site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

QAYBTAN ISLAAM XURMAY U BAAHAN TAHAY!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): QAYBTAN ISLAAM XURMAY U BAAHAN TAHAY!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMA.

Akyaarey waan idin salaamay dhamaanitin.
Salaan ka dib.qaybtaan aan joogno ee islaam xurmo dheeri ah bay u baahan tahay,waayo waxay huwan tahay magac aad u qaymo badan,oo ilaahay agtiisa waxa kaliya ee laga ogol yahay ah.
ALAH WAXUU KITAABKIISA KU LEEYAHAY(INA DIINA CINDA LAAHI ISLAAM) oo macnaheedu yahay diinta kaliya ee ilaahay agtiisa laga ogolyahay waa islaam.markaa waxaan kula dardarmi lahaa walaalaha ka qayb qaata.
1-Markaad wax ku soo qoraysan,ILAAHAY uga xishooda waxa aad ku soo qoraysan.
2-Waxa aad soo qoraysan IKHLAAS ku soo qora si ILAAHAY dadka u galiyo.
3-Cilmi ku soo qora maxaa yeelay jahligu waxuu fasaadinayo ayaa faro badan.
4-Iska sug daliilada aad soo qorayso waxaa jira kuwo badan oo daciifa ama been abuurasho ILAAHAY IYO RASUULKISA,markaa ka taxadar dadku waxay yiraahan saas iyo saas inaad tiraahdo.
5-Ka dooro mawaadiicda faa'iidada leh kuwa dooda iyo is qabqabsigu ka imaan karo aana faa'iido badan dhalin karin.
6-Difaac sharafta iyo karaamada walaalaha muslimiinta si ilaahay karaamadaada u ilaaliyo.
7-U nasteexe qofkaad aragto inuu khalad ku socdo ee ha ku sii dayn.

Akhyaarey way faro badan yahiin qaybtan ISLAM xurmada iyo tixgalinta ay u baahan tahay,waxaanse ku soo koobaya intaas,qofkii ku dari karana waa u furan tahay si looga faa'iidaysto.

WAXAAN JECLAHAY DHAMAAN WALAALAHA INAAN IS CAFINO,ILAAHAYNA HA NOO DHAAFO SIMBIRIRIXASHADEENI,MA JIRO BINI'AADAN AAN GAFAYN BALSE KUWA GAFKOODA KA SOO NOQDA WANAGSAN,ILAHAY KUWAAS HA NAGU DARO,WAXAAN JECLAHAY INAAN NETKA KA DHEX BAXO,HADUU RAXMAANKU NAFTA IIGU KAADIYOSE WAXAAN JECLAHAY INAAN KA QAYB QAATO BARNAAMIJYADA RAMADAANKA SOO SOCDA,WAXAAN JECLAAN LAHAA DHAMAAN INAAS ISA SOO CAFINO.

AKHYAAREY MACASALAMA IYO KULANTI DANBE RAMADAANKA HADII ALAH IDMO.

WASALAAMU LAAHI CALAYKUM WA RAXMATUHU WA BARAKAATUHU.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date

Magaca ISLAM waa magac huwan xurmo iyo barako gooni ah, ninikii ALLE (swt) garansiiyo ayaa garta!. Ka qaybqaadashada mowduucyada ISLAM waan in la dhowro Aadaabtooda iyo xaqdhowrkoodaba.

Waa in qof walba uusan galin ama furin baab uusan cilmi ulaheyn ee waa in uu dhowraa oo sugaa dadka cilmiga u leh iyo waxa aay ka qoraan. Ogoow isaga dhexdhaca iyo ka hadalka baab SARE oodna cilmigiis laheyn in uu kuusoo jiidayo dambi weyn.
Midda kale waa in la isxurmeeyo la iskuna nasteexeeyo. Basharbaanu nahay waanu khaldami karnaa, markaa kaana khalad sameeyo haloo nasteexeeyo weliba si wanaag iyo asluub kujirto.


Ku: Miskiin!

Walaal talo fiican ayaad na siisay! Jazakalahu kheyran!. Inkasta oo lawada mashquulsan yahay haddana akhii Illaa iyo rabadaanka waa nagu dheertahay ee bal haddii Illaah idmo marmar meeshan "ISLAM" cagta soo marmari!
Kheyr baana kuu rajeynayaa!

-Ansaari-

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Walaalayaal sida ay inoo sheegeen labadii walaal ee iga horaysay,waxaa aad iyo aad muhiim ah inaan ka fekerno mawadaadiicda aan soo qorayno iyo jawaaabaha aan bixinaynaba,waayo ma wanaagsana inuu qofku mawduuc u furo kaliya inay dood keento,ama laysku qabqabsado,dood aan cilmi ku dhisnayni waa waxa soomaaliyeey aasageen inaga reebay,ee aynu wakhtiga wax fiican uga faa'iidaysano.
To Miskiin.
Akhii Ilaahay ha kaa abaal mariyo sida aad noogu faa'iidaysay,iyo mawaaadiicda xiisaha leh ee bilawdayba.
Hadii firaaqi hesho,sida walaalkeen Ansaari ku yiriba bal meesha ka soo wardoon.
Inkasta oo lawada mashquulsanyahay,hadana akhii netku waxay ka mid tahay meelaha dacwada laga faafin karo,ee taana xisaabta ku darso.
Walaalkaaga Islaamka Abdalla(Denmark)

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.