site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ANOTHER OPPORTUNITY

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Mar. 13, 2001): ANOTHER OPPORTUNITY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, February 22, 2001 - 09:50 pm
Asalaamu Caleykum

Waxaad tiraahdaan ALXAMDULILAAH, ku mahadiya Alihii fursada idiin siiyay mar kale in noloshiina soo marto ayaamo qaali ah oo dadka intooda badani hilmaan iyo cayaar ku dhaafto. Waxaa fooda nagu soo haya tobankii casho ee bisha DUL-XIJA ugu horeeyay kuwaasoo kheyr badan ku soo arooray. Ilaahey wuxuu kala fadilay qarniyada/sanadaha/bilaha iyo ayaamaha. Ma jiraan ayaamo ka fiican todankaan bari camal la suubiyo kaasoo Ilahey loogu dhawaado ilaa markii laga reebo habeena leylatul qadarka ah ma ahee. Waxaa haboon qofkii fursad u hela in uu badiyo acmaasha laga yaabo sanad dambe inaadan gaarin oo Ilaahey uusan ku waafajin ee hada ka fara qabso.

Waxaa la sheegay in ay fiican tahay in wax walba oo Ilaahey loogu dhawaado la suubiy laguna dadaalo ayaamahaan gaar ah sida sunnada ku soo aroortay. Salaad, qaraabo xiriirin, duco, tasbiix, tahliil, takbiir iyo soomida maalinta sagaalaad ee ay xujedu taagan yihiin carafo.

Ilaahey fursada qaaliga ah na siiyay yeynaan ku khasaarin, xajka ayaan ka gaabinay ee tan yeynaan ka gaabin.

Wabilaahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslima

Saturday, February 24, 2001 - 04:13 pm
Assalaamu caleykum.
Waa waano wanaagsan walaal,jazaakalah kheyran xusuusintaada.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.