site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Su,aal ku saabsan sakada.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Mar. 13, 2001): Su,aal ku saabsan sakada.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar.

Thursday, February 22, 2001 - 04:14 am
Assalaamu caleykum.
Walaalayaal waxaan rabaa in aan ogaado,marka uu qofku sakada bixinayo qasab miyaa in uu u sheego qofkuu siinayo in ay sako tahay,mise isagoon waxba u sheegin ayuu siinkaraa qofka miskiinkee u baahan,

Jazaakumulaaahu kheyran.
Wasalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Thursday, February 22, 2001 - 10:14 am
To Gabar
assalaamu calaykum
abaayo aad ayaad u mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad u weydiinaysid waajib ka mid ah waajibaadka qofka islaamka laga rabo in uu guto.
walaal zakaat almaal waa waajib qofku hadii uu leeyahay maal oo ay ka soo wareegato maalkaasi mudo hal sano markii ay ku soo gashay ka dib in uu ka baxsho labadii boqolba shan, lacagtaasi waxaa la siinayaa sideed ruux oo banii'aadamka ka mid ah, sideedaasi ruux waxaa inoo sheegtay aayad ku jirta suurada altowbah, marka aad bixinaysid sheegideeda shardi ma'aha oo looma baahno in aad u sheegtid, waxaa kaloo jira zakaatu alfitri oo iyadana waxaa labaxshaa soonka dhamaadkeeda waxaana labixiyaa badar.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar

Friday, February 23, 2001 - 01:46 pm
Assalaamu caleykum.
Walaal haaji jazaakalaah.
Waaan ku qancay jawaabtii aad i soo siisay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.