site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

xuquuqda gabadha muslimadda ah: diyadeeda, shaqadeeda, madaxtinimo ....iwm

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): xuquuqda gabadha muslimadda ah: diyadeeda, shaqadeeda, madaxtinimo ....iwm
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
Walaalayaal salaan ka dib , waxaa jeclaan lahaa inaan halkan ka furo mawduuc aan is oran karo waa mid wax laga faa'iideysanayo.
wuxuuna ku saabsan yahay: Dawrka gabadha muslimadda ah?

madax ma noqon kartaa ? Diyadeedu waa immisa ?

ogolaansho la'aan mala guursan karaa? madax ma noqon kartaa? ma shaqaysan kartaa? dagaal ma geli kartaa ? waa immisa dhaxalkeeda?

Sidaa la adligeed waxaan rajaynayaa inuu noqdo mawduuc lagawa faa'iideysto, isla markaana daliil cad lala yimaado, la iskuna ixtiraamo qoraallada gudahooda.

Sidaa la adligeed waxaan marka hore u dhaafayaa bal inay dadku ku soo dhawaadaan oo ay furaan mawduucaan qiimaha badan.
codsi: gabdhaha soomaaliyeed aad baan u jeclaan lahaa inay ka soo qayb galaan, oo ay la socdaan , isla markaana su'aalo ka soo weydiiyaan.

Walaalkiin

Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.walaal nabadoon mawduuc kale oo aad furtayna waan arkay laakiin walaal waxaan kuu faa,iidaynayaa markaad mawduuc furtid waxaa wanaag san marka u horaysa inaad adigu bilaawdid mawqifkaaga ku cadaysid laakiin waan idiin furi waana ka tegi caqli maaha,marka waxaan kaa codsan si loo fahmo adigu soo dhiraandhiri ama waan kugu radinaynaa ama waan kugu waa faqaynaa,

wasalaamu calaykum
ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum wa raxmatulaah wa barakaatuhu

Salaantaa dabadeed,NABADOON waxaad iila muuqatay nin diinta islaamka aad u yaqaan kol aan arkayay aaraadaada ee bogga EEDEYN se aad raggii ehelu diinkii aad isla jibaaxdeen ACMAAQ BUXUURUL
CILMI,mowduucan waxaa ila hagaagsaneed bal inaad kolka hore aaraadaada aad dhiibato bal inagu waxaanu ka oran laheen,waxbase maahoo haddaad jecleysatay inaad ooraahda dambe yeelato....

Anigu qofahaanteey laba kalmadood baan ku soo koobahayaa intaanu ka oranlahaa xuquuqda gabadha islaamka ah iyo inaga soomaali intaanu ka niri,waxaana aan ka sii afeefanayaa inan doooda dheer aanan ka sii qeyb qaadan doonin;

Waa tan koowaad waa xadith saxiix ah ee uu nabigeenii suubanaa nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ee ku yiri "FATAKHUU DUNIYAA FATAKHUU NISAA" xadith kalana uu ku yiri nabigeenii suubanaa nnkh "MAA TARAKTU FITNATUN ASHADU LIL RIJAAL ILAA NISAA" waxaa iyana la hayaa xadiith kale uu nabigeenii suubanaa nnkh uu ku yiri "
"NAAKHISAATIL CAQLI WA DIIN"

Anoo meeshaa ka sii ambaqaadahayo baa waxaan doonayaa maahmahyada soomaaliyeed iyana aan ka sii dhicin ee oraneysa "DUMARKU WAA CARUUR CAG WEYN"......Iyo tan kalee oraneysa "OGGOW KAL CAANA GALLEE KAS MA GALAA BAA LA YIRI"....iyo tan kalee oraneysa" KAS DUMAR KADALOOB RAG KAAGA DAMBEEYAYKAAD KU OGEYD MAAHA "


Intaas oo ay madaxayaga ka dhawaaqayaan iyo in kaloo farabadan u maleyn maayo in cadaala ijtimaaciya la gaarahayo oo waa geddi gabdhaha muslimiinta ah gaar ahaaana kuwa yaga ay u sii dheertahay in maalinka ay dhalato aabaheed ka naxahayo,oo la yiraaho ,,cakuye ceeb baa inagu soo saa'iday,,,,malinka ay sideed jirsatana ninkii MAXAMAD SOOMAALI,iyo ABOOKI ay sugayaan
FGM,,,,,GUDNIIN,,,cabaad lagaga keenayo,,maalinka ay shaniyotoban jirsataana uu sugayo oday konton jir ah oo konton halaad lihi oo qodobkii ama xoog ku furahayo ama caqli kale iyo u adeegsanayo manqas yar iyo muduc iyo ableeydiisa mirirka badan
,,,waa si aan erey loo gellin raganimadiisa,,waa haddii ay noqoto naag wanaagsan ee muslimad ah ee raaliyad ah ee ninkeeda u dulqadata wax la'aan iyo seddexda min weynna waxaa loogu bushaareyn maalinka ay dhimato in janatul fardowsa ay galli oo ILLAAHAYNA uu ku abaal marin her last assignment oo ah iney waligeed iyo allaheed u shaqeysaa una adeegtaa ninkeediii isaga ahaa oo loo dalaciyo xuurulceyn,,,,,

Waxaa kaloo jirtay Maxkamad ama gartii la isugu yimmi ee lagu go'aansaday "DHALFO DHUL LA DHAC" waa gabartii inta la kufsaday ee markii garteeda geedka la keenay la yiri iyadaa gardaranoo maxaa ay la boodboodeysaa nin boqoloow ah baaba saaran ee bal arka dhibaatada ay ninka boqolowga ah ay u geesatay,oo seddex goor buu dhalfadiisii dhulka la dhacay,,,inta iyo waxaa sugahaya ilma adeeradeed oo sharaftoodii ay geedka garta lagu qaadayay ay geeysay,,,,,,


NABADOON yaanan badin ee mujtamacaa iyo caddaala
ijtimaaciya ay helaan HOOYADAY,,,XAASKEYGA,, iyo
GABDHAHA aan dhalay waa kaaf iyo kala dheeri ee qiyamka iyo baarbaarinta aanu heesanaa iyo gabar ama haweeneey iney noqotaa madax waa kaaf iyo kala dheeri ......

haddaad ogeyd berri dhaweyd baa dhallinyaro aan aad oga hellay yiraaheen waxaanu isu xil qaanay inaanu wax ka qabanno dhibaatada heysata mujtamacayaga oo halkan ku aasaasay urur cusub uguna magac daray NSYL oo dadaal xoog leh ugu jiray sidii ay dhidibbo ugu aasi lahaayeen urur ku howlan horumarinta wacyiga ummaddayada soomaali oo waxeey MODERATOR ka dhigteen gabar soomaali ah,hadda wixii ka raacay waa la ogaaa oo waxaa layiri daayoow madaxnimo hataa lagama dhigan karo MODERATOR,,,,iyo naa dumar baaad tahoo xishoo,,,,,ar hooy laay ilaaha ila laahu hooy adi inaad bilcaan yaanyoow tahay ma is ogid miyaa,,ar gadaal u joogso boqolowga ha soo dhex gallin e'.......iyo boqol kaloo wada riddineysa ........marka nabadoon haddaad adiga wax kaloo ififaala ah ee aad xuquuqda dummarka soomaali haddaad heyso bal inoo soo balballaari ,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Sallamu caleykum!

KU: Nabad-doon

Horta akhii, waa runoo annigu waxaan ku raacsanahay Walaalkey ISMAACIIL fikradiisa. Inta mowduuc furtid ha dhaqaaqinee sii wad oo adigu u horee fikradaada iyo meeshaad joogtid na tus markaasna arrag walaalaha kale iyo tooda.


Diinta islaamka sida aay u sifeysay xaquuqda iyo doorka Dumarka ama u wanaajisey diin kale iska dhaafee Dimoqraadiyadda westernku uma waanajin.

Xaquuqda dumarka iyo Doorkooda Alle (swt) quraankuu ku sheegay Xabiibu Raxmaankuna wuuna baray by practical and theory. Waxaas oo dhami kutub ayeey ku qoran yihiin.
Doodna kama jiri jirrin.

Waxaa jira in Mujtamaca Diintu ku yartahay ama Dowlad Islaami ahi markaa ka jirrin in markaa Dumurka xaquuqdooda la siin, taasna waxey ka timid aqoon la'aanta diinta.




Ku: NeefoowKaniini!

Walaal waxaad gashay ood ka hadashay baab kale oo ah si xun oonan diin aheyn ee odayaasheeni hore DUMARKEENA u la dhaqmi jireen. Caadooyin xunxun.

Runtiina waxey aheyd wax xagga DIINTA ka fog. Balse siduu walaalkeen NABAD-DOON usoo dhigay mowduuca bal inooga faa'iidee haddi aad wax ka gareneyso. Waxaan rajeynayaa in aad INSH'ALLAH ka qori doontid.

FG: Duqqa, afsoomaaliga si fiican ayaadba u taqaan ee sidaa ku sii wad oo u qor, waayo waxaan arkey meelo badan oo aad horey wax ugu qortay oo runtii adiguba ogtahay...yacnii...yaah... sidaad wax u qortey! :-)


Illaahoow na badbaadi!

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
salaanta islaamka ah ka dib.

walaalayaal waad ku mahadsan tihiin sida qiimaha leh ee aad uga hadasheen arrinkan iyo weliba talooyinka aad isoo siiseen.

mr. Neefoowkaniini adiguna aad baad ugu mahadsan tahay sida aad uga hadashay dhibka caddaalad darrada loo geystay(weli loo geysanayo) gabadhaha soomaaaliyeed ee muslimiinta ah, waana arrin naxdin leh.

Waa siduu sheegay walaalkeen ansaari, xuquuqda gabadha muslimadda ee ay diintu siisay waa mid aanay ka helin manhaj (dimuqraadiyad iwm) walba oo dunnida ka dhisan ama ka dhisnaa.

Balse waxaynu u soo laabanaynaa mawduuceennii ahaa xuquuqda gabadha. Waxaa marka hore ial gudboon inaan daaha ka qaado waa maxay farqiga u dhaxeeya madhabta iyo diinta. Si kooban haddaan u iraahdo madhabtu ma ha diin. Madhabtu waa miraha ka dhasha marka ay falgalaan caqliga aadanaha iyo naska diinta(qur'aanka iyo sunnaha). Sidaa la adligeed maadaama uu caqliga aadanuhu kala duwan yahay , marka uu la falgalo naska ayaa waxaa dhasha aragtiyo kala duwan (madaahib). sidaa la adligeed diinta islaamka ahi xilli walba iyo goob walba xal bay u tahay , maadaama goobtaas iyo xilligaas ay joogaan dadyow iyagina maskaxdooda la falgeliya naska, isla markaana ay kala soo dhexbaxaan xalka dhibaatada casrigaas haysata.
haddaba sidoo kale xarrakooyinka muslimiinta ahi ee maanta jira iyaguna waa miraha ka dhashay marka uu caqliga aadanaha la falgalay naska , sidaa la adligeed cagligii kala duwanaa waxaa uu keenay aragtiyo kala duwan, kuwaas umbaa la baxay magacyo kala duwan (sida: tabliiq, itixaad, islaax, suufi, taxriir ..), sidaa la dligeed midkoodna kuma andacoon karo inuu yahay kan saxda ah ee diinta haysta, waayo mid walbaa waa natiijo ka timid caqli aadane iyo naska. sidaa la,adligeed nasku mar walba waa ka madax bannaaan yahay, oo wixii si xun loo fahmo nasku beri ayuu ka yahay.
haddaba gabadhu miyey ka hooseysaa ragga? sidee bay uga hooseysaa?dhanka diyada?oo dhiigeeda ayaa ka raqiiseysan kan ragga?dhanka dhaxalka ?dhanka caqliga oo mas'uuliyad ma qaadi karto?dhanka shaqada , oo markaa waa qof curyaan ah? haddaba waxaynu og nahay in gabdhaha reer galbeed shaqaystaa, mas'uuliyadna qaadaan, ee ma diinta islaamka ayaa dulmisay dumarka muslimiinta ah? oo gabadha xorriyadeedu waxaay ku xiran tahay inay iskaga baxdo diinta islaamka ? mise waa arrinkaas lidkiisa, oo gabadha reer galbeed iwm waxay jiritaankeeda iyo sharafteeda ku xiran tahay inay diinta islaamka ah qaataan? maxay iskugu khilaafeen culummadu dawrka dumarka? maxay sidoo akle iskugu khilaafeen xarrakooyinku dawrka dumarka ? Nasiib wanaag waxaynu ognahay in midkoodna uusan ahayn diinta saxda ah, ee ay yihiin aragtida ay ka fahmeen naska, sidaa la'adligeed waa arrin u baahan baaritaan dheer.
aynu horrayno diyada gabadha. dadka badankiis (qaas ahaan soomaalida iwm) waxay kusoo barbaareen madhabta shaaficiyada, oo qabta in diyada gabadhu ay tahay tan ragga barkiis.yacni gabadhu dhiiggeeda wuu ka raqiisan yahay kan ragga ? waxaase la yaab leh haddii nin boqolloow ah uu dilo gabadh kontonleey ah , ninkaasi waa la dilayaa? sidaa la'adligeedna naftoodu waa isku qiimo ? siddee boqolloow ula mid yahay kontonleey?? haddaba taasi waa aragtidii madhabta shaaficiyadda iyo weliba asxaabtii qaarkood.balse
looma hayo wax xadiis ah , iskaba daa aayade !!
sidaa darteed madhab ayaa iyana qabta in diyadadoodu isku mid yihiin. xanafiyada. waxaana daliil culus xanafiyada oo haysata aayad qur'aan ah iyo xadiis saxiix ah (eeg bogga eedeyn).
xukunka gabadha? culumadu way isku khilaafeen xukunka gabadha ? sidoo kalena khilaafku wuxuu innagu baraarujiyaa inaynu baaritaan samayno, oo ay raadinno xujooyinka culummada isku khilaaftay.
culumada qaar baa qaba gabadha xukun is daaye codkeeda ayaa cawra ah ? qaar baa ku leh gabadhu qolka afar geyska kamaba soo bixi karto ?qaar baa ku leh jirkeeda meelna kama bannaanaan karo, xitaa indhaha? sidaa la adligeed waa arrin isaguna ku xiran caalimkaas goobta uu joogo iyo xilliga uu joogo , waayo waxaynu ognahay in fatwadu ku xiran tahay goobta iyo xilliga la joogo (haddii akle shaafici(RA) markuu ciraaq joogayna fatwo ma yeesheen, markuu masar yimidna mid kale ma yeesheen ).

si gaaban haddaan u iraahdo gabadhu way qaban kartaa xukunka kasta uu ninku qana karo. xadiisyo bay daliishadaan dadyawga diidan oo ah "qoom ay gabadh talo saarta ma liibaan", waxaanse oran karnaa waa xadiis khaas ah, dhacdo khaas ahna ku yimid (reer faaris). haddaba haddaynu qaadannaba xadiiskaas, miyeynaan aqoon qisadii balqiisa?(suuratul namal)miyey halaagtay qoomkeedii talada saartay? maxay ku yiraahdeen raggii ay madaxda u ahayd? maaxayse ugu jawaabtay? miyeysan dhammaamba dadkii oo dhammaa ay islaamnimada soo gelin? liibaantee ayaa ka weyn?yaa arrinkaas hadda ka hor sameeyay oo rag ah ?sidaa la adligeed xadiiskaasi waa mid khaas ah ayaynu oran karnaa. gabadhuna meel walba ayay madax ka noqon karnaa, waxaana looga baahan yahay shuruudaha ninka looga baahan yahay oo keliya (cilmi iyo ammaano).

arrinka dhaxalka iyo shaqada iwm dib ayaan uga hadli doonaa.

Walaalkiin

Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ku-diin-jeclayaasha

Unrecorded Date
Salaamu calaykum

Runtii walaalahaygoow waxaan ug farxay boggan si xad-dhaafa dad diinteena macaan sidan u yaqaan hadalkoodana ka muuqato is-xushmadayn iyo walaaltinimadii Islaamka.


Aaryaahe waxaan kaloo la yaabay walaalka Nabaddoon sida aanuu u daalayn. Oo kaalay waxaan ku weydiistay adigu ma diinuumbaad ka hadashaa horta markasta bogag uunbaad buuxinaysaaye.

Keep going.
YEEEEEEEEEEES
Salamu alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ballanbale

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum waraxm...

Walaal Nabddoon waad ku mahadsan tahay soo bandhiga arrinkan oo aad moodid in lagu muransan yahay sida aad u cuskatay daliilkaada.

Markaa Akhii waxaan ku weeydiin lahaa su'aalaha:
Kaba soo qaad naagi in aay xukun qabato, mrkaa waxaan ku weeydiinayaa ma qaabili kartaa NIN kale oo isna madax ah inta QOL is lagalaana ma shirri karaan ayagoo ka xaajoonaya Dannahooda? Naagta madaxda ahi haddii uu nin kamid ah wasiiradeeda yiraa waxaan kuu doonayaa in aan kuula faqo si private ah, maxaay suubin? ma inta baxdeey qol ama xafiis halkan ah dalaq inta isku siiso hoosta uga soo xirran?

Arrinka Diyadda, waxaa loo baahan yahay in dadka cilmiga ulahan arrinkan ka hadlaan. Waana arrin xiise leh sugideeda.

Midda naagaha western ahi ee dibadda ka shaqeeya waxaan ka dhihi lahaa (fikradeyda)Anigu dhulkan X ee aan hadda joogo dumarkoodii waa aay ogaadeen in nature-ahaan dumarku fiican yahay in aay xagga gurigga iyo Caruurta ku ekaadaan, oo waay aay ka shalaayeen waqti xumadda ka haysata dhalaankooda, markaa dumar badan ayaa hadda dib ugu soo noqonaya Gurigga dumar badana waxaay aay bilaabeen in aay dhalaan ilmo badan. Arrintani statistic ayeey ku cadahay.

Markaa adiguba fakir oo arag in aay fiican tahay in raggu soo shaqeeyo dumarkuna guriga iyo dhalaanka hayso! Miyeeysan sax aheyn? Haddii labaddii ruux ee reerka u weynaa irida ka degtaan ooy shaqo tagaan, aaway tarbiyaddii? aawey guriggi?.
Gabadha aan la guursan ama caruurta laheyn waxaan u arkaa in aay shaqeysan karaan. WHY NOT!?

Arrinka ah DUMARKU dagaal ma ka qeyb qaadan kartaa, why not! yaa kamaanici kara haddii aay rabto dagaal jid Alleh in aay ku dhimato?

Dumarku maahin Xoolo raggu leeyahay, waa bini'adam nala mid ah, na dhalay aanu qabno, na xanaaneeya markaa waa in xaquuqdooda la dulmin. Nabigu (scw) wuxii ugu dambeeyay ee uu ka dardaarmey waa DUMARKA!!.

Runtii waa jirraan walaalo xaquuqdooda siin dumarka.
Balse waxaan ALLAAH (Kor ahaaye) ka baryayaa in anniga iyo intii muslim ah garansiiyo xaquuqda dumarka.


Walaalkiin

Ballanbale!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku: ballanbale

walaal marka hore waad ku mahadsan tahay sida qiimaha ee aad uga hadashay mawduucaan cilmiyeed.
Tan kale walaal arrinka ku saabsan in hooyadu ku haboon tahay inay tarbiyadayso carruurta si berrito mujtamaca ay ugu soo siyaadiso awlaad buuxin karta booskii aabayaalkood, isla markaana dusha saari kara sidii u xallin lahaayeen mushkiladda shacbigooda haysta, sidaa darteed hooyadu waxay ku habboon tahay guriga, aabuhuna shaqada, taas umbaa la oran karaa isku dheellitirnaan. Laakiin anigu waxaan ka hadlayay shareecadu ma u ogoshahay in haddii ay timaaddo duruufi ay gabadhu shaqo aadi karto. dabcan jawaabtu waa haa. haddaba waxaa iga su'aal ah "gabadha muslimadda ah ee soomaaliyeed miyeysan u habboonayn inay yeelato xirfad wanaagsan, si mar dambe haddii ay u baahato ay ugu shaqaysan karto, waayo waxaynu ognahay in duruuftu markay adkaato, haddii ay gabadhu xirfad lahayn laga yaabo inay ka shaqayso meel aan shareecada waafaqsaneyn, sidaa la,adligeed, miyuusan diyaar garowgu habbooneyn?
arrinka ku saabsan madaxtinimada naagta, walaal marka hore waxaan oran lahaa, inay habboonaan lahayd inaynu arrinka ukala qaadno "shareecada maxay ka qabtaa in gabadhu xukun qaban karto" , markaynu taas falanqeyno oo aynu isku raacno ayaynu markaa ka hadli karnaa "waxyaalaha laga yaabo inay la soo gudboonaato gabadha, sida khilwada oo ah inay meel gooni ah iskula soo xirto nin iwm iyo sidii la iskaga ilaalin lahaa in shareecada lagu xadgudbo, sidaa darteed wax "technicality" ayaa oran karnaa, laakiin waxaynu ka hadlaynaa oo keliya xukun qabashada gabadha. sidoo kale waxaad ogaataan in ninka sidoo kale isaguba loo ogolayn in gabar meel gooni ah iskula soo xiro (haba ahaado madaxe), laakiin iskuma aanan khilaafsanin madaxtinimada ragga, ee aynu marka hore isku raacno tan dumarka.
qaarka diidan waxay yiraahdaan "gabadhu way caado keeneysaa"? sidaa la'adligeed waxaa laga yaabaa in mararka qaarkood isku buuqsan tahay? taasi waxaa looga jawaabi karaa xilliga ay u badan tahay inay gabadhi ama cid kaleba meel madax ka noqdaan (sida tan dawladnimo) waa xilli 40 sano iwm sidaa la 'adligeed waa xilli aysanba caado jirin.

Intaa ayaan ku soo gaabsanayaa marka hore.

Walaalkiin Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Walaalka furay mawduucan iyo walaalaha kaleba waa mahadsanyihiin.
Aniga waxay iila muuqataa waxaa jira mawaadiic laga doodi karo,oo qof walba ra'ayigiisa ka dhiiban karo iyo arimo axkaam ah oo layna faray oo la doonayo inaan barano ,dabadeedna raacno,ee aan u baahnayn ra'ayigeena ,mawduucanina wuxuu ila yahay inay diintu si cad inoogu sheegtay ,gabadha muslimada ah xaqay leedahay iyo ka lagu leeyahay, mana aha xaqaasi midaan anagu hadda siinayno ama ka qaadayno,hadaba nabadoonow waxaan kugula talin lahaa inaad mawaadiic kale oo ra'ayigeena loo baahan yahay aad inoo furto ama kuwa furan aad ka qayb qaadato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku: Abdalla

walaal waad ku mahadsan tahay taladaada, waana mid qiimo badan. Waxaadse ogaataa inaysan dadku isku mid ahayn,oo xagga diinta lagu kala fiican yahay.
Midda kale innaga soomaali ahaan waxaynu caado u leennahay inaynaan iska faa'iideysan, balse waxaynu jecelnahay inaynu is garab orodno, taasi waxaan u leeyahay, miyeysan wanaagsanayn in qofkii awood u leh inuu baaritaan soo samayn karo uu soo sameeyo, isla markaana uu soo bandhigo halka uu ka soo diyaariyay iwm. si markaa aysan halkani unoqon meel wakhtiga lagu lumiyo, oo laysku caayo, balse ay noqoto meel dadka walaalaha ahi isku weydaarsadaan aqoon maaddi iyo mid diinba.
taas umbaan u arkayay inuu mawduucaan oo kale muhiim yahay, sababtoo ah dad badan oo galbeedka ku nool ayaa waxaa hooseeya aqoontooda diimeed , taasoo ku keeni karta inayba rumeystaan waxyaalaha dacaayadda xun xun ee ay ka maqlaan media-ha.
sidaa la'adligeed haddaynu isku mashquulinno waxyaalo aan qiimo weyn lahayn ee uun ku dhammaada anigu waxay ila tahay iyo anigu waxay ila tahay.... , waxaan u malaynayaa in wakhti badan halkani ku lumayo, taasoo naftigeeda ayaysan diintuba raali ka ahayn.
midda kale anigu waxaan iri haddii mawduucaan la xiiseynayo, halaga hadlo.

waadna ku mahadsan tahay(mana oran qof walboow wixii ra'yigaaga ah ku soo darso, ee waxaan iri daliil cilmiyeysan qof walboow la imoow).

walaalkiin

Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ballanballe

Unrecorded Date
Salaamu...

KU NABAD-DOON

Walaal waad mahadsan tahay. Allena Xaqqa hanawada garansiiyo.

Walaal waan kugu raacsanahay in Dumurku bartaan xirfado si aay gurigeeda iyo ayduba ugu shaqeeysato.

Arrinka ah in dumarku xukun qaban karo, waan ka aamusayaa annigu, sababtuna cilmi axkaami ah oo sidaas ah ma lahi. Miskiin cilmi u baahan ayaan ahay. Laakiin fikrad ahaan dumar meel madax waa looga dhigi karaa, haddii meeshu tahay meel DUMAR ama meelo kaleba, laakiin madaxweyne ama Amiirul mu'miniin ma ka jawaabi karo yaa akhii!

YAA MAALI JIREY ayaa layihdaaaye aan aragno dadka cilmiga u leh baabkaan. Soo dhawaada!

Walaalkiin
Ballanbale!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ilaahay wuxuu na faray in aan weydiino kuwa aqoonta u leh wixii aan garan weyno. Wuxuu noo sheegay oo weliba na faray wanaagga AQOONTA iyo cilmiga. Wuxuu amaanay kuwa FAKARA iyo kuwa FALANQEEYA. Wuxuuna na AMRAY markii arrin murugto oo aan RAYI is diido in aan ISAGA iyo Rasuulkiisa (SCW) dib ugu soo noqono oo aan qaadano wixii ay go'aamiyaan su'aal la'aan inagoon ka biyo diidin.

Haddii su'aasha la diido dadkoon dhan afka la jabiyo yaa u ah ehel oo ay gooni u tahay cilmigu?

Walaalaheen qaarbaa mar walba dhihi arrinkaa yaan laga hadlin? A aaaah war maxaad leedihiin u daaya culumada arrinkan?

OO haddii aan su'aal jirin, haddii aan RAYI jirin, haddii aan madaxa la xoqon oo aan garka la qabsan sidee wax loo baran?

Walaalayaalow oo walaalayaalow "xaq doonow" dadka afka ha qabanina ee haddii aad wax og tihiin noo faa'ideeya in Ilaahay dambigiina iyo kan waalidiintii dhaafo.

Mid kale bal akhrista Suuradda Saba haddii Ilaahay Idmo!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAMIIRA

Unrecorded Date
TO. NABADOON
ASALAAMA CALAYKUM WALAAL AAD AYAAD UMAHADSAN TAHAY RUNTII MEELO WAAWAYN AYAAD TAABATAY WAXAANA KAA COSAN LAHAA ARIMO I DHIBAY INAAD IIGA JAWAABTO SIDA RAGA GACANTA MAKSALAAMIKARAA,GURIMAWADA JOOGIKARNAA ANIGA IYO NINKELIYA SIDA DUMAASHIGAY OO DANI KEENTAY,SAFARKA MAGELIKARAA ,WAXAAS IYO ARIMO BADAN OO KALE AYAA I WAREERIYAY.
DHINACA DHXALKA MAXAAN RAGA UGA HOOSAYNAA,MARKHAANTIGA MAXAANALOO YIRI HAL NIN IYO NAAG AYAA ISU DHIGMA.
WAAD MAHADSANTAHAY WALAAL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaamu Aleukum !

Abdalla ayaan aad igu raacsanahay figradiisa, markaa mawduucan u daaya raga ilaahey fiqiga garadsiiyey iyo jaaburta aadka u kala dhalaalisa arimaha xadiista iyo fiqiga lagala bixi karaba.

mawduuc kale ha la inoo dooro, kaas oo aan ka wada qayb qaadan karno sida Baaraarujinta diinta loogu baraarujin lahaa kuwa aan wali baarugin?"MAS'UULIYATUL FARDIYA "
Salaamu Aleykum !

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
To : Nabadoon.

Walaal waxaan la yaabay indha adeegaadaa iyo jawaabahaaga aan daliil sax ah ku dhisnayn. Waxaad furtay arimo aan u baahneyn ra'yi iyo maxay kula tahay ee u baahan daliil Diini ah. Waxaad tiri waa arrin u baahan baaritaan WAA YAABE nabadoonow ma waxaad samaysay baaritaan aysan samayn CULIMADII Islaamka soo difaacday. Waxaan aad ula yaabay sida aad fatwada (Jawaabta) cilmi yarida ku dhisan aad u gaartay, waxaad tiri "si gaaban haddaan u iraahdo gabadhu way qaban kartaa xukunka kasta uu ninku qana karo" waxaa iga sii yaabiyay inaadan wax daliil ah haba yaraatee aad u keenin bal ra'yigaada aad ku macnaysay!!!!Nabadoonow kutubta Islaamka ma ka soo heliwayday daliil aad ku taageerto fikradaada qaldan hadaba taasi waxay tusaysaa inaadan aqoon u leheyn Islaamka. Ma doonayo inaan niqaash dheer halkan ka galo balse waxaan kuu sheegayaa daliilo cad-cad oo jawaabtaada qaldan bur-burinaaya:

1)Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Ma liibanayo Qoom haweenay madax ka dhigtay" waxaad xadiisakan ku durtay "waxaanse oran karnaa waa xadiis khaas ah, dhacdo khaas ahna ku yimid (reer faaris)". Eebe wuxuu yiri "Hadii aad ku doodaan waxa ka mid ah diinta u celiya Allaah & Rasuulkiisa xagooda" marka su'aashaydu waxay tahay Yaad kasoo guurisay hadalkaas? xagee ayuu uga yaalaa kutubta Islaamka?. Ma waxaad leedahay Aayad walba iyo xadiis walba oo cid gooni ah ama dhacdo gooni ah ku yimid la qaadanmaayo oo laku dhaqmi maayo?!! Waa hadal cid kaaga horeysay oo CULUMADII ah aysan jirin!! Waana hadal keenaya inaan ka tagno oo aan ku dhaqmin in badan oo Qur'aanka iyo Axaadiista ka mid ah. Waxaa tusaale iiga filan suuratu AL-MUJAADALAH inteeda hore waxay ku soo degatay haweenay Rasuulka(S.C.W) usoo dacwootay oo uu ninkeeda dihaaray(uu ku yiri hooyaday baad la mid tahay)hadaba waxaan leenahay suuradu waxay ku soo degatay dhacdo gooni ah oo na taabanmeyso mise waxaan leenahay suuradu waxay ku soo degatay dhacdo gooniah laakiin qof walba oo arintaasoo kale sameeya xukunkaa ayaa ku waajibaya(waana sida CULIMADA dhammaantood yiraahdeen). Culimada waxay yiraahdaan "AL-CIBRATU BI CUMUUMI LAFDI LAA BI KHUSUUSI AS-SABABI" oo micneheedu yahay "Muhimadu waa dulucda hadalka ee ma aha sababta uu ku yimid".

2) Culimada sharaxday xadiiska dhammantood waxay yiraahdeen xadiiska wuxuu tusaayaa inay haweenay aysan madax noqon karin. Waa fulay nin aan daliilkiisa sheegine, arintaa waxaad ka helaysaa FATXU AL-BAARI wuxuuna xaafidku soo guuriyay inay CULIMADA KU IJMAACEEN inaysan haweenayda madax noqon karin.

3)Waxaad tusaale usoo qaadatay BALQIIS. Nabadoonow taasi waxay tusaysaa cilmi yaridaada xaga Islaamka sababahan soo socda dartood:
1)Balqiis waxay ka mid aheyd umadihii naga horeeyay xukunkoodana ku dhaqmi mayno hadii ay Diinteenu noo sheegto xukun ka duwan (waana arrin ay CULIMADU u dhanyihiin).
2)Balqiis waxay madax aheyd inta aysan raacin Nebi Suleymaan ka hor(markii ay GAASHA aheyd oo aysan soo Islaamin)markii ay muslim noqotoy Nebi Sulaymaan ayaa madax ahaa.
3) Hud-Hud markuu u warbixinaayay nebi Suleymaan wuxuu ku yiri "Waxaan soo arkay reer Saba oo ay HAWEENAY madax u tahay" halkaa waxaa ka muuqaneysa inaysan caado jirta aheyn inay haweenay madax noqoto.

4) Nabadoonow waxaad taariikhda Islaamka iiga soo bixisaa haweenay kaliya oo madax noqotay??..waxaad dhihi doontaa Cumar Ibnu Al-khadaab ayaa haweenay u xil saartay inay suuqa madax uga noqoto..laakiin waxaan ku leeyahay arrintaasi ma sugna.

Daliilada aan hayo way fara badan yihiin laakiin ma doonayo inaan hadalka dheereeyo. Nabadoonow dadka qar ha ka tuurin hana isku dayin arrin Islaamku daaweeyay inaad ra'yigaada taagta darran uga hor timaatid. Arrimaha aad meesha uga hadashay mid mid ayaan daliilkooda u dul dhigi karaa laakiin waxaan diidayaa inaan bogag fara badan buuxiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaah

Walaal Naba-doon Allaha kaa abaal mariyo mowduuca qiimaha badan eed furtay inkastoo aan si ugu raacsanahay walaalkeen Abdalla fikradiisii ahayd inay jiraan mowaadiic ina la qeyr ah hadane maadaama aad furtay ood wakhti ku bixisay waxaan Allaah ka rajeynayaa badal khayr qaba.

Hadaan isku dayo inaan wax ka iraahdo mowduuca anoo Allaah weydiisanayo sugnaansho waxaan oran lahaa xadiiska aad soo qaadatay ee caanka ah ee Nabiga (scw) uu kaga hadlayo in aysan gabadha madax noqon karin ee ahaa (ma liibaanaan qoom ay gabadhi madax u tahay)waxaad tiri wuxuu ku saabsanaa reer Faaris oo waa arin khaas ah walaalow waxaan ku wediinayaa Nabi Maxamed miyuusan ahayn Nabi ku hadla waxyi oo aan iska hadlin? Oo soo tuu Allaah yidhi Nabiga (scw)kuma hadlo hawo ee wuxuu ku hadlaa waxyi loo waxyoodo oo kaliya, marka maxay tahay arin khaas ah ayuu ka hadlayey xadiiskaas. Teeda kale Balqiisa waxay ahayd naag gaal ah waagaas ay xukunka haysay markey islaamtayna waxay soo raacday Nabi Sulaymaan mana aynaan arag meel lagu sheegayo inay xukunkii sii heysay marka ma naag gaal ah ayey ku dayanayaan gabdhaheena cafiifaatka ah.
Midda kale waxaan jeclaan lahaa inaad noo sheegto meesha ay ku qoran tahay ama sheekha fatwooday in da´da dumarka hogaanka qaban kara ay tahay wixiii ka koreeya 40 jir.

Waxyaabo badan ayaan rabay inaan ka hadlo laakiin waxaan sugayaa aaraadiina.

Walaashiin Deggan

Sweden

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
TO: Deeqo & Degan.
Jazaakumu laahu khayran walaalaha muslimiinta ahow,waxaan ILAAHAY idiinka baryayayaa inuu idin ilaaliyo sida aad diinta islaamka u ilaalinaysan.
Run ahaanti ninka la magac baxay NABADOON waxuu ku qoray meelo badan waxyaabo dadka ahlu cilmiga iyo macrifada u saaxiibaka ay aad ula yaaban,waxaana hadaladiisa ka dhadhamaysa aqoontiisa diined inta ay gaarsiisan tahay & waliba boogo uu ka xanuunsan yahay oo uu hadba mid soo darxinaayo,xanuunka uu qabana waa mid iska macruufa oo daawadiisa ilaahay uun baa haya,waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu ka shaafiyo, jiradaas oo lagu yaqaan qofka ay gasho in uu madax adkaado,isla markaana cadaawad u qaado dadka walaalahiisa,waxaadna ka garanaysan halkan inuusan ehel u ahayn aqoonteedana lahayn masaa'ilka uu ka hadlaayo ee uu dad ku qodqodaayo,isagoo waliba markuu bilaabayay ka yara qajilay,balse markii qaar walaalaha ka mida waydiiyen mowqifkiisa iyo waxa uu u jeedo uu soo tufay wax isku dhex daadsan oo meel ay u jeedan iyo meel kale aan la kala garanayn.
Gunaanadkayga anigoo soo gaabinaya dadka muslimiinta ah ee soo booqda netkan sidaan anigu u arko uma baahna in looga sheekeeyo xarakooyin iyo masaa'il ulajeedooyin laga leeyahay. ee waxay u baahan yahiin in waqtigooda ay soo hureen loogu faa'iideeyo cidii wax ku dhaanta wax aakhiradooda iyo aduunkoodaba anfacaya.waana in loo daaya masaa'ilka fatwada u baahan dadka ehelka u ah,ee aan la iska dhex dabaalan wax aan cilmi loo lahayn,waayo qofku markuu ka jawaabayo shay diin ah macnaheedu waxaa weeye ILAAHAY SWT baa saas yiri ama RASUULKIISI SCW Baa saas sheegay marka ILAAHAY SWT iyo RASUULKIISA SCW oo lagu been abuurtana shay fudud maaha.
WAXAAN RAXMAANKA WAYDIISANAYA QOFKII JIRAN INUU SHAAFIYO,XAQANA NAGU SUGO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu caleykum Waraxmatullaah!


KU: DEEQO & DEGGAN!

Illaaheey kheyr ha idiinku badalo!

Runtii aad ayaan ula dhacay sida wacan ee aad uga qeyb qaadateen fikradihiinana uga dhiibateen mawduucan uu walaalkeen NABAD-DON meesha soo dhigay . Kheyr ayaan idiin baryey!

.....aan usoo noqdo mowduuceena. Waxaan aaminsanahay ficil kasta ama dhacdo kasta oo waqtigii rasuulka (scw) dhacday, ha ku socoto cid qaas ah oo aay markaas quseysay, waxay islamarkaas si toos ah u khuseysaa UMADDA maanta tusaalena u tahay.

Haddii aan tusaale soo qaadano, ku cunidda/cabidda cuntadda gacanta BIDIXDA rasuulku wuu naga reebay!. Maanacaaddas sabab ayeey laheyd oo nin saxaabi ah ayeey ku socotay, markaa ma la dhihi karaa raashin kucinsta/cabista bidxda nin qaas ah ayeey ku socotay? MAYA, weeyaan su'aashu.

Marka annigu sida gabdhahu qabaan ayaan qabaa; in aan la dhihi karin TAASI reer fullaan ayeey quseesay.

Laakiin mowduuca (debatka) yaana laga bixin, la isugu caroon, aanu kala faa'iideysano.


Your brother in ISLAM
Ansaari!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ma isku macnaa mise labo micno ayay kala leeyihiin SINAAN iyo ISKU MID?

Ka dhig in shirkadda FIAT soo saarto labo baabuur aynu dhahn FIAT 132. Labada baabuur waxay qaadaan kiiba afar qof. Waxay leeyihiin afar irdood oo laga galo. Haddii laamiga lagu eryo waa isku orod oo meesha loo socda isku mar bay tagi. Rinjiga marsan waa caddaan. Hase yeeshee mid waxaa saaran Matoor Bansiin ah kan kalena Matoor Naafto ah.

Haddii aan rabo in aan qof kale u sheego labada baabuur oo aan dhaho waa labo baabuur oo ISKU MID ah miyaan gafay? Mise waxaa ka haboon in aan dhaho waa labo baabuur oo SIMAN?

ISKU MID ma la macnaa SINAAN oo ma loo adeegsan karaa macnahood hadba sidii la doono? Ma tii la dhihi jiray kala dhigmo, kala dhihid isku macnaa?

Waxaan jeclaan lahaa in walaalaha dooddan ka soo qayb galay iga jaahil bixiyaan. Gaar ahaan Nabad-doon, MISKIIN, Deggan, Deeqo iyo Ansaari.

Igana guddoom qadarin iyo xushmad walaaltinimo.

Ilaahay Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Liibaan

Unrecorded Date
TO: DEEQO

Jazaakallaah Deeqo waxaan aad ula dhacay sida aad uga hadashay mawduucan iyo sida aad u qancisay akhristiyaasha. Mar kale ayaan waxaan ku leeyahay Jazaakalaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
KU: Samiira

Walaal waan ku salaamay, sidoo kalena walaalahay sidoo kale ayaa salaamay (deeqo, deggan, miskiin, walaalkiin, iyo ansaari).

Salaalntaas ka dib, marka hore ka raalli noqda soo daahitaanakyga waayo waan yara mashquulsanahay, aadna waan u jeclahay inaaynu wax kala faa'iideysanno , gaar ahaan si cilmiyeysan.

Marka hore walaashay samiira waxay i soo weydiisay su'aalo, laakiin marka hore hore waxaan jeclaan lahaa in anigu aanan ahayn mujtajid, ka fatwooda wax walba (sidii noo kale umbaan ahay). tan kale mar walba waxaan soo gudbinayaa haddii Alle yiraahdo culumadu waxay ku fadwoodeen iyo halka ay kaga fadwoodeen iwm, sidaa la adligeed hala is kaalmaysto.
Walaal su'aalahaagu way badnaayeen, Waxaana aan halkan ku falanqaynayaa arrinka dhaxalka oo al xiriiray mawduuceenna.

Walaal marka hore waxaad ogaataa in qofka muslimka ah laga doonayo adeecitaan uu Rabbigiis (SW)iyo Rasuulkiisaba uu adeecayo, sabatuna waxaa weeye Rabbi isaga ayaa na abuuray , isagaana garanaya sida ugu haboon ee uu mujtamacu ku noolaan karo, kuna dheellitirnaan karo. isagaa ina abuurtay, Isagaana garanaya baahideena guud (mid nafsi, mid usra iyo mid mujtamac-ba). Ilaahayna wuxuu yiri "Alle iyo Rasuulkiis adeeca".

arrinka dhaxalka waa xukun Alle, oo aayado qur'aan ahi ku cad yihiin, oo waadix ah , lagana hadli karin. In wiilku uu i dhigmo labo gabdhood. Balse waxaa la yaab leh dadyawga cadawga islaamka ku ah ayaa waxay iku andacoodaan in islaamku dumarka dulmiyay ? Maxaa gabadha wax yar loo siisay ?
waxaadse moodda inaysanba garanaynin xikmadda ka dambeysa iyo caddaaladda ijtimaaciga ah.
Tusaale. Waalid baa waxay ka tageen gabar iyo wiil, lacagtuna waxay ahayd 90 dollar, wiilkii wuxuu qaatay 60 doolar, gabadhiina waxay qaadatay 30 doolar. markaad fiirisid waxaa kuu muuqanaya in wiilkii lacag badan yahay? laakiin xigmadda Eebbe way qoto dheer tahay. Wiil lixdaankaas ayuu ka bixinayaa meher haddii uu guursanayo, wuxuu u arratirayaa xaaska uu guursaday, wuxuu bixinayaa raashinkii guruga. Laakiin gabadhiiwalaashiis ahayd haddii ay guursato, iyada ayaa lacag loogu darayaa, dharbaa loo iibinayaa, masruufna shaqo kuma laha ? 30 keedii doolar iyada ayaa iska leh, halka wiilkii uusan waxba la hari akrin, haddaba yaa lacag badan qaatay ? Tan kale dadyawga aqoonta aan lahayn ayaa waxay moodaan in arrinku yahay arrin ku xiran qiimaha wiilka iyo qiimaha gabadha ? Balse waxaan la oran karaa waa arrin ku taxa luqa dhanka maaddiga oo kaliya ? oo waa kaalmo la siinayay wiilka si uu uguto xaqa lagu leeyahay.

Haddii la yiraahdo arrinkani waa mid ku taxa luqa wiilnimada iyo gabarnimada, waxaa isla arrinkaas ka jawaabaya qur'aanka. Waayo hooyada iyo Aabuhu marbay isku dhaxal yihiin. (Weli kullu abaweyhi sudus) (Al-nisa). oo waxaa su'aal ah , miyeysan markani hooyadani ahayn naag? aabuhuna ahayn nin ?

Haddaba arrinku waa arrin ku xiran maaddi, ee ma aha mid ku xiran qiimaha ragga iyo dumarka.

waxaa lagu qiimeynayaa qofka "taqwadiisa oo qura".

sidaa la adligeed walaal samiira waxaan rajaynayaa inaan kaa qanciyay arrinkan aad isoo weydiisay,daliilna qur'aanka ayaa inoogu filan.

arrimaha kale dib ayaan uga hadli doonaa, sidoo kalena , jawaabaha ay iga sugayaan "deeqo " iyo deggan waan soo gudbinayaa haddii alle yiraahdo.

Walaalkiin Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu caleykum!


KU: WALAALKIIN!


"SINAAN iyo ISKU MID" waa kala macno haddana isku macna ah.
Waa kala macno oo midba sifadiisa gaar ahaaneed ayuu wataa, waana isku macno oo is-qaadan kara hadbana sifadda iyo sida loo adeegsado (loo dhaho) ayeey ku xirrantahay. HADALNA WAA MARGI OO KALE! xasuuso taas!

Illaahayow Noo Naxariiso.

--------------------------------------------------------------------


Ku: Nabad-doon!

Jazaakallahu kheyran yaa akhii Nabad-doon.
Aad baad anniga iigu faa'ideysay!

Tusaale fiican ayaad bixisay!

See you soon insha'allah!
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
TO:Walaalkiin:
walaal marka hore waa sida uu uga jawaabay walaalkay Anssaari,
Anigu waxaan arkaa farqi ayaa u dhexeeya labadaas arimood meelo badan meela kalena waxaad mooda inay isku mid yihiin,
Tusaale hadaan usooqaato oday haduu dhinto asuu katago wiilal iyo gabdho dhaxalka uma sina oo si iskumida umawda helayaan dhinaca kalena xaqa ilaahay iyo waa usimanyihiin.
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu alaikum Waraxma

Waad salaamantihiin Culimo iyo caamoba.

Mawduuc aan dhihi karro waa muhiim fahamkiisu ayaad furteen, laakiin nasiib xumo, waan mashquulsanaa oo wax firaaqo ah uma aan helin inaan isticmaalo Internetka.

Gabadhu madax manoqon karto.
wey shaqeyn kartaa, laakiin shuruudo ayaa ku xiran shaqadeeda.
Diyadeedu waa 50 halaad; raga haafkiis.

Insha Allah, wakhti badan la'aanteed ayaan ukhori karin war farabadan, laakiin waxaa rabaa inaan idiin tilmaamo kitaab aad ufiican oo aad kaheli kartaan jawaabahaas oo dhan.
Kitaabka waxaa layiraahdaa "Axkaamul Mar'a" waxaa qorey Sheekh C/kariim Seydaan. Kitaabkaan waa kitaab aad muhiim u ah oo faa'iido badan leh.

Waxaa kaloo jirta cajalad vidio ah oo uu duubey Akh magiciisa layiraahdo Sheekh Maxamuud Shibli oo degan wadanka Holland, waana soomaali. Cajalada waxaa magaceeda layiraahdaa " Sawaaciqiqul mursala calaa Turaabiyatu Soomaal" waa cajalad cusub waxaa laduubay june sanadkan aan kujirno.

Intaas ayaan kusoo koobayaa.

Salamu alaikum

DrWho

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jubayr

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum dhamaantiin meelkasta oo aad joogtaan salaan kadib waa mawduuc u baahan cilmi iyo taqwo,iyo waracnimo waa mawduuc ay u baahantahay in laga dheeraado tacasubiuo hawo in laraaco.
1-gabadha diyadeedu waa ninka barkiis 50 halaad
maxaa u daliil ah?
xadiiska dhehaaya gabahd diyadeedu waa ninka barkiis waa daciif in kastoo duruqdiisu badan tahay,wxaaana diciifiyay zaylici nasbu raayah,albaani,ibnu xajar,bayhaqi.
Waxaa jira xadiith dhehaaya wa ina nafsa mi,ta ibil oo ah naftu waa boqol halaad, xadiithgkaasi wuxuu ku sugan yahay kitaabkii camar ibnu xazmi oo ahaa kitaab mash,huur ah aadna loo yaqaano inkastoo senadkiisa uu kujiro sulaymaan ibnu daa,uud alyamaami oo daciif ahaa laakiin xadiithku waa mash,huur oo culimda fuqahadu waa wada daliishadaan laakiin xadiithkaan waxaa cadeeyay fahamkiisa saxaabada waayo iyaga ayaa ahaa kuwii la joogay markii nebigu dhehaayay iyo markii waxyigu soo degaayay.

Waxaan ognahay in usuulka macsuumka ah ee lasoo daliishado uu yahay sadex.
1-kitaabka alle
2-sunada nebiga
3-ijaamca, markii intaas la waayo waxaa ku xiga qiyaaska.

Hadaba waxaan og nahay in saxaabadu ku ijmaaceen in gabadha diyadeedu tahay ninka badhkiis waa hadii loo dilo kama laakiin hadii ula kac loo dilo waa loodili.

Waxaan ognahay in saxaabadii ay nebiga diinta naga soo gaarsiiyeen iyagana waxaa ka qaatay taabiciintii waxaa kasii qaatay kuwii ku xigay ee bal marka aan culimada dabagasha usuusha diinta aan kasoo qaato hadaladoodi iyaga oo isku waafaqsan.

Shaafici wuxuu ku yiri kitaabkiisa AL-UM sidaan onahayna imaam shaafici wuxuu leeyahy laba qowl mid hore iyo mid danbe macneheeduna maaha markuu magaalo yimaadaba inuu u fatwoonjiray sikaduan kii hore sababtuna ay tahay khilaafka asmaanta iyo makaanka ee qoluljadiidku wuxuuyahay markii uu helay in abadn oo axaadiis ah oo ka maqnayd ama xadiis daciif ah oo uu masalo u qaatay ayuu ogaaday markaas ayuu ka noqday.
wuxuu yiri sheekhu(mar hire iyo mar danbe ma jiro wax isku khilaafay diyada mar,adu inay tahay ninka badhkiis)majala 6aad,safxada 93aad.

Ibnu mundir oo ahaa ninka kaliya ee caanka ku noq day inuu soo raro ijmaaca loogana danbeeyo wuxuu yiri(ahlul cilmigu waxay isku waxay isku waa faqeen gabadha diyadeedu inay tahay 50halaad)kitaabkiisa al-ishraafu calaa madaahib ahlul cilmi majala 2aad safxada 139aad.
Ibnu cabdul bar wuxuu soo naqlin sidaas oo kale,kitaabkiisa tamhiid majalada 17aad safxada 358aad

Ibnu qudaamah oo ahaa raga maantay kitaabtiisa nina ka deeqtoomi karin wuxuu yiri(Umadu waxay ku ijmaacaday inay gabadha diyadeedu tahay ninka barkiis waxaa la xikaayoodaa inay ku khilaafeen laba nin oo kala ah ibnu culayi iyo asam kaasna waa qowl shaad ah oo khilaafsan ijmaacii saxaabadii kitaabkiisa muqniga.

Marka xadiithkaas saxaabada ayaa inoo sheegay oo raga ayuu khaas kuyahay ee walaalkeen bal saxaabada oo xadiithkaas u fahmi lahaa sidaad u fahantay miyaa dulmi dumarka ku samayn lahaa waayo ninka maanta dhahaaya waasidaas wuxuu sheegay in dumarka la dulmi jiray waqtigii saxaabada kii taabiciinta kii dawladihii muslimiinta oo dhan isguna dulmigii ayuu maanta baabi,in!!!!!!!!!!!

Labada nin oo khilaafay asxaabtii waa laba nin oo bidcoolayaal ah hadaanay bidcoolay ahayn wax bidco layiraahdoba majirto.

Arinka madaxnimada DEEQO AYAA IGA KAAFISAY.

WABILAAHI TAWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jubayr

Unrecorded Date
Hilmaani hadal kuma jirtee wxaan rabaa ninka yiri xanafiyada ayaa qabta ma abii xaniifaa yiri mise atbaacdiisi hadaad tiraahdo abii xaniifaayiri waa kidbi aan geedloogu soo gaban weligiisna ma.oran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaah

Waxaa mahad leh Allaha inoo sakhiray aaladdan oo inooga dhigay mid aynu isku weydaarsano wixii anfac inoo leh oo idil gaar ahaan diinteena. Waxaan Allaah khayr badan ooga rajeynayaa walaashay Deeqa oo si aad u wanaagsan oo faahfaahsan ooga hadashay mowduuca qaybtiisii ugu halisanayd, mana dhiibteen rayigayga hadaan arki lahaa keeda waayo muhiimadu waxay ahayd in xaq la cadeeyo mar hadey cadeysay xaqii oo aan rajeynayo inay asiibtay Ilaahay idinkii intaa ayaa inooga filan.

Nabadoona waan sugaynaa.

Walaalkiin: waxaan rajeynayaa in ay jawaabta kaaga filan tahay intaa hadaad rabtay in wax laguu cadeeyo waxaan ku raacsanahay walaalahay iga horeeyay.

Deggan

Sweden

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
KU:deeqo, deggan iyo miskiin

Marka salaan iga guddooma , kana raali noqda daahitaankan yar, oo waxbarashada ayaa i mashquulisay. Tan kale aad ayaan ugu faraxsanahay sida uu wadahadalku u socdo isagoo aan la is dhibaynin.
waxaan ka baqayaa in dadyawga halkan soo booqda , ay ku yara wareeraan daliilahaan iska hor imanaya , iyo qawlalkan kala duwan, iyagoo aan kala tarjiixin karin, sidaas darteed waxaan doorbiday inaan halkaan ku soo qoro daliilaha qolooyinka ogol iyo kuwa diidan in dumarku talo la saaran karo (xukmin karto).Si markaa cilmina looga faa'iideysto ,dadkuna labada daliiloodba ay arkaan.
ku : miskiin

walaal waad yara hadal adag tahay, oo wixii meelo kale aan isku af garan weynay umbaad halkanna keentay, cilmi goobtan in lala yimaado ayaa habboon.

ku :deeqo
walaal waad ku mahadsan tahay warbixintaadii iyo daliishaadii,halkanna waxaan kugu siinayaa wixii aniga ii daliil ah, tan kale uma baahnid inaad si kulul u hadashid, adigoo i weydiin karaa daliil.

arrimaha ku saabsan xukunka gabadha.
ugu horrayntii waxaa habboon in dadka laga dharjiyo maxay daliishadaan qolooyinka diiddan, sidoo kalena maxay daliishadaan qolooyinka ogol.
kuwa diiddan:

waxay soo daliishadaan xadiiskii caanka ahaa ( qoomkii gabar u dhiibta danahooda, ma aflaxaan.
waa xadiis saxiis. sidaa darteed qolooyinkan waxay leeyihiin xadiiskan ayaa inooga filan. (tan kale jamhuurku wuxuu qabaa arrinkan, laakiin ijmaac ma aha). Sidoo kale qolooyinkan waxay yiraahdaan sababta aan xukun loogu dhiiban karin waxaa weeye.
1. gabadhu way caadifad badan tahay, sidaa darteedna caadifad looma rabo xukminta.
2.xukminta waxaa looga baahan yahay ra'yi dhamaystiran, sidaa darteedna gabdhuhu waa naaqis.


haddaba maxay noqon qolooyinkan qaba in gabadhu xukun ay qaban karto (talo la saaran karo).

marka hore qolooyin badan baa qaba in gabadhu ay san ragga waxba dhaamin, xukunna ay qaban karto.
labada qodob ee ah in gabadhu ra'yigeeda yar yahay, iyo caadifada waa arrin aan haba yaraatee haysan wax daliil qadciyan ah. sababtoo ahna madhabta Imaam abu muxammad ibnu xazmi (RA)(daahiriyada ah)waxay qabaan in gabadha ay qaban karto xukun , madhabtanna waa xarfiyiin, oo xarfaha ayay ku dul istaagaan, hadduu jiro wax nas qadci ahna maba uusan dhaafeen.

Imaam abu Xaniifa (ra)wuxuu qabaa in gabadhu ay ka xukmin karto, meel kasta oo ka marqaati furi garto, waxaana uu ka reebay meelaha ay marqaati furi karto xadka. Wuxuu qabaa in gabadhu aysan ka marqaati furi karin meelaha xadka ah, sababtoo ah waxay u badan tahay in haddii la kulanto dil,ay ka jeedsato, oo aysan markaa arkin, sidoo kalena xishoodkeeda ayaa u diidaya inay argato zino.
laakiin wixii ka soo hara way ka marqaati furi wayna ka xukmin.
Qolooyinka ogol waxaa ka mid ah.
Al-imaam abu jacfar al-tabari (ma aha ibnu jariir tabari, sida dadka qaarkii isku qaldaan), waa Imaam madhab lahaa (dabariyiin ayaa la oran jiray, waana muxadis, mufasir, faqiih ahaa, waxaana uu qabaa in gabadhu meel walba ay xukun ka qaban karto (waxaana uu soo daliishaday aayad qur'aan ah " wa in xakamtum bayna naasa , an taxkumuu bil cadli", oo ah Haddaad dadka kala xukminaysaan, si caddaalad ah ukala xukmiya), waxaana uu yiri amarkani rag iyo dumarba waa ku socdaa.

Illaa imminka waxaynu haynaa saddex madhabood oo qaba in gabadhu wax xukmin karto.
(madhabta, ibnu xazmi, madhabta tabariyiinta walawbaay san hadda sii noolayn arday la,aan darteed, iyo madhabta xanfiyada oo ka reebtay dhana qisaasta). Sidoo kale waxaa kaloo qaba xasanul basari (RA), Ibnu qaasim maalikiya, ibnu cabdi salaam, sidoo kale waxaa qaba madhabta al-khwaarizmi iyo weliba mud´xadithiin badan.Sidoo kale Imaam al-quraafi si cad ayuu daaha uga qaaday arrinkan. sidoo kale ibnu cabdi bir waxaa uu sheegay in saxaabiyadda la yiraahdo al-samraa bin maliik al-asadiya arrin xisaabaad ah loo xilsaaray iyadoo rag lahelayay,xilligii makka , uu nebigu (SAW) joogay, Ibnu cabdi bir wuxuu yiri " arrinkan gabadha loo xilsaaray , waa qayb ka mdi xukun qaadista". Sidoo kalena culummo badan oo casrigan ah ayaa qabta.
aan u soo laabanno xadiiskii ay daliishadeen qolooyinka diidan.
waa sida la sheegay waa xadiis saxiix, balse waxaa la isku haystaa waa khaas iyo ma aha.
walaalka yiri ma aha khaas, waxaa uu soo qaatay qaaciddada usuuliga ah ee ahayd "cibradu waa dulucda hadalka ee ma aha sababta". marka hore waxaa habboon in qaacidadaas naftigeeda ugu laabanno culumaa'ul usuulka. culumaa'ul usuulka way isku khilaafsan yihiin "hal cibratu bi cumuumi lafti, aw bikhusuusi sabab" (cibradu ma dulucdaa hadalkaa mise waa sababta hadalka uu ku soo degay".
Tusaale Al-imaamu al-shawkaani ee ka mid ah culumada usuuliga buuggiisa "RASHAADIL FAXUUL ILAA TAXQIIQIL XAQI MIN CILMIL USUUL" wuxuu qabaa in cibradu aanan mar walba dulucda hadalka ahayn.

sidoo kale ibnu cabbaas , ibnu cumar iyo asxaab kale waxay tilmaami jireen muhiimmada sababu-nusuulka, haddii kale waxaa halis ah in aayaadkii mushrikiinta ku soo degay lagu cammimo muslimiinta (sida: khawaariji samaysay).
Sidaa darteed xadiiskaasi looma qaadan karo si guud sababahan awgood.

1. iyadoo xadiisku uu sheegayo in qoom talo u dhiibtay gabadh aysan liibaanaynin, haddana aynu ognahay waaqican maanta ah in ay jiraan gabadh talo loo dhiibtay, ee aan halaagin dadkeeda , bal ka maamul fiican ragga madaxda u ah waddamada muslimiinta (walawba naagahani ay yihiin kufaar, ragguna yahay muslimiin, maxaad u malaynaysaa hadday dumarkani ahaan la haayeen muslimaad?)
2. xadiiskani waxaa uu si toos uga hor imaanayaa qisadii balqiisa , ee uu qur'aanku in baray.
balqiisa waxay ahayd kaafirad, balse dadkeeda ayaa talada u dhiibtay, illaa ay liibaan adduun iyo mid aakhiraba u keentay. Tan kalena xadiisku waxaa uu tilmaamayaa (qoom) talo saartay(gabadh), sidaas la adligeedna waaqaca ayaaba inatusay inay jirto (qoom) talo saartay (gabadh) oo liibaanay, qur'aankuna ina baray sida arrinkaasi u dhacay, iyo liibaantii ugu weyneyd ee ay gabadhaasi gaarsiisay qoomkeeda. (sidaa darteed aayaddaas ayaaba xadiiskan ka dhigaysa mid khaas ah.
Midda kale su'aalaha la iweydiiyay ayaa waxaa ka mid ah (maxay balqiisa xukunka u dhiibtay, markii ay muslintay, taasi waa arrin cad, oo siduu ilaahay qur'aankaba innagu baray xukunka waxaa u shardi ah " cilmi iyo ammaano)(yusuf), sidaa darteed balqiisa xukunka waxay ku wareejisay Nebi sulaymaan oo loo waxyaado, kagana habboon xukunka, ee arrinku ma ahayn, labnimo iyo dheddignimo.
tan kale immisa rag ah ayaa qoomkooda halligay ?
Su'aasha ugu dambaysa waxay ahayd: bal taariikhda islaamka ah ka soo saar naag xukun loo dhiibtay.
yaa akhii taariikhda islaamka waa laga helayaa, waxaa ka mid ah hadalkii inu cabdi bir (saxaabiyaddii al samraa), sidoo kale sayidnaa cumar wuxuu suuqa madiina u xil saaray saxaabiyad alshifaabint cabdullaahi alcudwiyah, waana arrin sugan ee yaanan la is moodsiin, (qolooyinka diidan xukunka gabadha ayaa is moodsiiya taariikhdan).

Tan kale waxaynu ognahay in caa'isha (RA) ay u baxday arrinkii siyaasadeed ee ay u arkaysay in habboon tahay in wax laga qabto (qisaastii Cismaan binu cafaan(RA) , waxayna hoggaaminaysay saxaabadii kuwooda cilmiga u saaxiibka ahaa, waxaa la socday labo ka mid ah kuwii jannada loo bishaareeyay, dabcan caa'isho (RA) way ka shallaysay mawqifkeeda siyaasadeed, laakiin kama ay shallayn u bixidda iyo hoggaaminta ay asxaabta hoggaamineysay (farqi baana u dhaxeeya).
Tan kale taariikhda islaamka lagama helayo qof dumar ah oo takhtarad ah, taasi macnaheedu ma waxaa la oran karaa wixii taariikhda laga waayo waa xaaraan ??

Waxaan filayaa hadalka waa idiinku dheereeyay, raalli noqda.
ku:deggan
arrinka ku saabsan 40 jirka iwm.
walaal waxay ahayd su'aal maskixiyan ah ayay mararka qaarkood weydiiyaan qolooyinka diidan talo saarashada gabadha, oo waxay kugu oran , xilliga caadada, nuujinta, nifaaska, uurka iwm gabadha waxaa laga yaabaa iney hawshii dayacdo. jawaabta ayaa waxay noqotay (haddii taas lagu cilladaynayo , bal ka warrama haddii ay xaaladahaasi oo dhan gudubto (yacni da' ahaan) isla markaana cilmi iyo ammaanaba leedahay ??


arrinka ku saabsan diyada ma aha "ijmaac mustayqin ah". waxaa la hayaa aayado, iyo xadiis saxiix ah, tan kale labada fuqaha ee diiday ijmaaca , haddii ay diidaan ijmaac mustayqin ah waxaa la oran lahaa wax ka weyn bidcoolayaal.
asxaabtu haddii ay qaar tirina, fadwadu waa mid ku xiran zamanka iyo makaanka.(dib baan kadhamystiri doonaa haddii aan waqti helo)

Arrinka shaafici, waa arrin si toos ugu taxaluqay samanka iyo makaanka, fadwaduna waa mid ku xiran samanka, makaanka, curfiga, aqoonta loo leeyahay waaqaha, waa arriin culummadu u dhan yihiin.

intaasi waa culummada ogol iyo culummada diidan xukunka gabadha


walaakiin

Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suaal

Unrecorded Date
salam calaykumm

mahadsanidiin waana funny in la helo meelo aad kaga hadlaysan diinteena haddaba waxan maqlay in dumarka hadalkoodu yahay cawro ee maxaa ka jira?
Dumarku ma shaqaysankaraan guriga dibadiisa mise sida Sucuudiga ayay diintu ku waajibisey inay guriga firiistaan?
labadaa su'aalood iiga soo jawaaba

mahadsanidaan
wasalam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Assalamu alaikum

Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa dhamaan inta sida suuban uga qaybqaadatay dooddan
Waxaan ku faraxsanahay sida aqoontu ka muuqato ee laysu dhaafsano doodaha inkastoo dadka qaarkood tarraaraxayaan oo usluubul xiwaar in yar ka leexanayaan.
Waxaan in badan ku raacsanahay walaalkeen Nabad-doon sida aflagaado la'aanta ah ee uu usoo dhiraandhiriyey daliilkiisa isagoon ka tegaynin dadliilka Culumada kale ee kasoo horjeeda siduu qabo taasina waa usluubkaan ku naqaanay kutubta cilmiga ee Salafkeenii hore. Waxaan ka dhadhansaday qoraalkaagii walaalo Nabaddoonow daacadnimo iyo jawi deggan (dabcan, taas micneheedu maaha in dadka kale daacadnimo ku yartahay(.
Waxaan laakiin laaxiday arrintan:
Walaalada ku adkaysanaya inay diyada gabadhu tahay ninka badhii waxay qirayaan xadiiska Saxiixa ah ee qaba in naf kastaa 100 halaad tahay (axaadiista kalena daciif yihiin) hadana waxay ku adkaysanayaan siduu sheegayo cakiskeeda, ISLAMARKAANA waxay la yaabanyihiin meesha laga maray xadiiskan sheegaya xukunka gabadha. YACNII, XADIIS SAXEEXA AYAY LA YAABANYIHIIN SIDA LOO DHINAC MARAY, WAXAANAY DHINAC MARAYAAN XADIIS KALE...
Dacban waan ogahay kuwa dhinac marayaa inanaay idinka ahayn laakiin arinka meesha yaalaa waxa weeye UNA BAAHAN IN LA FAHMAA inuu jiro MUDT0-LAQ IYO MUQAYYAD, CAAM iyo KHAASH. Waxaana jira axaadiis badan oo culimadu ka raaceen nusuusta kale ee caamka ah sida kan xukunka gabadha oo kale oo culimadu qaateen nusuusta caamka ah ee kale.
Tusaale ahaan Islaamku wuxuu shuruud uga dhigaa xukunka laba shay, AL-AMAANAH iyo AL-QUTDRAH. Labadaasna waxaa cadaynaya nusuus Quraaniya iyo Axaadith Saxiixa.

MIDA KALE
Waxaa jirta iyaduna Xadiith kaa sheegaya inaanay aflixin qoomkii maamul gabadh u dhiibtaa, in XADKA MAAMULKA LAFTIISA LAYSWEYDIIYEY. Maamulku wuu fara badan yahay markaa waa halkee halka ugu saraysaa? Tusaale ahaan, ma guddoomiye ururbaa? Ma mid madarasadeedbaa, jaamacadeedbaa, urur farsameedbaa (professional organisations) sida kan dhakhaatiirta, shaqaalaha, kalkaaliyayaasha iwm?
Ma wasaaradbaa, ma xubinnimo baarlamaanbaa (sida tan laga diidanyahay Kuwait inay dumarku codka bixiyaan lana siiyo) maayorbaa, raa'iisal-wasaaraa, madaxweynaa, khaliifnimaa? ILLEEN XADIISKA RASUULKU (Salallahu calayhi wa salam) MUU CADAYNIN AMARKAASE. Taasi waa ta keentahay inay Culimada qaarkood yidhaaheen wixii kasoo hadha Khilaafada way qabankartaa.

TA MUHIIMKA AH:
Waxaa muhiim ah in la ogaado marka hore in CIDDII QABTA GABADHU GURIGA INAY FADHIDO (oo "WA QARNA FII BUYUUTIKUNNA" u arka inay caam tahay dumarka Nebigana [Salallahu calayhi wa salam] aanay khaas u ahayn) ay si toosa (automatically) u qabaan inaanay xukun qaban karin kuna soo dhawaan karin. Kuwa qaba in codkeeda in la maqlaa tahay cawro (sida tan ay/uu "su'aal" warsanayo/so) waxaanuu shaki inagaga jirin inay qabaan xukunbaad sheegtee aanay irida dhaafi karin. Fiqqigan ah Dumarku inay guryahooda ku jiraan hadda wuxuu ku badanyahay ardul-khaliij oo Muslimiinta caalamka aan ka ahayn 10%, laakiin baryahandambe waxay qaadanayaan rayigan kale oo waa kuwan ogolaaday sida culimada Qatar iyo kuwan Kuwait ee hadda afjarmay.

WAXAA KALOO MUHIIM AH
In la kala saaro shuruudaha iyo xukunka sharciga ah. Tusaale ahaan haday madaxnoqoto gabadhi ma safri karto keligeed, khalwo ayaa dhacaysa, ikhtilaatd ayaa dhacaya...iwm. Ogolaanshaha xukun-qabadku ma ku xidhna ogolaanshaha kuwan dambe waayo kuwani waa axkaamkjirta haday tahay madax iyo hadii kaleba. Shuruuday noqonayaan.
Mida kale hadii nidaamka la Islaamiyo (Islamization of the whole system) way kasoo bixi kartaa.

SIDAA IYO AQOON-ISWEYDAARSI WACAN.
F.G: MARNABA MA BANAANA IN LIXDII XAQ EE DIINTU INA KALA SIISAY LAGU XAD-GUDBO QOFKA KU XAD-GUDBAANA DIIN INUU KA HADO WAA LOOGA WACANYAHAY. YAYNAAN IS XAQIRIN, IS-HOOJIN KUNA DEDAADNO INAYNU KU DAYANO SALAFKA AYNU U ABTIRSANAYNO.

WAAD MAHADSANTIHIIN.
XUSUUSTANA AARINTAN AYNU KA HADLAYNAA WAA CIBAADO E.. "WA MAJTAMACA QAWMUN FII BAYTIN MIN BUYUUTILLAAHI ILLAA........... , Al-xadiith.

Waan degdeg sanahay
wa salamu alaikum
Walaalkiin
Muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA.

To: Nabdoon.

Run ahaanti ma hadal adki,balse waxa hadalada iga keenay inigoo kuu arka in aadan xaqdoon ahayn,waxaana filaya inaad jeclaysatay ugu danbaynta Nabadoonow in netka dad badan kaaga tagaan,wayo doodna laguma jiri karo waxad soo qortana looma dulqaadan karo.taasna waxa u daliila.

Kow mawaadiicda aad furaysid ma aha kuwo aad la doonaysid in cilmi lagu kala kororsado ee waa kuwo aad ogtahay waxa ka soo noqon kara.tusaale ahaan labadaadi mowduuc ee ugu danbeeyay.ee ahaa XUQUUQDA GABADHA MUSLIMADA & JIRITAANKA XARAKOOYINKA MA WANAAGBA MISE XUMAAN.midwalba dadka kama aad shaafin ee intaad soo tuurtay bad ka tagtay.waadna garanaysa doodooda in dadka aan diinta waxba ka aqoon aysan ka qayb qadan karin, kuna sii fidnoobayan oo meelaha dadka diinta looga bilaabo aysan ahayn.

Mida labad waxaan kuu arkaa in aysan daacad kaa ahyn in walaalnimo wax loo kala faa'iidaysto,waayo hadba meesha aad u dan leedahay bad qurxinaysa hadii ay kaa hor timaadona waad xumaynaysa oo liidaysa. taasna da'biga ahlu cilmiga maha,waxaana u daliila mawduuci hore ee ahaa EEDAYN, SHOWKAANI RAXIMAHU LAAH WAXUU AHAA NINKAD TASQIIRINAYSAY OO AAD DALIILKIISA DIIDAYSAY ADIGOO YIRI NIN HEBEL, hadana waxaad tiri AL IMAAM AL SHOWKAANI OO KA MIDA CULIMADA USUULKA.markaa miyaysan ahayn markad xoga ku aragtana waa sheekh markii kalana waa hebel,see marka lagaaga faa'iidaysanaya ama wax u faa'iidaysanaysa nin meel dhexada oo xaqdoonaba ma ihide.waxaana raacraacaysa hadba meesha ruqsadu ku jirto CULUMADUNA WAXAY DHAHAAN MAN TATABACA RUKHASA CULAMAA'A TASANDAQA.oo macnaheedu yahay meelaha la fudfudeeyo qofkii raadraadsada diin laawe ayuu noqda.

Mida sadexaad ee ah in cilmi goobta looga baahan yahay,waa runta balse waa haduu cilmi wax anfacaya yahay ee cilmi oo dhan maaha,hadaad mooday inaad adigu cilmi keentayna,bal ilaah baan kugu dhaariye waxaad qortay fiiri, HAL SANAD MA AADAN KEENIN,INUU SAXIIX YAHAY IYO INUU SAQIIM YAHAY MA AADAN SHEEGIN,SAFXADA UU KU YAAL IYO KITAABKI MA AADAN SHEEGIN,waxaad kaliyo hal mar tiri AL IMAAMU SHOWKAANI BUUGIISA,RAASHIDIL FAXUUL ILAA TAXQIIQIL XAQI MIN CILMI USUUL,markaa ma cilmi baa la dhihi karaa qof maanta dhan leh sheekhasi waxuu yiri oo inay sugan tahay iyo in kale sheegin.

Ugu danbayntii anigu mawaadiicdaada noocana inaan kaala doodo diyaar uma ihi,balse hadaad sanadka waxyaabaha aad ku andacoonayso soo qorto waan soo dabo galayaa,intii ay aqoontayudu gaarto,waxaanse kuugu nasteexaynaya ninyahow faraha ka qaad mawaadiicda noocan ah,hadaadan ka qaadayna uga hadal si cilmiyaysan,adigoon cidna kula doodayn ee waxaad kutubta iyo culumada ka soo guurisay sheegaya,iyo sida jamhuuru culumaa'u salaf ay qabaan,waxaana xaqiiqo ah hadaad saas u soo qorto in aadan arki doonin dad badan oo kulaba dooda ee meeshi xooga kaa hoos baxda laguu toosin doono cidii kugu dhaanta.hadaysan saas jirin waxaa laguu arki doona nin nasuusta burburinaya,isla markana aysan ikhlaas ka ahayn ee ulajeedoyin leh dadna ay dhegta wax ugu soo akhriyeen ee aan cilmi iyo xaq meesha la imaan.

GUNAANADKAYGA INAAN KUGU GAFO UMA JEEDO EE WAXAAN DOONAYA IN AADAN KU SIBQAN ARIN KHATAR AH,OO AAD XUKMISO XUKUN AAN ILAAHAY & RASUULKIISU XUKMIN.MARKA WAA IGA NASTEEXO.

ILAAHAY SIDA SAWAABKA HA INA WADA TUSO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku: Miskiin

nasteexo wanaagsan marka hore, mahadsanidna.
tan kale kulaylka umbaa kuu diidaynaa iyo hadallada aadan ka fiirsan ee qofka muslimka afkiisa ka xaaraanta ah.

tan kale walaale waxaad mooddaa inaad yara deggan tahay (joke), waana wax wanaagsan.
arrinka ku saabsan mawduuca, ugu horrayntii waxaan iri haddii la xiiseynayo halaga hadlo, midda kale waa arrin ay dadku in badan is weydiiyaan, tusaale waad garanaysaa aragtida ay dadka qaarkiis ka qabaan xarrakooyinka, oo ay u arkaan kuwa burburinaya diinta, dhexdoodana isku midiyo lisanaya, sidaas darteed miyeysan habbooneen in lagala hadlo oo la tuso in cid aan iyaga ahayn oo u maqan aysan jirin, sababtoo ah dadkaaga aan ku fahmin waxaa halis ah iney fahmaan cadawgooda, oo isla markaa ay noqdaan walaalahaa oo laguu adeegsado, kadib markii magacyo kala duwan kuula baxo cadawgaaga (asal raac, seef la bood, ....), sidaa darteed waxaan u arkayay inay dadku si nasteexo leh (iyadoon xarrako la ammaaneyn, midna la caaynin)looga munaaqishoodo, si dadku markaa u ogaadaan in cid aan xarrakooyinka ahayn oo u maqan aysan jirin , qaladaadkoodana in la buunbuuniyo aysan ahayn. Arrinkaasna ugu horrayntii waxaan ogaanayay iney dadku xiiseynayaan, markaan arkayna waan ka qayb qaatay.

tan kale daliilaha , waxaan u malaynayaa inay dadka kale ee walaalahay ah marqaati iigu filan yihiin. haddaan keenay, culummadii, kutaabtii, axdiistii, culummada diidan arrinkan iyo daliishooda, kuwa ogol iyo daliishooda, si markaa dadku uga faa'iideysan karaan, waxaan filayaa walaalaha halkan soo booqda ayaan uga kalsoonahay waxa ay yiraahdaan.
waxaad tiri cilmi raadis kaama aha , dan kale ayaad wadataa, .....

Ilaahay (SW) ayaa daalacda quluubta, oo waxaan doonayay waxay ahayd in wax lakala faa'iideysto, qof kalena xaq uma laha inuu dadka xumaan ku tuhmo, runtiina walaal waad hadal adag tahay, waana iga nasteexo, ee bal yar sidii mu'miniitii u dhaqan oo markaa u dabacsanow mu'miniinta kale , kuna adkoow kufaarta (Ruxamaa'u baynahum, ashidaa'u calal kufaar..) (Muxammed).


walaalkaa

nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra

Unrecorded Date
walaalayaal marka hore salaan islaamka ah iga aqbala. saloaan ka bacdi waxaan la dhacay munaaqishadan xiisaha leh ee cilmiga ku dhisan, dhammaana waan idiinku mahadinayaa.

anigu aad baan ugu raacsanahay ninka nabad-doon la yiraahdo, daliilihiisana labada dhinacba wuu ka keenay, qolooyinka diidan iyo kuwa ogolna wuu keenay waana caddaalad, iyo cilmi raadis (ee miskiinoow isla yaab)

qofka la magacbaxay "deeqo", runtii waa qof ugu horrayntiiba kulayl ku soo galay, haddana aan la imaan daliilo dadka qanciya, iyo xujoo cad-cad.

isla qofkaas waxaan u arkaa inuu yahay nin qariyay magiciisa, oo ay meelo kalena isku haysteen nabad-doon, sababtoo ah:

1. way adag tahay in kulayl intaa le'eg lala soo galo, illaa ay wax ka dhaxeeyeen mooyee

2. qodobka labaad ee dooddiisa waxaa ku cad shaqsiga uu yahay, oo wuxuu yiri (...waan fulay nin aan sheegin daliishiisee...)
wixii uurka ku jiraa afku kaa xadaa

waxaase la yaab leh, maxaa ku qasbay inuu gabar magaceed ku soo galo ?? ma gabdhuhuu doonayaa inuu ku diro cidii kasoo horjeedda ?
waxaan soo jeedin lahaa in halkan doodda lagu ekeeyo, waayo labada qoloba waxay la yimaadeen daliilahooda, waana khilaaf qadiim ah.


walaal nabad-doon adiguna macduucaas aad furtay waxaan filayaa in la gaaray xilligii la soo xiri lahaa, maadaama lakala faa'iideystay.

Walaashiin

Nasra

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku:dhammaan walalaaha la socday arrinkan

waxaan rajaynayaa in la isku calool fayoobaado, qof walbana uu iska dhaafo tacasubnimada, raacana daliishii uu ku qanco.
hilmaani hadal kuma jiro:

ku:miskiin

walaal waxaad tiri , maxaad u sheegi weyday bogga(safxadda) kutubka iwm, walaal taasi kuma aanan heshiin mar ka hore, tan kale haddaan u arko in helliinkiisa uu adag yahay (axadiista iwm) , waxaan sheegaa nambarka axadiiska iyo kutubta, iyo qoraaga kutubkaas (eeg bogga : aflagaadad rasuulka loo geeystay). sidaas la adligeed waxaa halis ah inaad mar dambana tiraahdid" nabadoonoow ma aadan sheegin sadarkii ....".

waxaan rajaynayaa in mawduucani uu soo xirmi doono, haddii aan la xiiseeynin, haddiise cilmi baaris noqoto, oo si wada jir ah loo baaro, waxba kama qabo in la sii wado , laakiin biddaliil, iyo in weliba si daacadnimo ku jirto iyo asluub.


walaalkiin

nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Net-agent

Unrecorded Date
Salamu aleikum

To: All (Dhamaantiin)!

Waxaan idinla socodsiinayaa in dadka qaarkii dhowr magac oo kala duwan ay kusoo galaan meesha, ayagoo iska dhigaya ama sita magac DUMAR marna magac RAG.

Markaa waxaan rabaa in aan idinku nasteexeeyo in aad iska dhaaftaan qiyaamadda. Haddii dadka kula doodaya aysan ku arag Alle jalla wa calaa ayaa kuu jeeda, quluubtaadana daalacanaya.

Mida kale ma ogtihiin in la (Identifying)karo ama la ogaan karo dadka sidaa u dhaqma. Waxaa la soo heli karaa meeshuu fadhiyo yacnii kompiyuutarka (IP adresska) iyo meesha. Markaa Alle Cafis weeydiista hana u noqonina!

Annigu dadkaa ma ka shifayo balse waxaan u jeedaa waxyaalo isdabamarsan iyo dad is-badbadalaya.
Waa hebelna dhihi maayo. Dadkaasi waa ay is ogyihiin. Alle ka sokoow Alladan maanta waa lagu cadeyn karaa ee sidaa ha la ogaado.

Dooda si fiicana ha looga qeyb qaato, hana la iskadhaafo shaararka labadbadalayo.

Haddii kalena ha la iska dhaafo oo meeshaas halgu afjarro dooda.

Ogoow qof walba waa la kiritik-kareynkaraa, la sixi karaa, loona nasteexeyn karaa, markaa waxaan codsanayaa in xanaaqi iyo sidee wax la iigu sheegaa ama sidee waxaygu u qaldanaan karaan iyo anaa saxsan ha la iska dhaafo. Masalo wa laisku qaban jirey, waana la iska qancin jirey haddii kale ayar ayaa ayadoo labadda dhanba isu fiican yihiin ayaa lagukala carraabi jirey. Markaa ADAABTA diintu fareyso yaan laga tegin.

PS.Tan iyo intii aan baarida (SAHANKA)wadey waxaan arkey qof kaliya oo falkan ku kacay asna maanta wuu si-ogyahay.


God bless us!

Net-agent

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Ku: Nabad-doon

Ugu horeynta walaal waxaan kuugu naseexeynayaa inaad Allaah ka baqdid aadna iska daysid Axaadiista oo aad caqligaada uga hor imaaneysid. Sidoo kale waa inaad iska deysaa hadalada aan sugnayn oo aad culumada kasoo guurineysid. Naba-doonow, waxaad tiri waxaa haboon in dadka laga dherjiyo maxay daliishanayaan qolooyinka diidan iyo qolooyinka ogol inay gabadhu madax noqoto, hasayeeshee ma aadan keenin wax daliil ah oo fasaxaya inay gabadha madax noqoto daliilkii diidayna xujooyin taag-daran oo aan lagaaga horeynin ayaad uga hor timid. Radi gaaban oo maqaalkaada labaad ku saabsan ayaan halkaan kusoo gudbinayaa:
1)Waxaad tiri xadiiska Nebiga (S.C.W) uu ku "Ma liibaanayo qoom haweenay madax ka dhigtay" waxaa la isku haystaa waa khaas(gaar) iyo ma aha. Walaalow, Waxaad ii sheegtaa Ahlu Cilmiga yiri xadiiskan wuxuu gaar ku yahay reer Faaris? Kitaabka uu ku yiri?Boga uu ku yiri?. Nabadoonow hadaadan su'aalahan ka jawaabin sow daliil uma aha inaad ahlu cilmiga ku been abuuratay. Aniga, iyo dadka kaloo xaqa jecel, waxaa noo cadaynaya inuu xadiiska gaar ku aheyn reer Faaris Wariyaha xadiisaka laftiisa (Abuu Bakrata). Bukhaari wuxuu ku wariyay kitaabkiisa saxiixa ah in ( saxaabiga Abuu bakrata(Radhiyallahu Anhu) uu yiri: Illaahay wuxuu igu anfacay maalmihii ratiga kalmad aan ka maqlay Rasuulka(S.C.W) kadib markii aan ku sigtay inaan ka dhinac dagaalamo kooxda ratiga wadatay. Markii lasoo gaarsiiyay Rasuulka(S.C.W) in Ahlu Al-faaris ay madax ka dhigteen gabar uu dhalay Kisraa ayaa wuxuu yiri:"Ma liibaanayo qoom madax ka dhigtay haweenay") xadiiska lambarkiisu waa 4425 iyo 7099. Al-Ismaaciili wuxuu isnaad saxiix ah ku wariyay in Abuu Bakrata(RA) uu yiri "Waxaan gartay in kooxda ratiga wadatay aysan liibaanayn" (sababtoo ah Caa'isha (RA) ayaa dadkii horsocday ka mid ahaa). Arintaan waxaa sheegay xaafidka markuu xadiiska sharxaayay. Culumada waxay dhahaan "Wariyaha xadiiska isaga ayaa ku aqoon badan wuxuu wariyo". Xaafidku wuxuu imaam Al-khaddaabi kasoo guuriyay inuu yiri: "Wuxuu xadiiska daliil u yahay in haweenayda aysan madax noqon karin garssorena aysan noqon karin"ugu noqo sharaxa xadiiska.

2) Waxaad tiri "iyadoo xadiisku uu sheegayo in qoom talo u dhiibtay gabadh aysan liibaanaynin, haddana aynu ognahay waaqican maanta ah in ay jiraan gabadh talo loo dhiibtay, ee aan halaagin dadkeeda , bal ka maamul fiican ragga madaxda u ah waddamada muslimiinta (walawba naagahani ay yihiin kufaar, ragguna yahay muslimiin,maxaad u malaynaysaa hadday dumarkani ahaan la haayeen muslimaad?)" Subxaanalaah!!!!Nebiga (S.C.W) wuxuu leeyahay " Ma liibaanayo qoom madax ka dhigtay haweenay" adiguna waxaad leedahay WAAQICAN MAANTA AH. WALAAL Allaah ka baq..Allaah ka baq..Allaah ka baq..oo ha uga hor imaan xadiiska Nebiga(S.C.W) caqligaada daciifka ah. Nabad-doonow, xadiiska Nebiga(S.C.W) waa saxiix laakiin caqligaada ayaa bukee isaga daawee oo diinta ku daawee.

3)Waxaad tiri Caa'isha ayaa arin siyaasadeed u baxday..walaal Caa'isha madax ma noqon madax raadisna ma ahayn ee waxay u socotay arin sulxi ah (heshiis)sidaasna culimada ayaa tiri dib ugu noqo sharaxa xaafidka iyo Albidaayah Wanihaayah. Mida kale waxaa qabsaday raawiga xadiiska isaguu usoo daliishaday xadiiska nebiga. Waxaa tiri saxaabta ayaa la socotay, walaal asxaabtu caa'isha madax kama dhigan. Waxaad tiri way ka shalaysay mawqifkeeda siyaasadeed, walaal Caa'isha xaq-doon ayay ahayd ee uma socon siyaasad asxaabta kale oo kasoo horjeedayna xaq-doon ayay ahaayeen. Arinta Balqiisa horay ayaan kuugu sheegay. Jawaab daliil wadatana kama bixin ee caqligaada ayaad ku furdaamisay. Nabad-doonow qof waliba caqli wuu leeyahay, ee daliil aa lagaa sugaayay mana keenin.

4) Waxaad tiri "Tusaale Al-imaamu al-shawkaani ee ka mid ah culumada usuuliga buuggiisa "RASHAADIL FAXUUL ILAA TAXQIIQIL XAQI MIN CILMIL USUUL" wuxuu qabaa in cibradu aanan mar walba dulucda hadalka ahayn". Nabadoonow, hadalkan aad kasoo guurisay Imaamka waa hadal aan sugnayn oo aan jirin waxayna akhristiyaasha u muujinaysaa in hadalo badan oo aad u tiirisay culumada aysan raad lahayn. Si aan u cadeeyo arinkaas waxaan soo guurinaayaa hadalka saxda ah ee uu yiri Imaamka: "Madhabkaan (Muhimadu waa dulucda hadalka ee ma aha sababta uu ku yimid) ayaa ah mid xaq ah oo aan SHAKI & SHUBHO midna lahayn sababtoo ah adoomuhu waa inay Eebe ku caabudaan hadalka uu faro ee caamka ah, inuu hadalkaasi ku yimaado su'aal (dhacdo) gaar ahna ka dhigimayso mid ku kooban su'aashaas (dhacdadaas), RUUXII SHEEGTA INAY TAASI RUN TAHAY HA KEENSADO DALIIL U NOQON KARAAYA XUJJO, DADKA ARINTAAS KU ANDACOODAYNA MA AYSAN KEENSAN WAX DALIIL AH HABA YARAATEE" Alloow Imaamka kheyr sii oo u naxariiso ..hadalkan wuxuu ku yaalaa Irshaadu Al-fuxuul 1/486. waxaa cinwaan u ah "Al-mas'ala Ath-thaalith Wal-cishruun, Hadalka caamka ah oo ku yimaada sabab gaar ah". Sidoo kale Imaamka wuxuu yiri "Koox ka mid ah culumada looga danbeeyo Usuulka ayaa waxay sheegeen in "Muhimadu tahay dulucda hadalka ee aysan ahayn sababta gaarka ah ee uu ku yimid, waxaa la wariyay in arintaasi culumada ku IJMAACEEN sida uu kusoo guuriyay AZ-ZARKASHI kitaabkiisa Al-bahru Al-muxiidh" Irshaadu Al-fuxuul 1/480. Waxaa kaloo arintaa si fiican uga hadlay AZ-ZARKASHI kitaabkiisa Al-bahru Al-muxiidh 3/198, Mukhtasaru ibnu Al-xaajib 2/110. Nabad-doonow, culumada dhimatay ha ku been abuuran adoo u gacansiinaya shay uu diiday Nebiga(S.C.W).

5)Hadalada aad kasoo guurisay Ibnu Xazam, Ibnu cabdi bar waa hadalo aan sugnayn (Nabad-doonow waxaan kugu bartay hadal soo guurin aan sugnayn) culimadana waxay u tiiriyaan hadalo ka duwan kuwaas waana kuu soo guurin doonaa haduu Allaah yiraahdo. Waxaad ogaataa in ay waajib nagu tahay inaan raacno Kitaabka iyo Sunnada. Culumada hadalkooda haduu waafaqo kitaabka iyo sunnada waan qaadanaynaa haduu khilaafana waan ka tagaynaa waana sida ay qabaan Ahulu Sunnah Wal-jamaacah. Waxaase Allaah mahadiisa ah marka laga hadlaayo xukunka gabadha in Axaadiista iyo Culumada dhammaantood meel u wada jeedaan kuwa ka hor yimidna wax daliil ah haba yaraatee aysan haysan.

Akhristayaalow, axaadiistii aan sheegay iyo kutubtii kale dib ugu noqda hadaad heysaan, hadii ay noqon waayaan sidii aan u sheegay waxaad ogaataan inaan ahay qof been sheegay daliilna aan heyn. Laakiin Nabad-ddon xukunkiisu waa maxay haduu noo sheegi waayo AAYAD & XADIIS iyo hadal culumo oo sax ah iyo meesha uu ku yaalo???!!!

Nabad-doonow MA KEENI WAYDAY HAL HADIIS,& HAL AAYAD, MA KEENI WAYDO HADAL CULUMO OO SAX AH & MEESHA UU KU YAALO hadaba waxaad ogaataa inaad tahay qof isku dayaayo qoraxdaa cad oo iftiimaysa inuu gacantiisa ku daboolo laakiin suurta gal ma aha. Walaal kuwo kaa da'weyn, kaa cilmi badan, kaa aftahansan, kaa aragti dheer ayaa arintan ku fashilmay hadaba qar u haga dhicin walaal oo Allaah ka cabso..waxaad xasuusataa gabayaagii carbeed oo yiri "Waa sida Goodir geesihiisa ku hertinaaya buur aad u weyn si uu u jebiyo buurta laakiin Goodirkii uunbaa geesihii ka ja-jabeen"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Ku: Nasro

walaal ha isku dayin inaad qof kale ku eedeysid waxaadan hubin. Arinta aad igu tuhuntayna wax daliil cad ah uma keenin wax igu qasbaaya inaan saas sameeyana ma jirto..haday arintu tuhun iyo iska hadal tahay..adiguba waxaa lagu dhihi karaa "Hebel" oo dumar iska dhigay ayaad tahay waxaana shakigaa keeni kara: waqtiga maqaalkaada qortay waa September 8, 1999 - 07:31 am: qofka kugu xigana wuxuu maqaalka qoray September 8, 1999 - 07:40 am: maqaalka adiga kaa horeeya ee lagula hadlaayo Miskiin waxaa la qoray September 8, 1999 - 07:18 am: Qofka kaa horeeya iyo midka kaa dambeeyana waa isku magac adiguse maga ka duwan ayaad la baxday laakiin hadalkiina iyo hab qoraalkiinu waa isku mid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku: dhammaan walaalaha ka qayb qaatay mawduucaan


marka hore salaan qiimo leh iga guddooma, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa walaalahaan aan xusayo magacyadooda: deggan, abu jacfar, deeqo, nasro, miskiin, ansaari iyo muslim.

waxaan filayaa inay igu adkaan doonto in waqti u helo sii socodsiinta mawduucan , sidaa darteed ayaan jeclaystay inaynu isku calool fiyoobaanno maaddaama ay kuwada nool nahay "cyberspace-ka".

Tan kale: waxaan yara dhibsaday in la isku tuhmo waxyaalo aan habbooneyn, sida qof labo magac oo kala duwan ku soo galaya iwm. Tuhunkaasna wax aan habbooneyn ayuu dhalin karaa, taasina waxay marka iga niyad jibisay si wadidda mawduuca.

tan saddexaad arrinkan ku saabsan madaxtinimada gabadha sidaan sheegayba waa arrin dadna diidan yihiin, dadna ogol yihiin, iyagoo labaduba daliil u raadsanaya diinta, haba kala xoog badnaadeene, sidaa la adligeed yaanan la isugu caroon , ee qalbi waasic ah halala yimaado.
wax yar aan iraahdo gabagabada mawduucan:

arrinka ku saabsan caa'isha (RA), anigu ma oran waxay dooneysay madaxtinimo, sidaas darteed ma habboona in hadalka la leexiyo, ka dibna xukun la dul dhiso, bal waxaan caddeeyay sababta ay u baxday oo ahayd arrinkii qisaastii amiir Cismaan bin cafaan (RA) (dib u eega hadalkayka).
Balse waxaan sheegay in ay iyadu hoggaamineysay saxaabadii iyada ku ra'yiga ahayd (dib u eeg hadalkeygii). Sidaa darteed ma habboona in hadalka loo beddelo sidii inaan iri caa'isho (RA) xukun doon bay ahayd.

Tan kale arrinka ku saabsan xadiiska iyo waaqacnimada.

qofku walaalayaal haddii uu yiraahdo waaqacan maanta ah waxaa la hayaa qoom talo saartay naag oo liibaanay, micnaheedu ma aha in xadiisku run ahayn (subxaanalaah).
arrinka xadiiska oo kooban:
markii horena waan sheegay, haddana waan ku celin:
xaddiiska haddii uu noqdo mid caam ah, waxaa uu si toos ah uga horimanayaa aayad qur'aan ah !!!
aayadda qur'aanka ahi waxay ina baraysay in qoom ay gabadhi hoggaamisay ay u jiheysay dhanka liibaanta adduun iyo aakhiraba (ma cid baa inkirsan aayaddaas), haddaba waxaa khasab in xadiisku khaas yahay, maadaama uu aayad ka hor imanayo. Tan kale xadiisku ma sheegayo gabadha la talo saaranayo inay tahay muslimad iyo gaalad, dadka talo saaranaya iney yihiin muslimiin iyo gaalo, bal wuxuu leeyahay sidatan: "ma aflaxo qoom haweeney talo saarta", aayad baana inoo sheegeysa iney jirto "qoom talo saartay haweeney oo liibaanay".

Sidaa darteed waxaan uga baxayaa in xadiisku yahay mid khaas ah. Tan kale arrimaha waaqaca ah: xadiisku wuxuu sidoo kale ka hor imanayaa waaqaca
oo aynu oganahay in dumar badan oo la talo saartay aysan halaagin dadkooda, bal qaarkood iyagoo dumar ah loogu yeearay" haweeyneydii birta ahayd, iwm)" (IRON LADY, ETC). Sidaa darteed xadiisku waa mid khaas ah, ee ma noqon karo caam (maadaama uu aayad ka soo horjeedo).

Midda kale ninka iyo naagtaba way u siman yihiin qaaciddada guud ee islaamku " al-amru bil macruufi, wannahyi canil munkar", sida munaafiquuntuba ugu siman yihiin " al-amru bil munkar, wannahyi canil macruufi".

Waxaan iri arrinkani waa mid ay culumadu qaarkood ka soo horjeedaan , oo diidan yihiin, waxaynu caddaaldu ku jirtaa in la wada sheego labadaba, waana aan soo sheegay.
sidoo kalena culummada waxaa ka mid ah qaar qaba in gabadhu cod keeda cawro tahay,qaar baa qaba inaysan marnaba aysan guryaha ka soo bixi karin ilaa ay qaarkood yiraahdaan "waa in gabadha ay guriga ka baxdaa labo mar oo qura: marka loo gelbinayo ninkeeda, iyo marka qabriga loo sii wado !!!!"
sidaa la socotaan sanadkaan gudihiisa ayay culummadu isku khilaafsan yihiin waddanka kuwait iyo arrimaha dumarka. Tusaale: boqorka kuwait ayaa yiri waxaa la samaynayaa doorasho xor ah, oo rag iyo dumarba leh, taasi waxay keenaty in culumo qaarkeed fatwoodeen oo yiraahdee gabadhu "diiniyan waa ka xaaraan in cid doorato", halka qaar kalena ka soo horjeedsadeen. sidoo kale 35 sano waddana qadar culummada joogta waxay ku doodi jireen "gabadhu wax ma barankartaa "? intee loo ogol yahay iney barato haddiiba loo ogolaado ? qaarbaa ku adkaydstay inaysan dhaafi karin dugsiga hoose ?
walaalayaal waxaad ogaataan qofka fatwoonaya waxaa saameyn weyn ku leh halka uu joogo iyo xilliga uu joogo, tan kalena dhaqanka khaliijka ma aha diinta islaamka, khaliijiyiintuna muslimiinta waxay ka yihiin 10 % ama ka yar.

kutubkii al-imaami shawkaani (RA) waxaan qof walba ka codsanayaa in akhriyo, ma aha inuu u akhriyo dooddan kaliya, balse cilmi ahaan uga faa'ideysto, isla markaana uu ka baaro "qaaciddada usuuliga ah", mana habboona in la is aflagaadeeyo oo la is yiraahdo "waxaad ku been abuuranaysaa dadyowga mawtan !!".

Arrinka ku taxa luqa madaahibta:

farqi baa u dhexeeya sheegidda madaahibta.
tusaale: haddii aad maqashid shaaficiinta, xanafiyada , maalikiyada ama xambaliyada, waxaa arrinkaas la qaba imaamka madhabtaas. haddiise la yiraahdo axnaafta qaarkeed, shaaficiyada qaarkeed, xanaabisha qaarkeed iwm arrinkaas imaamku lama qabo. sidaa darteed yaan la isku qaldin hadalkii abu xaniifa (oo la oran karo madhabta xanafiyada)iyo xanafiyada qaarkeed (oo uusan imaamku la socon).

Intaas waxaan ku soo gabagabaynayaa dooddii dheereyd ee aynu ku kala faa'ideysannay walaalaha kor ku xusan iyo akhristayaashaba.

waana aan kabaxay

walaakiin


Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.

To: Nabadoon&Dhamaan akhyaarta kale ee bogan ku jirta.

Akhyaarey ha la iga raali ahaado,hadaan qof u gafay si xun wax u turjumay,ama khaldamay,hana la iska kay cafiyo.

Akhyaarey doodani way dhib badatay, mana garanayo wax aan ka dhaho,nabadoon waxaan waydiisanay inuu sanad cad&daliil waadaxa oo muuqda keeno,waxaanse u maleeyay inuu laalab ka dhamaan waayay jecelyahayna siduu wax u arko inuu xoojiyo,markaa waxaan Nabadoonow kugula talin lahaa hadaad dood soo qorayso inaad marka hore ka soo baaran dagto,aadna iska dayso sifadan aan fiicnayn ee ah sheekh hebel waxuu yiri sidaa. oo adan muujin meesha uu ku yiri iyo waxa sheekha laga sheegay inay sugan yahiin & in kale.

Masa'lada waaqaca oo aad ku celcelisay waa wax laga xishoodo,waayo waaqicu xaqa waxba kama deeqo,waxaana xaqa keenay ilaah waaqici hore iyo kan iyo kan iman doonaba la socda,hadii marka nasuusta iyo caqligu is diidana,ma aha in nasku gafey ee caqliga baa fahmi waayay naska,nasuustuna isma buriso oo iskama hor timaado ee cilmiga ayaa ku yar qofka jamcin waayay,WAXAANA KITAAB KA ALIFAY CULUMO BADAN ARINTA,XATA CAQLIGA SALIIMKA IYO NASKA SUGAN ISMA DIIDAN,WAXAA JIRA KITAAB UU LEEYAHAY SHEEKH ISLAAM IBNU TIIMIYA OO LA YIRAAHDO RADU TACAARUDI CAQLI WA NASI,EE BAL SOO AKHRI.

Masa'ladan kale ee ah NAAGAHA GAALADA OO AAD FAANINAYSID AMA AMAANAYSID, aadna ku soo noqnoqotay waa wax qof iiman yari xataa ku jiro ka xishoodo,WAR MA WAXAA JIRA DULINIMO KA WEYN QOF ALAHI U NICMEEYAY BEENIYAY,OO YIRI MABA JIRTID,SEE CAQLI IYO HORUMAR U KEENTA,MIYAADAN QURAANKA AKHRIN SIDA ILAAHAY UGU TILMAAMAY XOOLO OO KALE UUBA ALAH YIRI XOOLAHA AYAGAA KA SII LIITA,MA DAD SAASA BAA QOF MUSLINA DALIISHAN KARA AMAANINA KARA INAY TAQADUM IYO HORUMAR SAMEYSAY,MASE OGTAHAY ALAH INUU QURANKA KU SHEEGAY INUU U NICMAYN DOONO OO UU WAX WALBA U FURI DOONO AYAGO SAAS KU JIRANA HAL MAR KU QABAN DOONO.TAASNA WAXAAN JECLAAN LAHAA INAAD KU NOQOTO MAS'ALADA AH SHARCU MAN QABLANAA.

Ugu danbayn akhyaarey nasuustu waa iska cadahay,waxayna ka timid raxmaan aan waxiisu is khilaafin markaa waxaa haboon in la barto,marka doodo la soo qorayana wax sugan oo la shiilay goobta la keeno si dadku uga wada faa'iidaystan,balse hadaad damacdo sida aad wax u aragto inaad dadka ugu sheegto,waqtigaaga iyo xasanaadkaga uun bad dilaysa,tusaale ahaan AAYAD QURAANA YAA ALAH KU YIRI MA HANUUNIN KARTID CIDAAD JECESHAHAY NABI MAXAMADOW SCW,AAYAD KALANA WAXUU ALAH KU YIRI WAXAAD DADKA KU HANUUNINAYSA JIDKA TOOSAN.marka ma waxaa iska hor yimid labada aayadod sow aqoon uma baahna,mise kalaamka ilaahay baa iska hor yimaada,maad sugtid sida xadiiska iyo aayada lagu jamciyay hadadan aqoonteda lahay.marka ilaahay ha laga cabsado yaanana cidna loo xaglin ee xaqa ha lagu kor taagnado,hana lagu sugnaado wadadii uu SUUBANAHA SCW & ASXAABTIISU KU SUGNAAYEN TAAS AYAA LIIBAN LAGU GAARAYAYE.

AKHYAAREY DOODAN IYO KUWA LA MIDA WAXAY U BAAHAN YAHIIN AQOON DHEERADA IYO DALAA'IL CADCAD,MARKAA HADA KA DIB YAAN LA SOO DHEX DHIGIN DADKA ILAA LA SOO SHIILO.

AKHYAAREY GABOGABADII &XIRITAANKI AAN ISA SOO CAFINO MAQAALKANA WAA KII UGU DANBEEYAY EE AAN SOO QORO IN MUDO AH,WAXAAN HADII ALAH IDMO OO UU OGOLAADO IMAAN DOONA RAMADAANTA SOO SOCOTA SI AAN UGA QAYB QAATO BARNAAMIJYADA WACDIGA& WAANADA EE BISHAAS KA BIXI DOONA NETKA DHEXDIISA,MARKAA KHAYR BAAN ISKU OGNAHAY.HANA LA ISA SOO CAFIYO XAGAYGA CAFIS BAAD KA WADA TIHIIN,ILAAHAYNA QIYAAMAHA KUWII IS QABQABSADA NAGAMA DHIGO.

WALAAHU WALIYU TOWFIIQ,WAA WALAALKIIN MASKIIN OO IDIN LEH MACASALAAMA & RAMADAANKA SOO SOCDA HADII AAN NAFTA LA IGA QABAN INTA KA HOREYSA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
Asalamu alaykum deeqa (hafidahulaah)

ukhtii aad waxaan u akhristay qoraalkaga aad ku radinaysay ninka la yiraahdo nabadoon inkastoo dooda aan soo galin lanasocday ilahay abaal hakaa mariyo sida diintaan aad u difaacday nin kaas hawadiisa raacay runtii ilaahay waa kuwaafajiyay haqii aad si usluub kujirto iyo cilmi ayaadna ninkaas shubuhaadkiisa bit by bit udaba gashay ilaa uu gubtay ( faxraqa nabadoon)
walaa naquulu (fabuhitaladii istadala calaa caqlihi)

xaqiiqatan nooga ma baahna inaan u jawaabno ninkaas adaa naga shaafiyaya kasaralaahu amsaalak

mida kale aad buu ugu been abuurtay rasuulka oo uu leeyahay xadiiskaaas maaha saxiix wax rasuulku yiri ayuu bee ninaya sida xadiiskii laa yuflixu qawmun walaw im ra'aha.

tankale dadkaa aan aqoonta u lahayn diinta islaam ka ayuu shubuhaat qalbigooda ku ridayay sida gabdhii ku soo hujuumtay oo kale inkastoo aad u jawabtay ilaahay ha hanuunshee

tankale ninkaan markaan arkay usluubka uu salaamayay dadka muslimiinta ah wuxuu isticmaalay sida nabad iyo naxariis kor kiina ha ahhato.
wasmalam alaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaqdoon

Unrecorded Date
Salaamu Aleykum !
Isku jiibinta aan macnaha laheyn malaha waa laga fiican yahay. Waxaan rajeynayaa in dhamaantiin aad taqaanaan cilmiga Xadiista,ha noqdo mid ku tacaluqa sanadka ama matnigabe.

muxuu xaalku yahay hadii aad xadiis sheekh agtiisa ka ah xasan uu sheekh kale agtiisa ka yahay saxiix? marka xukunka lagu duldisayo xadiisyada waxaa la eegaa darajedoodda,ruwaaadda warineysa qawidooda, caalinamdda martabadda xadiiska ..iwm.

In wax la fahmaa way ka duwan tahay in wax la akhriyaa, imisaad duruusta iskuulka akhrisay oo aanad waxba ka mahmin, ASLUUBTA iyo QAAB jawaabeedka arintan maanan jeclaysan...
Adam , deeqa, miskiin, nabadoon, iyo saaxiibadda kaleba waxaan ini weydiiyey sideed wax u wadaan?
problemka laga hadlayo ma aha xadiisku ma mansuukhba mise waa naasikh, ma xaakimbaa mise waa maxkuum ...etc.

Malaha su'aasho waxay tahay waa maxay mas'alooyinka cusub ee la xiriira Gabadha muslimadda ee caalamkan joogta? Naagtu ma hogaamin kartaa dayax-gacmeedka MAARIS loo dirayo, Parlamaanadda ma ka qayb qaadan kartaa?
Urur Siyaasadeed ma hogaamin kartaa? Shirkad weyn like ICL, MOTOROLA, TOYOTA, NOKIA..etc madax ma noqon kartaa? Ganaraalka ugu sareeya ciidamadda ma noqon kartaa? and lastly but not least Gabadho maxay noqon kartaa maxaysen noqon karin?

Bulshadda halkey ka joogtaa? bulshaddu ma u baahan tahay?

AAD BAAN U NIYAD JABAY... waxaa iniga soo dhow in aad is weydiisaan su'aalihii ay Romaanku isweydiin jireen ee ahay HORTA GABADHO BANII'AADAM miyaa mise waa wax kale?

Doodihiina aan cilmiga ku dhisneyni waxay ka eryayaan dadka in ay la socdaa, idinkana waxay idinka qaadayaan wakhti fara badan... dhamaan dadkii oo dhan iminka way baxayaan YOU KNOW WHY?
wakhti ay ku soo diyaariyaan ma hayaan...

Waxaan Rajeynayaa in arintani bal yara dajiso, soona celiso ama ka joojiso kuwa baxaya in ay baxaan? Caaqil..Caaqil.. baan iska dhigdhigayaa markaa ha la ii dulqaato..
Nabad-Gelyo & Naxariis Korkiina ha ahaato !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
To: Nabad-doon

Markaad mawduucan furtay waxaan ku moodaayay qof daliil haayo oo baaritaan dheer sameeyay, hasayeeshee waxaa ii cadaatay inaadan talo faro ku heyn. Nabad-doonow, daliilkaada ugu weyn wuxuu noqday "waa arin dadna diidanyihiin dadna ogol yihiin"!!! waa yaabe taasi daliil ma noqon kartaa??!!.. Waxaad tiri "Xadiiska hadii uu noqdo mid caam ah, waxa uu si toos uga horimaanayaa aayad qur'aan ah"..walaal aayada & xadiiskaba waa waxyi Allaah uu soo dejiyay mana iska horimaanayaan ee adiga ayaa isku dayaaya inaad hawadaada(naftaada waxay jeceshahay)ku macnaysid. Culumada salafka waxay yiraahdeen "Caqligaada tuhun inta aanad tuhmin aayada iyo xadiiska". Waxaad gaartay oo aad si fudud u xukuntay arin aan lagaaga horeynin "Sidaa darteed waxaan uga baxayaa in xadiisku yahay mid khaas ah" waa jawaab ku dhisan cilmi yari iyo caqli daro waayo waxaa laguu soo sheegay daliil sax ah, hadalkii saxaabada, & kuwii culumada kaleba laakiin waad dhinac martay oo caqligaada ayaad ka dooratay.

Waxaa ii cadaatay garaadkaada inta uu la'egyahay markii aad tiri "Tan kale arrimaha waaqaca ah: xadiisku wuxuu sidoo kale ka hor imanayaa waaqaca
oo aynu oganahay in dumar badan oo la talo saartay aysan halaagin dadkooda,bal qaarkood iyagoo dumar ah loogu yeearay" haweeyneydii birta ahayd,iwm)"(IRON LADY, ETC). Sidaa darteed xadiisku waa mid khaas ah, ee ma noqon karocaam (maadaama uu aayad ka soo horjeedo)." Subxaanallaah!!.. Subxaanallaah!!. Walaal yaa u bixiyay (IRON LADY) ma muslimiinta??, ma culumada?? ma aqoonyahanada Islaamka?? mise GAALO AAN ALLAAH & RASUULKIISA RUMEYSNAYN??.. Hadii ay joogi lahaayeen dadkii Islaamka soo difaacay -sida Abuu-bakar, Cumar, Cuthmaan, Cali, Salaaxu Ad-diin- ma waxay oran lahaayeen waa (IRON LADY) mise waa KAAFIRAD KA FURATAY ILLAAHAY & RASUULKIISA. Ma ogtahay in xadiiska Nebiga (S.C.W) dhab yahay oo ay (IRON LADY)!!! halaagtay qoomkeeda xizbigii(Conservative) ay madaxda ka ahaydna weli kasoo kaban la'yahay dhibkii ay u geysatay. Ma ogtahay in (IRON LADY)!!! ay xasuuqday oo ay laysay dad badan oo muslimiin ah oo aan waxba galabsan. Ma ogtahay in (IRON LADY)!!! ay difaacday ninka la magac baxay Salmaan Rushdi (Lacnatullahi Calayhi) oo caayay Nebiga (S.C.W) & diinta Islaamka.Waxaan kuu soo guuriyay AAYADO, AXAADIIS, & HADALKA CULUMADA oo aad waxa jawaab ah-haba yaraatee aad u weyday. Waxaad lasoo taagantahay (IRON LADY)!!! & waxay ila tahay!!. Nabad-doonow Allaah u towbad keen oo iska daa murunka aan cilmiga wadan, Iska daa aayadaha iyo axaadiista aad caqligaada gaaban uga horimaaneysid, Iska daa Hadalada aan sugnayn oo aad culumada kasoo guurineysid, Iska daa GAALO AMAANKA & HADAL NEBI DURIDA.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.