site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maadooyinka Xaaraanta ah (khansiir & qamri)

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Maadooyinka Xaaraanta ah (khansiir & qamri)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum!

Waxaan rabaa in aan halka soo dhigo waxyaalo badan oo xaraan ah balse cuntooyinka aan cuno ku jiraan. Waxaan hadd iyo goor iska fiirinaa oo kaliya hilibka khansiirka oo kaliya iyo qamri balse walaalayaal waxaa jira kun walxo ama maadoyin raashinka inta baddan la socda.
Walxahaas waxaa laga suubiyaa hilibka ama xayrta ama subagga khansiirka. Waxaa kaloo jira cuntooyin lagu daro khamri sida (congac & wine-ta).

Sidaas darteed waxaan walaalaha ka codsanayaa bal wixii aay hayaan ama aay yaqaaniin, li anahu waddan kasta magacyo guud (international-ka) ka sokoow waxaa aay leeyihiin magacyo (local) ah, markaa tafadhal ikhwaanii noo soo gudbiya:

Liiska maadooyinka xaaraanta ah

Kuwa xarafka E wata
E120, E140, E141, E252, E422, E430, E431, E433, E440, E442, E470, E471, E472a, E472b, E472c, E472d, E472e, E473, E474, E475, E477, E478, E481, E482, E483, E491, E494,


Kuwa aan xarafka E wadan

476, 542, 570, 572, 631, 571, 573


Kuwa aan lambarka wadan

1- Piyoxietylen, 2- Sorbita Trioleat, 3- Lard (ister), 4- Animal Fat (Gelatine), 5- Butter Crust, Butter Top, top Shorening, 5- Rennin (Løpe), 6- Pork (Svin), 7- Margarin, 8- Monoglycerine (Monoglycerider), 9- Alkolo, Sidawine, cognac, Rommarsipan, Mentanol.


Waa baaritaan cilmi ah oo la suubiyay, laguna xaqiijiyay in walxahaasi kore khansiir iyo qamri lug ku leeyihiin.


Walaalkiin
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xumo-diid

Unrecorded Date
Jazakallah!
Duqa waad mahadsantahay!

Xumo-diid!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hassan

Unrecorded Date
To Ansaari
Walaal waad ku mahadsan tahay da,daalkaaga laakiin waxaan rabaa in ku waydiiyo dhowr su,aalood.
1- waxaad tiri lambaradaan waa kuwo lokel ah ama qaas ah hadaba wadankee ayay qaasu yihiin?
2- maxaa daliil ah oo aad u haysaa in ay xaaran yihiin?
Midda kale waxaad ogaataa waxaan illahay xaarantinimayn haddii aad tiraahdid waa xaaraan dhibaatada ay leedahay waxaa laga yaabaa in aad ogtahay diinta islaamka gudaheeda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

allale

Unrecorded Date
to.ansaari.
walaal arintaan waan kuwareernay run ahaantii sababtoo ah waxaad arkaysaa waxyaalo kala duwan iyo dad hadba wax kuusheegaaya marka waxaan kaa codsanaynaa sida xasan kuu sheegay in aad faah faahisid arintaan.

salaama calaukum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum!

Hassan & Allale

Walaalayaal waxaan idinku salaamay salaantaas islaamka.

Waxaan anigu degenahay dalka Denmark, waxaana masjidka maagalada Aalborg laga qaybinayay kaarar aay ku qornaayeen maadooyinkan kore.

Anigu goobtii (sheybaarkii) lagu soo xaqiijiyey ma joogin, balse dad wadaada ah ayaan ka soo xigtey in aay arrinkan tahay baaris cilmi ah oo la suubiyay laguna kalsoon yahay.

Marka aan leeyahay kuwa lokalka waxaan ula jeedaa tusaale ahaan kuwa qaabaqoseynka ku jira waa af-danish, yacnii Denmark markii aad joogtid waxaay ku qoran yihiin maadooyinkaasi af-danish. Kuwa kalena almost waa caalami.

Waxaan shaki ku jirin in Geedkan (caga-yare) lagu daro wax walba sida: Malmalaadada badankood, waxyaalaha la is marsado (rootida la marsad), rootiga (qaar badan oo toastiga ah) waa aay badan yihiin.


Nambaradani ma'ahan hilibkii qansiirka ee waa walxo ka soo askumay khansiir (haddii aay noqon laheyd dhecaan ahaan, subag, xayr) oo malmalaada iwm lagu daro si aay usuubiyaan dhadhan nooca ama cimriga u dheerayn amase urin iwm. (Walaahu Aclam)

Walaal XASSAN marka aan halka soo dhigay arrinkan uma soo dhigin dadka waal ee waxaan usoo dhigay bal adna heshayee u faa'iidee walaalaha kale ee ku baahsan koonkan.

Qofku bini aadamka waa xor, kii rabana ha cuno kii raban runta ha kasal gaaro, adoo wata nambaradan suubi your own research. Waxaad tagi kartaa masjidka kuugu dhow weeydii dadka aad is leedhay waa ay garan karaan waxaad kaloo weeydiinkartaa dadka bartay ama yaqaan Cuntooyinka & Nafaqaynta ama qof shaybaariista ah.

Dadkeena intiisa badan waxaay iska eegaan oo kalaiya KHANSIIR, hadiise uusan lahay waa aay cunaan taasna khatarteeda ayeey leedahay. ANIMAL FAT ama Gelatin haddii aad aragto cunto aay ku dhagsan tahay maxaad u maleynaysaa? is-weeydii adiguba!.


Walaahu Acalam

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hassan

Unrecorded Date
to Ansaari
wacalaykuma salaam
Walaal waa kaa qaaday salaantaas, salaan kadibna anigu kaama fogi oo waxaan daganahay aarhus Denmark arintaasna wax badan ayaan maqlay xataa kaar ay ku qoran yihiin waan arkay laakiin meel aan u raaco ayaan garan waayay, dadkana haddii aan u sheegno waxaan nagu filan maxaad haysaa cadayn ah laakiin labadan dambe ee aad sheegtay oo ah ANIMAL FAT ama Gelatin waa hubaal laakiin anigu wax kale ma hubo,
by xassan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu caleyk..

Hassan

Det er godt at du er fra Danmark.
Hvoradan går det, har du det godt?

Ok.! Walaal qaar badan sida 420, 472ba waa hubaal in aay ku jiraan walxo qansir kasoo askumay. Xataa weeydii dadka daanishka laftigooda, qasatan kuwa sprogskolka iwm. waa ógyihiin waa ayna kuu sheegayaan. Tusaale malmalaadada Aldi lagu gado ee weyn ee buluuga furka cad wuu ku jiraa, cidaa doonto oo xataa daanish weeydii. Taas anaa hubo.

indtil næste gang ha'det godt!

Wasalaamu aleyikum!
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maadooyinka xaaraanta ah ee khansiir &khamir

Unrecorded Date
to
walaalka raintaan nagu baraarujiyay walaal waxaan kugu salaamayaa salaanta islaamka salaan kadib walaal jasaaka laahu alf khayr dadaalkaan aad noo samaysayna waad ku mahadsantahay walaal anigu kaarkaan waan haystaa waxaana la igu yiri waxaad faahfaahin ka helikartaa masaajidaka Odense
marka qofkii arintaan uu shaki uga jiro waxaan kula talin lahaa inuu la xiriiro odense haduu dad ka yaqaano haduuna dad ka aqoonina hasoo codsado anaa uraadinaye waa walaalkiin Ahmed waana mahdsan tihiin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.