site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAAN U KALA FAA'IIDAYSAN WAYNAY?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MAXAAN U KALA FAA'IIDAYSAN WAYNAY?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU

CALAYKUM WA RAXMATU LAAHI WABARAKAATUHU.

Yaa IKHWAANI waxaa naftayda ku dhashay su'aashan ah,MAXAAN U KALA FAA'IIDAYSAN WAYNAY?

Waxaan markaan forumska imid is lahaa dadka dhalinyarada ee soomalida ee wax bartay way ka figrad duwanaan doonan dhibatoyinka haysta mujtamaca soomaliyed oo ah TAYDA AYAA ILA FIICAN!

Waxaa naftaydu ku haminaysay in marka aysan waxba meeshan ka helin ay ka heli doonto CIBRO ay ka qaadato qiso ama sheeko ku dhacday qof soomaliyed oo kaga sheekeya netka dhexdiisa amaba uu idiin sheego qiso kale oo ka dhacday caalamkan lagu nool yahay.

Waxaanse walaalayaal arkay ama maalmahan soo badanaya in meeshani noqotay meel dhowr arimood isgu soo biyo shubatay.
1-IN LAGU CAAYO AMA WAX LOOGA SHEEGO DADKA MUSLIMIINTA AH EE SUNADII NABI MAXAMED SCW INAY NOOLEYAN RABA.
2-IN LAGU FURO DOODO AAN WAX FAA'IIDO AH KU JIRIN ILAA IN LA ISKU NACO AMA LA ISAGU CALOOL XUMAADO MOOYE.
3-IN MARKA QOF U BAHAN ARIN DIINI AH IN LAGA JAAJIL BIXIYO AAN LA SOO TAXLIILINAYN EE LA ISKALA BOODAYO OO QAR LAGA TUURAYO.
4-IN HABA YARAATE DADKA U BAHAN IN DIINTA WAX LOOGA SHEEGO UUSAN WAX FAA'IDO AH HALKAN KALA NOQON,MAADAMA DADKII U NISBA SHEEGANAYAY AY AYAGII IS XAGXAGANAYAN OO QOFKII UBA ARKO DADKA DIINTA SHEEGANAYA KUWO SIFO XUN OO UUBA KA CARARO OO KA HIMI JABO.
YAA IKHWAANI HADABA SU'AASHU WAXAY TAHAY,MAXAAN WAX U KALA FAA'IIDAYSAN LA'ANAHAY?
WAXAAN RAJAYNAYAA MARKA SU'AASHANI DHAMATO HADAY XAL YEELAN WAYDO INAAN KA MID NOQON DOONO WALAALAHA KA HARA FORUMKA.
BAL AAN ISU SOO DUCAYNO ARINTANA XAL U YEELO WALAALAHEENA MEESHA KU KALA FAA'IIDAYSTA,ANA U ARAGNO IN MANTA UMADEENU NOOGA BAAHAN TAHAY KII WAX KU DHAAMA INUU KUWA KALE U FAA'IIDEEYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Inkastoo aniga mar danbe idinku soo biiray haddana waxaan u malaynayaa dhibka ugu wayn wuxuu yahay qof walba isaga lee saxsan ma jirto hadaad igu raacsaneeyn OK, aniga xadiiskaas, aayadaas ama asartaas aan ku qancay anagoo qofkii kale ku dhejin shaabad MR WRONG...

Dhibka ugu weeyn oo na haysta kuwa diinta ku
dhaqma iyo kuwaan ku dhaqmeenba waa dikteytarnimo.


wasalamalaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
MASKIIN

waxaa wax loo kala faaidaysan waayay adiga oo kale ayaa dadka wax u sheegayo.
orad oo course soo qaado ah sida dadka wax loogu gudbiyo ka dib isku day in aad wax u faidayso dadka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.

TO: ANONYMOUS.

Walaal/Walaaley runtii su'aasha uma furin in aan is aflagaadayno.inkstoo sababta aad magacaga u qarisayba ay tahay karti daro aad baqaysid,hadana hadaad adigu wax faa'ido ah hayso na sii.

Anigu Haday qaldan tahay sida aan dadka wax ugu sheego waa kaa qaatay, inshaa alaahu hadaad waxuun faa'iido ah haysana ii faa'iide haday nasteexo kaa tahay. hadaadse tahay kuwa forumska cayda iyo aflagaadada la fadhiya.waa sababta aan su'aasha u keenay.

Ugu danbayntii anigu adiga kuma aqaan adna ima taqaanid,balse waxaa jira RAXMAAN labadeenaba na yaqaan,ama is qari ama ha is qarin waxaan filaya hadaad is tus tus iyo nacayb uu hadalku kaa ahaa inay jiri doonto maalin waxii aad qalbiga ku haysatay banaanka la keeni doono ( Yowma Tublu Saraa'ir) markaa naftada u nax oo u dhimri waayo adiga uun ba danbi laguu qoraya qofka muslinka oo aad ku xad gudubtay. ee qofka waxba ka dhimi mayso hadal aad tobon mugdi dabadood ka soo tuurtay.dadkana waxa ugu fulaysan qof meel uu joogaba aan la garanayn hadana la aqoon isga, oo kalmadii uu soo qorayay ka baqaya in la dabo galo kaliya.war isa soo sheeg fulayahow/yahay.

To:Ladan.
Walaashis mahadsanid balse ogow labo qof ma wada qaldanaato ee mid baa qaldan,kan qaldan waa in loo muujiya oon lagu sii dayn,asaguna waa inuu qaladkiisa qaata oo ka jooga.wayo waxa laga celinaya wax cacayara maha wa danbi uu ilaahay ka galayo.

GUNAANADKII WAAN OGAHAY KUWO BADAN IN AY FORUMKA DHEXDIISA XOOGA II QABAN,WAR DOQONIMADA ISKA DAYA OO CAYDA JOOJIYA ANIGU GEELA IDINKAMA DHICIN DADNA IDINKAMA LAYNE XOOGA QALADAADKIINA UUN BAN IDIN XASUUSIYAYE.

MEEYE WALAALAHI KHAYRKA BADNAA MAAD KA HADASHAN SABABTA WAX LOO KALA FAA'IIDAYSAN WAAYAY.HADAYSAN MEESHU XAL LAHAYN AAN WAQTIGAYAGA QAALIGA WAX KALE KU QABSANEE,MISE HORTAY BAABAD KA WADA TAGTEEN OO MEESHU INAY YARA QAAB QUMANAYN MAR HORAAD DAREENTEN.

WALAAHU WALYU TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaqdoon

Unrecorded Date
Salaaamu Aleykum !
Waa su'aal fiican in la isweydiiyaa waar maxaa loo kala faa'iideysan waayey? Laakiin waxaan anigu u arkaa in wax la kala faa'iideystaa in ay ka bilaabanto isbarasho, so maxaan kaa faa'iideystaa hadaad tahay (ANONYMOUS= unknown). mida kale su'aashaadu maxay tahay? su'aal ha lagaaga jawaabee? waa in qof uun bilaabaa arinta.

Hadda ayno kala faa'iideysano.. ilaa iyo 4 sano ee ugu danbeysayba waxaa isticmaalayey internetka,wuxuun noqday qayb nolosheyda ka mid ah. Arinta sideed u aragtaan? Wadankii ayaan tagay muddo sanad laga joogo, waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ahaa sida ay u fududahay in technology-ada maanta laga faa'iideysto hadii la helo oo qura....? Maxaad u aragtaan arinta ah in la maan guuriyo technologiyada oo aan dadkeenii uga faa'iideyno? maxaa diidaan?maxaa loo baahan yahay? and etc...

Salaamu Aleykum !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cqani deer

Unrecorded Date
C/qaniDeer
Marka hore waxad iga gudoontaan salaanta muslinka oo xambaarsan Naxariista iyo Nebedgelyada Eebe.
Salaantaa kadib hadii aan isku dayo doodan in aan ka qaybgalo Aniga koley waxan u soo jeedin lahaa labda dhinac ee jecel in ay kala faa,idaystaan in ay horta is aflagaadeeyn oo ay isku nasteexeeyaan hadii kankale khaldamo in khaladka layska qabtaana waa arin muhiim ah ogsoonaadana qof aan gefeeyn koonkan dushiisa ma saarna.
Hadii aan markaa usoonoqdo mawduuca aan doonayo in aan kaga qayb galo dhinaca nasteexada marka ugu horaysa aan rabigii ina abuuray raali gelino waxbana aynaan ka hormarin raali galintiisa waayo isaga ayaa xaq mutaystay in la raaligeliyo tan labaad ninwalbaa ha ku fekero sidee ayaad dadka soomaaliyeed ee dhibaatadu ku dhacday ayna tahay mid ay iyagu kasbadeen aynu wax isaga waydiin lahayn sidee ayaynu wax uga bedelnaa cudurada ku dhacayna mayara dawadooduna ma shlana hadii dawada la helilahaana sidii ay jirka ulaqabsanlahayd ma sahlana balcuduradaa hadii aan wax ka sheego
Qabyaalada oo dawadeeda aan odhonkaro wax ay tahy in uu qofku allhii tala saarto lana yimaado caqiido suuban
Jaadka oo runtii halmagaalo oo keliyaa jaadka magaaladaa soo galaa waamagaalooyinka waaweeyne ay kabadan tahay 70,000usdoolar oo ahdii lakaamar lahgtaa meel la dhigi lahaa ay iibin lahayd hal wershe oo ay u shaqa tagaan 30,000 oo qof
iyo tan ugu dambaysa oo ah sideed malyan oo wada madaxweeyne doonaya in yar oo Eebe unaxariistay mooye in taas ayaan ku soo gebegebaynayaa rayigayga koley in aynu ka wada hadalno
SALAANTA MUSLINKA AYAAD KU SALAAMANTAHIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Unrecorded Date
To: maskiin
wallaaal sababta wadaadada wax looga faa'iideysan waayey waxaa waaye.
Wadaadada maanta aan qurbaha ku aragney waa dad ayaga wacdi iyo wax sheegid u baahan, Ma fahamsana nolosha guud oo waxey soo maqleen xadiiska ah
( iga gaarsiiya haba noqotee aayad) markaa ayey dadka wareerinayaan.
sidaa awgeed ayaga ayaa u baahan in wax loo sheego.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Assalamalaykum....

TO MISKIIN

Walaalkiis markan ka hadleyno kala duwanaanta muslimiinta qasab maaha inuu mid qaldanyahay oo lasaxo. Saxaabada way kala duwanayeen.

Hadaad uaragtid qofkii ku qilaafa inuu qaldan yahay,markaa waa mid ka mid ah dhibaatooyinkaa nasoo weydiisey ooaan wax ukala qaadan weeyney

Wasalaam......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim-ama-Walaalkiin

Unrecorded Date
Assalamu alaikum
To: Miskiin iyo dhamaan walaalaha kale ee sida ku faraxsan mawduucan

Walaal aad ayaad ugu mahadsantahay mawduucan aad inoosoo xushay Illaahayna wuu ku waafajiyey.
Waxaan u arkaa inaynu kala faa'iidaysankarno waxyaalo badan sababtoo ah waynu isku da' dhownahay, waynu isku aqoon dhownahay, waynu isku dareendhownahay waxaynu wadaagnaa waxyaalo tiro badan. Anigu waxaan soo jeedinlahaa waxyaalaha aynu kala faa'iideysanaynaa inay ahaadaan kuwo aakhiro iyo aduunba ina anfacaya gaar ahaan kuwo xidhiidhinaya.
Waxaan hadaba rabaa inaan isweydiino: Maxaa iimaanka lagu kobciyaa? Sidee ku ilaashanaa iimaankeena? Meeshan aynu kunoolahay waa meel iimaanku hoos uun u socdo, waa meel iimaanku si degdeg ah ku falaaqo waanaad wada ogtihiin markaa su'aashayda aan rabo inaan iswediinaa waxa weeye sidee iimaanka ku kobcinaa, ilaalinaa inaga oo halkan "Ocean of Pagans" ku nool? Waan la socdaa inay ku cadyihiiin aayado iyo axaadiith laakiin hadana waxaa jira in qof walba oo inaga mid ah Illaahay u furay dariiq ama tajrubo ahaanba ku gaadhay surimo camaliya oo uu ku cusboonaysiiyo iimaankiisa, markaa waxaan rabaa inaan ka kala faa'iidaysano khibradahaas camaliga ah.
Waad ku mahadsantihiin

f.g: Arrinta kale waxaa u arkaa inay asiibtay oo qayb ka sheegtay walaasheen oon ku waafaqsanahay. Waayo waxyaalaha dhexyaala ducaada siday dadka qaar moodayaan maaha Xaq iyo Baadil ee waa Sawaab iyo Khada'. Hadii uu qofku sidaa u fahamsanyahayna wa badan oo dhib ahi ma ka imanayaan.
Tan kale, ee dadka caytamaya waxaa halkaa ka muuqda inaanay wax anshaxa lahayn oo ay baalmarayaan hadalkii Illahay ee ahaa,"WA QUULUU LINNAASI XUSNAA" markaa hadalkoodu wax kasoo qaad ma laha.
Miskiina waxaa xusuusinlahaa hadalkii Allah ee ahaa "WA IDAA KHAATABAHUMUL JAAHILUUNA QAALUU SALAAMAA" inuu xasuusto.
Wa salamu alaikum

Waa
Muslim-ama-Walaalkiin

***hada kahor ayaan kusoo galay forumska labadaa magac

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim-ama-walaalkiin

Unrecorded Date
Assalamu alaikum,

hey hey hey
ANNIGU MA IHI Walaakiin EE KU QORAN BOGGA XUQUUQDA DUMARKA
MA IHI


LAAKIIN HADA KA HOR AYAAN MEEL KALE KU GALAY MAGAACA
Walaalkiin.


IGA RAALI NOQDA IMIKA MARKAAN ARKAY UUNBAAN NAXAY


WA SALAMU ALAIKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adoon Ilaahay

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA.

To: MISKIIN

Run ahaanti ma hadal adki,balse waxa hadalada iga keenay inigoo kuu arka in aadan xaqdoon ahayn,waxaana filaya inaad jeclaysatay ugu danbaynta MISKIINOW in netka dad badan kaaga tagaan,wayo doodna laguma jiri karo waxad soo qortana looma dulqaadan karo.taasna waxa u daliila.

Kow mawaadiicda aad furaysid ma aha kuwo aad la doonaysid in cilmi lagu kala
kororsado ee waa kuwo aad ogtahay waxa ka soo noqon kara.tusaale ahaan labadaadi mowduuc ee ugu danbeeyay.ee ahaa XUQUUQDA GABADHA MUSLIMADA & JIRITAANKA XARAKOOYINKA MA WANAAGBA MISE XUMAAN.midwalba dadka kama aad shaafin ee intaad soo tuurtay bad ka tagtay.waadna garanaysa doodooda in dadka aan diinta waxba ka aqoon aysan ka qayb qadan karin, kuna sii fidnoobayan oo meelaha dadka diinta looga bilaabo aysan ahayn.

Mida labad waxaan kuu arkaa in aysan daacad kaa ahyn in walaalnimo wax loo kala faa'iidaysto,waayo hadba meesha aad u dan leedahay bad qurxinaysa hadii ay kaa hor timaadona waad xumaynaysa oo liidaysa. taasna da'biga ahlu cilmiga maha,waxaana u daliila mawduuci hore ee ahaa EEDAYN, SHOWKAANI RAXIMAHU LAAH WAXUU AHAA NINKAD TASQIIRINAYSAY OO
AAD DALIILKIISA DIIDAYSAY ADIGOO YIRI NIN HEBEL, hadana waxaad tiri AL IMAAM AL SHOWKAANI OO KA MIDA CULIMADA USUULKA.markaa miyaysan ahayn markad xoga ku aragtana waa sheekh markii kalana waa
hebel,see marka lagaaga faa'iidaysanaya ama wax u faa'iidaysanaysa nin meel dhexada oo xaqdoonaba ma ihide.waxaana raacraacaysa hadba meesha ruqsadu ku jirto CULUMADUNA WAXAY DHAHAAN MAN TATABACA
RUKHASA CULAMAA'A TASANDAQA.oo macnaheedu yahay meelaha la fudfudeeyo qofkii raadraadsada diin laawe ayuu noqda.

Mida sadexaad ee ah in cilmi goobta looga baahan yahay,waa runta balse waa haduu cilmi wax anfacaya yahay ee cilmi oo dhan maaha,hadaad mooday inaad
adigu cilmi keentayna,bal ilaah baan kugu dhaariye waxaad qortay fiiri, HAL SANAD MA AADAN KEENIN,INUU SAXIIX YAHAY IYO INUU SAQIIM YAHAY
MA AADAN SHEEGIN,SAFXADA UU KU YAAL IYO KITAABKI MA AADAN SHEEGIN,waxaad kaliyo hal mar tiri AL IMAAMU SHOWKAANI BUUGIISA,RAASHIDIL FAXUUL ILAA TAXQIIQIL XAQI MIN CILMI USUUL,markaa ma cilmi baa la dhihi karaa qof maanta dhan leh sheekhasi
waxuu yiri oo inay sugan tahay iyo in kale sheegin.

Ugu danbayntii anigu mawaadiicdaada noocana inaan kaala doodo diyaar uma ihi,balse hadaad sanadka waxyaabaha aad ku andacoonayso soo qorto waan
soo dabo galayaa,intii ay aqoontayudu gaarto,waxaanse kuugu nasteexaynaya
ninyahow faraha ka qaad mawaadiicda noocan ah,hadaadan ka qaadayna uga
hadal si cilmiyaysan,adigoon cidna kula doodayn ee waxaad kutubta iyo culumada ka soo guurisay sheegaya,iyo sida jamhuuru culumaa'u salaf ay
qabaan,waxaana xaqiiqo ah hadaad saas u soo qorto in aadan arki doonin dad badan oo kulaba dooda ee meeshi xooga kaa hoos baxda laguu toosin doono
cidii kugu dhaanta.hadaysan saas jirin waxaa laguu arki doona nin nasuusta burburinaya,isla markana aysan ikhlaas ka ahayn ee ulajeedoyin leh dadna ay
dhegta wax ugu soo akhriyeen ee aan cilmi iyo xaq meesha la imaan.

GUNAANADKAYGA INAAN KUGU GAFO UMA JEEDO EE WAXAAN
DOONAYA IN AADAN KU SIBQAN ARIN KHATAR AH,OO AAD XUKMISO XUKUN AAN ILAAHAY & RASUULKIISU XUKMIN.MARKA WAA IGA NASTEEXO.

ILAAHAY SIDA SAWAABKA HA INA WADA TUSO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
To:Miskiin jazaakalllaahu khayran walaal aad ayaad u mahadsantahay sida wanaagsan oo aad mawduucyada u furtid,

Intaakadib,walaal runtii waqti yar ayaan joogay forumskaan hadaan ka jawaabo su,aashaadana runtii anigu waxba kama faa,iidaysan, waxaase laga yaabaa qof su,aal maalin raadinyah inaan u jawaabi jiray wixii aanka garanayo, waxaan isku dayi jiray inaan maalinkasta akhriyo mawduucyo farabadan laakiin intooda badan waxkama helin.

Laakiin waxaa jira walaalo farabadan oo aan ku bartay sikastaba deegaanku ha ukala fogaado laakiin forumskaan waan isku naqaan waxaana kamida dadka aan hilmaami karin SH,Miskiin,DrWho,Felis,Ladan Ansaari,iyo dadbadan oo lamida,waxaana jeclaysatay waqtigaan inaan kaharo sidaas ayaana usoo galy mowduucaan iyo inaan idin macasalaameeyo,aynuna is cafino isuna soo ducayno weliba waxaan jeclaan lahaa inaan idinsiiyi cinwaankayga, kulan danbe oo xiiso leh

Walaalayaal hala isoo cafoiyo mawduucyadiinana waan akhrisan doonaa insha allaahu.

Runtii waxaan dhihi karaa dadka eeda u jeedinaya miskiin xarko caaro ayaad ku dhegantihiin waxaana dhihi karaa wuxuu kamid yahay dadka cilmi iyo caqli meesha layimid khayrna waan ku tuhmaynaa insha allaahu siduu dadka ugu faa,iidayayna waan aragnaye bal kan eeda wadoow maxaad qabatay forumskaan dhexdiisa.

Waxaakaloo jeclaan lahaa inaan fariin yar u diro walaalkay Drwho walaal waxaan kaa rajayn hadaad akhrisato maseegkan in hadaad firaaqo u heshid aad ku soo noqoto meelihii lagaaga bartay.
Wasalaamu calykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Walaalayaal waxaan ugu soo noqday ugma bixin keliya inaan anigu faa,iido waayay ee mashquulna waa jiraa,meeshuna haday noqoto meel doodeed runtii waqti dheer ayaa ku lumi.

mida kale talo idin masiin dhinacaan aad ka hadlaysaan khusaysa laakiin bal markale allle haka dhigo hada waxba ma hayee.

wsalaamu calykum
cisman99@usa.net

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
TO:Adoon Ilaahay.
War ninyahow waxaad soo koobiyaysay hadalkii aan u qoray Nabadoon, ee aan ku qoray MAQAALKA SARE EE AH, XUQUUQDA GABADHA MUSLIMADA,markaa ma waxaad doonaysa inaad aniga iyo nabadoon isku sii kaaya dirto,war ilaahay ka baq oo muslimiinta dhexdooda dab ha ka shidin.

Mida kale ma waxaad qorto baad weyday maxaa kugu qasbay qof waxuu qoray inaad maanta dhan soo guuriso oo ku rafaado,war karti darada iska daayo ninyahow wax soo qor. dadka qoraalkodana ha ka xadin,war yaa arkay tuuganimo ka fool xun.war adoon ilaahayow sida isu dhaan.caqligaaga yaraantiisana fiiri maad ka reebtid meesha aan ku sheegay mawaadiicda nabadoon qoray,si bal yara ay kuugu quruxsanato.

To: Dhamaan walaalaha.

Waxa akhyaartu nooga tagtay oo saaxiibken Ismaaciilba hada nooga haajirayo,waa kaas oo kale aan waxna faa'iidaysanay,waxna faa'iidaynay.markaa bal la hadla walaalayal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adoon Ilaahay

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMA.

TO: MISKIIN

Walaale maad wax kale oo ilaahay jecelyahay furtid,maxaa ku dabo dhigay ceebo dad kale kuwaaga ayaaba kugu filane.ilaahay malaa'ig buu u dirsaday tii xuna maanta ikhyaar bay leedahay,barise kitaab baa loo soo saari doona lagu oron doono, (KITAABKAGA AKHRI ASAGAA XISAAB KUUGU FILANE)

Mida kale hadaad gabdhaha walaalaha ah wax u sheegaysid si asluubaysan oo macaan ugu sheeg,khaladaad haday jiraana raaci waxa xal u ah oo u faa'iide ee yaysan kaa noqon si qalooca.

To: Gabdhaha walaalahena.

Walaalayalow idinkoo dumarka difaacaya wiilka walalkiina cirdigiisa iyo qofnimadiisa meel ha uga dhicina,ilaahayna ka baqa,ogaadana dumarku nooc
kasta way leeyahiine,balse waxii ceebana in la asturaa fiican,waxii wanaagana la isku booriyo.

IGA RAALI AHAADA BOGAGAN KAMA QAYB QATE DADKA KALA DHEXGAL BAN IS IRIYE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM WARAXMA.

TO:Ismaaciil.

Yaa akhii Jazaaka laahu khayran.Runtii intii aad netka dhex joogtay wax badan baad aniga ii faa'iidaysay ilaahay ha kuu saaro miisankaga xasanaadka.walaalow inaad naga tagto ma jeclayn,oo waxaan is lahaa dadka halkan soo booqda ha u faa'iideyo,balse hadaad go'aansatay markaad doodahan faraha badan aragtay inaad ka yara gaabsato,waa sida anigaba qalbiga iiga jirta,xaqiiqadiina wax badan kaa danbayn maayo.ana inaan dhawaan ka baxo baan rabaa,waxaan filaya walaalaha kale inay sii wadi doonan aqoon kala faa'iidaysiga,iyadoo la is xushmaynayo la isna qadarinaayo,ee aan la isku calool xumanayn,qof walbana u faa'iidayn doono qofkuu wax ku dhaamo.

WALAALOW ISMAACIIL ILAAHAY DARTI BAAN KUGU JECELNAHAY,MAR WALBANA WAAN SOO XASUUSAN DOONA CASHARADAADI QAYMAHA LAHAA,WAXAAN FILAYAA SI DEGDEG AH INAAN E MAIL KUUGU SOO DIRI DOONO.ASXAABTADA OO DHANA KUU SOO DIRI DOONAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adlee waaye

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.

To: MISKIIN

Walaal soo dhawoow nagala soo qayb gal mowduucyada diiniga ee cilmigaa,hadaad nagu soo biirto.walaal labo shardi daf dheh oo naga hoo.
1- waxaad soo qorayso cilmi ha ku salaysnaadeeen.
2- aflagaado,cay & si xun wax u turjun waa naga reeban yahiin, why inaan wax kala faa'iidaysano baan soo doonanay ee inaan cid isku danbaabno ma aanan soo doonan.
Hadaan u soo noqdo hadalkagi YAASMINE xadiiska aad noo sheegtay EE AH NABIGA SCW INUU YIRI WAXA WANAAGSAN KIINA MIDA KU EKAADA.waxaa noo sheegta meesha uu ku qoran yahay iyo xadiiskaasi inuu
ansaxay iyo in kale.
Hadaad daliil u weydo oo keeni waydo si degdeg ah uga codso somalinetka inay meesha uga tiraan kana toobad keen si aad u degdeg badan, why waa khatar
weyn NABIGA SCW waxuu yiri QOFKII IGU BEEN ABUURTA NAARTA BOOSKII UU KA DAGI LAHAA HA U SII DIYAARGAROOBO.( XADIISKAAN WAA MUTAWAATHIR, MACNAHA SAXAABO 70 KA BADAN BAA WARISAY WAANA SAXIIX) waana shay khatar ah in la iska dhaho nabiga scw ayaa saas yiri iyadoo dalil lo haysan.
Mas'alada labaad ee dhaqanka dumarka,qof walba dabeecadiisa rabi baa garanaya,mana aha inaad wadaadada kaliya ku eedayso,maxaa yeelay wadaad
waxaa ah qofkii diinta alah barta kuna dhaqma ee magac & dhar la gashado midna maaha, qofkii diinta alah ku dhaqmayana asagaaba dadka ugu wanagsan
oo cay ma leh.
Mida hadalkaygaa hadaan kuu jilciyo waxaan uga jeeda HAWEENAYDU HADAY WAX SHARCIGA ALAH KHILAAFSAN LA TIMAADO YAAN HADALKEEDA LA RAACIN EE KAN RABI HA LA RAACO. WHY MASLAXADA RABI BAA GARANAYA EE AYADU WAA ADOON YAR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu caleykum

Ku: Ismaaciil

Walaal anniga shaqsi ahaan waa ku tabi doonaa!. Waxaan kuu rajeynayaa Kheyr meel kasta ood joogto kuna farayaa cabsida Eebe!
Balse inkastoo lawada mashquul san yahay bal marmar meesha cagta soo mari oo nasoo salaan!

Ansaari

_____________________________________________



Ku: Miskiin

Walaal waad ku mahadsan tahay mowduucan, balse waxaa aad ugu batay dad iska hadlaya oo wixii maankooda soo gala qoraya uun. Waxaad moodeysaa in aaysan malaha rabin RUNTA & XAQA! ee aay uun ka helaan is-xagxagga iwm.

Annigu runtii waan ignore-gareeyey wixii san ayaan inta ka aqristo isaga tagaa!. Waayo dadku dad faa'iido doon ah maahin ee waa DOOD doon!

Wa salaamu caleykum warxmatullaah

Ansaari!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALTAWAKAL

Unrecorded Date
To mikiin iyo walaalaha kale.
Walaalayaal waxaad iga hantidaan salaanta islaamka ASALAAMU CALAYKUM, salaan bacdigeed maxaa u diiday walaalaha in ay fahmaan su'aasha sida ay u tahay ee hadba meel loogu dhacayaa aniga waxaan aqriyaa doodiina maran arko in la kala haybaysanaayo oo laga qaadanaayo qofba waxa uu dheeryahay walaalkiisa kale.Ee aan ku si fawnay Xadiiskii rasuulka SLCW oo micnihiisu ahaa dadka waxaa ugu fiican midka ka dheeraada dooda iyo hadalka midkiisa laqwiga ah waxaa kale oo jira in nabigu sscw yiri dooda katag hadaa rabtid adigu xaqa ku taagnoow, marka waxa anig iga nasteex ah in aan kafaaiidaysano waqtigeena in aanala xisaabin.

WAXAAN DIIN SOO GUDBIAYAA MAWDUUC LAMAGAC BIXI DOONA HADII ILAAAHAY IDMO HADA KA BACDI (XIGMADA ASBUUCA) EE LASOCDA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

Walaal Miskiin Allaha kaa abaal mariyo mowduuca qiimaha badan eed furtay. Walaal waa wax naxdin leh oo laga naxo in anagoo maanta heysana aaladan uu Allaah inoo sakhiray oo aan ooga faaiideysan karno waxyaabo fara badan aynaan hadana kala faaiideysanaynin oo waxaan kala faaiideysanay ay noqotay doodii iyo murankii uu Nabiga (scw) inooga digay.
Kolay waa ayaan daro laakiin maŽaha in la caajiso oo netka looga baxo dadka u taagan aflagaadada iyo ceebaynta dadka dhowrsoon iyo guud ahaanba in ay dadka wakhtigooda qaaliga ooga lumiyaan wax aan faaiido lahayn.

Waxaa naxdin leh in aad leedihiin adiga iyo walaalahaan khayrka u daninayaba waan iska dhaafaynaa inaan ka qeyb qaadano mawaadiicda netka, waxaan idin oran lahaa yaad ooga tageysaan NETKA yaa u jawaabaya dadka ceebaynaya Islaamka iyo muslimiintaba? Yaa gudanaya muhiimadii aduunka uu Ilaahay inoo keenay ee waliba uu umaddan Nabi Muxamad ah khaaska ooga dhigay.
Xasuusta aayadii Ilaahay ee macnaheedu uu ahaa "Waxaad tihiin umad tii ugu khayrka badnayd ee loo soo saaray dadka, wanaaga ayaad fartaan dadka xumaanta ayaad ka reebtaan Ilaahayna waad rumayseen ....."

Marka walaalayaal waxaa iga naseexa ah in aynaan firaaqaynin Netka ee aan gudano muhiimadii naloo soo saaray iyadoo lagu gudanayo hab xikmadeysan oo akhlaaq ku dheehan oon xadgudub lahayn lagana fogaanayo muranka.

Walaashiin Deggan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum somaliyee
maskiin walaalkiis waan so dahay ayaan u maleynayaa. i hope dadka aad arintan ugula jedid in aan aniga ka mid aheyn, although maalmo badan muran kugu wareriyay inkastoo ay aheyd muran diini ah.

Walaal maskiin mowduuca aad furtay waa mid aad u wanaagsan oo faido noo leh, but su'aashu waxey tagantahay yaa ku dhageysanaayo ninba tiisa ayaa u cad. Anigaba waan yabay oo afkii ayaa juqda gabay. Wayihii hore forumska waan u so hilobi jiray balse hada dad badan ayaa I necbeysiyay. Runtii dad naga nasiib badan oo haysta meel ay wax ku kala faideystaan way yartahay, anagana sidii nalagu yaqiinay hadii aan somali nahay ayaa waxaa laga dhigay goobta ha iga soo ag dhawaanin oo kale.....
mid ayaan bartay somali hadii aan nahay taa cebteena ma'aha oo waa cadadeena, wixii wadankeena u babi'inay waa iska dabeen la'aan, muran, cay, cadaalo daro & aflagaado, tiina waan wadnaa wali dikteytarnimo dii.

Waxaa wanaagsan in la iska dayo anigu un aan sax sanaado oo lo ogolaado qofka walaalkaaga ah garta haduu kaa gar ley'yahay, hadi kalena in aad iska daayso ka qeyb galida doda, mise A particular mowduc, hadii aad walaalkaa mise walashaa is af garan weydeen. Dikteytarnimadana in la iska dhaafo waa tii na rogtee oo na dhigtay banaan cad.

Deggan yaa ukhti muslim si wanaagsan ayaad u hadashee Alle ajar ha ka siiyo. walaal si logu adkeysto ayaa iska yar hadii la wado cay & aflagaado sida ka socota qeybta womens forums. ee Alle ceebta ha asturo.

waa iga intaas wacalaykumu salaam somaliyee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ASMO

Unrecorded Date
TO:Miskiin

Walaal waad kumahad santahay mowduuca aad ka hadashey Illaaheyna waxaan kuu weydiinayaa in uu kuu naxariisto Aduun iyo Aakhiraba kuna sugo marwalba. Walaal waxaan dareemayaa in marwalba aad isku dayeyso in aad kheyrka ka shaqeyso islamar ahaantaana aad jeceshahay in dadka ay ku mashquulaan wax Aakhiradooda iyo Aduunkooda kheyr ugu jira. Ogowna walaal dadka iskumid ma,aha.waxaan kuu dar daarmayaa sabir iyo in aad sii wado kheyrka

walaashaa ASMO
Wasalaamu caleyklum waraxmatulaah!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.