site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Lesbians sentenced to death in Somalia for unnatural behaviour

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Mar. 13, 2001): Lesbians sentenced to death in Somalia for unnatural behaviour
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YO

Wednesday, February 21, 2001 - 11:24 pm
MOGADISHU Two lesbians who passed themselves off as husband and wife have been sentenced to death by a court in Somalia's northeast port city of Bossasso, the Qaran daily newspaper reported yesterday.
The two, whose names have been withheld by the court, were convicted of "exercising unnatural behaviour", the paper said.

The pair were tried under Somali criminal punishment law, which is loosely based on Islamic Sharia law. Bossasso is located in Puntland, a region that declared itself autonomous from Somalia in August 1998 and has since set up its own administrative infrastructure. Capital sentences have rarely been carried out in Puntland. When they are, a firing squad is used. Sapa-AFP. http://www.bday.co.za/bday/content/direct/1,3523,796246-6098-0,00.html

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alert

Thursday, February 22, 2001 - 06:16 am
People don't you know that IRIN and Horn Afrik are on a mission to smear, agitate and misrepresent the peace loving Daarood people in Puntland!

Beware of propoganda and the smear campaign of the mooryaan.

GARSOORAHA MAXKAMADDA BOSAASO OO BEENIYAY WARBIXIN BBC-DA IYO WARGEYSKA QARAN KALA XIGTEEN OO KU SAABSAN NAAGO ISKU GUURSADAY BOSAASO OO TOOGASHO LAGU XUKUMAY
Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Sahan Bosaaso.
Email Maxdeeq50@hotmail.com
21 Feb. 2001

Garsooraha 1aad ee maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Bosaaso Sh. Maxamed Cabdi Awaare ayaa beeniyay warbixin ku saabsan laba haween ah oo isku guursaday Bosaaso oo maxkamaddu ku xukuntay in la dilo.

Garsoore Awaare oo aan fiidnimadii 21ka bishan kula xiriiray gurigiisa ayaa ii xaqiijiyay in aan haba yaraatee waxaba ka jirin warkaas, isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd maxaa ka jira wararka sheegay in haweenka is guursaday maxkamadda la hor keenay oo aad xukunteen "Adeer arintaasi waxba kama jiraan, annagu ma arag, meel lagu hayana ma maqal, meel lagu xukumayna warkeedaba daah".

Garsooruhu waa uu sii waday hadalkiisii oo waxa uu yiri "wax daran ayaa warkaas sheegay, anagana waxaa markii noogu horaysay Taleefan nalagu soo waydiiyay anagoo maxkammadda joogna su’aalo ay ka mid ahaayeen Naagihii is guursaday ma maantaad maxkamadda saaraysaan? Maxaad ku xukumaysaan iyo kuwa la mid ah, ugu danbayntiina anaga laf ahaantayadii ayaa inta shaki na galay waxaan teleefano u dirnay dhamaan saldhigyadda magaalada, si ay noogu sheegaan haddii ay hayaan wax kiis ah oo arrintaas la xiriira, iyaguna anaga ayay nala yaabeen, marka adeer arinkaasi waa been, aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn, Ilaahaw ha inagu keenin hadana waxaas iyo wax la mid ah toona" ayuuna garsoore Awaare hadalkiisii ku soo afjaray.

Sidaas oo kale waxa aan booqday inta badan saldhigyada Magaalada isla habeenkii waxaana la kulmay qaar ka mid ah madaxda danbibaarayaasha saldhigyada Bosaaso kuwaasoo dhamaantood ii sheegay in aysan haba yaraatee hayn wax war ah oo ku saabsan naagaha la sheegay in ay isku guursadeen Bosaaso, maxkamad ay u gudbiyeena aysanba jirin.

Mursal oo ahaa danbi baaraha saldhigga Biyo kulule ayaa yiri "warkaasi waxa uu ka mid yahay warar aan sal lahayn oo ay faafiyaan dad aad xumaanta u jecel".

"habeen markaan dib u dhigay, habeen labaadna uu ku soo celiyay C/shukuur Yuusuf Cali (Tifaftiraha Wargeys cusub oo dhawaan laga soo saaray Bosaaso oo la yiraahdo War ogaal), oo nooga soo warama Buntilaan ayaan sii daynay warkaas.
Tifaftire Nerro
Ugu danbayntiina waxaa ii suuro gashay in aan khadka isgaarsiinta Taleefanka ee Magaalada Muqdisho kula xiriiro Tifaftiraha Wargeyska Qaran ee ay BBC-du warkaas ka xigatay Qaasim Nerro, waxa aana waydiiyay sida uu warkaas beenta ahi ku helay, kuna faafiyay isaga oo taas ka jawaabayana waxa uu Tifaftire Nerro ku jawaabay "habeen markaan dib u dhigay, habeen labaadna uu ku soo celiyay C/shukuur Yuusuf Cali (Tifaftiraha Wargeys cusub oo dhawaan laga soo saaray Bosaaso oo la yiraahdo War ogaal), oo nooga soo warama Buntilaan ayaan sii daynay warkaas, anoo rumaystay in uu yahay xaqiiqa baahday, mana rumaysnayn in nin wariyenimo rajo qabaa uu sheegi karo been taas oo kale ah, waliba si aan u dhawro amaankiisa, maadaama warkaasi ahaa mid xasaasi ah waxaan qarinay magiciisa, laakiin hadda qarin mayno, warkana cidda aan ka helnay waa cadahay" ayuu yiri Tifaftire Nerro.

Mar uu ka jawaabayay su'aal kale oo aan ku celiyay oo ku aadanayd waxa ay haatan yeelayaan waxa uu yiri "waxaa waajib nagu ah in aan akhristayaasha qaran ka raali galino warkaas aan salka lahayn isla Beritaba, go’aanka kaas xigaana waxa ka tashan doona masuuliyiinta wargeyska si wada jir ah"

BBC-da qaybteeda ururisa wararka afafka qalaad ku baxa ee la yiraahdo BBC Monitoring Service - United Kingdom; ayaa bishan 20keedii shabakadda internet-ka dariishadda ay ku leedahay ku daabacday warkaas oo lagu turjumay afka Ingiriiska ciwaankiisuna ahaa Lesbians sentenced to death in Somalia (naago isku guursaday Soomaaliya oo dhimasho lagu xukumay) kaasoo ay ka soo xigatay sida ay ku muujisay qoraalkeeda dariishadda Internetka ee wargeyska Qaran caddadkiisii soo baxay isla 20kii bishaan.

waraysigii Sahan ay Dr. Gaagaab kala yeesheen war been ah ee sheegayay in la afduubay isaga iyo marwada madaxweynaha Buntilaan
>> Akhri halkan

AN OPEN LETTER to the BBC World Service and the BBC Somali Section Leadership
>> Check Media Watch

Appellant - Employees of the BBC Somali Service vs Defendant
>>Check Gaashaan Column

BBC Monitoring Service - United Kingdom
>>Check ft.com website

Ma aha markii ugu horeysay ee ay wakaaladaha wararka ee caalamka oo dhan laga akhristaa ama laga dhageytaa ay faafiyaan warar aan sal iyo raad toona lahayn oo naxdin, ceeb iyo niyad jab ku ah, wadaniyadda, Amniga, sharafka, diinta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed, iyadoo markasta wararkaasi yihiin kuwo ay bixiyaan dad Soomaaliyeed oo mararka qaarkood u bareera sheegidda been ay la tahay in ay cid ku xumaynayaan ama ay ku riixayaan degaan amaba ay qaarkood ku raadinayaan in ay ku helaan dhaqaale iyo sharaf; tasoo dhanka kalana dhaawacyo waaweyn u geysata ilaha ay wararka siiyaan oo macaamiishoodu kala laabtaan kalsoonidii wareed ee ay ka qaadan jireen.

Sahan Information Center "Bosaaso, Buntilaan Soomaaliya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Tuesday, February 27, 2001 - 05:22 am
Assalaamu Calaykum
Walaalayaal, horta waxaad ogaataan in ay dembi weyn tahay in laba naagood is guursadaan, waana dhaqan xun oo aan raad ku lahayn islaamka. Laakiin nas dil ku xukumaya ma arag, waxaase ay mudan yihiin in la edbiyo(tacsiir) oo xaakimka ayaa xukumaya. Waxaase daliil loo hayaa in ragga labadaba la dilayo haddii ay la yimaadaan falka qowmu Luudka. Hase yeeshee waa in la xaqiijiyaa in ay si khiyaar ah isugu tageen oo aan xoogid ayan dhicin. Fuqahada islaamka ee ku xeeldheeraaday shareecada waxay qabaan in dumarka ayan dil ahayn. Haddiise imaamku dan u arko in la dilo waa ijtihaadkiisa ee sidaa ha loola socdo.

Haddii arintaas ay beentahay oo wax dhacay ayan ahayn dadka beentaas fidiyey Alle agtiis waxba kuma laha waana qadaf. Quraankuna iyo sunnaha waxay sheegeen dadkaas ay Jahannama u aroorayaan, waayo waa dadka jecel in ay xumaanta ku fidiyaan muslimiinta dhexdeeda. Waana dunuubta kabaa'irta ah ee aan cibaadada aad la timaado ayan kaa baabi'in karayn. Hadday arintaas run tahay waa arin ina baraarujinaysa oo ka hor tag u baahan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.