa ku dago nolosha adduunka oo dhibsada inuu raadsado nolosha aakhiro ee macaan.


5.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AL MUKHLIS

Tuesday, February 27, 2001 - 08:47 am
TO ; ABUU DAXDAAX IYO WEJI RABBI DOON
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAHI
1- ABUU DAXDAAX
Walaal waxaan kugu baraarUjinaya qoritaanka
aad ku qoraysid AAYADAHA QUR,AANKA
af soomaaliga waa qalad oo waxaa banaan in
loo tarjummadiisa loo tarjumo afka CAJAMKA ah ,
waxaad ka helaysaa kutubta culuumu al qur,aan.
oo waxaa suurtagal ah in lagu gafo ,
waxaad qortay tuesday 27/feb/2001
sadarka afaraad ; ( wa laa rafarraquu )

waxaa sax ah waa TAFARRAQUU .
WAANA IGA NASEEXO [ AL DIINU NASEEXAH ]


2-WEJI RABBI DOON

Walaal waxaan ilaahay ka baryaa inuu naga
yeelo KUWA MUKHLISIIN U AH DIINTIISA ,
LI WEJHI LAAHINA U DHAQMA

Walaal waxaan jeclahay wixii aan u arko
khalad inaan ku baraarujiyo , waxaana
suurta gal ah inuu asluubka iga xumaada
diyaar ayaan u ahay NASEEXO IYO SAXIDBA
waxaan jeclaa dooda qaarkood inay noqoto
mid gaar ah oo la keenin meelahaan

waslaamu calaykum waraxmatullaahi


......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Tuesday, February 27, 2001 - 08:13 pm
Al Mukhlis

Allaha kaa abaal mariyo baraarujinta in aayadaha Quraanka aan lagu dhigin af aan aheyn af carabi. Daliil ma hayo xarrimaya, laakiin, qalbigeyga hadalkaaga waa ku qanacsan yahay. ( Al ithmu maa xaaka filnafsi)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Wednesday, February 28, 2001 - 01:03 am
abuu daxdaax

walaal su'aalbaan kuwaydiinayaa

hadaan kula yarehe kaftamo billaahi calayka matahay ninka labixi jiray

================miskiin============?????

tankale walaal waad khaladay aayadan
aad qortay tariikhdu markay ahayd

Tuesday, February 27, 2001 - 07:26 am

" waan kasaarnay wixi ku jiray "suduurtooda" oo xiqdi ah "


waxaad qortay (quluubtooda dhexdeeda) waana qalad oo waa suduur

waxan ku farax sanahay sida wanaagsan eed nasteexada walaal kaa mukhlis u aqbasha
==================================================
walaalaal waxa jira in sheekh rabiic iyo cali xasan xalabi ay halkan rag walaalada ahi ku tilmaameen inay yihiin murji'o

waxan u odhan lahaa
"" aqilluuu calayhim laa aballi_abiikumuu minallow ¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤ owsudul makaanaladii saduuu""

walaalaay al-calaamah rabiic ibnu haadii cumayr al-amadkhali , runtii waxaad moodaa inuu dhacay zaban aan zabankiisii oo cida fahmi karta ay yartahay , awalan sheekhu wuxu dhashay 1351H

halkaa waxad ka fahmi kartaa in hada uu sheekhu jiro 70 sano marka ciyaar ma'aha halugu baraarugo


tankale culumada alle subxaanahuu watacaalaa uu ina faray inaan waydiino waxaynaan aqoon dhamaan way amaaneen

waliba sheekh albaani wuxu leeyahay ,hadal lamid ah makhilaafayo sheekh rabiic iyo muqbil labanin mooyee cidkale
1 qof saaxibul ahwaa ah
2 jaahil

marka wuxu yidhi jaahilku way sahlan tahay inuu markuu xaqa ogaado ku baraarugo uu katoobadkeeno

lakiin saaxibul ahwaa isaga wuu habaaray oo wuxu yidhi "allaan waxan waydiisana imaa inuu hanuuniyo iyo imaa inuu DHABARKA KA KALAJABIYO "

waxa kaluu kuraacay sheekh albaani(rxm) ruduuda uu ku sameeyay sheekh rabiic sayid qudub
bal wuxu yidhi ( alle hakaa abaal mariyo walaal rabiic u istaagida aad u istaagtay cadaynta waajibka ah jahligiisa (yacnii sayid) iyo inxiraafkiisa, eed islaamka u cadaysay)


kafiirso marka adoon is ogayn oo tacasub kugu jiro intaan wax ka sheegto rabiic , markaa habaarka albaani hakugu dhaco waayo waanin caalim ah alle agtiisana inuu ducaa'ul mustajaabo kayahay baa dhici karta


amaa amaanta uu amaan sheekh ibnu baaz iyaduna way jirtaa waxana , inuu karaali yahay ku cadaynaysa inuu sheekhu dhintay isagoo uu rabiic masjdika sheekha duruuska bixiya ilaa hadana uu kawado KITAABU TOWXID


imaam ibnu cutheymiin wuxu yidhi mar lawaydiiyay sheekh rabiic iyo kutubtiisa

baa wuxu yidhi "sida daahirka ah su'aashan oo kale u´ma baahna qowlkayga sidoo kalaa imam axmed loo waydiiyay ,isxaaq ibnu rahawayh alle hawnaxariistee markasuu yidhi : ma'anigoo kala lawaydiiyaa inxaaq!! bal isxaaq baalawaydiin aniga"


marka waxad halkaa kafahmaysaa siday culumadu isu ixtiraamayaan , marka shabaabka waxan ugu nasteexaynayaa inayna tag tagin


amaa sheekh bakar xafidahullaah runtii maqaalkaas ay xizbiyiintu labood boodaan waxa isoo gaadhay inuu sheekhu nadalo cida faafisa maqaalkaas sayid uu ku difaacay

dhamaan arimahan waxad ka helaysaa halkan

http://www.alsalafia.com/booklist/booklist.htm

gaar ahaan kitaabka layidhaa (shifaa'ul caliil)

oo halkan ku jira

wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Wednesday, February 28, 2001 - 02:40 am
Walaal Salafi

Waxaad qortay

" abuu daxdaax

walaal su'aalbaan kuwaydiinayaa

hadaan kula yarehe kaftamo billaahi calayka matahay ninka labixi jiray

================miskiin============????? "


Waxaan ku jawaabay :

WAR MAANKEYGEY GADDAYE , MA MANSAAR BEY LIQDAY)

Walaal,

Allaha kheyr badan kaa siiyo kaalmada diinta islaamka iyo Sunnada rasuulka SCWS.

Walaal,

Markii muslimminta ay u wada shaqeyneyso diintooda waxaa dhacda iney iska hor imaadaan, ayagoo kulligood ay wada raadinayaan raalli gelinta Allah oo qura.

Waxaa kaloo dhacda in labada daraf oo is fahmi la', in laga dhex faaiideysto, oo shietaan uu dhexgalo, oo markaas labada qolo midkood ama labadaba dhaafsiiyo sawaabta.

Walaal, waxaad ogtahay khilaafkii saxaabda dhexmaray, Cali iyo Mucaawiya, waxaad kalood ogtahay macrakatul jamal saxaabadii dhex ka soo noqotay markey u caddaatay iney fitno ku jiraan.

Walaal, fitnada maanta jirta waa mid ka weyn iney abcaaddeeda oo dhan ay fahmaan Culimada, maxaa yeelay culimadu wexey wax ku xukumaan intey arkaan oo qura. Saad ogtahayna rasuulkeenna SCWS waxaa laga soo wariyey inuu (yiri anigu waxaan u xukumaa hadba qofkii wax sheegan og, hadaba qofkii qaata wuxuusan xaq u laheyn wuxuu qaatay gabal naar ah" aw kamaa qaala al rasuul SCWS.

Waxaa kaloo jirta in cadowga diinteenna ay sir iyo khiyaano badan muslimiinta ku hayaan, gaar ahaan kuwa diintooda daciifka tahay oo macaasida daciifisay, in kuwaas daciiful iimaanka ahna ay maanta waddamadeenna ka taliyaan, taasoo keentay inay faraha kala bexeynin arrimaha ducaadka ay rabaan in ducaadku is diriraan markaasna meesha sheitaan ku kaliyeysto. Allah mar uu noo sheegay sirta iyo khiyaanada daalimiinta ay la damacsanyihhi wuxuu ku tilmaamay, " Makarkooda wuxuu ku dhowaaday inuu buuraha suuliyo ama qariyo" marka walaal dad sidaas loogu digay waa iney aad uga digtoonaadaan makriga la dhax wadao talabatul cilmiga, oo laga dan leyahay in sidii banii Israaiil qulubtooda la isku dhufto, oo cadaawo la dhex dhigo ilaa xaqii qarsoomo.

Walaal, sidaa darteed, mushkiladda abuurantay talabatul cilmiga dhexdooda maanta iyo mawaaqifta ay kala istaageen culimada waa mid u baahan in si xikmad leh loo tanaawulo,


Markii la is qilaafana waxaa loo noqdaa Quraanka, iyo Axaadiithta, laakin walaal tazkiyada culimada aan nooleyn weligeed ma socoto, wexey taskiyadu qiimo leedahay markaas oo qura, maxaa yeelay banii adamku qalbigiisa waa is baddalaa, sidaa darteed, waa in loo noqdaa miisaan sugan, oo lagu kala saaro qilaafka.

Tazkiyadaas ma aha mid siineysa qofna jeek furan oo wax walba looga qaato. Marka anoo ixtiraam weyn u haya Sheikh Albaani, una duceeya, asaga iyo culimada u khidmeysay diinteena, waxaan haddan ku foojignahay in aakhiro qof walba uu naftiisa ka masuul yahay oo aan noqon sida kuwii laga yiri " soo raac sabiilkeenna annakaa xambaareyna dambigiinna" maxaa yeelay qof qaadayaa qof kale dambigiisa ma jiro.

Sidaa darteed, waa in aan daliil ka dhiganna Qaala Allahu wa Qaala al Rasuulu oo kaliyah, maxaa yeelay, taasaa nala faray, rijaalkuna inkastooy culimo yihiin, waa bashar, mid qalad macsuum ka ah ma jiro, mana jirin, . Waxaana lagu bartaa ragga xaqa, laakin xaqqa laguma barto rijaalka,

sidaa darteed masdarka kaliyah ee baadil uusan ugu iman karin hortiisa iyo gadaasjhiisa waa Quraanka, oo lagu fasiro sunnada carfoon ee rasuulkeenna SCWS, oo iyadana Quraanka noo sheegay ineysan aheyn ahwaa, bal ay tahay waxyi loo waxyooday rasulkeenna.

Marka ayadoo intaas afeef iga tahay ayaan waxaan idiin sheegayaa in aan ogaanno in qaayadeenna haddey tahay Rabbaani, waxaa nalaga rabaa in manhajkeennana uu noqdo Rabaani, oon nafteenna aan kula xarbinno sidii ay nooga muuqan leheyd aadaabta xiwaarka taasoo ah in qof walba uu walaalkiis malaha ku wanaajiyo, dabadeed hadduu qalad ku helo, inuu cafiyo. Taas haddi la helo, waxaa dhab ah labadii wax isku qilaafta iney labadaba xaqa helayaan, maxaa yeelay meesha waxa yaalla ma aha in lagu tartamayo in muran la iska raayo, ee waxaa la raadineyaa daryeelidda Allah oo Qura, . Baadida naga maqanna waa xaq, meeshey taallana annagaa ugu xaq leh.

Marka walaal salafi iyo Mukhlis, aan ku heshiinno in qullubteenna ayadoo isu fiican aan is qilaafi karno, Markaas aan ku dadalno si aan qilaafka u yareyno ama aan isu fahamno. Haddana aan walaalo fil Islaam nahay oon cadow isu aheyn.

Halahaas haddan ku heshiinno, muwduucaan iyo mowduuc walba waxaan uga wada hadli karnaa qalbi furan oon xumaan leheyn. Taasna waa sida dadka bisl ay u munaaqashoodaan.

Aniga Qof Ahaan, nafteyda wan la xarbiyey, waanan idin jeclahay, filllah. anoo raadinaya ridwaankiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FG.

Wednesday, February 28, 2001 - 03:44 am
Assalaamu caleykum.

Abuudaxdaax.

Jazakallaahu kheyran farrintaad ii dhaaftey. "JB" walaalka isticmaala yaa la yiraahdaa Jibriil anigana FG yaan isticmaalaa. Waa laba username oo isu dhow xagga dhawaaqa oo la isku qaldi karo laakiin aan kala leennahay isumana dhawin shaqsiyad ahaan. Ilaahey ha barakeeyo waa iga fiican yahay. Waaban farxay markaad igu qaladdey.

Walaal jazakallaahu kheyran. Inshallah aniga waa hore arrimahan waan ka qeyb geli jirey anigoo is moodi jirey inaan wax aqaan laakiin tabar baa ii run sheegtey oo muranka wareer baan ka qaadey. Aan wax idinka faa'iideysannee si wanaagsan haloo wada hadlo. Waxaan ku oran lahaa dhammaan walaalada halkan soo booqata ama soo booqan doonta Walaaheen salafiga ah yaanan waxba magac aysan raalli ka aheyn aanan ugu yeerin sida "jadiidada" oo kale ama hadal aanan hubin iney aamminsan yihiin yaanan oran wey qabaan oo mala ku saleysan. Iyagana ha iska ilaaliyeen iney sidoo kale qofka wuxuu dhibsanayo ay ku yiraahdaan oo si xikmad leh qofka wax ugu sheegaan. Mar haddaan ehelkii towxiidka nahay waa inaan qofka kalee walaalkeen ka ilaalinnaa wixii qalbigiisa wax u dhimaaya oo an weliba ka aqbalnaa wuxuu ku saxsan yahay. Aniga midda sida fiican aan ugu raacsanahay waa inaan JAMMAACO LAGA MID NOQON OO sidaas si goonni ah ama la isugu xiriiriyo ama la isku gooyo meeshiina walaaltinnimada islaamka ka baxdo. Waa cilladda ugu weyn ee jirta. Arrimahan kale daliil baa loo heli karaa ee Imamka, jihadka iyo khilaafada ku saabsan laakiin in la is qeybiyo daliil looma heli karo.

Iisoo ducee walaaloow in ilaahey qalbigeyga xaqqa ku sugo oo towbaddeydana aqbalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Wednesday, February 28, 2001 - 09:10 am
abuu daxdaax

walaal waxan kugula talin lahaa inaad sumuumta aad sida markab badmaax ah siidaynayso aad joojiso , runtii aad baan kuu fahan sanahay lakiin aniga hadalkaa tadliiska ah ee loo hoos galin karo wax magaratayda , walaal haysku dayin marnaba , hana ku fikirin inaan inagoo iskhilaafsan hadana wada socon karno waayo hadalkaagay kamuuqataaa sida

((aan ku heshiinno in qullubteenna ayadoo isu fiican aan is qilaafi karno))


tankale waxad tidhi

((waxaa la raadineyaa daryeelidda Allah oo Qura)))

haye alle mawuxuu kaaga baahan yahay daryeel (yaa ayuhal cabdul miskiin))?!!!

walaal waxan kugula talin lahaa inaad soo barato xataa alfaada sharciga ah ,

cajiib waxa layaab leh ninku mawuxuu kamid yahay qismiga layidhi way diiya culumada hadaydaan wax aqoon, mise qismiga culumada ah

wuxu rabaa inuu dhamaan tazkiyadaa ay culumadu kabixiyeen sheekh rabbiic uu dadka u tusu inayna wax kasoo qaad lahayn ,hadana wuxu iska dhigayaa ninaan waxba samayn ,
waxan kugu talin lahaa inaad naftaada u naxdo

((kanaadixin sakhratan yowman liyuuhinhaa ¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤ falam yuuhinhaa wa owhaa qarnahul waciluu))

walaal jidaal ka carar waa waxan uga gaab saday hadaladiinii faraha badnaa ee aad halakan ku madoobaysay ,

waxa kamid ahayd waxyaabaha ugu khatarsanaa ay meeshan ka dheheen in lalasimay sayid qudub , nabiyulaahi ibraahiim , oydheheen ibrahiimbaa marxalado soo maray

macnaha waxay kawadaan ibrahiimbaa wax alle kasoo hadhay caabudi jiray iyadu alle leeyahay ( mushrikiinta kama mid ahayn ) ninkii raba arinkaasna ha unoqdo ibnu kathiir sifiicanbuu uga hadlayaa , xataa wuxu leeyahay ra'yigaasi waa ra'yi laga raajixsanyahay firi ancaam(74)

kuma waydiin magacaaga ilaa arin aan arkay inaad ku soo cel celisay qoraaladaada oo khalad ah baan rabay inaan kuu cadeeyo lakiin dibaan kaso cadayn doonaa inshaa allaah, runtii marabo inaan nimankan ,waqti ku lumiyo laakiin .doodooda bilaa faa'idada ah oo waxan isku dayayaa inaan mowduucayga siiwato

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Wednesday, February 28, 2001 - 08:39 pm
FG

Walaal

Sidaadoo kale ka mid ahi jamaacaadkan yaacaya nin , cadaawona uma qabo, bal intooda fiican waan ku taageersanahay, haddey kaalmo iiga baahdaanna diyaar baan u ahay, laakin wax qaadasho waxaan ku ekahay culimada kutubtooda oon toosa u akhristo, iyo tafaasiirta, gaar ahaan Imaam Dabari. , Iyo axaadithta. Qolooyin ii soo bandhigay inaan xarakadooda ku biiro si edeb leh ayaan ugu cudurdaartay,

Cudurka Xisbiyada oo jira wuxuu gaaray in kuwa cudurkaas qaba iney is ogeyn, laakin ninkii jamaacaadkaas ka dhax baxa oo kaliya ayaa ogaan kara cudurkooda, Nasalu Allah Al Caafiya. Walaal waan kuu soo duceeyay adigana iigu soo ducee al hidaaya, iyo Janno, iyo suxbatul saalixiin, saddiiqiin, shuhadaa iyo intii loo nicmeeyay.


Salafi

Qalbigaaga waa bukaa, Allaha ku caafiyo, Allaha ku soo hanuuniyo. waa ku naxayaa, Allah ayaa inta is qilaafsan kala saari doona maalinka qiyaame, ha sugi waayin.

Shinnida, ubaxa ayey ka soo qaaddaa naxruur wax anfaca, risiqeeda ayaa wuxuu galay, wax udgoon,iyo caraf, cunnadeedana wax macaan iyo malab.

Dikhsiga, boog iyo meel bugta ayuu ku dhacaa, risqigiisaa galay wasakh iyo wax qudhmoon, in la qodqodo, wuxuuna qaybiyaa cudur iyo jeermi dadka dila. Sidaa darteed dikhsiga cadarka carfoon wuxuu u arkaa sumuum lagu dhinto. Malabkana waa ku dhagaa oo wuu dilaa.

Waxaad jahli awgiis u raadsaneysid Allaha ku agmariyo, maxaa yeelay tabar aad ugu adkeysatid ciqaab Allah ma lihid, Allaha ku siiyo, dhago wax maqla, indho wax arka, iyo qalbi wax dareema.


Wallahul Mustacaan calaa maa tasifuun!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Thursday, March 01, 2001 - 12:15 am
abuu daxdaax

walaal waxa fiican inaan is ixtiraano mida labaad mafiicna inaad , i caydo lakiin wixi masaa'il aad u aragto inuusan sawaab ahayn way fiican tahay inaad sicilmiyaysan uga hadasho adoon falsafad galin , oon meelo dheer soo marin , awalan ilaahaybaan ugu samrayaa inaad dakhsi iyo wax qudhun ah iigu soo qaadato tusaale kana mid ma'aha aadaabta islamka , waana iska kaa cafiyay ,

waxa kaloon ka cudur daaranayaa inaan kalimadan si khalad ah u fahmay

((waxaa la raadineyaa daryeelidda Allah oo Qura)))

oo laga yabo inaad ula jeday inuu alle inadaryeelo


wax kalana walaal iguma qasbin inaan ka kululaado hadaladaada ilaa inaan arkay inaad waxogay , markan soo qoray aqwaasha culumada ,ee ka hadlaysa alxukmu biqayri maa,anzalalaah yaa waxad soo qortay maqal dheer , oo aadan sitoos ah u cadayn , lakiin laga fahmayo inaad aqwaashaas culumada did ku tahay , hadana markan soo qoray maqaalka rabiic ka hadlaya ayaad sidii oo kale samaysay ,
hadaan sikhaldan u fahmayna waxan ka codsanayaa inaad isoo cadayso


wallahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Thursday, March 01, 2001 - 03:35 am
Walaal Salafi

Waxaan garan la'hay inaad hal nin tahay iyo in labo qof oo Salafi isticmaalaya ay ii jawaabayaan.

Maxaa yeelay, marna hadalkaaga waa qaraaryahay marna warkaaga waa macaan yahay.

markaad qortay :

" waxan kugula talin lahaa inaad sumuumta aad sida markab badmaax ah siidaynayso aad joojiso "

Iyo markaad qortay

"wuxu rabaa inuu dhamaan tazkiyadaa ay culumadu kabixiyeen sheekh rabbiic uu dadka u tusu inayna wax kasoo qaad lahayn ,hadana wuxu iska dhigayaa ninaan waxba samayn ,
waxan kugu talin lahaa inaad naftaada u naxdo"


Labadaas hadal waa qaraar yihiin, waana iga dagi waayeen, mana aha habka dalabatul cilmi ay u munaaqashodaan oo ixtiraam ku dhisan,

Markaad qortay:

" walaal waxa fiican inaan is ixtiraano "

Waanku farxay inaad wanaag dooneysid iyo kheyrka muslimka, laabteydana wa qabowday.

Qoraalladaadii hore ee wanaagsanaa ayaa i geesinimogeliyey inaan xiwaar xaq raadin ku dhisan aan yeelanno oon filaayo in sababtii aad u furtay bogaan ineysan aheyn in inta ku raacsan oo qudha inaad codkooda maqasho, inta kalena inaad ceyriso, bal waxaan aamin sanahay inaad baggan u furtay in aad kuwa ku qilaafsan codkooda aad maqasho.

Marka walaalow, markaan qalbigeyga kuu furo oon ku soo jeclaado ha iga xanaajin oo ha i didin, maxaa yeelay waxaan aaminsanahay, kuuguna duceynaya in Allah kheyr ku waafijiyo.

Kalimadda aad qabsatay oo ah daryeelidda, ma fileyn iney kugu abuureyso mushkilo gaarsiisan towxiidka (Asmaa Wa Sifaad) wax duraya, laakin si aanan qofna ugu fitnoobin waxaan ka waday (daryeelidda XUQUUQDA Allah) uu nugu leeyahay. Wexey la mid tahay " Yaa Allah deyminaya deyn wanaagsan oo markaas loo labolaabaa?) aayadda dheheysa, waan ogsoonnahay inuusan Allah faqiir ahayn, sidey yuhuuddu ku andacootay, Aniga ma ahi Kuwuu Ibnu Taymiya la dirirayey,. Waxaan aaminsanahay, Allah wuxuu naftiisa ka sheeegay iney tahay siduu iku sheegay, sida muraadkiisa ay tahay, fasiraaddedana wa bidco, oo ma banaana.

Haddaad shaki caqiidadeyda ka qabto, su'aalo iga warso mawadiicda aad igu tuhunsantahay, si toos ah , anna intaan aqaan ayaan kaaga jawaabi doonaa.
laakin ujeeddadaada ha noqoto, inaad ii faaiideyso,haddaad xaq heyso, inaad faaiideysato haddii xaq kaa maqan yahay.

Walaal, Allah wuxuu yiri. " Haddaad wax isku khilaaftaan u celiya Allah (kitaabkiisa) iyo Rasuulka (Sunnadiisa)" Asal seddexaad ma jiro, sidaa darteed siduu Imaam Maalik yidhi, qof walba hadalkiisa waxna waa laga qaataa, waxna waa laga tagaa illaa saaxibka qabrigaan (Rasuulka SCWS). sidaa darteeda aan u munaaqashoonno si toosan oonan la isku xadgudbin.

Mar labaadna, waxaan u cudurdaaranayaa Salafiga qowlka iyo Qalbiga fiican igula hadla, Salafiga kale ee sida xun iila hadlana Allaha Cafiyo soona hadeeyo, Anigana bashar baan ahaye, wixii iga dhacay, oo xaqaaga ah iga cafi, wixii xaq Allah ahna, asgaan warsanayaa inuu iga cafiyo.

Waxaan kuu sheegayaa in nin Acraabi ah uu maalin ku kaadiyey masjid, markaas ayaa ninkii si xun loola hadlay. Ninkii asagoo careysan ayaa suubbanihii Rasuulkenna SCWS si fiican oo ixtiraam leh wax ugu sheegay, ninkii, waa dagay, markaasuu duceeyay asagoo dhahaya

" Allaahumma irxamni wa Muxammadan, wa laa tarxam macanaa axadan"

Marka haddii acraabi wanaagaas loogu jawaabay, miyaan sunnadaas fiican lagu uswo qaadan oo qofwalba qowl fiican lagu dhihin?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 02, 2001 - 12:31 am
waxanlayaabanahay
ninkan abu daxdaax manin caadiyabaa mise waa nin wax u dhiman yihiin, mise waa nin aan ka raali ahay waxa meesha lagu soo qoraya , marka inuu qaso uun u yimid

dhowr su 'aalood oo laway diiyay mid walba wuxu galay bad kale oon loodirsan marnaba iskuma dayayo inuu su'aashu siday tahay uga jawaabo

FG

su'aal walal mafaham tahay jawaabtuu ku siiyay abu daxdaax mase ka heshya jawaab waafi su'aashadii ahayd tacadudul xukaam maxay diintu ka qabtaaeed waydiisay salafi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Friday, March 02, 2001 - 04:44 am
Anonymous

Haddey kula qumanaatay inaad waalli igu sheegto, Waan ku faraxsanahay, inaad igu durto wixii Rasuulkeenna SCWS lagu duri jirey, adigana aad taagan tahay meeshii Qureish ey ka taagneyd xaqa cad ee Allah soo direy.

Markey waallida socon weysana waxaad igu sheegi kartaa inaan saaxir ahay. Allah ayaan ayaan kaaga ashtakoonayaa.

Wa huwa kheirul faasiliin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 02, 2001 - 05:26 am
abu dax daax

anigu kuguma tilmaamin wax waali ah lakiin waxan uhadlay qaab su'aal ah wali kuguma xukmin inaad waalan tahay , marka hadalkayga kagadin

waxana keenay inan sidaa u hadlo qoraladada

xataa iskuma dayaysid inaad suaalaha walaaladaa sifiican uga jawaabtid

walal icafi hadaad iga xumaatay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Friday, March 02, 2001 - 07:26 pm
Anonymous

Walaal waan kaa aqbalay. Adigana sidaasoo kale I cafi.

Diintu waa naseexo, Adoo nafteyda daciifka u naxariisanayana, meeshaan ku qaldanahay, i tusi, taasi waa amaano, waxaan qalad u idhi, soo qor, suaalna iga warso. si aan qasadkeyga kuugu caddeeyo.

Ogowna walaal, in Allah uu xataa ku xarrimay khamriga iyo qamaarka sabab ah in uu sheitaanka rabo inuu ka dhax abuuro cadaawo muslimiinta dhexdeeda iyo inuu dhikrigiisa illowsiiyo.

Sidaa darteed maqaasidda shareecada waxaa ugu wein Hal Asal oo wein.

CADAALO

oo u kala baxda labo qayb

1. Cadallo loo qumayo xaqa Allah oo ah inaan loo shariik yeelin. (tawxiidka)

2. Cadaalo loo qumayo xaqa aadamiga, oo ah in acraaddooda iyo amwaashooda aan lagu qaadan ilaa xaq Allah mooyaanee.

Alla wuxuu ku yidhi suuratul xadiid

" Waxaannu ku soo dirnay rususheenna bayinaat (wax cad) waxaanno la soo dirnay kitaabka iyo miisaanka si ay dadku uu oogaan CADAALO."

Cadaalada waa tan lagu tilmaamay inay tahay AMAANADA uu Allah u bandhigay samaawaadka iyo buuraha oo ay ka cabsadeen iney oofiyaan xaqeeda, kadib uu banii aadamka qaaday masuuliyaddaas jahli dartiis.


Allaha na waafajiyo wuxuu jecel yahay,

Allow ha noo wakiilan nafteenna il bidhiqsi,

Allow ha ka yeelin quluubteenna kuwo neceb kuwa kuu aaminay.

Allow ha nagu xambaarin waxaanan dul qaada aanan leheyn

Allow na cafi

Allow noo naxariiso

Adigaa waligeenna ah aan isku gaashaanno, Mid kale oo noo hiilliyana ma lihin

Allow nooga hiilli qowmka kugu gaaloobay.

Allahu Akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar

Laa Ilaaha illa Allahu Allahu Akbar , Wa lillaahil Xamd.

aamiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 02, 2001 - 11:56 pm
abu dax daax

walal alle hakaa abaal mariyo

walaal aan biririf qaadano waa ciid

lakiin takbiirta waad lasoo dag dag tay waxay bilaabataa yowmul carafa subaxnimadeeda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Daxdaax

Saturday, March 03, 2001 - 05:01 am
Walaal Anonymous

Waxaan maqlay ibnu Cabbaas iyo asaxaabo kale oo aswaaqda ayaamul casharka takbiirinaya, laakin takbiirta bacdal salaat waa sadd sheegtay .

Bal aathaarta iyo sunnada ku noqo oo hadaan qaldanahay i sax, Allaha kheyr ku siiyee.

Igana raali noqo haddaan ku daaliyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibnukhalif

Wednesday, March 07, 2001 - 12:37 am
Assalaamu caleykum..

Muddo ku dhow laba usbuuc ayaa iigu dambeysay inaan boggaan wax ku darto. Waxaan jeclahay in hadalkeyga ka wato meeshii aan uga tagay...

waxaan u jawaabayaa akhyaartii igu tiri sheekh al-baani ayaa ka hadashay sayidkana waad ka aamustya... Run ahaan habka su'aasha ii weydiiyay MUKHLIS, waxaan u arkaayey asluub xumo, waxaan ka dareemay in uu SALAFI point usalaxaayo, wax yar kadibna wuxuu yiri alle halaga baqo..(Kabura maqtan cinda-llaahi an taquuluu maalaa tafcaluun).. Tankale sayidka ayaad iigu xijisay si gaar ah sheekhuna waad iga gaar marisay sida inaan u kala eexanaayo oo kale.. Waxaan leeyahay labadoodu waan ku raacsan nahay wixii xaq ah, waan ku diideynaa wixii qalad ah.. Adiguba hadalkaa waa tiri, mise maya...Tankale fadliga waxaad kusoo koobtay in qofku yaqaan cilmu-xadiis, waxaad kaloo tiri imaam al-muxadithiin, labadaa mas'alo sigaara in looga hadlo ayey u baahan tahay.. Su'aashaadii ahayd xagee rabiic ku yiri hadalkii faatikaanka (maa li qaysar)... Waxaad kaheleysaa kitaabkiisa (Assalafiyatu nisbatan wa caqiidatan...), maxasuusto lambarka bogga, waxaad raadsantaa cajalooyin muxaadaro ah uu duubay sheekh umal (waa nin soomaali ah), mas'aladaa sifiican iyo asluub wanaag ayuu uga hadlay.

Mas'aladii kale ee sheekha aan u nisbeeyay in iimaanku ka kooban yahay ictiqaad kaliya, waxaan qirayaa inaan ku qaldanahay, ee sheekhu sidaa uma hadlin. Waxaa jirta in mas'aladaa mar hore aan aqriyay ee aan ku qalday mid kale uu sheekhu qabo sida in kufrigu yahay kufrul-ictiqaad ee aan jirin kufri-camali ah, illaa in uu qofku la yimaado juxdi iyo inkiraad, waxaa kale uu sheekhu goostay qofkii inkira mas'aladaa inuu shabahaayo khawaarijta, marka haddii sidaa layiraa waxey noqoneysaa in ibnu-baaz yahay khaariji sabatoo ah isla hadalkaa wuxuu ka diiday ibnu-abilciz (sheekhii sharaxay caqiidu-taxaawiga), in kufrigu yahay kufrul-juxuudi wal istixlaal. Waxaan si faahfaahsan mas'aladaa uga hadli doonaa hoos.

Salafi
Marka horeba waxaad boggaan u furtay inaad isu taqaan ama dooneysaba inaad meesha caan ka noqoto, eeg hadalkaa ku furtay boggaan... Taas waxaa kaxun irjaaga aad halkaa ka faafineyso... Waxaa u hadashaa sida nin cilmiga baxar ku ah camal , hadal laga soo tarjumay kitaab murji uu leeyaha iyo af-soomaali jacbur ah ayaa meesha noo keentay, wallaahi kullu caqli saliim ah wuu kaa diidayaa... Kullamaa aan aqriyo waxaa qorto sida A-yaasha iyo B-yaasha aad gidaarka noogu malaastay, kullamaa aan kugu qoslo walaakinnahuu dixkun kal bukaa... Ummaddii muslimka iyo juhdigoodii inaad soo qabatay oo aad isugu kuustay sida cajiinta oo kale ayaa waxaa tiri B ayaa la dhahaa anagana A ayaa nala dhahaa... Waxaa yaab leh markaa tiraahdo anagu jihaadka waan aaminsan nahay iyo sida aad u inkirsan tahay guusha ay dadka muslimka gaareen hadaa eegto hadalkaaga intey miino isku xir-xiraan iwm... Waxaan shaki ku jirin in muslimiinta guulo farabadan ka gaareen cadawgooda, Afgaanistaan maanta waa meesha keliya nin usuuli uu ku nabad geli karo, hadii loo fiiriyo sacuudiga ay salafiyatu-jadiida leeyihiin amiirul-mu'miniin ayaa jooga (waa boqorka) waa meesha culimada muslimka amaanka ku heli la'yihiin, oo fatwoyiinka qaarkii sanka laga gelinaayo sida in lakaalmeysto quwad gaaleed agains muslims in Iraq sheekhii diidana ama kahadla in la ciqaabaayo.. Walaalayaal quwaddii kahor tagtay Rushkii afgaanistaan iyo shiishaan ma NATO bey aheyd mise shicibka muslimka oo shicaartoodu ahayd allaku-akbar? salafina wuxuu leeyahay war nagadhaaf kuwaasi waa B.

Aan u imaado fikriga irjaaga ee aad faafineyso...Fikrigaa waxaa aad u nashriya ninka ay yiraahdaan Xalabi (waa ninka uu salafi hadalka nooga soo guuriyo) oo isku arka inuu yahay kibaarul-culamaa fii jordan...Kutub uu daabacay iyo qaarkale uu asagu leeyahah, waxaa diiday in la daabaco lajnatu-daa'ima wal iftaa, lajnadu waxay sheegtay kutubta sida taxdiir min fitnatu-takfiir(cali x. xalabi) iyo sayxatu-nadiir(cali x. xalabi) iney dadka ugu yeerayaan mad'habta irjaaga ah sida in camalku aheyn shardi uu imaanku ku ansaxaayo (sida salaada, soonka, xajka, zakada, shareecada iwm.. iney yihiin arkaan u baahan in la ictiqaado lana qiro waajibnimadii, hadduu doono qofku yuun la'imaan gudashadooda ama ku xukunka kitaabka)... Lajnadu waxey intaa ku dartay in xalabi mad'habtaa u nisbeeyay ahlu-suna, kuna been abuurtay culima badan sida:
Ibnu-taymiya
ibnu-kathiir
sheekh maxamed ibraahiim
Lajnadu waxey soo saartay in kutubtaa aan lagu daabici karin sacuudiga lana nashrin karin, sababtoo ah waxaa kabuuxa baadil iyo taxriif... Waxaa saxiixay hadalkaa cudwiyaasha lajnada sida:
cabdalla bin cabduraxmaan
bakar bin cabdalla abuu-zeyd
cabdulcaziiz bin cabdalla aala-sheekh
saalax bin fowzaan

Fatwadaa lambarkeedu waa 21517, taariikhda 14/6/1421 Hijri.

Haddii aan isku dayo inaan si kooban ugu iftiimiyo halkaa mad'habta saxa ah ee ahlu-sunaha...Sufyaanu-thowri wuxuu yiri (haddii qofku acmaasha uga tago juxdi, wuxuu gaaloobay tii ibliis ookale, hadduu qiro fardinimada acmaasha, laakiin la imaan waayo, wuxuu gaaloobay tii culimadii yahuuda oo kale)...Sheekh maxamed ibraahiim(waa sheekha lagu haysto xalabi) wuxuu yiri (kufriga ugu weyn waa in la dejiyo qawaaniin la lacnaday, booskii wixii jibrii(cs) kusoo dejiyay qalbigii maxamed(scw)).. ka eeg kitibkii taxkiimul-qawaaniin 8-18...Ibnu-taymiya wuxuu yiri (haddii qeyb diinta kamida loo nisbeeyo ilaahey qeybta kalena loo nisbeeyo qeerkii, Wajabal-qitaalu)...Meelkale wuxuu ku yiri (haddii aad aragtaan anigoo lajira tataarka(waa qolodii bilowday qawaaniinta wadciga) kitaabkuna(quraanka) madaxa ii saaran yahay, idila)...Ilaahay(sw) wuxuu yiri (Yaquuluuna aamannaa billaahi wabi-rrasuuli wa-atacnaa, thumma yatawallaa faruuqun minhum min bacdi daalika wamaa ulaa'ika bi-mu'miniin)... Aayadaa waxey nafyineysaa iimaanka qofkii camalka katago hadduu doono qowl hala yirmaado.

Walaalayaal aan isweydiino ????????

Xadiiskii saxiixa ahaa safwaan(rc) wuxuu yiri (Koox yahuuda ayaa u timid nebiga(scw), waxey weydiiyeen sagaal aayadood, kadib markuu ugu jawaabey ayey ku dheheen...waxaan shaahid kanahay inaad nebi tahay, markaasuu nebiga(scw) yiri maxaa diidayo inaad iraacdaan...markasey dheheen qoomkeenii baa nadilayo haddii aan ku raacno)... Yahuudaa xukunkeedu muxuu noqonayaa haddii kufriga lagu sifeeyo ictiqaad keliya? Ibliis xukunkiisu muxuu noqonayaa, ileen wuxuu diiday amarkii ilaahey oo ahaa inuu u sujuudo aadam, laakiin wax uu beeniyay majirin...Abii taalib oo qirsanaa nebinimada maxamed(scw) xukunkii muxuu noqonayaa?

Raggaa salafiyatu-jadiida fikrigaa iney qaataan waxkale kuma qasbin, keliya waxey doonayaan iney difaacaan qawaaniintii yuunaanka iyo ruumaanka, waxey doonayaa iney yiraahdaan haddii laga tago taxkiimu-shariica waa kufri-camali diina looga biximaayo.

Walaalayaal caqiidada ahlu-sunaha waa waadix ka-wuduuxa-shamsi fii raabicati-nnahaar uma baahna inaad ka aqrisataan kutub ceebeysan oo idin kugu yeereysa inaad noqotaan baatiniyiin.

Assalaamu caleykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 10, 2001 - 03:59 am
F:G

walaal waxad i waydiisay xukaamtan faraha badan ee wadamada muslimka kala xukuma , waxan akhristay kitaab uu leeyahay al-calaamah sadiiq xasan khaan (rxm) wuxu yidhi ( dhib malaha tacadudul a'imah iyo salaadhiinta , wayna waajibaysaa adeecida mid kasta oo kamid ah, markay beyco lagalaan dadka baladkay ku fusho awaamirtiisa iyo nawaahidiisu, sidaaso kale ninka wadanka kale ) firi arrowdatu nadiyah (3/505)ee tacliiqaadka albaani(rxm)

hadal dheer buu sheekhu halkaa ku qorayaa marka halkaa fiiri ,
waxa isla hadalkaasoo kale sheegaya , imaamu showkaanii(rxm) kitaabkiisa layidhaa "assaylul jarraar(4/512)

waxa kalood akhridaa oo arimahan sifiican uga hadlaya sheekh cali xasan al-xalabi xafidahullaah kitaabkisa layidhaa (masaa'il cilmiyah fiddacwah wasiyaasah sharciyah)

wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 10, 2001 - 06:37 am
FG

Ninkan kugula taliyey in shareecaddu banneyneyso in imaamyaasha farahabadan ee mid walba meel xukumo, kuna xukumo xukun qilaafsan kii Allah soo dajiyey, waa nin ka tirsan jamaaco cusub oo loo yaqaan SALAFIYA AL JADIIDA

SALAFIYA AL JADIIDA wexey aaminsan yihiin

1. In imaamka la raaco xataa hadduu shareecada ka leexdo

2. In imaamka hadduu xaqa ka aamus ku dhoho eey maslaxada ummadda tahay in la aamuso.

3. In imaamyada maanta xukuma waddamada au muslimka dagaan uu mid walba ka yahay waddankiisa waliyul amri ay waajib tahay qofkii ku hoss nool inuu baycad siiyo ninkaas.

4. In qafkii diida adeecidda madaxdaas uu yahay khawaarij ka baxay xukunkii amiirul muslimiinka waddankaas.

5. In camalku uusan kaafir ka dhigeyn madaxdaas, sidaa darteed haddey ku xukumaan shareeco aan allah soo dajin, dhibaato uma arkaan hadduu afka ka dhaho shareecada allah waan ictiraafsanahay, laakin ma raacayo, maxaa yeelay danta wddanka anaa Allah Ka aqaan.

6. In qofkii madaxdaas munkar kooda ka hadla ay dhahaan waa bidci, marna waa faasiq , marna waa gaal.

7. Wexey sheegtaan ahlul Sunnah, laakin wexey ku qilaafeen ibnu Taymiya iney camalka iimaanka ku darin, si madaxda xalaaleysay xaraanta, ama xaaraameysay xalaasha loo arko kuwo aan dhib badan wadan, oo inkastoo xataa ay qirsan yihiin in ay yihiin madaxdaas caasiyaal ku caasiyey Allah uguna kufriyeen sidii banii Israaiil ay Allah ugu kufriyeen markey wax ku xukumi waayeen kitaabka Allah, Madaxdaas wexey isku dayaan in loo arko madax quman oo hanuunsan, laakiin dalabatul cilmiga arrintaas qilaafsan biyo uma kabbadaan iney gaaleysiiyaan.

Marka Salafiya Jadiida waa Marji'atun macal xukaam, Khawaarijun maca dalabatul cilmi.

Marka;

Haddad ku nooshahay Xamar waxaa waliyul amri kuu ah Cabdi Qaasim, Muuse Suudi, Caydiid. Kulligood waa awliyaa umuurta u kor ku shegay.

Haddad ku nooshahay Bari ama PUNTLAND waxaa amiirul muminiin kuu ah Cabdullahi Yusuf.

Haddad ku nooshahay Hargeisa waxaa waliyul amri kuu ah Cigaal.

Haddad jubbada ku nooshahay waliyul amrigaaga waa shaatiguduud.

Sidaa darteed muslimiinta waa iney waligood hoosyimaaddan ninkii Jabbaar ah oo xoog leh, oo marna ayan ka hoos bixin talada jabbaariinta xattaa haddii jabbaariintaas ay raacaan sheidaan iyo daaghoot.

" Kuwaasna waa Caad, wey ka madax adeygeen aayaatka Rabbigooda, wena caasiyeen rusushiisii, wexeyna raaceen, talada midwalboo xoog badan JABBAAR oo (xaqa) canaada. Caad waa ku gaaloobeen Rabbigooda"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fg.

Saturday, March 10, 2001 - 02:54 pm
Assalaamu caleykum dhammaan.

Marka hore yaan laga tegin caddaaladda inshallah. Oo waxaa la farey muslimiinta markey hadlaan iney caddaaladda ku hadlaan.

Anonymouska ugu dambeeya:

Walaal hadalka walaalka kaa korreeya uu qorey aniga waxaan u fahmey in shuruudda adeecidda ninka madaxda ah ay tahay la gelid beyco aad la gasho oo aad raalli ka noqoto sida saxaabadaba ay beyco ula geli jireen ninka madaxda u noqonaya. Haddii ay beyco jirin aad qaaddey qasab ma jiraa?. Qofka beycada ma qasabbaa inuu qaado?. Wax kugu qasbaya inaad adheecdo munaafaq ama mulxid ama thalim ama fasiq ma jiraa?. Ma jiraa sheekh mashaayiqda ka mid ah salafiga oo beyco la galey xukkaamtan wax dhintey iyo wax noolba?. Wal cayaadu billaah iney arrintaa dhacdey ama dhici doonto maxaa yeeley aniga xaggeyga karaamadaaaba sheekhii ka duuleysa hadduu arrinka sameeyo. Caddeynta xaqqa waa waajib saaran mashaayiqda. MARKA AY LEEYIHIIN yaan la gaaleysiin xukkaamta waa qeyb islaamka ka mid ah sida rasuulkaba scw uu xaddiskii bukhaari ku sheegey "Illaa an taroow kufran bawaaxan cindakum minallaahi fiihi burhaanan". Marka arrinka waa shuruudeysan yahay. Ogow Islaamka wuxuu farayaa in beri laga noqdo Aabbahaa, hooyadaa, walaalahaa iyo waxaad jeceshahay haddii ay islaamka qilaafaan. Yaa marka kuu dhow Ehelkaada iyo ninka xaakimka ah hadduu diinta garab maro?. Wax yaalo iska cad oo mugdi uusan ku jirin mugdi lama gelin karo. Ilaahey baan addoon u nahay muslimna uma nihin nin wax xukuma.

Arimaha aniga wexey iila muuqdaan inaan la is dhegeysaneyn ee nin walba ninka kale ul booc ah ugu tukubayo si uu diintiisa meel uga dhaco. Yaan laga mid noqon jammaco gaar ahaaneed oo wadata howleheeda u gaaraka ahna ceeb maahan iyadana. Waxaan dhegeystey sheekh cumar faruq oo leh waa in la baabi'iyaa jamaacaadka oo la isku daraa oo hal mid la noqdaa. Aniga waa isugu key mid dhammaan midaan khawaarij u arko ama murji'a ma jirto. Salafiya jadiida waa dacaayad. Ma laga hayaa iney isku magacaabeen salafiyah jadiida iyaga oo raalli ay ka yihiin?. Nimanka xaqqooda ah iney qilaafaan jammaaco haloo oggolaado. Quraafiyiinna maahan oo hadda lama leh waa caqiido xun yihiin, bidcana kuma farayaan. Arrintan xukkaamta is af garan waaga wuxuu ka socdaa is maqal la'aan. Ilaa inta aan hadda ka aqriyey somalinet wax qaldan kuma arag. Weli ma arag mid leh waxaad qasab ku adheecdaa qof bani'aadam ah macsi. Haddaad aragteen ii tilmaama.

War yaa Iimaan sheeganaya oo adheecaaya sadam xusseen ama xusni mubaarak?. Ilaahey ka cabsada niman yohow oo markii la yiraahdo yaan la gaaleysiinin yaan laga dhigin in lagu leeyahay JALIILADDA HALOO QAADO waaba haddey tukadaan in kastoo sadam aan arkey CCNka isagoo goobta dagaalkii ku tukanaya. Ikhwaanii hala kala faa'iideysto si fiican oo magac yada aad isugu yeereysaan iska daaya.


Anonymoska ka horreeya kan walaalka ugu dambeeya:

Walaal wiil aan saaxiib nahay yaa bil iyo bar ka hor ka tegey Kenya oo sucuudiga jaamacad ka heley. Isagaan weydiin doonaa bal kutubta aad sheegtey inuu ii soo heli karo inshallah. Ilaahey wixii xaq ah ha inna wada tuso idinkana ku sabra wixii daliil aad u heystaan wixii la idinkaga saxsan yahayna waa inaad aqbashaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 10, 2001 - 09:28 pm
FG

AL AKHUL KAREEM.

ALLAHA KAA BAAL MARIYO HADALKAAGA AAD U MIISAAMAN,
ALLAHA ICTIDAAL IYO NASEXO WANAAGSAN KUWA KU DHAQMA NAGA DHIGO.
ALLAH XAQA NA TUSO
ALLAHA XAQA XAQ INUU YAHAY HA NOO TUSO
ALLAH MARKAAS NAGU CAAWIYO SIDAAN KU RAACILAHAYN.


WALAAL ANIGOO AH ANON#2 , WAAN KUGU RAACSANAHAY TALOOYINKAAGA OO DHAN, ILLAA HAL MULAAXADO.

WALAAL, WAXAA MAANTA TALABATUL CILMIGA AY JAHLI KA YIHIIN FIQIGA LAGULA DHAQMO MADAXDA, DOWLADAHA, SIYAASADDA. ANNAKOO OG IN NABIGEENNA SCWS UUSAN HADYIGIISII KA TAGIN WAX NOLOSHEENNA TAABANAYA.

WALAAL, ALLAH WUXUU LEEYAHAY " ADEECA ALLAH, IYO RASUULKA IYO KUWA TALADA IDIIN HAYA"

SUAASHA MARKA WAA KUWEE XAQA U LEH TALADA MUMINIINTA INEY GACANTA KU HAYAAN;

WAXAA TOWXIIDKA KA MID AH AL WALAAYATU FILLAAH
"WALIGIINNU WAA ALLAH, RASUULKIISA IYO KUWA AAMINAY"

MARKA, WALIGA RUNTA AH WAA ALLAH. IYO KAN NADAAMKIISA KU JIRA OO ADEECSAN ALLAH.

QOFKII AAN ALLAH ADEECIN, DAACAD XAQ U MA LAHA.

CUMAR IBNUL KHATTAB RADIYALLAH CANHU AYAA MAALIN KHUTBO U ISTAAGAY; INTUUSAN HADLIN , NINBAA KACAY OO YIRI, " LAA SAMCAN WA LAA DAACA ILAA AAD NOO SHEGTO DHARKAAD QABTO OO SIYAADADA AH MEESHAAD KA KEENTAY"

CUMAR IYO SAXAABADII JOOGTAY WARKAAS MA AYNAN INKIRIN, CUMAR WUXUU U SHARXAY IN WIILKIISA DHARKA QAYBTIISA UU KA QAATAY, MAXAA YEELAY CUMAR NIN DHEER BUU AHAA KUMANA FILLEYN QAYBTIISA. SALAFKU SIDAAS BEY AHAAYEEN.

CULIMADA MUSLIMKA AH WEXEY ISLA GAAREEN QODOBO BADAN OO KU SAABSAN SIFAADKA IMAAKA AY WAAJIB TAHAY IN BAYCO LA SIIYO:

1. IN WADDANKA UU IMAAMKAAS KA TALIYO UU YAHAY WADDAN ISLAAM AH , XAGGAA AASAASIDDIISII HORE IYO XAGA SHAREECADA LAGU XUKUMO, OON LAGU DHISIN DOWLADDAAS (joqoraafi, jinsi, qabiil, cirqi, isutag siyaasi ah sida democracy,)

2. In waddanka uu imaamkaas xukumo uu yahay mid lagu aasaasay hal qasad oo ah u hiillinta Allah iyo diintiisa.

3. IN WADDANKAAS UUSAN JIRIN QAANUUN DHIGAN OO KA HOR IMAANAYA NUSUUSTA DIINTA, IYO SUNNADA.

4. IN SHAREECADA AY KA SARREEYSO IMAAMKA

5. IN UU WADDANKAAS YAHAY DAAR MAGAN GALIYA QOF WALBA OO DIINTA ALLAH RABA INUU KU NOOLAADO.


IYO SHURUUD KALE OO BADAN

WALAAL, MAANTA DOWLADDAS MA DHISNA, LAAKIN NASIIB XUMO KUWII DHISI LAHAA WAA LA KALA QAYAANAY, AYAGANa WA LA ISKU DIRAY, DHEXDOODANA CADAAWO AAN DHAMAAN BAA LA DHAX DHIGAY, SI MARNA LOO XAQIIJIN WAXAAN TABEYNO OO AH IN AAN KU NOOLAANNO DIINTA ALLAH OO SAAFI AH.

WAXAA 1979 ISTAAGAY NIN LA YIRAAH QUMEINI, OO YIRI DOWLAD ISLAAM AH AYAAN DHISAYAA.LAAKIN SHIICADU WAA DAD CAQIIDO XUN SAAD OGTAHAY. MAANTANA WEXEY TAAGEEREEN ASNAAMTA BUDDAH IN LA XAFIDO.

WAXAA MAANTA ISTAAGAY JAMAACO KALE OO SHEEGANEYSA SALAFINIMO, AYAGOO QIRAYA BAADILKA, INKIRAYA MACRUUFKA, CADOWNIMO U MUUJIYEY TALABATUL CILMIGA KUNA DURAYA INEY XAAKIM CAADIL AH KA BEXEEN. OO MRKAAS GAALO KA DHIGAY OO YIRI WAA KHAWAARIJ.

WALAAL

XAAKIMKA LA YIRI SALAADDA HADUU TUKADO RAACA, WAA KAN SHURUUDDA AAN KOR KU SOO QORAY DOWLADDIISU KU TAAGAN TAHAY.

LAAKIN SALAAD TELEVISIONKA LOOGU TALAGALAY, DALIIL U MA AHA ISLAAM NIN XALAALEEYAY RIBADA OO (LICENSE) SIIYAY BUNUUKTA, AMA QAMRI XALAALEYYAY OO WARSHADO QAMRI AH FURAY, AMA NIN MAMNUUCAY XIJAABKA OO KU TILMAAMAY DIB U SOCOD, AMA NIN KU DHAWAAQAY IN QARAARAADKA (UN) LA RAACO, ASAGOO KUWII ALLAH MAALIN WALBA KU TUNTA.

AMA XAAKIM WALI LA NOQDAY GAALADA OO CIIDANKIISA IYO KUWA GAALADA AY HAL MEEL KA SOO WADA JEEDAAN OOY LA DAGAALSAN YIHIIN ASAL RAAC WEXEY KU TILMAAMEEN

MIDDA KALE, SIDEE LOO RAACAA NIN U HOGGAANSAN NADAAMYADA AY DAJISAY (UN) OO ASNAALMTA BUDDAH IN LA IXTIRAAMO AMRAYA, OO CIQAABAYA KUWA ASNAAMTA JAJABINAYA.

MAANTA ADDUUNKA OO DHAN WAXAA TALO LAGA QAATAA QURUMAHA MIDOOBEY OO AMRA MUNKARKA, DIIDA MACRUUFKA, ALLAHNA LA DIRIRA KULA DIRIRA FASAXIDDA SHIRKIGA, RIBADA, IYO FUXSHIGA.

OGOW IN MAANTA ADDUUNKU UU YAHAY HAL DOWLAD, OO KULLIGIIS HAL MEEL TALADA KA WADA QAATA.

MARKA ANNAKA HALKEEN TALADA KA QAADANNAA?

SUURATUL KAHFI AKHRISO SI AAD U FAHAMTID DHIBKA DHALLINYARADAAS AY QABEEN IYO KAALMO LA'AANTA, IYO ICTISAAMKA AY ISKU ICTISAAMEEN ALLAH.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.