site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dumar Adduunka

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Dumar Adduunka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Walaalkeen Nabad-doon ayaa wuxuu furay aqoon isweydaarsi ku saabsan xuquuqda dumarka Muslimka ah gaar ahaan xagga shaqada iyo madaxtinimada. Bogga doodaas waxaan weydiiyay su'aal aan ku hubsanayay in ay isku macno yihiin SINAAN iyo ISKU MID. Halkan waxaan jeclahay in aan ugu gogal xaaro ama ay hor dhac u noqoto sharax aan ka bixin doono Haddii Ilaahay Idmo macnaha labada erey ee SINAAN iyo ISKU MID ahaanta ragga iyo dumarka marka laga eego dhinaca DIINTA ISLAAMKA.

Si aan u fahanno macnaha SINAAN iyo ISKU MID ahaan waa in aan helno taariikhda iyo xaalka waxa la miisaamayo.

Weligood dumarku waxay lahaayeen dhib u gooni ah. Umadihii ugu horeeyay ilaa iyo maanta dumarku mar walba waxay ahaayeen "qof aan dhamayn" ama sida dadka qaarkiis ku maahmaah "balo aan laga maarmin."

Carabtii hore markii gabar u dhalato waxay ula mid ahayd in adduunkiisii gaddoomay. Xitaa xumaynta dumarku waxay gaartay in Malaa'igta Ilaahay lagu sheego magacyo dumar. Gabadha waxaa lagu aasi jiray nolosha oo sheekadii Amiirkii Mu'miniinta Sayidnaa Cumar Ibnu Khitaab baa nooga filan. Sayid Cumar Ilaahay Ha Ka Raali Noqdee wuxuu noo sheegay in uu aasay gabadhiisa oo nool oo weliba garkiisa la ciyaaraysa.

Bari iyo Galbeed dhinacaad fiiriso dumarka waa lagu liidaa weligoodna waa lagu liidi jiray. Qarnigan bilawgiisii ayay dumarku ka gilgisheen dar xumada lagu hayo. XORIYADDA dumarka ayaa dhaqdhaqaaqoodu bilowday. CODKAADA ayaa reer galbeedku maqleen. Afartan sano ka hor ayaa loo ogolaaday in ay doorashada ka qayb galaan waxaa kaloo loo ogolaaday in ay DHARKA iska dhigaan.

Halkee buu gaaray XORIYADDA dumarka reer galbeedka ee maanta? Bal ila fiiri:

1- Guurka 1000 qof
* Denmarka 6
* Finland 5
* Germany 5
* UK 7
* USA 10
2- Hooyo aan la qabin
* France 35%
* USA 31%
* UK 32%
* Denmark 47%
* Canada 27%
* Sweden 50%
* Germany 15%
3- Ilmaha oo la dhiciyo sanadkii (Abortion)
* Russia 4.5 million
* USA 1.5 million
* Japan 500 kun
* Italy 150 kun
* Germany 200 kun
* France 160 kun
* UK 200 kun
4- Mushaarka
$1 ragga
$.65 dumar

Xaaladda dumarka Adduunka reer galbeedku waa taa.

Waxaan isku deyi doonaa Haddii Ilaahay Idmo in aan fiiriyo xuquuqda dumarka iyo DIINTA Islaamka iyo macnaha SINAAN iyo ISKU MID.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marwaan

Unrecorded Date
"Carabtii hore markii gabar u dhalato waxay ula mid ahayd in adduunkiisii gaddoomay. Xitaa xumaynta dumarku waxay gaartay in Malaa'igta Ilaahay lagu sheego magacyo dumar. Gabadha waxaa lagu aasi jiray nolosha oo sheekadii Amiirkii Mu'miniinta Sayidnaa Cumar Ibnu Khitaab baa nooga filan. Sayid Cumar Ilaahay Ha Ka Raali Noqdee wuxuu noo sheegay in uu aasay gabadhiisa oo nool oo weliba garkiisa la ciyaaraysa."

Waa maxay macnaha aad ka wado ereyadaan aad soo qaadatay? maxaa ka danbeeya oraahdaada? Ma intaasay ku ekaatay xiligaa ka dib ay dadka aad carabta ku tilmaamayso amaba uu ku jiro tusaalaha aad soo qaadatay "AMIIRUL MU'MININ CUMAR RADIYALLAAHU CANH" maxaa hadday daacad kaa tahay uga hadli wayday Jaahiliyada ka dib meesha amaba qiimaha uu gaarsiiyay ISLAMKA dumarka. Mase ogtahay inta uu xuquuqdooda uu ilaaliyay Cumar ibnu Khadaab gabdhaha muslimiinta. Mase ogtahay qurun yahow wasakhda ahi inuu Cumar Radiyalaahu canh in uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee sameeyay "Welfare System" inuusan seexan jirin isagoo og in qof Muslim ah oo gaajeeysan uu jiro. Shaydaanka weligii jid uu Cumar marayo ma marin, markaasaad waxaad tusaale u soo qaadanaysaa ficil uu suubiyay intuuna Diinta sharafta leh uusan maqal. Ilaahay ha ku cadaabo nolol iyo duniba meeshaad joogtid qurunyahow eeyga ah farahaaga najiska ah ka leexi Imaamadeena.

Ninyahow Ilaahay hanoogakaa filnaado, weligaa hadaad wax kasta oo doontid ku qortid meshatan Islamka sidaa kuma aad ceebayn kartid. Qurun adigoo kale oo baqdin ay u keentay inuu ku dhuunto shaashada gadaasheed, hadaanan awood aadan u lahayn inaad fool aad nagula kulanto, Ilaahay baa kugu filan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saida

Unrecorded Date
Marwaan, walaalo maa wax hubsatid. Walaalkiin sheego ayuu bilaabay weli socota, ahmiyadiisan waxaay tahay inuu kal saar xigmadda ka dambese Sinaan iyo Isku Mid.
Walaalkiin ma oran Omar Bin Al Khadaab taariikhdiise baan qoraya ama casri jahili baan ka sheegeynaya. Sheegadaan waxaa ka hadlayyesa sida Sinaan iyo Isku Mid ee uu kale duwanyihiin.
Alla wanaagsan lahayd haddi aan wax hubsano intaan meel cidla ah seefta oo la boodeeno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
MARWAAN waad fududaatay baan is iri,ee u yara kaadi,inta uu SHEEKHA inoo dhameynhayo sheekadiisa oo ha noqon masugto meherlaay,,marwaan bal u yara kaadiyoo wada akhri waxa uu wadaadka soo qoray,,,,,


KU WALAALKIIN;walaalkiin ha isku daalin u jawaabka kuwa miirka yar ee kanoo kale ah ee isagoon hubsan durbadiiba seefta iskala boodayo ee waqtigaaga qaaliga ah ee waxbadan aad ummadda islaamka ah aad u faa'iideyn laheyd baa ku dhummayo iyaga qancintooda iyo saa maahee waa sidan inta aad la gureyso baa wax badani looga fa'iideysan karay,,,marka waqtigaaga muhiimka ah ha ku lumin la jaqjaqleyn kuwa wax ma garata ah ,,,ee aad mooddo muran laba lugood loo sammeeyay, jaqjaq afweyn loo sameeyay,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
ku:walaalkiin

walaale waxaan filayaa in sheekadaadu sii socondoonto sida aad adiguba ballan qaaday, tan kalena waxaan filayaa in arrinku yahay faraqa u dhaxeeya sinnaan iyo isku mid ahaansho.
waxaynu isku dayi doonnaa inaynu la soconno doodaadan (Haddii Alla idmo).

Tusaalaha ku saabsan Amiirul mu'miniin Cumar bin alkhataab arrinkan marka uu samaynayay ma uusan ahayn muslim, iskaba daa amiire, sidaa darteed waxaa waajib ah in hadalku aad u cad yahay, oo la yiraahdo ( .... Cumar bin khataab markii uusan helin nuurka islaamka iyo hanuunka Rabbi (SW), iyo weliba cilmiga qur'aanka , waxaa uu ahaa nin ay saamaysay jaahiliyaddii carabta ka jirtay bal adduunka ka jirtay, sababtoo ah arrinkaan aasidda gabdhaha iyo xaqiraaddaba ma aysan ahayn arrin ka yimid dhanka carabta, ee waa mid ay ka soo guuriyeen ilbaxnimooyinka deriska la ahaa, waa arrin ka soo jeeday tafsiirka qaladka ah ee laga bixiyay xaawo (xaaskii Nebi Aadam (AS), oo ay ku tilmaameen inay tahay qofkii sababta u ahayd in jannaada laga soo saaro ragga. Sidaa darteed waxaa nagu waajib ah in marka arrihan laga sheekeynayo inaan la oran amiir cumar waxaa samaynayay sidaa iyo sidaan ...., sababtoo ah waa arrin la daba rogay oo qofkii jaahil ahba si xun u fahmo taariikhda islaamka.
waadna ku mahahsan tahay walaakiin.

ku: marwaan

walaale bal xoogaa yara deg, oo yara hubso, una nasteexee walaalkaa, sidoo kalena waxaad ogaataa in aynu aad ujecel nahay Cumar ibnu alkhataab, isla markaana aannaan raalli ka noqon in lagu xadgudbo cirdigiisa iyo sharaftiisa.

Alloow na caafi

walaalkiin

Nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Unrecorded Date
Horta meesha???

Ma waxaan la maqli karin WALAALKIIN oo wuxuu yiraahdaba laga didayaa? mise waa qalad wuxuu qoray?

Haddii uunan warkiiba dhamaan sidee lagu garanayaa innuu qaldan yahay waxa uu qoraayo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samadoon

Unrecorded Date
to:Marwaan
walaashiis xadgudubkaagu ku ma sina walaalkiin ee anagoo dhan baad noo gaftay waayo waxaad khalkhal
galinaysaa kala faa'iidaysiga ummada soomaaliyeed
oo bogaan ku kulanta wax haba yaraatee meel ku dhac diinta ku ah ma uu oran,marka adoo gabar ah
marna islaanimo sheeganaya in aad saas u caytantid ma fiicna sidaa darteed waxaan kugula talin lahaa in aad walaalkiin raali ahaw tiraahdid anagana intaas baa dhinac noo ridda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaah

Walaalayaal waxaad la yaaban tihiin Marwaan, si markaan u fiirino waa wax dhici kara inaad la yaabtaan yacni inuu muujiyey Marwaan naceybka uu u qabo hadalka uu leeyahay Walaalkiin si kale hadaan u fiirinana waxaa dhici karta inaad tiraahdaan wuu asiibay.

Sababta waxay tahay WALAALKIIN wuxuu qoray dhowr mowduuc oo uu ku ceebaynayo dad muslimiin ah waxaa ka mid ahaa mowduucyadaas WAXAAN AHAY YAHUUDIYED EE XISHOOD iyo MUJAAHID, labadaas mowduucba wuxuu ku ceebaynayay dadka muslimiinta ah waliba dadka uu ceebaynayo ama uu wax ka sheegayo waa dad uu ku tilmaamay inay sunnada si fiican u haystaan oo hadyigii Nabigana(scw)ku taagan yihiin. Markaasuu maantana ku soo qorayaa Forumka wax uusan faahfaahinin, marka walaalayaal wey adag tahay in la rumaysto wixiisa oo layiraahdo halasugo aan aragno wuxuu gadaal ka sheegee, waana tuu Nabiga (scw) xadiis ku lahaa Mu´minka hal god laba mar lagama qaniino. Waxaynu ognahay in netkan qof kasta uu soo galo inkastoo uu Ilaahay balanqaaday inuu ilaalinayo diinkan haddana waa waajib na saaran anaga hadaan nahay muslimiin inaan ka difaacno wixii isku dayaya inay wax u dhimaan diintan iyo ahelkeeda ilayn hadii dadkii ku dhaqmayey diintan wax laga sheegay maxaa u haray diintan.

Walaalayaal Marwaan Allaha ka cafiyo haduu si kulul ula hadlay Walaalkiin, laakiin waxaan leeyahay walaalkiin iyo qoraaladiisa hala iska ilaaliyo waayo waxay khalal galin karaan dadka aan si fiican diinta u fahamsanayn amaa qof uu Ilaahay fahamsiiyey diinkiisa waxba kama qaadi karo, intuu Ilaahay hanuun ugu tala galay waa hanuunayaan intuu baadi ugu tala galayna waa baadiyoobayaan DIINTA ISLAAMKANA WAA MID CAD OO LA FAHMI KARO aynu xasuusano aayada macnaheedu uu ahaa "XAQIIQEE WAYNU U FUDUDEYNAY QUR´AANKA SI LOOGO WAANTOOBO(INUU QOFKU FAHMO WIXII DAN UGU JIRA AAKHIRO IYO ADUUNBA) EE MA JIRAA MID WAANTOOBAYA(QOF KA FAAIIDEYSANAYA OO RABA LIIBAANTA ADUUNKA IYO MIDDA AAKHIRO)"

Marka Walaalkiin waxaan ku dhihi lahaa ha is daalinin ee Ilaahay u toobad keen oo dib u fiiri waxaad qortay (mowduucyadaaada oo dhan)hadaadba daacad tahay.

Walaashiin Deggan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO: Deggan

Walaal waad ku mahadsantahay sida naseexada ku jirta ee aad ula hadashay ninka la magac baxay Walaalkiin. Waxaan akhriyay dhowr mowduuc oo uu ku ceebeynaayo dadka ku dhaqma diinta Islaamka. Isaga iyo kuwa lamidka ahba Allaah hasoo hanuunsho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
Diinta ehelkeeda ma ku sheegi karnaa cabdulaahi bin salool walba iyo subaaci miiran ,,diinta iyo ehelkeeda ma ku sheegi karnaa nin waloo soo xidhay surweel gaaban iyo cimma casaan ah? diinta iyo ehelkeeda ma ku sheegi karnaa ABAAJAHAL IYO ABAA LAHAB? Diinta iyo ehelkeeda ma ku sheegi karnaa mid walboo al itixaad iyo al khawaaniid ah? in loo macneeyo waa tahay loo kala sheego ummadda kuwa ku adeeganaya magaca diinta eebahay,,,ANIGU qof ahaanteey qoraalada WALALKIIN kumaanan arag wax wax u dhimaya miqadasnimada diinta islaamka,,,ee waxa wax badani aan ka dhadhamiyay inuu ka hadlayo kuwa badan ee aqraad dunyawi ah ku gaarayo inuu ku qaadaa dhigahay qoraaladiisa iyo qalinkiisa,,marka ninwaloow ama gabar waliba ee danteeda gaar ahaaneed ama dunyawi uu ku duulaanka yahee ka dhiidhi,,inlee munaafiq waa lagu yaqaan dan iska dunyawi ah ama xisbi gaar ah uu u dumayo,,,,,

ITAQUU RABAKUM XEETHA MAA KUNTUM,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Unrecorded Date
Ninkaan waa la ogaadeay!!

Markii hore waan ku jiray aniga dadka daafacaayey, ninkaan labaxay WALAALKIIN ,laakiin hadda ayaan ogaaday ninkaan, wuxuu iska dhigay nin sheekada rabo inuu sii wado, laakiin markuu "Amiirul mu'miniin Cumar bin alkhataab" duray oo uu dantiisii gaaray ayuu iska tagay , oo dadka ayuu isaga dhigaayey innuu sheeko soo wado laakiin durriinkaas kaliya ayaad u socotay miyaa????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu ala ikum.
Walaalyaal salaanta silaamka kadib runtii waxaan ahaa dadkii dhibsanjiray mowduucyo badan oo leeyahay WALAALKIIN LAAKIIN WALAALAYAAL HA XADGUDBINA allaah ka cabsada qofku waa gefi karaa in badan oo saxana waaleeyahay wixiinu waa Bismilaahi goortuu dhaho booba kabihiina.
bal maxaad ku eedaynaysaan waa runtii oo qisada qofwalba ayaa soodaliishada waana wax jira Cumar ibnu khAdaabna ceebayn kuma aha isguna wuxuu ukeenay islaamku siduu u wanaajiyay ayuu sheekada ku keenay yaa diidayaa in lasoo daliishado.

walaalayaal Walaalkiin wixii xumaana waan u sheegaynaa wixii sax ahna waan ka qadanaynaa.

TO: Walaalkiin walaaloow ogow inta la isa saxayo ayaa caano lawada dhami karaa marka wixii wanaaga ajar allaah hakaasiiyo wixii gef ahan allaah hakuu dhaafo.
asalaamu alaiykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ilaahayow kaa magan...Ilaahay kaa magan in aan aflagaadeeyo Asxaabtii Rasuulkaagii Suubanaa Calayhi Salaatu Wa-Salaam. Ilaahay kaa magan in aan Faruuq Cumarkii Xaq adkeeyay aan laaco. Ilaahay kaa magan...Ilaahay kaa magan.

Ma filayo in aan xumaan qoray markii aan xusan xaaladda dumarka carabtu ku jireen Islaamka ka hor. Goobta oo yar iyo wakhtiga oo ciriir ah ayaan ku soo koobay sidan:

"Gabadha waxaa lagu aasi jiray nolosha oo sheekadii Amiirkii Mu'miniinta Sayidnaa Cumar Ibnu Khitaab baa nooga filan. Sayid Cumar Ilaahay Ha Ka Raali Noqdee wuxuu noo sheegay in uu aasay gabadhiisa oo nool oo weliba garkiisa la ciyaaraysa."

Ilaahay Ha Ka Raali Noqdee Sayidkaygii Faruuq Cumar Ibnu Khataab marna muusan qarin siduu uga xumaaday uga shalaayay iyo tiiraanyadiisii ficilkaa uu sameeyay. Anna waxaan u soo qaatay tusaale sida Isalaamku u bedelay qalbiga ninkaa weyn iyo in ay tahay sheeko taariikhi ah oo caan ah. Ilaahay baanse ka magan galay in aan u gafo Asxaabtii Nebigeenii Suubanaa (SCW).

Qoraaladayda waxaan ugu talo galay in aan naftayda ku baraarujiyo ciddii akhrisatana ay dareenkiisa kiciso. Waxaan nahay umad marin habowday oo meerto ku jirta. Waxaan raadinayaa sidaan uga bixi lahayn diiradduse iima qaban.

Haddii aad dhibsato waxa aan qorayo raali noqon. Haddii aan gafo i tilmaan ii sheeg meesha aan ka leexday. Haddii ay tahay arrin ama mas'alo ku salaysan Kitaabka Ilaahay iyo Sunadii Nebigiisa (SCW). Haddiise ay tahay rayi soo gudbi waa dhagaysan waajibse iguma aha in aan qaato.


Ilaahayow Magantaa...Ilaahayow Noo Naxariiso.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.