site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sidee baan ula qabsanaa horumarka Teknoolojiyada galbeedka

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: Sidee baan ula qabsanaa horumarka Teknoolojiyada galbeedka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mustaqbal

Thursday, February 22, 2001 - 04:00 am
Asalaamu caleeykum

Walaalayaa waxaan aad ugu fakara sidii aan uga faa´ideeysani la heeyn horumarka dhanka wanaagsan, oo maanta noo laga hor marey.

Ma iska fadhinaa? mise waan kacnaa oo soo guurinaa wanaagaas. Dunida maanta aan ka dhalanay waxeey ku jirtaa kuwa ugu liita inta maanta wax soo saarta.

Waxaan oran/boorin lahaa dhammanteen wiilal iyo gabdho aan doonano wax barasho sare(heer jaamacadeed). Soomaaliya maanta Ilaah ka sokoow anaga ayeey nagu tiirsan tahay, anaga ayeey naga sugaayaan in aan soo barano, TEKNOOLIJAYADA.

Wakhtiga aan haysano waa yar yahay, hawshana noo taalo waa ay badan tahay.........ee aan kacno waaberiga oo isku diyaarino in aan soo faaideeysano.

Waa in na laga helaa, injineero, takhaatiir, baylootyo, iwm.

Aan noqono maskax wax dhista oo faaideeysa ee yaan la noqon maskax wax dumisa

Walaahu aclam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Horumarka

Tuesday, March 06, 2001 - 10:57 am
Mustaqbal

Walaal waan kugu waa faqsanahay 100%. Tan mudan in la is weeydiyo ayaa ah, maanta dhalinta soomaaliyeed ma gaareen garaad kooda??.

Ma filaayo filaayo arintaas marka laga reebo wax yar. Wax yaalo kale ayeey ku mashquul sanyihiin oo aan u la heeyn faaido.

Mustaqbal yaan ka xumeeyn niyaadaada oo halkaa ka sii wad. Waxaa shaki ku jirin in aad weeyneeyn wax taladaada qaato. Insha allah aniga waxaan ka mid ahay kuwa ka qaaday. Waadna mahad santahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUDAYSI

Friday, March 09, 2001 - 04:26 am
ASALAAAMU CALAYKUM DHAANTIIN

WAXAN JECLAHAY IN AAN WAX YARKA IRAAHDO SOOJEEDINTII SHAQSIGA MUSTAQBAL LABAXAY HORTA UGU HORAYN INLABARTO TIKNOOLOOJIDDA WAXAA ARIN LA OGOLYAHAY LAKIIN WAXAA KAAMAQAN IN AAD DADKA KUBOORISID SIDII AYDIINTOODA UGU LAABAN LAHAAYEEN UNU DABAQILAHAAYEEN SUNADII NABIGEENA SLCW MAXAA YEELAHAY OHMIYADA LOO ABUURAHAY WIILASHA GABDHAHA ODAYAASH HOOYINKA SOOMAALIYEED IYO WALIBA WAX DUUNKAAN KORKIISA JOOGABA CIBAADA ILAAHAY IYO SIDII AY ILAAHAY RAALI GALIN ALAAHAAYEEN WAXAANA KUSHEEGAYAA IN AY SAN TIKNOOLOOJIDA AAD SHEEGTAY AYSAN UMADDA SOO MAALIYEED IYO MIDDA ISLAAMKAABA GAARAY INTA GABDHA SOOMAALIYEEDNA QAAQAAWANYIHII NIMANKUNA JAAKA IYO SIGAARKA CABAYAAN WAXAYNA UMADAAN KUDANBAYNAYSAA DULI INTA AYDIINTEED UGA LAABANAYSO OO AY OGAANAYSO UJEEDA LOO ABUURAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ottawa

Sunday, March 11, 2001 - 07:22 am
Assalaama CWW
Dhamaan walaalaha halkan wax ku soo qoray aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin ka fakarka aad umadiina ka fakarayasan.kafakarkaasi wuxuu ka mid yahay qayb xalka kamid ah.Walaalkey sudeysa nimankii kaa horeeyay waxay sheegeen iyo waxaad sheegeyso isma diidana iskamana hor imanayaan inaad gacanta midigna aad kuheysato kutubka quraanka, bidixna shahaadooyinkaaga kale (as a tool)adigoo u adeegsanayo inaad islaamka wax ugu qabato Ilaaheyna ku raali gareyso.
Islaamkuna aad ayuu u dhiiri geliyaa aqoonta haddaysan aqoonta ahayn mid kahor imanaysa sharciga. Wallahu aclam wuhuwal muwafiq
Wasalaama cww.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mustaqbal

Sunday, March 11, 2001 - 08:49 am
Asalaamu caleeykum

Waad mahadsan tihiin dhammaantiina sida quruxda badan oo u dhiibateen af kaartiina.

Waa wax loo baahan yahay in la xoojiyo aqoonta diinta islaamka iyo in loo halgamo hirgelin teeda.
Diinta waxaa waajib ah in laga barto daruurat ka ah sida habka loo fahmaayo Ilaah, cibaadaad ka, xalaasha iyo xaaraanta, akhlaaqda iwm.

Marka uu intaas barto mujtamaca muslimka ah ayaa hadana laga rabaa dad aad ugu takhasusay culuumta kala duwan ee diinta. Iyagaas ayaa inoo noqoni maraajicda ama waxa khuseeyo shariicada.

In taas ka dib ayaa loo baahan yahay dad culuumta seeyniska noo barta si aan ugu khidmeeyno mujtamaca muslimka. Waa in na laga helaa takhasusaad kale sida takhaatiir, kombiyuutarada, dhismaha, milatariga iwm. Anagoo wadano takhasusaad kala duwan ayaan na laga rabaa in aan noqono muslim wanaagsan oo Islaam keena ka hayo waardiye .

Qofka markuu barto cilmi ayuu yaqiinsadaa in rabi jiro koonka, haba lagu murmo qaabka loo rumeeynaayo (aadanaha).

Aqoon yahano ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ku dhacay aqoon daro, laba jiil. Qaali ayeey nagu tahay walaalayaal in xoog soo koraayo aan la heeyn wax tacliin ah. Dad kaas waxaa shaki ku jirin in uu ku adkaani doono fahamka diineed. Maxaa yeelay Islaamka waxaa si fiican u fahma qof wax yaqaan.

Ee yuusan wakhti naga lumin ee aan soo guurino il baxnimada dhan keeda wanaagsan.

Waad mahad santihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waayo-arag

Thursday, March 15, 2001 - 10:22 am
Technology-gu waa farsamadii oo la casriyey, taas oo soo martey marxalado badan, ummaddeena oo ka mid aheyd kuwii wax ka bilaabey farsamada aasaasiga ah waxay kala kumeen dhibaatooyin badan iyo bulshadii laga faquuqo(intii bilowdey). Taasna waxay hor istaagtey horumarkii laga gaari lahaa farsamada maantey la isku gumeysto, taas oo abuureen dad la baxay farsamayaqaano(bircunta) markii dadkoodii soo dhaweeyeey dadaalkooda.

Arrintii waxay gaartey in kuwii ku horumarey arrintaas, tuugsi loo agfadhiyo aydoo lagu amaanayo bircunimada.
Marka annoo aan ka soo horjeedin in wax la kororsado, baan soo jeedin lahaa in marka hore dadkeena laga dhaadhiyo oo la fahamsiiyo inay meesha isdhigeen ayagu, haddana loo baahan yahay inay meesha ka kacaan, dhaqaalahoodana galiyaan qalakaba sahla horumarka farsamada oo la geeyo meel kasta oo ka mid ah dalka. Kadibna markii la arko ama la macaansado faa'idadeeda lala yimaado taqasuskeedii oo dib loogu xoojiyo dalka iyo dadkiis.
Waxiise hadda qofqof loo barto waa mid lagu sii xoojiyo dalalka wiilashoodii horey u barteen.

Ugu danbeyn, Xaggee joognaa horta markii horumar adduunyo laga hadlo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mustaqbal

Tuesday, April 10, 2001 - 12:14 pm
Aslamu caleeykum

Waayo arag

Waa dhalinta aadka loogu baahan yahay, marka la eego maskaxda ama caqliga dheer uu Ilaaheey kugu maneestay iyo waayo aragnimada aad la baxday.

Horta iga raali noqo dhawaanahaan waan mashquulsanaa, iskool ayaan ceerinaayay.

Dhanka farsamada waa runta in aan anaga haddii aan nahay Muslimiin aan ugu horeeynay quruuntii hore. Ka dibna anagaa isdhignay meesha aan maanta taaganahay, waana aragnaa. Tan kale waa kugu raacsanahay in aan ceeb u aragnay farsamadii ama nimanka biraha ku dheereeyo ama tumaalada la yirahdo.Waxaan ku tilmaami karaa arintaas in uu na hafiyay jahli aan caadi aheeyn.

Waa dunidee dunida ugu gaajo badan maanta?, waa tee tan ugu qaxootiga badan maanta?, waa tee tan ugu jaahilnimo badan maanta?, waa tee tan ugu siyaasada xun maanta?.

Waa anaga haddii aan nahay Muslim.

La yaab ma leh xadaaradaha waa guurtaa, mar walba oo cid beey kortaa. Ilaahna wuxuu leeyahay "Wa tilka ayaamun nudaawiluhaa beena naas".

Caalamka waxaa soo maray xilli ay hogaamineeysay Faraacinta, Giriiga, Roomanka, Faarisiyiinta, Islaamka iyo reer Galbeedka oo maanta aan ku hayno indhaheena.

Waxaa shaki ku jirin in Ilbaxnimada Islaamka ay soo laabani doonto, mar kale. Taa waxaa inoo qirsan cadawgeena maanta.

Waxaa wanaagsan in aan la dafirin ama la inkirin xadaaradaha jira. Oo mid walbana aan ka qaadano tan na anfacda, wixii ka soo harana aan dhinac isaga qubno. Laakiin haddii aan nahay muslimiin arintaa waan ka soo horjeednaa, oo diin ka bax baan u aragnaa.

Waan sii wadi doonaa haddii uu Ilaah idmo.

Sidaas iyo nabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yusuf

Tuesday, April 10, 2001 - 02:28 pm
A/calikum

runtii doodan la furay waa mid ahmiyad wayn u leh mujtameceena islamka gaar ahaan bulshaweyna islamka ee ku nool dalalka xagga technologiyada ka horumaray.

technologiyadu waa hubka ugu wayn ee maanta ay reergalbed ku adoonsadan dunida iyadoo bulshadeenuna ay si wayn uga dambayso horumarka aduunka iyo globalizationka(alcowlima).

Doodahan iyo kuwa la mida ayaa waxay beryahan danbe ku soo badanayaan dalalkena inkastoo ay tahay tallabo fiican ayaa hadana waxa jiro jahli wayn oo ku saabsan xaqiiqada technologiyad iyo sidii aan ku gaadhi lahayn heer aan isugu fillaano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waayo-arag

Thursday, April 12, 2001 - 08:36 am
"Waa anaga haddii aan nahay Muslim" waxaa yiri saaxiibkey Mustaqbal, markuu ka hadlayey kuwa dunida ugu gaajada, qaxootiga, jahlinimada badan uguna siyaasad xun.

Arrintan kuma wada raacsani saaxiibkey, waayo horta Muslimiintu waa isdhaamaan dhinac kastaba mana jiraan wax nala mid ah-Soomaalida. Dunida Islaamka intooda badani waa qani, oo dunida horumartey baa dhaqaalahooda haya oo rogroga(ganacsi ku sameeya). xagga siyaasada waxba la isma dhaamo, waase la kala qayaano badan yahay waana middaas midda dunidu maantey u taqaano siyaasadda ee la isku karbaashayo.
Mid iigu daran ee aan gabigeedaba diidanahay waa figradda laga qaba Jahliga ama jaahilnimada, waayo jaahil maahan nin daalacanaya oo fahmey Qowlkii Alle iyo Sunnadii Rasuulkeena Muxammad(SCw).

Marka dibaatadu waxay ka jirtaa oo kaliya xagga Iimaanka iyo kalsoonida oo adagtahay sidii lagu kaamilan lahaa. Waana Taas midda dunida kale ka baqeyso ee ka dagaalameyso.

Ugu danbeyn waxaa su'aal iga ah, ayadoo aan la heylin Iimaaan iyo Kalsooni buuxda, horumarka Technology-ga ma nagu toosin karaa wadada hagaagsan? Mise muruq aan maskax laheyn baan dooneyna sida ka socota dunida maantey?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.